HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA FEBARAAYO 2024-KA

0
Wednesday February 14, 2024 - 08:16:18 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 14-KA FEBARAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay taliyaha ugu sarreeya ciidamada Talyaaniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaa lka Soomaaliya mudane Dr Xasan Sheekh Maxam uud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay taliyaha ciid anka xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soom aaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagi xisada.

Wasiir Cali Balcad:Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonaa….

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibe dda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Wasiir ka oo u warramayay warbaa hinta Qara nka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah.

Wasiir Cali Balcad ” Tallaabo kasta oo ay Itoo biya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doon naa”

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay ka soo dabacday halkii uu taagnaa damaceeda gurrcan Soomaaliyana ay usoo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin wax dhexdhexaadin ah illaamaa ay xu kuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheeggii ay la gashay Muuxe Biixi.

Agaasimaha guud ee W/Warfaafinta XFS oo bahda Saxaafadda la wadaag ay hambalyo ku aaddan maalinta Raadiyaha

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfa afin ta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa bahda Saxaafadda Soo maaliyeed la wadaagay hambalyo ku aaddan maalinta Rad iyaha Adduunka.

Md.Ducaale ayaa she egay in 13-ka February ay tahay maalin ku weyn war baah inta caalamka gaar ahaan bahda raadiy aha, wuxuuna xusay in Idaacaduhu ay yihiin wax yaabaha ugu faca weyn ee bulshada lagu gaar siin jiray wararka.

Agaasimaha guud ee Waasaradda Warfa afinta XFS, Cabdullahi Xayir Ducaale ayaa sheegay in uu Raadiyuhu yahay kan ugu faca weyn isgaarsi inta caalamka ee lagu gaarsiin jiray bulshada far riimaha kala duwan. Radio Hargeysa oo la furay 1943-kii iyo Radio Muqdisho isna la unkay 1951-kii ayuu sheegay Agaasimuhu in ay door muhiim ah kasoo qaate en halgankii lagula dagaallama yay gumeys tayaashii reer Yurub, wuxuuna intaa raa ciyay in isbeddelka ku yimid warbaa hintu anay saamayn weyn ku yeelan dhagey siga Idaacada ha, gaar ahaan dadka ku dhaq an dhulka miyiga.

Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif & Farmaajo oo markii ugu horreysay hal war saxaafadeed isla soo saaray.

Madaxweynayaashi hore Shariif Sheekh Ax med iyo Maxamed Cabdillahi Farmaajo ay aa markii ugu horreysay hal war saxaaf adeed isla soo saaray.

Warsaxaafadeed,

Kaddib wada hadallo dhinaca telefoonka ah oo aanu si gooni gooni ah ula yeelannay Mad ax weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maa liya Md. Xasan Sheekh Maxa muud iyo Madax weynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaanu ku guuleysa nnay in labada dhinac naga aqbalaan in wada hadal lagu dhamme eyo khilaafka siyaasiga ah ee jira, la isuguna yimaado gogol.

Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo wax aan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan She ekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka bad dalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo a anu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday ka dib markii aanu dhanka Madaxwe yne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka wa ynay, uuna mar kale ku dhaqaa qay jabinta qodo bkii shardiga u ahaa in wada hadalladu ay bilo wdaan.

Dalkeennu wuxuu haatan taagan yahay isg ooys adag oo ay khatar ku jirto midnimad eenna dhuleed iyo madaxbannaanideena, waddada kali ya ee looga gudbi karana uu yahay in lagu waja ho wadatashi, isqancin iyo isu tanaasul. Waxaa noo muuqanaya in Madaxweynaha uu oo ka leexday wixii lagu ballamay, taasno keeni karto inuu dalka galo xalad kala qeybsanaan iyo khi laaf horleh.

Waxaan si wadajir ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni soo dhaweynta iyo ajiib ista gogosha dhexdhexaadinta, waxaana cid walba oo daneysa arrimaha siyaasadda Sooma aliya u caddeynaynaa in wixii kala fogaansho iyo kala tag ah uu masuuliyadd eeda qaadayo Mad axweynaha Jamhuuriyad da Federaalka Mudane Xasan Sheekh Max amuud.

Waxaa ku saxiixan warsaxaafadeedkan;

1. Mudane Shariif Sheekh Axmed

2. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo Muqdi sho ku qaabilay taliyaha guud ee ciidam ada Talyaaniga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaali yeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa magaalada Muq disho kulan kula qaatay Tali yaha Ciidanka Xoogga Dalka Talyaaniga Gen, Giuseppe Cavo Dragone oo Booqasho ku jooga Soomaaliya. S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Taliya ha Ciidanka XDS iyo dhigiisa Dalka Talyaa niga ay aa ka wada hadlay xiriirka iskaashi ee labada ciidan ee dhanka tababarada iyo qala beynta Cii danka Xoogga Dalka. Giuseppe Cavo Dragone Taliyaha Ciidan ka Milateriga Talyaaniga ayaa sheegay in Dow ladda Italy ay kaalin buuxda ka qaadan doonto tababarada iyo dhismaha Ciid anka Milateriga Soomaaliya.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa kaga mahad-caliyay dhigiisa dalka Talyaa niga Booqashada uu ku yimid dalka Soomaaliya, waxuuna ku tilmaamay kaalin aan la hilmaami karin garab istaaga dhanka Ciidan iyo tan Bulsha da oo ay ka wadaan Soomaaliya.

Aabe Cabdicasiis: Maydka gabadheyda Firi njeer ayuu ku jiraa, ninkii gubeyna Mukeyf

Ehellada marxuumada Luul Cabdicasiis Max amed ayaa Dorraad war cusub kasoo saaray kiis ka gabadhooda oo weli maraya meel xasaasi ah, kaas oo ka dhashay kadib markii uu si arxan dar ro ah u gubay seygeeda oo kadib lasoo qabtay.

Qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo ay ku jiraan waalidiinteeda oo shir jaraa’id qab tay ayaa sheegay in weli ay yihiin dhibanay aan, isla markaana aysan helin cadaalad.

Aabe Cabdicasiis oo dhalay marxuumadda ay aa si weyn u dhaliilay dowladda federaalka, wux uuna sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo lasoo qabtay isaga oo baxsad ah la geeyay qol Mukeyf leh, maydka gabadhiisana uu weli ku jiro Firinjeer.

"Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninka as oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan suge ynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinj eer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Cada aladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darte ed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”.

Dhanka kale waxa uu carab-baabay Hay ’adda Nabad-Sugidda oo uu sheegay inay hay so eedeysanaha, isaga oo su’aal ka keenay sababta oo gayn la’yahay maxkamad.

"Gacanta Nabad-Sugidda ayuu ku jiraa ay aa la yiri maxaa loogu dhagan yahay? maxay u hay neysaaa ninkaan gabadheyda gubay?” ayuu mar kale yiri Aabe Cabdicasiis Maxa med.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan aysan ka geli doonin wadahadal, ayna si doo kale qaadan doonin Diyo, kaliyana ay ku qancayaan cadaaladda.

"Waxaa Media-ha ku jiro ciddii wadahadal ay aan la leenahay wax-baan bixineynaa lac ag, ma’ahan waxaas wax loo baahan yahay, ma jirto

wax la dhahaayo Diyo” ayuu raaciyay


Xasan, Deni iyo mucaaradka oo sii kala fog aanaya kadib tallaabadii Dorraad la qaaday

Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Dorraad bilaabay ka doodista, wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, kaasi oo shaqadiisa soo socotay 12-kii sano e ee lasoo dhaafay.

Soomaaliya ayaa lagu dhaqayay dastuur kum eel-gaar ah tan iyo 2012. Dastuurkaasi KMG ah waxaa ansixiyay 825 xubnood oo ergo aheyd, waxayna ansixintiisa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Intii lagu dhaqmayay dastuurka kumeel-ga ark ah waxaa dalka laba jeer madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh, hal marna Farm aajo, wa xaa kale oo dalka uu yeeshay lix ra’iis ul was aare. Sidoo kale waxaa dhismay intii mudadaasi lagu jiray maamullada Galmudug, Jubbaland, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Tan iyo waqtigaasi waxaa jirtay ballan aheyn in la dhameystiro dastuurka, oo shaqad iisa leeyi hiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Baarlamanaadii 9-aad iyo 10-aad waa awoodi waayeen inay doodaasi furaan oo dastuurka dha meystiraan. Waxaase doodaasi Dorraad furay baarlamaanka 11-aad oo raba inuu ansixiyo dastuurka ay howshiisa soo socotay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa Dorraad golaha la horgeeyay hindis aha afarta cutub ee ugu horreysay dastuur ka, oo ay ku jiraan qodobbada ugu muhiimsan do wladnimada Soomaaliya. 63 sano ayaa laga jo oga markii ugu dambeysay oo baarlamaan So omaaliyeed dood iyo ansixin u fariisto dastuur uu yeelanayo dalka.

Bishii Juun 1961-dii ayaa baarlamaankii Soo maaliya ansixiyay dastuur ku qornaa Af Ta lya ani, hadda oo 63 sano laga joogana waxaa la ee gaya haddii baarlamaanka 11-aad ansixin doono dastuurka horyaalla oo Af Soomaali ku qoran ayna fududahay inay cid walba fahamto.

Inkasta oo marwalba dastuurka u baahan do ono afti dadweyne, haddana xildhibaannada lab ada Aqal waxya xaq u leeyihiin inay dastuu rka ka saaran kumeel-gaarnimada.

Mucaaradka dowladda iyo maamulka Punt land ayaa labaduba muujiyay diidmo ku aadan habka ay dowladda madaxweyne Xasan She ekh u rabto inay u marto dhameystirka dastuu rka, laakiin dadka qaar waxay ku doodayaan in marwalba wax laga beddeli karo dastuurka, ba lse ay muhiim tahay in dowladda lagu taage ero dhameystirka.

Dhamaan musharaxiintii u taagna xilka mad axweynaha Soomaaliya, oo uu ku jiro hog gaa miyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay doorashadii ugu dambeysay ballan-qaa dkooda ku dareen inay deg deg u dhameysti rayaan das tuurka haddii la doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hadda leeyahay waxaan ku socda fulinta wixii aan bal lan-qaaday xilligii ololaha doorashada. Afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka ee Dorraad la geeyay baarlamaanka ayaa la filayaa in la ansixiyo ka hor tobanka bisha soo aadan ee Maarso.

Waxaa ku jira qodobbo xasaasi ah oo taa banaya haykalka dowladnimada sida; inuu dalka yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xi geen, oo laga guuro nidaamka ra’iisul wasaara ha. Waxaa kale oo ku jira hanaanka doorashoo yinka dalka iyo awooddaha.

Fadhigii golaha baarlamaanka Soomaaliya ee Dorraad waxaa dadka xaadiray kamid ahaa gu ddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee loo arko inay tiir-dhexaadka u yihiin diyaarinta dastuurka dalka.

Dal aan dastuur laheyn wax badan ayaa qabyo ka ah oo sharciyadiisa ah, waxaana dad ka dowladnimada u dhuun-daloola qaarkood ku talinayaan in dastuurka la ansixiyo oo uu dalka noqdo mid dastuur leh oo la jaanqaadi kara caal amka.Xigasho:-Caasimadda.net

Somaliland oo shaacisay in DF ay ka dhacday malaayiin dollar

Maareeyaha hay’adda duulista ee maam ulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdul laahi oo Dorraad shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ay aa eedeyn culus u jeediyay dowladda feder aal ka, taas oo la xiriirta dhanka maamulka hawada dalka

Ugu horreyn maare eya ha ayaa shaaca ka qaaday in dow ladda Soomaaliya ay lixdii sano ee lasoo dhaafay si khal dan uga faa’iideysatay maamulka hawada, maadaama ay la wareegtay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markii hore he shiiska uu ahaa in labada dhinac ay isla ma am ulaan hawada, balse taasi aysan dhicin, isla ma rkaana qalabkii Somaliland loogu talagalay uu is ka yaallo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ka ah ee Koonfur Galbeed.

Cumar Sayid Cabdullaahi ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay dhac day, isla markaana ay ku takri-fashay lacag gaareysa $60 milyan oo ay lahayd Somaliland.

"Mudada 6-da sanno ah ee ay hawada kali good maamulayeen, waxa ay ku takrifale en la cag ku dhaw 60 milyan oo dollar, oo ah qaybtii Jamhuuriyada Somaliland xaqa u lahayd, waxa magaalada Baydhabo ilaa Dorraad kartoomo ku jira istayshankii loogu talo galay in Hargaysa la ga sameeyo” ayuu yiri Maareeyaga hay’adda du ulista ee maamulka Somaliland..

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday duuli ma adyadii dhawaan laga celiyay hawada ee ku soc day magaalada Hargeysa, taas oo uu ku tilm aamay arrin xadgudub ah,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in anay Dorraad kadib aqbali doonin in dowlada Sooma aliya ay farogaliso hawadooda, isaga oo xusay in ay dacwad u gudbiyeen Qara mada Midoobay.

"Dorraad laga bilaabo wixii carqalad ka yim aada maamulka hawada Somaliland iyo Soo ma aliyaba, in anay Somaliland masuul ka ah ayn, cida masuulka ka ahi waa cidaa u adee gsa naysa danaha gaarka ah ee siyaasiga ah” ayuu mar kale Cumar Sayid Cabdullaahi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haa tan ay taagan tahay xiisad u dhexeysa laba da dhinac, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Muuse Biixi la galay Abiy Axmed.

Hay’adda duulista rayidka oo war-saxaafad eed ka soo saartay xaaladda hawada Soomaaliyeed

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed wa xay shacabka Soomaaliyeed ku wargelina ysaa in aysan waxba iska beddelin mid aha anta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soo maaliya. Hawa da dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; "MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badq abka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee "Class-A Airspace.”

Qoraalka hey’adda duulista rayidka Soo maa liya ayaa intaas ku sii daray, "Diyaa radaha mara hawada dalkeenna waxay hela an mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarre eya ee Class-A Airspace.”

Qoraalkaan ayaa jawaab u ah hadal Dorraad ka soo yeeray Maareeyaha hay’adda duulista ee maamulka Somaliland, Cumar Sayid Cabdullaahi oo Dorraad shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha, isagoo eedeyn culus u jeediyay dowladda federa alka, taas oo la xiriirta maamulka hawada dalka.

Xisbiga UCID iyo Xukuumada Somaliland oo heshiis gaadhay

Xukuumada Somaliland iyo Xisbiga mucaa radka ah ee UCID, ayaa ku heshiiyay in doora shada wakhtigeeda la qabto, in hawada Som aliland lasoo celiyo iyo in heshiiska Itoobiya la hirgaliyo.

Kadib shir ay madaxtooyada ku yeesheen M adaxweyne Biixi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxa warbaahinta la hadlay Guddoomiyayaasha xisbiyada UCID iyo Kulmiye. "Waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaaraynaynaa in lagu heshiiyay in doo ra shada wakhtigeeda lagu qabto, 2024, bisha Nov ember, waxa kale oo aanu idiin ku bushaa rayn aynaa in aanu Dorraad hawadeenii dib ula waree gnay" Guddoomiye Waraabe ayaa sida yidhi.

Waxa kale oo uu sheegay in sidookale lagu heshiiyay in si dhakhso ah loo hirgaliyo isfah am kii Somaliland iyo Itoobiya, oo uu sheegay in uu horseed u noqon doono in Somaliland ay noqoto waddan madaxbannaan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Ma xamed Kaahin Axmed, ahna Guddoomiya ha Xis biga Kulmiye, ayaa dhankiisa isna shee gay in lagu heshiiyay in doorashada wakhtige eda lagu qabto, in Somaliland ay hawadeeda la wareegto, iyo in heshiiska Itoobiya deg deg loo hirgaliyo.

Golayaasha Sharcidajinta Somaliland ayaa la filayaa in ay Sabtida nuqul rasmi ah kasoo saara an xeerka doorashooyinka, oo baryahan muran ka taagnaa.

Qorshaha Lagu Beddelayo Magac Yada Xilal ka Maamul Goboleed Yada Iyo Aragtidooda

Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay aa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbed del lagu sa meynayo. Qodobada la soo jeedi yay in wax laga badalayo dastuurka Soomaal iya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad gobo leedyada Somaaliya madaxweyne iyo madax weyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda wa xaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hogga amiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sar reysa dowlad goboleedyada iyo kan dowl adda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sabab too ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba lo oma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeela naya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Feb raayo.

Waa sidee aragtida dowlad goboleedyada?

Mid ka mid wasiirada dowlad goboleedyada oo a an la hadalnay kana gaabsaday inuu ka hadlo ay aa si kooban u yiri "Waxaan aniga ayaaba ku wa reernay, waana fiican tahay in la kala leexiyo.”

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Ga lmudug, Faadumo Cabdi Cali Faandhe, oo aan weydiinay sida ay u aragto waxay tiri. "Dorraad waa naloo sameeyay magacyadan, anaga ma dooran, waxna nalagama weydiin in naloogu ye ero madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ba lse Dorraad fursad ayaan hays anaa.”

Waxay kaloo Faadumo sheegtay in magac oo la badalo aysan wax weyn aheyn "Magaca laguu bixiyay markii aad dhalatay hadii aadan ku qana csaneyn waad iska badali kartaa, waxaa aan ku qanacsaneyna waa sidaas oo kale.” Waxay sheegtay in ay is-weydiiso sida dareenka madax da noqonaya marka ay isla joogaan oo loogu ye ero hal magac oo ah madaxweyne.

"Marka madaxweynayaasha dowlad gobole edyada iyo madaxweynaha dowladda federaal ka oo isla jooga loogu yeero madaxweyne sidee bay dareemayaan kuligood.”

Faadumo waxay noo sheegtay in ay hab oon ta hay in aysan hal magac yeelan balse erayga hog gaamiye iyo hoggaamiye ku-xigeen in la qaato ama la diido waxay u taal ayey tiri shacabka aan matalno.

"Magaca waa heshiis bulsho iyo sida ay isku afgarato, ma jiraan wax sharci ah oo diidaya in la badalo,” ayuu yiri Abuukaate Zak ariye Yuusuf oo intaa ku daray "Magacbix inta waa lagu deg degay, marka hore waxaa haboon in la soo ban dhigo inta eray ee aan heli karno, laguna badali karo magaca madax weyne si loo helo kan ugu haboon.”

Erayga hoggaamiye inta badan waxay ku tilm aameen siyaasiyiin aan la hadalnay in uu yahay eray guud oo ay qaadan kara cid kasta oo wax hoggaamisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore uga ka la qeybsanaa wax-kabeddelka dstuurka. Wa xaa jiray wewel laga qabay saameynta uu yeelanay wax-kabeddelka lagu sameynayo guud ahaan dasuurka Soomaaliya. Siyaasiy iinta qaar ayaa ka baqaya in lagu ansixiyo qaab qarda-jeex ah oo gacan-maroojis ah

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya wux uu soo maray heerar kala duwan. Wuxuu ka soo billowday shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Djibouti ka dhacay sanadkii 2000.

Ugu dambeyntii, ergeygii Qaramada Mido obay, Augustine Mahiga iyo lix siyaasi oo ay hor muud u yihiin hoggaamiyeyaashii dowlad da Ku-Meelgaarka ahaa, madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiw eli Maxa med Cali-gaas oo dhinac ah iyo mad axweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faro ole, ayaa hirgeliyey qabyo-qora alka hadda jira.

Arrimaha kale ee dooddu ka taagan tahay, baarlamaankana laga sugayo inuu go’a an ka gaaro waxaa ka mid ah jagada ra’iisul wasaar aha oo lagu wado in ay meesha ka bax do iyo ja gada madaxweyne ku xigeenka dal ka oo aan ho re u jirin, laakinse la filayo in isbed elka dastuur ka ay la timaado.

Arrinta la xiriirta maqaamka caasimadda dal ka ayaan ku jirin arrimaha uu baarlamaan ku ka doodayo. Isha: BBC

Qaarkamid xildhibaanada gobolada galbee dka Somaliland oo ka horyimid heshiiska So maliland iyo Itoobiya

Qaar kamid ah xildhibaannada ka soo jeeda go bolada galbeedka Somaliland ee Awdal iyo Sa lal, ayaa heshiiska Somaliland iyo Itoob iya ku tilmaamay sharci daro.

Xildhibaanada oo iskugu jira golayaasha gu urtida iyo wakiilada, ayaa diiday heshiiska, iya ga oo shaki kamuujiyay sida uu u dhacay.

"Waxaanu kasoo horjeedka heshiiskan, iyo heshiiskasta oo ka dheegma, waxaanu u arag naa is afgaradkaasi in aanu ahayn sharci oo uu ka soo horjeedo danta shacabka iyo diint oo da" Xildhibaan Cumar Nuur oo ku hadlay afka xu ldhibaanada ayaa sida yidhi.

Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in hada lo is khilaafsan oo madmadow iyo hubanti la'a an abuurayaa ay kasoo kala baxayaan Itoob iya iyo Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen in Itoob iya ay sheegtay in ay helayso marin ba deed oo ay iyadu leedahay.

Sidookale, waxa ay sheegeen in xukuuma da Madaxweyne Biixi anay wax tashi ah kala yeelan isfahamka Itoobiya xildhibaanada iyo bulshada gobolada galbeedka, isla markaana anay jirin xog sugan oo ay xukuumadu shacab ka siisay. Ugu danbayn, waxa ay sheegeen in heshi iskani uu yahay mid sir ah oo khatar ku ah ma dax bannaanida dhuleed ee Somaliland Wadooyinkaas

.Ciidanka XDS & kuwDegaanka oo Hawlg allo Miino baaris ah ka sameeyay Bariga G/ Galgaduud

CXDSiyo kuwa deegaan ka ayaa howlgalo qorsheys an ka fuliyay deegaano ku yaalla Ba riga G/Galga duud Ciidama da Howlgal lada ayaa si gaara iga fuliyay dee gnnada Cali Candhoole , Sheekh Cabdullahi, Bar aag Xaaji Dhagax iyo Deegaanno kale oo ka tirsan gobolka Galgad uud.

Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay soo saareen tiro Miinooyin ah oo Alsha ba ab ay ku aaseen degaannadaasid , sido o kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab ay ku lahaayeen degaannada Haw lgallada laga sameeyay .

Taliyaha Guutada 24aad ee Khaalid Bin Walid G/le Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiij iyay in howlgalku socdo welina dhulka Howd ka ah ay kula dagaalamayaan Alshabaab.Ciidanka Xoog ga Dalka iyo kuwa deega anka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howl galada ka dhan ah Alsha baab.

Ciidamada Puntland oo weli ka cabanaya Mushaar la’aan

Ciidanka Puntland ee ku sugan buuraha Go lis ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay ka gado odsan yihiin mushaar la’aan ku dhacday.

ciidamada ku sugan buuraha Golis ee ka cab anaya mushaar la’aanta sheegaya in ay ka tirs an yihiin Ciidanka Daraawaaiishta Puntland.

Sarkaal u hadlay Ciidankan ayaa sheegay in ciidanka gadoodsan yihiin ururka 7-aad ee ciida mada Daraawiishta ee ku sugan silsiladda Golis isaga oo madaxda puntland ka codsaday in ciid anka la siiyo xuquuqdooda.

Gadoodka ciidamada puntland ee ka caba naya mushaar la’aanta ayaa danbe ka taagnaa degaanada Puntland kuwaas oo qaarkood Wa dooyinka xirtay inkastoo markii danbe ay dib u fureen

Masar oo sheegtay in ay ka go’an tahay ila alinta heshiis nabadeed oo ay Israa’iil la ga shay

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa Dorraad sheegay, in faallooyinka "ay ka sheegeen qaar ka mid ah shakhsi yaad ka” ee ku saabsan heshiiska nabadeed ee u dhe xeeya Masar iyo Israa’iil ee ah in la "caynad gu urshay”, isagoo ku nuuxnuu xsaday in heshiiska uu soc day afartan sano, "Masarna ay arrintan sii wadayso xill igan.” " Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, warbaahinta Israa’iil iyo Mar eykan ka ayaa soo xigtay mas’uuliyiinta Masar oo ka digayay in Qaahira ay joojin doonto dhaqa nge linta heshi iskii nabadeed ee ay la gashay Isr aa’ iil, haddii Israa’iil ay u guurto ciidan ahaan ma gaalada Rafax ee falastiiniyiinta, ama haddii fal astiiniyii nta lagu khasbo in ay u tallaabaan xad ka gac anka Siinaay. .

Shukri waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu "uu diiddan yahay si kasta oo ay tahay barakicin ta Falastiiniyiinta ee Marinka Qasa,” iyo baahida loo qabo in Falastiiniyiintu helaan xuquuqdooda, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay "sharci” isa goo aqoonsaday dawlad mad ax-bannaan oo Falastiiniyiin ah si waafaqsan xudduudaha 1967.

TAARIIKH: MARKABKII UGU WEYNAA DUNIDA EE AY GUNTA BADDA U DIREEN CIIDAMADII SAADAAM XUSEEN.

Sadam Soddonkii sano ee uu jiray marka bakaas, waxaa la siiyay magaca yo kala duw an oo ay kamid yihiin; Markabka ugu wayn du nida, Markabkii ugu weynaa dunida ee bani’ aadan sameeyo iyo Markiibkii saliidda ee ugu waynaa.

Sidoo kale waxa uu helay magacyo kale oo ay kamid yihiin, 'Happy Gia nt', 'Jahre Viki ng', 'Nok Nevis' iyo 'Mo nt'. Sidoo kale wuxuu helay naaneys ta ‘Super Tanker'.Inkasta oo markabaasi awood u lahaa in uu markiibo qaado maalaay iin liitar oo shidaal ah, hadana suura gal ma aysan ahayn in uu ku soo xirto takad walba, waynanka uu lahaa dartiis.

Sidoo kale waxaa xajmigiisa dartiis uu ka caaganaa in uu ku goosho marino badeed oo dunida muhiim ka ah, oo ay kamid ahaayeen kanaal Suweys iyo kan aalka Panama.

Ugu dambeyntii markabkaasi wuxuu ku ba xay gacantii ciidaamadii Saada am Xuseyn ee Ciraaq, kuwaas oo dab qabadsiiyay ilaa ka quu say.

Markabkii weynaa Laakiin sheekada ma rkaabkaa halkaas kuma aysan dham aan. Ma rakbkii ayaa mar kale dib loo dhisayo, waxa uu na sii shaqeeyay san ado badan oo dheera ad ah, dhacda daas kadib.

Markabkaan ayaa waxa lagu dhis ay wadda nka Japan, gaar ahaan ma gaaladiisa Opama. Waxaana dhisay shirkadda Sumitomo Heavy Indust ries ee saldheegeedu aha adalka as sanadkii 1979 kii.

Sida laga soo xigtay ilo kala duwan, dhism aha markabka waxaa dalbaday ganacsade u dhashay dalka Giriigga, balse markii la dham eystiray markabka ayuu bixin diiday lacagtaa ku baxday dhismaha markabka.

Mar oo dambe oo taariikhdu ahayd 1981 dii, ayaa waxaa iibsaday mark abka ganacsade reer Hong Kong ahaa, oo lagu magacaabi jiray Ting Chow Ying, kaas oo ahaa milkiilaha shir kadda maraakiibta ka shaqaysa oo lagu mag acabai jiray, 'Orient Overseas Container Line'.

Sida laga soo xigtay madaxafka badaha ee Hong Kong, ganacasadihii dam be ee iibsaday ayaa waxa uu dalbaday in la sii balaariyo mark abka. Sidaas darted ayaana loogu daray qayb cusub oo keentay in la balaariyo markabka, sidoo kale waxaa siyaaday shidaalkii uu cuni lahaa.

Dhererka markabka ayaa la diiwaan ga liyay in uu ahaa 458.45 mitir. Waxaa la sheeg ay in uu ka dheeraa, Daaraha Petronas eeda lka Malaysia's, iyo dhism aha the Empire State eek u yaalla New York.

Waxaa la sheegay in uu awood u lahaa ma rkabkaasu in uu qaado ilaa iyo afar bilyan oo tanag oo shidaal ah, taas oo maraakiibta caa diga ha ku qaadan lahayd in ay ku keenaan ilaa iyo toban tariib.

Markabkaas wuxuu 100 mitir ka dheeraa Markab haatan dunida looga yaq aano in uu ya hay kan ugu dheer, sidoo kale wuxuu 200 oo mitir ka dheeraa markabkii caanka ahaa ee Titanic.

Mar ay BBC du booqatay markabkaas, sanadkii 1998 dii wuxuu u sheegay badmaaxa markabka, Surendra Kumar, in uu awood u leeyahay in 30 kiilo mitir jaro saacadii.

Markab Markab Sababaha keenay quusidda mark abka.Markabka ay BBC du booqatay wuxuu ahaa kii dib loo

 dhisiay.

Waa gii uu samada lalay kala iibsiga shid aalka ee Bariga dhexe iyo reer Galbeedka, markabkani ma ahayn uun mid shidaal qaada, ee wuxuu ahaa baqaar wayn oo badweynta dul heehaabaya.

Markaabka ayaa sameeyay so cdaalkiisii ugu dambeeyay bishii May ee sanadkii 1988 dii, isaga oo xilligaas ku xirtay jasiiradda Lark ee dalka Iran. Xilligaas ayaa dagaalkii u dhax eeyay Cir aaq iyo Iran ahaa mid gaban gabo ku dhaw.Ciidamadii Saadaam ayaa iyaga oo aan wax diginin ah bixin waxay duqayn ku dhufte en markabkii.

Sababtaas darteed ayaa markabkii dab qab saday, waana uu quusay.

Markii uu dhamaaday dagaalka, ayaa wax aa fursad u arkay shirkad laga leeyahay Nor way oo lagu magacaabo, Norman Internation al, wa xayna cods adeen in ay dib u dhisaan markab ka. Sandkii 1991 dii ayay soo badbaa di ye en, iyaga dib u dayactiray. Waxaa ku ba xay dib u dhiska markabka 3,700 tan oo bir ah, taas oo u suuragalisay in uu mar kale biya ha dush ooda sabeeyo. Waagaas wixii ka dambeeyay magaciisu waa uu is badalay, waxa uuna noqdau ‘Farxad ii Balaarneed’. Lakaiin ugu dambeyntii wuxuu ha wlgab no qday mar kabkaasi sanadkii 2009 kii, waxaana la geeyay dalka India si loo dayac tiro

.XIGASHO:-BBC

Shirkad xeelad foolxun u adeegsanaysa in ay shaqaalaheeda ku kala dhinto ama erido!

Shirkad Shiinees ah oo ka shaqeysa suuq-geynta ayaa lagu eedeeyey inay xafiisyade eda u rarayso meelo fogfog si shaqaalaheeda ku nool magaalooyi nka ay ugu qasabto inay isaga tagaan ama inay siiso magdhow ama cawilcelin. Waa tallaab lagu sheegay mid kamid ah xe eladihii ama tabihii ugu qallafsanaa oo shirkad ku dhaqaa qdo si ay u cadaadiso sha qaalahee da. Shirkaddan ku taalla Xi’an City, waxay xafii syadeeda u rartay meel ka fog magaalooyinka oo aalaaba uusan wada tagin gaadiidka dadw ey naha – haddii la aadaya uu qofku ku qasban yahay inuu kiraysto gaari u gaar ah.

Shirkadda ayaa muggii hore ku wargelisay shaq aalaha inay is dhimaan ama ka tagaan shaqada maadama degaan cusub oo jawi ka beddelan midka ay hadda ku shaqeeyaan ay rabaan inay u guuraan.

Mid kamid ah shaqaalaha oo la yiraahdo Chang ayaa u sheegay warfidiy eenka in shirk addu u ku wargelisay in hadda kaddib loo so raaci doono hal gaa diid ka badan oo baraha xafiisyada cusub laga sameeyey lagu soo ga ari karo oo kaliya muddo 2 saacadood ah had dii uu qofku wato gaari u gaar ah – kii aan hey sanna uusan awoodi doonin inuu soo shaqo galo.

Weriyeyaal ka tirsan Aljazeera oo mar kale si xun loogu dhaawacay Gaza

Laba wariye oo ka tirsan warbaahinta Aljaz eera oo kala ah Ismail Abu Omar iyo Ahmad Matar, ayaa ku dhaawacmay duqayn cirka ah oo Israel ka fulisay wa qooyiga degaanka Rafa h ee marinka Gaza sida ay sheegtay Aljaze era. Abu Cumar oo weriye ah iyo Matar oo ah sawir qaade ayaa "dhaawac halis ah uu soo gaaray” waxaana lagu daweynayaa Isbitaalka Yurub ee ku dhow Khan Yu unis, Aljazeera En glish ayaa sheegtay in Abu Cumar ay qasab ku noqotay in lugta laga gooyo.

Shabakadda warbaahinta Aljazeera ayaa xaqiijinaysa in beegsiga wariye Ismaa ciil iyo sawir qaade Axmed ay qeyb ka tahay da mbiya da Israa’iil ee ka dhanka ah saxaf iyiinta, waa na qayb cusub oo ka mid ah bar-tilmaameed ka ula kaca ah ee suxufi yiinta iyo wariyeya asha Aljazeera ee Falas tiin. Shabakadda ayaa ku nuuxnuuxsatay in be egsigan uu ku yimid cabsi gelin lagu hayo sax afiyiinta si looga hortago in ay soo sheegaan dambiyada foosha xun ee ay ciidamada israel u geysteen dadka rayidka ah ee aan waxba ga labs an ee Gaza.Aljazeera ayaa dib u cusbooneysiisay baaq eeda beesha caalamka iyo urur ada xoriyada warbaahinta inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu ila alinayo saxafiyiinta Gaza iyo in lala xisaabtamo ciidamada Israel.

Sida laga soo xigtay Guddiga Badbaadinta Saxafiyiinta, ugu yaraan 85 wa riye iyo shaqa ale warbaahin ah ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 7-dii Oktoo bar. Waa xilligii ugu dhimasha da badnaa ee suxufiyiinta tan iyo markii CPJ ay billowday ururinta xogta 1992-kii.

Bishii Disembar, wariye Aljazeera ka tirsan ayaa dhintay ka dib markii Israel ay weerar ku qaaday koonfurta Gaza. Shabakadda fadhigee du yahay dalka Qatar ayaa sheegtay in Samer Abu Daqqa oo ka shaqeynayey kamaradaha uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray weerar ka, waxaana ay intaa ku dartay in saacado ba dan uu dhiig baxayay ka hor inta aysan shaq aalaha caafimaadka soo gaarin, sababo la xi riira duqeymo xooggan oo ka dhacayey mag aalada.

Afar kale oo wariyeyaal ah oo ka tirsan Aljazeera ayaa lagu dhaawacay dag aalka ku waasoo ay ku jiraan saddex ka mid ah lagu dhaawacay koonfurta Lu bnaan sidoo kale waxaa ka mid ah weriyeyaasha horey u dhaa wacmay mada xa aljazeera xafiiska Gaza Wael Dahdouh oo xaaskiisa, gabadhiisa iyo wiil uu awow u yahay lagu dilay weerar Israel qaaday xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Ga za. dabayaaqadii Oktoobar.

Ciyaaryahan Biriq dishay xilli uu garoon ku dhax jiray iyo murugo garoonka ka dhacday

Ciyaaryahan kubadda cagta ah oo u dha shay dalka Indonesia ayaa dhintay, ka dib ma rkii biriq ama jac ku dhacday xilli uu garoon ku dhax jiray una ciy aarayay kooxdiisa, taa oo ga roonka dhaxdiisa ka abuurtay murugo badan.

Garoonka Wiliwangi Stadium ee gobolka West Java ayaa mar qura dadkii iyo ciyaartoy dii ku su gneed waxaa hareeyay murugo xoogg an, kaddib markii xiddig 36-sanno jir ahaa isa ga oo ciyaaraya biriq kula dhacday garoonka.

Warbaahinta dalka Indonesia ayaa ku war antay in ciyaar u dhaxeysay FC Bandung iyo FBI Subang murugo isku bedeshay, wa xa ay na baahiyeen in ciya aryahanka markii biriqda ku dhacday kaddib uu nuux nuuxsanayay ,inkastoo daqiiqado kaddib uu geeriyooday.Dhacdadan ayaa noq oneysa markii labaad oo sannad gudihiisa garoon dhaxdiisa biriq kula dhacdo ciyaaryahan gudaha Indonesia, waxaana ciyaaryahan da’yar ah oo katirsan ko oxda Bojonegoro biriq kula dhacday garoonka, inkastoo uu dhimasho ka bad baaday xidigaasi.

KELVIN KIPTUM OO HAYSTA RIKOODHKA MAR ATHON-KA ADDUUNKA OO LOO QOR SHEEY AY IN UU NOQDO XIDDIG WEYN AYAA KU DHINTAY SHIL BAABUUR.

Kelvin Kiptum oo haysta rikoodhka Marathon-ka adduunka oo lagu waday in uu noqdo xiddig he er sare ah oo orodka dheer ah, isla markaana sana dkan ahaa mid ka mid ah tartamayaasha dahabiga ah ee tartankii Olombikada Adduunka ee Paris ka dhacay ayaa isaga iyo tababari hiisii ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay dalka Kenya.

Gaariga ay wateen ayaa ah aa ka kaliya ee shilka galay ga linkii dambe ee Axadii, Kiptum ayaa na wadey markii uu ka baxay wado oo uu galay god ka hor inta uusan ku dhicin geed, sida ay booliisku sheegeen.

Orodyahanka Kenya Kiptum waxa uu ahaa 24 jir, waana mid ka mid ah rajada ugu xiisaha badan ee uu ku soo bixi karo orodka waddooyinka muddo sannado ah, isagoo jabiyay rikoorka adduunka kal iya markii saddexaad oo uu ka soo muuqday orod heersare ah. Rikoorkiisa, oo la dhigay Marathon Chicago ee sannadkii hore, waxaa ansixiyay xiriirka caalamiga ah ee ciyaaraha fudud ee Adduunka usbuucii hore.

Geeridiisa ayaa laga soo sheegay dalka Kenya, halkaasoo orodyahanadu ay yihiin xiddigaha ugu waaweyn ee ciyaaraha. Kenyaanka ayaa sidoo kale la qabsaday sheekooyin naxdin leh oo ay ku lug le eyihiin ciyaartoydooda ugu sareysa ka dib markii ay tiro ku dhinteen shilalka waddooyinka, shilalka kale iyo kiisaska rabshadaha qoyska.

"Waxa uu ahaa 24 jir," Madaxweynaha Ken ya William Ruto ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay tacsi. "Kiptum wuxuu ahaa mustaqb alkeena."

Kiptum iyo tababarihiisa reer Rwanda, Gervais Hakizimana, ayaa ku dhintay shilkaasi abaare 11:00 habeenimo, sida ay booliisku sheegeen. Wa xay ka dhacday meel u dhow m agaalada Kabtagat ee galbeedka Kenya, oo ku taal bart amaha gob olka sare ee caanka ku ah saldhig tababar oo loogu talagalay orody aha nnada masaafada ugu wana agsan Kenya iyo adduun ka oo dhan.

Kiptum wuxuu ku dhashay kuna barbaaray aagga.

Qofka saddexaad oo ah haweeney 24 jir ah, ayaa sidoo kale saarneyd gaariga, waxaa na loo qaaday isbitaalka oo dhaawac culus qaba, sida ay booliisku sheegeen. Kiptum iyo Hakizimana ayaa ku dhintay goobta.

Ciyaartoyda iyo xubnaha qoyska, oo uu ku jiro Kiptum aabihiis, ayaa isugu soo baxay qolka mey dka ee isbitaalka halkaasoo meydka Kiptum iyo ta babarihiisa la qaaday. Mid ka mid ah ciyaartooyda, horyaalkii hore ee haweenka steeplechase addu unka Milcah Chemos, ayaa ku dhibtooday inay ha dasho iyadoo ilmaysa.

"Ma hayo erayo aan ku macneeyo khasaaraha Kelvin," ayay tidhi.

Kenneth Kimaiyo, oo ah saaxiibka Kiptum, ayaa sheegay in uu yimid goobta shilku ka dhacay wax yar ka dib, Kiptumna laga soo tuuray gaariga. Saw irro la soo qaaday ayaa muujinayay gaadhiga qali nka ah oo saqafkiisu aad u xun yahay iyo mur aayadda muraayadda oo burburtay.

Kiptum waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ku orda orodka marathon in ka yar 2 saacadood, 1 da qiqiba tartan rasmi ah markii uu dhigay rekoodhka aduunka ee 2:00.35 ee Chicago bishii October ,isaga oo ka adkaaday saaxiibkii Kenya iyo Marat hon Eliud Kipchoge oo laba jeer ku guuleystay horyaalka Olombi kada.

Kiptum iyo Kipchoge ayaa la filayey in ay Kenya oo dhan ku tartamaan dahabka marathon-ka ee ka dhacaya magaalada Paris, waxaana Kiptum lagu waday inuu xilli ciyaareedkiisa ku bilaabo tartanka Marathon-ka ee Rotterdam bisha April, taasoo no qon lahayd dhacdadii ugu horeysay tan iyo markii uu jabiyay rikoorka adduunka.

"Ciyaaryahan oo nolol dhan ka horreeysay isaga si uu u gaaro heer sare oo cajiib ah," Kipchoge a yaa ku yiri farriin abaal marin ah.

Madax waynaha ciyaaraha fudud ee aduunka Sebastian Coe ayaa ka mid ahaa dadkii ugu hor eeyay ee tacsi u diray bayaan uu soo dhigay X, oo hore u ahaan jiray Twitter.

"Waan ka naxay oo aad uga xunnahay inaan ogaanay khasaarihii ba'naa ee Kelvin Kiptum iyo ta babarihiisa Gervais Hakizimana," Coe ayaa qoray.

"Waxay ahayd horaantii usbuucan Chic ago, me eshii Kelvin dhigay rikoorkiisa marath on-ka ee aan caadiga ahayn, inaan awooday inaan si rasmi ah u ansixiyo waqtigiisa taarii khiga ah. Ciyaartoyga cajii bka ah ee ka tagaya dhaxal cajiib ah, aad ayaan u tabi doonaa isaga.”

David Rudisha, oo Kenya laba jeer ku guu leys tay Olombikada 800 mitir, ayaa ku qoray X in dhim ashada Kiptum ay ahayd "khasaare weyn."

Kiptum wuxuu lahaa guul degdeg ah isa goo ku orday waqtigii ugu dhaqsaha badnaa abid ee mar athon-ka markii ugu horeysay ee Marathon Vale ncia 2022. Sannadkii xigay, waxa uu ku guulaystay tartannada London iyo Chicago, oo ah labada marathon ee ugu maga ca weyn adduunka. Waxa uu dhigay rikoodh cusub oo koorsada Marathon-ka London bishii April ee la soo dhaafay ka dibna waxa uu no qday orodyahanka ugu xawaaraha dheereeya adduunka bilo ka dib.

Isagoo yar oo ku cusub wareegga, wuxuu horey u orday seddex ka mid ah todobada jeer ee mara thon-ka ugu dhaqsaha badan ee abid la diiw aan ge liyo waxaana loo arkay inuu yahay karti naadir ah.

Laakin waxa uu sidoo kale ahaa xiddigii ugu dambeeyay ee Kenyan ah oo ku dhinta xaalado xun.

David Lelei, oo bilad qalin ah ku qaatay All-Afr ica Games, ayaa ku dhintay shil baabuur sanadkii 2010. Orodyahanka Marath on-ka Francis Kiplagat ayaa ka mid ahaa shan ta qof ee ku dhintay shil 2018. Nicholas Bett, oo ku guuleystay dahab tar tankii 400 ee mitir ee 2015. Horyaalka adduunka, ayaa sidoo ka le ku dhintay shil baabuur 2018-kii.

Rudisha, oo horey u heystay 10,000 mitir ee ad duunka Moses Tanui iyo bilad qalinka olimbikada Paul Tergat ayaa dhamaantood ka badbaaday shil al halis ah oo ka dhacay dalka ku yaala bariga Afrika.

Samuel Wanjiru, oo ku guuleystay orodka Olim bikada 2008-dii, sidoo kalena loo saada alinayay inuu noqon doono mid aad u wanaa gsan, ayaa ge eriyooday 2011-kii isagoo 24 jir ah ka dib markii uu ka soo dhacay balakoon gurigiisa oo ku yaalla Kenya.

Dadka Kenyaanka ah ayaa laga yaabaa in ay aad uga naxeen markii Agnes Tirop, oo haysatay horyaalnimada dalalka badan,lagu tooriyeeyay gur igeeda 2021, iyadoo lagu eede eyay ninkeeda. Waxaa lagu eedeeyay dil.

SOURCE:-AP

Saxiimad ay la socdeen burcad badeed Soomaali ah oo kusoo caaridday xeebaha gobolka Mudug

Saxiimad sidday koox burcad badeed ah oo dhawaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada bad da ee dalka Hindiya ayaa kusoo caariday xeeb aha Puntland, sida uu HOL u sheegay qof ku sugan deg aanka Garacad ee gobolka Mudug.

Burcad badeedda oo ahaa 11 qof ayaa muddo dhowr maalmood ah badda kusoo jiray, iyagoo qaarkood qaba dhaawacyo jir eed oo ay u geysteen ciidamada badda Hindiya.

Sida ay noo she egeen ilo xog ogaal ah, ciidamada Hindi ya ayaa burcad bade edda kusii daayay meel aad uga fog xee baha Soom aaliya, waxayna ciqaab uga dhigeen inay sax iimad dol oosha ku soo guraan kaddi bna ay bad da kusii daayaan. Hase ahaatee, dhowr maalmood oo ay badda kusoo jireen saxiim adda ayaa kusoo caaridday xeebta Kulub oo katirsan Garacad.

Saxiimadda oo ay saarnaayeen 11 qof, wax aana mid kamid ah kooxdaas oo qaba dhaawac daran lagu dabiibayaa isbitaalka Garacad, Wax ay sheegeen in hal qof uu kaga dhint ay iska hor imaadkii ay la galeen cii danka bad da Hindiy. Dadka degaanka ayaa gurmad u fidiyay.

Raila Odinga oo sharci darro ku tilmaamay in la soo magacaabo la taliyaha qaran ee amniga

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sharci darro ku tilmaamay in dastuurka la bed delo si loo soo magacaabo la taliyaha qaran ee dhanka amniga.

Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro hindise sharciyeed lagu beddelaya xeerar dhowr ah oo ku saabsan maamul ka qaran.

Azimio ayaa bayaa n ay soo saartay ku sheegtay in soo jee dinta ah in xafiiska la tali yaha mada xweynaha ee arrimaha amniga uu ho os tago waaxda adeegga dadweynaha ay qalad tahay maadaama tani ay liddi ku tahay haykalka amni ee wadanka.

Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay faragel inaysa waajibaadka militariga iyo sirdoonka dalka.

Farqada 240-aad ee dastuurka dalka waxaa ku cad xubnaha golaha qaran ee ammaanka iyadoo xoghayaha golahan ay soo magacaabayaan xub naha. Baarlamaanka dalka ayaan wax awood ah u lahayn inuu qof u magacaabo xilkan ama xafiis la xiriira uu soo dhiso maadaama tani ay tahay waajibaadka golaha qaran ee ammaanka sida uu dastuurku qabo.

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa xusay in haddii soo jeedinta ay meel marto , in madax weynaha uu yeelanaya awoodaha golaha qaran ee ammaanka.

Azimio la Umoja ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale dastuurka aynan ku xusnayn shaqooy inka la taliyaha qaran ee amniga iyo doorka uu ku leeyahay maamulka amniga wadanka.

Golaha qaran ee ammaanka waxaa xubno ka ah madaxweynaha dalka , ku xigeenkiisa, wasiirka difaaca , wasiirka amniga gudaha , wasiirka arr imaha dibadda , xeer ilaaliyaha qaranka , taliy aha guud ee ciidanka difaaca dalka ee KDF-ta , agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoon ka iyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip