Wasiir C.rashiid ayaa tilmaamay in Dhaqaalaha Xayiraadda laga qaaday ee Sh Axmed Nuur Cali Jimcaale uu qeyb muhiim ah ka qaadan doono shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dib u dhiska Dalka Soomaaliya.
Wasiirka Beeraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Ugaas Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile, ayaa sheegay in qaadista Xayiraadda Saarney Dhaqaalaha Sheekha ay dalka Soomaaliya oo dhan saameyn ku yeelatay mahad celin weyna u jeedayay dadkii isku howlay ee waqtiga badan galiyay sidii Xayiraaddasi looga qaadi lahaa Ganacsade Axmednuur Cali Jimcaale.
Sidoo kale kulanka waxaa hadalo soo dhaweyn iyo Ammaanba u badan ka jeediyay Xillibaano iyo Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen, Xil Maxamed Cumar Dalxa, Axmed Macalin Fikhi, Sh Bashiir Axmed Salaad, Yuusuf Jimcaale, Canab Xasan Cilmi iyo Jawaahir Baarqab.
Kulanka ayaa mahadcelin Gaar ah looga Jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Marwadiisa, iyo Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo isku howlay sidii Cunaqabateynta looga qaadi lahaa dhaqaalaha ee Saarneyd Muddo 15 Sano ah Sh Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa laga saaray liiska xayiraadda gaarka ah ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ku soo rogtay ee OFAC , iyadoo horey looga saaray sanadkii 2013 liiskii Qaramada Midoobey.
Mareykanka ayaa sanadkii 2001 kadib weerarkii 9/11 waxaa uu xayiraad ku soo rogay Shirkaddii Xawaalada ee Al-Barakaat oo uu maamule ka ahaa Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Kulan lagu taageerayay qaadista xayiraadii saarneyd Axmed Nuur Jimcaale oo Muqdisho lagu qabtay
Kulan lagu taageerayo Qaadista Xayiraadda Dhaqaale ee Muddo 15 Sano ah saarneyd Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale, oo ay ka qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaano,Siyaasiyiin, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa caawa lagu qabtay magaalada M