HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA FEBARAAYO 2024-KA

0
Thursday February 08, 2024 - 08:32:34 in Wararka by
  • Visits: 499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 8-DA FEBARAAYO 2024-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Golaha shacabka oo Shalay mar kale ka dooday arrimaha siyaasadda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aa nka Jamhuuriyadda Federaalka Soom aaliya Md. Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir gud doomiyay kalfa dhiga 4-aad kulankiisa 16-aad oo ajandih iisu ahaa dhameystirka ka-doodista arrim aha siyaasa dda iyo go’aanada masiiriga ah ee dalka. Kulanka waxaa goob joog ah ka ahaa Gu ddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sac diyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Cabdullaahi Cumar Ab shirow.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlam an ka JFS oo Shalay ka dooday arrimaha masiiriga ah ee dalka, oo ay ugu horreeyaan arrimaha dib eegi sta Dastuurka KMG oo habra aciisa la ansixiyay, waxayna Xildhibaannadu falanqeeyeen isla xisaabtanka hay’adaha dowl adda iyo in la ilaaliyo matalaada shacabka, iyagoona si wadajir ah u tilm aamay in la xoo jiyo arrimaha dib u heshiisiinta si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka shacabka & dhulka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha oo gunnaanadka kulanka soo xiray ayaa Xildhibaannada uga mahad celiyay doo dooda arrimaha siyaasadda iyo go’aa mada ma siiriga ah ee dalka, waxaana uu sheegay in la soo magacaabi doono guddi soo kooba, kana soo shaq eeya nuxurka doodii socotay labadii kulan ee ugu dambeysay.

Guddoomiye Madaale” Dorraad dhacdo nax din leh ayaa ka dhacday Suuqa Bakaarah ".

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in argagixisadu ay yihiin kuwa ka ganacsada dhiigga umadda oo aan wax naxariis ah lah ayn.

Mudane, Madaale oo ka hadlayay munaa sab ad lagu daah-furayay ban dhigga suuq weynaha Muqdisho ayaa intaa ku dar ay in dad masaakiin ah oo carruurtiisa usoo shaqa tagay bam loo dhigo laguna dilo ay tahay wax Islaa mnimada ka fog.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in musiibadii Do rraad ka dhacday Bakaaraha aynu ku weynay dad badan oo qiimo lahaa, kuwaas oo isugu jira noocy ada bulshada, wuxuuna Alle ugu barrayay naxariis.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa hadalkaan ka sheegay suuq weynaha Muqdisho oo Shalay ka furmay Caas imadda, isagoo ku tilmaamay fursad shaqa abuur ah oo kusoo bbiirtay magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada oo uu ku tilmaamay lafdha barka bulshada ayuu guddoomiyuhu faray in ay ku dedaa laan wax dalkooda iyo dadkuba kobcinaya qurxiy ana mustaqbalkooda.

Culimada Soomaaliyeed oo diray farriin culus ka dib arrintii ka dhacday Muqdisho

Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee dhowaan ka dhacday Muqdisho, taas oo uu saygeeda ku gubay mar xuumad Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo xaa milo ah oo haysatay carruur agoon ah.

Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada waa weyn ee dalka ayaa marka hore tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska gabadha, isaga oo sheegay inay la xanuunsadeen dadka Soomaaliyeed, maadaama uu gaaray dhib weyn.

"Gabadhaas sida arxan darrada ah loo dilay ehelkeeda aad iyo aad ayaan uga tacsiye yneynaa haddii aan nahay culimada Soomaali yeed” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyay soo qabash ada eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud, isaga oo dalbaday in si deg deg ah cadaal adda loo hor geeyo si loo xukumo.

"Waxaan rabaa inaan halkan uga hambalyeeyo hay’adaha amniga ee qaranka sida sharafta badan ee ay ugu guuleysteen inay gacan ku dhiiglihii soo qabtaan” ayuu sii raaciyay.

Intaas kadib Sheekh Cali Wajiis ayaa farrriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wux uuna ugua baaqay in aan garab lasiin dambiila kasta, si cadaa ladda loo horgeeyo.

"Shalay wixii ka dambeeya waxaa la rabaa Muj rimka in uusan tol yeelan in uusan deeg aan yeelan inuu dhiiga uu xambaarsan yahay qof kasta oo muslim ah oo Soomaaliyeed ay ogaato inuu dhiig eedu yahay oo gacanta lagu soo dhigo” ayuu mar kale ku yiri farriintiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ehellada marxuumadda ay dalbanayaan in si deg deg ah tiirka loo geeyo eedeysanaha, si loola aaso marxuumad Luul Cabdicasiis.

Dhacdadan ayaa argagax ku noqotay dadka Soomaaliyeed, taas oo ka dhalatay sida arxad darrada oo uu ninkan u gubay xaaskiisii oo haddana u lahayd uux li bilood ah.

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliy iin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa Shalay u fadhida dhageysiga dacwad loo heys to eedeysan ayaal maqanayaal ah oo ka tirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Hantidh owrka Guud ee Qaranka.

Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, Cabduqaadir Cilmi Cali oo labaduba soo qa btay xilka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda.

Waxaa kale oo ku jira eedeysanayaasha kala ah Muxyadiin Xasan Jurus oo ahaa agaasimahii waa xda Canshuuraha berriga ee wasaaradda Maali yadda iyo Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaas imahii guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyad da iyo Cabdalla Maxamed Axmed oo ahaa agaa simahii waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa kusoo oogay eedeysanayaashaan in ay ku kaceen falal la xariira Musuq-maasuq, Lun sasho Hanti dadweyne iyo ku tagri fal awoodeed, waxaana Maxkamadda gobolka Banaadir ay todobaadkii tagay xuriyaddooda dib ugu celisay laba ka mid ah eedeysanaya asha oo xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kala laabtay eeddii loo haystay.

Agaasimaha guud ee W/Warfaafinta oo tababar ku saabsan xogaha Khawaarijta u soo xiray qaar ka mid ah hawl wadeenada warfaafinta

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfa afinta, dhaqank a iyo dalxiiska dow ladda FS Md. Cabd ullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar u soo xiray hawlwadeeno ka tirsan laamaha do wladda, kuwaas oo ka kala socday was aaradda warfaafinta, ururka haweenka, waaxda dhaqancelinta ee wasa aradda amniga gudaha iyo taliska Booliska Soom aaliyeed, kaas oo ku saabsanaa helista xogaha Khawa arijta.



Tababarka oo socday muddo 3-maalmood ah ayaa lagu lafaguray helista iyo ka faa’ii deysiga xo gaha Khawaarijta, xogtaas oo laga helayo Khawa arijta dhexdooda, kuwa ka soo goosta ama kuwa la shaqeeya.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa hawlwa deenada ka qaybgalay tababarka kula dardaarmay inay fuliyaan tabaha iyo xeelada ha lagu baray taba barka, ayna warbixino iyo suugaan ka sameeyaan la dagaalanka xagjirka iyo taageerada ciidamada Qaranka ee la dagaalamaya argagixisada

HirShabeelle oo shaaca ka qaaday inay u aargudeyso Nabadoon Muuse Haaruun

Kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee Nabadoon Muuse Haaruun oo maalin kahor lagu dilay magaalada Muqdisho isaga iyo nin kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa Shalay lagu qa btay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay wasiiro, xildhibaano, waxgar ad iyo maamu lka gobolka Shabeel aha Dhexe, ayada oo tacsi loogu diray ehe llada marxuumiinta.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siya asa dda ee maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, Maxa med Cabdi Sheekh Xaandow oo madasha ka had lay ayaa sheegay inay usoo aargudi doonaan nab adoonka, maadaama ay dileen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xaandow ayaa ballan qaaday inay si deg-deg ah jawaab uga bixin doonaan dhacdadaan, isla mar kaana ay go’an tahay inay xanuun dareensi iyaan Al-Shabaab

"Waxaa nagu ballan ah xanuunka ay na dareensi iyeen mid lamid ah inaan dareensiino, haddii uu Ilaah yiraahdo, waa naga go’aan tahay waana nagu ballan” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ragga lasoo qabtay dilka Nabadoonka sida ugu dhaqsiya ha badan loo horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharci ah.

Dilka Nabadoonka ayaa kusoo aaday, xilli ay Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan deegaanada Hir Shabelle, kadib guluf ay qaadeen ciidanka dowlad da iyo dadka deegaanka

Bandhigga 5-aad ee suuqweynaha Muqd isho oo furmay

Masuuliyiin ka tirsan dowldda Soomaaliya iyo ganacsato ayaa ka qeybgalay bandhigga suuqwey naha Muqdisho oo sanadkii 5-aad oo xiriir ah lagu qabanyo caasimadda dalka ee Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuu suf Xuseen Jimcaale Madaale oo bandhi ggan furay ayaa si gaar ah u bogaadiyay dhal inyarada hal abu urka ganacsi soo kordhiyay, islamarkaana ka faa’iid eystay furaha ganacsi ee aan lagu baraarugsaneyn

Bandhiggan ayaa socondoona muddo 3-maalmood ah, waxaana ka qaybgalaya ilaa 30-kun oo dad ah iyo 300 oo shirkado ganacsi ah, iyadoo muhiimaddiisu tahay kobcinta gana csiga iyo hal-abuurka la xiriira.


Hay’adda Tubsan oo Muqdisho ka furtay kulan lagu soo bandhigayay Istaraatiijiyad da Qaran ee ka hortagga fekerka xagjirka ah

Kulan howleed lagu soo bandhigayay wada ta shiga dib u eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka fekerka xagjirka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tubsan ayaa Shalay ka furmay Muqdisho.

Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha hay’adda Tubsan, Safiirrada beesha Caalamka, qaar ka mid ah hay’adaha QM, ATMIS iyo mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha Hay’adda Tubsan, Cabdull aahi Maxamed Nuur ayaa ugu war bixiyay mas’uuliyiinta ka qeyb gashay soo ban dhig idda wadatashiga Ista raatijiyadda Qaran ee ka hortagga Fekerka xagjirka ee rabshadaha wata.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay da njirayaasha Caalamka u jooga dalka iyo qaar ka mid ah ururrada caalamiga ah, iyagoo taageeray ha bsami u socodka la dagaallanka Argagixisada, ded aalka lagu bixinayo nabadda iyo horumarinta lagu samaynayo deegaannadii laga xoreeyey khawaa rijta.

Xog cusub oo ku saabsan qaraxyadii Bakaaraha iyo khasaaraha oo aad u kordhay

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo bax aya qaraxyo isxig-xigay oo Dorraad ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo lala beegsaday duka amo ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Qaraxyada oo salaaddii duhur kadib Dorraad laga ma qlay suuqa Bakaaraha ee ma gaalada Muqdisho, ayaa sababay dhimasho, dha awac iyo burbur soo gaaray goobo ganacsi.

Tirada dhimashada ayaa la sheegay inay haatan mareyso illaa 12 qof, halka dhaawa cuna yahay 41, sida ay muujinayso xogta dhaawaca iyo dhimasha da ee labada isbitaal ee kala ah Madiina iyo Recep Tayyip Erdogan ama Ex-Digfeer,

Macluumaadkaasi oo VOA ay ka heshay wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in Isbitaalka Madiina la geeyey 8 qof oo mayd ah iyo 9 qof oo dhaawac ah.

Sidoo kale isbitaalka Recep Tayyip Erdog an ayaa qabtay 32 qof kuwaasi oo 4 qof oo ka mid ah ay mayd ahaayeen, halka inta kalena ay dhaawac yihiin.

Qaraxyada Dorraad ka dhacay suuqa Bakaa raha ayaa badankood lala beegsaday dukaamada iibiya qalabka Electronics-ka, waxaana laamaha am niga ay sheegeen inay qaraxyadaasi ka dambeeye en maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab. Kooxda Al-Shabaab ayaa weli rasmi ahaan uga haldin qara xyadan.

Laamaha amniga ayaa baarista hordhaca ah ku sheegay in qaraxyadaasi ay sababeen miinooyin la dhigay goobahan ganacsi, waxa ana weli socota baaritaano la xiriira arrintaan.

Suuqa Baarakaha ayaa ah suuqa ganacsi ee ugu weyn Soomaaliya, halkaasi oo xuddun u ah no losha malaayiin Soomaali ah oo siyaabo kala duwan noloshoodu ugu tiirsan yahay.

Maxay ka Wada hadleen Taliyayaasha Militariga Soomaaliya & Uganda?

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaa liyeed Jene raal ibraahim Sheikh Mu xudiin caddow oo ku sug an wadanka Ugan da ayaa la ku lmay Ciidamada Milateri ga Uga nda Gen, Wilson Mbadi. Lab ada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaa shiga iyo xoo jinta wadashaqeynta labada dal, iyadoo Dow ladda uganda ay balanqaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto la dagaalanka Alsh abaab .

Taliye ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliy aha ciidamada Milateriga Uganda Jeneraal ,Wilson Mb adi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kord hiyo howlgallada wadajirka ah ee lagula dagaalamayo Alshabaab iyadoo Dowladda Uganda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoo gga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka So omaaliyeed ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qara nka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxu una kula kulmay saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Dawlada Uganda ayaa dalkeena Soomaa liya waxaa ka jooga Ciidamo kuwaas oo qayb ka ah Hawlgalka ATMIS oo Dawlada ka taageeraya Suh ida Amniga .

Nageeye oo Xalay shaaciyey sababtii uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab

Nageeye Cali Khaliif oo 100 maalmood ka hor u goostay kooxda Al-Shabaab ayaa bixiyey wareysigii ugu horeeyey, isagoo soo bandhi gay xogo badan oo ku saabsan sababta uu ugu biiray argagixisada.

Nageeye ayaa sheegay in rab itaankiisa uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’ antahay inuu xaqiijiyo hadafk iisa.

Waxaa la weydiiyey sababta uu ugu biiray kooxda Al-Shabaab, bal se isagoo aan toos uga jawaabin su’aashaas ayuu sheegay in markii hore uu xalka Soomaaliya ka soo raadiyey Xamar, markii ay waxaba u suutageli waa yeena uu ku soo biiray Al-Shabaab.

Isla su’aashaas isagoo ka jawaabaya Nageeye wuxuu sheegay in Soomaaliya la kala jarjaray, isla markaana ay u baahan tahay in la badbaadiyo, taas oo ku kaliftay inuu ku soo biiro argagixisada.

Nageeye intii uu waday wareysigaan wuxuu she egay in diyaarad ay dul-dhawaaqeyso, isagoo shee gay in danteeda ay wadato diyaaradaas ee dan Soo maaliyeed aysan ka shaqeyneyn.

Waxaa la weydiiyey wixii uu dareemay markii dadka Soomaaliyeed ay ku baraarug een inuu ku biiray Al-Shabaab oo masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen, wuxuuna ku jawaabay in mabda’ ay ku kala tageen isaga iyo dadkii uu kula noolaa jiray Muqdisho.

Nageeye ayaa ka sheekeeyey waayihiisii nolo sha oo inta ugu badan uu ku soo qaatay Hargeysa, sidoo kale markii uu yimid Muqd isho wuxuu shee gay inuu ku biiray Jaamaca dda Umadda Sooma aliyeed oo kuliyadda saxaafadda uu ka dhigi jiray.

Ninkaan oo 100 maalmood kasii maqan Muqd isho ayaa is bedelay muuqaal ahaan, timo weyn ayuu deystay, wuxuuna wareysiga an ku muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay noloshaan adag ee uu doortay.Xigasho:-caasimadda.net

Taliska Booliiska oo mar kale amray in shacab ku ka guuraan dhulka Dab-damiska

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu markale ogeysiinayaa dadka ku dha qan Degmada Wadajir gaar ahaan dhulka Dabdamiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee ku yaala ka soo horjeedka daarta Seey Biyaano (6 piano) una dhaxeeya siliga Americ an-ka iyo Isbitaalka Banaadir, in loogu daray 3 asbuuc ah oo ay ku gu ur aan.


25 Feb 2023, ayaa dadka da gan dhulkaas la siiyay ogeysiis 2 bilood ah oo ay ku guuraan kuna ekeyd 25 Jan 2024, shiqaaqo ka dhacday owgeed markale waxaa la siiyay mudo 3 asbuuc ah oo ku egeyd Shalay oo ah Arbaco 07 Feb 2024.

Hadaba, codsi ka yimid guddiga dadka halkaas dagan inta weli ku harsan, markale ayaa la siiyay mudadii ugu danbeysa oo 3 asbuuc ah oo ka bilaabaneysa Shalay 07 Feb 2024 ilaa 25 Feb 2024, wixii intaa ka danbeeya Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaa cidii ka dhaga adeegtay fulinta ogeysiinta sare ku xusan. Wa bilaahi towfiiq.

Saddex arrin oo la xiriirta kiiska LUUL Cabdicas iis iyo soo qabashada ninkii gubay

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa Isniintii xaqiijisay inay gacanta kusoo dhigtay Sayid Cali Macalin Daa’uud, oo ah ninka ku eedeysan inuu gubay xaaskiisi Luul Cabdicasiis.

Ninkaan ayaa u baxsaday dhanka gobolka Galgaduud, waxaase ugu dambeyn laga soo qabtay isku darka Mudug iyo Galgaduud. Ciidanka NISA ayaa warbaahinta la wadaagay eedeysanaha eedey sanaha oo gacanta dhaawac ka ah.

Warbixintan ayaa waxaa ku eegayna saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. Xujo fur

Waa xujo fur weyn oo ay sameeyeen laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Horey waxaa su’aal loo dul dhigay awoodooda ciidan, midooda xuuraanka iyo heerkooda u sinaanta muwaadiniinta.

Laakiin kadib qabashadii Isniintii ee eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud waxaa la oran karaa laamaha amniga ee dowladda waa is-furteen oo waxay bad-baadiyeen kalsoonida ay ku dhex leey ihiin bulshada, si gaar ah Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

2. Xujo cusub iyo waaxda garsoorka

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa weli la aasin, qoyskeeda waxay horey u sheegeen in aanay aasi doonin illaa laga soo qabanayo ninka ay ku eedeeyeen inuu gabadhooda dilay. Hadda eedeysanihii waa la hayaa, waxaana markaan loo jiheysan doona dhinaca hay’addaha garsoorka.

Maadaama falkaan uu ugub ahaa wuxuu si weyn u kiciyay dareenka bulshada Soomaali yeed, waxaana hadda abuurmaya cadaadiska waaxda cadaaladda. Garsoorka Soomaaliya waxaa marwal ba lagu eedeeya cadaalad xumo iyo daahid bad an, mark aan waxay gacanta ku qabanayaan kiis si weyn loo eegayo. Habka loo wajaho iyo waqtiga ay siiyaan ayaa si gaar ah loo eegi doona.

Haddii Dorraad ciidanka ku xujeysnaayeen soo qabashada eedeysanaha, Shalay xujadii waxay u wareegtay dhanka hay’addaha garsoorka.

3. Gunaanadka kiiska oo badbaado ama baylah dhalin kara

Dadka Soomaaliyeed ee sida weyn isha ugu hayay dhacdadan argagaxa leh ayaa si weyn u bogaad iyay laamaha amniga ee dowladda. Waxaana soo qabashada ninkana ku jirta farriin gaar ah oo ah in aan si fudud looga baxsan karin ciidanka dowladda.

Waxaa sidoo kale bogaadin leh reerka uu kasoo jeedo eedeysanaha, kuwaasi oo si isku duuban uga horyimid falkaan bahalnimada ah, iyaga oo la sheegay in laamaha amniga garab fiican ku siiyeen soo qabashadiisa. Sida loo maareeyo iyo halka uu ku dhamaado kiiskaan waxay noqon kartaa sii socoshada ama gunaanadka falalka nuucaan ah.Xigasho:-caasimadda.net


Dowladda Kuwait oo Baydhabo ka billowd ay dhismaha guryo la dajinayo dadka soo barakacay

Hay’adda Al-najaat Al-kheyriya ee dalka Kuwait ayaa magaalada Baydhabo ka billow day in ay guryo u dhisto dadka barakacay aasha ah ee ay sa ameeyeen abaaraha.

Gurigii ugu horreeyay ee ay Baydhabo ka hirgeli say hay’adda Al-Najaat oo ka kooban laba qol, suuli , haanta biyaha iyo jiko ayaa lagu wareej iyay qoys ka kooban 9 carruur oo agoon ah hooyadood iyo ay eeydood, iyagoo ka mahad celiyay garab istaagga ay u fidisay hay’addan.

Saraakiil ka tirsan xafiiska mashaariicda hay’a dda Xikma oo ay howshan u wakiilatay hay’adda Al-najaat ee dalka Kuwait ayaa sheegay in gurigani uu hordhac u yahay mashruuca xalka waara, iyagoo guryo kale dhowaan ka dhisi doono Baydhabo, kuw aas oo ay ka faa’iideysan doonaan dadka dan yarta ah ee kasoo barakacay abaaraha.

Haweeneey lagu dilay degmada Cabudwa aq & faah faahino laga helayo

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwa aq ee Waqooyiga Gobolka Galga duud ayaa waxaa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay gudaha de gmadaas ku dileen Haweeneey caanka aheyd degmadaas.

Alle ha u naxariistee Haweeney da la dilay oo lagu Magacaabi jiray Foos Aadan Nuure Xuubeey ayaa xilliga la dilayay waxaa ay ku waj ahneyd Hooygeeda oo kuyaalla Xaafada Ubax ee degmda Cabduwaaq.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka Ha weeneyda, waxaana wararka qaar ee la helayo ay sheegayaan in dilka ay ka dambeeyeen Kooxo hub eysnaa oo burcad ahaa, kuwaas oo ka dhacay Mob ile ay wadatay.

Ciidamo katirsan kuwa laamaha amniga degm ada Cabudwaaq ayaa tegay halka uu dilka ka dhac ay, kuwaas oo la sheegay in howlgal ay same eye en ay ku qabteen dad lagu tuhmayo inay ka da mbeeyaan dilkaas.

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku dhigay Kooxo Burcad badeed ah

Howlgal uu horkacayay Taliyaha Qeybta Boo liska Gobolka Raasi Casayr ee Puntland G/sare Fu’ aad Maxamud Xussen ayaa laga sameeyay deega anada dhurbo, Biyo Kulule, iyo God-deexeed hawlg alkas oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Gobolka Raas caseyr oo kaashanaya Ciidamadda Ilaalada Badda PMPF ayey ku soo qab-qabteen koox bur cad badeed ah.

Kooxdan Burcad Badee dka ah oo ay Ciidama da Bo oliska ku raad joogeen ayaa ku hubaysanaa hubka noocy adiisa kala duwan sida RPG, PKM Hu bka Fudud iyo Saanad Shidaaloo dhan inka Badan 21-Lixdanle oo shidaal iyo Rasaas ah.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Raas Casayr G/sare Fu’aad Mohamoud Hussain oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Saddex qof falka lagu soo qabtay wuxuuna intaas ku daray in la hor geeyn doono sharciga

Ciidamada gobolka Raasi Casayr ayaa ku raad joogaa Burcad Badeeda Falalka amni daro ka wa dda Xeebaha Gobolka Raas casayr iyo cidkasta oo amniga Gobolka carqaladayn aysa in ay ku qabtaan gacan adag .

Maamulka AWDAL STATE oo looga dhawaaqay…

Dadka ka soo jeeda gobolka Awdal ee waqooy iga Soomaaliya ayaa Shalay ku shiray magaalada Muqdisho, iyagoo ku dhawaaqay maamul ay ugu magac-dareen Awdal State oo ka madax-banaan Somaliland.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo sheeg tay madaxweynaha Awdal State ayaa khudbad ka jeediyey xafladii Shalay lagu qabt ay Muqdisho, isag oo sheegay inuu la dagaal ami doono maamulka Muuse Biixi.

Wuxuu sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’an tahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaa lamaan dulmiga Muuse Biixi.

"Waxaan balan qaadeyna in aan dagaal ami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Sooma aliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah inaan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Madaxw eynaha Awdal State Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye.

Sidoo kale wuxuu dadka Soomaaliyeed ee deg an koonfurta aad ugu amaanay wadaniya dda iyo dhiigga ku jira, maadaama ay aad uga hor imaad een qorshaha Muuse Biixi uu ku iibsaday badda Soomaaliya.

Boosaaso: Ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea oo xirtay garoonka diyaaradaha ee Boosaaso

Askar katirsan ciidamadii lagusoo tabab aray dalka Eritrea, ayaa Shalay xirtay garoon ka diyaar adaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo ka caban aya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa dhowr bilood ka hor markii dalka dib loogusoo celiyay waxay qeyb tooda kasoo jeeda Puntland tageen maga alooyinka Garowe iyo Boosaaso, iyagoo lagu daray ciidamada mariiniska Puntland ee uu taageero Imaaraatka Catabta.

Shalay ayay ciidankan la wareegeen kantaro olka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, iyagoo halkaas ku soo rogay Bandow ka dhan ah dhaqdhaqaaqa garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Falkaan ayaa kusoo beegmay xilli maga alada Boosaaso uu Shalay ka dhacay qarax sida wararku sheegayaan uu ku dhaawacmay sarkaal katirsan ciidamada Puntland, ilaala diisa iyo dad shacab ah.

Gaari uu la socday taliyaha ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu qariyo. Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo qarax yadii dhawaanahaan ka dhacayay magaalada Boosaaso ay sheegteen kooxda Alshabaab.

Amniga Boosaaso ayaa aad laga deyrin ayaa xilli laamaha ammaanku ay dhawaan sheegeen in ay qaadayaan tallaabooyin amni oo lagula dagaal amayo kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Xisbiga Waddani oo cambaareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in aan sharciga loo marin xadhiga Ab waan Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees), oo Dorraad Maxkamada Degmada Hargaysa ay sann ad iyo lix billood ku xukuntay. Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in abwaanka si jujuub ah dacwadiisa loo qaaday isla marka ana aan garyaqaan loo qaban, nidaam sax ahna loo qaadin.


"Xukuumada Muuse Biixi waxay maraysa in ay qoysaskii kala dhexgasho, oo ah unugii u hoosee yay ee bulshada, waxaanu ka xunahay xadhiga sharci darada ah ee lagu xukumay Abwaan Abees, in inta habeen la xidhay maalintii ku xigtayna la yidha waxa lagu xuku may sannad iyo lix billood" ayuu yidhi xogee yuhu.

Waxa uu sheegay in xataa hadii ay jirto eeda uu abwaanka aabihii kusoo oogay ee ah in uu yahay waalid caasi, aanu xadhigiisu ka badan karin muddo 6 billood ah sida uu sharcigu sheegayo.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa 5 tii bishan xabsiga loo taxaabay kadib markii uu aabihii ku eed eeyay in uu yahay waalid caasi, iyadoo Dorraadna Maxkamada Degmada Harga ysa ay ku xukuntay sannad iyo lix billood.

Dhanka kale, abwaanka hooyadii oo la hadash ay MMTV, ayaa sheegtay in wiilkeeda ay xukuum adu xidhay, isla markaana loo soo dhexmaray aab ihii, lana doonayo in la bahdilo, oo eed aanu lahayn lagu qaado.

Abwaanka ayaa 2 dii bishan Hargaysa kusoo bandhigay buug uu ku dhaliilayo xukuumada oo la magac baxay "Mayal" buuggan oo lasoo bandhigay kadib sannado ay xukuumadu xayirtay.

Dowladda Itoobiya oo sheegtay inay qaba tay Shidaal loo waday Jubbaland Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qabtay shidaal badan oo laga bixinayay Dowlad degaanka Soomaalida loona waday Jubbaland Soomaaliya, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook ku leeyihiin Ciidamada Millitariga Itoobiya.

Shidaalkan ayay Ciidamadu sheegeen inuu dhanaa ilaa 30 foosto oo shidaal ah, kaas oo lacagtiisa lagu qiyaasay ilaa 750,000 oo Birr, waxay Ciidamada Itoobiya sheegeen in shidaalkan laga qaaday degmada Doolow ee gobolka Afdheer loona waday Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland, iyadoo shidaalkan uu waday gaari laga leeyahay Dowlad degaanka Soomaalida lambarkiisuna yahay 3 SM 05459.

Dowladdu waxa kale oo ay sheegtay in gana csatada howlahan ka shaqaysta ay qayb ka yihiin sicir bararka ka jira guud ahaan dalka Itoobiya, sid aas darteedna aysan ka baxsan doonin gacanta Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xuduudda dalku la leeyahay dalalka deriska ah, waa siday hadalka u dhigtay Dowla dda Itoobiya.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa xilliyo hore waxaa lagu eedeeyay in shidaalka iyo lacago kaleba laga tahriibiyo, iyadoo wakhtig aasna xukuu madda degaanka Soomaalidu ay qaaday tallaa booyin lagu xakamaynayo shidaa lkaas sida sharci darrada ah uga baxayay degaanka Soomaalida.

Degaanka Soomaalida ayaa waxaa uu xad dheer la leeyahay Soomaaliya waxaana inta badan dhacda in labada shacab ee labada dhinac kala deggan inay isweydaarsadaan wixii ganacsi iyo khayraad kaleba ah, inkastoo marar badan ay dhacdo in Itoobiya lagu qabto alaabta ay dadku kasoo gashadaan wixii ka baxsan gudaha dalka

Itoobiya, taas oo ay ugu yeerto Kootarabaan.


DAMACII ABIY EE BADDA OO GURAY (WARBIXIN)


Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caal amka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda cas sanadkii 1993-kii markii Eritrea ay xornimada qaadatay kadib ku dhawaad ​​30 sano oo dagaal ah. In ka badan 95% badeecadaha ay Ito obiya la soo degto waxay ka soo degaan dekedaha Jabuuti iyadoo qiimaheeduna yahay qiyaastii $1.5 bilyan oo ah khidmadaha sannadlaha ah.

Sannadkii hore, Dadka dhaleeceeya gobolka Geeska Afrika ayaa Ra’iisal wasaaraha Itoobiya A biy Axmed ku tilmaamay hadallo cabsi gelin ah inuu jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay xudduudaha dalk iisa " Xabsi juqraafi” wuxuuna badda cas ku tilmaa may "xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya”, waxa uu na ku booriyay Ereteriya, Jabuuti iyo Soomaaliya in ay ka wadahadlaan gelitaanka dekedaha, si "loo xaqiijiyo nabad waarta.” " Waxaan rabnaa inaan ku helno deked qaab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu Abiy u sheegay shir ay isugu yimaadeen ganacsa tada.

Taa maxaa xigay?

Caro iyo mudaaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dibaddii saba, iyadoo dadku ay tallaabadaas ku tilmaameen mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya. "Ma jirto taako ka mid ah Soomaaliya qofna ma saxiixi karo ama ma saxiixi doono,” Madaxweynaha Soom aaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray 2-dii Janaayo baarlamaanka. "Ma jirto cid aw ood u leh inay bixiso qeyb ka mid ah Soomaaliya.” Tan iyo markii horrantii bishii 1aad ee sanadkan Itoobiya ay ku wada saxiideen heshiis beenaad Ra’iisul wasaaraha Itoobiyo iyo Muusa Biixi waxa gudaha dalka iyo dibadda intaa ka dhacaya dibad-baxyo waaweyn oo looga soo horjeeday damac gurrac Itoobiya ee Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya.

Balse hadda waxaa soo yeeraya hadallo ka duwan sidii hore, iyadoo la soo warinayo in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu sheegay in Itoo biya aysan dooneyn dagaal ay la gasho Soomaal iya, halka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud uu mar kale sheegay in aanay ogolaan doonin in qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliya la qaato. "Uma maley nayo in dowladda Soomaaliya ay rabto inay isku dhacaan Itoobiya, sidaas ayaan qiyaasayaa.” Balse quwadaha daneynaya ayaa doonaya in ay Soomaaliya ka dhigtaan gacmo ay ku adeegtaan, laakiin waxaasi nama qabtaan.

Abiy ayaa ku eedeeyay quwado uusan mag acaabin in ay ka shaqeynayaan sidii ay Itoobiya colaad iyo dagaal ula gali leheed Soomaaliya, wux uu intaas ku daray: " Xoogaga doonaya arrintaan waxaa laga yaabaa in ay saameeyaan walaalahe ena Soomaaliya, sida ay haddaba warbaahinta ugu adeegsanayaan Walaalaheena qurbajoogta ah”, wuxuuna sheegay Abiye in dawladiisu aysan wax tartan ah kula jirin nabadda iyo midnimada Sooma aliya. "Ma dooneyno inaan cidna wax ka qaadano. Ma dooneyno inaan taabano Madaxbanaanida cid kale”.

Abiy Ahmed oo aan soo hadal qaadin Heshiis Beenaadkii dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi, kana muuqata inuu halkii hore ka dabacsan yahay "Soom aaliya waxaan nahay walaalo, dagaal in aan la galo diyaar uma ihi, waana jecelahay”, sidaasi waxa uu ka hor sheegay Baarlamaanka Dalkiisa, wuxuuna si weyn uga hadlay Soomaaliya waxaana ka muuqday in luuqaddiisa ka bedelan kuwiisii ugu dambeeyay ee uu mar walba ku hadaaqayay, wuxuuna yiri: " Soomaaliya waxaan ka shaqeyn doonaa Amnige eda, waxaana horumarin doonaan nabadgalyadee da, Soomaaliya oo nabad noqota waa Itoobiya oo nabad noqo, Soomaaliya oo horumar gaarta waa Dalkeenna oo horumar gaaray, waxaannu ka shaq eyn doonaa Soomaaliya oo ah Dal barwaaqo ah oo ka faai’ideysta Badeecadahee nna ee ka dhoofaya Badaheeda.

Mr Abiy Axmed markaan waxa uu ku hadlayaa Luuqad jilicsan waxaana ka muuqaneysa is dhul dhig, isagoo mujinaya in xiisadda ka taagan Soo maaliya iyo Itoobiya loo qaboojin lahaa, marna ka ma soo hadlin arrinta is afgaradka 1-dii bishii Jan aayo ee sanadkan ee magaalada Addis Ababa ay ku gaareen Muuse Biixi. Is afgaradkaasi oo ay Soo maalidu ay aad uga gilgatay, kuna tiShalayy in aan la aqbali karin, waxaana loo fasirtay in Itoobiya ay dooneyso Bad iyo Dhul Soonmaaliyeed inay qaadato,

taasina waxay sababtay in xiriirkii labadaasi Dal uu hoos u dhaco, Soomaaliyana waxay u yeeratay Safiirkeedii u fadhiyay Addis Ababa, Balse wax ha dal ah kama uusan dhiiban arrinta in Itoobiya ay aq oonsan doonto Somaliland iyo in kale, iyo talaabada xigta ee ay qaadi doonaan midna.

"Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah maxaa bedelay mowqifkii Abiy Axmed? ma waxaa ku yimid cadaadis Diplomasiyadeed oo la ogsoon yahay in goobo badan ama shirar badan looga guulestay, islamarkaana ay meelmar noqon weyday damaciisii helid marin Biyood wata Dhul, mise Soomaaliya ay aa noqotay Bir Lab adag oo la mari waayay?”, sida asina waxaa qortay Wakaaladda Wararka Reuters.

” Itoobiya Shalay haddii ay ka laabato qaladkii ay gashay Berri waan wada hadli karnaa, si kale kuma wada hadli karno”, sidaasi waxaa yiri : Madaxweyna ha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabad lagu qabtay Villa Soomaali ya ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee ku aaddan Badda Soomaaliya uu yahay mid gurracan oo aan la aqbali karin, balse uu wada hadalku furan yahay haddii ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ku sheegga ay la gashay Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad xulka kubadda gacta Galmugug lagu guddoonsiina yay koobka tartanka maamul goboleedyada dalka laguna qabtay ayaa ku dheeraaday damaca gurrac an ee Itoobiya, wuxuuna sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan masaalix derisnimo balse aysan wax kale ka oggolayn, isagoo xusay in Soomaaliya ay markii hore qabtay tabashooyin badan kana maq naa dhul, iyo dad Soomaaliyeed aysan oggolaan doonin in qayb kale ay goosato.

"Itoobiya waxaan leennahay Guri Dariishad laga ma soo galee Irid baa laga gala ee soo mar dariiqa saxda ah, balse damaca ah dhulkaan qaar goosanayaa ka imow, maalintaad ka timaaddo waxa ka soo hara oo dhan waa ka wada hadle ynaa”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheeg ay in shacabka Itoobiya aysan cadaawad ka dhaxeyn, laakiin ay dowladdoodu tacaddi waddo kana soo baxday dhaqankii derisnimo wadaagga.

Arrinta ka Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaan wali wax xal ah laga gaarin, iyada oo wali laga war sugayo go’aanka ay ka soo saaraan Gola ha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay Soomaaliya u gudbisay dacwad ka dhan ah Itoo biya, kana codsatay in ay arrintaan ka fariistaan.

Dadka odorosa arrimaha Soomaaliya aadna ula socday Damaca Itoobiya ee ay ku dooneyso meel ay gaarto Bad ayaa kula talinaya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud inuusan marna la fariisan ama kulan la qaadan Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inta uu ka caddeynayo inuu ka laabtay damaciisa ahaa dooninta Bad iyo Dhul soomaaliyeed.

By. C/lahi Ruush


Mareykanka oo si toos ah u soo faragalin aya duqeymah

a Gaza ka socda

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Salaasadii sheegay in hogga amiyayaasha Xamaas ay ka soo jawaabeen hindi saha sii daynta la haystaya asha, kaasoo hakin doo na dagaalka ka socda marinka Gaza

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu dersayo ja waabta ay ka bixinayaan arrintan, isla markaana ay kala hadli doonaan Israa’iil maalnta oo Arbaca ah.

Intii uu socday shir saxaafadeed ka dhacay mag aalada Dooxa ee dalka Qatar, Xoghaye Blinken ay aa u sheegay warbaahinta in jawaabta Xamaas ee hindisaha sii daynta la haystayaasha lala wadaagay Israa’iil. Madaxweyne Biden oo ku sugan Washingt on ayaa isaguna warbaahinta u sheegay in jawaa bta Xamaas ay tahay "mid xoogaa saayid ahi uu la socdo”, hase ahaatee la sii wadi doono wada-xaajo odyada.

Xoghayaha ayaa wadahadalo la yeeshay hogg aamiyayaasha Qatar iyo Masar, xilli ay socdaan dedaalo la doonayo in lagu joojiyo dagaalka Gaza, isla markaana ay tahay in kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza.

Bannaanbax ay ka qayb qaateen siyaasiyiin oo ka dhacay Jarmalka

Barxadda hore ee baarlamaanka dalka Jarm alka, waxaa isugu soo baxay in ka badan 150,000 oo debedbaxayaal ah, kuwaas oo sameeyey waxa ay ugu yeedheen derbiga looga hortegayo, kooxaha xagjirka ah. Dadkan ayaa ka cabanayey xisbiga Alt ernative for Germany ama loosoo gaabiyo AfD. Da dka debedbaxayey waxaa ku jiray, siyaasiyiin waaw eyn oo u dhashay dalkaas.

Tan iyo badhtamihii bishii January waxaa Guud ahaan dalka JArmalka ka socday debedbaxyo wa aweyn, ka dib markii uu bogga Correctiv uu daab acay in siyaasiyiin ka tirsan AfD inay ka doodeen in si khasab ah muhaajiriinta looga saaro dalkaas – xaataa kuwa haysta dhalashada dalka Jarmalka, ka dib kulan qarsoodi ah oo ay bishii November ku yee sheen duleedka Berlin.Jeannette Gusko oo ka mida madaxda sare ee bogga Correctiv ayaa sheeg tay:

"Kooxaha wata aragtida Naziyiinta, deeq bixiya yaashooda iyo siyaasiyiinta AfD waxay ka wada-xaajoodeen sidii Jarmalka looga eryi lahaa malaay iin qof. Arrintan ayaa ah, qodob uu xisbiga AfD doon ayo inuu awoodda ku gaadho.” Hoggaamiyaha da lka Jarmalka Olaf Scholz ayaa soo dhoweeyey

debedbaxyada:


MAXAY NOLOSHOODA KU DANBEYN KARTAA DADKA TAHRIIBKA KU GALA MAREYKANKA?


Tahriibayaasha Mareykanka Soogalootiga imanaya xadka u dhexeeya Mar ey kanka iyo Mexico ayaa kor u kacay iyadoo uu gaaray heerkii ugu sarreeyey inta uu arriminayo maamulka madaxweyne Joe Biden, waxana ay noqoneysaa madax-xanuun siyaasadeed oo aad u weyn ka hor doorashada.

Ra'yi ururintu waxay soo jeedinayaan in in ka badan saddex meelood laba meel da dka Maraykanka ahi ay diiddan yihiin sida uu Mr Biden u maareeyay arrinta.

Isaga oo ay u badan tahay in uu ka soo horjeedo doorashadii madaxtinimada ee No vember, Donald Trump, ayaa cambaareeyay sharciga oo uu ku tilmaamay mid aan dhameystirneyn, dareenkaas oo ay ka dhawaajiyeen xildhibaanno badan oo muxaafid ah oo ku sugan Capitol Hill.

Laakiin maaha Jamhuuriga oo keliya kuwa aan ku faraxsanayn arrintan. Maayarrada Dimuqraadiga ah ee magaalooyinka la halgamaya sidii ay ula tacaali lahaayeen qulqulka ayaa sidoo kale muujinaya dareenkooda.

In ka badan 6.3 milyan oo soo galooti ah ayaa la xiray iyagoo si sharci darro ah Mareykanka usoo galayay mudada Biden, tiradaas oo ka badan kuwii Trump, Obama ama George W Bush.

Sababaha kor u kaca ayaa ah kuwo adag, iyada oo ay jiraan arrimo hore oo ka baxsan xakamaynta Maraykanka. Waxa jira ayaan waydiinay khubarrada.

Tiradu waxay bilawday inay kor u kacdo ilaa dhamaadkii maamulka Trump, oo si weyn looga dareemay Mareykanka iyado dadka reer Ameerica ay xilligaas la daala dhacayeen dhibaatooyin isku dhafan oo ay ka mid yihiin rabshadaha, faqriga, cadaadiska siyaasadeed iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Kacsanaantaas ayaa si lama filaan ah u joogsatay horraantii 2020-kii, markii xannibaa daha xanuunkii safmarka ahaa ay keentay hoos u dhac weyn oo ah in ka badan 53% intii u dhaxaysay Maarso iyo Abriil sanadkaas.

Mareykanka Darbiga Xadka Mareykanka iyo Mexico Tan iyo markaas horraantii 2021-kii, tirada soo galootiga ayaa si joogto ah kor ugu kacday, taasoo gaartay heerkii ugu sarreey ay abid iyadoo la diiwan geliyay 302,000 soo galooti ah bishii Disembar 2023-kii.

"Taasi waa markii aan dareennay inaan aragno koror mar kale ah, oo ay ugu horreeyaan Bartamaha Ameerika kadib xannibaadaha dhaqdhaqaaqa guud ahaan gobolka ayaa bilaabay inuu fududeeyo," ayuu yiri Ariel Ruiz Soto, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Siyaasadda Socdaalka ee Washington DC.

"Taasi sidoo kale waa markii isbeddelka weyni dhacay waxaana bilownay inaan aragno qulqul badan oo kala duwan, laga bilaabo Venezuela, Sidoo kale Colombia, Ecuador iyo meelo ka fog."

Muhaajiriinta ayaa hadda ka kala yimid meelo fog fog sida Galbeedka Afrika, Hindiya iyo Bariga Dhexe. Muhaajiriinta ka imaanaya meelo ka baxsan qaar adda Ameerika, kororka ugu badan ayaa ka imaanaya Shiinaha. In ka badan 37,000 oo Shiinees ah ayaa lagu xiray xadka Mareykanka iyo Mexico sanadkii hore, qiyaastii 50 jeer tirada labo sano ka hor. Isbeddellada socdaalka caalamiga ah

Kororka tirada dadka soogalootiga ah ee lagu arkay xuduudka Maraykanka iyo Mexico dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli, caalamka oo dhan u haajiridda dalalka qaniga ah uu marayo heerkii ugu sarreeyey abid.Tirakoobyada Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (OECD) ee la sii daayay dabayaaqadii sannadkii hore ayaa muujinaya in 6.1m sogalootiga rasmiga ah ee cusub ay u gureen 38-da waddan ee xubnaha ka ah.

"Waxaan aragnaa barakac aduunka oo dhan ah heer aan horay loo arag taa riikhda la diiwaan geliyay, dadkuna waxay ku soo qulqulayaan xudduudke ena koonfureed sababo kala duwan oo kala duwan," ayuu yiri Jorge Loweree, maa mulaha barnaamijyada Golaha Socdaalka Mareykanka, Washington.

Maraykanka Laga soo bilaabo Trump ilaa Biden

Isbeddelka Aqalka Cad ee 2021-kii ayaa sidoo kale gacan ka geystay, ayay yiraa hdeen khubarrada qaar. Farriinta muhiimka ah ee ka timid madaxweyne Trump, xitaa haddii aysan weligeed run noqonin, waxay ahayd dhismaha darbiga xuduudka iyo mu saafurinta oo kororta. Ciwaannada ay abuurtay ka la soocidda carruurta iyo waalidiintooda xiran, oo ay dad badani ku tilmaameen arxan darro, ayaa sii kordhisay dareenkaas. Dadka isku dayaya in ay xadka ka gudbaan inta lagu guda jiro waqtigan ayaa BBC-da u sheegay in ay u malaynayeen in gelitaanka iyo joogitaanka Mareykanka ay fududaan doonto hadda. Waxayna mukhalasiinta ka faa’iidaysteen isbadalka madaxtooyadda si ay u abuuraan dareen degdeg ah oo soogalootiga ah. "Qeyb ka mid ah waa inay u maleynayaan inay iman karaan. Waxaan u maleynayaa inay taasi tahay waxa loo sheegayo," ayuu yiri Alex Cuic, qareenka socdaalka iyo prof ka tirsan Jaamacadda Case Western Reserve University ee Ohio. "Waxay dareemayaan in ay jirto waddo lagu imaan karo halkan," ayuu raaciyay. "Waxay u dhowdahay sida casuumaad." Taa bedelkeeda, qaar ka mid ah dadka u ololeeya socdaalka ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden iyo sharci-dajiyayaasha Mareykanka ee labada dhinac inay ku guuldareysteen inay ka gudbaan isbeddelka socdaalka ee macnaha leh.Dib-u-habeyntii ugu dambeysay ee nidaamka waxay ahayd in ka badan 30 sano ka hor intii uu Ronald Reagan hayay. XIGASHO:-BBC

DIINI: XIDDIGII GUUSHA U HORSEEDAY GALMUDUG OO KA HADLAY BILADA LA SIIYAY IYO WAXA XIGA EE U QORSHEYSAN

Diini Maxamed Daahir Qoraalka sawirka,Diini oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaariyahanka ugu fiican tartanka Di ini Maxamed Daahir waxa uu kamid ya hay ciyaartoydii ugu saameyntaa badn aa tartankii xiisaha lahaa ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho isla markaana ay ku guuleys atay Galmudug.

Diini waxaa la guddoonsiiyay bilada ciyaariya hankii ugu fiicnaa inta uu tart anku socday isaga oo sameeyay caawin iyo goolal intaba.

Yaraantiisii waxa uu kasoo ciyaaray dhowr kooxood oo ka dhisan magaalada ay kasoo baxaan ciyaariyahannaada ugu saameynta badan ee Soomaaliya ee Kismaayo. Waxa uu mar dambe usoo wareegay caasimadda dalka, isaga oo hadda ka tirsan naadiga caanka ah ee Jeenyo.

Diini waxa uu marar kala duwan xusay in uu jeclaa in uu u ciyaaro maamulka uu kasoo jeedo Jubaland, hase yeeshee Ismaandhaaf dhex maray xiriirka iyo isaga ayaa sababtay in uu Galmudug kasoo muuqdo.

Macalin Axmed Tahliil oo yaqaanna tayada xidiggan isla markaana ah taba barihiisa kooxda Jeenyo ayaa u arkay fursad in Diini uu wax weyn kusoo kordh in karo Galmudug taas oo sabab u noqotay wacdaraha uu dhigay.

Diini Maxamed Daahir oo BBC-da lahadlay ayaa muujiyay in uu jeclaa in uu kasoo dhex muuqdo xidigaha matalayay maamulka Jubaland hase yeeshee aysan u suura gelin.

"Aniga runtii wan jeclaa in aan u ciyaaro Jubaland, waxaa jiray hadallo bad an oo la’isla dhex marayo aniga maamulkeyga iyo magaaladeyda wan jeclahay, haddana waa isla meeshii oo waxa aan nasiib u yeeshay in aan matalo xulka maamulka Galmudug”, ayuu yiri Diini.

Kulan ay isaga hor yimaadeen Galmudug iyo Jubaland ayuu Diini si aan caa di ahayn ugu dabaal degay maamulka uu kasoo jeedo isaga oo sheegay in ma rkaas uu ka careysnaa hadallo qaldan oo warbaahinta loo mariyay.

Diini ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo heer ka gaarista kubadda cagta waliba heer qaran. "Hadda waxa aan ku guuleystay ciyaariy ahanka ugu fiican tartanka, laakiin rajadeyda ugu weyn waa in aan billado badan soo qaato waliba anigoo qaranka matalaya”, ayuu yiri Diini.

"Intii uu tartanka noo socday waxa aan sameeyay labo caawin iyo dhalinta labo gool waana sababta aan ku muteystay abaal marinta, runtii waa rriyo ii rumowday, intaas iyo kabadanna waan dadaali doonaa sanadaha kale”, ayuu sii raaciyay.

Galmudug Astaanta dabaal degga

Astaanta dabaal degga ee Galmudug

Diini oo kamid ahaa ciyaartoydi ugu horreysay ee sameeya dabaal degga ay caanka ku noqdeen xulka Galmudug ayaa dhowr sharraxaad oo kala duwan ka bixiyay astaanta farna kor loo taago suulkana la dadbo halka.

Diini waxa uu sheegay in ay ka dhigant ahay maamul goboleedyada dalka isaga oo farta kaliya ee kor u taagan ku micneeyay in ay tahay Galmudug, hase yeeshee asal ah aan xagee ayey ka timid?

Calaamadda ay taageerayaasha Galmudug muujinayeen waa mid isugu jirta laba farood – murdisada (murugsatada) oo kor u taagan iyo suulka oo gu dub ah. Si kale haddii loo dhigo waa mid u eg xarafka L.

Calaamaddan waxaa laga keenay oo caan ku ah weeraryahanka xulka qara nka Faransiiska ee Antoine Griezmann oo sidoo kalena u safta kooxda Atletico Madrid.

Galmudug Diini

Cayaartoygaas ayaa bilaabay inuu calaa madaas ku dabaaldego cayaarihii Euro 2016-kii, isagoo u hibaynaya saaxiibkiis fanaanka ah ee reer Canada – Drake, oo qaada heesaha raabka, ka dibna waxay noqo tay astaan isaga u gaar ah oo lagu yaqaano. Mararka qaar wuxuu ku daraa qoob ka ciyaar u lugaha ka sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, iyo wasiirka ciyaa raha ee dowladda Maxamed Barre oo wadajir ah ayaa ugu danbeyn koobka guddoonsiiyay xulka Galmudug. Waxa uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda ay xulku safar ku tagaan caasimadda maamulka ee Dhusamareb halkaa oo la qorsheynayo in ay ka dhacdo munaasibadda kooxda.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip