Mareykanka oo ku dhawaaqay in la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas

0
Wednesday March 20, 2024 - 14:45:36 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo ku dhawaaqay in la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas

    La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in ku xigeenkii taliyaha guud ee guutada Al-Qassam – garabka militariga ee Xamaas, Marwaan Ciise, lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku xaqiijiyay in ku xigeenkii taliyaha guud ee guutada Al-Qassam – garabka militariga ee Xamaas, Marwaan Ciise, lagu dilay weerar ay Israa'iil fulisay todobaadkii hore. Xilli la rabay in dhimashada Ciise uu xaqiijiyo mid ka mid ah labada dhinac ee hawlgalka ku lugta leh, haddii ay tahay ciidamada Israa'iil ee weerarka fuliyay, ama dhaqdhaqaaqa Xamaas ee bartilmaameedka u ahaa, hadalka Sullivan ayaa loo arkaa kii ugu horreeyay ee habkaan ah. Warbaahinta Israa'iil ayaa ku dhawaaqday sidoo kale dilka taliye ku-xigeenkii guud ee Al-Qassam. Hadalka Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa yimid ka dib markii raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu u sheegay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden in Israa'iil ay ku guuleysatay inay disho kumannaan ka tirsan dagaalyahannada Xamaas oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal sare, "caddaaladuna ay gaari doonto inta kale.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip