HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA MAARSO 2024-KA

0
Sunday March 17, 2024 - 08:17:19 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xamza & ku-xigeenkiisa oo booqdeen Dadkii ku dhaawacymay weerarkii Hotel SYL

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Md.Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golih iisa wasiira da ayaa Habeen hore tegay isbitaalka Digfeer oo la dhi gay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee maga alada Muqdisho.

     Ujeedada Xamza ee booqashada Isbitaa lka Erdogan, ex Digfeer ayaa ahayd si uu ugu kuurgalo xaaladda caafim aad ee mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaali yeed ee ku dhaaw acmay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ay habeen kahor ku qaaday hotel kaas oo u dhow xarunta madaxtooyada Soom aaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa ayaa mid mid u dul istaag ay dha awacyada, isaga oo allw uga baryey inuu ca afimaad degdeg ah siiyo.

Sidoo kale wuxuu ka waraystay maamulka isbitaalka xaaladaha ay ku sugan yihiin bukaa nnada iyo dhawaacayada lagu daawaynayo Isbi taalka, islamarkaa uga mahadceliyey dha khaat iirta Isbitaalka Erdogan shaqada wana agsan ee ay bulshada Soomaaliyeed u hay aan.

Dhanka kale, waxaa isna isbitaalka tegay ra’I isul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Ax med Jaamac oo soo kormeeray xaaladda dhaawacy ada oo ay ku jiraan mas’uuliyiin kala duwan, sida xildhibaano, afhayeenka madaxt ooyada iyo xub no ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

"Waxa aan booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiintii iyo muwaadi niintii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay wee rarkii argagixisada Khawaarijta ah ay ka gayst een hotelka SYL” ayuu yiri Saalax.

Sidoo kalewaxa uu boggaadiyay ciidamada ammaanka soo afjaray weerarka, kadib howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay halkaasi.

"Waxa aan bogaadinayaa ciidanka geesiy aasha ah ee cadowga khawaarijta ah si gee sini mada leh uga hor-tagay isla markaana fa shiliyay dhagartii ay la maagganaayeen muw aadiniintii iyo masuuliyiintii goobta ku sugnaa” ayuu mar male yiri Mr. Saalax.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay "Waxa aan Allah uga baryayaa inta dhimatay in uu u naxariisto, inta dhaawaca ah caafimaad degdeg ah siiyo”

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo tabab ar u soo xiray garsooreyaal iyo xeer illaaliy aal cusub

Guddoomiye Maxkamadda Sare ee JFS Md. Baashe Yuusuf Axmed ayaa Dorraad tobabar so cday muddo saddex toddobaad ah u soo xiray 50 garsooreyaal iyo xeer Ilaaliyeyaal cusub ah oo dhawaan ku soo baxay imtixaan daahfuran oo laga qaaday sanadkii hore dhammaadkiisa.

Tobabarkan oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo fahamka wacyiga la xiriira shaqada baaxadda leh ee loo igmaday, ayaa lagu tababaray hababka kala duwan ee dacwad qaadista iyo xeerarka kale ee dalka. Guddoomiye Baashe Y. Axmed oo halk aas ka hadlay ayaa wuxu boggaadiyey sida qii maha badan ee garsooreyaasha iyo xeer Ilaaliy eyaashu ba ay u dhammaysteen tababarkii u soc day muddada saddexda toddobaad ah, isa ga oo kula dardaarmay inay hawlaha shaqo u gu taan si hufnaani ku jirto, Alle ka cabsi iyo inay u ca daalad sameeyaan dadka ay u adeegayaan ma adaama shaqadan ay ku heleen hanaan cadaa laddeed oo daahfuray.

R/wasaaraha XFS oo kormeer ku tegay Talisyada Ciidamada NISA iyo Booliiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhu

uriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamsa Ca bdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugi dda Qaranka iyo Taliska Ciid anka Booliska Soo maaliyeed, halkaas oo uu warbi xinno ku saab san amniga dalka kaga dhageys tay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha. Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adahaam niga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaa nka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cado wgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla mark aana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuu madda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banney stay daad inta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, is aga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fas hiliyo shirqoolka cadowga.

Hay’adda Duulista iyo ICAO oo ka wada-hadlay sidii loo dardargelin lahaa qorsh ayaa sha horumarinta leh

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Ra yidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Mac allin Xasan ayaa la kulmay hoggaanka sare ee xafiis ka bariga iyo koonfurta Afrika (ESAF) ee Hay’a dda duulista Adduunka ee ICAO,iyagoo ka wad a-hadlay qorshashayaa sha horuma rinta u leh Soomaaliya.

Kulanka inta uu socday ayaa la bogga adiyay horumarada ay sida dhaqsada leh u gaartay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaali yeed, hal kaa oo sidoo kale lagu soo ban dhi gay war bix intii u dambeeysay ee qorshe ynta iyo horuma rinta Hay’adda Duulista Rayid ka Soomaaliya.

" Natiijada kullamadan , waa inan gaarna hiig siga u sarreeya ee ah horumarka Hay’ad da Duulista Rayidka Soomaaliyeed inuu noqdo mid wax u tara qarankeenna iyo guud ahaan qaarad da iyo caalamka ,” ayuu yiri Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Md. Axmed Macallin Xasan.

       Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , waxaa kalo ay soo bandhigtay qorshaheeda dhow ee horumarinta qalabka iyo howlwadeen nada oo gacan ka gaysanaya dardargelinta qor shaha guud.

W/Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Kuxigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Q/M/ Soomaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa Dorraad xafiiskiisa kula kulmay Kuxige enka cusub ee ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane Raisedon Zenenga iyada oo laga wada hadlay Dib u xorreynta dalka ka socota, howlaha Xasil linta, Dib u heshiisiinta, Federaaleynta, Dooras hooyinka iyo arrimo kale.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Rohan Titus oo UNSOM u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda iyo Dhexdhexaadinta ayaa Mr. Ra isedon Zenenga oo ka hadlay kulanka, waxaa uu mudane Axmed Fiqi iyo Dowladda Soomaali yaba ku bogaadiyay guulaha isdabaj oogga ah ee ay dhinac walba ka gaareen labadii sano ee la soo dhaafay isaga oo intaa raaciyay sida UN-ka uga go’antahay taageeridda dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal walba ku bixinayso Dib u xorreynta dalka, Xasillinta, Sookabashada degdegga ah iyo sidoo kale howlaha federaale ynta iyo in adeegyada & maamulka u dhoweyso shacabka Soomaaliyeed oo ay doortaan dadkii matali lahaa.

Howlgal Ka Dhacay G/ Baay Oo Lagu Dilay Ku Dhawaad 10 Ka Mid Ah Kooxda Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ciidanka xoogga dalka Soo maaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ay ka sameyeen gali nkii dambe ee Dorraad deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Howlgalka ayaa la sheegay in ciidamada ay si gaar ah uga fuliyeen sdeegaanka lagu magacaabo Haw een oo ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugn ayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa war baahinta qaranka u xaqiijiyay in howlgalka ay ku dileen 7 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaanka Haween ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale Saraakiisha ay sheegeen iney kooxda Al-shabaab ka gubeen shan Mooto oo ah nuuca Fekon-ta loo yaqaan oo ay wateen xubn aha ka tirsan kooxda Al-shabaab ee lagu dilay howl galka.Si kastaba ha ahaatee deegaano iyo degm oyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool waxaa mar arka qaar ciida mada dowladda ay ka sameeyaan howlgalo noocaan oo kale ah oo ay ku bee gsan ayaan kooxda Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada M/Africa ee 2025

Danjiraha JFS u fadhiya Itoobiya Mudane Ca bdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Mid owga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay ku la nkii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray d oorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomi yaha Guddiga Fulinta Midow ga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dh ameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhii mka ah ee hogaanka sare ee M/Afrika.

JFS oo goor horeba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta M/Afrika ee sanad aha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xo ogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada M/ Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sana dka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in JFS ay rajo we yn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Af rika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka M/Afrika iyo sidoo kale xal u hel idda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wad amada Africa.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in JFS ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga do orashada ee guddigu soo bandhigay, isag oo til maamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hog aamiyayaasha Ururka M/Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee M/Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in do orashada soo wajahan ee Guddiga Golaha M/Afrika ay dhex mari doonto DFS iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo amray in la xayiro hantida 16 shakhsiyaad ah & shirkado xiriir la leh Alshabaab

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ban giy ada dalka ku wargaliyay in la xayiro lacag aha 16 shaqsiyaad iyo shirkado uu Maray kanka xayi raad kusoo rogey.

Qoraal uu bangigu u diray bangiyada ganacs iga ee shatiga haysta, ayuu ku faray in ay joojiya an xiriir ganacsi kasta oo hore, ayna xiraan ako onnada ganacsiga ee shakhsiya adkan, si loo tixgeliyo maareynta khataraha Maalgelinta Arga gaxisada.

Cunaqabateynta ayaa lagu bartilmaa mee dsaday 16 hay’adood iyo shaqsiyaad ku kala nool gobolka Geeska Afrika, Imaaraadka Carab ta iyo Qubrus, sida lagu sheegay bay aan ka soo baxay wasaaradda maali yadda dalka Maraykanka. Waxaa lagu eedeeyay in ay dhaqaale u uruuriyaan kooxda Al-Shabaab ee ka hawlg asha Sooma aliya.Lama sheegin magacyadooda, hase ahaa tee, Maraykanka wuxuu sheegay in la xayiray hantida ay ku leeyihiin Maraykanka, si loo joojiyo la macaamilka ay laleeyihiin kooxda Alshabaab. Maraykanka ayaa sheegay inuu al-Shabaab, u arko koox argagixiso oo hesha in ka badan 100 milyan oo doolar sannadkii, taa soo ay ku jirto lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan gana csiyada maxalliga ah.

      "Khatarta al-Shabaab kuma koobna Soom aaliya oo kaliya,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ku yiri hadal uu soo saaray. "Dhaqaal aha Al-Shab aab waxaa loo qaybiyaa kooxaha kale ee xiriirka la leh al-Qaacida ee caalamka, Ayuu hadalkiisa kusii daray."

Maraykanka wuxuu sheegay in Alshabaab ay gacan ka geysato maalgelinta hammiga al-Qa acida ee ku aaddan inay wiiqaan dowlad wan aagga adduunka.

TAAKEEYE oo si yaab leh u bedelay fikirkii xagjirka ahaa ee uu ka faafin jiray…

Sufyaan Axmed Taakeeye oo Dorraad la hor geeyey maxkamadda ciidamada qalabka sida ay aa dafiray fikirkii uu la joogi jiray baraha bulsha da, kaas oo muujinayey in ninkaan uu khatar ku yahay umadda, maadaama uu cadeysa jiray xagj irnimo. Taakeeye oo markii ho re aaminsanaa in Shaba ab iyo dowladda ay yihiin dhinacyo isla mid ah oo dagaal ka dhaxee yo, isla markaana uu wa to xisbi kale oo doonaya in dalka uu ku maamulo shar eecada islaamka ayaa Dorraad muujiyey inuu ka soo dabcay fikirkaas.

Yaxyaabaha la yaabka leh ee Dorraad uu Maxkamadda ka hor sheegay Sufyaan waxaa ku jirtay in dastuurka dalka uu wax ka dhamey sti rayo, maadaama uu yahay aqoonyahan weyn, halka markii hore uu aami nsanaa in dastuurka Soomaaliya uu uusan ‘waafaqsan eyn sharee cada islaamka.’

"Xeer ilaalintu waxay iga bixisay sawir qal dan, waxay iga dhigeen nin doonaya in dalk aan uu qaribo, maahi ninkaas guddoomi ye, waxaan ahay aqoonyahan, waligeyna argagi xiso ma taa geerin,” ayuu maxkmadda ka hor yiri Sufyaan.

Sufyaan Taakeeye ayaa muuqaalo tixane ah oo horay uu u baahiyey wuxuu ku sheegay in qar axyada Shabaab-ka uusan waxaba u arkin, maadaama oo Shabaab ay dagaal kula jiraan do wladda, isagoo markaas Shabaab iyo dowladda ka dhigayey in aysan kala rooneyn.

Xisbigiisa wuxuu ula baxay ‘Talo Ku Nool’ wuxuu sheegay in uusan u ogoleyn inuu soo galo qof ka shaqeeya dagaal ama doonaya inay dagaal wax ku raadiyaan, isagoo shee gay inay sameynayaan xeelad kasta oo xukun ka Soo maaliya ay kula wareeji lahaayeen.

"Waligey argagixiso ma taageerin, qeyb ka ma noqon, waana ka soo horjeedaa in qof Soom aali ah la dilo, shacabka kaliya maaha, ciidanka xildhibaanada iyo masuuliyiinta dowla dda, in la dilo raali kama ihi,” ayuu yiri Taak eeye.

Ninkaan ayaa 3-dii October 2023 laga soo qabtay magaalada Nairobi, waxaana laga soo dejiyey Muqdisho, iyadoo Dorraad la hor gee yey maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Ciidamada Hindiya oo gacanta ku dhigay bur cadbadeed Soomaali ah oo saarnaa mark abka Ruen

Markab daga al oo ay leeyihiin ciidamada ba dda Hind iya ayaa qabtay mar kabka xamuu lka ah ee Ruen, waxayna ka dalbadeen burcadbad eedda Sooma alida ee markabka la socday inay isa soo dhiibaan, sida uu afhayeen u hadlay ciidamada badda Dorraad oo Sabti ah. Burcadb adeedda oo la sheegay inay afduu b teen mar kabka xamuulka qaada oo ka baban aayay calan ka Malta 14-kii bishii December, ay aa rasaas ku furay markabka ciidam ada badda ee marayey biyaha caal amiga Jimcihii. Ciida mada badda ayaa ugu baaqay burc ad badee da inay isa soo dhiib aan oo ay sii daayaan markabka iyo cid kasta oo rayid ah oo ay gacanta ku hayaan. Burcad bade eda Soomaalida ee qabsaday ma rkabkan bishii December ayaa laga yaabaa in ay u isticm aaleen la wareegidda markab xamuul oo ka baba naya calanka dalka Bangal adesh oo marayay xeebaha Soomaaliya todo baadkan, sida ay sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub.

Ugu yaraan 17 dhacdo oo ah afduub, ama is ku day afduub ayay ciidamada

badda Hind iya diiwaan galiyeen tan iyo bishii December, sida ay sheegeen

saraakiisha Hindiya. Hindiya ayaa ugu yaraan toban maraakiib dagaal ah geysay bariga badda cas bishii Janaayo si ay u sugaan ammaanka badda, waxayna ku guulaysteen inay sugaanammaanka in ka badan 250 markab

Aabbe da’ah oo ceeji lagula dhex dilay Bakaaraha

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhac do argagax leh oo Habeen hore ka dhacday gudaha Su uqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii si arxan darro loogu dilay aabe daganaa guda ha suuqa.

Marxuumka oo lagu maga ca abi jiray Maxamed Axm ed Cumar ayaa isaga oo mayd ah laga dhex he lay guri ay isaga qoyskiiska ka daganaayeen halkaasi.

Mid kamid ah ehellada marxuumka oo la had lay warbaahinta ayaa sheegay in falkan uu dhac ay suxuurtii kadib, isla markaana dilka loo adee gsaday xarig lagu ceejiyay aabahaasi.

"Suxuurtii wuu nabas qabay ka bacdi 20 daqiiqo marka ay kasoo wareegatay ayaa loo im aaday isaga oo xarig lagu dilay oo guriga xagga sare meel laga soo galay ay ka muuqayo” ayuu yiri mid kamid ah ehellada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu jiray sha qsi uu muran kala dhexeeyay, kaas oo ka dag anaa bakhaar ganacsi oo uu lahaa marxuumka, sida uu hadalka dhigay.

Waxaa jirta nin ay is haayeen oo dacwo ayaa u socotay bakhaar ayaa nin kaga jiray, wuuna diiday inuu ka baxo” ayuu mar kale yir.

Ninkan oo sii hadlaya ayaa sidoo kale shee gay in aysan aasi doonin marxuumka, ayna ka war sugayaan baaritaan uu sheegay inay wad aan laamaha amniga ee dowladda Sooma aliya.

"Baaritaanka ayaa hadda socdo, mana aase yno maydka illaa amar dambe” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqoneyso falal argagax leh oo muddooyinkii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada.

Si kastaba, waxaa dilkan ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay degmada Wadajir, kaas oo loo gaystay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta hay’adda duuliska rayidka hawada, waxaana dilkiisa loo adeegsaday xarig lagu ceejiyay, sida ay sheege en laamaha ammaanka Muqdisho.

Askar hore gaari ula goosatay Alshabaab oo Dorraad ka soo muuqdayMaxkamada Kismaayo

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi, Xassan Ca bdullaahi Maxamed iyo Mukhtaar Maxamed Cali oo loo haysto in ay ku kaceen qayaano qaran isl amarkaana ay la goosteen Gaari Hartop ah, qori dabajeex ah iyo qori AK47 oo ay lahayd Dowla dda Jubbaland ayaa Dorraad kasoo hormuuqday Maxkamadda Ciidamada Jubbaland. Eedeysa nayaasha kala ah Cabdifataax Nuur Cabdu lla ahi iyo Xassan Cabdullaahi Max amed waxa uu xafiiska xeer ilaalinta ciidam ada Jubbaland ku soo eedeeyay in ay Argagixi sada u gacan galiy een gaari Hartop ah oo ay lahayd Wasaar adda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Jubbaland iyo qori AK47 ah oo bulshada loogu adeegayay.

Labadan Eedeysane oo ka tirsanaa ciidam ada Daraawiishta Jubbaland ayaa la falgalay Arg agixisada iyaga oo aaminsanaa in ay geli doon aan nolol ka duwan noloshoodii hore balse waxa ay ku dhaceen dhagartii lagu yaqiinay kooxda Argagixisada, waxaana looga baxay balankii ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ mar ka ay argagixisada gaariga iyo qoriga u gee yaan.

Eedeysane Mukhtaar Maxamed Cali oo isna ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa ku eedeysan in Khawaarijta uu u gacan galiyey qori BKM ama dabajeex ah kaas oo looga bedeshay lacag yar oo dhan 4,500$ kadib na u hayaamay gobolka Baay gaar ahaana ma gaalada Baydhabo halkaas oo uu kasii amba qaaday in uu qeyb ka noqdo Ciidamo katirsan ku wa xoogga dalka hayee shee Hay’adda Naba dsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland oo muddaba baadi goobaysay ayaa xogtiisa heshay ugu dambayna gacanta ayaa lagu doo dhigay.

Xeer ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxmakadda ka hor akhriyey eedda loo haysto eedeysana yaa sha Dorraad Maxkamadda kaso hor muu qday.

Dhinaca kale Sargaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Jubbaland isla mar kaana baare ka ahaa kiiskan ayaa Maxka madda u faah-faahiyay eedda loo haysto sade xda eedeysane ee ku kacay khayaanada qaran.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jub baland G/sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay xukunka sadd exda eedeysane oo lagu xu kumay min toban sa no oo xabsi ciidan ah iyo in ay dib u gudaan han tidii ay Argagixisada ka iibsadeen.

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Mudug

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaa liya oo kaashanahaya kuwa dadka ddeega ankaayaa hawlgal qorsheysan oo lagu dilay horjo ogayaal sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shab aab ka fuliyay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa ciidamada is garabsanaya waxay si gaar ah uga sameyeen wado ay ku safr ayeen horjoogayaasha iyo maleshiyaadka kale, waxaana lagu dilay howlgalka laba horj ooge oo mid ka mid ah uu yahay ajinabi, halka mid ka kalana uu ahaa Soomaali.

Labada horjooge ayaa sidoo kale lala dilay shan maleeshiyaad ah oo ilaalo u ahaa horjoog ayaasha la dilay.

Horjoogaha Soomaaliga ee howlgalka lagu dil ay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Isa aq Aw raage Maracadde, kaasoo la sheegay inu u ahaa horjooge ku xigeenka madaxa Jabha daha kooxda Al-shabaab ee gobolada Mudug iyo Galguduud.

"Horjoogahan oo lagu magacaabo Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) ayay Ciidamadu u daba socdeen ficiladii uu horay u gaystay iyo kuwa hadda uu qorshaynayay, iyagoo isla goobtaas ku dilay horjooge kale oo Ajinabi ah oo la socday Maracadde iyo Shan-maleeshiy aad ah oo ilaalo u ahaa, waxayna kasoo furte en Hubkii iyo Agab kale oo dagaal oo dhagar qabayaashaasi ay wateen" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalam ka ayaa kordhiyay howlgalada lagu beegsanayo deegaanada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Mudug iyo Galgaduud, waxaana xusid mudan in ciidamadaan ay dhawaan soo baneeyeen deeg aano muhiim ah oo ku yaala Koonfurta Mudug, islamarkaana ay markale dib ugu soo laabteen Al-shabaab.

Heshiiskii Somaliland iyo Ethiopia oo u muuqda mid buray iyo qodobada fashilmay

Heshiiska Abiy Axmed iyo Muuse Biixi ee la gu gaaray magaalada Addis Ababa 1-dii Jana ayo ee sanadkaan ayaa si weyn ugu hoos dhacay filashadii laga qabay.

Muuse Biixi oo u muuqday nin ay wax badan gacanta ugu jiraan markii uu heshiiska galaayay ayaa waa-cusub u baryay, waxaana Muqdisho xayirtay dhamaan tallaabooyinkii uu isku dayay inuu u qaado dhanka fulinta heshiiska.

Muuse Biixi iyo Abiy Axmed waxay ku he shiiyeen in 30 maalmood gudahood heshiiska looga dhigo mid rasmi ah, Itoobiyana ay ictiraafto Somaliland, laakiin Dorraad oo 2 bilood iyo dhowr iyo toban cisho laga joogo waqtigii heshiiska la saxiixay wax tallaabo ah oo dhaqan-gal ah lama qaadin.

Dhowr arrimood oo ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed isku dayeen ayaa midkoodna shaqeynin.

1. Fashilkii socdaalkii Hargeysa

Markii koowaad waxaa la isku dayay inuu mag aalada Hargeysa tago wafdi sare oo Itoobiyaan ah oo la aaminsan yahay inuu ku jiray ra’iisul wa saare Abiy Axmed, laakiin Muqdisho ayaa qaa day duulaan hawada ah iyada oo celisay diyaa rad siday wafdi hordhac u ahaa safarka Abiy Axmed ee magaalada.Waxaa markaas abuurmat ay cabsi ah in Muqdisho u bareeri doonto in diya aradda Abiy ay ha wada ka celisay, taasi oo si weyn u dhaawici kar tay sumcada diyaaradda Ethiopian Airlines ee adduunka iyo midda ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

      Waxaa la sheegay inay Itoobiyaanka heleen xog ku saabsan inay Muqdisho sidaas u diyaar garowday. Safar dhulka ah ayaa laga fikiray si heshiiska dhameystirkiisa macno loogu yeelo, ba lse Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay ka cago jiideen.

2. Soo hormarinta aqoonsiga Somaliland

Midda labaad waxaa la isku dayay in Itoobiya ay soo hormariso aqoonsiga Somaliland, iyadana waxaa ka dhacay culeys iyo dib u gurasho.

Waxaana dhawaan wargeyska Bloomberg ee Mareykanku sheegay inay Itoobiya isku diyaa rine yso inay qodobkaasi meesha ka saarto, iya da oo fiirineysa diidmada caalamka iyo mowq ifka adag ee dowladda federaalka ah ee Soom aaliya.

Hargeysa kuma farxin dib u gurashada dhan ka Itoobiya, laakiin waxay taasi dhinaca kale sawirtay sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u shaqeeyay tan iyo markii xiisadda bilaabatay.

3. Isku-deyga wada-hadallada dowladda federaalka

Afar jeer oo kala duwan ayuu ra’iisul wasaara ha Itoobiya damcay inuu la kulmo madaxweyn aha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta ay xiisaddani taagneyd laakiin dhamaan ma suurta-galin, iyada oo madaxweyne Xasan uu dhamaan ku adkeystay in marka hore Abiy ka laabto is-afgaradkii Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa shirkii Midowga Afrika ee ugu dambeeyay waxa uu ka qirtay in madaxda Kenya, Jabuuti iyo Uganda ka dalbaday inay Xasan Sheekh la kulansiiyaan balse ay diidmada ka timid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh.

4. Guul-daradda beesha caalamka ee heshiiska

Midda afaraad waa guul-darada lagala soo kulmay dhanka beesha caalamka. Itoobiya mar kii ay heshiiskan gashay kadib waxay qaaday olole diblumaasiyadeed oo ay rabtay inay caala mka kaga iibiso xaq ahaanshaha arrintaan.

Laakiin waxay waayeen hal dowlad oo aqb asha. Niyad-jab ayay Addis Ababa ka qaad ay diidmada aan kala harka laheyn ee beesha caal amka, waxaana loo sheegay in Muqdisho ka saxan tahay.

5. Isku-deygii Nairobi

Midda 5-aad waa isku deygii asbuucan ee mag aalada Nairobi, kaasi oo toddobaadkan dowla dda Kenya u kala dab-qaaday laba wafdi oo ka kala socday Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay isku dayeen Itoobiyaanka in nuxulka koowaad si dabacsan oo isku soo dhawaansho muujineysa loo qoro, iyada oo aan lasoo hadal qaadeyn ereyga "ka noqosho” balse si guud ay qabaan in heshiiska laga laabto.

Laakiin Soomaaliya ayaa diiday inuu hab qoraalka uu sidaas noqdo, waxayna ku adkeyst een dhinacii ka socday Soomaaliya in lagu qoro warqadda inay Itoobiya aqbashay in guud is-afga radkii laga noqday, taasi oo keentay inay Itoobiy aanka dalbadaan waqti dheeri ah.

Qodobbadan waxay ka dhigan yihiin in talla abo walba oo Itoobiya iyo Somaliland ay qaade en tan iyo heshiiskii Addis Ababa in aanay shaq eynin, taasi oo si weyn u dhaawacday dad bad an oo laga yaabo inay markii hore heshiiskan fu

rsad beenaad uga dhex jeedeen.

KURSIGA HOGGAANKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA AY U TARTAMEYSO OO WAR HOR LEH UU KA SOO KORDHAY

     FowsiyaGolaha Sare ee Midowga Afrika ayaa qaaday tallaabo hor leh, isagoo go’aansaday in guddoomiyaha xig a ee Guddiga Midowga Afrika uu ka imaanayo Bariga Afr ika.Kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ca asimadda Itoobiya ayaa Golaha Fulinta ee midowga wux uu ku yeeshay kulankoodii 22-aad, kaas oo diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare.Go’aankan oo Dorraad lagu dhawaaqay ayaa imaanaya iyadoo musharrax iinta haatan u taagan guddoonka midowga ay kasoo jeedaan Bariga Afrika: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soo maaliya iyo Raila Odinga, hoggaamiyaha mucaaradka Kenya.

Waxaa intaa dheer in go’aankan lagu xusay in Waqooyiga Afrika ay soo xushaan booska ku xigeenka guddoomiyaha midowga, halka Bartamaha, Koofurta, iyo Galbeedka Afrikana ay soo xulan karaan lix boos oo xubin guddiga ka mid noqoneysa ah.

Soomaaliya ayaa dhankeeda abaabul xooggan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanad ka 2025 Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Fa ki, oo kasoo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileed kiisii labaad.

Ololaha tartanka xilkan ayaa la filayaa inay si rasmi ah u bilaa ba to marka ay dhammaan musha rraxiinta daneynaya soo gudbiy aan araajidooda wixii loo gaaro b isha May ee sanadkan.

Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa had dii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta. Musharraxa kale ee kurisga madaxtin nimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah ray sal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga. Kenya ay aana abaabul xooggan o dhan walba ah ugu jirta qa bashada xilkan, iyadoo olole ballaaran ka samey say gudaha dalalka Afrika

. Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay?

Fowsiya oo kaddib marka ay shaacisay inay u tartameyso xilkan wareysi

gaar ah siisay BBC ayaa sheegtay in ololaha musharraxnimada uu meel fiic na u marayo, isla markaana jagada haatan ay leeyihiin dalalka Bar iga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

"Hadda aniga iyo Raila Odinga ayaa sharraxan oo musharraxnimadee nna shaacinn ay, inkastoo ololuhu billow yahay, lama oga cidda kale ee na gu soo biiri doonta” ayay tiri. Inkastoo arrimo badan ay ku furan yihiin dow ladda Soomaaliya, haddana dadaal badan ayay sameysay sida ay shee gtay Fowsiya. "Sii hayaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo anigu shirar badan baan la galnay dalal badan oo Afrikaan ah,” ayay tiri.

Waxay intaas raacisay in Soomaaliya ay ugu horreysay u ololeynta qab ashada xilkan, balse dalka Kenya uu wado olole aad u ballaaran oo ay ku raadinayaan in Raila lagu sharfo kursigan.

"Muddo badan baan xilkan isha ku hayay ilaa doorashadii hore, waxaan ogahay in dalkeenna uu yahay dal kheyraad badan leh ayna ku nool yihiin dad waxtar leh haddii garab la siiyo,” ayay tiri

"Qofka xilkan qabta wuxuu ogaanayaa wax badan oo ka socda Afrika, wax badanna wuu qaban karaa. Afrika waa meel ay isha ku hayaa dalalka dibadda oo kheyraadka halkuu ku harsan yahay ah.”

Waxay sheegtay in inkastoo Soomaaliya ay tahay dal burbur badan uu soo gaaray, haddana ay yaallaan kheyraad badan aadna qani u ah, isla markaana bulsho kooban ay ku nool yihiin, ayna rajeyneyso in kursigan wax badan loogu qaban karo Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrika. "Waa lagama maarmaan in Soomaaliya ay tiigsato xilalka noocan ah.”

Waxay intaas ku dartay in maaddaama Soomaaliya ay dhibaatooyin ba dan ka jiraan, ay muhiim u tahay inay hiigsato xilkan, si dhibaatooyink aas wax looga qabto.Fowsiya oo ah gabadha keliya ee tartameysa, ayaa intaa ku dartay inay rajo weyn ka qabto hanashada kursigan, ayna dowladda Soomaaliya ku garan taagan tahay. "Fursadda aan leennahay aad ayay u sarre ysaa haddii aan dadaalkeeda galno. Waxada mooddaa in Soomaa liya lagu wada eegayo il naxariis leh. Haddii aan ku guuleys anno, waxay noqoneysaa in wax badan ay inoo qabsoomaan.” Ayay tiri Fowsiya. XIGASHO:-BBC

MAXAAD KA TAQAANAA KANIINKA AY DUULIYEYAASHU ISTICMAALAAN SI AYSAN U HURDIN?

     Kaniin 7baadkaan ayaa waxaa la soo wariyay in laba duuliye oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Indonesia ay hurdo la dhaceen xilli ay hawada sare ku jireen.Laakiin cilladaan ah in duuliyeyaashu hurdoodaan iyaga oo hawada ku jira, ayaa waxaa mudaba la tacaalayay mil atariga, iyaga oo markii dambe u helay xal la yaab leh.

Kaniiniyadaan cajiibka ah ayaa markii ugu horeysay waxaa laga dhex he lay boors ay lahaayeen Naasiyiinta kadib markii la soo riday diyaarad dul maraysay Ingiriiska xilli uu socday dagaalkii labaad ee adduunka – dagaalk aas oo ahaa mid aad u daba dheer dhan walbaba.

Xilligaas waxaa loogu talagalay kaniinka in ay isticmaalaan duuliyeyaa sha daala, waxaa na loo aqoon jiray "Cusbada duuliyayaasha”.

Markii ugu horeysay tijaabo ahaan loo qaatay, balse markii dambe dawl adda Ingiriiska ayaa sameysay nuuc isaga lamid ah.

DiyaaradNatiijadii cusbeed laga dhaxlay kaniiniyadii ay wateen duuliyeyaashii la soo riday ayaa aad u baahday, iyada oo isticmaalkeeda a ka faa’iideysteen dad badan oo habeenkii shaqeeya guud ahaan Yurub. Balse markaas hawsha kaniinku bilow ayay ahayd.

Daawo taas la mid ah oo lagu magacaabo dext roamphetamine, ayaa hadana caan noqotay intii uu socday dagaalkii Gacanka ee socday sanadihii 1990 kii ilaa 1991 dii, xilliig aas oo ay aad u isticmaalayeen duuliyeyaasha Maraykanka ee qaadayay weeraradii duqaynta ahaa ee ugu hoeeyay ee laga fulinayay Ciraaq iyo Kuwait. Ilaa Dorraad kaniinkaas waa ay siticmaalaan duuliyeyaasha Mar aykanka, iyaga oo u isticmaala isla sababtii ay u isticmaalayeen ragii la soo riday diyaaradooda oo ahayd daal, kaas oo ay la dhacsaali karaan duuliyaashu inta ay ku guda jiraan hawlgallada masaafada dheer loo socda ee khatar galin kara badbaadadooda.

Balse waxaa jira dhibaato kale. Daawada Amphetamines ayaa ah mida ay aad u qabatimi karaan dadka isticmaala – oo xitaa xilligii uu socday da gaalkii labaad ee aduunka ayaa si khaldan loo isticmaali jriay. Sidaa dar aadeed ayaa sanadahaan dambe ciidamada waxay baadi goob ugu jireen in ay helaan wado kale oo ay ku soo saaraan dawo kale. Tusaale ahaan, modafinil oo ah maado daroogo ah oo kicisa dareemayaasha maskaxda oo markii horana loo isticmaali jiray in lagu daweeyo xanuunka narcolepsy ee hurdo xumada keena ayaa la tijaabiyay sanadkii 1970 ki, ma aysan shaqayn maadaama daawadaan dadka hurdada ka ilaalineysa ay dhanka kale leedahay saameyn xun oo dib qofka wax ugu dhinta.

Dawadaan ayaa markii hore la muujiyay in ay waxtar yeelan karto taas oo dhinacyo badan ka caawin karta, sida in dhugtoodu soo jeedo ayna daalka badan hilmaansiin karto.

Laakiin Modafinil waxay dhinaca kale ku wadatay saameyn taban. Waxaa ka mid ahaa saameyntaas taban in qofku dhidido, madax xanuun iyo xitaa in qofku aad u qarwo. Iyada oo waxaasoo dhibaato ah jiraan ay aa hadana mararka qaar waxay ahayd mid waxtar u leh dadka doonaya in ay soo jeedaan. Cilmibaaris xilli hore la sameeya ayaa waxay tilDorraady in daawadu ay qofka soo jeedisay 64 saacadood oo xiriir ah ayna la awood egtahay 20 koob oo kafee ah.

DiyaradDhibaatooyinka ku hareereysan

      Dabcan waxaa jira arimo adadag oo ay ka mid yihiin sharci iyo xataa ans hax ahaan oo la xiriira in ciidanka qalabka sida la siin karo maadamada modafinil. Balse waxaa is waydiin leh waxa ku dhici kara qofka diida isticm aalka daawadaan isaga oo ku jira hawlgal adag oo guushiisa la sugayo.

Cilmibaaris lagu sameeyay ciidanka milatariga Canada ayaa waxay tibaaxeysaa dhowr caqabadood oo ka dhalankara isticmaalka maadadaan.

Inkasta oo ay sharci darro tahay in askarta lagu qasbo I ay isticmaala an daawooyin ayaa hadana waxaa daw sharci oo lagu leeyahay ah askarta "in ay sameeyaan wax walba oo waajibaad ah oo loo diro xillii kasta oo loo baahdo habeen iyo maalin”. Sidoo kale halista ah in ay dhex seexdaan diyaarada iyaga oo duuliyeyaal ah ayaa ah mid aad u wayn kaas oo ay ka dhalan karaan in dad shacab ha ku dhintaan, in ay burburto diyaarad qaali ah oo tobanaan milyan oo doolar joogta iyo in ay guul dareystaan hawgalo muhiim ah. Arrintaan maxay uga dhigan tahay duuliyeyaasha rayidka ah?

Inkasta oo waqtiga ay ku jiraan shaqada duuliyenimada uu ka nidaams an yahay kan duuliyaasha milatariga, hadana waxay waqti dheer oo gaa

ri kara ilaa 1,000 saacadood ay sanad walba ku bixiyaan hawada sare, iya

ga oo la harjada ceryaamoyinka & waliba daal aad u dran.XIGASHO:-BBC


RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA. QEYBTA 5AAD

Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, waxaa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, waxaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramd aanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah { لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ}.

Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo nafta oo aan lacag kuugu fadhin, waa siminaar tarbiyo ah oo aan kaaga baahneyn inaad u safarto, waxa uu fursad u yahay kan naftiisa Balwada daalisay ee hanan waayay, oo waxaa uu uga faaiideysan karaa inuu kawada haro noocyada balwadaha oo dhan maa daama uu fursad u helay inuu Soomo maalintii, waxaa uu isku dayi karaa sida asoo kalana inuu Habeenkii ku mashquuliyo naftiisa Salaad iyo cibaado kale, waqtiga usoo harana jiif uga faaiideysto, waxaana dad badan oo Balwado lahaa la hubsaday in ay kaga daawoobeen Bisha Ramadaan markii ay si wanaagsan waqtigooda uaga faaiideesteen.

Waxaa uu Ramdaanka sidoo kale Fursad u yahay ruuxa ka gaabin jiray Sun nooyinka Rawaatibta ah iyo kuwa kale, maxaa yeelay waxaa uu Ramadaanka inta lagu jiro helaayaa Muslimka sooman jawi ku Saacida inuu Naftiisa ku Xaka meeyo Kheyrka noocyadiisa kala duwan, waxaana xasuusin mudan Qiyaamaha marka la tago oo la xisaabinaayo Muslimka waxa ugu horeeya ee laga Xisaab iyaa waa Salaada Faradka ah, hadii Salaadiisa wax ka dhinaadaana waxaa la fiiriyaa Sunnooyinka Raacsanaa salaada taasoo kab u noqota haduu la imaan jiray sida uu noo sheegay Nabigeenii Suubanaa (naxariis iyo nabag aalaha yeelee).

Ramadaanka waxaa u fursad u yahay kuwa ka hijrooday Kitaabka Qur’aa nka aqrintiisa, in ay dib isu saxaan kana faaiideys taan jawajiga wanaagsan ee Ramadaanku Xambaarsan yahay, Maxaa yeelay Maalmaha Soonka waxaa uu Muslimka Sooman helaa Fursad iyo Awood Cajiib leh taasoo u suuro galiso Maalin kasta Kitaabka inuu waqti badan ku bixiyo, maadaama lagu jiro Bishii Qur’aanka, waxaana xasuusin mudan Xaraf walba oo qur’aan ah oo uu Ruuxa aqriyo inuu ku helaayo 10 Ajar, taasoo kobcineysa Iimaanka Muslimka siineysa na Karti uu Sanadka intiisa kale ku dhaqdhaqaaqi karo kheyrkana uga faaiide ysan karo.

Ramadaanku waxa uu Fursad u yahay Gabadha Muslimka ah ee xoogaa hilmaanka iyo dabaca lasoo gudboonaaday ee Xijaabka dabcisay ama Xijaabka ka tagtay inay dib isu Xisaabiso, soona Ceshata wanaageedii, kana faaiideysa to Nicmooyinka Ramadaanka ka Buuxa inta ayan dhamaan fursadaan aan dam aanada loo heysan in dib ugusoo laaban doonto.

Ramadaanku waxaa uu Fursad u yahay kuwa taleefoonada iyo Inter nety ada xuDorraad u adeegsan jiray in ay Naftooda ku xakameeyaan Bishaan Barak eysan kana dhowrsadaan waxyaabaha aan Aduun iyo aaqiraba wax u tareyn, amaba Dembiyada qatarta ah dadka u jiida, waayo waxaa badan dambiyo la yareesto laakiin albaab u noqda dembiyada kuwa ugu waa weyn, oo waxaa la yiraahdaa buurahaba waxey ka sameysmaan dhagxaanta qururuxa oo isu tagtay.

Ramadaanka waxaa uu fursad u yahay kuwa u bartay nolosha barwaaqada ah in ay ogaadaan Baahida xanuunkeeda, taasoo dhaxashiisa in ay u dhimriya an kuwa bahaan ee gaajada ku noolaa Sanadka oo dhan, taasoo ku dhal;isa in ay Quudiyaan masaakiinta xoolahoodana wax ka bixiyaan, islamarkaana illaah (cw) ugu mahad celiyaan Nicmooyinka uu ku galadeestay..

Ramadaanku waxa uu fursad u yahay kuwa Naftooda ku mashquulisay Find ada iyo Daadinta Dhiiga ee ku howlan Barakicinta Masaakiinta Muslimiinta ah ee 20ka sano Dhibaatada ku jiray inay xisaabtamaan oo ay ka Soomaan Xuma anta sida ay uga Soomeen Cunadii iyo Cabitaanadii xalaasha ahaa, waxaa la yaab leh ruux Xalaashii uga tagay Soonka Dartiis Xaaraantiina raba inuu ku Cibaadeysto Soonka dartiis, waa layaab in laga Soomo Cuntadii ee aan laga Soomin Dhiiga Muslimiinta ee weliba Cibaado la Moodo.

Hadaba Si aan uga Faaideysano Fursadaha Bisha Ramadaan waa inaan la ku Dadaalnaa arimaha Soo Socda:

1-waa in aan u dagdagnaa Towbad keenida illaahna Dembi dhaaf ka dalba naa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo.

2-Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaafka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm.

3-Waa inaan go’aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camalada suuban oo dhan ku dadaalnaa.

4-Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa.

5-Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sah al nagu dhaafin habeen iyo maalinba.

6-Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiide ysa no si walba kaalmo la siiyo masaakiinta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiriyo eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm. 7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis ma adaama Bishaan ay la leedahay Qur’aanka xiriir gaar ah. LA SOCO QEYBO KALE…

waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsadecalixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur, ramadaan



WAR GELIN:-

Maamulka Sare ee Wargeyskan wuxuu Macaami shiisa iyo Akgrista ya ash iisaba ku wargeinayaa Dhammaanba walaalayaalshe ena Qiim aha ba dan ininta ay socoto Bisha Bar akeysan ee Ramad aan ay wargeyskan uu usoo gu dbin doono Daruus Diini ah oo la xirii rta Fadaa’iishaay Xanb aarsan tahay Bishan.

Haddaba waxan ka codsaneynaa inay ka ilaaliyaan in ay meelo aan ku hab booneyn inay dhigaan ama ku tuuraan Nuqullada joornaalk an ee Daru usta ku Qoran tahay Marka walaalayaal Alle ha idinXafi dee ka ilaaliya meelaha wasqeysan eedhiga meel wanaa gsan ee sareysa Mahadsanid.

Xildhibaan Shaaca Ka Qaaday Mas’uuliyiin Ku Lug Leh Fashilka Dagaalka Al-


Shabaab

Xildhibaan Maxamed Cumar (Caana-nuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, deegaanadii ay ciidam ada kasoo baxeen ee ku yaalla gobolka Mudug Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey Khawaarijta ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa tilmaamay in soo bixista ciidamada ee furimaha hore ay ka dambeyso siyaasad, isla markaana laga shaqeynayo in la filayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. "Ciidamada waa laga shaqeynayaa inay furimaha kasoo baxaan dadaa inay dhiigooda kursi ku helaa rabo, laakiin ma helayaan ilaahey idamkiis, meelahoodiina waa ka noqon ayaan, dalkana waa la xoreynayaa,” ayuu wareysigan ku yiri xildhibaan Caana-nuug.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay "Sida wax loo sheegaayo maahinee buun buuninta ayaa aad ugu badab, dad ayaa ka dhex raadinaayo dano gaar ah”.

Caana-nuug oo hadalkiisa sii wata ayaa eeddeyntan si gaar ah ugu jeediyay mucaara dka, gaar ahaan madaxdii hore ee dalka oo si weyn ay haatan isugu hayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

"Madax hore oo dalkan soo xukuntay ayaa nacfi ka raadinaya dastuurka iyo furimaha, waxaana jira kuwa yar oo iyaga la shaqeyn ayo, balse waxba lagama weydiinayo horum arka socda” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Si kastaba, halgankii ka socday Galmudug ayaa hadda u muuqda mid u dhamaaday olole door asho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eed eyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano horleh. xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip