Fadaa'isha bisha barakeysan ee Ramadan (Aqriso)

0
Monday March 11, 2024 - 07:55:57 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadaa'isha bisha barakeysan ee Ramadan (Aqriso)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, waxaana maanta oo ah 11-ka bisha March, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sanadka 1445-ka Hijrada u bilowday inta badan Muslimiinta caalamka bisha kheyrka badan ee Ramadan.

Ramadaanta ayaa waxay ka mid tahay rukunada adag ee Diinta Islaamka, iyada oo lagu wado in Muslimiin gaaraya tiradooda 1.8-Bilyan inay bishaan soomaan, inkasta oo ay jiraan qaar ka mid ah Muslimiinta ay heystaan caqabado waxaana ka mid ah Muslimiinta Falastiin oo bishan barakeysan la kowsanaaya duqeynta iyo go’doominta ciidamada sahyuunadda Yuhuuda.

Sidaasi awgeed waxaan qormadaan uga hadleynaa Fadaa’isha ay leedahay bisha Ramadaan, mana aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeynaa in aan wax yar ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi:-

 

Waxyaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee sanadka, wuxuu ku gaaryeelay bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale, waxaana ka mid ah fadaa’isha kuwa soo socoda.

1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Samaa’wiga ah.

قال اللهتعالىIlaaheey waxa uu yiri:-

 

{شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر

، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .

 

2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.

3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.

Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: waxaan idinku waajib yeelay Soonka; Hadaad tihiin Ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:- Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda.

 

Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi "Soonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambi dhaaf, dhammaadkiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.

KHAYRKA BISH SOON

  • Quraankaa soo dagay
  • Leylatul Qadar ayaa ku jirta
  • Albaabada cadaabta ayaa la xiraa
  • Albaabada Jannada ayaa la furaa
  • Sheydaanka la xiraa
  • Waa bil cibaado badan
  • Gaajada oo laga wada sinnaado
  • Waxay beertaa is jaceyl
  • Sakada Soonka oo nafta daahirisa

NOOCYADA SOONKA

  • Bisha Soon (faral)
  • Lix beri shawaal (sunne)
  • Toban beri dul xajih (sunne)
  • .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
  • Isniin & Khamiis (sunne)
  • Bil kasta seddex beri (sunne)

SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?

 

  • Qofkasta.oo Muslim ah
  • Qof qaan gaar ah
  • Qof miyir qaba
  • Qof aan waayeel ahayn
  • Qofkii caafimaad qaba
  1. Dumar aan Uur lahayn
  2. Dumar aan ilmo nuujineyn
  3. Dumar aan caado qabin
  4. Dumar aan umul aheyn
  5. Qof aan musaafir ahayn

MAXAA SOONKA JEBIYA?

 

  1. Galmada
  2. Diinta oo laga baxo lana caayo
  3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda
  4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan
  5. Haddii uu isku mudo Irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa
  6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
  7. Dumarka oo Caado ku dhacdo ama Umula
  8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno
  9. Haddii uu ula kac u matago

WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN

  1. Qof Soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan
  2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin
  3. Haddii luq-luq ku fakado
  4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?

  1. Dibirada Caloosha
  2. Joojinta Sigaarka iyo dhammaan balwadaha kale
  3. Calool xanuunka
  4. Iscaateynta qofka buuran
  5. Xanuunka macaanka ama Sokorta
  6. Kelyo xanuunka
  7. Wadna xanuun
  8. Gaastiriiga
  9. joojinta cunista qaadka

Sidaa awgeed waxaynu ku qasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, Afka iyo Carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana Qur’aan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo

 

Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo samee.

Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islamarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.

Ugu dambeyn "Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu duceeyaan amni iyo barwaaqo. Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan. Ramadaan Kariim”, sidaasina waxaa yiri: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

W/D: Cabdullaahi Ruush




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip