War cusub oo kasoo kordhay dagaalka DIINSOOR

0
Tuesday April 02, 2024 - 16:43:08 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War cusub oo kasoo kordhay dagaalka DIINSOOR

    Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi. Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu istaagay dagaalkii maalmahan ka socday gudaha degmada Diinsoor ee gobolkaasi, kaas oo u dhexeeyay labada maleeshiyo beleed oo wada daga halkaasi. Xaaladda ayaa maanta deggan, inkasto ay weli is horfadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed ay ku baxday xiisaddaasi, waxayna ciidamo kala dhex dhigtay labada dhinac, si looga hortago dagaal mar kale ka dhaca Diinsoor. Sidoo kale waxaa haatan soconayo dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda degmada, kuwaas oo guullo hordhac ah laga gaaray. Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhaweeyay ciidamada la geeyay Diindoor iyo dadaallo nabadeed ee lagu dhex dhexaadinayo labada beelood. Dagaalladan oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii guud ee magaaladaas oo gashay xaalad adag. Diinsoor ayaa waxaa kusoo noqnoqday xiisado dagaal oo u dhexeeyo beelaha wada daga halkaasi, waxaana marar badan lakala dhex dhigay heshiis marar badan burburay. Koonfur Galbeed marka laga tegao dagaal beeleedyada kusoo laa laabtay, haddana waxaa dhibaato ku haya Al-Shabaab oo go'doon gelisay inta badan deegaanada maamulkaasi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip