WAA WARARKA WARGYEKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA LUULYO 2016-KA

0
Sunday July 03, 2016 - 09:35:17 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYEKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 3-DA LUULYO 2016-KA

    MADAXWEYNAHA OO XAFLAD SAGOOTIN AH U SAMEEYAY TODOBAADKA XORRIYADDA Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay Xaflad Casho Sharaf ah oo lagu Sagootinayay Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya u Sameeyay Masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Maamulka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO XAFLAD SAGOOTIN AH U SAMEEYAY TODOBAADKA XORRIYADDA Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xalay Xaflad Casho Sharaf ah oo lagu Sagootinayay Todobaadka Xorriyadda Soomaaliya u Sameeyay Masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Diblumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, iyo Xuno matalayay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo ku hadlayay Magaca Madaxweynaha JFS, ayaa gabagabadii xafladda sheegay in Munaasabaddan uu soo qaban qaabiyay Madaxeynaha Soomaaliya, Ujeedkuna uu ahaa sagootinta dabaaldagyadii Maalmaha Xorriyadda oo si weyn oo isku mid looga wada Xusay Soomaaliya iyo Caalamka meel kasta oo ay Soomaalidu ku nooshahay.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in sidoo kale munaasibadda la iskula wada dardaarmay in si wadajir ah looga wada qeybqaato ilaalinta Midnimada Soomaaliya iyo laga wada qeyb qaato ilaalinta nabadda iyo hormarka Soomaaliya.

AXMED NUUR JIMCAALE OO WAREYSI KAGA HADLAY TALLAABADA LOOGA SAARAY LIISKA ARGAGAXISADA

Ganacsadaha caanka ah ee Axmed Nuur Cali Jimcaale, ayaa waxaa uu ka hadlay tallaab ada uu Mareykanka kaga saaray liiska dadka lala xiriirinayo falalka ku lugta leh arrimaha argagax-isada.

Waaxda Maaliyadda Mareykanka, ayaa toddobaadkii hore liiska argagaxisada ka saartay ganacsadahan Somaliyeed, iyadoona qoraal ay soo saartay soo gaarsiisay Dowladda Jabuuti, oo ganacsadaha lagu ogeysiinaayay in liiskii laga saaray.

Axmed Nuur Cali Jimcaale, ayaa ahaa Madaxii Shirkaddii Barakaat ee sanadkii 2001-dii uu Mareykanka saaray xanibaado, iyadoo laga mamnuucay safar dibadeed oo dhan, sidoo kalana waxaa uu Mareykanku xanibaado dhaqaale ku soo rogay Barakaat.

Ganacsadahan oo iminkan ku sugan Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa si diiran u soo dhaweeyay in Mareykanku uu ka saaro liiska argagaxisada, inkastoo aan weli-

Xayiraadaha laga qaadin hantidii Barakaat.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in warkan ay soo gaarsiiyay Jamhuuriyadda Jabuuti, maalin ka dib markii Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay u soo sheegtay in ganacsadaha caanka ihi ay ka saarayso liiska argagaxisada.

Axmed Nuur waxaa uu sheegay in uu fillaayay maalin uun in la cadayn doono inaanu waxba ka jirin tuhunkii loo haystay, maantana ay taasi cadaatay.

Ganacsadaha waxaa uu ka mahadceliyay is garabtaaga ay is garabtaagtay ummada Somal iyeed, isagoona si gaar ihi ugu mahadceliyay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

xayiraadaha laga qaadin hantidii Barakaat.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in warkan ay soo gaarsiiyay Jamhuuriyadda Jabuuti, maalin ka dib markii Waax-da Maaliyadda Mareykanka ay u soo sheegtay in ganacsadaha caanka ihi ay ka saarayso liiska argagaxisada.

Axmed Nuur waxaa uu shee-gay in uu fillaayay maalin uun in la cad-ayn doono inaanu waxba ka jirin tuhun-kii loo haystay, maantana ay taasi cad-aatay.

Ganacsadaha waxaa uu ka mahadceliyay is garabtaaga ay is gara-btaagtay ummada Somaliyeed, isag-oona si gaar ihi ugu mahadceliyay Mad-axweyne Ismaaciil Cumar Geele, Mada-xweyen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.



KHADKA CUSUB EE TAREENKA ISAGA GUDBAYA DALALKA ITOOBIYA IYO JABUUTI OO DHAWAAN LA HAWLGELINAYO

Khadka cusub ee tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa in si buuxda loo hawl gasho.

Sanadka soo socda ee 2017 oo muddo bilo ah un ay haatan naga xigto ayaa waxaa lagu wadaa in khadkaa xaddiidka ah ee korontada ku shaqeeya uu bilaabo shaqo buuxda isla mark aana loo adeegsan doono si buuxda.

Sidaa waxaa sheegtay oo laga soo xigtay Waaxda Khadka Tareenada ee Itoobiya ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano ERC.

ERC ayaa sheegtay in shaqadii laga haayay khadka 98% haatan ay diyaar tahay oo la dhammaystiray.

Kasakow inuu dhaqaalaha gobolka saacidi doono khadkaasi cusub hadana wuxuu soo gaabin doonaa waqtiga safarka oo awal ahaa maalmo dhowr ah hadana wax ka yar hal maalin!

Tareenada adeegsanaaya khadkaa ayaa waxay adeegsanayaan koronto sidaa daraadee dna waxaa baaqan doonta sida lagu wado lacagtii ku bixi jirtay shidaalka lagu isticmaali jiray tar eenadii hore ee shidaalka.

Sidoo kale ayaa tareenada khadkaan cusub aysan sii deyn doonin qiiq sidaa daraadeedna waxaa qiiqii ka badbaadi doona deegaanka.

Tareenkaa ayaa Itoobiya usoo waaridi doona alaabada uga soo daga dekada Djibouti oo had iyo jeer wax uga soo dagaan maadaa ma Itoobiya aysan bad lahayn.

MAREYKANKA OO SOOMAALIYA UGU HAMBALYEEYAY MAALINTA XORRIYADDA EE 1 LUULYO

Dowladda Mareykanka, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeysay 56 sana guuradii ka soo wareegatay markii Soomaaliya ay xurnimada qaadatay, kowdii July ee 1960kii.

War ka soo baxay xafiiska xoghaya wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa waxa uu lagu sheegay in Kerry uu hamblayadaasi u diraayo shacabka Soomaaliyeed isagoo ku hadlayo magaca madaxweyne Obama iyo midka shacabka Mareykankuba.

Xoghaye Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageereyso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyad fadhida.

Warka Xoghaye Kerry, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uu ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid dhabbaha u xaarta dimuqraddiyadda, ammaanka iyo in barwaaqo la gaaro.

Waxa uu intaasi ku daray in Mareykanku uu ku faraxsan yahay in si rasmi ah safaaraddii Soomaaliya ee Washington dib loo furey Novembertii tagtay, iyadoo sidaasi si la mid ahina ay Mareykanku Soomaaliya u dirayaan danjirahoodii muddo 25 sano kadib.

Kerry ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad adag, sida uu ka dhawaajiyay markii uu Muqdisho tagay bishii May. Waxa uu u rajeeyay maalinta Kowda July darteed Soomaalida oo idil farxad iyo nabad.

AMISOM OO DIYAARADO KU WEERARTAY SALDHIGYO AY ALSHABAAB KU LEEDAHAY GUDAHA SOOMAALIYA

Sida lagu qoray barta wararka ee wargeyska maalinlaha ah ee Kenya kasoo baxa ee The Star, ciidamada Kenya ee KDF ee AMISOM ayaa diyaarado ku duqeeyay xeryo Alshabaab oo kuyaala degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee waxay sheegeen ciidamada KDF ee AMISOM inay dileen tiro Alshabaab ah walow aysan tirada rasmiga ah ee sida ay sheegeen ay meelahaa ku dileen aysan hayn.

Waxay kaloo sheegeen in hub badan ay ka burburiyeen xarakada Shabaab. Waxay sidoo kale ciidamada KDF sheegeen in Alshabaab ay ka gubeen gawaari tikniko ah kadib markii goobahaa ay bartilmaansadeen ayna duqeeyeen.

Waxay intaas ku dareen in lix fariisimo oo Alshabaab ay beegsadeen isla markaana burburiyeen.

Gudaha Kenya ciidamada KDF waxay sheegeen in Arbacadii aanu soo dhaafnay ay deegaanka Baure ee degmada Lamu ay ku dileen afar qof oo Alshabaab ahaa. Si kastaba, waxay sheegeen in waqtigaa ay dilayeen afartaa hal askari oo KDF ka tirsan halkaa lagu dhaawacay.

Ciidamada Kenya ayaa la dagaalamaayay Alshabaab tan iyo sanadkii 2011 markii ciidamada Kenya ee KDF loo diray gudaha Soomaaliya.

WASIIRKA CUSUB EE WASAARADDA WAXBARASHADA OO LA WAREEGAY XILKA WASAARADDAASI

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Dr Cabdulqaadir Cabdi

Xaashi ayaa shalay la wareegay xilka Wasaaradda, waxana munaasabadda Xilwareejinta oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano Maamulka Wasaaradda

Waxbarashada iyo marti sharaf kale.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ku wareejiyey warqadaha shaqada ee Wasaaradda Wasiirka Cusub, waxana uu faahfaahin ka bixiyey wax yaabihii u soo qabsoomay mudadii ay

xilka haysay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Khadar Bashiir Cali.

Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac IlkaJiir oo ku hadlayay magaca Xukuumadda ayaa hambalyo u direy Wasiirka Cusub, wuxuna Alle uga baryey in shaqadiisa u fududeeyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada, isagoo xusay in uu halkaa ka sii wadi doono shaqada

Wasaaradda, isla markaana ka rajeynayo in shacabka Soomaaliyeed ay kala shaqeyn doonaan kor u qaadista Waxbarashada dalka.

TARSAN OO SHAKI GELIYAY MADAX BANAANIDA GUDDIGA DOORASHOOYINKA

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa shaki geliyay madax banaanida Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u magacaabay.

Guddigaan ayaa ka kooban 22 ruux oo 7 ka mid ah ay yihiin Haween, kuwaasi oo Madaxw eynaha Digreeto uu ku magacaabay, kadib cabasho badan oo ka timid Guddi hore uu Madaxwey naha magacaabay.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa shaki geliyay madax banaanida Guddigaan, isaga oo sheegay inay ku jiraan xubno la shaqeeya Xafiisyada sare ee dalka.

Waxa uu sheegay xubnahaasi la shaqeeya Madaxda sare ee dalka inay shaki gelin karaan madax Banaanida Guddiga Doorashooyinka oo loo baahan yahay inay ka madax banaanadaan Madaxda Dowladda.

"Guddiga doorashada sideedaba waxaa loogu talo galay inay ahaadaan guddig dhex dhexaad ah oo dadka ku tartamaya doorashada aanay xiriir la laheen, inkastoo guddiga dhawaan la magacaabay uu sidii hore dhaamo ayaa weli waxaan arkeynaa la taliyeyaashii madaxda sare oo guddiga ku jira, waxay abuureysaa shaki, shacabka kalsoonidiisa waxbay u dhimeysaa, dad doora shada hammi uga jiro dad la taliayeyaal u ah inay soo galaan looguma talogelin, dareenkaasi aya an qabnaa.” Ayuu yiri Tarsan.

Somaliya ayaa la filayaa Bil kadib inay ka dhacdo Doorasho sida qorshaha uu yahay, iyadoo aysan muuqan Diyaargarow badan oo loogu jiro Doorashada.

Madax banaanida Guddiga Doorashada dalka ayeey madaxda Xisbiyada ku sheegeen inay keeni karto Doorasho xalaal ah inay dalka ka dhacdo.

CUDURKA JADEECADA OO FARA BA’AN KU HAYA DEEGAANADA HIIRAAN IYO SH. DHEXE

Hay’ada Galbur Foundation oo ka hawlgasha gudaha dalka oo bishan barakaysana ka wa day hawlo bani’bani’aadanimo degaanada gobolka Hiiraan ayaa waxay soo saartay warbixin iyo digniino ku aadan cudurka Jadeecada oo ay dad ugu geeryoodeen deegaanada hoos taga deg mada Buula Burte.

Beryahan waxaa la tacaalaynay sidii loo xakameyn lahaa cudurka shuban biyoodka ayaa hadana waxaa uyadana dhinac socota cudurkan jadeecada oo isaga ah dilaa isla markaana ku faafa si deg deg ah sidaa waxaa yiri Ustaad Abdullahi oo ka mid ah Hawl wadeenada Hay’ada.

Lixdii bilood ee ugu dambeysay waxaa u geeriyooday xanuunka Jadeecada caruur fara ba dan halka qaar kalena ay ku waayeen aragooda.

Hay’ada Galbur Foundation waxay ka codsanaysaa dhamaan hayadaha adeega caafimaad ka kuwa dawliga ah iyo kuwa gaar loo leeyahayba inay la soo gaaraan talaalka jadeecada degaan adan.

Aabe Cabdulqadir oo usbuucii hore wiil yar oo 20 jir uu ka galaaftay cudurkan isla markaana mid kale uu indho la’aan la ildaran yahay ayaa waxa uu muujiyay cabsida iyo murugada la soo dari stay waxa uuna iilaahey ka baryaayaa inuu ka qaado xanuunkan ?Deegaanada uu saameynta weyn ku haya waxaa ka mid ah Deegaanka Dabayoidle, Dhagaxyaale, Ceymoy, Gubadle iyo Caag Bashiir oo ah degaano hoos taga degmada Buula Barte.

FIQI "SOMALIYA SHALAY MEESHA UGU QATARSAN AYEEY MARAYSAA”

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa ka deyriyay Marxalada Somaliya xilligan ay ku sugan tahay, marka loo eego Qaranimadii Somaliya iyo sidii muwaadiniin badan dhiig ay ugu daadiyeen.

Fiqi wuxuu sheegay Somaliya hadii aanan loo helin hogaan cadaalad ah oo ka samata bixiya marxalada dalka hada uu ku sugan yahay in xaalada ay noqon doonto mid qatar ah.

Xaalada Somaliya ee waqtigan ayaa wuxuu ku sifeeyay inay tahay mid halis ah oo ceel dheer ay ku sii dhaceyso Somaliya, hadii aanan la helin hogaan badbaadiya.

"Halgankii laga sheekeeyay ee SYL, 13kii dhallinyaro ay soo mareen shalay ayeey u baahan tahay in dib loo billaabo, Somaliya shalay meesha ugu qatarsan ayeey maraysaa runtii, waad maqasheen hadda sida looga sheekeeyay kala qeybsanaan, xuduudda la isku sameeyo, qabaa’il madaxweynayaal loo sameeyo, runtii Soomaaliya ceel bay kusii socotaa, inaan ka badbaadinno ayaa la rabaa, waa in dadkeena u istaagaan badbaadintaasi, haddii aanu dadkeenna u istaagin lama arki doono caruurteenna dhul ay ku faanaan, aanu ka wada shaqeynno qarannimadeenna iyo dowladnimadeenna, aan iska dhaafno hamiga siyaasadeed ee loo marayo waxyaabaha aan damiirta lahayn.” Ayuu yiri Wasiir Hore C/xakiin Xaaji Fiqi.

Somaliya ayaa todobaadkaan waxa ay u dabaal degtay Todobaadka Xuriyada, iyadoo aysan jirin xuriyad badan oo madaxda dalka iyo Dadka Somaliyedba ay haystaan.

Dhul badan oo Somaliya ay laheyd ayaa waxaa si xoog ah ku qaatay Dowladaha deriska la’ah dalkeena Somaliya, Madaxda Dowladda ayaana qaab siyaasadeysan maskaxda looga haystaa.

WARARKII UGU DAMBEEYAY MADAAFIICDA LAGU GARAACAY MAGAALADA BAYDHABO

Waxay warar dheeraad ah ka soo baxayaan Khasaaraha ka dhashay Madaafiic shalay aroortii Ururka Al Shabaab ay ku garaaceen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, xilli dadka reer Baydhabo intooda badan ay isku diyaarinayeen tukashada Salaada Subax.

Inta la xaqiijiyay Afar ruux oo dad shacab ah ayaa ku geeriyootay Madaafiicdaasi, kadib mar kii dadkaan uu ku sugan guryahooda Madaafiicda ay ku dhaceen.

Dad kor u dhaafaya 10 ruux oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen Madaafiicda ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo, Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa halkaasi ugu fidinaya Dary eel caafimaad oo ku aadan dhaawacyada soo gaaray.

Dad badan ayaa isugu yimid Isbitaalka Magaalada Baydhabo, kuwaasi oo eegaya dadka dhaawacyada ay ka soo gaareen Madaafiicda shalay Ururka Al Shabaab ay ku garaaceen Magaal ada Baydhabo.

Madaafiicdaan oo ilaa 15 Madfac gaaraayay ayaa la sheegay inay ku kala dhaceen xaafad da Isha, Xerada Tababarka Cali Salaamey iyo Nawaaxiga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo.

Inta badan Madaafiicda ayaa waxa ay ku dhaceen guryo ay ku sugan yihiin dad rayid ah kuwaasi oo Khasaarooyin kala duwan kala kulmay Madaafiicda.

Dadka reer Baydhabo ayaa si weyn u hadal haayo Madaafiicdaan shalay aroortii lagu garaa cay Magaalada iyo Khasaaraha ka dhashay.

Shabaabka oo ka dambeeyay Duqeyntan ayaa sheegtay inay la eegteen Xarumaha Maam ulka Magaalada Baydhabo iyo Xerada ciidanka Itoobiya ee ku taal Magaaladaasi.

Masuuliyiinta Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay Saxaafadda kala hadli doonaan Khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi, iyagoo sheegay Shabaab inay beegsadeen dad shacab ah.

MAXKAMAD KU TAALA DALKA NORWAY OO MUWAADIN SOOMAALIYEED KA CAFISAY DIL UU HORAY U GEYSTAY

Dhageysiga dacwadda iyo Doodda ku saabsan kiiska loo haystay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabo Malik Yuusuf oo ka socotay muddo afar maalmood ah gudaha Maxkamadda magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norway ayaa lasoo gebagebeeyey.

Kiiska dacwadaan oo aan la furin tan iyo sanadkii 2002dii ayaa dib uga bilowday magaala dani Tromsø ee ugu weyn woqooyiga dalka Norwey talaadadii lasoo dhaafay taasoo socotay mu ddo afar maalmood ah,iyadoo taasina ay sabab u tahay kadib markii uu racfaan qaatay Maalik xilligaas kana baxsaday Norway oo ay baaris iyo dabagal ku hayeen halkii uu ubaxsaday.

Maalik Yuusuf ayaa bishii November sanadkii 2001dii ku dilay magaalada Storslett ee Gobolka Nordreise ee dalka Norway muwaadin kale oo soomaaliyeed oo lagu magicaabo Ali Moha med kadib markii uu saddex jeer Mindi ka geliyey Dhabarka dhaawacaasina uu u geeriyooday.

Xeerilaaliyaha Guud ee Maxkamadda ayaa dhagestay Dacwadoogaha Dowladda Norway iyo Qareenka difaacayay Wiilkaan dilka geystay oo la sheegay in khilaafkoodu marka hore ka bilowday arrimo ku saabsan qabaa,ilka.

Xeerilaalinta maxkamadda Tromsø ayaa ku dhawaaqday Go.aankii ugu dambeeyey ee kiiska dacwaddan iyadoo la cafiyey malik kadib markii uu qareenkiisa ku dooday inuu isdifaacayay balse maxkamaddu waxa ay shaacisay inaysan kala saari karin in ninkaasi uu si ula kac ah udilay iyo inuu isdifaacayay, sidaas darteedna ay maxkamaddu qaadatay go,aankaas.

Malik ayaa u baxsaday Ingiriiska kaddib markii uu dilkaasi geystay isagoo magangelyo ka helay haseyeeshee bishii feebaraayo ee sanadkaan 2016ka ayaa policeka caalamiga ah ee Inter pol usoo gacan geliyeen Dowladda norway kadib markii fara dambiyeed laga helay isagoo ku sug an dalka Uk. Ugu dambeyn, Goobjoogayaashii dhageysig Dacwaddan loo heysto Malik ayaa filay ay in uu wajahi doono xukun dhan todoba sano ama ka badan inkastoo ay maxkamadu qaadatay Go’aan ka duwan natiijadii ay sugayeen waxaana arrintaan si weyn diiradda usaarayay Tvyada iyo wargeysyda waaweyn ee Dalkani Norway.

FAAH FAAHIN AABBAHA IYO CARRUURTA UU DHALAY EE LAGU DILAY QARAXII DEEGAANKA LAFOOLE

Ugu dambeen waxaa la xaqiijiyay in aabe iyo laba carruur ahayd uu dhalay ay ka mid ahaay en 18kii qof, ee lagu dilay qaraxii Khamiistii ka dhacay Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Aabahan, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Ayaanle, waxaana qaraxaasi kula dhintay wiil iyo gabar uu dhalay, oo lagu kala magacaabi jiray C/khani iyo Xafsa.

Ayaan Maxamed Xersi oo adeer uu u ahaa aabaha dhalay carruurtan, ayaa waxay sheegtay xilligii uu gaarigu qaraxa ku haleelaayay Lafoole in ay ku sii jeedeen Degmada Afgooye, oo carru urta hooyadood ay degan tahay.

Ayaan Maxamed waxay sidoo kale sheegtay in hooyada dhashay carruurtan ay kala tag geen aabahood, islamarkaana ay wax carruur ihi ka qabtay C/khani iyo Xafsa oo qura.

Ayaan oo la hadashay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa xustay in hooyadan ay miyir daboolantay, ka dib markii loo soo sheegay warka ku aadan geerida ubadkeeda.

Qaraxan oo lagu aasay wadada horumarta Lafoole ee tagta Afgooye, ayaa qabsaday gaari Caasi ahaa oo rakaab ka qaaday Magaalada Muqdhisho, una waday Afgooye.

Gaarigan, ayaa si xun ugu burburay qaraxaasi, oo ahaa mid xoogan, waxaana si wayn looga maqlay Lafoole iyo goobaha kale ee ku dhow dhow.

MADAXWEYNE XASAN OO LA TALIYIHIISA U MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DOORASHADA

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la taliyihiisa dhinaca sharciga u magacaabay Guddoomiyaha guddiga doorashada dalka ka dhaceysa sanadkaan 2016ka.Avv. Cu mar Cabdulle (Cumar Dhegey) oo ah la taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca sharciga ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha guddiga doorashada dalka ka dhaceysa dabay aaqada sanadkaan.

Magacaabista Avv. Cumar Dhegey ayaa wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waxaa lagu sheegay in mas’uulkani khibrad gaar ah u leeyahay howlaha doorashooyinka isla mar kaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareegtadiisa ku sheegay in mas’uulkan cusub uu xilk iisa u guto si daacadnimo iyo wadaninimo ku jirto, iyadoo ilaa iyo iminka aanay wax hadal ah ka soo saarin madaxda maamul goboleedyada dalka oo iyagu qeyb ka ah madasha wada tashiga qaranka.

ITOOBIYA OO KU GUULEYSATAY KURSIGA AFRIKA EE GOLAHA AMMAANKA QARAMADA MIDOOBAY

Golaha Ammaanka ayaa cod u qaaday dalalka Afrika, iyagoo tartan u galay kursiga Afrika ee Qaramada Midoobay labada sano ee soo socota u matalaya qaaradda.

Kulankaan oo ay ku sugnaayeen wakiilada beesha caalamka oo ay ku jiraan dalalka Afrika ayaa waxaa cod aqlabiyad leh ku guuleystay Dowladda Itoobiya oo heshay 185cod.

Tartankaan ayaa qeyb ka ahaa shanta kursi ee joogtada ah oo Golaha Ammaanka Qara mada Midoobay leeyahay isla markaana afarta dal ee kale ayaa kala ahaa: 1Kursi dalalka Laati inka, 1kursi dalalka Aasiya, 2kursi dalalka Yurub, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jee diyay madaxda dalalka ku guuleystay.

Itoobiya ayaa cod aqlabiyad ah ku guuleystay Kursigii Afrika, halka kursigii qaarada Aasiya ay ku guuleysatay dowlada Kazakistan, dalalka Latinka kursigooda ayaa waxaa helay wadanka Bolivia.

Kuraasta Yurub

Labada kursi ee sanadada soo socda loo qoondeeyey qaarada Yurub ayaa waxaa ku tartamayey sadex wadan oo kala ahaa Sweden, Holland iyo Italy. Dalka Sweden ayaa isagu cod aqlabiyad ah ku guuleystay hal kursi. Halka Holland iyo Italy oo heli waayey codod ku filan oo ay ku kala guuleystaan kursiga soo haray ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan kursigaasi.

Holland iyo Italy ayaa midkiiba heyn doono hal sano kursiga Golaha Amaanka, waana mar kii ugu horeysay oo ay farsamo noocaan ah dalalkasi u qeybsadaan kursiga Golaha Amaanka.

Dhinaca kale dowlada Itoobiya ayey guulweyn u tahay inay kursi ka hesho Golaha ugu awooda badan hay’adaha caalamka ee Golaha Amaanka, kursigaasi oo ay muddo dheer usoo ololeenayeen.

Waxayna dadaalkooda ka muuqataa tirada badan oo ay cododka aqlabiyada ah oo ay ka heleen dalalka kale ee Caalamka.

WASIIRO KA TIRSAN XUKUUMADDA OO SHALAY LA DHAARIYAY

Wasiirka caafiimadka iyo wasiir dowlaha Dekahadaha iyo Gaadiidka badda ayaa shalay la gu dhaariyay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada muuqdisho.

Xaflada dhaarinta waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Mu dane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaji iyo qaar ka mid ah golaha Baarlamaanka.

Wasiirada la dhaariyay ayaa magacyadoo kala yihiin Wasiirka Wasaarada Caafimadka Mu dane Maxamed Xaaji C/nuur(Madeer)

Wasiiru dowlaha Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Luul Cabdi Aadan.

Dhaarinta kadib ayaa waxaa Wasiiradda dar daaran ku aadan waajibaadka saran u jeediyay God oomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaar.

"waxaan idinkula dar daarmayaa in aad si daacadnimo ku jirto aad u gudataan waajibaadka idin saran waxaan idin rajaynayaa in aad ka soo dhalaali doontaan xhowlaha la idiin igmaday”sidaa waxaa yiri Gudoomiye ja waari.

WASIIRKA HAWEENKA: MA HORGEYNIN GOLAHA WASIIRADA SHARCI DIIDAN DIINTA ISLAAMKA

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Feder aalka Soomaaliya, Sahro Cali Samatar oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Shabelle ee Magaal ada Muqdisho ayaa sharaxaad ka bixisay erayga Gender halka uu naga soo galay iyo macnihiisa.

Idaacadda Shabelle ayaa weydiisay Wasiir Sahri Maxamed qodobada la sheegay in ay ka horimanaayaan Shareecada Islaamka sida Dadka isku jinsiga ah ee isguursanaya iyo waxyaabaha kala buuqa badan ka dhex dhaliyay Bulshada Islaamka ee Soomaaliyeed.

Bishii May ee Sanadkan ayey Wasiirada Soomaaliya meelmariyeen Sharciga Siyaasada qaran ee Jinsiga iyadoo dhawaan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay shaaciyeen in sharcigaasi la ansixi yay ay ku jiraan qodobo ka horimaanayaa shareecada Islaamka, taasi oo ay soo diyaarisay Wasa arada Haweenka.

Ugu dambeyn, Culimada Soomaaliyeed ayaa mowqifkooda badalay markii looga yeeray Kul ankii khamiista ee Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

WEERARKII DAACISH AY KU QAADEEN MAQAAYAD KU TAAL MAGAALADA DHAKA OO LA SOO GABA GABEEYAY

Ciidamada ammaanka dalka Bangladesh ayaa soo gaba gabeeyay weerar Xubno ka tirsan Daacish ay ku qaadeen Maqaayad ku taal Magaalada Dhaka ee dalkaasi.

Maqaaxida la weeraray oo lagu magacaabo Holey Artisan Bakery, ayaa waxaa inta badan fariista dadka ladan iyo ajaaniibta ku nool Magaalada Dhaka.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay toogteen lix ka mid ah dagaalyahanada Maqaay ada dadka ku qabsaday, halka nolosha lagu qabtay hal ruux.

Millateriga dalka Bangladesh ayaa sheegay dagaalyahanada hubaysan inay dileen labaatan ruux oo Afduub ahaan ay u haysteen dadkaan ayaa ahaa Ajaanib.

Goobta Maqaayada ah waxaa ku sugan ciidamada kala duwan ee dalkaasi, iyadoo ay jiraan dad badan oo eheladooda baadigoobaya oo goobta yimid.

Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masu uliyadda weerarka qorshaysan ee lagu galay maqaaxida Holey Artisan Bakery.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO BILAABEYSA HAWLGALO AL SHABAAB LOOGA SIFEYNAYO QEYBO KA MID AH DALKA

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa ciidammada dalalka ay saaxiibada yihiin waxay dhowaan go’aansatey in la dedejiyo hawlgallada kooxda Al Shabaab looga saarayo goboll ada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hawlgaladani ayaa qeyb ka ah barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ay ku doonayaan baabi’inta argagixisada oo dilal aan loo meel dayin ku haya shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Bishii June 28 ee sannadka 2016, weerar ay wadajir u fuliyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo waddamada aan saaxiibka nahay ayaa waxaa uu daahfur u ahaa hawlgalo la doonayo in Al Shabaab looga xorreeyo degaannada Buulo Guduud, Jilib iyo magaalooyinka kale ee ku teedsan webiga Jubba.

Ciidammada Soomaaliya ayaa hawlgaladan ay fulinayaan waxay ka talo geliyeen hoggaami yeyaasha dhaqanka ee degaannadaasi, iyagoo ka wadahadley dhibaatooyinka ay kooxda argagi xisada ku hayaan shacabka iyo guushii dhowaan ay soo hoyeen ciidammada, markii ay dileen Max amed Dulyadeyn iyo Macallim Daa’uud oo ka mid ah ahaa horjoogeyaasha kooxda argagixisada.

Ciidammada Soomaaliya iyo odayaasha ayaa isla gartey in bulshada ay si buuxda ula shaqeyso laamaha amniga, ayna soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan falal arg agixisonimo iyo haddii ay jiraan horjoogeyaal kooxda argagixisada ka tirsan oo goobahaasi ku dhuumanaya.

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayaa taageerada shacabka ayaa dho wr goobood oo degaannadaasi ka mid ah tegey, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarinna dib u gu soo laabtey fariisimadooda, walow warar been abuur ah oo ay faafiyeen argagixisada Al Shab aab ay ku sheegeen inay weerareen kolonyo ka tirsan ciidanka qaranka.

AL SHABAAB OO XIL CUSUB U MAGACAABAY SHEEKH MAXAMED ABUU CABDALA

Sarkaalkaan ka tirsan Shabaabka ee lagu magacaabo Sheekh Maxamed Abuu Cabdala, ayaa loo magacaabay inuu Shabaabka Wakiil uga noqdo Gobolada Jubbooyinka.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyay maamulkii Sha baab ee Gobolada Jubbooyinka.

Shabaabka waxa ay sheegeen Sheekh Maxamed Abuu Cabdala in loo magacaabay Wakiilka Sha baab ee Gobolada Jubbooyinka.

Shabaabka Gobolada Jubbooyinka oo dhan kuma wada sugnaa, laakiin waxa ay si buuxda u joogaan Gobolada Jubbada Dhexe, halka Jubbada hoose deegaano ka mid ah ay ku sugan yihiin.

Abuu Cabdala ayaa horay u ahaan jiray Wakiilkii Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, balse waxaa shaqada laga eryay, kadib markii beelo ka mid ah kuwa Gobolka dega ay ka gudbi yeen Dacwad.

Waa Maamulkii Saddexaad oo Shabaab ay u magacaabaan Gobolada Jubbooyinka tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen deegaano ka tirsan Goboladaasi.

MAXAABIIS SHALAY LAGA SII DAAYAY XABSIYADA MAGAALOOYIN KALA DUWAN OO KU YAALLA PUNTLAND

C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa Cafis u Fidiyay 97maxbuus oo dambiyo yaryar loo hay stay, kuwaasoo ku xirnaa xabsiyada waaweyn ee ku yaalla deegaanada Puntland.

Taliyaha Ciidamada Asluubta iyo Xabsiyadda Puntland, Jen. Cali Nuur Cali oo la hadlay war baahint ayaa xaqiijiyay siideynta maxaaabsitaan oo uu sheegay in ay yihiin kuwo aan dambiyo waaweyn gelin.

Sidoo kale Jen. Cali Nuur ayaa xusay in 97 maxbuus laga kala sii daayay xabsiyo ku yaalla degmooyinka; Gaalkacyo, Garoowe, Qardho iyo Boosaso oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

DAWLADA MAREYKANKA OO SOO SAARTAY WARBIXIN KUSAABSAN KAGANACSIGA DADKA

Waaxda Arimaha Dibada ee Dawlada Mareykanka ayaa soo saartay warbixin ay uga hadleyso ka ganacsiga iyo si khaldan uga faaiideysashada dadka.

Warbixintaa oo caalami ah sanad walibana waaxdaasi ay soo saarto ayaa waxaa ay she egeysaa in dalalka ugu badan ee arintaasi saamayso ay yihiin dalalka Afrika.

Dalalka Afrika sida ay u badan yihiin ayaan ayagu aad ula dagaalamin ka ganacsiga ama si khaldan uga faaiideysiga dadka. Dalalka aadka ula dagaalama dhibkaa ayaa waxaa warbixintu she egtay inay yihiin Mareykanka, Australia iyo Ingiriiska.

Arintaan ayaa waxaa sii kordhiyay dadka dalalka qaar oo beylah u noqday in si khaldan lo oga faaiideysto gaar ahaan dalalka dhibaatooyinku ka jiraan sida Ciraaq iyo Suuriya iyo dalalka qa arada Afrika kuwaasoo dadyowgoodu kusii qulqulayaan qaarada Yurub.

Warbixintu waxay tibaaxday in dadkaa oo dhibban ay u noqdaan baylah ballan qaadyo been ah oo ay usameeyaan dadka dadka sida khaldan ugaga faaiideysta. Ballamahaa faaruqa ah ayaa waxaa kujira in loo sheego in meelo kale loo wadaayo oo shaqooyin laga siinaayo iwm.

Warbixinta ayaa si kastaba ha ahaatee un carrabowday lix dal oo Afrikaan ah oo wax ka qabtay arintaa sida dalka Burkina Faso.

Warbixintaa ayaa sheegtay in mukhalasiin dadka safriya ay haatan ku sugan yihiin dalalka Sudan iyo Jabuuti.

Waxaa warbixintu sheegtay in waxa dhibka sii kordhiya uu yahay dhibbaneyaasha sida kha ldan looga faaiideysanaayo oo aan dooneyn inay dhibaatooyinkooda usheegaan

HAWEENEY SOOMAALIYA OO KU SUGAN DALKA MAREYKANKA OO LAGU HELAY MAALGELINTA AL SHABAAB

Haweeneydan oo lagu magacaabo Amino Maxamuud Ciise, kana mid Muwaadiniinta Soom aaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa loo heystaa Kiis ama Dambi ku aadan in dhaqaalo ay ku taageertay Xarakada Al Shabaab.

Amino Maxamuud Ciise ayaa lagu eedeeyay in lacag dhan $500 oo ay Xarakada Al Shabaab u soo marisay Haweeney kale oo ku sugan Dalka Kenya, waxaana dhaqaalahaasi helay ama gacan ta ku dhigay Al Shabaab.

Dacwadoogayaasha ayaa shaaca ka qaaday in Amino Maxamuud ay qiratay dambigeeda kadib markii lagu helay in ay lacago Dalka Mareykanka uga dirtay Xarakada Al Shabaab oo Dagaal xoo gan kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in 20 ka mid ah Soomaalida ku dhaqan Minisotta in ay ku biireen Xarakada Al Shabaab tan iyo Sanadii 2007dii.

Sidoo kale Saraakiishan ayaa tilmaamay in tobanaan kale ay ka mid noqdeen Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Mareykanka ayaa u aqoonsaday Xarakada Al Shabaab Urur argagixiso Sanadii 2008dii iyadoona xusid mudan in Xarakada Al Shabaab Sanadii 2012kii ay ku dhawaaqeen ka mid ahaanshahooda Urur weynaha Al Qaacida.

KITAABU ZAKAA

Q:2aad

Cidda Zakada la siinayo

waxaana waajiba inay muslimiinta kamid yihiin waana inayan ahayn kuwii sadaqadu kaxaaraam sanayd ee kamida xigtada ama qaraabada rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee, waana Ilma haashim iyo Ilma cabdi mudalib,

waxa lagaweriyey Mudalib Ibnu Rabiicata iyo Fadli ibnu cabaas inay aadeen Rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee,markaasaa waxaa lahadlay midkood oo yiri; rasuulkii Allow waxaanu kuugu nimid inaad noo amarto zakooyinkaan oo uu nagasoo gaaro waxa dadka kasoo gaaraya ee waxtar ah, markaasuu yiri (sadaqadu umahaboona Muxamad iyo Aalu muxamad, waxkalena maahee ayadu waa wasahkdii dadka)

4 kuwa quluub tooda lasoo dumayo,(mu alafatulquluub)

Qolada afraad ee zakada lasiinayo waakoox ladoonayo inlasoo dhoweeyo quluubtooda iyo inlagusoo daro islaamka ama lagusugo islaamka dushiisa, Islaam nimadooda oo daciifa awgeed, ama waakoox shartooda looga difaacayo mislimiinta, fuqahadu waxay ukalaqaadeen muslimiin iyo gaalo, Sigaarana muslimiinta waxay ukalasaareen afar qaybood,

qolada kowaad waa odayaasha iyo duqeyda muslimiinta ah sida kuwii Abuu bakar Allaha karaali nodee siiyey, waxaana kamid ahaa cadiyi ibnu xaatim iyo zibriqaan ibnu badrin, waxayna ahaayeen kuwo islaamkoodu fiicnaa wuxuna usiiyey booskay kajoogaan qoladooda,

qolada labaad waa muslimiinta iimaankoodu daciifka yahay duqeydooda, cidda dhexdeedana la adeecsan yahay waxsiintoodana lagu rajeynayo inay kusugnaadaan islaamka, iimaan kooduna xoogaysto, sida kuwii nabigu siiyey nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee siismo balaaran kasiiyey qanimooyinkii hawaasin lagahelay, waxana kami ahaa ragii layska daayey ee reer maka markii lafurtay kuwaasoo markii dambe islaamay, waxaana kamid ahaa ku munaafiqa iyo ku iimaankiisu daciifyahay intoodii badnaydna markaas kadib way kusugnaadeen islaamka, Waa Socotaa

Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn) ufayn@somalitalk.com

NATIONLINK TELCELOM

Bishaaro Bishaaro Bishaaro

Shirkada isgaarsiinta Casriga Caalamiga ah ee NATIONLINK TELECOM Waxay Macaamiisheeda Sharafta Leh Ugu Bishaareyneysaa in ay U sameeysay Qiimo Dhimis Ballaaran,taas oo ah ku shubo 1$ Doollar Kuna hadal 140 Daqiiqo oo Gudaha dalka ah Xilli kasta Habeen iyo Maalin intaba, Sidoo kale ku Shubo 1$ Doollar kuna Hadal 16 Daqiiqo oo Dibadda ah, waana 35 Dal oo kuwa Soomaalidu ku badan tahay oo ay Wado

Haddaba WIXII FAAHFAAHIN AH WAC NAMBARRADAAN 100 / 222 / 333.

Nationlink Isku Xiraha Dadweynaha

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip