HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA FEBARAAYO 2024-KA

0
Wednesday February 28, 2024 - 08:35:37 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA FEBARAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan iskugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xas an Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shi rka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galeen madax kala duwan saraakiisha laam aha amaanka DF

Waxaa lagaga hadlay shirka dardargalinta ha wlgallada ciribtirka al shabaab, dhammeys tirka bixitaanka ATMIS, iyo diyaar garowga qor shaha howlgalka kooban ee lagu xaqiijinayo amnigamarka dalka ay ka baxaan ciidanka ATMIS .

Madaxweynaha oo dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, ayaa ku adkeeyay hay’aduha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xaka meynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maam ulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Waxaa uu tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saa nadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida

.Wasiir Fiqi oo la kulmay madaxda hay’a dda nabadda iyo xalinta khilaafaadka

Kulan isbarasho iyo is xog wareysi ah ayaa Shalay waxaa uu dhex maray Wasiirka Wasaa radda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi iyo xubno sare oo ka socday hay’adda PRINCI PLES FOR PEACE (P4P) FOUNDA TION oo ka shaqeysa howlaha nabad-dhiska iyo ka hor tagga ismaandhaafka.



Xubnaha Wasiirka la kulmay waxaa ka mid

ahaa marwo; Hibo Qa saas oo ah Agaasim aha fulinta ee hey’adda iyo marwo: Khadiijo Cali Cosoble oo ka tirsan maamulka sare ee hey’a dda, wuxuuna Md. Fiqi aad usoo dhowee yay in ay ka howl billa abaan Soomaaliya.

Hay,addaan ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in ay ku daahfurto caasimadda Muq disho barnaamijkeeda ku aaddan mabaadi’da nabadda iyo xalinta khilaafaadka

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-gali doona shirweynaha 6-aad ee ururka QM u qaabil san arrimaha deegaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya uga qeyb-gali doono Meertada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobayu qaabbilsan Arrimaha deegaanka. Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedd alka cimilada JFS Khadija Mohamed Al-makhz oumi iyo safiirka safaaradda soomaa liya ee dalka kenya danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa Dorraad ka qeyb galay Furitaanta Mee rtada rasmiga ah shirweynaha 6-aad ee ur urka qaramada midoobay u qaabilsan Arrima ha deegaanka.Wafdiga ay hogaamineyso Wa siir Khadija Mohamed Almakhzoumi ee Dorraad ka qeyb-galay furitaanka Meertadaas ayaa hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha JFS Hassan Sheikh Mohamud oo dhawaan la filaayo iney ka qeyb-galaan shirkaas.

Shirkan oo socon doono ilaa 1 much ee 2024 ayaa diiradda lagu saaray sida ay dalal ka caalamka uga wada shaqeyn lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada deeg aan ka oo ugu horeyso wasaqowga hawada, isticmaalka bacaha, xaalufinta deeganka iyo isbeddelka cimilada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiis kiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Ma doobe) ayaa Shalay Xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha Dawladda Qatar u fa dhiya Somaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.

Kulanka Guddoomi ye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wadashaqeyntooda.

Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowla dda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaa nada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka, waxaana uu Guddoomiyuhu xusay in Do wladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Wasiirka caafimaadka oo shir muhiima uga qaybgalay Dooxa Qatar

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa Dalka Qadar ee ma gaalada Dooxa uga qeybgalay shirka Gol aha Bariga dhexe ee Tayada iyo badqabka Daryeelka Caafimaadka (Middle East Forum on Quality and safety in Health care).

Shirkani ayaa ahmiyad gaar ah siinayey sidii loo horumarin lahaa Tayada iyo badqabka daryeelka Caafimaadka si kor loogu qaado daryeelka bulshooyinka dalalka qeybta ah ah madashan baaxadda leh, inta uu shirkan soc day ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafi maadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden waxaa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshey Wasiir ada dhiggiisa ah ee dalalka aan saaxiibada nahay.

Si gaar ah Wasiirka Wasaaradda Caafima adka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya waxa u kulan mira dhal ah la yeeshay dhiggiisa Dalka aynu wala ala ha nahay ee Qadar Dr. Hanan Mohammed Al-kuwari, labada Dowladood ayaa dib u eegis ku sameeyey heshiiska horumarinta iyo dib u dhiska Caafimaadka dalkeena Soomaaliya oo baahi weyn u qaba ballaarin iyo horumarin dhanka tayada Caafimaadka ah.

B/2aad

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaa liya waxaa ka go’an wax ka qabashada baah iyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafim aadka Qaranka.

Askari dilay gabar wax ka baraneysay Jaa macad ku taalla Magaalada Garowe

Askari ka tirsan ciidamada booliska ee Puntland ayaa dil u gaystay gabar ardayad ahayd sida ay sheegayaan Wararka ka imaa naya magaalada Garowe

Gabadhan oo la oran jiray Ubax Yaasiin Cali ayaa u geeriyootay xabada uu aska rigu riday oo haleeshay

Taliyaha qaybta booliska ee Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf askariga dilka gaystay ayay boolisku gacanta u dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga.

G/sare Maxamed Cali Marduuf ayaa intaas ku daray in wali uu baaritaan ku socdo sabab ta dhimashada gabadha.

Marxuumada ayaa la sheegay inay ahayd ardayad dhigata mid ka jaamacada Bariga Afrika ee Magaalada Garoowe, waxaana falk an aad uga xumaaday shacabka.

Shirka Maamulada Degmooyinka iyo Gobo lada Hirshabeelle oo looga hadlay adeegga bulshada

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hir shabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dab ageed) oo shir-guddoomiyay shirweyna ha maamullada, goballada iyo degmooyinka Dowl adda Hirshabeelle iyo is ku-xirka dadaalada xasil inta.

Shirka oo galay ma alintii 3-aad ayaa lagu gorfeeyay amniga iyo cadaallada iyo sida wax ka beddel xooggan loogu sameeyay qeybah aasi.

"Waa inaan degmo walba ka hirgelinaa ciidamo xoog badan oo ilaaliyo heybada Dowl adnimada” ayuu yiri mudane Dabageed.

Ugu dambeyn madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa shacabka ku nool deeganada Hirshabeelle waxa uu ugu b aaqay inay la shaqeeyaan maamulka si loo gaaro Dowladnimo loo dhan yahay.

Hay’adaha SoDMA iyo HIKMA Charity oo iska kaashanaya arrimo la xiriira ka wada shaqaynta gargaarka

Madaxa mashaariicda hay’adda maare ynta musiibooyinka Qaranka Dr; Ismaaciil Ji mcaale oo uu wehliyo u qaybsanaha arrim aha Carabta ee SoDMA , Cabdira hman Wa xiid ayaa kulan ku saabsan ka wada shaqaynta arrimaha gargaarka la qaatay Agaasimaha hay’adda maxalliga ah ee HIKMA Charity Association, Maxamuud Sheekh Cabd irhman iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxda hay’adahan ayaa waxay ka wa da hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha gargaarka, horumarinta iyo Iskaashi dhexmara labada dhinac.


DF oo ku qancisay ATMIS arrin ay muddo diidaneyd


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Shalay qaaday tallaabo culus oo la xiriira da dar-gelinta dagaalka adag ee haatan lagula jiro Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarre eye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo ka duulaya qorshaha dowladda ee ku aa dan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ayaa Shalay la shiray saraakiisha u sarreeysay taliska ciid amada ATMIS, isaga oo kala hadlay dagaalka.

Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa si gaar ah ATMIS ugala hadlay inay ka qayb-qaataan wajiga labaad ee howlgallada xoreynta, si looga adkaayo Al-Shabaab.

Sidoo kale labada ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada shaqeynta dhexdooda, si ay isaga kaashadaan amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka.

"Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin iyo Saraakiisha ATMIS ayaa ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si qeyb uga qaataan Howlg alka dagaalka ka dhanka ah Argagixisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaali yeed.

ATMIS ayaanan ka qayb-qaadan wajigii koowaad ee howlgallada xoreynta ee ka soc da dalka, kuwaas oo Al-Shabaab looga xor eeyay deegaano dhaca HirShabelle iyo Galm udug, kadib guluf ay si wadajir u qaadeen ciid amada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Si kastaba, wajiga labaad ayaa qorshuhuu inuu dhowaan billowdo, kaas oo ka qayb-gal ayaan ciidamo horleh, wuxuuna kusii jeedaa Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Waa kuma Shamuuri ninka ka yaabsaday maxkamadda gobolka Banaadir?


Shamuuri waxa uu ahaa mid kamid ah mar qaatiyeyaashii Dorraad kasoo muuqday Max kamadda Gobolka Banaadir ee goobjooga u ahaa dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gu

bay Luul Cabdicasiis Maxamed falkaas oo uu gaystay seygeeda.

Ninkan ayaa ka yaabsaday maxka madda, dadkii ku sugnaa iyo kuwii daawaanayay int aba, waxayna dadka aad ula cajabeen sida uu uga fal-celinayay su’aalihii la weydiinayay, isa ga oo isticmaalay erayo ay kamid ahaay een, Maashaa Allah, Insha Allah iyo Allahay ka Alla.

Haddaba waa kuma Shamuuri?

Magaciisa oo saddexan waa Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri), wuxuuna sheegay inuu ku dhashay degmada Dharkenley, sidoo kale waa darawal ku shaqeysta caasi. "Caasi ayaan wataa BL ayaan ka shaqey staa Madiino, illaa Siinaay, Darjiinka iyo Xarar yaale ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri isaga oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay maxkamaddii Dorraad iyo qaabka uu uga qayb-galay, isaga oo sheegay inuu ka warbi xiyay kaliya wixii uu arkay, uuna goobjoogga u ahaa.

"Aniga waxan ka warbixinaayay dhacdo habeenkii ay ahayd 26 bisha Janaayo ka dhacday degmada Dharkenley oon goobjoog ka ahayn oo dhalinyarada badankood ay inkire en wixii jiray ayaan meesha kasoo sheegay” ayuu mar kale yiri Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri).

Waxaa kale oo uu kusii daray "Waligeey Maxkamad ma hortegin, laakiin saldhig iyo me elahaas waan tegay, waxayna ahayd tii iigu horreysay”.

Si kastaba, Shamuurey ayaa kasoo muuqa shadiisii maxkamadda kadib noqday nin caan ah oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka.

Askari doonayay ‘in uu dilo aabiihiis’ oo la toogtay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho Shalay lagu dilay askari dil iyo dhac ka gaystay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis.

Guddoomiyaha degmada Wanlaweyn Idiris Maxamed Cumar oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheeg ay in ninkan uu dhibaato ku ahaa degmada, ugu dambeyntiina lagu soo dilay howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka, kadib markii uu la dagaalamay askarigaasi.

"Nin gacan ku dhiigle ah ayaan howlgal kusoo dilnay, ninkaas wu xuu ahaa nin khatar ku ahaa magaalada oo dhib aayo ku haayay” ayuu yiri guddoomiye Idiris Maxamed Cumar

Waxaa kale uu yiri "Ninka waxa uu ahaa nin aad u tababaran oo milatari ah 40 daqiiqo ayuu 50 askari la dagaalamay, wuxuu u galay meel god ah, laakiin ugu dambeyn waa la dilay”.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkaasi uu magaalada duleedka ku dilay wiil ay ilmo adeer ahaayeen, uuna ka qaatay qoraygiisa, sidoo kalena uu dhac ka gaystay Wanlaweyn.

"Magaalada ayuu dhac ka gaystay, kadib banaanka ayuu u baxay, isaga oo dilay wiil kale oo ay ilmo adeer yihiin, haddane wuxuu damcay inuu magaalada kusoo noqdo oo uu dil kale gaysto” ayuu mar kale yiri Idiris Maxamed Cumar.


Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu halis ku ahaa qoyskiisa, gaar ahaan aabihiis oo uu sheegay inay ka badbaa diyeen, ugu dambeyna ay ku wareejiyeen maydkiisa.

"Aabihiis iyo waalidkii ayaa noogu yimid degmada oo waxaan wada joognay saldhiga waayo odeygu wuxuu yiri inta ma dhaafi karo ninkaan haddii uu i arko wuu i dilaayaa nin caasi ah waayay, aniga inta ma ka baxaayo anne halay xiro si kale kuma badbaadaayo” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu kusii daray "Maydka waxaan ku wareejinay aabihiis, waxaana gacanta lagu hayaa qoraygiisii iyo qoray kale oo uu lahaa ninka uu dilay”.

Askari dhawaan dilay askari saxibkiis ahaa oo Shalay Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday


Shalay Maxkamada Ciidamada ka soo muuqday Askari ka tirsan Nabad sugida qaran ka kaasoo dhawaan dilay saaxiibkiis ay NISA

iskala tirsanaayeen.

Askarigaan oo lagu magac aabo Daa’uud Cumar Shirre Xuseen ayaa dil ka gaystayka dib markii sxb-kiis Salaad Abu ukar Muxudiin ay murmeen oo kaliya taasoo keentay in la dharbaaxo gacan ku dhiiglaha.

Sida askartii marqaatiyaasha ahaa cadee yeen waxaa murankooda iyo isu gacan qaad kooda ku soo baxay taliyashooda kaasoo isla goobta ku heshiisiiyay kadibna shaqooyink ooda u kala diray.

Askartii goob jooga ahaa ayaa cadeeyeen in gacan u dhiiglaha uu wax yar kadib he shiiska uu qaatay fasax taasoo u suurtagalisay inuu ka dhaqaaqo halkii shaqada uu ka lahaa isagoona gaaray booskii uu sxb-kiis ka ho wlgalayay markaasoo dhowr xabadood qeyta kore ee jirkiisa uga dhuftay sidaana uu ku gee riyooday.

Dacwad oogaha ayaa Gudoomiyaha Maxk amada ka codsaday in ciqaabtiisa la marsiiyo gacan ku dhiiglaha madaama cadeymihii iyo marqaatiyaashii ay maxkamada keene en,sidoo kalana uu qiraal yahay.

Qareenka difaacayaay gacan ku dhiiglaha ayaa isna maxkamada ka codsaday in loo eego qodobada fududeynta danbiga la iskana cafiyo madaama sida uu sheegay uu qiraalna yahay islamarkaana aysan jirin cadaawad ka dhaxeysay.

Sidoo kale Gacan ku dhiigle Daa’uud Shire Cumar Xuseen ayaa maxkamada ka cosaday in la cafiyo si uu shaqadiisa qaranka u sii wato madaama aysan jirin cadaawad ka dhexeysay isaga iyo sxb-iis.

Mar uu ka hadlayay sababtuu u dilay wuxuu sheegay inuu rabay kaliya inuu xan uujiyo balse uusan rabin inuu dilo.

ugu danbeyn Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Xasan Nuur Shuute ayaa soo xirey fadhiga Shalay iyadoo maxkamadu dib go’aan u gaari doonto.


Askari Qof Shacab ah ku dhaawacay degm ada Guriceel ee G/ Galgaduud

Ciidamadda Hay’adaha Amniga Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan Askari ka tirsan Ci idanka Booliska oo degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ku dhaawacay qof shacab ah. Askarigala soo qabtay ayaa la sheegay in si bareer uu u dhaawacay Ruux shacab ah ka dib markii rasaas uu ku furay lamana oga sababta ku kaliftay arinta uu sameeyay.

Taliyaha Ciidanka BooliiskaSaldhiga De gmada Guriceel ee gobolka Galgaduud G/le Galad Muxumed Qeyliye ayaa sheegay in in uu socday Hawlgalka Askariga lagu soo qaba nayayay uu rasaas ku furay ciidanka balse ma sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay Rasaasta uu Askariga adeegsanayay in intii uu Hawlgalka socday.

Mucaaradka Dowladda oo sabab yaab leh uga dhuuntay heshiiska difaaca badda

Mucaaradka dowladda Xasan Sheekh ayaa si weyn u qeyla-dhaamiyay soddankii cis ho ee lasoo dhaafay. Waxay ka hadlayeen howsha dastuurka ee uu guda-galay baarlam aanka Soomaaliya.

Waxay sheegayeen inay jirto mudnaan kale oo taas ka horreysa, waxyaabaha ay farta ku fiiqayeen waxaa kamid ahaa difaaca bad da.

Qaarkood si adag ayay arrinta badda uga hadleen billowgeedii hore, sida; Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wars ame, kuwaasi oo adeegsaday ereyadii ugu adkaa ee xubnaha mucaaradka u adeegs adaan Itoobiya.

Warsame isagu weli wuxuu u muuqda mid mowduuca Itoobiya waqti badan gelinaya, isaga oo bixinaya tallooyin wax ku ool ah, laakiin asbuuc kale oo arrinta badda ay ka hadal mudneyd ayaa soo maray Soomaalida, waana heshiiska difaaca badda ee dhex-maray Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowr jeer loogu baaqay inay raadsato difaac baddeed dibadda ah ayaa ajiibtay codsigaas, waxayna sadaro cusub ku dartay heshiis ay Turkiga muddo fog rabeen.

Soomaaliya ayaa toban sanno gudahood loo dhisi doona ciidan baddeed ku filan badd aheeda, waana loo qalabeyn doona.

Turkiga wuxuu tobankaas sano ilaalin doonaa biyaha Soomaaliya, isaga oo ka ilaa linaya kalluumeysiga sharci darrada ah, arg agixi sada, burcad badeedka, in sunta lagu shubo iyo fara-gelinta ajnabiga kale, isaguna saami ayuu ku yeelan doonaa dhaqaalaha kasoo baxaya biyaha Soomaaliya.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa si weyn usoo dhaweeyay heshiiskan, laakiin siyaasiy iinta mucaaradka ah ayaa ka kala dhuuntay soo dhoweyn iyo diidmo labadaba.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydiiyay sababta ay heshiiskan uga dhuunteen xubnihii waay adan looga taag-waayay walaaca dastuurka ee dowladda ugu baaqaayay inay mudnaan siiso difaaca badda.

Aamusnaanta xubnaha mucaaradka ee heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa loo kala qaaday laba qeybood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xog la’aanta heshiiska

Qaar kamid ah mucaaradka ayaa la sheegaya in aanay weli faham fiican ka helin heshiiskan. Iyada oo xogta heshiiska ee bulshada lala wa daagay ay aad u kooban tahay, ayaa mucaar adka qaar uga aamuseen arrintaan inay fah am badan ka haysan heshiiska.

Qofka siyaasiga ah inuu iska hadlo ogaal la’aan sax ma ahan, waxaana macquul ah in qaarkood weli raadinayaan inay heshiiska fahmaan.

2. Qolo diidan dhibcaha madaxweyne Xasan Xubnaha mucaaradka qaarkood heli kara heshiiska fahamsana waxa ku dhex jira ayaa la aaminsan yahay inay hoos iskaga dhigay aan iyaga oo u jeeda inuu yahay mid wax bad an u dhalaaya nidaamka madaxwey ne Xasan Sheekh iyo muddo xileedkiisa.

Qoloda dambe waxaa lagu sifeyn karaa rag ay iskaga qaldan tahay danta dalka iyo col aada ay u qabaan madaxweyne Xasan She ekh Maxamuud.

Difaaca biyaha Soomaaliya wuxuu saaran yahay qof walba oo Soomaali ah, si gaar ah xubnaha tallada haya, kuwaasi oo haddii muddo xileedkooda la qaato qeyb dalka kamid ah ay ku noqon doonto taariikh madow oo aan weligood ka harin.

Odayaasha Saleebaan oo war yaab leh ka soo saaray kiiska wiilkoodii gabadha gubay

Odayaasha dhaqanka beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir oo Shalay shir jara a’id ku qabtay mag aalada Cada ado ee gobol ka Galg aduud ayaa shee gay inay cadaalad la xiriirta kiiska Sayid-cali Macalin Daa’uud ka dalbanayaan maxkamadda gobolka Banaa dir.

Odayaasha ayaa mid mid warbaahinta ula hadlay, waxayna dhaliil ka muujiyeen hana anka loo qaadayo dacwadda kiiska dilkii Luul Cabdicasiis oo lagu eedeynayo seygeedii Sayid-cali Macalin Daa’uud.

"Cabasho ayaan nahay, maxkamadda gob olka waxaan aragnaa in aysan dhexdhex aad aheyn, wiilkeena waxaan cadaaladda u horg eynay in cid kasta ay cadaalad hesho, max kamadda gobolka cadaalad kama dhex-muu qato,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Saleebaan. Odayaasha Beesha Saleebaan ayaa sheegay inay aad ula yaabeen marqaatiyaa sha la hor keenay maxkamadda, kuwaas oo sida ay sheegeen aan goobjoog aheyn goobtii uu falkaasi ka dhacay.

Sidoo kale waxay odayaashu sheegeen inay la yaabeen carruurta aan qaan-gaarin ee marqaatiga loo horkeenay maxkamadda, iyagoo muujiyey saluug ay ka qabaan cadaa ladda ay ka heli karaan maxkamadda gobolka Banaadir.

Odayaasha Saleebaan ayaa maxkamad da ku eedeeyey inay ku dhaqmeyso waaqiciga bulshadu la joogto baraha bulshada, balse aysan muujineyn qibrad ay kiiskaan ku ma arey karto, sida ay hadalkooda u dhigeen.

    Ugu dambeyntii odayaasha beesha Salee baan, waxay maxkamadda ka codsadeen inay cadaaladda fuliso oo dhinac aysan u hiilin, waxay ku doodeen inay cadaalad u rabaan gabadhii la gubay iyo ninka ku eedeysan inuu gubay, balse waxay cadeeyeen in sida wax uga socdaan maxkamadda aysan ku qanacs aneyn.

Suldaanka guud ee beesha Saleebaan Suldaan Mowliid ayaa yiri, "Waxaan xaqiijine ynaa in ehelladii wiilka aysan maxkamadda soo gelin oo banaanka lagu celiyey, waa ka xunahay taas, marqaatiyashii maxkamadda la keenay ma aheyn kuwo munaasab ah, cada aladda iyo dowladnimada aad ayaan u rab naa, dadka ay ka dhalatay gabadha geeriy ootay waa walaalaheen, in kiiskaan waa la siyaasadeeyey.”

Madaxweyne Biixi: Dilalkan lasoo sheega yaa waa wax inagu ugub ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka qaybgalay aaska Axmed Aadan Cabdiraxmaan, oo dhawaan maydkiisa laga helay hotel Muqdisho ku yaala, ayaa sheegay in si qorshaysan loo dilay.

Madaxweynaha oo hadal tacsi u badnaa ka jeediyay aaska Axmed oo ahaa xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaal iya, ayaa sheegay in si aan hore loo arki jirin loo dilay. "Dilalkan lasoo sheegaya waa wax inagu ugub ah, waxa la odhan jiray marka la arko arrin tan oo kale ah, maydkana waynu aasi, arrina waynu ka tashan, Somaliland uma oydo maydka iyo dilka, way ka tashataa" Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kadib markii Axmed la dilay hadana lagu been abuu rtay oo lagu eedeeyay in uu isticmaalay kiniino maandooriye ah, si loo ceebeeyo, isaga oo sheegay in uu ahaa sheekh.

Madaxweynaya ayaa dowlada Soomaaliya sidookale dhawaan ku eedeeyay dilka Cabd inaasir Muuse Dahable, oo ka tirsanaa Hay' adda Duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeed, oo isna Hargaysa lagu aasay kadib mar kii qolkiisa hurdada lagu dilay.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ay dad u xidheen geerida labada shakhsi isla markaana ay wadaan baadhis, lagu ogaanayo cida ka danbaysay geeridooda.

Kulan loogu baroor diiqayo askarigii Mareykanka ee is dilay

Kulan baroor diiq u ah askarigii Mareykan ka ee is dilay axadii ayaa Shalay ka dhacay afaafka hore ee safaarada Israa’iil ku leda hay Magaalada Washi ngton ee xarunta dalka Mareykanka.

isu soo baxaan baroor diiqda waxay ku soo xusuusanayaa Aaron Bushnell, oo ahaa xubin firfircoon oo ka tirsan ciidamada cirka Mareykanka, kaasoo is dilay axadii isagoo ka mudaaharaadaya gardarada Gaza.

Dad badan ayaa rajeynaya geerida Bushnell, oo 25 jir ah, inay dhalin doonto isbedel ku yimaada taageerada hagar la’aanta ah ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee dagaalka. SOURCE ALJAZERA


Ugaas dil uga bad-baaday Muqdisho oo ku eedeeyey Muuse Biixi

mid ah salaadiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa sheegay inuu ka badbaaday iskuday dil, isagoo ka sheekeyey dhibka soo gaaray iyo cidda uu tuhmayo.

Ugaaska ayaa sheegay in Shalay markii uu ka soo baxay guri ku yaalla degmada Wart anabadda ay soo weerareen rag afku u duuban yahay oo Toorey iyo ulo ku hubeysan, kuwaas oo jir-dil u geystay.

"Waa isoo weeraray labo nin oo Tooriyo sita, oo doonayey inay i dilaan, ilaah ayaa iga badbaadiyey, nabarro badan ayey i gaarsiiy een, halka laga soo diray nimankaas anigu wa an fahansanaa,” ayuu yiri Ugaas Axmed Saleebaan.

Ugaas Axmed Saleebaan ayaa weerarkaas ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Muu se Biixi, isagoo sheegay in Hargeysa laga soo abaabulo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku nool Muqd isho.

"Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, wa xaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, Habeen horena waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in mas uul ka tirsan sirdoonka Somaliland uu Shalay soo wacay isagoo ku wargeliyey maalin dam be uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrim aha Somaliland.

"Waxaa ila soo xiriiray masuul ka tirsan sirdoonka Somaliland, wuxuu iigu hanjabay inuu ka badbaaday, balse ay dili doonaan, haddii uusan ka bixin arrimaha Somaliland, waan garanayaa ninkaas waa sirdoonka Har geysa, nagama badbaadi doontid ayuu si cad ii yiri, hadii aan dhinto waxaa dilkeyga soo aba abulay madaxweyne Muuse Biixi, Soomaali yey ogaada,” ayuu yiri Ugaaskaan oo codkiisa ay baahisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ugaas Axmed ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, "waxaa na beegsa naya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.

Ugaaskaan ayaa Xasan Sheekh ka difaa cay eedeyntii Muuse Biixi, isagoo sheegay in madaxweyne Xasan uu ku howlan yahay sidii loo badbaadin lahaa badii uu iibsaday Muuse Biixi, isagoo Alle uga baryey in Xasan Sheekh uu ku guuleeyo dadaalkiisa.

Xigasho:-caasimadda.net

Maxkamada Dhuusamareb oo xukun dil ah ku riday rag horey u dilay dhaqtar & Macalin

Maxkamadda degmada Dhuu samareeb ayaa ku xukuntay dil toogasho ah Bile Cabdu llaahi Xasan Ciid, Nuur Cabdi Maxamed iyo Shucayb Maxamed Faarax. Raggan ayey ku cadaatey inay dil bareer ah u geysteen Macalin iyo dhaqtar wada-dhashey oo lagu diley deegaanka Ilix.


Maxkamada ayaa fasaxdey eedeysanihii 4-aad ee kiiskan loo heystay ka dib markii lagu waayey wax dambi ah, iyadoo maxkamadda sheegtay iney xukunkan laga qaadan karo racfaan muddo 30 cisho ah gudahood ah.

Sadexda nin ayaa lagu eedeeyey iney 8-dii bishii Oktoobar sanadkii 2023 tuulada Ilix oo 30 Km u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-gobaleedka Galmudug ku dileeen labo wiil oo walaalo ah kuwaasoo kala ahaa macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan

Lamaaha ammaanka dowladda Soomaa liya ayaa labo cisho ka dib gacanta ku dhigay raggan lagu helay inay dileen labada wiil ee walaalaha ah oo lagu qabtay degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo baxsad ah.

Shirkadda Qatar Airways oo ka hadashay shil ay diyaaraddooda ku gali lahayd haw ada Soomaaliya

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaar adaha ee Qatar Airways ayaa Axadii ka badb aaday shil ay hawada ku wada gali lahaayeen diyaaradda Itoobiya Airline.

Maxamed Al-Sheiban oo ah duuliyaha diyaarad da Qatar Airways, ayaa xaqiijiyay sida diyaaradda Qatar Airways ay uga badbaaday shilkaas, isagoo sheegay in shaqaalaha diyaar addu ay maareeyeen khatarta uga imaan lahayd diyaaradda ay leedahay Itoobiya, saba bo la xiriira qalad dhinaca hagista hawada ah oo ka dhacay Soomaaliya.

Duuliye Al Shiban ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X" ku sheegay in nidaamka TCAS ee lagula socda waxa ka dhacaya agagaarka diyaaradda, uu digniin deg deg ah kasoo saaray gudaha qolka diyaaradda Qatar.

Digniintaas ayaa ku wargalisay duuliyaha inuu diyaarada kuwado joog hoose si looga fogaado suurtagalnimada inay isku dhacaan diyaaradda Itoobiya.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay shirkad da Qatar Airways ayaa sheegay, in hawshan ay si habboon u maareeyeen duuliyeyaash eeda caalmiga ee u shaqeeya, kuwaas oo ay sheegtay inay u tababaran yihiin dhacdo oyin ka kediska ah ee ku qabsada hawada sare.

"Qatar Airways waxay si weyn u maal gashataa nidaam hubinaya in duuliyayaa sheenna aadka u tababaran ay si badbaado leh ugu shaqeeyaan diyaaradahay aga dhex maaxaya hawada isku dhafan ee adduunka oo dhan," ayuu yiri afhayeenka shirkadda Qatar Airways.

Shirkadda Qatar Airways waxay ka gaabsa tay in ay ka hadasho eedeymaha loo jeediyay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in maamulka hawaada Soomaaliya uu diyaara dda Qatar siiyay awaamiir halis galin karay.


Madaxweyne Museveni iyo William Ruto oo kursi muhiim ah la raadinaya Raila Odinga

Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna hoggaamiyaha mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi Raila Odinga ayaa olole xoogg an ugu jira sidii uu u hannan lahaa kursiga guddoomiyaha ururka Midowga Afrika.

Raila Odinga ayaana taageero ka raadinaya madaxda dalalka Afrika si uu kursigaasi ugu soo baxo marka uu xilka baneeyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat oo xilkiisa ku eg yahay bisha Febraayo ee sannadka 2025.

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa kala hadlay madaxweynaha Kenya William Ruto sidii hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga uu ugu tartami lahaa jagada ugu sarreysa Midowga Afrika (AU).

Yuweri Museveni ayaana gurigiisa ku kulan siiyay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto iyo Raila Odinga, waxa uuna kala hadlay madaxweynaha sidii hoggaamiyahan u noqon lahaa guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

"Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Madaxw eyne Yuweri Museveni oo si adag u taageeray musharaxnimadayda iyo Madaxweyne Ruto oo si buuxda u taageeray” ayuu bartiisa X kusoo qoray Raila Odinga.

Kursiga guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AU) ayaa sannadka soo socda waxaa u tartami doona hoggaamiyaal kasoo kala jeeda dalalka Afrika, waxaana dal walbo olole xooggan u gali doonaa hanashada kursigaasi.

Tirada dhimashada Gaza oo ku dhow 30-kun ruux

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 96 qof lagu dilay 172 kalena lagu dhaawacay 24 saac gudahood.

Afhayeenka wasaa radda arrimaha Majed al-Ansari ayaa sheegay in Qatar ay "rajo wanaa gsan ka qabto” in heshiis xabbad joojin ah ama joojinta colaadda la gaaro bisha Ram ad aan ka hor, halka madaxweynaha Marey kanka Joe Biden uu sheegay in uu rajaynayo.

"isniinta soo socota waxaan sameyn doon naa xabbad joojin”ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Joe Biden

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Aljazeera in laga yaabo in heshiiska lagu sii deyn doono 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah iyo 40 maxaabiis Israa’iil ah oo la rumeysan yahay in lagu hayo Gaza.

Saddex qof ayaa lagu dilay saddex kalena waa lagu dhaawacay weerar ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen daanta galbeed ee la haysto,Dagaal xooggan ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in uu ka dhacay xerada qaxootiga ee Farca.

Ugu yaraan 29,878 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa la dilay halka 70,215 kalenalagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.esSOURCE ALJAZEERA

Madaxweyne Joe Biden oo sheegay in Gaza ay noqotay Muqdisho kale

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay aa sheegay in uu rajaynayo in xabad joojin ku meel gaar ah la gaaro col aada Qasa isniinta soo socota

Hakinta colaada ayaa la rajaynayaa inay timaado iy adoo maalmo uun ka dhiman yihiin bilashada bisha barakaysan ee Ramadan.

Qorshe qabyo ah ayaa soo jeedinaya in tani ay keeni karto hakad afartan maalmood ah, taas oo joojin doonta howlgalada militari si loo gu ogolaado sii deynta la haystayaasha Isr aa’iil ee ay haystaan Xamaas.

Boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa. Dhismayaasha qaar waa la dayactiri doonaa, waxaanaa sidoo kale Qasa gali doona baabuur badan oo gargaar sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters

Biden ayaa Israa’iil ka codsaday in ay joojiyaan beegsiga xubnaha booliska rayidka ah ee Xamaas ay maamulaan ee galbiya baabuurta gargaarka ee Gaza

Waxaa uu sheegay in ay aad uga walaa csan yihiin "in Gaza ay isku beddesho Muqdi sho” maadaama uu meesha ka baxay amma ankii iyo ayna muuqato rajo la’aan ay albaa bada u fureen kooxo hubeysan oo dhac u geysta baabuurta gargaarka, taasoo cadaadis badan ku saaraysa nidaamka bini’aadantinimo ee Marinka horeba u cakiran.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ku taalla Geeska Afrika – ayaa mar lagu tilmaami jiray magaalada ugu sharciga iyo khatarta badan caalamka.

Xubno ka tirsan ciidamada bilayska rayidka ah ee Xamaas ay maamulaan ayaa ka hawlg alayay Rafah iyo dhanka Gaza ee isgoyska Kerem Shalom ee u dhow si ay u xaqiijiyaan ammaanka baabuurta gargaarka. Balse waxay ka tageen shaqooyinkoodii horaantii bishan ka dib markii ay Israa’iil beegsatay.

Ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsan ciidamada booliska ee ku sugan Rafah ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo ay Isreal ka fulisay todobaadyadii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka. Tani waxay wadada u furtay kooxo hubaysan inay gacanta ku dhigaan gargaarka, sida ay saraakiishu sheegeen.

SWEDEN OO UGU DAMBAYN XUBIN KA NOQOTAY GAASHAANBUURTA NATO

Sweden ayaa noqotay dalkii ugu dambeey ay ee ka mid noqda Gaashaanbuurta NATO, ka dib markii Baarlamaanka Hungary uu meelmariyay ka mid noqoshadeeda xulafada.

Turkiga iyo Hung ary oo muddoo yinkii ugu dambeysay horta agnaa in Sweden ay xubin ka noqoto NATO ayaa markii dambe ansixiyay inay ku soo biirto bahwadaagta. Baarlamaan ka Turkiga ayaana xubinimada Sweden meel mariyay daba-yaaqadii bishii ho re ee January.

Xoghayaha Guud ee NATO, Jens Stoltenb erg ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Baarl amaanka Hungary xayiraadda kaga qaaday Sweden, oo muddo 18 bilood ah ay ka hortaa gnaayeen inay xubin ka noqoto NATO.

Sharciga NATO ayaa dhigaya in dal kasta oo doonaya inuu xubin ka noqdo xulafada ay tahay inay ansixiyaan dhammaan dalalka xu bnaha ka ah. Hungary ayaa u muuqatay mid ka careysan Sweden oo horaan dhalleeceysay dimoqraadiyadda Hungary.

"Hadda dhammaan xulafada ayaa ansixiy ay Sweden. Xubinimada Sweden waxay naga dhigeysaa dhammaanteen kuwo xoogan oo ammaan ah.” Ayuu yiri Jens Stoltenberg.

Raysal Wasaaraha Sweden, Ulf Kristerss on ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu guto waajibaadkiisa, ka dib markii Baarl amaanka Hungary uu soo afjaray caqabaddii ka haysatay ku biiritaankooda isbahaysiga.

"Shalay waa maalin taariikhi ah, dhamma an baarlamaanada dalalka xubnaha ka ah NA TO, waxay hadda u codeeyeen in Sweden ay ka mid noqoto NATO.” Ayuu yiri Raysal Was aaraha Sweden.

Raysal Wasaare Kristersson ayaa intaasi ku daray "Sweden waxay diyaar u tahay inay gudato masuuliyadda ka saaran ammaanka Yurub Atlantic.”

Sweden ayaa noqonaysa dalkii 32aad ee xubin rasmi ah ka noqda isbahaysiga NATO, ka gadaal markii Finland ay bishii April ee sanadkii hore ku biirtay xulafada uu Mareyk anku hoggaamiyo.

Finland iyo Sweden ayaa bishii May ee san adkii 2022 codsaday inay ku biiraan NATO, saddex bilood uun ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Dalalkan oo muddo dheer loo arkayay ku wo dhexdhexaad ah ayaa baqdin ay ka qaba an is ballaarinta Ruushka awgeed u codsaday inay ka mid noqdaan NATO.

Ku biiritaankooda NATO ayaa dharbaaxo ku ah tallaabadii uu Madaxweyne Vladimir Put in kaga hortaggayay inaanay NATO ku soo dhawaan amaba fidin xuduudaha Ruushka.

Ganacsatada xoolaha nool ee magaalada Jigjiga oo la dhibaateysan dhac ay Ciidam adu ku hayaan xoolahooda

Maalmihii u dambeeyay waxaa Dowlad degaanka Soomaalida ka jirtay xiisad ka dhal atay xoolaha nool ee loosoo iib geeyo magaa lada Jigjiga, kuwaas oo laga keeno duleedka magaalada Jigjiga, tuulooyinka ku hareeray san magaalada iyo magaalooyin kale ee u dhaw magaalada Jig jiga.

Haddaba Ciidama da Faderal Booliska ee Itoobiya ayaa labadii maalmood ee u dambee yay waxay dhibaato u gaysteen shacabka degaanka Soomaalida ee ka ganacsada xoo laha nool sida Adhiga, Dibi da iyo wixii lamida, iyagoo dhac u gaystay xoo lo tiro badan isla markaana dhibaato kale u gaystay dadkii xoolaha watay ee lahaa. Xool aha ay dhacay aan ayaa waxay ku sheegeen Ciidamadu inay yihiin xoolahani kuwo sharci darro ah.

Waxaa u dambeysay dhacdo labo maalin ka hor ka dhacday sayladda xoolaha ee ma gaalada Jigjiga, halkaas oo xoolo badan ay ka kaxaysteen Ciidamada Faderal Boolisku iya goo dadkii xoolahaa watayna markay hor is hortaageen in xoolahooda la kaxayato ay Ciidamadu ugu jawaabeen rasaas nool oo markii dambe keentay dhaawac badan.

Dhanka Xukuumadda degaanka Soomaal ida waxay sheegtay inay dhibaato ka jirto ganacsiga xoolaha nool oo la xalin doono, bal se waxay shacabka ku boorisay inay ku dada alaan inay ganacsigooda sharci u samaystaan oo ay ka fogaadaan waxay Dowladdu ku tilma antay Kootarabaanka.

Dhanka Shacabka degaanka Soomaalida waxay mar walba ku adkaysanayaan in xool ahooda oo ay ka keenaan guryo u muuqda magaalada Jigjiga aysan ahayn Kootarabaan ama sharci darro, waxayna Dowladda ka codasadeen inay hoos u eegto arrintan, oo ay ka gaadho xal rasmi ah.

Dhibaatadan dhaca ah ee Ciidamada Fad eralku ku dhacayaan xoolaha nool ee shac abku leeyihiin ayaa wali sii socota, wax ayna dad degaanku arrintan ku tilmaam een dhac badheedh ah oo lagu hayo shacabka dega anka ee xoolahooda usoo iib geeya maga alada Jigjiga.

Madaxweyne Deni oo lagu wado inuu soo magacaabo golihiisa wasiiradda

Madaxweyne Deni ayaa Maanta illaa Caa wa laga sugayaa inuu ku dhawaaqo liiska golihii sa wasiirrada, ka dib muddo ka badan bil oo ay kasoo wareegatay markii dib loogu do ortay xilka madaxweynaha Puntland ee 2024-2029.

Baarlamaanka Puntland ayaa mu ddo bil ah siiyay ma daxweyne Deni inuu kusoo dhiso xukuu maddiisa cusub. Mu ddadii loo qabtay ayaa dhamaatay, lamana sheegin inuu mar kale baarlamaanka ka codsaday inay u kordhiyaan.

Warar aan ka helayno madaxtooyada, ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dib u soo celin doono qaar badan oo kamid ah wasiirradiisii hore, sidoo kalena wuxuu liiska ku soo dari doonaa siyaasiyiin xilalka wasiirro ah kasoo qabtay dowladda federaalka Sooma aliya.

Sidoo kale, tirada wasiirrada uu soo maga caabi doono ayaa ka badnaan doonta tiradii hore, isagoo soo kordhin doona wasaarado cusub, halka kuwa kalena uu kala madax ban naanayn doono sida aan xogta ku helnay.

Deni oo labadiisa sano ee ugu dambeysay damacyadiisa siyaasadeed ee doorashooyin ka iyo khilaafka kala dhaxeeya dowladda fed eraalka, ay ragaadiyeen horusocodka Puntl and, ayaa hadda isha lagu hayaa isbeddelka uu la yimaado, iyadoo ay usii dheer tahay tab ashooyinka ka dhashay hannaankii lagu door tay oo ay weli ay siyaasiyiin la tartamay iyo

madax dhaqameedka ku tilmaameen boob.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip