Guddiga joogtada oo soo saaray Jadwalka Kulamada u gaarka ah dib u eegista Dastuurka

0
Sunday February 11, 2024 - 12:37:59 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga joogtada oo soo saaray Jadwalka Kulamada u gaarka ah dib u eegista Dastuurka

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka. Kulanka waxaa goob joo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka. Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lagu soo bandhigay shintiriska (Jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BJFS. Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyay shintiriska kulamada u gaarka ah dastuurka isagoo xubnaha guddiga la wadaagay qeybaha uu ka kooban yahay jaantuska kulamada wadajirka ah ee labada gole Baarlamaanka ee looga doodayo dib u eegista dastuurka KMG ah. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib u eegista dastuurka KMG ah, waxaana uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip