HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA FEBARAAYO 2024--KKAA

0
Sunday February 11, 2024 - 08:26:28 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 11-KA FEBARAAYO 2024--KKAA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sh. oo isbitaalkii digfeer ku booqday saraakiishii ku dhaawa cmay we erarkii xerada Goordan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay toogashadii ka dhacday Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay saraakiisha ku naf waayey we erarka ka dhacay xerada Goordan, kaddib ma rkii askari katirsanaa ciidanka amniga ee xerada Goordan uu rasaas la beegsaday saraakiisha Imaaraatka Carabta ka hor inta aan isaga la dilin.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu she egay saraakiisha geeriyootay iyo kuwa dhaawa cmay inay ahaayeen kuwa dalka u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qal abka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si adag u camb aareeyey falkan, isagoo faray Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacda dan.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa falkan foosha xun ee lagu dilay saraakiishan waqti gooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib u dhiska ciidamadeena. "Waxaan ballan qaadaynaa in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo soo abaabushay falkan foosha xun,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta taageerada ay ka geystaan dib u dhiska iyo hor umarinta Soomaaliya.

Faahfaahin: Sidee Habeen hore waxa uga dhaceen xerada tababarka ee Janaraal Gordan?

Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababaray aasha xerada ciidanka Gordon Qoraal ka sa wirka, Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababar ayaa sha xerada ciidanka Gordon 5 Saacadood ka hor Weerarkii toogashada ahaa ee Habeen hore ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinay say, sida lagu sheegay war kaso baxay wasaa radda difaaca dawladda Imaaraadka.

Warka ayaa intaas ku sii daray in saraakiishu ay u kala dhasheen Imaaraadka Carabta iyo waddanka Baxrayn.

Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin.

Saraakiil iyo askar qabta dhaawacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniba ayaa iyana la sheegay in la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.

Saraakiisha la toogtay ayaa ahaa tababaray aasha xerada ciidanka Gordon ee ay tababara da ciidamada Soomaalida ah ku siiso dawladda Imaaraadka Carabta.

Sidee wax u dhaceen?

Fiidnimadii Habeen hore ayaa askari hubaysan oo ka mid ahaa ilaalada xerada ciidamada ee Jan araal Gordan waxa uu rasaas la beegsaday go ob ay ku sugnaayeen saraakiil sarasare oo ay ku jiraan tababarayaal ajanabi ah, waxaa sid aasi wakaalada Wararka Reuters Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo shaqaalaha isbitaalka.

"Askariga ayaa rasaas ku furay tababarayaa sha Imaaraadka iyo saraakiil ka tirsan ciidama da Soomaaliya markii ay salaadda galeen,” ay uu yiri sarkaalkan oo magaciisa kusoo koobay Axmed oo la hadlay wakalada wararka Reuters.

Askariga weerarkaan fuliyay oo horey uga soo goostay kooxda Al shabaab ayaa isna goob ta lagu toogtay, sida saraakiil sare u sheegeen Reuters.

"Waxaan fahamsanahay in askariga uu ka goostay Al-shabaab ka hor inta aan loo qorin cii danka dowladda Soomaaliya ee Imaaraadku ta babaro," ayuu sarkaalka sare u sheegay Re uters.UAE XIGASHADA SAWIRKA,MOD UAE

Imaaraadku muxuu ka yiri falkaan?

Wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Car abta, ayaa sheegtay in saddex ka tirsan ciidama deeda qalabka sida iyo hal sarkaal oo u dhash ay dalka Baxreyn lagu dilay "fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya, xilli ay tababarayeen cii dmada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaan dhigga Imaaraadka Carabta oo lagu daabacay bogga wakaalada wararka Imaaradka Carabta ayaa lagu yiri:

"Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraa dka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoo gga dalka Baxreyn, halka ay dhaawaca yihiin labo kadib fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuur iyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”.

Marka laga yimaado qoraalka kooban ee Wasaaradda difaac Imaaraadka ma aysan bixin faahfaahin kale oo weerarka ku sabasan, balse waxay sheegtay in Imaaraadku uu sii wadayo xariirka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin dowl adda Soomaaliya si loo baaro" falkaas.

XIGASHO:-BBC

Wasiir Fiqi oo Guddiga madaxa bann aan ee doorashooyinka la wadaagay qorshaha dowl adda ee doorasho qof iyo cod ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa Dorraad kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

   Ujeedka shirkan ayaa waxaa uu la xiriiray u kuu rgalidda baahiyada xarunta cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaran, kormeerka hawsha shaqaalaha iyo arrimo kale. Inta uu kulanku socday wasiir Fiqi waxaa uu uga warbixiyay hawlwadeenada guddigu qorshaha dowladda ee doorasho qof iyo cod ah iyo sidoo kale halka ay marayaan dib u eegista shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Uga dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa kula dardaarmey hawlwadeenada in ay u diyaarg aro obaan hawlaha baaxadda leh ee qaranka loogu adeegayo iyo in dhowaan la filayo in gud digii qaran ee doorashooyinka la soo magac aabi doo no, dalkuna aadi doono doorasho qof iyo cod ah.

Baarlamaanka Soomaaliya oo Dorraad meel mariyay ku biirista Soomaaliya ee ururka EAC

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dorraad oo Sabti ah ansixiyay xubinimada Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Ansixinta baarlamaanka ayaa u gogol xaar aysa in Soomaaliya ay xubin rasmi ah ka noqoto ururka EAC.

Soomaaliya ayaa bishii November ee san nadkii hore la ogolaaday inay ka mid noqoto uru rka dhaqaalaha gobolka ka dib sannado badan oo olole loogu jiray.

Golaha Wasiirrada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaarey in marka loo gud biyo heshiiska Dorraad la ansixiyay, inay guda galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnim ada ras miga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya.

Bishii November 24keedii, 2023 ayaa Shir Madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu an si xiyay codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Guddoomiyaha xilligan ee EAC, Madax weynaha Jamhuriyadda Koonfuurta Sud an ayaa bishii December 15-keeda, 2023 si rasmi ah u saxiixay heshiiska ku biiirista Ururka.

Soomaaliya ayaa noqoneysa xubinta 8aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tan zania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuu rta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo (DRC).

Golaha shacabka oo ansixiyey laba hindise sharciyeed

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarla maanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciy eedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliye ed waxaana Haa ku ogolaatay 149-Xildhibaan Hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Hindisaha waxaa soo gudbisay oo golaha ho rgeysay wasaaradda Maaliyadda XFS, wasaa radda ayaana golaha uga mahad celisay ansi xinta xeerka.

Dhinaca kale isla 

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,wax aana Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre, Cabdi rax maan Cabdishakuur oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliilay gaabis shaqo

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdirax maan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ay soo saareen masuuliyiin taan ayaa waxay kaga hadleen arrimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin in laga gaabiyay dagaalka ka dhanka ahaa Al-shabaab iyo in xadgudubka damaca Itoobiya siyaasada lagu wajahay aysan aheyn midii mudneyd.

Warsaxafadeedka ayaa sido kale lagu sheegay in madaxweynaha uu kaligiis isku soo koobay howlahii dalka, sida dhaqaalaha, siyaa sadda, diblumaasiyada iyo dhinaca Bulshada, islamarkaana dalka uusan wali laheyn Was araddahii muhiimka ahee ee arrimaha dibada iyo Amniga.

Qodobada masuuliyiintaan ay walaaca ka mujjiyeen ayaa waxaa ka mid ah wax ka bad alka Dastuurka oo ay sheegeen iney horse eda yso midnimada oo kala dhantaalanta, daganaa nsho la’aan siyaasadeed oo Dorraad laga baaqsan karro.

JAMHUURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIYA

Tix: S/02/04.

War murtiyeed

Tr: 10/02/2024.

بسم الله الرحمن الرحيم

Dalka wuxuu wajahayaa khataro waawayn oo u baahan in lagu xalliyo xikmad, talowadaag, tanaasul, dulqaad, midnimo iyo wadajir. Wax aan walaac xoog leh ka qabnaa habdhaqanka hoggaamin ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisu ay ku waja hayaan halista dalka dul hagoogan oo ay ugu horreeyaan argagixisada Al-shabaab iyo Daa cish, damaca gurracan ee ay dawladda Itoobiya ku doonayso in ay qayb baddeenna ka mid ah ku qaadato, khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya dawladda Federaalka ah iyo Puntland iyo muranka maalmahan ka soo cusboonaaday dhulalka danta guud.

Tallooyin fool ka fool ah iyo kuwo qoraal ah oo aan Madaxweynaha ka siinnay arrimahan waxay u muuqdaan kuwo ku dhacay dhego fur aysan, Waxaan u aragnaa in dalka uu Dorraad ugu baahi badan yahay midnimo iyo wadajir lagu wajaho halista iyo khataraha nagu xeeran, laakiin taa beddelkeeda uu Madaxwa ynuhu dalka ku hoggaaminayaa siyaasad gole ka fuul ah oo kaligii- duulnimo ah, taasoo aan lahayn istiraatiijiyad iyo qorshayaal cad, oo aysan kala saarnayn howlaha mudnaanta horte binta leh iyo kuwa muhiimka ah ee la dib dhigan karo.

Dorraad Soomaali waxay u baahan tahay ficil kasta oo dadkeeda midaynaya iyo ka fog aanshaha kii kala geynaya. Haddaba waxaan walaac xoog leh ka qabnaa arrimaha soo socda:

1- In hoggaanka dalka uu ka mashquulay la dagallaankii kooxaha argagixisada, iyagoo dib u qabsaday qaar ka mid ah goobihii dhiigga iyo nafhurka looga xoreeyay. Madaxweynahu wux uu isku xiray hawlgalka dagaalka iyo shakhsi giisa, taasoo markii uu mashquulay, hoggaanka hay'adaha nabadgelyada iyo difaac una aysan u gacan bannaanayn ayaa waxay sababtay day aca ku yimid dagaalka.

2- Waxaan walaac ka qabnaa in uu gaabis yahay abaabulkii iyo istiraatiijiyaddii siyaasade ed, diblomaasiyadeed, bulsho iyo amni ee lagu wajahayay ka hortaga damaca Itoobiya, Waxa ana caddayn u ah in dalku uusan muddo laba bil ah lahayn wasiir amni iyo arrimo dibadeed. Wuxuu Madaxweynuhu baalmarayaa hay'adihii dawladda, kaligii ayaana isku koobay hawshii dalka ee dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha,

diblomaasiyadda iyo bulshada intaba.

3- Waxaan walaaac ka qabnaa dhammay stirka Dastuurka oo aan loo dhammayn. Dhama ystirka dastuurka wuxuu ka mid yahay hawlaha muhiimka ah, laakiin aan degdegga ahayn, sab abtoo ah waa heshiis bulsho oo la doonayo in uu dalka iyo dadka isku hayo, una horseedo xasillooni siyaasadeed, midnimo iyo wadajir. Ma aha in qaab qardo jeex iyo gacan maroojis ah la gu dhammaystiro. Dastuur ay isku khilaafsan yihiin xoogagga siyaasadda dalka wuxuu ku d anbayn doonaa in dhaqan galkiisu socon wa ayo.

Sida haatan lagu wado dhamaystirka dast uurka waxay ka soo horjeeddaa ruuxda dastu urka iyo qodobadiisa qeexaya dhamma ystirki isa, waxay kaloo madaxweynihii oo taladii kale dalka kaligii isku soo koobay ka mash quulisay ajandayaashii hortebinta degdegga ah lahaa ee la dagallaanka argagixisada iyo ka hortagga damaca dawladda Itoobiya, dhismaha ciidan qaran oo ATMIS dalka kala wareega.

4- Waxen walaac xooggan ka qabnaa xaraashka dhulka hantida guud ee maalmahan sida xawliga ah uga socda Muqdisho. Waxaan ka soo horjeednaa ku takrifalka hantida qaranka ee sida sharci darrida ah qiimaha jabanna looga iibinayo shakhsiyaad gaar ah.

Waxaa xaaran ku ah diinta Islaamka, dastuurka iyo shuruucda dalka in madaxda qara nka ay ku takrifalaan hantidii shacabka Soomaali yeed ka dhexaysay, iyadoo la iibinayo dhulkii danta guud, si degdeg ahna looga tirayo diiwaan ka hantida qaranka. Waxaan hadaba uga digay naa madaxda qaranka in ay ka waantoobaan arrinkaas, waxaanna xusuusinay naa in arrin kaas la iskula xisaabtami doono mustaqbal dhow iyo kan fog intaba. Waxaan sidaa si la mid ah u ga digaynaa ganacsatada iyo shakhsiyaadka ku hawlan iibsiga hantida qaranka in aysan yeelan doonin xuquuqda lahaanshaha dhulka maadaa ma sida lagu siiyay ay tahay sifo sharci darro ah.

Waxaan gebagebadii ugu baaqaynaa Mad axw eynaha in uu talada dalka dhulka dhigo, dal ka iyo dadkana u turo, aqbalana talowadaag iyo tanaasul, si midnimo iyo isku duubni loogu wajaho halista dalka hortaalla. Waxaan uga digaynaa cawaaqib xumida ka dhalan karta in uu ku sii socdo qaabkan gole ka fuulka iyo kali-duulka ee uu haatan dalka ku hoggaaminayo. Waxaan ugu baaqaynaa inuu mudnaanta siiyo la dagaalka kooxaha argagixi sada ah, ka hortagga damaca Itoobiya, joojiya na qaabka qardajeexa ah ee uu doonayo in uu dastuurka ku ansixiyo, iyo ku tagrifalka dhulka hantida danta guuud ee sida sharci darrida ah looga iibanayo shakhsiy aadka, siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay danwa daagta yihiin.

1. Shiikh Shariif Sheekh Ahmed

2. Xasan Cali Khayre

3. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsamef

Wasiirka Difaaca Somalia oo u hambalye eyay ciidamada Badda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soo maaliya ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya oo u daba aldegaya Sanad guurada 59-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soo maaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Hambalyo ku aaddan Munaasabad da sa nad guurada 59-aad ee ka soo waree gatay markii la aasaasay Ciidanka badda Soo maali yeed oo qeyb ka ah Ciidamada Xoogga dalka u dir ay Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dable yda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeeb aha Soomaaliyeed iyo dhammaan Umm adda Soomaaliyeed.

"Waxaan Hambalyo leeyahay Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciid anka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliy eed, Sanad guurada 59-aad ee ka soo ware ega tay markii la aas-aasay 10-kii bishii Feber aayo sanadkii 1965-kii”

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xo ogga dalka Soomaaliyeed waxa ay kamid yih iin tiirarka ugu muhiimsan ee Ciidamada Qar anka iyo guud dowladnimada Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Milatariga oo u Hambal yeeyay Ciidamada Badda Somalia

Taliyaha ciidanka xoogga ee dalka Somalia Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Hambalyo u diray ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soo maaliyeed

Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidanka Badda Somalia la aas aasay sanadkii 1965-kii bale nas iib xumo ay bur-bureen waqtigii ay dhacday Do wladii kacaanka ahayd.

"Hada dib baan ka dhisnay ciidamada waxa ana rajeynayaa mar dhaw in la arko ciidamada oo u howlahooda sidii la yaqaanay”ayuu yiri Tali yaha Ciidamada Milatariga Somalia.

"Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha Somalia,daraakiisha,taliyayaasha, alifleyda,dableyda iyo xaasaskooda, waxaan l eeyahay HambalbHambalyo waxaan rajeyna yaa in sanadkaan kiisa kale inaan halkaan ka horeyno”ayuu mar kale yiri Taliyaha.

Muqdisho oo markii ugu horeysay laga furey Xarun lagu baranayo diyaarad wadida

Sida goor dhaw lagu baahiyay Universal Tv waxaa Muqdisho laga furey markii ugu horeysayXarun lagu baran doono Cilmiga Duulima ady ada Rayidka.

Xaruntaan oo uu furt ay Muwaadin Somaliy eed ayuu ugu magac daray SKY Aviat ion, wux uuna sheegay in lacag badan.

Barashada diyaarad wadida waa mid ku cu sub Magaalada Muqdisho marka loo eego xiliga baylootnimada.

DR.C/kariin Cali Cilmi Baarjeex oo ah masu ulka furey Xaruntaan ayaa u waramay Univeraal TV wuxuuna sheegay inuu 25 sano ku soo jirey barashada cilmigaan iyo inuu isagu dadka sii baro.


Wasiirka Caafimaadka XFS oo gaadiid Caaf imaad ku wareejiyay wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo dary eelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Dorraad labo Gaari oo nooca garg aarka deg degga ah oo loogu talagaley fudude ynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey wasiirka Caafimaadka D/G/Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Fed eraalka Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegey in gawaari dan qalabaysan ay wax wayn ka tari do onaan qeybta Caafimaadka Dowlad goboleedka Hirsh abeelle, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasa aradda Caafimaadka iyo daryeelka bul shada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaad ka guud dalkeen.

Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaad ka dowlad goboleed Hirshabeelle mudane Saa daq Maxamed Maxamuud ayaa ka mahad celiyey gaadiidka lagu wareejiyey, waxa uuna sheegay in loogu adeegi doona bulshada dow lad goboleed Hirshabeelle si loo xaqiijiyo bed qabka bulshada iyo guud ahaan yoolka Qaran ka ee Caafimaadka.Wasaaradda Caafim aadka iyo daryeelka Bulshada DFS waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caa fimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horu marinta Caafimaadka Qaranka

Ku dhawaad 30 Al-shabaab ah oo lagu dilay G/Jubbada Hoose

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay 27 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-shabaab ka sameeyay deegaanka Yaaqdabeyl ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dhaawacay ilaa 36 xubnood oo kale oo ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Xubnaha Al-shabaab ee howlgalkaan lagu dilay ayaa waxaa ka mid ah hoggaamiyahii ko oxda gobolada Jubbooyinka u qaabilsana oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Yare.

"Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran, waxaana howgal laga fuliyay Yaaqdabeyl lagu dilay 27 xubnood oo uu ku jiro horjoogahii koox da ee Jubbooyinka” ayaa lagu yiri War saxaaf adeed ka soo baxay ciidanka xoogga dalka.

Howlgalkaan ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg oo sheegay in ciidanka ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Ganacsade Xalay Boosaaso lagu dilay iyo qaraxyo lagu weeraray guriga Wasiirka Amniga

Wararka laga helaayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xalay halkaasi lagu dilay nin ganacsade ahaa.

Kooxo hubeysan ayaa xaruntiisa Ganacsi ku dhex toogtay Ganacsadaha kadi bna way baxsadeen.

Sidoo kale qaraxyo loo adeegsaday Bambo oyinka gacanta ayaa lagu weeraray guriga Wa siirka amniga Maamulka Puntland,lama soo she egin khasaare ka dhashay. Hay’adaha amniga Puntland wali wax wara kama soo saarin weera radaan kala duwan oo ay macquul tahay inay Alshabaab ka Sdanb eeyaan.

Xisbiga Kulmiye oo soo dhaweeyay he shiiska Somaliland iyo Itoobiya

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Wa siirka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axm ed, oo badiba ay garabtaagnaayeen saraakiisha sar sare ee xisbiga, ayaa sheegay in heshiiska ay ku qorantahay in Itoobiya ay Somaliland aqo onsato.

    "Heshiiskii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay Addis Ababa ku yeesheen ee sheegayay in badda laga siiyo meel la dhigo maraakiibta Itoobiya oo kiro ah, qodobka labaad wuxuu odhanaya in Itoobiya qaranimada Somaliland ay aqoonsato oo isku mar laga dhigo" ayuu yidhi Kaahin.

Waxa uu sheegay in ka xisbi ahaan ay soo dhawaynayaan aqoonsiga ay Itoobiya siinayso Somaliland, isla markaana uu wax wayn ka tar ayo madaxbannaanida Somaliland kadib marka Itoobiya ay aqoonsato "Waxaanu halkan kusoo saarnay in si buuxda Kulmiye u taageersa nyahay heshiiska".

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay markii hore heshiiska diiday lakiin markii danbe ay sheegtay in ay rabto uun in Itoobiya ay he shiis ka la gasho dowlada Soomaaliya.

"Soomaaliya waxay caddaysay in ay diyaar u tahay in ay Itoobiya dhul siiso, lakiin waxa dhib ayaa waxa weeyaan in Somaliland la aqoons ado" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa ha lkii ugu xumayd gaadhsiiyay xidhiidhka Soomaa liya iyo Itoobiya, iyada oo Soomaaliya ay ku tilDorraady madaxbannaanideedii oo lagu soo xadgudbay.

Howlgalka ATMIS oo shaaciyay inay Soomaa liya ka saareen 5,000 askari

Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa shaaciyay inay Soomaaliya ka saa reen 5,000 oo Askari, iyo 13 Saldhig oo Ciidan oo ay ku wareejiyeen ciidanka hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee dhimista ATMIS.

Taliyeyaasha ugu sareeya ciidamada Mid owga Afrika ee ATMIS oo khamiistii todob aadkii hore soo gabagabeeyay shir socday mud do afar maalmood ah, ayaa hoosta ka xarriiqay sidii loo dejin lahaa istaraatiijiyada ugu dambey sa ee howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo qorshaha wejiga xiga ee dhimista 4000 oo askari oo dheeri ah illaa iyo bisha June.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soom aaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Souef ayaa sheegay in wejiga saddexaad ee dhimista ciid anka ATMIS uu si guul ah ku soo dhammaan doono, isagoo ku booriyay Taliyeyaasha Ciidam ada ATMIS inay si dhow ula shaqeeyaan Ciid amada Ammaanka Soomaaliya (SSF), si loo sugo ammaanka inta lagu jiro xilliga kala guurka.

Shirweynaha taliyeyaasha ATMIS ayaa la qabtaa saddexdii biloodba mar si loo qorsheeyo muhiimadaha amniga ee howlgalka si loo fuliyo Fikradda Howlgallada (CONOPS).

Maraykanka oo ku baaqay in la baaro Xasuuqa Abiye ka wado gobolka Amxaarada

Ethiopian refugees stand in for supplies at the Um Rakuba refugee ca mp which houses refuge es fleeing the fighting in the Tigray region, on the Sudan-Ethiopia border in Sudan, November 29, 2020. REUT ERS/Baz Ratner - RC2ADK93HUQB

Addis ababa (SONNA):-Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqoo yiga Itoobiya.

Danjiraha Mareykanka ee Addis Ababa Ervin Massinga ayaa sheegay in 80 ruux ciidanka ku dileen magaalada Merawi.

"Dowladda Mareykanka waxay ka walaac san tahay warbixinada ka imaanaya magaalada Mer awi, waxaan ku baaqaynaa in la baaro dam bi iliyaasha ma dambeeyayna cadaalada la marsiiyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda.

Ciidanka maamulka Abiy ayaa falal ka baxs an bani’aadanimada ka geysanayay gobo lka Amxaa rada waxaana deegaanka ka jira ka cdoonka ka dhanka xukunka taliska Addis Aba ba kaas oo ay hogaaminayaan jabhadda Fano.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Koonfur Afrika Pandor Oo La Beegsaday ICJ Ka Dib

Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay in ay la kulmayeen hanjabaado ka dib markii uu wa ddanku dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudb iyay maxkamadda caalamiga ah ee cadaa ladda, The Citizen ayaa sheegtay.

Pandor ayaa codsatay in taliyaha booliiska dalkaas uu kor u qaado ammaankeeda, ka dib markii lagu bartilmaameedsaday baraha bulshada, Pandor ayaa saxafiyiinta u shee gay khudbadii madaxweynaha Cyril Rama phosa.

Koonfur Afrika ayaa dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ si ay u dalbato in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada milatari ee dalkaas ka socda ee Gaza, iyo sidoo kale joojinta baraki cinta qasabka ah si ay awood bini’aadminimo u gaarto kumanaan Falastiiniyiin ah. Ram aphosa, intii lagu jiray Sona24 ee Febraayo 8, wuxuu sidoo kale ku tilmaamay weerarrada militariga xasuuq – caddaynta in ICJ ay sheegtay inay tahay "macquul”.

Dalka ku yaalla Koonfurta Afrika ayaa wa xaa ku nool bulsho badan oo Yuhuud ah, iya doo qaarkood ay gadaal ka riixayaan halka ku wo kalena ay taageersan yihiin xabbad-joojin deg-deg ah oo laga sameeyo Gaza iyo xuq uuqda aadanaha oo dhan Falastiiniyiinta iyo sidoo kale Israa’iiliyiinta. Pandor ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyay in Koonfur Afrika ay ka go’an tahay in kiiska ICJ la soo maro. Waxay u sheegtay Mail and Guardian in waddanku "aysan ka laaban karin hadda”.

Puntland oo xukunno kala duwan ku riday rag iyo dumar loo haysto inay qaraxyo u kala gudbinayeen Alshabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Boo saaso ayaa midkiiba 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay afar nin oo lagusoo eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.

Xukumanayaasha oo lagu kala magac aabo, Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faar ax Cabd iqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax ayaa lagu eedeeyay inay qaraxyo u kala gudbinayeen kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Raxmo Weydow Cabdi iyo Shamso Cali Isaaq ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah, kuw aas oo lagu eedeeyay inay la shaqeynay een raggaan la xukumay.

Xukunka shakhsiyadkan ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Boosaaso ay mud dooyinkii u gu dambeeyay kusoo badanay een qaraxyada ay kooxda Alshabaab halkaas ka geysanayso, iya doo laamaha amniga lagu eedeeyay inay ku fashilmeen wax ka qabash ada amni darrada magaa lada Boosaaso ka jirta.

Khamiistii lasoo dhaafay, ciidamada amniga Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay sha khsiyaad ajaanib ah oo lala xiriirinayo inay katirsan yihiin kooxda Daacish. Waxaa lagu qabtay deg aan hoos yimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari.

Horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan kusoo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka lagu soo qabtay horjoogahaan oo magaciisa lagu sheegay Mowliid Cali Dhux ulow ay aa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaa nada kala ah Masagawaa iyo Waniinle oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

"Horjooge Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka heleen xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaa minaayay koox naflacaari ah oo ku dhuumaale eysaneeyso dhulka howdka ah" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Horjooge Mowliid Cali Dhuxuloow ayaa sidoo la sheegay inuu ahaa Horjooge mudo dheer ka tirsana kooxda Jabhadaha Shabaab ee ka dagaalanta deegaanada gobolka Galg aduud. Deegaa nada gobolada Galgaduud iyo Mud ug waxaa mudo sanad ka badan ka socda dag aalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxa ana mudada uu dagaalkaasi socda Shabaab looga xureeyay dhul baaxad leh oo ka tirsan labadaas gobol oo ay horay u maamuli jirtay kooxda.

Dil & qaraxyo Xalay ka dhacay Boosaaso & faahfaahino ka soo baxaya

Qaraxyo is xigay ayaa laga maq lay gudaha Boosaaso waxa ana la sheegaya in bambooyin lagu tuuray guriga wasiirka Amniga Puntland Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay wee rarkan, sidoo kale ma cadda sababnta loo dilay ganacsadaha iyo cida ka dam beysa.

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari weli kama hadlin falalka amni-darro ee Xalay ka dhacay Boosaaso oo dhibane u aheyd mudo oyinkan falalal amaan daro oo soo laalaabtay.

WAA KEE DALKA AAN LABO SANO MADAXWEYNAHA LAHAYN IYO XIISAD ADAG OO KA TAAGAN?

RABSHADAHA DALKA HAITI.XIGASHADA SAWIRKA,EPA/EFE

Qoraalka sawirka, Mudaaharaadyada ayaa sii kordhayay maalmihii ka dambeeyay 7-da Febraayo.

Wadooyinka Haiti ayuu mar kale dab ka kacayaa iyadoo ay dhamaatay waqtigii ra'iisul wasaaraha hadda jira, Ariel Henry, loo qabtay inuu xukunka kaga tago.

Tan iyo markii Madaxweyne Jovenel Moïse la dilay bishii Luulyo 2021, Haiti waxay ku jirtay xaalad ku meel gaar ah, iyada oo aan lahayn madax dawladeed iyo dawlad shaqaynaysa. Xaaladan ayaa ahayd in la soo afjaro laguna dhawaaqo doorasho sanadkii tegey ee 2023-dii.

Qorshahan waxaa looga fadhiyey Ra’iisul wasaare Henry oo 24-saac ka hor dhimashadiisa uu magacaabay Madaxweynihii hore ee dalkaas Jovenel Moïse. Waxaa kale oo aan fulin heshiiskii uu bishii December 2022-kii la gaaray ee wakiillada xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan ee dalka iyo ururrada bulshada rayidka ah ee ku aaddan in doorasho la qabto sannad gudihiis.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu ku dooday in heerka rabshadaha kooxaha burcadda ah ee sii xumaanaya ay ka dhigayaan mid aan suurtagal ahayn in la damaanad qaado doorasho xor iyo xalaal ah waqtigan.

Xiisadaha ayaa sii kordhay maalmihii ka horreeyay toddobadii Feb raayo, oo ah taariikh calaamad u ah Haiti, maadaama ay calaamad u tah ay dhamaadka kalitalisnimada uu bilaabay François Duvalier oo uu sii wa day wiilkiisa Jean-Claude ilaa 1986 waana taariikhda dhaqan ahaan, mad axweynayaasha ay xilka la wareegaan.

Dalka Haiti waa mid ay si weyn ugu dhex milmeen kooxaha burcada ee hubaysan sannado badan.

Niyad jabka iyo carada ay shacabku ka qabaan siyaasadda iyo sidoo kale heerka naxdinta leh ee rabshadaha dalkaas ayaa ah mid sare. Qar amada Midoobay ayaa laga soo xigtay tirooyinka dadka ku barakacay rabshadaha oo gaaraya 314,000 oo qof, ayadoo mudaaharaadyadana ay sii xoogeysanayaan.

"Dalka waxaa afduub u haysta kooxaha burca dda ah, cunto aan cuno ma haysano, caruurteena ma geyn karno iskuul," ayuu u sheegay wakaa lada wararka ee AFP mid ka mida dadka dibax baxa dhigayey

Maalinta toddobada Febraayo, waxay dadka Haiti

banaanbaxa u bilaabeen in Raysal wasaare Ariel Henry xafiiska ka tago.

Xaaladda markii horeba kacsanayd waxaa sii xumeeyay soo laaba shada Guy Philippe, oo ahaa taliyihii hore ee booliiska, kaasoo door muh iim ah ka qaatay afgambigii madaxweynihii hore ee Bertr and Aristide 20 sano ka hor. Philippe ayaa dib loogu celiyay Haiti bishii Nov ember isa goo ka yimid Mareykanka, halkaasoo uu ku dhameystay xukun xabsi ah ka dib markii uu qirtay inuu qaatay laaluush si uu u ilaaliyo shixnad aha maa ndooriyaha.Tan iyo markii uu soo laabtay, Philippe waxa uu baraha ulsh ada lagu wadaagayay fariimo mu uqaal ah oo uu ugu baaqayo "kacdoon" ka dhan ah Henry.Talaadadii, ayaa sidoo kale lagu arkay magaa lada caasimadda ah ee Port-au-Prince, isagoo gacan qaadaya taageeraya ashiisa. Markii dambe wuxuu soo wacay barnaamij toos ah oo raadiyow ah, wuxuuna u sheegay dhageystayaasha in "da gaalku uu yahay billow." Isku dhacyada Haiti

RABSHADAHA HAITI Boqolaal kun oo Haiti ah ayaa ku barakacay rabshado.Xiisadda ayaa sii korodhay markii ay booliiska isku dhaceen xubno hubaysan oo ka tirsan Guuta da Ammaanka ee Haiti, kuwaas oo loo yaqaan BSAP. Qaar badan oo ka mida xubnaha BSAP ayaa lagu xiriiyaa inay xulufo la yihiin Philippe, waana guutada lagu eedeeyay inay noqdeen koox dabley ah halkii ay ka ahaan lahaayeen hay'ad ilaalinta deegaanka.

Henry ayaa isku dayay in uu awood ku yeesho guutada isagoo shaq ada ka eryay madaxii waaxda u qaabilsanaa kooxda, balse talaabadaas ayaa ka careysiisay xubnahooda.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay in ciidamo caa lami ah loo diro Haiti si ay gacan uga geystaan xakameynta kooxaha burca dda ah, balse ilaa hadda Kenya oo kaliya ayaa ballan qaadday inay ciida mado u dirayso dalkaasi.

Kaalmadii Kenya ee ciidamada ay u diri lahayd Haiti ayaa la hakiyey ka dib markii Maxkamad ay diiday daabulidda ciidanka.

Meelaha qaar ee caasimadda, Port-au-Prince, oo ay ku hareeraysan yihiin buuro, ayey maamul aan kooxaha burcadda argagaxisada ah.

RABSHADAHA HAITI

Dibad-baxayaasha ayaa ku baaqayay inuu iscasilo ra’iisul wasaare Ariel Henry.

Kooxahan oo wata magacyada Haitian Creole, Kraze Barye, Gran Grif, waxay gaystaan dhac, baad ay dadka ka qaadaan, afduub, kufsi iyo dil lab adii sano ee la soo dhaafay

Kooxaha burcadda ah ayaa xilli yada qaar maamula ama weerara waddooyinka muhiimka ah ee soo gala iyo kuwa ka baxa caasimadda. Sidoo kale waxay kooxaha burcadda gaystaan gubidda magaalooyin dad rayid ah degan yihiin.

Jahwareerka ay abuureen koo xaha burcada dalka Haiti, waxa ay khalkhal galiyeen adeegyadii bulshada iyo shaqooyinkii hay’adaha gargaar ka bini’aadannimo, waxaana sii xumeeyay faqriga iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalkan oo markii horeba ka mid ahaa kuwa ugu saboolsan caalamka.

XIGASHO:-BBC

Maraykanka oo wafdi culus u diraya Ethiopia si uu ugala soo hadlo arrimaha ka taagan gobolka

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa lagu wadaa inay hawl-gal diblomaasiyadeed ku tagto Addis Abeba, Ethiopia, laga bilaabo 12 ilaa 17ka Febraayo, 2024.

Sida laga soo xigtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Kaaliy aha Xoghayaha waxaa ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Danjire Mike Hammer oo ah ergeyga gaarka ah ee Geeska Afrika.

Ujeedka ugu weyn ee socdaalkooda ayaa ah ka qeyb galka shir madaxeedka Midowga Afrika iyo ka qeyb galka wadahadalada heerka sare ah oo ay la yeelanayaan madaxda Midowga Afrika.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado inuu ka dhaco Addis Ababa 14-ka illaa 18-ka Febra ayo, 2024-ka, ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan in ka badan 34 hoggaamiye oo Afrikaan ah, oo ay ku jiraan madaxweyn ayaal, ra'iisul-wasaarayaal, iyo dad kale oo saameyn leh.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Kaaliyaha Xoghaye Phee waxa uu sidoo kale wada-hadallo laba geesood ah la yeelan doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee gobolka sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mar aykanka.

Booqashada saraakiisha Maraykanku waxay ku soo beegantay ka dib markii dawlad da Maraykanku ay walaac xooggan ka muujisay heshiiska dhinaca badda ee Ethiopia iyo Somaliland, iyo warbixinnada dilalka rayi dka ah ee lala beegsaday magaalada Merawi, ee ku taal Waqooyiga Gojja m ee gobolka Axmaarada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip