
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA FEBARAAYO 2024-KA
Madaxweyne Xasan oo Xalay kulan Wadat ashi la qaatay Culumaa’udiin Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixi yey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab, xoojinta mid nimada iyo xal u helid da caqabadaha dib u dhigay dalkeen na.
Madaxweynaha ayaa culimada Sooma aliyeed ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay muujinta been abuurka ka dhanka ah diinteenna suubban ee Islaamka oo argagixisadu ay ku xalaashadeen dhiigga da dkeenna, waxa uuna xusay doorka taariikhiga ah ee culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin to osinta dowladnimada iyo difaaca dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaam ay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreyn ayo arg agixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yih iin culim ada Soomaaliyeed oo ah dhaxal-dho wreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiimka u tahay in ay cilmi gooda iyo codko odaba ku garab istaagaan halg anka wadajirka ah ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaannada ay ku dhu umaaleysanayaan argag ixisadu.
Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Ma daxweynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, horu marinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirnim ada ah, iyaga oo soo bandhigay sida ay u garab taagan yihiin dadaallada dowladda.
Magacyada iyo qabiillada ay ka soo jee da an 10 safiir oo cusub oo la magacaabay
waxay heshay magacyada qabiilada ay ka soo kala jeedaan 10-ka Safiir ee Dorraad ay ma gacaabidooda anxisiyeen golaha wsiirrada ee xukuumadda federaa lka Soomaaliya.
Shan ka mid ah 10-kaan safiir waxay ka soo jeedaan beelaha Daar ood, gaar ahaan Majeer teen iyo Ogaadeen, labo ka mid ah waa Ha wiye, labo kale waa Dir, halka kalena waa beel aha shanaad.
Hoos ka akhriso magacyada safiirrada cus ub iyo beelaha ay ka soo jeedaan:
1. Cabdicasiis Maxamud Maxamed (Farabada ne) waa Daarood Majeerteen.
2. Cali Cabdi Awaare, waa Daarod Majer teen.
3. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdulla ahi, waa Daarood Majeerteen.
4.Bashiir Xasan Xaaji, waa Daarod Dhul/nte.
5. Xuseen Cabdi Xalane, waa Daarood Ogaadeen.
6. Khadiija Cosoble Cali, waa Hawiye Abgaal.
7.Fathudin Cali M/med,waa Hawiye Xawaadle.
8. Khadra A Dualle, waa Dir Isaaq.
9. Ridwan Xirsi Maxamed, waa Dir Isaaq.
10. Cali M/med Abuukar (Ali Wolf), waa B/ha 5-aad Banaadiri.
Safiirradaan weli si rasmi ah looma shaac in wadamada loo kala dirayo oo ay ka howlge li do onaan, balse Dorraad waxaa liiskooda la keen ay shirkii golaha wasiirrada, halkaas oo lagu ansixiyey magacaabistooda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa shir guddoomiyey kulan kii Dorraad lagu anxisiyey safiirradaan cusub, wuxuuna sheegay inay ka howlgeli doonaan qaar kamid ah dalalka caalamka ee aan wad aagno xiriirka Diblumaasiyadeed.
Sidoo kale kulankaasi waxaa lagu meel-mariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakamey nta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa, taasi oo lagu xakameynayo dhibaatooyinka ay sabab aan hubka iyo qaraxyada sida sharci darrada ah loo adeegsado.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, dib-u-habeynta dhakhliga, xogta he shiisy ada dowladda iyo cayaarahii Dowlad goboleedy ada dalka oo dhawaan si guul ah ugu soo ku soo idlaaday Muqdisho.
Muxuu yahay heshiiska ay kala saiixdeen Dowladda Somalia iyo Turkiga?
Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaa dir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler ayaa maalinimadii Dorraad M/ Ancara kukala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difa aca iyo dhaqaalaha ah si kor loogu qaado xiri irka labada dal iyo xasilloo nida gobolka.
Saxiixa kahor kulan ay wad aqaateen waxaa la isku wey daarsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo ara gtiyo ku saabsan arrimaha difaaca iyo amniga gobolka.
"Soomaaliya waa saaxiibka muhiimka ah ee Turkiga ee Afrika, waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay dhiggeyga Soomaaliya, wada-hada lladu waxay ku dhaceen jawi aad u diirran oo sii xoojinaya xiriirkeenna. waxaan ku celinnayaa muhiimadda aan siineyno madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. ” ayuu yiri Guuler kulanka ka dib.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaa liya ay ku guuleysatay in ay sameysato ciidamo Qaran oo ay la socdaan ciidamada Kumaando oska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaas oo ay isugu tageen dhalinyaro ay ka buuxdo wadaniy ad, ayuu yiri,isagoo xusay in dhallinyaradaasi ay noqdeen tusaale muhiim u ah qaaradda Afr ika.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlayCabdulqaadir Maxam ed Nuur ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Ma daxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan bo oqasho ku yimid Dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.
"Marka laga soo tago xiriirka ka dhaxeeya 2-da wasaaradood, heshiiska aan Dorraad saxii xnay waxaa ka mid ah in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ciidam ada iyo dhaqaalaha, waxaan aaminsanahay in heshiiskan uu sidoo kale wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya” ayuu intaa raaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Gen. Maxamuud Geelle Yuusuf Oo Muqdisho Ku Geeriyooday & Madaxwe ynaha JFS oo ka Tacsiyade eyey Geerida Marxuumka
Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyo oday Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badb aadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle Yuusuf kadib markii uu xan uunsanaa sanadihii la soo dhaafay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Md,Xasan Shekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qara abada iyo guud ahaan ummadda soomaaliy eed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Jeneraal Maxamuud Geelle Yuusuf oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka. Madaxweynaha ayaa xu say muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka, isaga oo Wasiir kasoo noq day Wasaar ado kala duwan, sidoo kale waxa uu soo qabtay xilalka Taliyiha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyihii maxkamadda badbaadada dalka.
Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxk amadii Badbaada Dalka sanadkii 1972-dii ilaa uu dalka galay xaaladii burburka sanadkii 1990-kii,waxayna ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo kacaan diidka .
Maxamuud Geelle Yuusuf ayaa ku noolaa mu ddo ku noolaa magaalada Geneva ee dal ka Switzerland, isagoo dhowrkiisa sano ee la soo dhaafay ku noolaa magaalada Muqdi sho,wax ana uu codsaday in dalka Soomaa liya dib loo gu celiyo gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Allaha u raxmadee Jeneral Maxamuud Gee lle Yuusuf waxaa uu ku dhashay magaa lada Qardho ee gobolka Bari sanadkii 1937-dii isa goo wax ku soo bartay dalka Taly aaniga.
Jeneral Geelle waxa uu ka mid ahaa sara akiishii inqilaabka dalka ka ridey 21kii Oktoo bar 1969kii.
Waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay do wladii hore ee Siyaad Barre wuxuu soo noqday taliyihii ciidanka Badda ee Soomaali ya, Aba anduule Ciidan iyo gudoomiyihii Maxkamadda Badbaadda dalka.
Allaha u naxariistee Maxamuud Geelle Yuusuf ayaa lagu wadaa in lagu Aaso magaa lada Muqdisho
Xigasho:-caasimadda.net
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay qiima ha sanadkan lagu tagayo Xajka
Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay aa soo saartay qoraal ku saabsan qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soo maaliyeed ee sankaan 2024.
Qoraalkaan oo ku socday Shir kadaha fuliya adeegga xajka ayaa lagu wargaliyay in qiimaha xajka ee sana dkaan uu noqon doono 4430 doolarka Marey kanka.
Qoraalkaan ayaa soo baxay kadib markii guddi khuburro ah oo loo xilsaarat arrimaha xaj ka ay muddo laba bilood ah ku soo diyaariye en qiimaha suurtagalka ah ee ku bixi kara xujeyda Soomaaliyeed ee doonaya in ay u safraan Dalka Sacuudi carabiya si ay u soo gutaan ciba ada xajka.
Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya oo Xalay ammar siiyay ciidanka Haramcad
Taliyaha Ccidanka booliska Somaaliyeed Sar eeye Guuto Sulub Axmed Firin
iyo saraa kiil la socotay ayaa Xalay korm eer ku tagay xerada taliska u ah
ciidanka Haramcad ee loogu magac-daray Gen Farxaan Qaroole.
Jeneraal Sulub ayaa warbixin ka dhage estay saraakiisha taliska u ah ciidanka Haram cad uu booqday, waxa ayna saraa kiisha taliya ha uga warbixiyeen shaqada ay ciidanka u haya an bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Muqdisho.
Taliyaha ayaa uga mahad-celiyay ciidan kan sida feejignaanta leh iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda am niga, waxa uuna ku ammaanay ciidanka doorka ay ka qaateen xasilinta caasimadda. Ugu Dambeyn taliyaha ayaa amray ciidam ada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeer arka ciidanka
Askar dishay wiilal kufsi ka difaacay walaa shood iyo Xil.Xaadoole oo ku hanjabay…
2 askari oo ka tirsan ciidankii lagu soo taba baray dalka Eritrea ayaa Habeen hore saqdii dhexe ka baxay xerada Hiilweyne ee dulee dka Muqdisho, kuwaas oo fal argagax leh u geystay qoys deganaa inta u dhaxe ysa Muq disho iyo Balcad.
Raggaas ayaa doonayey inay kufsadaan gabar u joo gtay reerka, balse waxaa ka difaa cay seddax wiil oo gabadha la dhalat ay, kuwa as oo mid kamid ah labadii askari ii too gtay.
Labo wiil oo walaalo ah ayaa halkaas ku gee riyootay, halka mid kale uu dhaawac halis ah soo gaaray, intaas kadibna waxaa goobta isaga baxsaday askartii falkaan geystay.
Wiilasha la laayey waxay ahaayeen shac ab oo hub ma aysan wadan, balse askartaan hub eysan ayey isku dayeen inay ka difaacda an wal aashood, si aysan u kufsan, sidaas ayey ku bad baaday gabadhii wiilashiina ku dhinteen.
Dad badan oo isugu jiray ehelkii wiilasha iyo xildhibaan Xaadoole oo qoyskaas ku metela golaha shacabka ayaa isugu tegay Dorraad goo btii uu Habeen hore falkaasi ka dhacay.
Xaadoole ayaa sheegay in falkaan aysan raali ka aheyn dowladda Soomaaliya, isla mar kaana uusan ka hari doonin oo sharciga uu horj eeni doonin raggii dilay wiilashiisa ee galay xera da ciidamada xooga dalka ee Hiilw eyne.
Deegaanka uu falkaasi ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Carafaag, wuxuu u dhow yahay xerada ciidamada ee Hiilweyne oo ku taalla inta u dhaceysa Muqdisho iyo Balcad, welina lama aasin meydadka wiilashii uu dilay askarigaas.
Xildhibaan Xaadoole ayaa dadka kula had lay deegaankii uu falkaasi ka dhacay wuxuu da dkiisa ka dalbaday inay is dejiyaan, isagoo cad eeyey in falkaas aysan dowladda iyo taliska ciid anka xoogga dalka aysan raali ka aheyn, isla markaana lagu wada xisaabtami doono wixii dhacay.
Muqdisho: Dilal argagax leh oo mar kale ka dhex dhacay Qoysas Soomaaliyeed
Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo Habeen hore ka dhac day degmada Kaaraan ee ma gaalada Muqdisho.
Dhacdadaan naxdinta leh ayaa la sheegay inay timid ka dib markii hooyo iyo wiilkeeda oo dhalinyaro ah ay tooreey ku dileen aabihii qoyska. Wararka ayaa sheeg aya in dilkaan toor eyda loo adeegsaday ee ay geysteen wiilka adeerka loo ahaa iyo hooyadiis uu ka dha shay khilaaf gac an ka hadal ahaa oo dhex-maray marxuumka la dilay iyo xaaskiisa.
Marxuumka ayaa ugu dambeyntiina dhiig bax ugu geeriyooday afaafka hore ee guriga, sida uu sheegay wiil yar oo ay wada dhaleen hooya da dilka geysatay iyo aabaha la dilay.
"Hooyo iyo Aabe ayaa markii hore isku buuqay oo aabe ayaa feer isha uga dhuftay hooyo, ka dibna hooyo qolka ayay gashay waxay wacatay wiilkeeda weyn oo banaanka ku maqna markii yimid hooyo iyo isaga aabe ayay toorey ku bilaabeen,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi kusii dar ay "Aabana bana anka ayuu u cararay oo inuu dhintay uma ma leyn lakiin dhiig bax ayuu ban anka ugu dhin tay.” Ninka la dilay ayaa la sheeg ay inuu kamid ah aa ganacsatada yar yar ee wax ku iibisa haree raha Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Laamaha ammaanka ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadaan argagaxa leh ee Habeen hore ka dhacday Kaaraan.
Sidoo kale, isla Habeen hore waxaa xaaf ada Daarus salaam ee degmada Yaaqshiid ka dhacay dil fool xun oo loo geystay haweeney laheyd uur 8 bilood ah, waxaana hoygeeda laga helay meydkeeda oo ay ku yaalaan dhaawacyo halis ah.
Weli ma cadda cida ka dambeysay dilka ha weeneydan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo xiray labo haween ah oo guriga la deg enaa iyo nin aan la sheegin waxaa uu yahay, iyadoo illaa hadda booliska aysan faahfaahin ka bixin.
Dhacdooyinkan ayaa qeyb ka ah dilal arg agax leh oo todobaadkan ka dhacay magaala da Muqdisho iyo meelo kale kuwaasoo ka dhex dhacay lamaaneyaal Soomaaliyeed oo nolosha wadaagay.
Dorraad ayey aheyd markii la qabtay haween ey lagu eedeeyey iney ninkeeda oo askari ahaa ku dishay xerada badbaado ee M/Muq disho,
Si kastaba, dilka ninkaan ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa dilalka argagaxa leh ee asb uucyo gudaheeda ka dhacay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo dhawaan uun nin uu xaa skiisa ku gubay magaalada Muq disho ka dib na maxsaday hase yeeshee laga soo gaqa btay gobollada dhexe ee soomaali ya haatana la waafajinayo caddaaladda.
Mid kamid ah laacibiintii xulka Galmu dug oo geeriyooday iyo Qoor-Qoor oo war kasoo saaray
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ay aa ka
hadl ay geerida ku ti mid mid kamid ah laacibiintii xulka Galmudug.
madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ka tacsiyadeey ey geeridii ku timid Muxyadiin Cabdi Muriidi oo kamid ahaa laacibiintii u qaaday koobkii ciyaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Baanadir.
"Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmu dug u qaaday koobkii ciyaaraha,” ayuu madaxw eyne Qoor-Qoor ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxa uu intaasi kusii daray "Waxaan ehelk iisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuun ka geer ida. Ilaahey haka sabar siiyo.
Xulka maamulka Galmudug ayaa dhawaan mar kii ugu horreysay ku guuleystay koobka ciyaar aha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaa dir ee lagu qabtay magaalada Muq disho.
Qoor-Qoor oo si weyn u garab taagna laacibi inta xulka Galmudug ayaa xanuunka geerida la wadaagay ehelka iyo asxaabtiisa, isagoo Alle uga baryay inuu ka sabar siiyo. Galmudug oo si weyn ugu dabaal-degtay guus hii koobka tartan ka ciyaaraha dowlad-gobolee dyada iyo gobolka Banaadir ayey Dorraad u ta hay maalin murugo, maadaama uu ka baxay mid kamid ah laacibiin tii xulka Galmudug u qaaday koobkii sanad kaan
.Muwaadin Soomaaliyeed oo tooreey lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa saacadihii la soo dhaafay wax aa ay muwa adin Soomaaliyeed oo lagu mag acaabi jiray Moha Daimon kudileen degaanka Soomaal ida u bad an tahay ee Belville ee Magaalada Ceptown.
Kooxaha oo dilka u adeegsaday Tooreey ayaa waxaa la sheegay inay muwaadinka Soom aaliyeed ay ka qaateen Gaari nooca raaxada ah oo uu ku Sha qeysanayay.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Soomaalida ku nool goobta uu dilka ka dhacay ay ku wargeli yeen falkaasi Booliska taas oo keentay in gacan ta lagu dhigo burca dii ka dambeysay dilka muw aadinka Somaliyeed.
War kasoo baxay Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa lavu xaqiijiyay soo qabashada ragga Bur cadda ah, iyaga oo sheegay inay Maxkamad horgeyn doonaan.
DFS oo ka hadashay waxa ka jira iney haw ada ka celisay diyaarad Caafimaad oo Har geysa u socotay
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ka hadashay war si weyn loogu faafiyay saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada oo la xariiray in dowladda Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarad ku soco tay magaalada Hargeysa oo la sheegay iney aheyd nooca gargaarka caafimaadka ah ee Air Ambulance.
Warkaan ku faafay baraha bulshada ayaa ahaa mid uu soo qoray ganacsade kasoo jeeda So maliland oo lagu magacaabo Ismaciil Axmed, ka asoo sheegay in dowladda Soomaaliya hawada ka celisay diyaarad qaadi laheyd walaalkiis oo Hargeysa ku xanuunsan.
"Dawladda Soomaaliya fasaxii hawada u diidday Air Ambulance lagu qaadi lahaa walaalk ay oo dhiig madaxa kaga furmay oo u baahday in Addis Ababa qalliin loogu sameeyo. Diyaa raddan yar ee ambalaaska ah oo hore u iman jir tay Hargeysa, ayaa si badheedh ah hay’addu u hor istaagtay in ay timaaddo Hargeysa iyaga oo og in xaalad caafimaad oo degdeg ah loogu ba ahday. Imika waxa aanu tacab kale u galnay in Jigjiga diyaaraddu ka soo degto oo ay halkaa ka qaaddo" ayuu yiri Ganacsade Ismaciil Axmed.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ka jawaabeysa eedeynta culus ee kasoo ye ertay ganacsadahaas ayaa meesha ka saartay jiritaanka la xariira eedeymahiisa, waxaana qor aal kasoo baxay hay'adda ku shaacisay ineysan jirin diyaarad gargaar caafimaad ah oo codsi u soo dirsatay, si ay uga degto garoomada dalka.
"Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, wa xay u caddeynaysaa muwaadiniinta Soomaa liyeed inaysan jirin diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo wax codsi ah usoo dirtay si ay uga degto garoommada dalka. Sidoo kale ma jirto diyaarad nooca gargaarka caafimaadka (Air Ambulance) oo laga celiyay ha wada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda Duulista Soomaaliya.
Eedeynta loo jeediyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegneysa, iyadoo bishii lasoo dhaafay hay'adda ay haw ada dalka ka celisay laba diyaaradood oo aan wadan wax fasax ah, kuwaas oo doonayay iney ka dagaan garoonka diyaaradaha ee Magaal ada Hargeysa.
Ciraaq oo ku hanjabtay inay ka baxayso isba haysiga Maraykanka ee ka dhanka ISIS
Ciraaq ayaa dhaleecayn xooggan u jeedisay Maraykanka, ka dib weerarkii ay ciidamada Maraykanku ku dileen hogga amiye sare oo ka tirsan malee shiyaadka ay Iran taageerto ee ku sugan dalka Ciraaq.
Afhayeen u hadlay Ciraaq ayaa weerarkan ku tilamaamay inuu ahaa, "shirqool loo fuliyey si ula-kac ah” oo muujinaya "inaan wax dan ah laga lahayn shacabka iyo shuruucda caala miga ah”.
Yaxya Rasool oo ah afhayeenka xafiiska ra’I isal wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in isbaha ysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ay Ciraaq u joogeen inay ka hortagaan kooxda ISIS "Hase ahaatee ay si joogto ah u weec inayaan ujeed ooyinkii ay dalkan u joogeen”.
Yaxya Rasool ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintani ay ku khasbayso xukuuma dda Ciraaq inay soo afjaraan ujeedada isbaha ysiga, kaasoo haatan noqday mid sabab u ah xasilooni darro, isla markaana Ciraaq ku riixaya inay ku dhex milanto colaadda.
Puntland oo gacanta ku dhigtay Saraakiil Ajaanib katirsan Al-Shabaab & Daacish
Taliska qeybta Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Bari ayaa deegaanka Bohol oo ka tirsan degmadda Uffayn Gobolka Bari ku qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish-ta oomaaliya.
War kasoo baxay Bool iska Gobolka Bari ay aa waxaa lagu sheeg ay in Saraakiisha la qa btay ay kala yihiin Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Max amed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya.
6-dii bilood ugu dambeeyay waxay Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku dhigeen Kooxo kala duwan kuwaas oo ka tirsan Daacish iyo Shabaab kadib hawl-galo laga fuliyey Gobolka Bari, kooxaha ayaa u kala dhashay Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya iyo Koon-furta Soo maaliya.
Ciidamada amniga ayaa xoojinaya hawl-galada si loo soo afjaro kooxaha khatarta ku ah amniga ayaa lagu soo geba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari.
Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan xubno katirsan Ururka Al-Shab aab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar dagaal la gala ciidamada Puntland.
Faysal Cali Waraabe: Waxan la yaabanah ay nimanka dhulkoodii aan xukumin ee Berbera inagu haysta
Guddoomiyaha Xisbiga Mu caaradka Somali land ee UCID, ayaa sheegay in Itoobi ya ay istimaasho Badda Cas, isla markaana ay xaq u leedahay in ay saldhig ku yeelato. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya anay xukumin qaybo badan oo Soomaaliya kamid ah, isla markaana anay suuragal ahayn in ay Berbera ka taliso.
"Waxan la yaabayaa nimanka Xamar joo ga, Xasan Sheekh iyo kooxdiisa, ee goofkii sii aan xukumin ee Berbera inagu haysta, ee dhulkiisii aan xukumin, heshiiskani waa heshi is dantee na ah, wax la iibiyay ma jirtee" ayuu yidhi Gud doomiye Waraabe.
Faysal waxa uu sheegay in khuburo Ingiriis ahi ay heshiiska u kala qorayso Soma liland iyo Itoobiya, waxa uuna sheegay in ay yihiin khub uro ku takhasusutay arrimaha sharciyada badaha.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay isticmaa sho Bada Cas oo ay alaabooyinku usoo ma raan, si daa darteedna ay xaq u leedahay in ay saldhig ciidan ku yeelato badda.
"Heshiis wanaagsan ayaynu galaynaa, oo shilinta laga dhilay, markaa waa khadar Alle in oo keenaye haynagaga dhawaaqina, nin ka dhimanaya noloshiinu yaanu idiin warramin" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.
Dowlada Soomaaliya ayaa heshiiska ku til Dorraady mid khatar ku ah madaxbannaa nida Soomaaliya, iyada oo sheegtay in anay aqbali doonin.
Kulan looga hadlay Amniga deegaanada Jubbaland oo ka dhacay Kismaayo
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbal and Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay xoojinta amniga iyo la dagaalnka dagaalamyaasha oo Dorraad lagu qabtay M/Kis maayo.
Madaxweyne Axmed Mad oobe ayaa Warbixino la xir iira howlaha nabadgalyada ka dhageystay saraakiisha ammaanka Maamul ka Jubbaland iyo halka ay marayaan howlgal ada lagula dagaalamayo Shabaabka.
Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa inta uu socday shirka kusoo Bandhigtay guulaha ciidan ka daraawiishta Maamulka iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen howlgaladii ugu danbeeyay ee ciidamada ka sameeyeen deegaannada Maa mulkaasi.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaasha Ciidamada, Wasiirka amniga Jubbaland iyo Mas ’uuliyiin kale waxaana laga hadlay dardar galin ta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xorey nta deegaanada ay ka joogaan Jubbaland
Maal-qabeen miyaa mise siyaasi Soomaal iga barta TikTok ku bixiyey $800,000?
Barta TikTok ee Soomaalida aadka u istic maasho waxaa saacadihii u dambeeyay ka taa gan hadal hayn ka dhalatay nin kusoo gala cinw aan ay ku qoran tahay "Walal” oo aan wadan muuqaal iyo sawir. inkaan ayaa wa xa uu billo gudahood hadiyad ahaan u siiyay dad kala duw an oo Live kaga jiray TikTok qadar lacage ed oo lagu qiyaasay 800,000 oo dollarka Marey kan ka, waa ku dhawaad 1 Milyan oo dollar.
Ninkaan oo sida muuqata aan dooneyn in la barto magaciisa rasmiga ah iyo muuq aalkiisa ayaa waxa uu lacagta siiya xidigaha caanka ka ah barta TikTok, dadka danyarta ah iyo kuwa taageera dowladnimada Sooma aliya, kuwaasi oo la arkay isaga oo diraya hadyaddo lacag ah oo Libaaxyo ah.
Sidoo kale, kuwa kale oo badan ayaa soo fariistay barta TikTok oo sheegay in Walal uu siiyay lacago, iyaga oo aan is aqoon.
Walal waxaa lagu muransan yahay qofka uu yahay. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin hanti badan haysta oo doonaya inuu ka farxiyo dadka Soomaa liyeed.
Halka kuwo kale ay aaminsan yihiin inuu yahay nin siyaasi ah oo weliba kamid ah mad axdii soo martay Soomaaliya ama kuwa had da xilka haya.
Qolo saddexaadna waxay aaminsan yihi in inuu yahay nin dano gaar ah leh oo dhaw aan la baran doono. Sheekada ninkaan kuma eeka barta TikTok oo keliya, waxaa lagaga doodaya baraha kale ee sida Facebook, YouTube iyo Ins tagram, iyada oo ninkaan lo ogu mahad-celiyay.
Sheekada ninkaan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu qaada dhigayay mareegaha kala duwan ee Internet-ka, iya goo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayay arrinka asi.
Kenya Airways Oo Bilowday Duullimaadyo Xamuul Oo Toos Ah Ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka
Diyaaradda Kenya Airways ayaa si toos ah u bilowday in ay isaga kala gooshto magaalada Sharjah ee dalka Imaaraatka Carabta iyo M/M uqdisho ee caasi madda Soomaaliya, waxaana Dorraad ka soo degtey garoonka Aden Cadde diyaaradii ugu horeysay ee Kenya Airways mud do labo sano kadib.
Shirkaddu waxay bilawday duulimaad tod dobaadle ah oo dhaqan gashay Jimcaha, Feb raayo 9, iyada oo qorshaheedu yahay inuu no qdo laba jeer toddobaadkiiba bisha Abriil.
Kannan Nachiappan, oo ah madaxa fulinta ee Global GSA Cargo, ayaa sheegay in du ullimaadyada tooska ah ee Imaaraadka iyo Soo maaliya ay dhimi doonaan waqtiga ay ku safr aan, ayna dhimi doonaan kharash aadka.
Kenya Airways waxay sheegtay inay sidoo kale dib u bilaabi doonto duullimaad yada toos ka ah ee rakaabka ee u dhexeeya Nairobi iyo Muqdisho laga bilaabo Febraayo 15, 2024.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweysay duulimaadka xamuulka ah ee ay shirkada Kenya Airways ay bilow day.
"Waxaan ku soo dhaweynaynaa Kenya Airways garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.”ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Hay’a dda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan. Shirkada Kenya Airways ayaa hore u iman jirtey magaalada Muqdisho hase yee shee waxaa ay joojisay kadib markii xiriirka Soomaa liya iyo kenya uu xumaaday xilligii uu madaxw eyne dalka Soomaaliya ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Natiijo xasasi ah oo kasoo baxday baari sta kiiska BIDEN
Waaxda caddaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Joe Biden uu guri giisa si "ula kac ah” ugu haystay dukumiintiyo sir ah oo ay dawladdu leedahay, xilligii uu xilka ka degey.
Waraaqaha uu haystay ayay ku jiraan dukumii ntiyo ku saabsan arrim aha ciidamada iyo siya asadda arrimaha dibad da ee Af ghan istan iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan amniga qaranka, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Waaxda Cadda aladda taas oo dhinaca kalena lagu sheegay inaan wax dacwad ah lagu soo oogayn mada xweynaha.
Warbixintan oo uu soo saaray baadhaha gaa rka ah ee loo xilsaaray kiiska madaxweyne Bid en, waa Robert Hur, oo la sii daayey Kha miistii ayaa ka tarjumaysa qiimayn iyo dhalee cayn xooggan oo loo jeediyey habka uu madaxweyne Biden u maareeyey waraaqaha sirta ah ee dawladda.
Hase ahaatee waxaa sidoo kale warbixintan lagu faah-faahiyey sababaha keenay inaan dac wad lagu soo oogin madaxweynaha.
Natiijada ka soo baxday baadhitaankani waxay hoos u dhigi doontaa in madaxweyne Bid en uu ku dhaliilo Donald Trump habka uu u maa reeyey waraaqaha sirta ah ee uu u qaatay gurig iisa raaxada eek u yaalla Florida.
Trump ayay u badan tahay inuu noqdo mu sharaxa la tartami doona Biden bisha Novem ber ee foodda innagu soo haysa.
Baadhaha gaarka ah ee kiiska madaxweyne Biden ayaa sheegay inay heleen caddaymo mu ujinaya in Biden uu si ulakac ah u haystay isla markaana u soo bandhigay waraaqaha sirta ah, kadib markii uu ka degey xilka madaxweyne ku xigeenka,ee uu noqday muwadinka caadiga ah.
Warbixinta baadhaha gaarka ah ayaa lagu shee gay in qaybo badan oo ka mida waraaqaha sirta ah ee la soo ururiyey in laga helay gurigiisa ku yaalla gobolka Delaware iyo sidoo kale wara aqihiisii Senateka ee jaamacadda Delaware,kuwaasi oo halkaas loo dhigay si khalad ah.
Biden ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in baadhaha gaarka ahi uu ka gungaadho baa dhista uu sameeyey, oo ah inaan wax dacwad ahi ka dhalan kiiskan, islamarkaana haatan ay tahay in kiiskani uu xidhmo.
Wuxuu sheegay inuu si gaar ah ula fadhiistay baadhaha gaarka, illaa shan saacadood oo su’aalo kala duwan la weydiinayey muddo laba maalmood ah gudahood ah oo ku beegnayd bishii October 8-deedii iyo 9-keedii ee sannadkii hore, oo ahayd maalin ka dib markii weerarka la gu qaaday Israa’iil.
Biden ayaa sheegay inuu waraysiyada sii nayey baadhaha, isaga oo la tacaalayey dhibaa tooyinka caalamiga ah ee markaas taagnaa oo ay ku jirtay arrinta Israa’iil.
Warbixintan ayaa soo baxday kadib baadhis la sameeyey muddo sannad ah, taas oo la ba adhayey eedo la xidhiidhay in madaxweyne Bi den uu si aan hagaagsanayn u maareeyey wara aqaba sirta ah ee dawladda ee yaallay gurigiisa, xafiiskiisii Senateka iyo kiisii madaxweyne ku xigeenka.
Nin saaxiibtiis kusoo dilay dalka Mareykan ka oo ka baxsaday xabsi kuyaalla dalka Kenya
Nin dil kasoo goostay gudaha dalka Mare ykanka dhawaana lagu qabtay M/Nair obi ee caasimadda dalka Kenya , ayaa lagu soo wara mayaa in uu ka baxsaday saldhig booliis uu ku xirnaa ninkan.
Kelvin Kangethe, oo 41 jir ah, ayaa ciida mada booliiska dal ka Kenya xireen isbuucii hore xilli uu kasoo baxay goob lagu cawe eyo oo kutaalla Nairobi, ninkan ayaana muddo wa xaa kudaba jiray booliiska Kenya iyo kan Mareykanka.
Maxkamad kutaalla magaalada Nairobi oo ninkan la saaray ayaa oggolaatay in muddo 30-cisho dheeraad ah xabsi lagu sii haayo, hasa ahaatee war kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ninkan uu ka baxsaday saldhiggii uu ku xirnaa Arbacadii.
Booliiska Kenya ayaana sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo ninkan ga cankudhiiglaha ee ka baxsaday xabsiga, waxa ayna dadka ka codsadeen in ay booliis ka lasoo xiriiraan haddii ay helaan xogta ninkan baxs adka ah.
Ninkan baxsadka ah ayaa bishii October ee sannadkii hore dilay saaxiibtiisa, waxa uuna me ydkeeda oo gaari ku dhax jira uga soo tagay ga roonka diyaaradahaBoston Log an, markaas uu usoo dhoofay dalka Kenya uu asal ahaan ka soo jeedo.
Waa kuma taliyaha cusub ee sirdoonka Ethio pia ee sida aadka uga hadla Sooma aliya?
Ambassador Ridwan Xuseen oo hore u ah aa la taliyihii hore ee Amniga Qaranka ee Ra’ iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed ay aa loo magacaabay Agaasima ha Guud ee Hay’adda Sirdo onka iyo Nabadsugida Qar an ka dalkaasi.
Da njire Ridwaan ayaa noqday madaxa hay’a dda sirdoonka dalka, isagoo bedelaya Temes eng Tiruneh oo loo magacaabay ra’ii sul wasa are ku-xigeenka Itoobiya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Was aare Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Danji re Ridwan uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka dalkaasi.
Waa kuma Ridwan?
Xuseen waxaa uu dashay 22 Sebtembar 1971, waxa uuna ka soo jeeda Koonfurta Itoob iya halkaas oo ay dagaan qowmiyadda Silte ee isagu ka dhashay.
Ridwan waxa uu shahaadada heerka koo bada ka qaatay Jaamacadda Addis Ababa sanadkii 1995 tii, isaga oo bartay cilmiga Bio logy- ka.
Shahaadada heerka labaad ayuu ka qaat ay Jaamacadda Pacific University 2006, isa ga oo bartay hogaaminta ururada.
Waxaa uu noqday macalin wax ka dhiga dugsiyo sare ee dalka itobiya. isaga oo macalin ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Dugsiga Sare ee Jinka ee Koonfurta Omo Zone iyo Dugsiga Sare ee Awolia ee Addis Ababa.
|
Danjire Ridwaan Xuseen ayaa sanadihii la soo dhaafay ka soo shaqeeyay xilal kala duw an oo uu kasoo qabtay dowladdda Itoobiya iyo xisbiga talada haya ee Itoobiya.
Dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee Tigrayga ka dib, markii xariirka Itoobiya iyo Ereteriya dib loo soo celiyay muddo labaatan sannadood ah kadib , waxaa danjire Ridwaan in muddo ah ku sugnaa Asmara isaga oo ahaa ergayga gaarka ah ee Itoobiya iyo safiirka u fadhiya dalkaas.
Sidoo kale waxaa uu soo noqday safiirka Itoobiya ee Ireland ka hor inta uusan noqon safi irka Eritrea ee dalkiisa.
Waxaa uu qabtay xilal kale oo ay ka mid yih iin wasiirkii isgaarsiinta, wasiirkii dhalinyar ada iyo ciyaaraha iyo xilal kale oo dowladeed.
Waxaa uu ku matalay ddowladda Itoobiya wada hadalo kala duwan oo Itoobiya ay la gas hay kooxaha kasoo horjeeda .
Wareeg labaad ee wada-xaajoodka Ciida nka Xoraynta Oromada iyo dowladda ay ku yee sheen dalka Tanzania waxaa uu ahaa masulkii matlayay dowladda Itoobiya.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Ridwan Xuseen, oo ahaa La-taliyaha Amniga Qara nka ee Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ahaa mada xa wa da-xaajoodka ugu weyn ee dawladda federa alka Itoobiya ee heshiiskii lagu soo afjarayo da gaalka gobolka Tigray.
Heshiiska oo ay wada gareen kooxda Tig ray iyo Xukuumada Adis Abab ayaa ka dhac ay Koonfur Afrika iyo Kenya.
Muxuu ka yiri heshiiska Soomaliland iyo Itoobiya?
Markii Dowladda Itoobiya iyo Jamuuriyada iskeeda ugu dhawaaqaday madax banaanida ee Somaliland ay heshiiska is-afgaradka ah ku gaareen magaalada Adis Abab, Danjire Ridw aan waxaa uu ahaa shaqsigii inta badan arrinta kaga hadlayay warbaahinta.
Bartiisa X (Twitter) ayuu dhawaabn ku soo qoray qoraal u muuqda in Itoobiya ay ka ha dlayso halka ay ka taagan tahay arrinta madax banaanida Soomaaliya iyo duurxul ku socda Masar oo Soomaaliya ugu yaboohday garab istaag milateri.
Masar iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxe eya xurguf ka dhalatay biya xireenka weyn ee Ito obiya ay dhawaan dhisatay wabiga Niil.
Ridwan Xuseen wuxuu bartiisa X ku qoray: "ka go’naanshaha Itoobiya ee nabad da iyo ama anka Soomaaliya waxaa lagu muu jiyey dhiigga iyo dhididka wiilasheena iyo gab dhaheenna qii maha leh. Itoobiya iyo Soom aaliya deris sooh din wadaaga kaliya ma aha, laakin waa dalal isku bah ah oo wadaaga luu qad, dhaqan iyo dad. Xiriirka isku keen haya waa mid xoog leh.
"Himiladeennu waa mid isku xiran oo aan la kala saari karin. Heshiiska is afgarad ee Somali land aan la yeelanay waa mid iskaashi iyo bahw adaag, kaasoo Itoobiya marin u siina ya badda marka xagga ganacsiga laga hadl ayo. Ma aha in aan dhul ku darsanayno ama in loo qaato madaxbanaanida dhuleed ee waddan”.
Qoraalka iyo hadalo kale oo uu la wadaagay warbaahinta dalkiisa ayaa ahaa kuwa uu ku matalayay dawladda Itoobiya. Isha: BBC
DA’YAR MUSLIM AH OO BADBAADIYAY NOLOSHA 29 QOF IYO ABAAL-MARIN MUHIIM AH OO LA SIIYAY!
Wuxuu abaalmarinta MBE ku
helay ba dbaadinta 29 qof oo rabay inay nafta is dhaa fiyaan ama naftooda
dilaan. Rizwan Javed waa Muslim British ah oo ka shaqeeya sal dhigyada
tareenada wuxuuna hadda magac iisa uga faa’iideysanayaa inuu maareeyo xaa
laddaha adag ee ka dhalata quusta, niyad jabka iyo buuqa oo qofka ugu dambeyn
ku kalifta inuu nafta is dhaafiyo.
Javed oo bariga London ku nool wuxuu mar kasta ku dadaalaa inuu qiimeeyo xaalad da qof walba oo soo ag istaaga barta tareen ku ka baxo – haddii uu ka dareemo inuu is dili rabo ama uu isku dhigi rabo tareenka, wuxuu isku dayaa inuu la hadlo oo uu dejiyo xaal kiisa.
33 jirkan ayaa baraha bulshada sida Tiktok iyo Instagram ku leh koontooyin uu kula ha dlayo dadka la dhiban ama wajahaya xaal adaha adag ee quusta iyo walbahaarka miir an ah. "Dunida dhexdeeda, bani aadannimadu malahan seero ama soohdin gaar ah – innaga oo aan isku eegeynin diin, waa muhiim inaan keenna xaaladda adag ku jira garab siinno,” ayuu yiri.
Marka loo eego Machadka Caafimaadka Dhimirka, is-dilku waa sababta labaad ee dhi mashada ku keenta da’da u dhaxaysa 10 jir ilaa 34 jir.
Islaamku waa mamnuucay in qofku naftii sa gooyo. Wuxuuna dhiirrigeliyay in Muslim iintu ay isku gurmadaan si midkoodna uusan u dareemin kelinimo iyo in la cidleeyey!
Hungary iyo Midowga Yurub oo ay ka dhex tafatay
Hungary ayaa iska fogaysay eedo uga yimi sharciga cusub ee ay ugu magacdareen sharciga ilaalinta madaxbanaanida.
Tallaabada Hungary ayaa imaaney
sa ka dib markii ay Midowga Yurub sheegeen inay qaadayaan tallaabo ka dhan ah sharcig an, oo ay u arkaan inuu yahay mid ku xad-gudba ya xuquuqda aasaasiga ah ee nidaamka dimoqraadiyadda.
Hungary ayaa bishii December ee sannad kii hore meel-marisay sharciga qaran ee ilaalinta madax-banaanida.
Sharcigaan ayaa waxa uu aas-aasaya waax gaar ah oo baadhis ku samaynaysa cid kasta oo loo tuhmo inay dhaqaale ka helaan cid ajnebi ah, islamarkaana saamayn ku yee sha doodaha dadweynaha.
Sharcigan ayaa mamnuucaya in dhaqa alaha laga helo debedda in loo isticmaalo arrimaha doorashooyinka, ciddii jebisana, la gu xukumi doono illaa saddex sannadood oo xabsi ah.
Dadka sharcigan diiddan, ayaa ku eeday naya inuu yahay sharci furan oo saamayn ku yeelanaya dad aad u ballaadhan, isla marka ana uu taabanayo nolosha dadweyna ha.
Ciidanka Israel oo duqeyn ay dad ku dhint een ka geystay Konfurta Lubnaan
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay duqayn ku qaadeen baabuur mara yay koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Isra el ayaa duqayn ku qaaday baabuur marayey bartamaha magaalada koonfurta Lubnaan ee Nabatieh, waxaana ku dhintay ugu yaraan saddex qof, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Lubnaan ee NNA.
NNA ma aysan sheegin magacyada dadka ku dhintay duqeynta, balse ciidamada Israel ayaa CNN u sheegay inay fuliyeen weerar ay ku qaadeen "Taliye Hezbollah ka tirsan oo ku lug lahaa tiro gantaalo ah oo lagu weeraray aagagga Kiryat Shmona iyo Metula ee waqooyiga Israa’iil.
Israel waxay sheegtay in duqeyntan ay u tahay duullaanka lagu qaaday Kiryat Shmo na.
Ururka Xisbullah ayaa xaqiijiyay in suba xnimadii Khamiista ay gantaallo ku garaac een dhowr goobood oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Israa’iil oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada gantaallada ah ee Xisbullah.
Hezbollah ayaan weli ka hadlin wararka sheegaya in mid ka mid ah taliyaasheeda lagu dilay duqeynta Israel, balse goor dambe oo Khamiistii ah, kooxda ayaa ku dhawaaq day inay fulisay gantaallo kale oo ay ku bartil maameedsatay militariga Israel ee ku sugan saldhigga Meron ee Israel.
Baaritaan ku socda Wasiirad shaqadeeda ku weysay fadeexad la soo deristay
Booliska Norway ee qaabilsan danbiyada agaasiman ee dhaqaalaha la xiriira ayaa kiis-dacwadeed baaritaan ah ku furay wasiiradii hore ee dhaqanka Norway, Anette Tretteberg stuen.
Kiiska baaritaanka ah ayaa la xiriira in wasiiradu ay shaqo sarre oo ah gudoomiyaha gudiga guriga dhaqanka ee opera ay u maga cowday saaxiibadeed aad ugu dhow.
Sida uu sharciga Norway qabo, waxa aheyd in wasiiradu ay banaanka ka istaagto dhamaan howlaha la xiriira shaqo bixinta saa xiibteed, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo cadaa ladda shaqo-bixinta, maadaama ay aad isugu dhowyihiin. Wasiiradda ayaa jabisay xeerkaas, taasoo markii danbe sabab u noqday inay xilkeedii wasiirnimo isaga tagto fadeexada la soo deri stay awgeed.
Wasiiradda oo xilka iska casishay bartama ha sanadkii hore ayaa ku eedeysan inay jabis ay sharciga Norway ee dhigaya in qofkii haya xil dowladeed uusan si toos ah u magacaabi karin qof saaxiibkiis dhow ama qoyskiisa ah. Taas badalkeedana uu kiisaska magacaab ista qofkaas u madax-baneeyo dadka kale ee aan xiriirka toos ah la laheyn qofka.
Wasiiradii hore ayaa iska fogeysay dhamaan eedaha loo soo jeediyay, waxeyna sheegtay inaysan jabin wax qodob sharci ah. Iyada oo raacisay inay ka jawaabi doonto dhamaan su aalaha ay qabi karaan saraakiisha baaritaanka Økokrim.
UNICEF: Gaajo iyo cudur ayaa cirka isku sha reeri doona haddii Rafah la weeraro
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabils an carruurta ayaa ka digtay qorshaha milita riga Israa’iil ku doonayaan iney ku weeraraan degaanka Rafah oo ka tirsan marinka Gaza iyadoo xustay inay jiraan in ka badan 600,000 oo carruur ah oo aaggaas ku sugna.
Agaasimaha fulinta ee UNICEF Catherine Russell ayaa sheegtay in weerarka lagu qaa do Rafah uu calaamad u noqon doono dagaal kale oo ba’an iyo masiib bani aadamnimo.
Waxay sheegtay in kumanaan kale ay ku dhiman karaan duqeymaha, rabshadaha iyo in la waayo adeegyada muhiimka ah, ayna sii carqaladayn karto gargaarka bini’aadanti nimo.
"Waxaan u baahannahay cisbitaalada ugu dambeeya ee Gaza, hoyga, suuqyada iyo nidaa myada biyaha si ay u sii shaqeeyaan,” ayey tiri Russell "La’aantood, gaajo iyo cudurro ayaa cir ka isku shareeri doona, oo ay carruur badan ku dhiman doonaan.” In ka badan kala bar dadka Marinka Gaza ee 2.3 milyan ah ayaa u qaxay Rafah, iyaga oo u hoggaansamay amar ada daadgureynta Israa’iil ka hor duullaanka dhulka.
Qoys doortay in ay noloshooda ku dhex qaataan hoteel five star ah iyo Sababta keentay!
Qoys Shiinees ah ayaa hadalheyn weyn ka dhex abuuray baraha lagu xiriiro ee dalka as kaddib markii ay doorteen inay nolosho oda caadiga ah ku dhex qaataan hoteellada casriga ah – iyaga oo sida guryaha caadiga ah oo kale u kiraysanaya. Sababta ayay ku sheegeen inuu qiimo aha an u jaban yahay – isla markaana uu leeya hay damaanad ha iga guurin ah. Waxay shee geen in waqtigan la joogo ay kaga maarmi karaan inay iibsadaan guri ay gaar u leeyihiin.
Qoyskan oo ka kooban 8 qof ayaa si caadi ah ugu nool hoteel kuwa raaxada ah kamid ah oo ku yaalla Nanyang. In ka badan 240 maalmood ayay hadda joogaan mana qorshe ynayaan – dhawaa iyo dheeraaba – inay ka guuraan. Maalin walba waxay ku degan yihiin hoteelkan lacag dhan 1,000 yuan or $140 oo sida ay sheegayaan aad uga jaban marka lala barbardhigo guryaha kale ee dabaqyada ah oo magaalada ku yaalla.
Labo qol oo jiif ah: ardaa weyn oo fadhi ah oo loo dhameystiray naashnaash iyo agab oo dhan ayay subax walba kasoo dhex toos aan. Qofka caadiga ah wuxuu moodayaa inay yihiin dad safar ah oo dalxiis iyo dano kale u jooga hoteelka. Laakiin, warkooda hadda wuxuu qabsaday guud ahaanba Shiinaha.
Waxay sheegeen inay ku dareemayaan hoteelkan raaxo ku filan oo ay kaga kaaftoo mayaan kiraysiga guryaha kale ee caadi ahaan loo dego. Adeegyada biyaha, koronta da iyo wixii la halmaala ayay tilmaameen inaysan ma rnaba ka joogsan ama ka tagin taas oo ka caaw isay inay halkan ka yeeshaan rugta noloshooda.
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 10-KA FEBARAAYO 2024-KA
..