Maxaad ka taqaan gabadhii ugu horreysay ee Carbeed ee garsoore ka noqota cayaaraha qaramada Afrika

0
Monday February 05, 2024 - 22:50:52 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 812
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaan gabadhii ugu horreysay ee Carbeed ee garsoore ka noqota cayaaraha qaramada Afrika

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

sawir

Bushra Karboubi, oo ah gabar booliis ah oo daacad ah isla markaana ah garsoore heer caalami ah oo kubbadda cagta ah kana soo jeeda Meknes, waqooyiga Morocco, waxay jebinaysaa fikradaha laga aaminsan yahay dumarka ee la xiriira waxyaabaha ay qaban karaan, iyadoo taariikh ku samaynayso labada xirfadood ee ay raggu u badan yihiin.

Doorkeeda gaarka ah ee fulinta sharciga iyo hawlgelinta ciyaaraha waxay soo bandhigaysaa go'aankeeda, rabitaankeeda, iyo sida ay uga go'an tahay inay heer sare ka gaarto xirfadahaas.

Adduunka kubadda cagta, Karboubi waxay u taagan tahay garsooraha kaliya ee dumarka ah ee ka mid aheyd garsoorayaasha haweenka ee Koobka Qaramada Afrika ee 2023 ee Ivory Coast lagu qabtay.

Iyadoo raacaysa wadadii ay martay Salima Mukansanga oo u dhalatay dalka Rwanda, oo taariikhda gashay sannadkii 2022-kii, iyadoo noqotay haweenaydii ugu horreysay ee garsoore ka noqota ciyaar ka tirsan Koobka Qaramada Afrika ee ragga, Karboubi ayaa hoggaaminaysay koox dumar ah oo ka tirsan mas'uuliyiinta kubbadda cagta ciyaar ay Nigeria ku garaacday Guinea-Bissau.

Bandhigan ayaa ka dhigay haweeneydii ugu horeysay ee ka soo jeedda Waqooyiga Afrika ee garsoore ka noqota Koobka Qaramada Afrika ee ragga.

Karboubi, oo 36 jir ah, ayaa muujisay hankeeda, iyadoo leh, "Waxaan qabaa dareen xad dhaaf ah. Sharaf bay ii tahay aniga, qoyskayga, dalkayga, iyo guud ahaan haweenka Afrikaanka".

Caqabadaha ay la kulantay Bushra Karboubi

In kasta oo ay tahay garsoore xirfadeedu sarreyso, Karboubi waxay ku nuuxnuuxsatay in aqoonsigeedu ka dheer yahay shaqadeeda: "Shaqada, waxaan ahay sarkaal booliis ah, garoonka dhexdiisana, waxaan ahay garsoore. Laakiin guriga, waxaan ahay dumar, iyo marwada reerka, iyo hooyo gabadheeda.

In kasta oo ay la kulantay cadaadis markii ay xirfaddan bilaabeysay oo uga yimid dhanka qoyskeeda, gaar ahaan walaalaheed, Karboubi waxa ay ku adkaysatay in ay raacdo hamigeeda oo ahaa inay mar un noqoto garsoore kubbadda cagta ah.

Iyadoo ah haweeneydii ugu horeysay ee Carbeed ee garsoore ka noqota ciyaarta ragga oo u qalantay garsooraha Caawinta Fiidiyowga (VAR), Karboubi waxay sii waddaa inay burburiso fikradaha haweenka laga aaminsan yahay iyo inay dhiiri geliso haweenka Afrika oo dhan iyo kuwa ku nool meelo ka baxsanba.

bbc

Morocco, oo ah waddankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee soo saara tignoolajiyada VAR, waxay siisay Karboubi fursad ay ugu adeegto kaaliye muuqaal ah finalka Koobka Qaramada Afrika ee 2021.

Doorkeedii ugu horeeyay ee garsoore caalami ah waxa uu ahaa koobkii qaramada Afrika ee haweenka ee 2018-kii Ghana ka dhacay.

sawir

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Khibradda Karboubi ee garsoorenimo ayaa si weyn uga qayb qaadatay doorkeeda ah sarkaal boolis . Caqabadaha ay la kulanto garsoore dumar ah oo ku sugan goob ay raggu u badan yihiin ayaa muujineysaa shaqadeeda booliisnimo. Waxay xustay dadaalka dheeraadka ah ee ay tahay inay haweenku sameeyaan si ay u caddeeyaan kartidooda, iyadoo sheegtay, "Haddii ninku khalad sameeyo, waxay yiraahdaan waa bini'aadam oo keliya. Laakiin haweeneyda laba jeer ayaa la dhaleeceynayaa sababtoo ah waa garsoore dumar ah.”

Karboubi waxa ay ku hamminaysaa inay garsoore ka noqoto finalka Koobka Adduunka ee ragga.

Bushra Karboubi ma aha oo kaliya inay jebisay fikradaha dumarka laga aaminsan yahay ee waxay sidoo kale u gogol xaaraysaa jiilalka mustaqbalka ee haweenka inay galaan goob kasta oo ay doortaan. Socdaalkeedu waxa uu u yahay iftiin dhiirigelin u ah haweenka ku nool dunida Carabta iyo kuwa caalamkaba, taas oo caddaynaysa in go'aan iyo dadaal badan oo haeenku sameeyaan ay u suurto galinayso in ay ka soo dhalaali karaan wax kasta oo ay niyadda ku hayaan.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip