HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA MAARSO 2024-KA

0
Sunday March 03, 2024 - 08:15:18 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA MAARSO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan She ekh Maxamuud ayaa Shalay la kulmay Mada xweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erd oğan ka dib markii uu dalka Turkiga uga qeyb galaya shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasi yadda ee Antalya.

Kulanka labada Ma daxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeya an dhinacyada iskaa shiga dhaqaalaha iyo Difaaca.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulankii Baarlamaanka maxaa Shalay looga hadlay

Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Shaca bka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Shalay shir guddoomisay kulanka 20aad Kalfadhiga 4aad ee labada Aqal ee Baarlamaa nka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehelayay ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka Shalay oo ahaa sii wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddel ka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xauquqda asaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobka 31-aad-41-aad.|

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtido oda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib eegista Dastuurka, waxaa looga dooday, xaqa helidda xogta , xaqa ilaalinta xogta shaqsiga, go’aano maamul oo caddaalad ah, xaqa Dacwadda iyo isdifaaca,xuquuqda Eedaysanaha iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen Isucelinta Eede ysanayaasha iyo Danbiilayaasha isla markaa na waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sana tarrada uga doodeen sixidda Ku-xadgudubka xaquuqda Aadanaha iwm.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin oo soo xirtay Fadhiga Shalay ayaa waxay sheegtay in malinta isniinta uu bilaawan doono Cudubka 3aad ee ka doodista Dastuurka Dalka.

DHAMMAAD

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hey’adda Interpeace oo kala saxixday is-afgarad ah oo la xiriira nabad-dhiska

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Feder aalka iyo dib u heshiisiinta ee Sooma aliya iyo Hey’adda Interpeace ayaa Shalay kala saxi ixday isafgarad istaraati iji ah oo la xiriira nabad-dhiska, iyada ay heshiis ku ay saxiixeen wasiirka Arrimaha Gudaha ee So omaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi iyo Iton de Kakoma oo ah madaxweynaha Interpeace.

Heshiiskan oo la xiriira horumarinta Hanna anka Dhab u heshiisiinta Qaran ayaa waxaaqeyb ka ah howlaha kor loogu qaadayo isdhex galka bulshada, wada noolaashiyaha, sooka bashada iyo guud ahaan arrimaha dib u heshii siinta. Labada dhinac ayaa lagu wadaa in iskaashaadaan awoodsiinta bulshada qeyb aheeda iyo hey’adaha dowladda ee kashaqee ya arrimaha nabadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay wa xa uu ka dhigan yahay isafgaradkan " Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan aan la yeelaney no Interpeace, oo ah suurogelinta bey’ad ku habboon nabadda iyada oo laga duulayo tiirar ka hannaanka dhab u heshiisiinta qaran, taas oo muhiim u ah Xasillinta Soomaaliya”.

Dhankiisa, Madaxweynaha Interpeace Ito nde Kakoma ayaa ka hadlay ahmiyadda hesh iiska "Iskaashigan waa tallaabo muhiim ah loo qaaday ballanqaadyadeenna ku aadd an Hannaanka Dhab u heshiisiinta Qaran.

Duqa Muqdisho oo qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Hay’adda Bisha Cas Turkiga



Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoo se ee Xamar ku qaabilay Ku- igeenka Xoghay

aha Guud ee Hey’adda Bisha Cas Turkiga Md Sukru Can.Kulanka oo ay goobjoog ka ah eyd Agaasime Ku-xigeenka Waaxda Agoo nta iyo da’ yarta tabaaleysan Marwo Ilhaam Awe ys Axmed, ayaa looga hadlay sidii loo caawin lahaa xaru maha lagu bar-baariyo isla mar kaana wax la gu baro Agoonta, maadaama ay fooda nagu soo heyso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga kaalinta ay ka qaataan gacan siinta xarumaha Agoonta ee ku yaala Gobolka Banaadir.

W/ Cadaaladda XFS oo kulan la yee shay Xil.Fowsiyo oo u tartameysa xilka Gudoomiyaha M. Afrika

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arri maha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxam uud, oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka iyo xoghayaha Joogta da ayaa Shalay xa fiiskiisa ku qaabil ay Xildhibaan Fow siyo Yuusuf Xaaji Aadan oo u taagan xilka Gudoomiyaha Mido wga Afrika.

Kulanka oo ahaa mid muhiim ah ayaa Wa siir Xasan Macallin waxaa uu taageero iyo dhii rigalin u muujiyay Xildhiban Fowsiyo oo soo noqotay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka una soo tartantay Xilka Madaxwaynaha Soom aaliya, haatanna ah Musharax Gudo omiyaha Midowga Afrika. Wasiirka ay aa ku ammaanay Marwo Fo wsiyo dadaalkeeda nabad dhisidda iyo kartideeda dibla maasiyadeed taas oo u hors eedi doonto guusha xilka Gudoomiyaha mido wga Afrika.

Musharax Fowsiyo Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay wasiir Xasan Maca llin taageer ada iyo garab istaagga uu u muujiyay, iyada oo sheegtay in Soomaaliya guulo la taaban karo ay ka gaar tay sare u qaadista maqamka Soomaaliya ay ku leedahay Qaaradda Afrika.

Maxkamadda G/Banaadir oo shaacisay waq tiga Go’aanka laga gaarayo kiiska Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa mud deysay waqtiga la dhageysanayo Go’aan ka dacwada kama dambeysta ee kiiska Eedey

sane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo hay sto inuu xaaskiisii oo uur laheyd bishii hore ku

gubay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobo lka

ayaa lagu muddeeyay in Maalinta Arbac ada ah 06-03-2024 Maxkamadda la horkeeno mar kale Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Marxuu mad Luuq Cabdicasiis oo aan weli la aasin.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa isbuucii hore lasoo gabagabeeyay dhageysiga kiiska dilka ah ee loo heesto, waxa uuna ninkan qirt ay in uu sabab u ahaa geerida xaaskiisa Luul Cabdicasiis, isagoona sheegay in xaaskiisa uusan kutalagal u gubin una dilin.

Guudlaawe "Waxaa naga go’an in Hirshab eelle oo dhan inay ka dhacdo Doorasho Gole deegaan”

Munaasabada caleema-saarka Xildhibaana da cusub ee Golaha deegaanka degmada Jo whar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Habeen hore ka dhacday magaaladaasi, kuwaasi oo bilo kahor doorashadooda ka dhacday Jow har.

Madaxweynaha Hirshabe elle Cali Cabdull aahi Xuse en (Cali Guudlaawe), Mada xweyne ku-xigeenka Hishabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) labada gole ee sharci-dejinta iyo fulinta, hay’addaha amniga, xubnaha la door tay ee golaha deegaanka, koox fanneedka Hid do, warfaafinta gaarka loo leeyahay iyo marti-sharaf kale ayaa ka qeyb galay Munaasa badda.

"Waxaa naga go’an in Hirshabeelle oo dhan inay ka dhacdo doorrasho gole deegaan taas oo ay bulshada kusoo dooranayaan dad ka u khidmeynayo waana hab-ka saxda ah ee Dowladnimada.”

Ugu dambeyn madaxweynaha Cali Cabdu llaahi Xuseen Cali Guudlaawe Hirshabeelle ay aa guullaha siyaasaddeed ee la gaaray ku tilm aamay kuwa Hirshabeelle ku sii riixayo

wadajirka iyo wax wada-qabsiga

Xasan Sheekh: Dhib gudaha ka heysta ayuu doonayaa Abiy Ahmed inuu dibadda u xawilo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha dibluma asiyadda ee Antalya ee da lka Turkiga ayaa ku til maa may hogaanka Itoobiya mid doonaya in uu dibadda u xawilo dhibaatooyi nka ka jira gudaha dalkiisa.

"Taariikh dheer ayaan leenahay annaga iyo deriskayaga Itoobiya, 6 ilaa 7 qarni, inta bandanna ma ahayn taariikh wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaa liya ay doonayso in taariikhdaas laga gudbo oo la dhiso xiriir dhaqan dhaqaale oo u dhex eeya labada dal.

"Nasiib darro marka uu hoggaanku wajah ayo dhibaato gudaha ah oo uu doonayo in uu indhaha dadkiisu ku xawilo arrimo dibadda ah, waa dhibaato halis ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

"Waxaa jira dalal badan oo bad la’aan ah, dhamaantoodna badda way isticmaalaan, waxaana jira qaab caalamku isla oggolyahay oo ku aaddan sida ay dalalka aan badda lah ayni uga faa’iideysan karaan badda. Taasi ka ma dhigna inaad qayb goosato ama in aad sal dhig milatari ka samaysato dalkaas,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bila abatay kadib heshiis is-afgarad oo Addis Aba ba ku dhex maray Somaliland iyo Itoobiya 1-dii Janaayo, kaas oo dhigayey in Itoobiya laga kireeyo 20 KM xeebaha gobolka Awdal ah.

Madaxweynaha oo ku sugan dalka Turkiga ayaa Shalay kulan la yeeshay madaxweyn aha dalka Turkiga Recep Dayyip Erdogan, wa xaana ay ka wada hadleen xiriirka walaalni mo ee labada dal, heshiiska iskaashiga difaa ca iyo dhaqaalaha ee ka dhexeeya Soomaa liya iyo Turkiga.

Soomaaliya ayaa Turkiga u saxiixday hesh iis difaac iyo iskaashi dhaqaale, waxaana lagu wadaa in xeebaha Soomaaliya ay yimaad aan ciidamada

Wasiir sheegay in heshiiskii Tukiga uusan wax xiriri ah la lahayn khilaafka Itoobiya kala dhexeeya.

Wasiiru dawlaha arimaha dibadda ee So omaaliya Cali Cumar Balcad ayaa ka hadlay kuna celiyay in heshiiskii Somalia ay la gashay Turkiga uusan wax xiriir ah la lahayn khilaafka Somalia iyo Itoobiya

” wax shaqo ah iskuma laha xi isadda kala dhaxaysa Itoob iya iyo Heshiiska aan dhawaan la galnay Turkiga”ayuu riri Wasiir Balcad oo war eysi uu siiyay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu

Wasiir Balcad wuxuu tilmaamay inay jirto fursad furan oo ah in Turkigu dhex dhexaadin ka sameeyo khilaafka madaama ay xiriir wa naagsan la leeyihiin Itoobiya.

"Si loo dhiso ciidanka amniga badda, wax aad u baahanaysaa kharash, dhaqaale badan ayey u baahan tahay, taasi waa waxa aan ugu yeerno iskaashiga gaashaandhigga iyo dha qaalaha,” ayuu yiri

Sidoo kale Wasiirka wuxuu xusay in heshii skan Turkiga iyo Somalia uu yahay mid faa’I ido u leh labada dal isagoona rajo ka muuj iyay inay Turkey ka heli doonaan dhaqaale ay dib ugu dhistaan Ciidamo badeed xoog leh oo amnigooda sugan kara.

W/Arrimaha Gudaha XFS oo Muqdi sho ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Diinta dowladda Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka So omaaliya mudane Ahmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro xukuumadda Federaa lka ah, xildhibaanno BFS ka tirsan iyo maam ulka Machadka Heritage ayaa Shalay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimad da Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha

Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djib outi Md. Muumuin Xas an Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeybalaya wajiga 2-aad ee dhammaystirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono 4 -5 bishan Maarso.

Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadley munaasabadda soo dhaweynta Wasiir Muumin ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah labada dal ee walaalaha ah ee Somaaliya iyo Djibouti, iyo in uu ku soo dhowaado gacmo furan dalkiisii labaad, una rajeeyey mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho kulam ada uu la qaadan madaxda dawladda Sooma aliya kuwo miro dhal ah oo kor u qaadaya xirii rka labada dal ee walaalaha ah, ku guulaysto hawlaha kale ee uu u soo sodcaalay iyo joogitaan nabad ah.

Dad ka careysan Dil loo geystay wiil oo Ba naanbax kawaday Isgoys ku yaal Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowla dda Federaalka ee jooga isgoyska Siinaay ee Muqdisho ayaa goor dhow toogasho ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dad shacab oo banaanbax looga horjeedo Maamulka Gob olka Banaadir ka waday halkaasi.

Askari joogay isgoyska ayaa lagu soo warr amayaa inuu dilay wiilka dhallinyarada ahaa, waxaana intaas kadib goobta ka bilowday ban aanbax kale oo ay dhigayaan dad ka careysan dilka loo geystay wiilka.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray isku soco dka gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee istic maalayay wadada marta isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, iyagoona wadada ku gubaya taayaro waaweyn, sidoo kalena jidka dhigay dhagxaan iyo biro.

Illaa iyo hada ma jiro Saraakiil kamid ah kuwa laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo gaaray halka uu ka socdo banaanbaxa ay dhigayaan dadka ka careysan dilka loo geystay wiilka dhallinyarada ahaa.

Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray wixii Shalay dhacay

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbixii Shalay ka dhacay isgoyska Siinaay ee maga alada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiil Camera Man ah.

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii Shalay xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay.

"Askari kasta oo xabad ka riday halkaas waa la xiray, waxaana kiiskaas ku socota baaris, maxkamad ayaana lagu kala bixi doonaa,” ayuu yiri taliyaha booliska Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday inay cadaa ladda hor keeni doonaan askartaas, balse wuxuu shacabka Muqdisho ka dalbaday in ays an dhigin banaanbax dambe oo booliska aan ogolaasho ka heysan.

"Dadka caadeystay inay magaaladaan ka dhigaan banaanbax rabshado wata waxaan siinayaa digniintii u dambeysay, ma ogolaa karno wixii Shalay dhacay oo kale, dhibka ay ka cabanayaan mid ka daran ayey sameeyaan dadkaasi,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa sheegay in Shalay laga caban ayey wax aan macna badan laheyn, balse uu dhacay dhib kii laga cabanayey ka weyn oo qof dhintay.

"Wixii Shalay laga cabanaayey waxaa ka dhib badan waxa dhashay, qofaa dhintay, tukaan lama furin, guryo iyo gaadiid badan ayaa la burburiyey, Shalay jidkaan lama mar in, waxaas oo dhan sharci darro ayey ku dhac een, cidna ogolaansho kama heysan dadkii ba naanbaxay ee dhibkaan abuuray,” ayuu hada lkiisa ku sii daray.

Taliyaha ayaa sheegay in hadda kadib ay baacsa doonaan dadka abaabula banaanbax yada noocaan ah, si looga baaqsado in wixii Shalay oo kale ay dhacaan.

"Hey’adaha amniga waxaa farayaa hadii ay arkaan banaanbax noocaan ah, waxaa jira ciidan loogu talogalay oo ulo wata, ciidankaas ayaa loo soo diraa dadka banaanbaxaya, ma anta kadib ma dhici karto in xabad loogu jaw aabo qof shacab ah,” ayuu yiri Macalin Mahdi.

Taliyaha ayaa aad u xaqiijiyey in askari kasta oo Shalay xabad riday ay soo xireen, si loo ciqaabo, wuxuu ka gaabsaday inuu shaa ciyo tirada askarta xiran, balse wuxuu balan qaaday inay maxkamad soo taagi doonaan baaritaan kadib, si wiilkii la dilay uu cadaalad u helo.

"Waxaan cadeynayaa masuuliyadda in cadaaladda lasoo taago ninkii dilay wiilkaas shacabka ah anaga ayaa masuuliyadeeda qaa daneyna, waxaan ka rabnaa odayaasha dhaq anka iyo waxgaradka Muqdisho,in wixii Shalay oo kale aysan nagu soo laaban,” ayuu yiri taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi.


Dowladda UK oo sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta taageerada amniga Soomaa liya

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK James Stephen Heappey ayaa soo gabaga beeyey booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Kenya, isagoo la kulmay madaxda sare iyo saraakiisha difaaca oo uu kala hadlay xoojinta iskaashiga difaaca gobolka iyociidamada.

Wasiiru Dowlaha Difaaca Uk waxa uu la kulmay Mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud, si uu ugu xaqiijiyo sida ay UK uga go ’an tahay in ay Soomaaliya ka taageerto amniga mustaqbalka fog.

Sidoo kale waxa uu booqday askar ka tirsan ciidamada Britain oo tababaro siinayay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, waxa ana uu kala hadlay ergayga gaarka ah ee xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabi lsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Dowladda UK ayaa si dhow ula shaqeyney sa dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal lada looga hortagayo kooxda Al-Shaba ab, waxaana wasiirku uu ku celceliyay taageerada joogtada ah ee UK ay ka geysaneyso wax ka qabashada khatarta Alshabaab.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga UK oo socdaalkiisa sii wata ayaa kulamo kula soo qaatay dalka Kenya, Wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca, kor u qaadista awoodda ciidamada Kenya iyo horumarinta nabadda gobolka iyada oo loo marayo heshiiska iskaashiga difaaca ee UK iyo Kenya.

Maxkamada Ciidamada iyo Nin ku eedeys an inuu baraha bulshada ku taageero Alshabaab

Waxaa Shalay Maxkamada Ciidamada la soo taagay nin dhalinyaro ah oo ku eedeysan inuu baraha bulshada ka taage ero Alshabaab islam arka ana uga hanjabo sha cabka isagoo adeegsanaya cinwa ano iyo magacyo.

Dacwad ooga ayaa ku dhaliilay eedeys ana ha oo lagu magacaabo Maxamed Khaliif inuu Alshabaab ka tiran yahay uuna samays tay magacyo uu ku handado Shaqaalaha Dow lad da,sidoo kalana ku faafiyo baraha bulshada fikirahada Alshabaab.

Eedeysanaha laftigiisa ayaa ka codsaday Maxamada in xoriyadiisa la siiyo hada kadibna afkiisa laga nabad geli doono.

Halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo xiganay Dalsan TV oo ah maxkamadeynta sida ay u dhacday:-

ATMIS oo soo Gabagabeysay Wejigii 2-aad ee dhimista Ciidankooda (WARBIXIN)

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciid anooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan. Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Laba dii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Sooma aliya.

Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maa reynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’u uliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. "Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Qorshaha Wejiga 3-aad

Qorsheynta Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan "marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

"Ma fududa, laakiin waa inaan ka gudubnaa caqabadaha anagoo ku sii jirna feejignaanta ugu badan inta lagu jiro xilliga kala guurka,” Souef ayaa ku yiri sii deynta wararka ATMIS. Taliyaha ciidamada ATMIS ee dalka Uganda Lt. Gen. Sam Okiding ayaa sheegay in taliye yaasha ay ka wada hadleen arrimo badan. "Waxaan baarnay xaaladda amniga Soomaa liya, waxaana tixgelinnay halka ay hadda taagan tahay al-Shabaab, iyo sidoo kale waaji baadkeenna iyo xaaladda amni ee ATMIS-ka kaddib,” ayuu yiri.

Maraykanka oo Dhisaya Saldhigyo Ciidan

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo waxa ay ku dileen saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen meel u dhow magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya. Weerar kan la mid ah oo Mareykanka uu fuliyay ayaa bartamihii bishii hore ee Feberaayo waxaa uu ka dhacay deegaan ka fog fog ee Maamulka Jubbaland ee Koonfurta Soomaaliya.


Maalmo kadib howlgalkii Jubaland, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay ku dhawa aqday in ay qorsheyneyso in ugu yaraan afar saldhig oo ciidan ay ka dhisto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay; Dhuusam areeb, oo ah degmo ka tirsan Galgaduud; Mag aalada Jowhar ee xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe; iyo Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiiskan ku tilmaa may tallaabo muhiim ah oo lagu tayeynayo ciidamada Soomaaliya iyo ciribtirka Al-Shabaab. "Heshiiskani waxa uu caawinayaa qorshayaashayada aan dalka kaga xorayna yno Al-shabaab iyo sugidda amniga,” Maxam uud ayaa sidaas ku yiri xafladdii saxiixa.

Guutada Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa lagu xirayaa saldhigyada cusub. Milata rigu waxa ay aasaaseen guutada 2017 kii dib markii ay Soomaaliya iyo Maraykanku heshiis ku gaareen in ay qortaan, tababaraan, qalabeeyaan, iyo la taliyaan 3,000 oo rag iyo dumar ah oo ka kala socda gobolada dalka si loo dhiso awood ciidan oo xoog leh oo ka dhex jirta ciidanka qaranka Soomaaliyeed.

Guutada ayaa markii hore ka koobnaa dad gaar ah oo ka yimid gobollada ugu saboolsan dalka. Laakiin aragtideeda dadwaynaha ayaa kor u kacday wakhti ka dib, oo hadda waxay shaqaaleysiinaysaa musharaxiin aqoon sare leh, oo uu ku jiro ugu yaraan hal dhakhtar.

Ciidanka Danab waxaa loogu talagalaa in 72 saacadood gudahoodoo weerar deg deg ah, waxayna si joogto ah u raadsadaan ilaa 350 Askar cusub ah markiiba, si ay u tababaraan, islamarkaana ay la wareegaan goobta dagaalka.

Waxaa qortay Madashada Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF)

Diblumaasi Mareykan ah oo qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa dal Mareykanka cadaw ku ahaa

Diblumaasi hore oo u dhashay dalka Mare ykanka ayaa qirtay dambi ah in uu basaas u ahaa muddo 40-sanno ka badan dalka Cuba, oo cadaawad xooggan ay kala dhaxeysay dowladda Mareyk anka. Victor Manuel Rocha oo 73 jir ah muddana kusoo dhax jir ay diblumaasiyada Mareykanka ay aa qirtay dambi ah in uu basaas xogaha u gudbiya dowladda Cuba ahaa muddo ka badan 40-sanno.

Diblumaasigan ayaa lagu eedeeyay in uu si qarsoodi ah xogta ugu gudbin jiray dowladda Cuba oo ay maamulayeen shuuciyada, tan iyo 1981-kii, xilligaasoo uu ka shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Maxkamadda kiiska diblumaasigan qaade ysa ayaa lagu wadaa in ay soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan dhageysiga kiiskan 12-ka Abriil, waxa uuna ninkan bedel ay bayaan hore oo kasoo hor jeediyay maxka mada Mareykanka ee Miami Khamiistii.

Ciidanka Jubbaland oo Weerar khasaaro dhaliyay ku qaaday Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dara awiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Shalay oo sabti ah waxa ay weerar ku qaad een deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jub bada Hoose, halkaasi oo ay ku sugna ayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ayaa ka gudbay dhanka Wabiga halka Ciidamada qaarna ay mareen wadada Laamiga oo dhaw aan Fataha adaha ay burburiyeen, waxaana dhacay daga al culus dhexmaray dagaalam ayaasha Al-Shabaab iyo ciidamada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaa lka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhim asho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray, saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.

Saraakiil u hadlay ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay dileen afar xub nood oo kamid ahaa Shabaab, isla marka ana ciidamada gacanta ay ku dhigeen Qori BKM, hal qori oo RPG ah iyo 8AK47 ah, waa sida ha dalka loo dhigay.

Si kastaba ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab aya a waxa ay marar badan dagaalo khasaaro dha liyay ku dhexmareen deegaano ka tirsan Go bolka Jubbada Hoose, waxaana xusid mud an iyo dhinacyada ay guulo kala sheegteen.

Booliiska Somaliland oo faah faahin ka bix iyay askarigii dilay aabihiis iyo sida laga yeelayo

Taliska ciidanka booliiska maamulka Somal iland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay askari katirsanaa ciidanka milatariga Somal iland oo Habeen hore aabihiis si bareer ah ugu dilay magaalada Ceyrigaabo ee gob olka Sanaag.

Booliiska ayaa sheegay in ciid anka booli iska gacanta ku hay aan eddeysane Cabdiqaa dir Ma xamed Cabdi oo Habeen hore dilay aabihiis Maxamed Cabdi Xamari, waxa ayna booliiska sheegeen in askarigan oo isku dayay in uu baxsado gacanta lagu soo dhigay.

Taliyaha booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeg ay in askariga dilka geestay uu cabsanaa mar ka uu dilayay aabihiis, waxa uuna xusay in ay hadda ku wadaan baaritaanno ku aadan saba bta uu aabihiis u dilay.

Waxa uu sheegay taliyaha in ninka dilka ge estay aysan muuqan sabab gaar ah uu aabi hiis u dilay, waxa uuna xusay kaliya in ay tuhm ayaan in sababta dilka keentay ay tahay maan dooriye uu ninkaasi si weyn u isticma alayay.

Taliyaha booliiska gobolka Sanaag ayaa sheegay in ninkan dilka geestay sida ugu dha qsiyaha badan sharciga loo horgeyn doo no, si loo marsiiyo ciqaabta dambiga dilka ah uu aa bhiis u geestay.

War cusub oo kasoo kordhay dilkii Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil Ehellada Marxuum Sheekh Xasan Diirshe oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa afar bilood kadib ka hadlay dil ka marxuumka ee isaga iyo Saciid Tahliil Max amed loogu gaystay magaalada Dhuusam areeb. Dilka loo gaystay labada marxuum ay aa salka ku hayay aano qabiil, waxaana si weyn uga xumaaday reer Dhuusamareeb, ma ada ama lagu dhex dilay caasimada Galmu dug.

Xuseen Diirshe Cadde oo la dhashay marx uumka ayaa sheegay in aan weli lasoo qaban eedeysanaha, isaga oo arrintaas ku tilmaamay xadgudub wayn, maadaama laga gaabiyay.

"Afar bilood ka bacdi in xaaladdeena wax la ga qaban waayo dhacdadii ka horreysay ama ka dambeysay la xalliyay waxay nagu tahay xadgudub aanan maleysan karin” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ca bashadooda ay wax ka qaban weysay Galm udug, haatana ay usoo gudbinayaan dowlad da dhexe, si wax uga qabato arrintaasi.

"State-ka meesha ka jiro wax waa ka qaban waayay cabashadeena waxa ay hadda usoo gudubtay dowladda federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud inuu cabashadeena tixgeliyo dhi bka nagu dhacayna uu kasoo jawaabo” ayuu mar kale yiri marxuumka walaalkiis.

Mid kamid wiilasha marxuum Sheekh Xas an Diirshe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in eedeysanahaa uu dhex joogo magaalada, balse aan lasoo qaban, sida uu hadalka u dhigay.

"Qof dhib intaas la’eg noo gaystay, hadd ana magaaladii uu ku noolyahay ama uu u dhow yahay oo anan lasoo qaban xaqiiqdii waa arrin qalbiga xanuunjineyso” ayuu isna yiri.

Ugu dambeyn waxaa shirkan jaraa’id ka hadashay Muna Diirshe oo iyadana kamid ah ehelllada, taas oo farriin culus u diryay mada xweynaha dowladda Soomaaliya.

"Caasimadii Dhuusamareeb ee aan gacma heena ku dhisanay, maamulkii aan gacma he enna ku dhisanay inuu Shalay dhiige yna wax ba ka qaban waayo waxa khaldan iyo waxa jiro inuu soo dhex-galo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayay iyaduna tiri Muna Diirshe.

cusub oo la wareegay ciidamada Kenya ee ka howlgala Somalia

Taliyaha cusub ee ciidamada Kenya ee qe ybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soo maaliya (ATMIS), Brig. Seif Salim Rashid, ay aa si rasmi ah ula wareegay xilka uu kala war eegay Brig. William Kam oiro.

Intii ay socotay Mun aasabada xil wareejinta oo ka dhacday Xarunta ATMIS ee Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Dhoobley, Brig. Kamoiro oo soo dhameystay kormeerki isa shaqo ayaa ciidamada ku bog aadiyay dad aal ka ay ugu jiraan ka hortagga Al Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan ee ku sugan aagga Jubooyinka.

"Intii aan hayay xilka taliyaha Qeybta Laba ad, waxaan ku shaqeynay ATMIS-ka si waa faqsan Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP),” ayuu yiri Brig. Kamoiro.

Wuxuu tilmaamay in nabadaynta deegaanada Jubaland ee lagu guuleystay iyo ilaalinta dadka rayidka ah ay ka mid tahay waxyaabihii ugu waaweynaa ee uu qabtay mudadii uu xilka hayay.

"Ciidanka Kenya ee ATMIS iyo kuwa Na bad sugidda Soomaaliya (SSF) waxay naba deeyeen deegaanada Jubaland ee aan gac anta ku hayno, waxayna difaaceen dadka rayidka ah. Tani waa in la sameeyo hawlgallo lagu carqaladaynayo laguna wiiqayo awoodda Al-Shabaab,” ayuu raaciyay.

Taliyaha xilka ka dagay ayaa sidoo kale ku amaanay ciidamada ATMIS taageeradooda ku aadan hanaanka kala guurka ee ay Soomaa lidu hogaamineyso oo ay ka mid yihiin tayay nta iyo isku dhafka SSF.

"Waxaan taageernay kobcinta awoodda iyo isku-dhafka SSF annagoo fulinayna tababaro, hagitaan xagga qorsheynta iyo hawlgallada wadajirka ah iyo sidoo kale siinta taageerada hawlgalka iyo la-talinta istiraatiijiyadeed ee SSF,” ayuu arkay.

Dhankiisa, Brig. Seif, waxa uu ku celceliyay sida ay uga go’an tahay in uu ilaaliyo dhaxalkii Taliyihii isaga ka horeeyay.

"Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay ujeeddooyinka Howlgalka ee ay qeexeen Midowga Afrika iyo beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan dadka Soomaaliyeed, oo naloo xilsaaray inaan ilaalino,” ayuu yiri Brig. Seif.

Wuxuu ku booriyay ciidamada inay feejigna adaan, iyagoo tixgelinaya caqabadaha amma anka ee isa soo taraya, wuxuuna ku celceliyay baaqii Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Gen eral Francis Ogola, ee ahaa soo celinta nabad da iyo xasiloonida gobolka.

Biden oo ku dhawaaqay Xabad Joojin ka dhaqan gasha Qaza ka hor Bisha Ram adaan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rajaynayo in uu arko he shiis xabbad joojin ah oo laga gaaro dag aalka Israa’iil iyo Qa za marka la gaaro bilow ga bisha Ram adaan. Bisha bara key san ee Musli miin ta, oo ay muslimiinta soomaan waa beriga ilaa qor rax dhaca, waxay bilaabanaysaa 10 ama 11 March. Mar la weydiiyay inuu filayo heshiis marka as iyo in kale, Mr Biden wuxuu yiri: "Wa an raje ynayaa, weli si adag ayaan uga shaq ey neynaa.”

Waxay ku soo beegantay iyada oo ay socd aan wada-xaajoodyo xabbad-joojin ah iyadoo cadaadis lagu saarayo Mr Biden si uu gacan uga geysto yareynta colaadda. Heshiis la soo jeediyay ayaa dhigaya in 40-maalmood hakad lagu sameeyo dhamm aan howlgallada militari

laga bilaabo bilowga Ramadaanka.


Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray ma gaalada Bahir-dar Xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar ee xar unta is maamulka Amxaaradda ee Itoobiya, ka dib dagaalo qaraar oo Dorraad ilaa Shalay ku dhex ma raya ciidanka maa mulka Addis Ababa iyo jabhadda FA NO Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, jab hadda Fano ayaa inta badan la wareegtay magaalada Bahir Dar, mana jiro wax dhaq dhaqaaq dadweyne oo Shalay ka jira halkaas.

Related posts

Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Interpeace oo kala saxiixday heshiis muhiim ah Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Hay’ad da Interpeace oo kala saxiixday heshiis muhiim ah

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airli nes ayaa baajisay dhammaan duulimaad yadii ay ku tagi laheyd magaalada Bahir Dar.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha nafeed ee dagaalka ka socda Ba hir Dar, haddana ilo war gal ah, waxay shee geen in ku dhowaad 20 kamid ah ciidanka maamulka Addis Ababa lagu dilay dagaalka.

Guul darooyinka is daba jooga ah ee ay la kulmayaan ciidanka maamulka Abiy ayaa tus aale u ah hogaamin xumada Abiy Axmed, taas oo sida khubarada gobolka aaminsan yihiin keeni doonta burburka Itoobiya.

Magaalooyinka iyo degaanada ku dhow dhow Bahir Dar, ayuu dagaalka ku fidey, waxa ana kamid ah, waqooyiga Shoa, Gojjam, Gon dar, waqooyiga Wollo iyo kuwo kale,

Maamulka Abiy ayaa hadda isku dayaya in ay iska caabiyaan dharbaaxada kulul ee ay ku dhufteen jabhadda FANO, waxayna ciidamo ka soo aruuriyeen deegaanka Benshagul ee dhaca waqooyiga galbeed ee Itoobiya,

Isku daygaas oo u muuqanaya mid aan xil liga waaciqi aheyn, maadaama gobolka intiisa badan horey looga soo saaray maamulka Abiy.

MARKAB AY WEERAREEN KOOXDA XUU TIYIINTA YEMEN OO KU DAGAY BADDA CAS

Markabka Rubymar ee laga leeyahay UK oo ay Xuutiyiintu weer areen bishii hore, ayaa ku degay badda cas, dawladda caalamku aqo onsan yahay ee Ye men ayaa sidaas sheegtay, iyadoo ka digtay "ma siibo deegaan” oo ka imanaysa shixnadda bac riminta ee markabka dagay saarneyd.

Haddii la xaqiijiyo, waxay noqon doontaa markabkii ugu horreeyay ee dagay tan iyo mar kii Xuutiyiinta ay bilaabeen beegsiga maraa kiibta ganacsiga bishii Nofembar, taasoo ku khasbaysa shirkadaha maraakiibta inay u wee ciyaan maraakiibta marinka dheer ee qaaliga ah ee Koonfurta Afrika. Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ee maamula waqooyiga Yemen iyo xarumo kale oo waaw eyn ayaa sheegay inay garan taagan yihiin dhaqmaan falastiiniyiinta Gaza. Weeraradooda ayaa sababay weeraro isd aba joog ah oo ka dhan ah goobahooda ay fuli yeen Mareykanka iyo Britain si ay maraakiib ugu diraan gobolka si ay isugu daya an in ay ilaaliyaan marin ganacsi oo muhiim ah.

Wasaaradda difaaca Talyaaniga ayaa Sabtidii sheegtay in mid ka mid ah maraakii btooda badda uu soo riday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah oo duu leysay badda cas. Wasaaradda Gaadiidka X uutiyiinta, ayaa dhanka kale sheegtay in "cil ad” ay ku timid xarkaha isgaarsiineed ee bad da cas hoost eeda, taasoo ka dhalatay ficillo ay qaadeen maraakiibta Mareykanka iyo Brit ain. Ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Isniintii, koox ka tirsan dowladda Yemen ay aa booqday markabka Rubymar, oo ah ma rkab xamuul ah oo ka babanaayay calanka Belize, waxayna sheegeen in qeyb ahaan uu quusay. War kasoo baxay dowladda Sabtidii ayaa lagu sheegay in markabka uu ku dagtay koonfurta badda cas habeenkii Jimcaha.

Milateriga Maraykanka ayaa horey u shee gay in weerarku uu si weyn u waxyeele eyey markabka xamuulka ahaa oo siday in ka badan 41,000 metric ton oo bacri min ah.

Wariye caan ka ah Kashmir oo mar kale Xabsiga la dhigay

Wariye Caasif Suldaan oo u dhashay Kas hmir ayaa dib loo xiray ma almo kadib markii la sii daa yay. Caasif Sultan, oo ah aa tafatirihii hore ee majaladda Sheekada Kas hmiir, ayaa mar kale lagu xiray sharciga ‘la-dagaal anka argagixis ada’ laba maalmood ka dib mar kii la sii daayay shan sano oo xarig ah. Aasif Sultan, oo 36 jir ah, ayaa loo diray shan maal mood oo xadhig ah ka dib markii la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Srinagar Jim cihii, Adil Abdullah Pandit, oo ah qareenka Sul tan, ayaa sidaas u sheegay Al Jazeera.

Pandit wuxuu sheegay in Sultan lagu xiray Khamiista kiis 2019 ah oo ku saabsan rab shadaha xabsiga dhexe ee Srinagar ee ho os yimaada Sharciga Kahortagga Hawlaha Sharci-darrada ah (UAPA), kaas oo kooxaha xuquuqda caalamiga ah ay ku tilmaameen sharci draconian.

Srinagar waa magaalada ugu weyn iyo ca asimada xagaaga ee Kashmir ay Hindiya ma amusho.Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dammaanad lagu sii daayo wariyahaan aysan xiligaan macquul ahayn wax , taas oo la macno ah in Wariyaha uu xabsiga ku sii jiri karo maxkamad la’aan.

SOURCE:- ALJAZEERA

MUUQAALKA AY BBC KA DUUBTAY SHA MSA EE SABABAY INAY NOLOSHEEDA IS BEDDESHO

NIGERIAShamsiyya Abubakar ayaa waxaa ku dhacay rajo-beel – dha qaalaha Nigeria ee aadka hoos ugu sii dhaca ya ay aa sababay in ay maalin walba la daalaa dhacdo quudinta qoyskeeda sag aalka qof ka kooban.

Haweeneydan 32 jirka ah ayaa waxay billo wday soo qaadashada cunnada afafata – oo ah haraaga bariiska oo jajaban kaasoo ay mak iinaduhu iska daadiyaan. Ms Abubakar, oo ha atan umul ah, ayaa BBC Laanta Pidgin u shee gtay in nolosha adag ay gayeysiisay inay ku fekerto wax aan habbooneyn.

"Mararka qaar waxaan is iraahdaa: 'Intii aan sidan u noolaan lahaa, sow ma wanaagsan inaan iska dhinto?'" ayay ku tiri wareysiga oo luqadda ku baxay, kaasoo aad ay dadka Nig eria iskula wadaageen.

Balse tan iyo Talaadadii, dadka ayaa kusoo qulqulayay gurigeeda iyagoo siinaya cunno iyo lacag. Falcelintan aan la filan ayaa "beddesh ay nolosheeda", ayay tiri markii BBC ay mar labaad booqatay haweeneydan.

"Weligey nolosheyda ma arag lacag intaa la ek... aad baad dhabtii uga mahad-celinayaa.

"Waxaan lacag ka helay dhowr qof, halka qaar kalena ay ii keeneen jawaanno ay ka buu xaan bariis fiican iyo galley, marka haatan wax aan heysannaa cunno fiican oo nagu filan," ayay tiri.

Seygeeda Haruna Abubakar ayaa sidoo ka le muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaa bka ay noloshoodu isku beddeshay.

"Maalintii muuqaalka BBC, ma aynaan heys an wax aan cunno, waxaan la daalaa dhaca yay inaan usoo helo 500 naira (£0.25; $0.32) oo aan ugu soo iibiyo xoogaa bariis ah," ayuu yiri.Shalay, waxaan ahay nin faraxsan ma ad da ama nolosheennu ay is beddeshay oo aan heysanno cunno nagu filan oo aan cun no."

Nigeria Sani Isah, oo ka mid ah dadka ka qey b qaatay caawinaadda qoyska, ayaa sheegay in sheekada Ms Abubakar ay ka oysiisay. Mr Isah ayaa intaa ku daray inuu dareemay in qoyskan uu ku caawiyo inta yar ee uu heysto.

"Waxaan u maleynayaa in kiiskeeda uu hoggaamiyeyaasheenna ceeb ku yahay, waan ooyay runtii kadib markii aan daawaday muu qaalkeeda. Sidee qof uu u baryi karaa geeri intii uu jeclaan lahaa inuu noolaado sababo la xiriira cunno?" ayuu is weydiiyay.

"Waxaan ugu duceynayaa in dadka sidee da oo kale ahna oo xaaladdan ku jira ay sidoo kale helaan caawinta ay u baahan yihiin ee beddeli lahaa noloshooda."

Nigeria ayaa ahaatan la daalaa dhacaysa xasaraddii dhaqaale ee ugu darneyd in muddo ah, taasoo horseedday caro iyo nolosha oo dadka ku adkaata. Talaadadii, kumannaan qof ayaa waddooy inka bannaanbaxyo ku dhig ay iyagoo ka caba naya sida ay dowladdu u maareysay dhaqaala ha.

Qiimaha sare ee cunnada ayaa ahayd waxa ugu badan ee ay dadku ka caroodeen.

Bariiska, oo ah cunnada aasaasiga ah ee Nigeria, ayaa qiimihiisu uu in ka badan labo jibbaar kordhay sanadkii lasoo dhaafay.

Shamsa keligeed maaha dadka ku nool bar iiska jajaban ee wasakhda ah. Qiimihiisa oo aad u hooseeya ayaa qoysas badan oo waqoo yiga ku nool noloshana la daalaa dhacaya ka caawiyay inay noolaadaan. Dhowr kale ayaa sidoo kale ku qasbanaa day inay gaajo ku noo laadaan. Shamsa oo u mahad-celisay naxar iista dadka, ayaa sheegtay inay haatan ka dhursugi karto mustaqbalka.

Waxay BBC u sheegtay in si ay muddo

dheer qoyskeedu u heystaan wax ay ku noolaadaan, ay dooneyso haatan in qaar ka mid ah cunnadii lagu caawiyay ay ku furato ganacsi.XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip