Xog: Madaxweyne Xasan oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

0
Monday April 01, 2024 - 18:46:47 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Madaxweyne Xasan oo maanta tegaya furimaha hore ee dagaalka

    Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ee maanta ku wajahan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Mudug oo ay weli ka socdaan howlgallo xoreyn ah. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in madaxweynaha la filayo inuu gaaro degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee laga saaray Al-Shabaab. Sidoo kale madaxweynaha ayaa booqdan doono degmada Ceeldheer, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda. Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ku biiraya MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ay wehliyaan mas'uuliyiin heer Federaal & heer dowlad-Goboleed, waxaana ujeedka uu yahay inay dhiirageliyaan ciidamada Xoogga dalka ee la dagaalamaya Shabaab. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar sare ayaa booqdan doono saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la'isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran, Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda. Si kastaba, booqashadiisa haatan lagu wado inuu ku tego Galgaduud iyo Mudug ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip