Sheekada wiilkan Soomaaliyeed ee gabdhaha bara sida loo saaro cilaanka

0
Monday March 04, 2024 - 14:45:47 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekada wiilkan Soomaaliyeed ee gabdhaha bara sida loo saaro cilaanka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

xilli ay socotay barashada cilaanka

Macalinka dumarka bara cilaanka

  • Author,Issak Malin
  • Role,Weriye madaxbanaan                                                                                                                                                                                           Cilaanku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha soo saara quruxda oo ay marsadaan dumarka Soomaalida ah xiliyo gaar ah iyo mararka ay ku beegantahay munaasabadaha sida ciidaha, aroosyada, iyo xafladaha qalinjabinta.

Markale na, waa xirfad shaqo oo goobaha lagu saaro cilaanka badanaa waa mashquul, iyadoo ay jiraan dugsiyo lagu barto cilaan saarka oo dhaqaale nololeyd u ah qoysas badan.

Waa xirfad inta badan lagu yaqaan dumarka, laakiin Cabdiraxmaan Siyaad waa wiilka keliya ee inta aan ognahay ku shaqeysta cilaansaarka isaga oo u adeega gabdo badan.

Cabdiraxmaan, macalinka cilaanka iyo sida uu ku bilaabay shaqadan

Naqshada cilaanka uu u kala baxo
Qoraalka sawirka,

Mid kamid ah ardayda cilaanka barata oo casharkii qaadaneysa.

Cabdiraxmaan Siyaad oo ah xaasle iyo aabbe, qofkii ugu horreeyay oo dumar ah ee uu cilaan-saaro waxay ahayd xaaskiisa oo uu u waayay lacag ay cilaan-ku-saarato habeen ciid ah.

Waxay ahayd xilli uu ku guda jiray diyaarinta buugiisii qalinjebinta ee jaamacadda isaga oo qaadanayay shahaadada koowaad ee cilmiga Kumbiyuutarka.

"Aad baan u mashquulsanaa, oo waan awoodi waayay in aan arko farriinta xaaskeyga ay igu weydiineysay in aan ugu soo diro lacagta cilaan-saarka si ay banaanka uga soo-saarto ilaa aan xilli dambe oo habeen ah guriga ka imid," ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sidaas ayuu ugu qasbanaaday in uu cilaan-u-saaro xaaskiisa markii ugu horreysay noloshiisa.

"Markii hore waxaa iga caawiyay YouTube oo aan ka daawanayay habka loo saaro cilaanka. Ku noqnoqsho kadib waan keenay markii dambe, weliba si fiican."

Waxay ahayd dhammaadka 2012kii. Wixii markaas ka dambeeyay waxaa Cabdiraxmaan ku kordhisay xiisaha cilaan-saarka isaga oo sidoo kale fursad ganacsi iyo shaqo ka helay.

Waxa uu si hagaagsan ugu sii bartay xaaskiisa, gabadha isaga la dhashay iyo dumarka aan weysada ka jabin oo uu bilaabay in uu cilaanka-u-saaro si ay gacantiisa ula qabsato.

Bilooyin xiriir ah oo is-barayay cilaan kadib, waxaa uu 2013kii degmada Heliwaa ka furay dugsi uu gaar ah dumarka, halkaas oo uu ku baro cilaan-saarka

Toban sano oo xiriir ayuu barayaa dumarka nooc walba oo naqshadaha cilaanka ah oo ay ka mid yihiin: Bacweyne, Bacyare, Daa’uus, iyo noocyo kale oo naqshado cilaan ah.

Maxaa dhexmaray macalinka iyo hooyo dooneysay in gabar ay dhashay loo baro cilaan saarka?

Maadada cilaanka
Qoraalka sawirka,

Xaaskiisa oo uga xanaaqday cilaan dartiis ayaa ku kaliftay in uu barto xirfadaan

Barista xirfadaan cilaanka oo aan lagu ogeyn in raggu ay ku shaqeeyaan ayaa wadata caqabado ay ka mid yihiin in macalinkaan uu la kulmay dhaleeceyn uga timid bulshada iyo dadkii ugu dhawaa xiliyadii uu ku guda jiray bixinta casharada ku saabsan cilaanka.

Mid kamid ah dhacdooyinkii qabsaday oo uu BBC-da u sheegay waxa ay ahayd in maalin isaga oo bixinaya cashar ay u timid hooyo rabtay in gabadheeda loo baro cilaanka.

Markii ay gudaha u gashay fasalkii oo ay ka socotay sharaxaad ayay macalinka la hadashay iyada oo weydiisay in iskuulkaan uu yahay midka lagu barto cilaanka.

Waxay hooyadu fileysay inay macalinku yahay qof dumar ah, halka maamulka ay ka fileysay in uu rag yahay. Laakiin filanwaa ayay ku noqotay in macalin rag ah uu doonayo in gabadheeda uu baro habka loo saaro cilaanka.

"Waxay igu tiri waad igu ciyaareysaa ee macalimadda cilaanka barta itusi aan la hadlo ee. Markii aan ku adkeystay in aan aniga ahay waxaana u raaciyay in ay fasalka soo gasho si ay sharaxaada iyo casharada cilaanka sida aan u siinayo ardayda u aragto, sidaas ayayna ku qanacday maamada."

Gabdhaha ka barta cilaan saarka Macalin Cabdiraxmaan iyo sida ay u arkaan

Waxaa jira arday badan oo gabdho ah kuwaas oo xirfadda cilaan saarka ka bartay Macalin Cabdiraxmaan, qaar horay uga qalinbadashay iyo kuwo hadda dhigta iskuulka lagu barto cilaansaarka.

Hooyo Abshiro Axmed Faarax oo kamid ah dumarka ka faa’iideystay barashada cilaan saarka ayaa BBC-da u sheegtay in markii hore aysan aaminsaneyn in raggu ay leeyihiin xirfad la xiriirta cilaanka balse markii ay la kulantay Macalin Cabdiraxmaan oo dumarka baraya xirfadaan ay ku qanacday iyadana in ay barato cilaanka.

"Kaligeey ma ahan ee waxaa jira gabdho kale oo wax ka barta. Maalintii aan ku biiray iskuulkaas ayaan fahmay barashada xirfadaan kahor na maanan aqoon," ayay tiri Abshiro.

Waxay sheegtay Abshiro oo hadda ku dhow dhammaadka barashada cilaan-saarka inay hadda qoyskeeda iyo gabadheeda oo dhan ay iyada u saarto cilaanka, taas oo u baajisay lacag badan oo kaga bixi lahayd inay gabadheedu kasoo saartaan cilaanka goobaha kale ee ganacsiga.

Dugsiga cilaan-saarka ee Macalin Cabdiraxmaan oo lagu magacaabo Al-Bushra waxaa ka mid ah habla wax-ka-barta Amran Bashiir Shiiq Cusmaan. Dhawaan ayay bilowday barashada cilaan-saarka.

"Anigu waxaan ahay gabar guri joog ah oo aanan waxbarasho fursad u helin. In aan halkan ka barto cilaanka waxaa igu dhiirogeliyay gabdho kale oo uu Macalin Cabdiraxmaan baray cilaan-saarka," ayay tiri Amran.

Fasal uu cashar ka socdo
Qoraalka sawirka,

Gabdhaha qaar markii ay maqlaan in ay jiraan rag dhiga cilaan saarka waxa ay la noqotay arrin cajiib ah

Macalin Cabdiraxmaan waxa uu ku tilmaamay cilaan-saarka inay tahay fursad shaqo oo suuq weyn leh, taas oo si gaar ah u anfaci karta gabadha aanan helin fursado kale oo waxbarasho iyo xirfado shaqo.

"Gabar kasta oo guri joog ah waxa aan kula talinayaa in ay barato xirfad ay ku shaqeysan karto sida cilaan saarka iyo xirfadaha gacanta ee ka caawinaya in ay shaqeysan karto," ayuu yiri Macalin Cabdiraxmaan.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip