Madaxweyne Xasan sheekh oo booqday Saraakiil Imaaraad ah oo dhaawacantay

0
Sunday February 11, 2024 - 11:03:22 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan sheekh oo booqday Saraakiil Imaaraad ah oo dhaawacantay

    Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka ERDOGAN EX Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goorda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka ERDOGAN EX Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta. "Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed." Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishaan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan. "Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip