C/wali Gaas "Reer Gaalkacyo inaad isdifaacdaan ama inaad sidii goroyada ciida madaxa gashataan wax ka dhaxeeyo malahan"

0
Sunday July 03, 2016 - 21:10:34 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/wali Gaas "Reer Gaalkacyo inaad isdifaacdaan ama inaad sidii goroyada ciida madaxa gashataan wax ka dhaxeeyo malahan"

    Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali "Gaas" ayaa shacabka Magaalada Galkacyo wuxuu ku canaantay inay ka shaqeeyaan ammaanka Magaalada, sidoo kalena ay iska difaacaan dadka amnidarada ka geysta Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali "Gaas" ayaa shacabka Magaalada Galkacyo wuxuu ku canaantay inay ka shaqeeyaan ammaanka Magaalada, sidoo kalena ay iska difaacaan dadka amnidarada ka geysta Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo muddooyinkii dambe waxaa si joogto ah uga dhacaayay dilalka qorsheysan oo loo geysanaayay xubnaha u shaqeeya Maamulka.

C/wali Gaas ayaa u sheegay shacabka Magaalada Gaalkacyo inay iska difaacaan dadka dilalka geysta, ama sidii goronyadi madaxa ay ciida ay gashtaan.

” Labo midbaa inoo bannaan, inaan sidii Goronyadii madaxa ciida gashano ama inaan isdifaacno, wax u dhexeeya ma jiraan.” Ayuu yiri Gaas

C/wali Gaas ayaa sidoo kale sheegay Bulshada Gaalkacyo ku nool inay yihiin kuwa hubaysan oo Qabaa’il ah, isaga oo isweydiiyay sida ay ku dhici karto in dilal qorsheysan laga geysto Magaalada kadibna ay baxsadaan ragga dilalkaasi geysta.

"Reer Gaalkacyood waxay u hubaysan yihiin qabiil qabiil, jufi jufi sidee u dhici kartaa in wiil yar oo madax jabis ah uu maalin kasta laayo hal­doorkiinii, halka inta kalena ay noqdaan kuwo carara iyo qaar aan hadli Karin.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay magaalada Gaalkacyo inay ku sugan tahay meel ka hooseysa ka hor inta aysan xukuumadiisa sanadkii 2015 dib u habaynta ku sameynin qaab dhismeedka magaalada iyo weliba xag amni.

"Meeshii aan waagii ka nimid meel kasii hooseysa ayay ku sugan tahay Gaalkacyo lix bilood gudaheed, maxay tahay sababtu, isbadalkii aanu filaynay wuxuu ahaa in wixii aan qabanay aad wax kusii dartaan, laakiin marna ma filayn in Gaalkacyo sidaan ahaanayso.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip