NISA oo xalay MUQDISHO ku qabatay rag qaraxyo waday

0
Monday April 01, 2024 - 18:05:30 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo xalay MUQDISHO ku qabatay rag qaraxyo waday

    Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. NISA oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu qabtay laba nin oo doonayay inay falal ammaan darri ka gaystaan gudaha caasimada. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay si gaar ah ugu howlayeen diyaarinta qaraxyo lagu qabtay, xilli ay gacanta ku dhigayeen ciidamada ammaank ee dowladda Soomaaliya. "Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah" ayaa lagu yiri qoraalka. Hay'adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go'an tahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay si wadi doonto howlgallada ka socda Muqdisho. "Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed" ayaa lasii raaciyay. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho, maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa alaabo weeraro iyo dilal ka fulisa gudaha caasimada, waxaana ugu dambeeyay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan ku qaaday hoteelka caanka ah ee SYL.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip