Bannaanbax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo qaban-qaabo socota

0
Monday March 25, 2024 - 20:18:34 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbax maanta ka dhacaya Muqdisho iyo qaban-qaabo socota

    Bannaanbax ballaaran ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo haatan uu socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee bannaanbaxaasi. Bannaanxa oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ah mid ballaaran oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bannaanbax ballaaran ayaa maanta ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, iyadoo haatan uu socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee bannaanbaxaasi. Bannaanxa oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa ah mid ballaaran oo ay kasoo qayb-galayaan Masuuliyiin, waxaana si weyn loogu taagerayaa Qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee uu wado Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Dadka shacabka ah ee Caasimadda ayaa kusoo waaberiistay waddooyinka qarkood oo aan loo ogolayn in gaadiidku maro, waxaana la arkayaa dad farabadan oo goobaha shaqada lug ku tagaya. Waxaana gabi ahaanba xiran Qaar ka mid ah Waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, iyadoo la arkayo Ciidamo aad u farabadan oo sugaya ammaanka, sidoo kalena goobaha qaar ka celinaya gaadiidka dadweynaha. Masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay qayb ka yihiin Xildhibaano ayaa la filayaa inay dadweynaha isku soo baxay la hadlaaan, waxaana si weyn loo taageri doonaa wax ka bedelka Dastuurka dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip