Shan hawen ah oo guulo gaaray galayna buugaagta taariikhda

0
Saturday March 02, 2024 - 16:55:57 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 913
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan hawen ah oo guulo gaaray galayna buugaagta taariikhda

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Asli cabade

Haweenku waxay kaalin dhaxal gal ku leeyihiin nolosha bulshooyinka caalamka, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka iyo asaasiyaadka nolosha.

Qaarada Afrika waxaa jira haween kaalin muuqata ka ciyaaray doorar muhiima oo dhankastaba leh, waxaanse dul istaagi doonaa shan ka mida kuwa sameyey horumarada saamaynta yeeshay.

Asli Xasan Cabaade

Asli

XIGASHADA SAWIRKA,ASLI CABAADE

Qoraalka sawirka, DUULIYE

Asli Xasan Cabaade waxay ahayd duuliyihii ugu horeeyay ee Afrika iyo Bariga Dhexeba, waxay hore BBC-da uga warantay halgankii nolosheeda iyo sidii ay ugu suurtogashay in ay duuliye ciidamada cirka ah noqoto, xilli dumarka aysan shaqooyinkaasi qaban jirin.

"Xisaabta ayaan aad u jeclaa, fisikis iyo astronomy (xidigiska) saraakiil ayaan ahayn, hooyaday iyo aabahay ayaa ka mid ahaa ciidaka Booliiska Soomaaliya, waxaanan degenayn xerada Afisiyoone, aniga oo wax akhrisanaya ayaan aroortii hore arki jirey diyaaradaha kacaya, waxaanan dhihi jirey illaahayoow ha I dilin aniga oo garoonkan ka kicin oon kasoo dajin diyaarad" ayay tiri Asli oo BBC-da la hadashay.

Waxa ay sheegtay in xiligaas ay waalidiinta Soomaalida aaminsanaayeen fikrad ah in gabdhaha ay aqoonta ka xadaan wiilasha, sidaasi darteedna laga hor istaagi jirey in ay gaaraan tacliin sare.

Asli waxay ka mid tahay gabdhaha qaarada ugu suntan inay ka mira dhaliyeen hadaf fog oo sal u ah kaalinta dumarka ee qaarada ku leeyihiin.

Samia Suluhu Xasan.

SAMIA SULUHU HASAN

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER/@SULUHUSAMIA

Qoraalka sawirka,

MADAXWEYNAHA TANSAANIYA.

Waa Madaxweynaha dalka Tansania, xilkaas oo ay qabatay bishii Maarso sanadkii 2021-kii markii uu geeriyooday Madaxweynihii ay ku xigeenka u ahayd ee dalkaas.

Waa haweenaydii ugu horeysay ee xilka Madaxweyne ka qabata dalkeeda iyadoo sidaas oo kale Samia ay astaan ka muuqata qaarada u noqotayhaweenka ku nool Afrika.

Xilal heer wasiirnimo ayey ka soo qabatay dalkeeda, waxaana lagu xasuustaa qaabayntii ay ku samaysay dimuqraadiya dalkeeda iyadoo ka dhigtay gole u furan mucaaradka.

Ngozi Okonjo-Iweala GCON

Ngozi Okonjo-Iweala GCON

XIGASHADA SAWIRKA,PRESIDENCY

Qoraalka sawirka,

DHAQAALAYAHAD.

Waa dhaqaaleyahanad u dhalatay dalka Nigeria balse haysatada dhalashada dalkaMaraykanka, door firfircoon ayey ku leedahay hagida dhaqaalaha dunida.

Laga soo bilaabo bishii Maarso sanadkii 2021-kii ilaa hadda waxay haysataa xilka agaasimaha guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka.

Waa haweeneydii ugu horreysay iyo Afrikaankii ugu horreeyay ee hoggaamiya Ururka Ganacsiga Adduunka ee Agaasimae Guud ka noqota.

Dalkeeda waxay soo hogaamisay muddo dheer wasaarada maaliyada ee dalkaas oo ay door muhiima ku lahayd hagaajinta dhaqaalah dalka Nigeria.

Maria de Lurdes Mutola

Maria de Lurdes Mutola

XIGASHADA SAWIRKA,FOLHADEMAPUTO

Qoraalka sawirka,

CIYAARYAHANAD

Waa ciyaaryahanad u dhalatay dalka Mozambique, taas oo taariikh ku leh ciyaaraha Olympic kada ee caalamka.

Maria Mutola waxay ciyaaraha caalamigaa ku biirtay iyadoo da'deedu tahay 15 jir, waxayna ku sii jirtay heerka ugu sarreeya in ka badan labaatan sano, iyada oo ku tartamaysay lix qaybood oo ciyaaraha ah,

Waxay dalkeeda u hoysay billada dahabka ah ee ciyaarihii Olympic kada ee ka dhacay magaalada Sydney 2000-dii taas oo ay oroday 800m.

Dhakhtarad Matshidiso Moeti.

Dhakhtarad Matshidiso Moeti.

XIGASHADA SAWIRKA,WIKIPEDIA

Qoraalka sawirka,

DHAKHTARAD

Matshidiso Rebecca Natalie Moeti waa dhakhtarad iyo khabiir ku takhasusay caafimaadka dadweynaha, waxay u dhalatay dalka Botswana.

Waxay nooqtay haweenaydii ugu horeysay ee qabata xilka agaasimaha Gobolka ee Xafiiska Ururka Caafimaadka Adduunka ee Afrika (AFRO), xarunteeduna tahay Brazzaville, Jamhuuriyadda Congo kaas oo ay hayso ilaa 2015-kii

Door weyn ayey ka ciyaartay in Qaarada loo helo qorshe caafimaad oo wax ku ool ah iyadoo hogaamisay barnaamijyo waxtar u leh dadweynaha Afrika.

Zenzile Miriam Makeba

Zenzile Miriam Makeba

XIGASHADA SAWIRKA,SOCAIL MEDIA

Qoraalka sawirka,

FANAANAD

Waxaa lagu naanaysaa hooyada Afrika, waa heesaa, qoraa suugaaned, jilaa iyo u dhaqdhaqaaqe xaquuqda madaniga ah.

Sidoo kale waxay si weyn ugu soo horjeeday midab-takoorka dalka Koonfur Afrika iyo dawladii ay maamulayeen caddaanki tirada yaraa ee Koonfur Afrika.

Heesaha ay qaaday waxaa ka mid ah nuucyada Afropop iyo jazzi.

Lupita Amondi Nyong'o

JILAA

XIGASHADA SAWIRKA,AFROVIBES

Qoraalka sawirka,

JILAA

Waa jilaa u dhalatay Kenya basle sidoo kale haysata dhalashada dalka Mexico.

Jilista filimo lagu sameeyey Kenya iyo meelo kale oo dunida ah waxay noqotay mid soo jiidasho leh, kuwaas oo ay ku mutaysatay abaalmarino heer sare ah.

Gabadhan uu dhalay siyaasiga weyn ee Kenya Peter Anyang' Nyong'o, waxay si taxane ah ilaa 2015-kii u soo bandhigaysay heerkeeda sare ee jilaanimo.

Waxbarashadeeda waxay ku qaadatay jaamacad ku taal Maraykanka, iyadoo shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaadatay daraasaadka filimada iyo masraxa ee Hampshire College.

Sida ay muujiyaan daraasado la sameeyey, haweenka Qaarada Afrika ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay sameeyey horumar xowli ah oo dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha ah.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip