Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaadiid Caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta & Gobolka Banaadir

0
Sunday February 11, 2024 - 12:54:31 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Gaadiid Caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta & Gobolka Banaadir

    Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta hal gaari oo nooca gargaarka deg degga ah ku wareejiyey Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa maanta hal gaari oo nooca gargaarka deg degga ah ku wareejiyey Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan, halka labo gaari oo kalena ku wareejiyey Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshada Maamulka gobolka Banaadir. Wareejinta Gawaaridan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud, xubno kale oo ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Asluubta. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in Gawaaridan qalabaysan ay wax badan ka tari doonaan qeybta Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidamada Asluubta, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud ee dalka. Dhankooda Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jeneral Mahad Cabdiraxmaan Aadan iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Banaandir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah uga mahadceliyey gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna wada tilmaameen in loogu adeegi doona qeybaha loogu talagaley.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip