Ciidamo ka tirsan AMISOM oo Miino lagula eegtay Deegaan hoostaga Degmada Mahadaay.
Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM maanta Qarax Miino lagula beegsaday Degaanka Gumure oo hoostaga Degmada Mahaddaay ee Gobolka Sh/Dhexe.
Kolonyo Ciidamada AMISOM ah oo ku sii jeeday Degmada Mahaddaay ayaa Qaraxa loo dhigay,iyadoo uu burbur xoogan soo gaaray Gaari kuwa Qafilan ah oo Ciidamada AMISOM ay leeyihiin.
Dhanka kale lama oga Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee soo gaaray Ciidamada AMISOM ee Qaraxa loo dhigay ayaa waxaa Wararka qaar ay sheegayaan inay jirto Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada la qarxiyay.