Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa xaqiijiyay in muwaadiniin u dhalatay dalka Talyaaniga ay ka mid ahaayeen dadka dhintey. Dadka lagu qafaashay maqaaxidan ayaa waxaa ka mid ah shaqaale u dhashay dalka Japan.
Wakaalada wararka Talyaaniga ee Ansa ayaa shaacisay in ugu yaraan toban ruux oo u dhalatay dalka Talyaaniga oo ka shaqeynayay warshad dharka lagu farsameeyo la la’ yahay.
Wararka ayaa sheegaya in dhammaan dadkii ajaaniibta ahaa ee lagu qafaashay baarka la diley. Ra’iisal wasaaraha dalka Bangladesh Shekih Hasina ayaa kutilmaantay weerarka ay dableyda ku qaaday in uu ahaa mid bahalnimo ah.
Sheik Hasina ayaa ku hanjabtay inay dowladeeda xididada u siibi doonto argagaxisada iyo mintidiinta Bangladesh. Wargeyska Bangladesh’s Daily Star ayaa qoray in dableyda ay ciqaabeen qof walba oo akhrin waaya Quraanka Kariimka ah. Dableyda sidoo kale waxa ay raashin siinayeen dadka u dhashay wadanka Bangladesh oo ka midahaa dadkii lagu qafaashay baarka.
20 ruux oo lagu qafaashay magaalada Dhaka dalka Bangladesh oo la diley
Ugu yaraan labaatan ruux oo ajaaniib ah ayaa lagu diley weerar ay dabley taabacsan ururka IS ku qaadeen maqaaxi ku taal caasimada dalka Bangladesh ee Dhaka.