HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA MAARSO 2024-KA

0
Monday March 04, 2024 - 08:20:22 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dorraad saxiixay SHARCI muddo laga soo shaqeynayay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka ah Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxam uud ayaa Dorraad saxiixay sharci cusub.

Sharcigan uu Dorraad qalinka ku duugay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah sharciga qaxootiga iyo magangalyo-doonka, sida ay Dorraadeyd shaacisay Wasaaradda Arrim aha Gudaha Soomaaliya.

Sharciganayey wa saaradda ku tilmaam tay mid muhiim ah, oo ka hadlaya xuquuqda qax ootiga iyo magangalyo-doonka iyo waajiba adka hey’adaha kala duwan ka saaran ilaalin tooda.

Hindise Sharciyeedka Qaxootiga iyo Maga ngalyo-doonka ee Dorraad uu saxiixay madax weynaha ayaa waxay Golaha Shacab ka ansi xiyeen 13-kii, September ee sanadkii dhamaa day 2023-kii, halka Golaha Aqalka Sare ee Ba arlamaanka ay meel-mariyeen sharcigan 16-kii, January ee 2024-ka.

Waa sharcigii labaad ee madaxweynaha uu laba asbuuc gudahood saxiixo, isaga oo dhawaan saxiixay heshiiska iskaashiga difaa ca iyo dhaqaalaha ee dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Soomaaliya.

Heshiiskaas ayaa sidoo kale waxaa si deg deg ah u meel-mariyay Golaha Wasiirrada So omaaliya iyo 2da Aqal ee Baarlamaanka Soo maaliya, wuxuuna awood buuxda u siina ya Ankara inay la wareegto ammaanka badde ena, xilli ay taagan xiisadda dowladda feder aalka kala dhaxeysa Itoobiya.

Si kastaba, sharcigan uu Dorraad saxiixay madaxweynaha ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u noqo naya dhaqan-gal kadib muddo ay howshiisa soo socotay.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS , Md. Xam sa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danj iraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Ab dullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada ha dlay xoo jinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soom aaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tabab arka ciidamada qalabka sida, horuma rinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taa gan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaa liyeed.

Guddoomiye Maddaale: Masuuliyad ayaa iga saaran inaan la dagaalamo kalaabada lagu tunto

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale Maddaale ayaa sheegay inay M/Muqdisho ka furan yihiin kala abyo lagu tunto oo lagu faafinayo dhaqamada aad ka uga hor imaanaya dhaqanka suuban iyo Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaa dir, waxa uu sheegay in ay masu uliyad ka saaran tahay inuu la dagaalamo ganacsiyada Muqdi sho ka furan, kuwaas oo lagu dullaynayo habdhaqan ka bulshada.

Guddoomiye Maddaale wuxuu si adag u di faacay tallaabo uu maamulka G/Banaadir ka qaaday xarumo ganacsi oo lagu iibiyo maand ooriyaha sida xashiiska iyo Shiishada, laguna hallaynayo mustaqbalka gabadhaha Somliyed.

"Wuxuu ku leeyahay Business-kaygaa liddi lagu yahoo dagaalaa lagusoo qaaday. Wax ka loo aad ka ganacsato maad weyday? Maxaad gabadhaha Soomaaliyeed u lugoohaysaa. Dhowr iyo afartan gabdhood ayaan ku aragn ay iyagoo qaarkood illinta ka daadana yso oo leh, ‘waa la isisoo siray. Waxaan arag nay rag cabuurkii dumarka inta soo qaatay ku dhex jir ay dumarka oo aan soo qabanay,” ayuu yiri guddoomiye Maddaale.

Maddaale wuxuu sheegay in ay nasiib dar ro tahay in ay arkeen gabdho daroogo isticma alaya, kuwaas oo aysan waalidiintooda waxba kala soconin.

Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaal hore Farmaajo iyo Sheekh Shariif?

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdull aahi Farmaajo ayaa Habeen hore kulan ku ye eshay magaalada Muqdisho, xilli aywadaanolole ay uga soo horjeedaan wax ka bedelka Dastu urka .

Qoraal kooban oo uu Ma da xweyne hore Maxamed C/hi Farnaajo uu soo dhigay Barti isa Face book ayuu ku yiri "W axa an hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

"Waxaan ka wada hadalnay xaaladda da lka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo do oda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Da stuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi balla aran.”

"Waxaan isla garannay inaan sii wadno kul amadeenna iyo wadatashigeenna, isla marka asna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dal ka iyo qeybaha kale ee bulshada.”

Madaxweyneyaal hore Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axm ed ayaa isku soo dhawaaday tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska RW Xamse Barre oo ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay

Xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska R/Wa saaraha XFS Maxamed Abuukar Zuber ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ha ayay. Qoraal uu soo saaray Xog haye Zubeyr ayuu ku shaaci yay inuu Do rraad oo ay taari ikhdu tahay 3-da Maarso 2024, warqadi hiisa is casilaada u gudbiyay R/Wasaare Xamse Cabdi Ba rre oo marka hore soo mag acaabay.



Wuxuu tilmaamay Maxamed Abuukar Zub eyr in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbana kala soo shaqee yay.

Wararka ayaa sheegaya in dhowaan ay dhici doonaan isku shaandheyn iyo isbedello waaweyn oo lagu sameynayo Hay’adaha dow ladda, siiba xilalka Golaha Wasiirada, Agaa simayaasha iyo Masuuliyiinta ee dowladda, iyadoo ay is-casili doonaan xubnaha xilalka laga qaadayo qaarkood.

Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka oo booqatay safaarada Imaaraadka

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriya dda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Dorraad booqatay Safara adda Dowladda Imaaraatka Carabta ee Muq disho waxaana ku soodhaweeyay Safiirka u fadhiya dalka Amb.Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Ugu horeyn Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danji raha Dalka Imaaraad ka Carabta uga tacsiyadee ysay saraak iishii ku geer iyootay weerarkii argagixis animo ee 10- feb raayo 2024 kadhacay Xerada Gen. Gordan ay agoona dalkeenna u joogay ineey gacan ka geystan dib u dhiska Ciidamada Qalaba Sida,

Intaasi kadib Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

Ugudanbeeyn Guddoomiye Sacdiyo ayaa uga mahadceliysay Dowladda Imaaraatka Car abta taageerada ay siiso Soomaaliya, DHAMMAAD

Sarkaal Booliiska hore uga tirsanaa oo Xalay lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Xalay waxay ku too gteen Degmada Kaaraan ee Magaalada Mu qdisho Sarkaal hore uga tirsanaan jirey Boolii ska Soomaaliya xili uu masaajid ka soo baxay.

Laba dhalinyaro ah ayaa la sheegay inay toogteen Alle ha u naxaristee sarkaalkaasi hore oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Cali Calasow oo sidoo kala na ku magac dheeraa cabd ullahi Madaxey.

Sarkaalkaan oo aan xiliyadaan danbe shaq eyn ayaa mar soo noqday Taliye xigeenkii Sal dhiga Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.Dadkii goobta ka dhawaa waxay shegeen inay baxaadeen kooxihii dilka fuliyay oo alsha baab ka tirsanaa.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka bixiyaan dilkaan iyo ujeedka ka danbeeya marka ay baaritaan sam eeyaan kadib.

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’adda Lacag ta Adduunka oo shir muhiim ah uu Dorraad uga furmay M/Nayirobi

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige oo uu weyhiyo Wasiirka Wasaaardda Qorshey nta Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhe xe ee Soomaaliya ayaa Dorraad daah-furay shirka dib-u-habey nta Maal iyadda ee Dowla dda Somaliya iyo Hey’adda lacagta Adduunka ee IMF, shirkaas oo socon doona muddo todoba ad ah.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa dib-u-eegis lagu sameyna yaa wixii horumar ma ali yadeed ah ee u qabsoomay DFS oo muddo 3 bilood ka hor laga cafiyay deymihii cuury aam iyay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobada ugu muhiimsan ee looga wada hadlayo shir ayaa waxaa kamid ah sare u qa didda dakhliga Dowladda, hannaanka Maa mul-wanagga Maaliyadda iyo horumarinta Barnaamijka Qorshaha Qaranka.

Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige oo furitaankii Shirka hadal kooban ka je ediyay ayaa sheegay in wasaaradda Maa liy adda iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya ay u qabsoomeen qodobo la taaban karo oo ay ugu horreeyaan horumarinta illaha dakhliga Dowladda oo dadaal dheer ay galisay Wasaa radda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaarad aha Dowlad-Goboleedyada Dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa u mahad celiyay dhammaan hey’adaha ka soo qeybg alay kulankaan oo ay ka mid yihiin Wasaarad da Maaliyadda, Wasaaradda Qorsheynta, Wa saaradda Cadaaladda, Bangiga dhexe, Xaf iisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasa araha iyo IMF iyo Bangiga Adduunka.

Gabagabada shirka ayaa la filayaa in la soo saaro war-murtiyeed ka hadlaya horuma rka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya 3dii bilood ee la soo dhaafay kadib gaaristii barta kama dambeysta deyn cafinta.

Guudlaawe oo dhagax dhigay Jidka isku xira Garoonka Maxamed Dheere iyo M/Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdul laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Dorraad dhagax-dhiggay waddada isku-xirto Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo maga alada Jowhar.

Masuuliyiinta shirk adda Adeegsan oo u xil-saaran dhismaha waddada ayaa mada xweyn aha u faahfaa hiyay baaxada shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.

"Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Hir sha beelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa de ega anadeeda.Alle ayaa mahad leh oo Dorraad noo suurageliyay inaan biloowno dhism aha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”Ugu dambeyn madaxweynaha Hirsh abeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladd ooda garab istaagaan.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulan duco ah oo loo sameeyay AUN Madaxweynihii 2-aad ee Tanzania

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wakiil ka ah Madaxweyn aha Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley kulan quraan akhris iyo duco loogu sameeyay Jasiiradda Zanzibar Allah ha u naxariistee Al Xaaji Sheikh Ali Hassan Mwinyi oo ahaa Mad axweynihii 2aad ee Jamhuuriy adda Tanzania.

Wasiir Daa’uud Aw eys Jaamac ayaa Ma daxweynaha Jasiiradda Zanzibar Dr.Hussein Ali Mwinyi oo ah wiilka Madax weyihii hore ee geeriyo oday kana qeyb ahaa kulanka ducada la wada agay tacsi uu uga siday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud. Wax an marxuumka Ilaahay uga baryay in uu Jan natul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, ehelkii iyo shacabka reer Tanzania ee uu ka baxay uu samir iyo iim aan ka siiyo

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafima adka oo ka qeyb galay Shirweynaha 2aad ee Caafimaadka Mideysan

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafima adka & Daryeelka Bulshada Md. ee Xu kuu madda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Maxamed Bulaale, ayaa ka qaybgalay shirwaynaha 2aad ee caafimaadka Midays an oo lagu qabtay M/ Muqd isho, isla markaana ay ka soo qaybga leen xu bno katirs an Xukuumadda JFS, labada Aqal ee Barlam aanka JFS, aqooyahano iyo xu bno ka socday Hay’adda Caafimaadka Addu unka ee WHO.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in ay muhiimtahay xoojinta Hal shaqaale oo Caafimaad ah si loo dhaqaajiyo isbadal wan aagsan oo la jaan qaadka hadafka Wasaa rad da, waxa uuna ka qaybgalayaasha ku dhiirige liyay inay iska kaashadaan oo ay hal-abuura an, iyadoo la isticmaalayo hab Caafi maad mideysan si loo hubiyo caafim aadka bulshada iyo deegaanka ee jiilasha mustaqbalka.

Barnaamijka Caafimaadka Midaysan waa barnaamij midaynaya iskaashiga qaybaha k ala duwan ee caafimaadka si loo xaliyo dhiba atooyinka caafimaadka bulshada, loona helo caafimaadka ugu wanaagsan ee dadka, xoola ha, dhirta iyo degaanka. Wacyigelinta bulsha da iyo dowladuba waxa ay asal u tahay horum arinta caafimaadka dadka, xoolaha, dhirta iyo deegaanka oo iyagane ka qayb qaadanaayo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya.

Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Duqii B/weyne & mid cusub oo la maga caabay

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa Xilkii ka qaaday Duqii magaalada Baladweyne ee Xaru nta Gobolka Hiiraan, isaoona magacaabay Duqa cusub ee magaala da.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiir Cabdi Daa hir ayaa waxaa xilka Duqa ee Balad weyne loogu magacaabay inuu noqdo Cabd ullaahi Salaad kugeey, kaasi oo bedelaya Du qii hore ee magaaladaasi Nadar TabaaxMacalin.

Hay’adda ammaanka Maamulka cusub Hiiraan iyo kuwa Baladweyne ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan Cabdullaahi Salaad kugeey, isla markaana waxaa isna mas’uulka cusub laga dalbaday inuu si toos ah u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Baarlamanka oo laga dalbaday inuu xasaa nadda ka qaado FARMAAJO + Sababta

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Hir Shabelle, Sheekh Cisma an Barre oo wareysi siiyay Telefishinka Som ali Cable ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday madaxwe yn ihii hore ee dalka Maxa med Cabdullahi Far maajo.

Sheekh Cismaan Barre ayaa eedeymo cu lus u jeediyay Farmaajo oo haatan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu gaystay dambiyo waa weyn.

"Shantii sano ee uu joogay Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo madaxweynihii hore runtii waxaa dalka Dorraad haysto dhibaatooyinkii uu xilligaas gaystay oo jariimooyinka ahaa oo waa weynaa” ayuu wareysiga ku yiri guddoo miyihii hore ee golaha wakiilada HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in soo laaba shadiisa ay caqabad weyn ku tahay dalka iyo horumarkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

"Soo labashada uu soo laabtay waxay imti xaan ama ay caqabad ku tahay dalka Soomaa liya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Isaga oo sii hadlaya Sheekh Cismaan Bar re ayaa waxa uu farriin u diray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday inay xasa anadda ka qaadaan, si loo maxkamadeeyo.

"Waxaan rabaa inaan ka codsado baarlam aanka Soomaaliyeed in ay ka qaadaan xasaa nadda, si loogu maxkamadeeyo dilalkii Ikraan Tahaliil, Eng Yariisoow, Xildhibaan Aamino iyo weerarkii madaxweynayaal hore” ayuu mar kale yiri Cismaan Barre.

Sababta uu u doonayo in xasaanadda loo ga xayuubiyi ayaa waxaa ku sheegay "Waa nin dambiile ah ama eedeysane ah marka xa saanad ma leh”.

Ugu dambeyntii wuxuu ka codsaday hay’ad aha ammaanka dowladda inay sidoo kale la socdaan dhaq-dhaqaaqiisa, ayna xadiidaan muddada uu joogo magaalada Muqdisho.

"Hay’adaha dowliga ah ee amniga waxaan rabaa maadaama uu Farmaajo ku caan baxay iska horkeenidda shaqsiga in dhaq-dhaqaaq iisa ay xadiidaan” ayuu kusoo gabagabeeyay.


Xog: Saraakiil sahan ka billaabay xeebaha Soomaaliya iyo qorshe culus oo socda

Saraakiil ka socota ciidamada badda Soo maaliya iyo Turkiga ayaa Jimcihii billaabay sa hminta saldhigyo ciidan oo laga sameynayo gudaha badda, gaar ahaan xeebaha gobolla da waqooyi ee Somaliland, si Itoobiya looga difaaco badda Soomaa liya.

Sida aySheegtay in ay xog ku heshay Caa simada Online, saldhig yada ugu muhiimsan waxaa lagu abaarayaa magaalooyinka Baki iyo Seylac oo ku yaalla goobo istaraatiiji ah, ilaa xeebaha ku dhow Jabuuti ayaa lagu sameynayaa sahan kaan.

Saraakiisha sameyneysa sahanka waxay isugu jiraan Soomaali iyo Turki, waxayna wat aan diyaarado militeri, waxaana lagu wadaa in sahankaan ay ku jirayaan maalmahaan, maa daama la dejinayo qorshihii ciidamada Turkigu ay ku soo degi lahaayeen badda Soomaaliya.

Xeebaha gobolka Awdal ilaa xuduudda Soomaaliya iyo Jabuuti waa biyaha muhiimka ah ee laga difaacayo Itoobiya, waxaana dhan kaas u bada doona saldhigyada ciidamada badda Turkiga, sida ay Caasimada Online u sheegeen saraakiil xog ogaal ah.

Toddobaadyada soo socda waxaa lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay soo gaar aan mara akiib dagaal iyo ciidamo ka socda Turkiga, si loo guda-galo dhaqan gelinta heshii skii difa aca ee Soomaaliya ay la saxiixatay Turkiga.

Sahanka ka socda badda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka Turkiga uu joogo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, halkaas oo madaxweynaha Turkiga uu kula kulmay, arrimihii ay ka wadahadleena waxaa ku jirtay in la dedejiyo qorshaha ciidamada Turkiga lagu dejinayo badda Soomaaliya.

Qorshahani wax weyn ayuu uga dhigan ya hay Soomaaliya, waxaa difaac adag heli doon ta badda Soomaaliya, waxaana awood militeri lagu burinayaa heshiiskii Somaliland ay badda ku siisay Itoobiya.

Heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee badda lagu difaacayo, wuxuu dhigayaa in 10 sano gudahood lagu dhiso ciidamada badda Soo maaliya, laguna qalabeeyo, qorshaha soc da ayaa dhabarjab weyn ku ah Itoobiya oo qor shaheedu ahaa inay xoog ku qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Hooyo iyo caruur ay dhashay oo ku dhin tay Dab ka kacay Guri ku yaal Hargeysa

Haweeney iyo laba caruur ah oo ay dha shay ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Har geysa ee caasim adda Maamulka Somaliland.

Saraakiil u hadlay ciidanka dab demi ska Hargeysa ay aa sheegay inay ka gurmad u sameeyeen qoy skaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruur kale, kuwaasi oo laga badbaadiyay guriga uu dabka qabsaday. Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydadka, iyagoona tilma amay inay baar itaanka kiiskana ay gacanta ku hayaan ciid anka Dambi-baadhista Maamulka Somaliland. "Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoo naadaan halista dabka, ayna demiyaan layrka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo me el ku haboon. – ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab” ayaa lagu yiri Qoraal ay soo saareen Taliska dab demiska maga alada Hargeysa.

Kadib dhacdadii Dorraad, XASAN oo la xasuusiyay xanuunka ay leedahay in…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud ayaa dib loo xasuusiyay xan uu nka ay leedahay dibad-baxayaal la rasaase eyo, xilli ay Dorraad ciidanka dowladda Muqdi sho ku rasaaseeyen dibad-baxayaal.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si weyn u cam baareeyay khasaa raha ka dhashay rasaastii Dorraad la gu riday dadkii mudahara adayey ayaa falkaasi ku tilmaamay xad-gudub weyn.

"Waxaan cambaaraynayaa dilka loo geyst ay wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay rasaa stii lagu riday dadkii ku mudaaharaadayey Isg oyska Siinaay ee magaalada Muqdisho. Fal kaasi wuxuu xadgudub ku yahay xaqa dastuur iga ah iyo xurmada nafta muwaadinka,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxa uu intaas kusii daray "Allaha u naxa riisto wiilka dhallinyarada ah ee ku dhintay ras aasta, kuwa dhaawaca ahna Allaha u booga dhayo.”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in shacabka Muqdisho marar ba dan ay dalbadeen in magaalada maqaam loo sameeyo, si ay u soo doortaan hoggaan ay la xisaabtami karaan, "taasi oo aan marar badan ku cel-celinay, welina u taagannahay,” ayuu yiri.

"Ka sokow in ay masuuliyad saaran tahay, haddana waxaan xusuusinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, xanuunkii ay lahayd dibadbax ayaal la rasaaseeyo,” ayuu ugu dambeyntiina yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba, dibadbixii Dorraad oo ay dhig ay een dadweyne careysan ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabad da, ayada oo shaqaaqadu timid kadib markii ciidamada ay rasaaseeyen dibad-baxayaashii, kaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac iyo dhimasho leh.Xigasho:-Caasimadda.Net

Ciidanka amniga Puntland oo Garowe ku qabtay qalab loo waday kooxda Alshabaab

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qalab loo waday kooxda Alshabaab iyo dadkii waday.

     Qalabkaan ayaa lagu qabtay kantaroo lka waqooyi ee mag aalada Garowe sida lagu she egay warbi xin kasoo baxday ciidan ka boolii ska, balse lama caddayn goorta la qabtay .

Tirada eedeysanayaasha lagu qabtay qala bkaan ayaa la sheegay inay yihiin, 5 qof, 4 rag iyo hal haween ah, kuwaas oo ay hay’ adaha amnigu sheegeen inay la socdeen xogt ooda.

Dadka la qabtay waxaa lagu kala magacaabaa.

1. Faisa Cali Maxamed

2. Cabdi Axmed Cusmaan.

3. Haaddi Cumar Cilmi

4. Cabdi Maxamuud Cali

5. Saalax Cabdulqaadit Mahad

Qalabka lagu qabtay ayaa kala ah;

1. Gacamo kuwa loo isticmaalo GPS MAP.

2. Qalab Caafimaad oo dhamaystiran ( A leuk ocyte alkaline phosphatase (LAP) - Laboratory

3. Biinsooyin Kaashwito

4. Kabaha Balistig ah.

5. qalabka soolarka loo isticmalo.

6. Hal Mobile kuwa qarxa lagu kiciyo.

Laanta dambi-baarista Gobolka Nugaal ayaa xaqiijisay in dadka la qabtay iyo qalabka ay wa deen ay ku socdeen Buuraha Gobolka Bari, kuwaas oo ay sheegeen in laga keenay Koon furta dalka Soomaaliya.

Booliska Qeybta Gobolka Nugaal ayaa sheegay in eedaysanayaasha iyo qalabka lag u qabtay la horgayn doonaa Laamaha Gars oorka.

Xogta dhacdooyin argagax leh oo saacado gudahood ka dhacay M/Garowe

Xaafadda Horseed ee magaalada Garowe waxaa laga helay meydka gabar yar oo la gow racay, jirkeedana ay nabaro badan ka muuq daan.

Falkaan ayaa xaafadda uu ka dhacay aad looga ha dal hayaa. Waxaana socda baaritaan ay wadaan laam aha amniga gobolka Nug aal, si gacanta loogu soo dhigo dambiila yaasha.

Lama oga ilaa hadda sababta loo dilay gab adhaas iyo cidda falkaan gaysatay, balse dhac dadaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo fal kuf si ah uu ka dhacay isla magaalada Gar owe.

Gabar yar oo 13 jir ah oo ku nooleed Ka am-ka Shabeelle ee magaalada Garowe ayaa la sheegay kufsi loo geystay saacadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Booliiska Puntaland ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan mid kamid ah 2 nin oo loo heysto inay kufsadeen gabadha yar.

Ragga labada ah ee loo heysto kufsiga ayaa ka tirsan ciidamada Puntland, taas oo fa deexad ku noqotay maamulka, gaar ahaan hey’adaha amniga.

Dhacdooyinkaan xanuunka badan ee gab dhaha yaryar loogu geystay dilka iyo kufsiga saacado is xiga ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garoowe iyo inta badan deeg aanada Puntland.

Maalmahaan dalka dhan, haba ugu daraa tee Muqdisho waxaa ka socday tacadi ay dad ku isku geysanayaan, sida lamaane is dilay, kufsi iyo kuwo nolosha lagu gubay, arrinta an ayaa la yaab ku noqotay bulshada.

Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inuu ka qeyb qaadanayo dhex dhexaadinta Soo maaliya iyo Itoobiya

Madaxweynaha dowladda federaalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maga alada Antalya kula kulmay dhigiiisa Madaxwey naha Turkiga Rec ep Tayyip Erdoğan.

Kulanka oo ka dhacay Madasha Di blomaa si yadda ee Antalya, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, dada allada ka dhan ka ah argagixisada, iyo sidoo kale walaacya da gobolka iyo caalamka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Erd ogan waxa uu xaqiijiyey taageerada joog tada ah ee Turkiga uu siiyo Soomaaliya, isagoo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga difaaca.

Madaxweyne Erdogan ayaa muujiyay inuu Turkigu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato da daallada dhexdhexaadinta ee lagu doonayo in lagu dhimo xiisadda Soomaaliya iyo Itoo biya.

Isaga oo ka hadlayay falalka gardarrada ah ee Israa’iil ay ka waddo dhulka Falastiin, Mad axweyne Erdogan waxa uu hoosta ka xarriiqay in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso dawl ad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah oo ku teedsan xudduudaha 1967 taas oo aasaas u ah nabad waarta.

Kulanka ayaa kusoo beegmay maalmo ka dib markii Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxii xdeen heshiis dhanka difaaca ah, iyadoo Soo maaliya ay doonayso in Turkiga uu difaaca am niga xeebaha Soomaaliya.

Wiil Soomaali ah oo Toorey lagu dilay Mag aalada Gummersbach iyo Booliska oo..

Allaha u naxariisto wiil Soomaali ah oo mag aciisa lagu soo koobay Maxamed ahna 24 sa no jir ayaa lagu dilay magaalada Gummer sbach gobolka Nordr hein-Westf alen ee dalka Jarmalka.

Fiidnimadiii Jimc ada ayaa la sheegay in marxuumka mindi la geliyay isagoo ku sugan Xar unta Tare emada laga raaco ee magaal ada. Waxaa la isku dayay in la badb aadiyo, iyadoo loola cararay isbitaal balse nasi ib xumo way suura geli weysay oo waa geeriyooday.

Booliska Jarmalka oo howlgal sameeyey ay aa 24 saac ka dib gacanta ku soo dhigay Nin kii dilay marxuumka oo aan la ogeyn jinsiy ad iisa iyo sababta uu dilay.

Saraakiisha Booliska Magaalada Gumme rsbach ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan dilkan oo dhinaca kale ay si weyn u ga xumaadeen Soomaalida ku nool Jarmal ka

Jabhada Fano oo ku hanjabtay in ay soo ridayso Diyaaradaha Ethiopian Airline

Jabhadda hubeysan ee Amxaarada ah ee Fano ayaa digniin u dirtay hay’adda duuli sta Itoobiya oo ku saabsan diyaarada ha Ethiopian Airlines, kuwaas oo ciidanka Eth iopia u isticm aalaya duubulidda ciidamada. Fano oo qoraal ku baahisay baraheeda warba ahinta ayaa sheegat ay inay qabsadeen ga ntaalo lidka diyaarad aha ah oo awood u leh in ay damiy aan ama joojiyaan hawlaha di yaarad aha gana csi ee shirkadaas, waxana ayna xus een in ay haystaan gantaalo gaaraya 40,000 feet.

Sida lagu helayo xog dhanka duulimaadka ah, Ethiopian Airlines ayaa dib u jihayn ku sa meysay khadkeeda duulimaadyada ee hawa daha gudaha dalkaas sababa la xiriira khat arta ka timid dhanka Jabhadda Fano. Duulima adkeedii ka imaanayeyey Europe, Woqooyiga Mareykanka iyo Asiya ayaa mar hore khadad kooda dib u jihayn looga same eyey.

Ethiopia ayaa hadda mareysa meel is-goys ah, kadib markii Jabhadaha mucaaradka Itoo biya ay dib isu soo abaabuleen, waxaana ay fagaareyaal dagaal oo dhawr ah uga soo adka adeen Ciidanka maamulka Abiy. Si kastaba ha ahaate khatarta duulimaadyada ganacsi ayaa waxay khatar kale gelinaysaa dhaqaalaha dhamaan goballada dalkaasi.

Midowga Afrika oo cambaareeyay Duqayn lagu laayayay Dad Falastiiniyiin ah

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa si kulul u cambaa reeyay waxa uu ku tilmaamay dil ka ballaar an ee loo geystay dad ka Falastii niyii nta ah ee safka ugu jiray gargaar bini’aa dantini mo.

Guddoomiyaha Ururka Mid owga Afrika Md. Mousa Faki Mahamat wuxuu si adag u cama araynayaa weerarka ciidamada Israa’iil ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen in ka badan 100 falastiiniyiin ah oo raadinayey gar gaar naf badbaadin ah woqooyiga Qasa eee la haysto kaas oo dhacay Khamiistii 29 Feb raayo 2024” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray guddigu.

Ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay in baadhitaan degdeg ah la sameeyo si loola xisaabtamo cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilka dadka rayidka ah.

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika oo geeri yoday & dad badan oo ka hadlay geridiisa

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika una dha shay dalka ugu dadka badan Afrika ee Nag eria ayaa geeriyooday, kaddib xanuun dhinaca wadnaha ah uu muddo sannado badan la daa laa dhacayay jilaagan. John Okafor oo loo ya qaannay Mr. Ibu ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaalla magaal ada Legos ee dalka Nageria, waxaana jilaag an muddo dheer lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad oo aad usii xumaaneysay.Jilaagan geeriyooday ayaa la sheegay in muddo 24-sanno ah la daalaa dha cayay xanu unka wadna xanuunka ah, sanna dkii lasoo dhaafay ayaana la sheegay in xaal ada jilaag an ay aad uga sii dartay. Dad bad an oo caan ka ah qaarada Afrika ay ku jiraan jilaayaal iyo madax ayaa ka tacsiyadeeyay geerida aktarkan reer Nageria, waxa ayna sheegeen in qaarada Afrika ka baxay nin hal-abuure weyn ahaa aadna loo jeclaa.

Ruushka oo jabsaday xogta shir iyaga ka dhan ahaa iyo Olaf Scholtz oo ka carro oday falkaasi

Dowladda Ruushka ayaa awood u yeelatay in ay jabsato ayna hesho macluu maadka shir iyaga ka dhan ahaa, kaa oo ka socday maga alo ku ta alla dalka Jarmalka, wa xa uuna Ruu shka bannaanka kee nay macluumaadkii shirk aasi.

Kanaalka rasmiga ah ee Ruush ka ee RT ayaa maqalka shirkan oo muuqaal ahaa ku ba ahiyay baraha bulshada, waxaana si toos ah loo dha geesanayay haddalada shirkaasi la is ku dhaafsanayay.

Shirkan xogtiisa jabsadeen dowladda Ruu shka ayaa looga hadlayay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxa ayna qirtay dowladda Jar malka in la jabsaday shirka lana dusiyay xo gta iyo macluumaadkii shirkaasi la isku dhaafs adanayay.

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholtz ayaa ka carrooday falkan dowladad Ruushka ku kacday, waxa uuna sheegay in dusinta cod kan ay tahay arrin khatar ah, isla markaana ba aritaan lagu sameyn doono.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda she egtay in codka laga mawqlayay shirka ka dhac ayay Jarmalka uu caddeyn u yahay sida cado wga Ruushka u qorsheenayo in dalkooda wee raro kusoo qaadaan.

Donald Trump oo guulo waa weyn ka gaar ay doorashooyin ka dhacay dalka Marey kanka

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale qarka u saaran in uu noqdo musharaxa xidbiga Jamhuuriga ku matalaya doorashada dabayaaqada sanna dkan ka dhaceysa dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa ku guu leestay doora shooyin ka dhac ay dhowr magaalo uu ugu tarta mayay in uu noqdo musharaxa xisbigiisa matelaya, waxa uuna doorash ooyinkaasi kaga adkaaday mu shara xiintii kale ee la tartantay.

Madaxweynihii hore ee Mareyk anka Don ald Trump ay aa ku guuleystay doorashooyin ka ka dhacay gob olada Missouri, Michigan iyo Idaho, waxaana kaliya u harsan dhowr gobol kale in guulo ka gaaro si doorashada ugu matelo xidbigiisa.

Doorashada socota haddii uu Trump ku soo baxo waxa uu doorashada guud ku mateli doonaa xisbiga Jamhuuriga, waxa uuna xilka madaxweynaha Mareykanka kula tartami doo naa madaxweynaha talada dalka hadda haya ee Joe Biden oo mar kale tartamaya.

SHAN HAWEN AH OO GUULO GAARAY GALAYNA BUUGAAGTA TAARIIKHDA

Asli cabade Haweenku waxay kaalin dhaxal gal ku leey ihiin nolosha bulshooyinka caalamka, dhinac yada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka iyo asaasiyaadka nolosha.

Qaarada Afrika waxaa jira haween kaalin muuqata ka ciyaa ray doorar muhiima oo dha nkast aba leh, waxaanse dul istaagi doo naa shan ka mida kuwa sameyey horumarada saa maynta yeeshay.

Asli Xasan Cabaade DUULIYE

Asli Xasan Cabaade waxay ahayd duuliyihii ugu horeeyay ee Afrika iyo Bariga Dhexeba, waxay hore BBC-da uga warantay halgankii nolosheeda iyo sidii ay ugu suurtogashay in ay duuliye ciidamada cirka ah noqoto, xilli dumarka aysan shaqooyi nkaasi qaban jirin.

"Xisaabta ayaan aad u jeclaa, fisikis iyo ast ronomy (xidigiska) saraakiil ayaan ahayn, hoo yaday iyo aabahay ayaa ka mid ahaa ciidaka Booliiska Soomaaliya, waxaanan degenayn xerada Afisiyoone, aniga oo wax akhrisanaya ayaan aroortii hore arki jirey diyaaradaha kac aya, waxaanan dhihi jirey illaahayoow ha I di lin aniga oo garoonkan ka kicin oon kasoo da jin diyaarad" ayay tiri Asli oo BBC-da la hada shay.

Waxa ay sheegtay in xiligaas ay waalidiinta Soomaalida aaminsana ayeen fikrad ah in gab dhaha ay aqoonta ka xadaan wiilasha, sidaasi darteedna laga hor istaagi jirey in ay gaaraan tacliin sare.

Asli waxay ka mid tahay gabdhaha qaarada ugu suntan inay ka mi ra dhaliyeen hadaf fog oo sal u ah kaalinta dumarka ee qaarada ku leey ihiin.

SAMIA SULUHU HASAN MADAXWEYNAHA TANSAANIYA.

Waa Madaxweynaha dalka Tansania, xilka as oo ay qabatay bishii Maarso sanadkii 2021-kii markii uu geeriyooday Madaxweynihii ay ku xigeenka u ahayd ee dalkaas.

Waa haweenaydii ugu horeysay ee xilka Madaxweyne ka qabata dalkeeda iyadoo sida as oo kale Samia ay astaan ka muuqata qaar ada u noqotayhaweenka ku nool Afrika.

Xilal heer wasiirnimo ayey ka soo qabatay dalkeeda, waxaana lagu xasuustaa qaabayntii ay ku samaysay dimuqraadiya dalkeeda iya doo ka dhigtay gole u furan mucaaradka.

Ngozi Okonjo-Iweala GCONDHAQAALAYAHAD.

Waa dhaqaaleyahanad u dhalatay dalka Nigeria balse haysatada dhalashada dalka Maraykanka, door firfircoon ayey ku leedahay hagida dhaqaalaha dunida. Laga soo bilaabo bishii Maar so sanadkii 2021-kii ilaa hadda waxay haysa taa xilka agaa simaha guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka.

Waa haweeneydii ugu horreysay iyo Afri kaan kii ugu horreeyay ee hoggaamiya Ururka Ganacs iga Adduunka ee Agaasimae Guud ka noqota.

Dalkeeda waxay soo hogaamisay muddo dheer wasaarada maaliy ada ee dalkaas oo ay door muhiima ku lahayd hagaajinta dhaqaalah dalka Nigeria.

Maria de Lurdes Mutola CIYAARYAHANAD

Waa ciyaaryahanad u dhalatay dalka Moza mbique, taas oo taariikh ku leh ciyaar aha Olympic kada ee caalamka.

Maria Mutola waxay ciyaaraha caal ami gaa ku biirtay iyadoo da'deedu tahay 15 jir, waxa yna ku sii jirtay heerka ugu sarreeya in ka badan labaatan sano, iya da oo ku tarta mays ay lix qaybood oo ciyaaraha ah, Waxay dalkeeda u hoysay billada daha bka ah ee ciyaarihii Olym pic

kada ee ka dhac ay magaalada Sydney 2000-dii taas oo ay oroday 800m

.Dhakhtarad Matshidiso Moeti. DHAKHTARAD

Matshidiso Rebecca Natalie Moeti waa dha khtarad iyo khabiir ku ta khasusay caafimaa dka dadweynaha, waxay u dhalatay dalka Bot swana.

Waxay nooqtay haweenaydii ugu horeysay ee qabata xilka agaas imaha Gobolka ee Xafi is ka Ururka Caa fimaad ka Adduunka ee Afrika (AFRO), xarunt eeduna tahay Brazza ville, Ja mhuuriyadda Congo kaas oo ay hayso ilaa 2015-kii

Door weyn ayey ka ciyaartay in Qaarada loo helo qorshe caafimaad oo wax ku ool ah iyadoo hogaamisay barnaamijyo waxtar u leh dad weynaha Afrika.

Zenzile Miriam Makeba FANNAANAD

Waxaa lagu naanaysaa hooyada Afrika, waa heesaa, qoraa suug aaned, jilaa iyo u dhaqdhaqaaqe xaquuqda madaniga ah.

Sidoo kale waxay si weyn ugu soo horje ed ay midab-takoorka dalka Koonfur Afrika iyo dawladii ay maamulayeen caddaanki tir ada yaraa ee Koonfur Afrika.

Heesaha ay qaaday waxaa ka mid ah nuuc yada Afropop iyo jazzi.

Lupita Amondi Nyong'o JILAA

Waa jilaa u dhalatay Kenya basle sidoo kale haysata dhalashada dal ka Mexico. Jilista filimo lagu sameeyey Ken ya iyo me elo kale oo dunida ah waxay noqo tay mid soo jiidasho leh, kuwaas oo ay ku mut ay satay abaalmarino heer sare ah.

Gabadhan uu dhalay siyaasiga weyn ee Kenya Peter Anyang' Nyong'o, waxay si taxa ne ah ilaa 2015-kii u soo bandhigaysay heerk eeda sare ee jilaanimo.

Waxbarashadeeda waxay ku qaadatay jaamacad ku taal Maray kan ka, iyadoo shaha adada koowaad ee jaamacadda ka qaadat ay daraa saadka filimada iyo masraxa ee Ham pshire College.

Sida ay muujiyaan daraasado la sameey ey, haweenka Qaarada Afri ka ayaa tobankii sa no ee la soo dhaafay sameeyey horumar xowli ah oo dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha ah. XIGASHO:-BBC

Magaalada Riyad Oo Laga Dhisayo Garoon ka Diyaaradaha Ugu Weyn Caalamka

Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in ay dhisto mid ka mid ah garo omada diyaaradaha ee ugu weyn caalamka taas oo wax weyn ka tari doonta hamiga Boqortooyada Sacuudiga ee ah in ay noqoto xudunta ganacsiga iyo dal xiiska caalamka, sida uu sheegay dhaxal sug aha Boqortooyada Sacuudiga Maxa med Bin Salmaan Bin C/casiis.

Garoonka Caala miga ah ee Boqor Salm aan, oo ku yaalla ma gaalada Riyadh, ayaa ye elan do ona lix wad do oo ah kuwa is ba rbar socda kuw aasoo ku soo de gi karaan kana duuli karaan diyaaradaha, waxaana la filayaa in SR27 bily an oo u dhiganta ($7.18 bilyan) uu sannadkii ku biiriyo wax-soo-saarka guud ee gudaha Sucuudiga sanadka 2030ka. Garoonka waxaa sannad kasta isticmaali doona rakaab gaaraya 29 milyan illaa 120 milyan oo sanadka 2030 iyo 185 milyan marka la gaaro 2050.

"Mashruuca garoonku waxa uu la jaan qaadayaa aragtida Suc uudiga ee ah in Riyadh ay ka mid noqoto tobanka waddan ee ugu dha qaalaha badan adduunka iyo in la taageero kobaca dadka Riyadh oo la gaarsiiyo 15-20 milyan marka la gaaro 2030,” ayaa lagu she egay warbixin ka soo baxday boqortoyada Sac udi Carabiya.

Waxa ay intaa ku dartay in madaarka Boq or Salmaan uu abuuri doono 103,000 shaqo oo toos ah iyo mid dadban.

Shirkadda diyaaradaha ee Saudia oo 77-sano jir ah waxa saldhig u noqon doona mag aalada Badda Cas ee Jeddah iyada oo la raacayo istaraatiijiyada gaadiidka ee ku baaqaya in la dhiso labada xarun.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip