Dadkii Tareenka Boos ka waayay ayaa Go’aansaday in ay ku sugaan Tareenka Tuuladda Barwaaqo. 

Ku dhawaad 2 Sano ayeey sugayeen mana imaan Tareenkii.

       Mar dambe waxaa la helay Akhbaar ah in Tareenkii Rakaab Xumme uu ku hallaabay Tuulada Cir kaa dheer dhul kaa dheer oo ku taal meel Go’doon ah. ( F.S: 2-5aad)

      Guddi ayaa loo diray in ay soo ogaadaan Cilladda Tareenka. 

   Waxa ay ku soo war bixiyeen in Tareenka uuna la socon Qof Makaanik ah oo wax ka yaqaan hagaajinta Cilladahaan oo kale haddii ay qabsadaan.

     Waxa ay Tageen Qolkii laga wadayay Tareenka oo uu fadhiyo Kabtankii Tareenka waday oo kaligii dhabanada heysto, Timihiina ku bexeen, inkasta oo kalsooniyo ka muuqatay haddana Qolka waxaa kula jiray Kaaliyayaashiisii oo uu Hor joogo ina Abaadir Maqas, waxa ay arkeen kaaliyayaashii oo ku wa da mashquulsan Telefonadooda, 

     waxaa loo maleeynayay in ay u yeerayaan Rag Cillad Bixiyo Tareenka, laakin waxaa la ogaaday in ay ku mashquuleen Telephonada oo Qaarkood ay "Game” ku ciyaarayeen, 

    Qaarna Tiktok wax ku shukaansanayen, qaarna 1XBET. 

      Waxaa kale oo la ogaaday in Shantii Remoor ee uu jiidayay Tareenku, Kaawadii isku xireeysay uu Daxal ku bilaawday. 

(F.S:6aad).

Guddigu waxa ay soo jeediyeen, in Tareenka Rakaab Xume Bartiisa Hogaaminta wax laga beddelo, loon helo, Khubaro cusub sida: Makaanik, Dab yaqaan, Batta Lamayeeri yaqaan, Alxanle, Matooriste, Xaddiid yaqaan, iyo khubaro Aqoon u leh kaawadda Jiido iskuna xirto qeybaha Tareenka.

Qore: Yahya Amir