"Maalin kasta dadkeena si macno darro ayaa loo dilayaa, si macno darro ayaa hantidooda loo boobayaa, maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu garab taagan yahay dadka la dulmiyay”ayuu yiri Guddoomiye Jimcaale.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortagi doonaan cid walba oo xoog ku heysata hantida iyo guryaha dadka shacabka ay leeyihiin.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa shalay haweeney gurigeeda xoog looga heystay muddo 20-sano ku wareejiyay, kadib markii laga saaray dadkii mudada xooga ku heystay.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii hore Jen. Muungaab ayaa markii u horeysay bilaabay barnaamij hanti u isu celinta iyo hanti celin, iyadoo dad guryahooda xoog looga heystay muddo dib loogu soo celiyay.
Yuusuf Jimcaale "Waa dhamaatay waqtigii guryaha xoog lagu heysan jiray"
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay dhamaatay waqtigii xoog lagu hyesan jiray guryaha iyo hantida shacabka, kadib markii maamulka Gobolka Banaadir uu shalay ku wareejiyay Haweeney muddo 20-sano gu