Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Ergayga Arimaha Caafimaadka iyo Nafaqada

0
Tuesday April 02, 2024 - 16:53:42 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabay Ergayga Arimaha Caafimaadka iyo Nafaqada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaakula dardaarma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaakula dardaarmay Ergayga gaarka ah in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta. Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada. Dr. Cabdirashiid wuxuu leeyahay qibrad u sahli karta in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka. Dr. Cabdirashiid Jiley waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, waana saaxiibka dhow ee Axmed Madoobe iyo Xamza Barre, waxaana laga soo doortay Jubbaland. Ninkaan ayaa ah siyaasi degan, aqoonyahan ah, kana mid ah siyaasiyiinta dejisay qorshaha uu xukunka isaga joogo Axmed Madoobe in ka badan 10 sano. Magacaabidda Xildhibaan Cabdirashiid ayaa ku soo aadeysa xilli dhawaan Xasan Sheekh uu ku guuleystay in baarlamaanka uu marsiiyo 4-ta cutub ee ugu horeysa dastuurka, sidoo kale Xasan ayaa la sheegay in xildhibaanada qaar uu balan qaadyo u sameeyey. Xasan Sheekh ayaa horay u magacaabay dhowr ergay, waxaana lagu tilmaamaa madaxweynaha ugu ergada badan oo daadejiyey awoodiisa, si loo fududeeyo adeegyada dowladda. Wuxuu horay u magacaabay Ergayga arrimaha Somaliland, ergayga nabadeynta, ergayga abaaraha, ergayga xasaradaha iyo arrimaha qaxootiga, hada oo ergayga caafimaadka uu magacaabay iyo xubno kale oo ergo uga ah howlo badan oo kala duwan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip