Dowladda Türkiye oo si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay xerada Jeneraal Gordan

0
Sunday February 11, 2024 - 09:08:38 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Türkiye oo si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay xerada Jeneraal Gordan

    Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri:"Waxaan aad uga xunna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Türkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye ayaa lagu yiri:"Waxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliya". Dowladda Türkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shcuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn. Dowladda Türkiye ayaa warsaxaafadeedka ay maanta soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip