Diini: Xiddigii guusha u horseeday Galmudug oo ka hadlay bilada la siiyay iyo waxa xiga ee u qorsheysan

0
Tuesday February 06, 2024 - 23:00:02 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 804
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diini: Xiddigii guusha u horseeday Galmudug oo ka hadlay bilada la siiyay iyo waxa xiga ee u qorsheysan

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Diini Maxamed Daahir

Diini oo ku guuleystay abaalmarinta ciyaariyahanka ugu fiican tartanka

Diini Maxamed Daahir waxa uu kamid yahay ciyaartoydii ugu saameyntaa badnaa tartankii xiisaha lahaa ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dhawaan kusoo idlaaday magaalada Muqdisho isla markaana ay ku guuleysatay Galmudug.

Diini waxaa la guddoonsiiyay bilada ciyaariyahankii ugu fiicnaa inta uu tartanku socday isaga oo sameeyay caawin iyo goolal intaba.

Yaraantiisii waxa uu kasoo ciyaaray dhowr kooxood oo ka dhisan magaalada ay kasoo baxaan ciyaariyahannaada ugu saameynta badan ee Soomaaliya ee Kismaayo.

Waxa uu mar dambe usoo wareegay caasimadda dalka, isaga oo hadda ka tirsan naadiga caanka ah ee Jeenyo.

Diini waxa uu marar kala duwan xusay in uu jeclaa in uu u ciyaaro maamulka uu kasoo jeedo Jubaland, hase yeeshee Ismaandhaaf dhex maray xiriirka iyo isaga ayaa sababtay in uu Galmudug kasoo muuqdo.

Macalin Axmed Tahliil oo yaqaanna tayada xidiggan isla markaana ah tababarihiisa kooxda Jeenyo ayaa u arkay fursad in Diini uu wax weyn kusoo kordhin karo Galmudug taas oo sabab u noqotay wacdaraha uu dhigay.

Diini Maxamed Daahir oo BBC-da lahadlay ayaa muujiyay in uu jeclaa in uu kasoo dhex muuqdo xidigaha matalayay maamulka Jubaland hase yeeshee aysan u suura gelin.

"Aniga runtii wan jeclaa in aan u ciyaaro Jubaland, waxaa jiray hadallo badan oo la’isla dhex marayo aniga maamulkeyga iyo magaaladeyda wan jeclahay, haddana waa isla meeshii oo waxa aan nasiib u yeeshay in aan matalo xulka maamulka Galmudug”, ayuu yiri Diini.

Kulan ay isaga hor yimaadeen Galmudug iyo Jubaland ayuu Diini si aan caadi ahayn ugu dabaal degay maamulka uu kasoo jeedo isaga oo sheegay in markaas uu ka careysnaa hadallo qaldan oo warbaahinta loo mariyay.

Diini ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo heer ka gaarista kubadda cagta waliba heer qaran.

"Hadda waxa aan ku guuleystay ciyaariyahanka ugu fiican tartanka, laakiin rajadeyda ugu weyn waa in aan billado badan soo qaato waliba anigoo qaranka matalaya”, ayuu yiri Diini.

"Intii uu tartanka noo socday waxa aan sameeyay labo caawin iyo dhalinta labo gool waana sababta aan ku muteystay abaal marinta, runtii waa rriyo ii rumowday, intaas iyo kabadanna waan dadaali doonaa sanadaha kale”, ayuu sii raaciyay.

Galmudug

Astaanta dabaal degga

Astaanta dabaal degga ee Galmudug

Diini oo kamid ahaa ciyaartoydi ugu horreysay ee sameeya dabaal degga ay caanka ku noqdeen xulka Galmudug ayaa dhowr sharraxaad oo kala duwan ka bixiyay astaanta farna kor loo taago suulkana la dadbo halka.

Diini waxa uu sheegay in ay ka dhigantahay maamul goboleedyada dalka isaga oo farta kaliya ee kor u taagan ku micneeyay in ay tahay Galmudug, hase yeeshee asal ahaan xagee ayey ka timid?

Calaamadda ay taageerayaasha Galmudug muujinayeen waa mid isugu jirta laba farood – murdisada (murugsatada) oo kor u taagan iyo suulka oo gudub ah. Si kale haddii loo dhigo waa mid u eg xarafka L.

Calaamaddan waxaa laga keenay oo caan ku ah weeraryahanka xulka qaranka Faransiiska ee Antoine Griezmann oo sidoo kalena u safta kooxda Atletico Madrid.

Galmudug

Diini

Cayaartoygaas ayaa bilaabay inuu calaamadaas ku dabaaldego cayaarihii Euro 2016-kii, isagoo u hibaynaya saaxiibkiis fanaanka ah ee reer Canada – Drake, oo qaada heesaha raabka, ka dibna waxay noqotay astaan isaga u gaar ah oo lagu yaqaano. Mararka qaar wuxuu ku daraa qoob ka ciyaar u lugaha ka sameeyo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, iyo wasiirka ciyaaraha ee dowladda Maxamed Barre oo wadajir ah ayaa ugu danbeyn koobka guddoonsiiyay xulka Galmudug.

Waxa uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda ay xulku safar ku tagaan caasimadda maamulka ee Dhusamareb halkaa oo la qorsheynayo in ay ka dhacdo munaasibadda kooxda.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip