
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKAM.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA FEBARAAYO 2024-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo u tagay dhameystirka xureynta deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soo maaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Dorraad gaaray mag aalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah waxa ugu soo dhaweey ay garoonka diyaaradaha magaalada Kisma ayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam Madoobe, ku xigeenad iisa, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Jubbaland iyo dadweyne kale.
Ujeedka safarka madaxweynaha Soomaali ya uu Dorraad ku tagay xarunta ku meel gaa rka ah ee maamulka Jubbaland ayaa lagu she egay inuu la xariiro dhameystirka howlgala da ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, horumar inta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gel idda xalaaddaha nololeed ee reer Jubbala nd, sida lagu shaaciyay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay in kulamo la qaadan doonaan mudada ay ku sugan yihiin Kismaayo madax da maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala du wan ee bulshada.
Safarkaan uu Dorraad ku tagay Kismaayo madaxweynaha JFS ee la xariira dhameystir ka iyo xureynta deegaanada ay ku sugan yih iin kooxda Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid dardartii ay ku socdeen dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.
RW ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shir laga soo saaray saddex qodob
Ra’isul Wasaare ku xigeenka XFS Md. Saa lax Axmed Jaamac ahna ku simaha Ra’iisul wasraaha XFS ayaa Dorraad xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku Guddoomiyey shir gaar ah.
Waxaa shirkan uu dhaxeeyey Xafiiska Ra’I sul wasaaraha, Hay’adda Maareynta Musiibo oyinka Qaranka, Wasaaradaha Gargaarka do wlad goboleedyada Dalka, iyo Masuuliyiin ka socday hay’addaha NGO-yada maxalliga ah .
Shirkaan oo looga hadlay xaaladaha bini ’aadanimo ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay in SoDMA qabato shir aan caadi aheen oo loo ga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada, caqa badaha jira iyo sida looga gudbi karo, in la dha meestiro sharciyada iyo siyasaddaha looga hortagayo Leexshashada Gargaarka.
Wa xaa sidoo kale la go’aamiyey in la dhi so guddi gaar ah oo ka kooban SoDMA iyo ha y’addaha maxalliga ah oo ka shaqeeya in inta aysan dadka soo barakicin degaanadooda wax loogu qabto.
Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuu cay xerashada marada loo yaqaano Af-saabka
Maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuu cay xirashada marada Af-saabka ee loo yaqa ano Facemask, taas oo si aad ah loo isticma ali jiray xilliyadii uu jiray cudurkii Koroona Virus.
Afhayeenka gobolka Ba aadir, Saalax Dhe ere ay aa sheegay, mamnuucista Af-saabka in lagu go’aamiyay shirkii amniga caasimadda oo uu madaxweyne Xasan Sheikh shir guddo omin ayay, kaasoo looga hadlayay dardar gali nta arrimaha amniga,
Afhayeenka gobolka Banaadir wuxuu shee gay isticmaalka Af-saabka in loo arko inuu yahay aalad uu qofku isaga qarinayo laamaha amniga, isagoo sheegay inay ku dhuuntaan dambiilayaasha amni darrada ka geysta magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay isticmaalka Koofiyadaha, nu ucyadooda kala duwan marka laga reebo ku wa loo yaqaano Barawaaniga ama koofiyadda sunnada. Wuxuu sheegay, koofiyaduhu inay ka qeyb ka qaataan arrimaha amni darrada.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ciddii ku xad gudubta awaamiirta kasoo baxay shirka amniga in laga qaadi doono tallaabo.
Baarlamaanka JFS oo Dorraad mar kale ka dooday arrimaha Dastuurka.
Kulanka 12-Aad ee wadajirka oo ka dha cay xarunta Golaha Shacabka waxaa shir gu ddo ominayay guddoomiyaha Golaha Shacab ka Md. Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoo be, waxa uuna kooramkiisa ku furmay 152-Xildhib aan oo Golaha Shacabka ah Iyo 28-Xil dhibaan oo Golaha Aqalka sare ah taasoo wa darta gu ud ee guntanka ama Kooramka kulan ka uu ku furmay ka dhigeysa 180-Xildhibaan.
Ajendaha Kulanka Dorraad waxa uu ahaa Dib-u-eegista Dastuurka,Marxlada labaad oo ah Ka Doodista Soo jeedimaha wax-kabada lka Dastuurka gaar ahaa cutubka koowaad op ka hadlaya baaqa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobadiisa koowaad ilaa saga alaad.
Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS oo kulanka ka hadlay ayaa fikirkooda ka dhiibtay dooda Dorraad ee dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubka koowaad,waxaana arrimaha aadka looga dooday ka mid ahaa in qoondada haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda in dastuurka lagu xuso Iyo Sidoo kale shaqada maxkamada sare Iyo tan dastuuriga ah. Kulanka waxaa goob joog ahaa guddiga dib u eegsita Iyo la socodka hirg elinta dastuu rka ee Baarlamaanka labad iisa Aqal,guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo Sidoo kale qubaro iyo qaar ka
Mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Midowga Afrika
Wafdi ka socday JFS oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka Arrimaha dibadda oo Xarunta Midowga Africa uga Qayb Galay Shir Heerkiisu Sarreeyo oo Looga Hadlayey Haw lgalka ATMIS.
Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Cumar Cali "Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qayb galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia, ayaa si buuxda uga qayb galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.
Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayey Danjiraha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaa liya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha XFS Md. Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaa bil san Midowga Africa mudane Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.
Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasi linta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoo bay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khub urada Dawladda Soomaaliya kala shaqayna ysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.
Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soonaaliy eed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soo maaliya, isla markaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka KMG ah ee ATMIS. Wasiir Cali Cumar Cali "Balcad” oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysattay in Ciidamada Xoo ga Dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta koo xaha Khawaarijta, isla markaana ay DFS kalso oni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Sooma aliya.
Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiiba da Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaa rtay.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo safar deg deg ah ku tagay dalka Imaaraadka
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta
Wasiirka ayaa tacsi uu ka sidey Madaxwey naha JFS, R/Wasaara ha XFS iyo guud aha an Shacabka Soomaaliyeed waxa uu ga arsii yey dowladda Imaaraadka Carabta iyo ehe lada saraakiishii dhawaan ku shahiidey Xera da Go ordan ee magaalada muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in Shuhaddada wal aalaheen ah ay astaan u ahaan doonaan xirii rka dhiig wadaagga ah ee Imraadaka Carabta iyo Soomaaliya.
Weerar toogasho ah oo dhowaan ka dhac ay xerada tababarka ciidamada ee General Goordan ee M/Muqdisho ayay ku dhinteen sar aakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixina ysay oo u kala dhashay Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn, halka sidoo kale ay dhaawacyo soo gaadheen saraakiil kale. waxaana isla go obtii lagu dilay askarigii ka dambeeyey weera rkan toogashada ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan She ekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay wee rarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaan ku inay sameeyaan baaris degdeg ah.
Madaxweynaha oo cusbitaalka ku booqday qaar ka mida saraakiisha u dhashay Imaaraad ka Carabta ee ku dhaawacmay weerarkan, ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaa raadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaa liya. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masu uliy adda weerarkan lagu qaaday xeerada Gen. Goordan ee magaalada Muqdisho.
Shirweynaha 6-aad ee Xeer ilaaliyaasha So omaaliyeed oo ka furmay Muqdisho
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in amniga iyo cadaaladdu ay yihiin laba aan kala maarmin dowlad la’aanna aysan shaqayn karin.
Guddoomiye Baashe oo furay shir sanne ed ka 6-aad ee Xeer ilaaliyayaasha Soomaaliy eed ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay lee yihiin amniga iyo caddaaladda, wuxuuna tilma amay in dhammaan adeegyada kale ee buls hadu ay cid kale qaban karto, balse bulshadu aysan ka maarmin garsoorka iyo ammaan, wuxuuna dowladda ku boorriyay in lagu bixiyo dedaal badan.
Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waajiba adka ka saaran xeer ilaalinta dalka iyo hay’ad aha la shaqeeya la dagaallanka dmbiyada aba abulan, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in dhibaat ada ugu badan ee haysata laamaha amnigu ay tahay Xabsi la’aan, wuxuuna intaa raaciyay in ka boolis ahaan aysan haysan meel ay ge eyaan maxaabiista la qabto.
Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto; Mah ad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xeer ilaaliye y aasha dalka ugu baaqay in ay dhow raan wa xa loo igmaday ee ah xeerka dalka, wuxu una ku boorrriyay in cadaaladda lagu dedaalo.
Xeer Ilaaliye Guud ee Qaranka Dr; Suley maan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku guuleystay in uu xalliyo caq abado badan oo hortaagnaa in Cadaalad la helo.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Ban aadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku guuleystay in la yareeyo dambiyada abaab ulan oo ay ka mid ahaayeen Ciyaal weerada iyagoo kaashanaya laamaha amniga.
Shirkan sanadlaha ah oo uu furay Guddo omiyaha Maxakamadda sare Baashe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaarad da cadaaladdda XFS, Xasan Macalin , Tali ya ha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka As lu ubta, Guddoomiyaha Maxkamadda Racf aan ka, xeer ilaaliyayaasha maamul goboleedy ada, gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan laba Aqal ee BFS.
Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Yuga andha oo kulan la qaatay Safiirka dal ka Turkiga ee dalkaasi
Sii-hayaha Safaaraadda Soomaaliya ee da lka Yugaandha Md, Cabdiladhiif Maxamuud Cali oo booqasho ku tagay safaaradda dowla dda aan walaalaha nahay ee Turkey ku leeda hay dalka Yugaandha ayaa waxaa halkaas kusoo dhowe eyay Ambassador, Fatih Ak.
Sii-hayaha iyo safiirka ay aa kawada ha dlay muhiim adda uu leeyahay xiriirka heerk iisu sarreeyo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tur kiga iyo sida uu xiriirkaasi muhiim ugu yahay xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Amb; Cabdiladhiif Cali ayaa uga warbixiyay waxyaabihii ugu danbeeyay ee kusoo kordhay geeska Afrika, isagoo tilmaamay in kaalinta dalka Turkigu tahay mid aad muhiim ugu ah nabadda Bariga Afrika iyo Caalamkaba.
Dhankiisa Safiir dalka Turkey, Fatah Ak ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay ka go’anta hay in ay Soomaaliya u fidiso taageero dhan walba leh, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliyana uu yahay lama taabtaan.
Ugu danbayn labada mas’uul ayaa ku hesh iiyay in kulamada iyo wada tashiyada Diblom aasiyiinta labada safaaradood la joogteeyo.
Ciidanka Haramcad oo Howgallo Qorsheys an ka fuliyay Sh/Hoose
Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhe xeyso deeganaka Gendershe iyo Arbacow ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ujeedka howlgal kaas ayaa ahaa Burburinta xarumo dagaala maayasha AL-Shabaab ay ku leeyihiin Gobol kaasi, sida ay Warbaahinta u sheegeen saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Howgalkaasi horkacayay. Deegaanada howlgalka laga sam eyey ay aa kala ah Godka kubash, Galka Ge eriyaan, Galka Saalimow, Mara-cade.
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u samey ey cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad’ iyo kuwa Xooga Dalka Gaar ah Guutada Cumar binu-khadaab.
Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgalla da guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaa si si xowlihi ah kaga socda Gobolada dalka.
Booliska Garowe oo gacanta ku soo dhigay Ayuub Cabdiqani Ibrahim (Shiino)
Ciidanka Booliska Gobolka Puntland ee go bolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ayuub Abdiqani Ibrahim (Ayuub shi ino) oo ku eedaysan dil Habeen hore ka dhacay dulee dka Garowe.
"Ciidanka Booliska Punt land Qqeybta Go bolka Nugaal iyagaoo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta iyo ka hortaga falalka lidka ku ah bul shada iyo deegaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane baxsad ah laguna magacaa bo Ayuub Abdiqani Ibrahim (ayuub shiino) Ku na eedeysan dil Habeen hore ka dhacay Magaa lada Garoowe”.ayaa lagu yiri war ka soo bax ay Booliska.
Warka ay soo saareen Booliska ayaa si doo kale lagu sheegay in eedeynaha la hor geyn doono sharciga. Eedeysanaha oo ay Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la hor gay doona maxkama da awooda uleh cidk asta falkaas ku edaysan waxaana socota bari sta kiiska. Dilka oo ay ku dhinteen marxuum Sharmaake Ismaaciil Way rax iyo marxuum Abdifataax Abdiraxman diiry e. Falkaas oo dha cay 14/2/2024abaaro saca du markay ahayd 0:4:30 subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.
DF oo shaacisay Magacyada saraakiil ka tirsan Al Shabaab oo howlgal lagu dilay
Howlgal la sheegay in jab xoogan lagu gaa rsiiyay Kooxda al shabaab ayaa ka dhacay tuu lada Ugunji oo hoos tagta magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday Maxkam ad ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaankaas, waxaana halkaas lagu dilay 7 Horjooge iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Sida ay sheegtay warbaahinta DF saraakii sha lagu dilay howlgalkaas waxaa ku jiray nin lagu magacaano Usame oo ahaa madaxa Al-shabaab ee deegaanka Ugunji.
"Dhagar-qabayaasha kale ee Khawaarijta ah ee la dilay ayaa waxaa kamid ahaa Cadna an oo u qaabilsanaa diiwaan gelinta shaqsiya adka shacabka ah ee laga rabo lacagaha baa dda ah iyo Horjooge Yaxye oo ahaa Horjooge ku xigeenkii maleeshiyaadka jooga deegaanka Ugunji” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaac ada DF.
D/Mareykanka oo xaqiijisay inay Somaliya ka taageereyso dagaalka ka Al-Shabaab
Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in S oomaaliya ay ka taageereyso dagaalka ka dha nka ah Al-Shabaab, iyadoo ku nuux nuux satay in ay ka go’an tahay dadaallo kala duw an oo dhanka ammaanka ah.
Maraykanku wuxuu she egay inuu tababaro iyo qal abayn muhiim ah siiyo Ciid anka Qaran ka Soomaaliyeed ee Guutada Dan ab. Wadashaqeynta ayaa lagu soo bandhigay wadahadal u dhaxeeyay wakiillo ka socda Mar eykanka iyo Taliyaha Difaaca Soomaaliya, Sar reeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, wa da hadalkaas oo ka dhacay Safaaradda Mar aykan ka ee Muqdisho.
"Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taa geeraa dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab iya doo loo marayo kaalmooyin kala duwan oo dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin in ay ta b abaro iyo qalabayn siiyaan Ciidanka Xoo gga Dalka Soomaaliyeed ee Danab,” sidaasi wax aa yiri safaaradda Maraykanka ee Muq disho.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay aa 6-February-2024 ugu deeqday Saddex Ga ari oo kala ah Machadka Tababarka Gar soor ka Dow ladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Xeer Ila aliyaha Guud ee Dowlad Gob oleedka Koonfur Galbeed, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Hirshabeelle.
Madaxweyne Erdogan oo booqasho taari ikhi ah ku tagay Qaahira
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erd ogan ayaa Arbacadii booqasho rasmi ah oo taa riikhi ah ku tagay Qaahira, taasoo qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu horuma rin ayo xiriirka labada dal.
Erdogan ayaa waxaa garo onka diyaarada ha ee maga alada Qaahira ku soo dhaweeyay dhiggiisa Mas ar Abdel Fattah al-Sisi iyo Safiir ka Turkiga ee Masar Salih Mutlu Sen.
Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya booqa shadiisa marwada koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Was iirka Maaliyadda iyo Maaliyadda Mehmet Sim sek, Wasiirka Difaaca Qaranka Yasar Guler, Wasiirka Caafimaadka Fahrettin Koca, Wasiir ka Warshadaha iyo Teknolojiyadda Mehmet Fatih Kacir, Wasiirka Ganacsiga Omer Bolat, Agaasi maha Isgaarsiinta. Fahrettin Altun, iyo Akif Caga tay Kilic, oo ah la taliyaha madaxa ee madaxwe ynaha. Madaxweynaha Turkiga ayaa si rasmi ah lo ogu soo dhaweeyay xaflad si rasmi ah loogu qabtay Qasriga Ittixaadiye.
Kadib markii Erdogan iyo al-Sisi ay ka soo qeyb galeen goobihii ay ka dhaceysay xaflada ay aa waxaa ka dhacday salaan sharaf, waxaa na la garaacay heesta calanka labada dal.
Erdogan iyo dhiggiisa al-Sisi ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada, waxaana labada ho ggaamiye ay is gacan qaadeen iyagoo saxa afad da isu soo bandhigay.
Isbarashada wufuudda labada dal ka dib, waxaa billowday kulamo laba geesood ah iyo ku wo heer wafdi ah. Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale ka qeyb galaya casho sharaf uu Sisi u sameeyay. Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horey say ee madaxweynaha Turkiga uu ku tago dalka Masar tan iyo sanadkii 2012-kii.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya la bada waddan ee Mediterranean-ka ugu waa we yn ee Muslimka ah ayaa gaaray heerkii ugu hoo seeyay ka dib markii Madaxweynaha Mas ar Abd el Fattah El-Sisi uu afgambi milateri ku qabsaday talada, meeshana laga saaray Mad axweynihii xiligaas Maxamed Mursi oo geeri yooday isagoo xabsiga ku jira.
Erdogan, oo dowladdiisa muxaafidka ah ay xiriir dhow la lahayd kooxdii Ikhwaanul Mus limii nka ee uu ka tirsanaa Mursi, ayaa aad uga caro oday markii la afgambiyay 2014-kii, wuxu una Sisi ku tilmaamay "Daalim aan sharci ahayn.”
Markii Turkigu sii waday taageerada Ikh waa nka Masar iyo guud ahaan gobolka, xiri irku wuu sii xumaanayay. Masar waxa ay si doo kale qeyb ka ahayd go’doominta mudda da sanadaha ah ee Qatar oo ay hogaaminay een Sacuudiga & Im araadka halka Turkiga uu garab istaagay Doha.
Sidee Tahriibayaal Soomaali ah u sabab een xil ka qaadista wasiir Mareynkan ah?
Qulqulka tabriibeyaasha ay ku jiraan So omaalida ee ka gudbaya xadka Mexico ayaa sababay in shaqada laga ergo wasiirka awoo dda badan ee arrimaha gudah ee Mareykan ka Alejandro Mayorkas.
Xil-ka-qaadista ayaa timid toddob aad kadib markii xu bnaha Congress ee xisbiga Jamhuur iga ay u guuldareysteen inay shaqada ka ery aan wasiirka.
Xubnaha Jamhuuriga ayaa ku heysta was iirkan sida uu u maareeyay dhaqangelinta sha rciyada kahor-taga qulqulka tahriibeyaasha soo galaya Mareykanka oo aad u kordhay wixii ka dambeeyay markii la doortay Joe Bid en, madaxweynaha Xisbiga Dimoquraatiga.
Madaxweynehii hore Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeynaya in dowladda bedeshay ay ku fashilantay xakamaynka qulqulka dadka soo-galootiga ah.
Kumanaan kun oo muhaajiriin magan gal yo doona oo ay Soomaali ku jirto ayaa ka talaaba xadad dhulka ee Maraykanku la wadaago dalka Mexico. Tan ayaa waxay dood adag ka dhex waday sanooyin badan xisbiy ada Maraykanka.
Labadii sano ee la soo dhaafay boqolaal kun oo muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay ayaa ka gudbay xadka darbiga iyo siliga isugu jira ee gobolada Maraykanka ee xadka la wad aaga Maraykanka kuwaas oo lagu tilmamaay mid ka mida mowjadihii ugu balaarnaa ee qulqul muh aarijiina oo dalkaas galay.
Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka oo aqla biyad caataa ku maamula aqalka wakiila da ayaa si adag u dhaliilay habka dowlada Bid en u ma amushay arintaas iyo dhaqan galin la’ aanta sha rciyada Socdaalka oo ay ku eedeey een dowlada.
Aqalka Congress-ka ayaa si dirqi ah ugu codeeyay in xilka laga xayuubiyo xoghayihii am niga gudaha Alejandro Mayorkas, taasoo ka dhig aysa in uu noqdo xubintii ugu horeysay ee gola ha wasiirada ee wajaheysa xil ka qaadis muddo ku dhow 150 sano.
Qaar badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuri ga ayaa Mayorkas ku eedeeya qulqulka muh aajiri inta aan horay loo arag ee ku soo qulqu laya xadka Mareykanka iyo Mexico.Aqalka uu hog aamiyo Jamhuuriga ayaa u codeeyay 214 ilaa 213 cabirka, ka dib markii isku daygii ugu hor ee yay uu fashilmay todob aadkii hore.
Arrintu hadda waxay u gudbaysaa aqalka Senetka ee Dimuqraadigu hoggaamiyo, halka as oo ay u badan tahay inuu ku guuldareysto.
Madaxweyne Joe Biden ayaa talaadadii cod bixinta ku tilmaamay "fal cad oo xisbinimo aan dastuuri ahayn iyo mid siyaasadaysan.
Dadka ka soo horjeeda Mayorkas ayaa ku eedeeyay in aanu ka soo bixin dhaartii uu ku dha artay ee ahayd in uu si wanaagsan oo daacad ah u gudan doono waajibaadkii xafiiskiisa isaga oo ku guul daraystay in uu wax badan ka qabto sugidda xuduudaha
Ruushka oo xusul-daaray Madaxda Israel
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Talaadadii sheegay inaanan wax ra jo ah laga qabin in si degdeg ah wax looga qabto colaadda Gaza, sababo ku aaddan hab dhaq anka khalafsan ee Madaxda Israel.
"Iyadoo laga duulayo hab dhaqanka aan fiicnayn ee Hoggaanka Israel oo sii wada ficilka militari ee Gaza ayaa hadda dagaalka ku fidin aya Rafah. Markaa ma aragno rajooyin muuqda oo si degdeg ah wax looga qabanayo xaaladda.” Ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayay Madasha Na adiga Wada-xaajoodka (Valdai) oo looga ha dlayay xaaladda Bariga Dhexe. Naadiga Valdai ayaa ah madal fekradaha iyo doodaha la isku weydaarsado oo fadhigeedu yahay Caasimadda Moscow.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa sheegay in xaaladda ka sii dareysa ee ka taagan Bariga Dhexe aanay weli gaarin xadkeeda, isaga oo intaasi ku daray in rabshadaha ka dhacaya meelaha ka baxsan Falastiin ay kaalin ka qaada nayaan xasillooni darrada gobolka.
Wasiirka ayaa Mareykanka ku eedeeyay ina anu dhibaato ka dhex abuurin Falastiin iyo Israel oo keliya, balse uu gobolka oo dhan ku riixay marxalad masiibo ah, sida uu yiri.
Waxa uu sheegay in dalkiisu uu ka walaacs an yahay xaaladda cakiran ee ka jirta gobolka, isla-markaana uu dareenkiisu la wadaagay Gol aha Ammaanka ee Qaramada
Midoobey.
"Mareykanka waxay door bideen inay ku tiirs anaadaan awooddooda gobolka, waxayna had da ka shaqeynayaan, sidii ay Ruushka uga saari lahaayeen dadaalada caalamiga ah ee lagu doo nayo in lagu abuuro nabad iyo xasillooni waarta.” Ayuu yiri Wasiir Lavrov.
Wasiir Lavrov ayaa muujiyay in ay lagama maarmaan tahay in la abuuro shuruudo adag oo aasaas u noqon kara in dhinacyadu ay gaaraan heshiis ku qotoma amni la isku haleen karo.
Lavrov ayaa sheegaya in dhismaha dowlad ay shacabka Falastiiniyiinta leeyihiin ay muhiim u tahay hiigsiga xalka waara.
Lavrov ayaa ku baaqay in Falastiiniyiinta loo qabto shirweyne ay ka qayb qaadanayaan dha mmaan hoggaamiyeyaasha kooxaha, si loo soo afjaro buu yiri kala qaybsanaanta dhexdooda ah.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanya hu ayaa ku celceliyay inaanay marnaba aqbali doonin yegleelidda dowlad ka barbar dhalata Israel.RW.Netanyahu ayaa sheegay inuu muddo dheer hortaagnaa qaddiyadda Dowl adnimada Falastiin, inta uu xafiiska joogana aanu ogolaan doonin. Mr. Joe Biden ayaa daba-yaaqadii bi shii January sheegay inuu Netanyahu kala halay xa lalka suurtagalka ah ee lagu abuuri karo dowlad madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leey ihiin, isa goo xusay in xal aan militari ahayn uu yahay kan keliya ee lagu gaari karo amniga waara ee Israel.
Itoobiya oo damaceeda badda u weecine ysa dal kale iyo Erdogan oo u hanjabay Abiy
Xog cusub ayey Caasimada Online sheeg tay in ay ka heshay kulankii dhowr habe en ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yee shay qaar ka mid ah culimada Soomaaliy eed. Kulankaas oo ka dhacay madaxtooyada Soom aaliya ayaa madaxweynuhu xaaladda dalka uga warbi xiyey culimada.
Madaxweyne Xasan ayaa culimada si faa hfaahsan uga warsiiyey halka ay mareyso xii sadda badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo soo bilaabatay, cirkana isku shareertay maalmihii uu bilowga ahaa sanad kaan 2024-ka.
Xasan Sheekh ayaa culimada u sheegay in Abiy Axmed uu hadda ka soo dabcay dam aciisii waallaa ee badda Soomaaliya kaga jiray, kadib markii dowladda Turkiga ay si toos ah u soo farogelisay arrinta.
Madaxweynaha Turkiga ayaa toos ula xiri iray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ugu hanjabay in haddii uu yimaado bad da iyo beriga, guud ahaan dhulka Soomaaliye ed uu la kulmi doono cawaaqib daran, sida uu Xasan Sheekh la wadaagay culimada.
Erdogan ayaa Abiy ku war-geliyey in hadii uu soo aadayo dhulka Soomaaliya uu ku soo talagalo dagaal uu la galo Turkiga, kaas oo Madaxweyne Erdogan uu ku hanjabay in Itoo biyaanka uu ku gaarsii doono xaalad ay ka soo kabsa waayaan.
Xogtaan ayuu culimada la wadaagay mad axweynuhu, isagoo intaas u raaciyey in Abiy Axmed uu hadda kasoo dabcay damaciisii bad da Soomaaliya, islamarkaana uu qorsheyn ayo in dhanka Kenya uu u weecdo.
Xeebta magaalada Laamu oo kulaasha xu duuda badeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ah biyaha Kenya ayaa la sheegay in Abiy Axmed uu hadda damaacinayo in Itoo biya ay deked ka hesho.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa jirtay xog sheegeysa in Abiy Axmed uu doonayo inuu ta go magaalada Hargeysa ee Somaliland, si uu ula kulmo madaxweyne Muuse Biixi oo 1-dii bishii hore u saxiixay heshiiska qariban ee go’ doonka siyaasadeed geliyey Itoobiya.
Kulanka Abiy iyo Biixi oo weli aan suurta-gelin, hadii uu dhaco waxaa loo maleynayaa in ay kaga tasha doonaan culeyska aan la dhaafi karin ee damaca badda ee Itoobiya ka dhash ay, kaas oo ka soo wajahay dowladda federaa lka Soomaaliya oo kaashaneysa inta badan dalalka caalamka.Xigasho:-Caasimadda.net
Aqalka Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey $95 billion oo la siiyo Israa’iil iyo dalal kale
Aqalka sare ee Senateka ayaa Salaasadii meelmariyey, lacag gargaar ah oo la siinayo Ukraine, Israa’iil iyo Taiwan, waxaana ogolaa day 70 mudane oo kamida 100-ka mudane ee uu ka kooban yahay golaha.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ay aa ugu baaqay aqalka hoose ee Marayk anku inay si degdeg ah u meelmariyaan lacag gargaarka ah ee la siin ayo Ukraine, Israa’iil iyo Taiwan, taas oo ga adhaysa illaa $95 billi on oo dollar.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelen sky ayaa markiiba soo dhoweeyey tallaabad an, isaga oo uga mahadnaqay dawladda Mara ykanka, wuxuuna ku tilmaamay in lacagtani ay badbaadinayso nolosha Ukraine ee ay ku soo duuleen Ruushku.
Senator Chuck Schummer oo ah hoggaam iyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka ayaa tallaabadan ku tilmaamay inay tahay mid taa riikhi ah.
Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ba’an ka waddo gobolka Amxaa rada
Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidanka amniga dowladdu ay gobolka Amxaarada ku dileen ugu yeraan 45 ruux oo shacab ah daba yaaqadii Jannaayo ee sanadkan.
War saxaafadeed ka soo baxay guddiga xuquul Insaanka Itoobiya "Ethiopian Human Rights Commission EHRC” ayaa lagu sheeg ay in ciidanku ay dileen shacab aan waxba ga labsan kuwaas oo maamulka Abiy Axmed ku eedeeyeen in ay taageersan yihiin jabhadda Amxaarada ee Fano.
Xasuuqa ay ciidanka maamulka Addis Ab aba geysteen ayaa ka dhacay magaalada Mer awi ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ciid anka Abiy ay ku wajahayeen jabhadda hube ysan ee Fano ee qowmiyadda Amxaa rada.
Tewodrose Tirfe, oo ah hogaamiyaha urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka Amxaarada ee fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa shee gay in ciidanka maamulka Abiy ay adeegsan ayeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee drone-ka, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu duqeeyo goobaha Rayidka ku sugan yihiin oo ay magaalooyinka ku jiraan.
Todobaadkii hore Mareykanka ayaa wala ac ka muujiyay xasuuqa ka dhacaya gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay ko rdheen dilal loo geysanayo shaca bka Amxa arada oo isirkooda dartiis loo beegsanayo.
War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis ababa ayaa lagu dalba day in dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Am xaaradda loo baahan yahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo.Ma ahan mar kii ugu horeysay ee guddiga Xuquuqul Insaan ka Itoobiya ka qaylo dhaa miyo falalka gurra can ee ciidanka maamulka Abiy Axmed ka wadaan gobolka Amxaarada, bishii September ee kal hore, guddiga EHRC waxay sheegeen in ay dowladdu fulisay dilal sharciga ka bax san iyo in dadka kasoo gobolkaas la iska xirto.
Hilibka Xalaasha oo laga mamnuucay Yurub iyo Maxkamad soo saartay ammar adag
Muslimiinta kunool qaarada Yurub ayaa dhi baato badan kala kulmi doona helitaanka hili bka xalaasha ah, kaddib ammar mamnuu cid ah oo kasoo baxay Maxkamada Xaquuqa da Aadanaha ee Yurub .
Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa soo saartay go’aan ah in xoolaha kahor inta aan la qalin la suuxiyo, taas oo ka hor ima aneysa habka gowrca diinta Islaamka nafartay una gowracdaan dadka muslimiinta ah.
Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in go’aankan ay soo saareen uusan xadgudub ku ahayn xorriyada diimaha iyo islamarkaana uusan ahayn takoor dad ga ar ah loola dan leeyahay.
Go’aanka maxkamada ayaa lasoo rogay Dorraad, kaddib markii uu guuldareystay dacw ad ay wadajir u gudbiyeen ururada Muslimiinta iyo Yahuuda oo doonayay in loo oggolaado in ay xoolo u qashaan si waafaqsan diintooda.
Ciidamada Kenya oo nolosha ku qabtay nin jaceylkiisa kusoo dilay dalka Mareykanka
Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa howlgal ay sameeyeen kusoo qabtay nin gac ankudhiigle baxsad ahaa, kaa oo isbuu cii hore ka baxsad ay xabsi booliis oo kuyaalla maga ala da Nairobi.
Kelvin Kang ethe, oo 41 jir ah, ayaa booliis ka ku qabteen duleedka magaalada Nairobi is aga oo baxsad ah, wa xaana ninkan loo hees taa in magaalada Bo ston ee dalka Mareyka nka kusoo dilay bishii Agoosto gabar ay saa xiibo ahaayeen.
Taliyaha booliiska Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in tuhmanaha laga soo qabtay habeenimadii Talaadada deegaanka Ngong oo ku taal duleedka caasimadda, kaddib baa digoob shan maalmood qaatay.
Ninkan booliiska dib usoo qabteen ayaa isb uucii hore ka baxsaday saldhigga booliska ee Muthaiga ee kuyaalla magaalada Nairobi, wa xaana baadigoob booliiska maalmo wade en usuurto gashay in dib usoo qabtaan.
Dilaaga oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Kenya ayaa la filayaa in loo gacan geliyo dowl adda Mareykanka oo si weyn u baadigo obey sa, waxaana suurto gal ah in Mareykanka loo
dhoofiyo si halkaasi maxkamad loogu saaro..
MAXAY DIINTU KA QABTAA XUSKA MAALINTA JACAYLKA ADDUUNKA?
Mustafe iyo Umal Sannad walba 14-ka bisha Fabraayo wa xaa qaybo dunida ka tirsan looga dabbaald egaa maalinta Valentine. Dabbaaldeggan oo sa lka ku haya ciid diimeed dadka Masiixiga ah ku xusaan wadaad la oran jirey Saint Vale ntine ay aa muddo dheer ahayd dhaqan ku lifa aqan soo yaalka bulshooyinka reer Yurub illaa ay goor da mbe yeelatay waji ka geddisan kii h ore ee diinta islamarkaana ay u xuub-siibatay arrimo bulsho.
Waxaa si gaar ah loola xiririiriyaa arrimaha ja ceylka iyo gacaltooyada lammaanaha. Waxa ana jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo maali ntaan u dabbaaldega jaceylkooda, iya goo maga alooyinka lagu arko lammaaneyaal is qaba ama kuwo is jecel oo ubaxyo cas cas isku hadiyeyn aya si qofba qofka kale ugu mu ujiyo kalgacal.
Haddaba maxay diinta Islaaamku ka qab taa in dad Muslim ah xusaan maalin ku suntan diimo kale kale? Sh Mustafe
Su’ashaas waxaa si cilmiyeysan uga jawaab ay culimo badan oo ay ku jiraan caalimiin Soo maali yeed. Dadka sida qotoda dheer uga had layna waxaa ka mid ah Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciilk oo ka mid ah culimadala sida weyn looga hay beysto marka ay noqoto baraarugga Islaamka.
Sheekh Mustafe ayaa mar uu su’aashan ka jawaabayey wuxuu sheegay in qofka Mus limka ah looga baahan yahay in uu hubiyo halka uu til laabada dhigayo, ayna ka feejigna adaan dhee gashada dhaqamo meelo kale la ga soo guu riyey.
Sheekhu oo cuskanaya mas’alooyin diini ah, ayaa dhllinyarda Soomaaliyeed ku guub aabiyey in aysan ku kedsooman dhaqamo qalaad oo ay san aqoon iyo faham buuxa u la hayn ciribtooda, islamarkaana aan faa’ido u la hayn. Wuxuuse dhanka kale dhallinyarada ku boorriyey in had diiba ay dhaqan kale wax uga dayanayaan ay uga daydaan cilmiga iyo tekna loojiyadda lagu hormaray, halka ay waxyaabo maalaayacni ah iyo ubaxyo la isku dhiibo kaga mashquulayaan.
Sidoo kale Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waa weyn ee Soomaali yeed ayaa xuska Valentine-ka iyo dhaqmada la midka ah ee dalka ku soo bad anaya ku tilm aamay "du ullaan lagu doonayo in dhallinyarda makaxda looga qabsado.”
Sheekha oo ka hadlayey ujeeddooyinka ka dambeeya dhaqamada qalaad ee dadweyna ha lagu dhex fidinayo ayaa intaas ku daray in si loo maamulo maskaxda dhallinyarada had ba wax aysan hiddo iyo dhaqan midna u laha yn loo qur xinayo, si ugu dambeynta maskax da looga qabs ado oo ay u noqdaan aalad meel fog laga hago.
Sheekh Umal oo ka hadlayey in maalin gaar ah loo asteeyo jaceylka ayaa is weydiiy ey me esha dunidu uga tashatay, dabeedna ku go’aa misey in maalin gaar ah loo cayimo xuska jacey lka. Wuxuuna maalmaha caalami ga loogu yeero ku tilmaamay afduub dahsoon oo lagudoonayo in dhallinyarada lagu marin habaabiyo, si uga weecdaan tubta toosan.
Umal Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxa loogu yeero xuska Maalinta Va lentine ama Maalinta Jaceylka Adduunka ku tilmaamay mid aan bannaaneyn diinta Isla amka, islamarkaana wuxuu dadweynaha So omaal iyeed gaar ahaan dhallinyarada uga digey in ay ka digtoonaad aan dabinnada qars oon ee ma gac yada iyo maamuuska beenta ah ee la siiyo lagu maldahay, si lo ogu macaan eeyo macsida iyo dhaqamada xun xun.
Xuska maalinta Valentine inkastoo uu ka soo farcamay dalalka Galbeedka, haddana wu xuu dhaqankaas ku sii faafayaa dalal badan oo aan wax xiriir soojireen ah la lahayn, sida dunida Muslimka; taas oo loo aaneynayo aal adaha warbaahinta iyo xiriirka bulshada oo dunida ka dhigey tuulo qura oo iska warqabta.
Sannad kasta marka la gaaro 14-ka Febra ayo, waxaa caado nootay in dunida laga xuso Maalinta Jaceylka Adduunka, taasina waxay keentay in dhallinyaro badan oo ku nool du nida daafaheeda ay u diyaar garobaan kuwa kalana oo ay dhinacooda uga dabaal dagaan Arrintan ayaa walaac ku abuurtay waayeel iyo wadaaddo diimeed u arkaya khatar ku soo wa jahan dhaqanka, hiddaha iyo diintooda.
Dalalka qaar ayaa qaaday tillaabooyin ay ku xadidayaan fursadaha ay dhallintoodu dhaq amo kale ula qabsan karaan, tusaale ahaan Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dhulalka Soo maalida waxaa laga billaabay wacyigelin waay eelka iyo culimadu hormuud ka yihiin, halka qaar kalena ayba mamnuuceen in dalalkooda laga xuso Valentine’s Day.
Tusaale ahaan dalka Indonisia oo ah kan Muslimiinta ugu badan ay ku nool yihiin wuxuu gebi ahaanba mamnuucay in la xuso maalinta jaceylka ee Valentine’s Day, waxaana lamma anaha Muslimka ah lagu amray in ay dhaqa nkaas ka waantoobaan oo aysan diintoo da dhaafsan laacdan dhalanteed ah, sida ay iya gu sheegeen.XIGASHO:BBC
NIN SHEEGTAY DHAKHTAR DADKA SOOM AALIYA CAAWIYA OO DUMAR UU SHUKA ANSADAY LACAG KA DHACAY
DhaqtarDadka ninkaan u gacan galay ee ku dhac ay dab in kiisa wax aa ka mid ah, haweene ey la gu magac aabo Mary Chater oo sheegtay in Facebook uu ka soo wacay turufatoorahaan shee gta in uu dhaqtarka yahay, waxa uuna bilaabay in uu shukaansado isaga oo adee gsa naya erayada ay kamid ka yihiim: "Babe, mac aanto, uuna sidaas qalbigeeda u soo jiitay”.
Chatar oo ah 65 sano jir ayaa sheegtay in nin ani isku soo beegay markii uu dintay ninke edii oo ahaa jilaa lagu magacaabi jiray Julian Curry, oo wax ka dhigi jiray ruwaayad ka soo bixi jirtay talafishinka.
"Waxaa ila soo xiriiray nin isku magacaba ay Dani. Waxa uu sheegay in uu in uu yahay dha qtar dhimirka daweeya oo u shaqeeya xafi iska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayay tiri.Xiriirkaas ayay sheegtay in uu socday mud do labo sano ah. MARYCHATER"Wuxuu u ekaa nin aan sanad ka hor dalxiis wada aadnay. Waxaa ku jeclaadayba in uu waqtigiisa u huray caawinta dadka kale, naxa riistiisa ayaa isoo jiidatay,”. Gudaha Ingiriiska ayaa la sheegay in uu sare u kacay turufatoornimada la isku dhaco ee xiriirka iyo jacaylka loo adeegsa do, ilaa 60% ayaa la sheegay in uu kor u kacay mu ddo afar sano ah.
Kaliya gudaha England iyo Wales in laga soo tabiyay ilaa 7,660 kiis sanadkii la soo dha afay, iyada oo sanadkii 2019 kii ay ahaayeen kiisasku 4,842 kiis, sida ay sheegayso xogta ay heshay BBC du. Aan ku noqono Charter, waxa ay shee gtay nin ahaa Dani ahaa uu bilaabay in uu waydii sto lacago, isaga oo ku marmarsiyoonaya in uu u baahan lacag uu ku kabo cilmi baaris uu ka sameynayo xaalada mahadhada ee ka daw eeyo dadka Soomaalida ah.
Inkasta oo ay isku dayday in ay lacago u dir to, hadana bankigii ay isticmaaleysay Char ter ay aa arrinta soo faragaliyay waxayna hakiye en dhawr lacag oo ay diri rabtay.
Waxay sheegtay in Dani uu isticmaalayay ma sawir uu leeyahay Christian Gerhard Bovi ng oo ah dhaqtar run ah oo qoyskiisu dagan yihiin Den mark. Christian Gerhard Boving, ay aa sheeg ay in turufatoorayaashu ay sawirkiisa isticmaalaye en muddo toban sano ah, sida uu u sheegay BBC da.Wuxuu yiri: " Markiiba si dhaqso leh ay ay u xa deen tuugo badan sawiradeyda, si ay u gu qiya ameeyaan dad masaakiin ah oo dunida daafah eeda ku nool”.
,CHRISTIAN GERHARD BOVING
Boving ayaa ugu baaqay shirka daha internet ka sida Meta – oo iska leh Facebook iyo Instg ram – in ay wax ka qabtaan arrin taan.
"Waa in uu jiraa nidaam lagu xaqiijin karo in qofku yahay mid dhab ah, sida uu in istic maalo baasaboor ama ruqsadda gaari wadi sta, si ay aad u ogaato in qofku yahay mid jira iyo in kale,” ayuu yiri.
Khabiir sare oo ka hor tagta arimaha dha ca shukaansiga lagu geysto ayaa qabta, "In dadku ay inta badan ka xishoodaan soo gud binta kiis aska nuucaan oo kala ah marka ay ku dhacaan, iyaga oo dareema ceeb iyo yax yax.
"Waxaan la xiriirnay dad badan oo la kulmay dhibaatooyin nololeed oo ay u gayst een tuug adu, oo ay ka qaateen kumanaan lac ag ah, ha dana dadkaas ayaa dareema ceeb in ay sheeg aan wixii ku dhacay ama xataa ay la wadaagaan qoyskooda iyo saaxiibadood.”
Guud ahaan booliska ayaa sheegay in ay ar keen koror ku aadan arrintaan oo jira intii u dhax eysay sanadihii 2019 kii ilaa 2023 dii, balse daw ladda ayaa sheegtay in dhaca nuucaan ah uu hoos u dhacay 12% sanad gudihis.
Todobaadkaan dawladda ayaa hirgalisay xaya ysiis wayn oo ay hordhac u ah olole ay doonay aan in lagula dirir kuwa dhaca nuucaan ah gay sta. Wasiirka arimaha gudaha ee Ingiriiska Jam es Cleverley ayaa yiri: " Ololahaan bal aaran wu xuu noqon doonaa hanaan aad u xoogan oo ka mid noqon doona hubka aan adeegsan doono, taas oo ayba ku jiraan heshiisyada ugu horeeyay ee shirkadaha tiknoolajiga ee looga hortagayo dhaca online ka ah iyo sidoo kale heegan galinta Cutubka la dagaalanka Turufatoornimada ee Qar anka, kaas oo leh ilaa iyo 400 oo khubaro waxba arta ah.XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKAM.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 15-KA FEBARAAYO 2024-KA
..