HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMESDAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA FEBARAAYO 2024-KA

0
Tuesday February 06, 2024 - 08:10:12 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMESDAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA FEBARAAYO 2024-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Soomaaliya oo Xulka Galmudug Guddoonsiiyay koobka K/Cabta ee Dowlad Goboleedyada Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya Md. Xasan Sheekh ayaa Xalay mun aasabadd kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa uu xulka Gamudug ku guddoon siiyay koobka dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ay ku guu leysteen.

M/WXasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey tartankii xiisaha lahaa dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ciyaarahu soo bandhiggeen nabada iyo xasiloonida ka jira caasimada, iyada oo bulshadduna muujiyeen xiisaha ay u qabaan, iyada oo laga dheehan karay sida ay u soo buux

dhaafiyeen garoonka tuulada ciyaaraha ee Stad ium Mogadishu. Madaxweynaha ayaa waxaana uu sheegay inay jiraan dalal iyo hay’addo ka xun horumarka Soomaaliya ay samaysay.

Xogta kulan Shalay ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaa mac ayaa Shalay la kulmay ku-xigeenka madax weynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aad anaha, Marwo Mamta Mur ithi. Marwo Mamta oo Sha lay dalka soo gaartay ayaa waxay ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka wada-hadleen qorsheyaasha ista raatiijiyadeed iyo kuwa hortabinta u leh Sooma aliya ee horumarinta karaanka bulshada.

Sidoo kale waxay diirada saaren sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaag ay wafdiga Bangiga Adduunka muhiim adda ay leedahay in la iska kaashado horuma rinta xirfa dda iyo aqoonta dhallinyarada Soo maaliyeed.

Dhankeeda ku-xigeenka madaxweynaha Ba ngiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xuk uumadda Dan-Qaran guulaha waawayn ee ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhamm aystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay.

Iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taa geerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqa ynta ay la leeyihiin wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.

Sawirro: R/W Xamza oo soo arkay sara akiil Soomaaliya loogu tababarayo dalka…

13-kii December ayaa Soomaaliya si rasmi ah looga cafiyay guud ahaan deyntii uu caalamka ku lahaa. Soomaaliya ayaa waxaa laga cafiyay ku dhowaad deyn 5-bilyan oo dollar, taasi oo ay badankeed ku lahaayeen Mareykanka, Farans iiska, Ruushka, IMF, World Bank iyo Paris Club.

Xildhibaannada G/shacabka oo Shalay dood adag ka yeeshay arrimaha siyaasadda & go’a amada masiiriga ah ee dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlam aankaJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo be) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad Kulankiisa 15- aad ee Golaha Sha cabka, waxa ana kulanka goob joog ahaa Gud doomiye ku-xigeenka Koowaad Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar iyo ku-xigeenka labaad ee Gola ha Shacabka Mudane Cabdullahi

Cumar Abshirow.

Ajandaha kulanka oo ahaa ka doodista arri maha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, waxaana soo xaadiray Kulanka 155 Xildhibaan kuwaasi oo ka dooday arrim aha masi iriga ah ee dalka iyagoo soo hadal qaaday dib u eegista Dastuurka KMG ee Soo maaliya, waxa yna Xildhibaannadu soo jeed iyeen in Baarlam aanka la horkeeno wixii he shiis ah oo ay Xukuu maddu soo gasho iyo he shiisyada siyaasadeed ee dalka.

Ugu horreyn qaar kamid ah mudaneyaa sha golaha shacabka oo doodooda diiradda ku saa ray shaqooyinka baaxadda leh ee horyaalada Baarlamaankan 11-aad ee dalka ayaa tilmaamay in waajibaadkooda ugu weyn uu yahay dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya iyo dhameystirkiisa, iyaga oo xus ay in awoodda la isugu geeyo sidii loo qabyo tiri lahaa dastuurka dalka oo in ka badan 11 sano KMG ah taasina ay caqabad ku tahay horumarka dalka iyo sharuu cdiisa Xildhibaann ada labada Gole ee Barlam aanka Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya ayaa 24-

kii bishii hore kulan wadajir ah ku anxiyay

habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastu urka KMG, iyada oo xildhibaannadu ay doodooda ku sharaxeen sida ay muhiim u tahay in si toos loo gudaha galo qabyo tirka dastuurka. Dhan kale mudaneyaasha golaha shacabka ayaa carr abka ku adkeeyay barlam aanka oo kaliya uu awood u leeyahay ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Dooda xildhibaannada ayaa sii socon doonta kulamada soo aadan oo loo ballamay sidauu sheegay guddoomiye Aadan Madoobe. Guddo omiye Sheekh Aadan oo xiray fadhiga Shalay ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Baarlaa maanka 11-aad intuu jiray wax badan uu qa btay, waxaa na uu xusay in maalinta arbacada

ah xilli hore la yimaado si loo dhameystiro doo da ku saabsan arrimaha siyaasadda iyo go’aa mada masiiriga ah ee dalka.

Ciidamada dowladda oo Shalay gacanta

Ku soo dhigay ninkii dhawaan Xaaskiisii gub ay Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen

ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo kuwa

difaaca dadweynaha ayaa lagu soo qabtay Sha lay Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgal ka la gu soo qabtay ninkaan Xaas kiisii gubay ayaa ka dhacay deegaanka Cadey leey oo uu ku dhuu maal eysanayay ninka gub ay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.

    Ciidamada is garabsanaya ayaa sidoo kale

gacanta kusoo dhigay laba nin oo kale oo eed eyaanaha ka gacan siinayay inuu ku baxsado

doon, kuwaas oo laga soo qabtay deegaanka

Gawaan ee gobolka Mudug.

& quot;Shalay 05 Feb 2024 waxaa gacanta lagu soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado. Eedey sanayaashaan oo kala ah Ingriis Fanaxe ey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa'uud Caluuke & quot; ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaal iya ayaa sidoo kale lagu xusay in dadkii qeybta ahaa in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha si gaar ah loogu abaal marin doono abaalm arintii loo balanqaaday.

Talaabadaan lagu soo qabtay eedeysana haan ayaa waxaa durba si weyn usoo dhaw ee yay dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga careysna falkii naxdinta badnaa uu ninkaan ku gubay Xaaskiisii oo uur u laheyd.

Ururrada, dalalka iyo hey’adaha Shalay

kaqeybgalay shirka waxaa ka mid ahaa: UN. OIC,

EU, ATMIS, US, UK, Norway, Turkey, Finla nd, UNDP iyo qaar kale. Culamaa’u diin isa ga ka la yimid wadamada Bariga Afrika oo kulan loogu qabtay Muqdisho Guddoomiyaha G.Banaa dir ahna Duqa M/Muqdisho

Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xalay kulan soo dhaweyn ah Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ugu sameeyay Culu ma’udiin Soomaaliyeed ee isaga kala yimid wadamada Bariga Afrika, kuwaas oo u taagan Faafinta Diinta Islaamka, iyadoo uu kulankan goob joog ahaa Wasiirka Arr imaha Gudaha ee XFS Md.Axmed Macalin Fiqi. Culumadan oo Magaalada Muqdisho u yimid in ay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka ayaa waxaa hogaaminaayay Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Sheekh Xuseen Jabuuta awi) iyo Sheekh Cabdiraxmaan Maca lin Jigj iga. Iyagoona munaasabadda ka jeedi yay khudbado isugu jirtay mahadcelin iyo guub aabo.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Xi ldhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlam aanka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku- xigeenada Maamulka G/Banaadir, Xoghayaha Gu ud ee Maamulka iyo marti sharaf kale.


Dowlada oo Xaflad soo dhaweyn ah Muqdi sho ugu sameysay Sheekh Xuseen Cali Jabuuti

Dowlada Somalia ayaa Habeen hore Xaflad soo dhaweyn ah waxay Magaalada Muqdisho u gu sameeyeen Sheekh Xuseen Cali Jabuuti iyoiyo Sheekh Cabdiraxmaan Macalin Jigjiga oo ka mida Culumaa’udiinka caanka ah ee ka shaq eeya fidinta Diinta Islaamka.

Munaasabada oo ahayd casho sharaf ayaa Shiikha asxaabtiisa waxaa loogu sameeyay Xaru nta Dowlada hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Xaflada waxaa soo abaabulay Guddoomi yaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) .

Casha sharaftaan waxaa ka soo qeyb-galay wasiirka arimaha gudaha Somalia Axmed Maca lin Fiqi,Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir,Taliyaha booliiska Gobolka Ban adir,Labada Gudoomiye xigeen ee Maamu lka Gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Yabooh iyo Ccadiis masuuliyiin kale sida Xildhibaan Dr.Cu smaan Dufke .

Culumadan oo ka kala imaadeen Bariga Afrika ayaa u yimid Xamar inay bulshada ugu nasteexeeyaan Diinta Islaamka,waxaana hog aaminaya Sheekh Xuseen Cali Sugaal (Shee kh Xuseen Jabuutaawi) iyo Sheekh Cabdirax aan Macalin Jigjiga.

Masuuliyiinta aan kor ku soo sheegnay ayaa hadalo kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediya xaflad .

Taliye Sulub oo sheegay in lala xisaab-tami doono qof kasta ee jabiya xeerka wada marista

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Ga naraal Sulub Axmed Firin ayaa ka hadlay dhaqan gelinta xeerka isticmaalka marista Wa ddooyinka.

Taliyaha Ciidamada Taraafikada ayaa maa lmihii ugu danbeeyay wuxuu waday marinta cala amadaha wadooyinka Magaalada Muqdi sho kuwaasoo bilow ah.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen.Sulub oo kormeeray jidadka ay shaqadaan ka socoto ayaa sheegay in lala xisaabtami do ono cidkaste oo jabisa xeerka isticmaalka mar ista Waddooyinka.

Hadalka Taliyaha oo dhameystiran Halkaan ka daawo muuqaal aan ka soo qaadanay Tv-ga Qaranka.

Xil.Saabir Shuuriye oo war culus soo saaray kadib soo qabashada Sayid-Cali

Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ahaa xildhibaankii shaqada geeyey oo damaa nadiisa uu magaalada Muqdisho ku joogay ninkii xaaskiisa gubay ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayo soo qabashada ninkaas.

Xildhibaanka ayaa ugu horeyn muujiyey in uu aad u rabay in lasoo qabto eedeysanaha, si cada aladda loo hor-geeyo, wuxuuna u mah adceliyey ciidamada ammaanka. Si gaar ah ciidamada hey’adda NISA ayuu sheegay xildhibaanku inuu kalsooni badan ku qabay inay ninkaas soo qaba doonaan, iyagoo kaashanaya dadka deegaanka oo taageersa naa in la qabto gacan ku dhiig lahaan loo heysto dilkii xaaskiisa.

"Waxaan bogaadinayaa Hay’addaha Amn iga oo ugu horeyso Hay’adda Nabadsugidda Qar anka oo gacanta ku soo dhigay eedeysane Sa yid-Cali Macallin Daa’uud iyo bulshada deega anka oo ku kaalmeeyay Hay’adaha Am niga soo qabashadia eedeysanahaas,” ayuu yiri Xildhib aan Saabir.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabay in beeshiisa ays an qarsa doonin ninkaan baxsadka ah, isagoo shee gay in marxuum Luul ay cadaalad heli do onto.

"Waxaan mar waliba kalsooni buuxda ku qabay waxgaradka beesha reer Xaaji Saleeb aan ineysan eedeysanaha ka dhashay aysan gadaal marsan doonin waana uga mahad celinayaa, sidoo kale Hay’adaha Amniga oo har iyo habe enba ku hawlanaa inay cadaalad hesho walaa shey Luul Cabdicasiis, Rabbi ha u naxariistee,” ayuu yiri Saabir Shuuriye.

Sidoo kale xildhibaan Saabir ayaa qoraalki isa ku sheegay in soo qabashada ninkaan ay xigi doonto, baaris ay ku sameynayaan hey’ adaha amniga, iyadoo kadibna loo gudbi doo no hey’adaha garsoorka, si cadaaladda loo mars iiyo.

"Waxaan kaloo ku kalsoonahay in Hay’ad aha Amnigu fulinayaan tallaabooyinka xiga khuseeya baarista fal-dambiyeedka uu eedey sanuhu ku eedeysan yahay lana horgeyn doono Hay’add aha Garsoorka si loo marsiiyo cadaaladda looga na xaqsooro arxanlaawen imadii uu nolosha Luul uu u geystay,” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabe eyey xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ninka xaaskiisa gubay ku metelay baarlamaanka.

Shalay ayaa ninkaas lagu qabtay koonfu rta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Gorya ale oo dowladdu aysan maamulin, Shab aab-na aysan joogin, hadafkiisuna wuxuu ahaa inuu cad aaladda ka baxsado, raggii soo qabt ay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu gacmaha ka gubtay oo dhaawac daran uu qabo.

Maxkmadda Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku riday Dagaalame ka tirsan Al-Shabaab

Maxamed Cabdullahi Xaaji Cali (Jawaari) ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshaha Alshab aab isaga oo u qaabilsanaaa qeybta dhuumaal aysata iyo basaasiinta sida ay shee gtay Maxk am addu. Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo qabtay Maxamed Beerta Nabadda ee degm ada Xamar Jajab Sadax iyo labaatankii bishii November sandii 2023. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciid amada ayaa Codsaday Qaadista kiiskan Sadax iyo Tobankii bishii January. Gar soorka Maxakamda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbayn Shalay ku xukuntay Maxamed Cab dullahi Xaaji Cali (Jawaari) 10 sano oo xabsi

ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/le Maxa med Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxa kamadda Darajada 1aad ee Ciidam da.

Nabadoon Caan ahaa oo Shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Deyn iile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shalay kooxo hubeysan ay ku dileen ha lkaas Nabadoon caan ka ahaa maga alada Muqdisho.

Nabadoonka lagu dilay Deynii le ayaa lagu magacaabi jiray Muuse Haarun Aadan oo loo

yaqiinay Muuse Maquuni, waxa ana dilkiisa gey stay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la

garan.

Dableyda hubeysan ee dilka u geysatay Nabad oon Muuse Maquuni ayaa si deg deg ah uga bax satay goobta ay ku dileen Marxuumka, waxaana dilka kadib goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugida ka howlgasha degm ada Dayniile.

Alle ha u naxariiste Nabadoonkaan la dilay ayaa horay uga badbaaday isku day dila ahaa, kadibmarkii rasaas lagu furay ay kasoo gaar tay dha awac uu markii dambe uu ka bogs aaday.

Dilka Nabadoonkaan ayaa kusoo beegm aya, iyadoo mudooyinkii dambe ay Muqdisho ka caa ganeyd dilalka qorsheysan ee loo gey sto wax garadka Soomaaliyeed, kadib markii amaan ka magaalada Muqdisho ay wax weyn ka bada leen ciidamada xasilinta.

Raktarka Jaamacadda Ummadda iyo safi irka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soo maaliyeed Prof. Xasan Cismaan Gacal ayaa xar unta km4 ee Jaamacadda Ummadda kulan kula yeeshay safiirka dowladda Talyaaniga ee Soom aaliya u fadhiya mudane Pier Mario Dacò Coppi oo ay wehliyaan madax kale oo ka socday hey’ adaha horumarinta waxbarashadda iyo wada shaqeynta ee dowladda Talyaaniga.

kulanka safiirka iyo Raktarka ayaa looga hadlay horumarinta wada shaqeynta hey’adaha waxbarashadda ee labada dowladood Talyaan iga iyo Soomaaliya, iyada oo diiradda la saaray sidii kor loogu qaadi lahaa fursadaha deeqaha waxbarasho iyo deeqaha cilmi baarista ee ay Dowladda Talyaanigu siiso ardayda Soomaaliya.

Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ahaa yeen guddoomiye ku xigeennada maamulka iyo waxbarashadda ee Jaamac adda ayaa loogu mahadceliyay dowla dda Talyaaniga taageerada ay siiso ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan garab istaagga iyo xariir joogta ah ay la leedahay

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.


Ganacsade meydkiisa laga helay goobtiisa Ganacsi-

Ganacsade aad da’yar ayaa meydk isa laga helay goobtiisa ganacsi kadib sedex maalin oo la weysnaa. Ganacsadahaan oo ahaa 25 jir ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Xuseen wax aana reerkiisa markii ay waayeen saaka ay go’a ansadeen in la jabsho bakhaar yar uu ku lahaa isgoyska afarta Jardine waana la jabiyay.

Meydka ayaa laga helay gudaha bakhaarka isagoo fadhiya ismarkaana naftu mar horaba ka baxday. Ciidamo booliis ah ayaa goobta soo gaa ray kuwaasoo baaritaano ku haya meydka iyo xaruntiisa Ganacsi si loo hubiyo qaabka wax u dheceen.

Ehalka Cumar ayaa jawaab ka sugaya CID-da oo goobta soo gaartay iyagoona u baahan in loo ca deeyo qaabka wiilkoodu u dhintay.Dadweyne b adan ayaa hor tuuran bakhaa rka wiilka dhintay xili gudaha ay ku jiraan ciidama da danbi baarista CID-da.

Abwaan mucaarad ku ah xukuumada Som alil and oo Hargaysa lagu xidhigay oo qoysk iisu siyaabo kala duwan uga hadleen

Cabdiraxmaan Aadan Ibraahin (Abees) oo ah abwaan mucaarad ku ah xukuumada Som aliland ayaa saaka lagu xidhay magaa lada Hargaysa.

Abees oo muddo dheer mucaarad ku ahaa

Madaxweynaha Somaliland, isla markaana Xabs iga la dhigay mar hore, ayaa markale la

xidhay, aabaha dhalay Abees ayaa sheegay in

isagu wiilkiisa uu xidhay, ka dib markii uu noq day waalid caasi.& Dadka beenta sheegaya ee leh dowlada ayaa xidhatay, walaahi in anay xidh an, 70 jir ayaan ahay, xanuuno badan aya an leeyhay, inankaygu habeen isma kaysoo dul taag in, inankaygu wuxuu igu noqday caaq & quot; Aadan oo ah abwaanka aabihii ayaa sida yidhi.

Aadan waxa uu si gaar ah u xusay in uu ka

cadhooday hadal uu Siyaasi Maxamuud Xaa shi Cabdi xaflad kaga yidhi & quot;Alle ha u nax ariisto Cabdiraxmaan Abees aabihii & quot; ka dibna abwaanka oo garabtaagnaa uu sixi waa yay, oo uu u sheegi waayay in uu nooly ahay aabihii, taasi oo uu ku tilmamay cadawad uu ina nkiisu u qabo isaga.

Dhinaca kale, Abwaan Abees hooyadii, iyo

walaalihii oo si gaar ah ula hadlay MMTV, aya a sheegay in xukuumadu xidhay abwaanka, isla markaan ay aabihii u adeegsatay. Inan kayga waa la bahdilaya, wax aanu ahayn ayaa lagu sheegaya, aabihii ayaa loo adeegsaday,

waa inan haybad Ilahay siiyay, bini adan intuu waalid adeecyahay ayuu inankaygu wa alid ade ec yhay,inankayga dowlada ayaa xidh ay, dowl ada ayaana haysata Abees hooyadii Koos

ayaa sida tidhi.

Abwaanka ayaa 2 dii bishan Hargaysa ku soo bandhigay buug uu ku dhaliilayo xukuu mada oo la yidhaa Mayal kaasi oo muddo san nado ah ay xukuumadu xayiraad saartay diidayna in lasoo bandhigo.

Militariga Soomaaliya iyo Uganda oo iska

Kaashanaya la dagaalanka argagixisada Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaal iyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ku sugan wadanka Uganda ayaa kulan la qaa tay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaa shi ga iyo xoojinta wadashaqeynta labada dal, iya doo dowladda uganda ay balanqaaday in Soom aaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada argagixisada ah.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo Taliy aha ciidamada Milateriga Uganda Gen,Wilson Mbadi ayaa si wadajir ah u dul istaagay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo kha waarijta arxanka daran iyadoo dowladda Uga nda ay diyaar u tahay garab istaaga iyo Taageer ada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booq day Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, si weyn loogu soo dhaweeyay waxuuna kula kul may saraakiil Kala duwan oo ka tirsan Milateriga dalka Uganda.

Faahfaahino kasoo baxaya weerar lagu dilay 7 ruux oo ka dhacay magaalada Baled xaawo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay dad kasoo jeeda qowmiyada Oromada oo Habeen hore ka dhacay degmada Baled xaawo eegobolka Gedo.

Weerarka ayaa lagu dilay ilaa 7 ruux oo lix ka mid ah yihiin Oromo iyo haweeney Soom aali ah, waxaana lagu eedeeyay weerarkaasi iney ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha magaalada Baled xaawo Cab dirashiid Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa sh eegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay geyste en weerarka lagu dilay todobada ruux.

Dadka la dilay waxaa dilay Al-shabaab waxay na kala ahayeen afar qof oo rag ah iyo sadax dumar ah oo midi Soomaali tahay" ayuu yiri gudoomiyaha degnada Baled xaawo Cabdir ashiid Cabdi. Weerarka ayaa sidoo kale lasoo wa riyay iney ku dhaawacmeen ilaa lix ruux oo kale oo u badan caruur, waxaana goo bta dadka lagu dilay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaas oo sameeyay baar itaano aysan kasoo bixin wax

natiijo ah.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo

Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhex taagan tahay xiisad xoogan oo ka dhalatay heshiiskii badda ee Itoobiya kula gashay Addis Ababa madaxweyna ha Somaliland, kaasoo dowladda Soomaaliya iyo dalal badan oo Caalamka si weyn uga soo horje esteen.

La-taliyihii hore ee ra’iisul wasaare Abiy oo ubaxsaday…

La-taliyihii Amniga Qaranka ee Ra’iisul Was aa re Abiy Axmed Gedu Andargachew ayaa waxaa soo baxeysa inuu si qarsoodi ah ugu goostay dalka Belgium.

Wararka ayaa sheegaya in ninkaan oo sidoo kale hore usoo noqday wasiirkii arrimaha diba dda Ethiopia in uu ku qasban aaday in uu isticmaalo baasa boor diblomaasi ah.

Bishii hore, waxaa la sheegay in Gedu uu ku jiro xabsi guri tan iyo markii uu ka soo horje estay xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay gobolka Amxaarada ee Ethiopia bishii August ee sanadkii dhamaaday ee 2023. Gedu ayaa isla August sa nadkii tegay hadal kulul ka jeediyay baarlam aanka Ethiopia, isa ga oo markaas u sharraxayay sababta tallaabo militari oo ka dhacda gobolka Axmaaradda aysan u xallin dhibaatada ka jirtay gobolkiisa.

     Xukuumadda Abiy ayaa markaasi ku dhaw aaqday "xaalad deg-deg ah” ayada oo mark aasi ay sii xoogeysteen iska hor-imaadyada rabshada ha wata ee u dhaxeeya ciidamada qaranka iyo maleeshiyada gobolka Amxaar ada.

Dowladda ayaa sheegtay in rabshadaha "ay halis geliyeen nidaamka dastuuriga ah” isla mark aana go’aanka loogu dhowaaqay xaalad deg deg ah uu ahaa "mid loo dhan yahay.”

Ninkaan ayaa la sheega inuu ahaa xubin saa mayn ku leh kooxda u suurta-gelisay Abiy Axmed in uu awoodda dowladda ku qabsado majaro siy aasadeed daahsoon oo ka dhex jiray xisbigii bur-buray ee EPRDF.

Itoobiya oo shaacisay in lasoo wareejiyey kula nkii QM ee xiisadda badda Soomaaliya Dowlad da Itoobiya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo

jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay

khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibad da Itoobiya Amb. Meles Alem ayaa saxaafa dda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho. IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka, waxay 29-kii bishii Janu ary qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabad da iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas. Soo maaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbayo madax-banna anida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasa ara dda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wux uu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.

"Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is- dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nab adeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka,” ayuu yiri Afhayeenka wasaar adda arrimaha dibb ada Itoobiya Meles.

IGAD ayaa ah madal ay maamusho Itoobi ya oo wixii ay doonto ay ka sameysan karto, mana muuqato in Soomaaliya ay aqbali doonto kulan kale oo arrintan uu ururka ka yeesho.

Waxa ugu weyn ee dowladda Soomaaliya ay

diidan tahay ayaa ah; in arrintan loo rogo khila af ka dhaxeeya labada dhinac oo u baahan in wa da- hadal laga galo, halka xaqiiqda ay tahay in Itoobiya ay xadgudub ku sameysay madax- bana anida iyo midnimada dhuleed ee Soo maaliya.

MUQDISHO: IYADA OO NABAD QABTA AYAY SARIIRTA JIIFATAY BALSE XABAD MADAXE EDA KU JIRTA AYAY KU WAABARIISATAY

Amiiro Jimcihii la soo dhaafay subaxii, qoyska Reer Xuseen waxay ku baarurgeen in gabdhooda Amiiro Xuseen aysan wali hurdada ka soo kicin.

"Intaa ma aysan ku gaari jirin hurdada,” ayuu BBC da u sheegay Max amed Xuseen Cabdi oo la dhashay Amiiro Xuseeen.

Waxay ahayd abaaro sagaalkii Subaxnimo markii hooyadeed gudaha ugu gashay, balse waxkasta waa isbadaleen markii ay dul timid gaba dheeda.

Amiiro waxaa loo tagay iyadoo ku sugan sariirtii ay ku huruday, balse dhiig badan ka qubanayo, dadkii oo ay hooyadeed ugu horeysayna waxa ku dhacay argagax xooggan.

Xaalad jaahwareer ah oo daqiiqado qaadatay ka dib, waxaa qoysku Amiiro ula carareen cisbitaalka. Ma aysan garanayn waxaa ku dhacay, bals e markii ay isbitaalka tageen ayay ogaadeen in xabadi ku dhacday.

"Ma qiyaasi karno saacada rasmiga ah ee xabadu ku dhacday, laakiin dhaawaca ku yaal ayaan aragnay wayna miyir daboolnayd markii an qaadanaynay," ayuu hadalkiisa raaciyaya Maxamed.

Cisbitaalka Somali Sudanis ee magaalada Muqdisho ayaa dhaawaca la geeyey xili barqa ah oo cadceedu soo kululaatay, ehelkuna wali waxay ku jireen xaalad hubanti la,aan ah, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Xuseen.

xabada laga soo saray Amiiro

Qoraalka sawirka, Xabada laga soo saaray madaxa Amiiro, ka dib qaliin qaatay saddex saacadood.

Maxaa ku dhacay Amiir?

Habe enkii Khamiista ayay si nabad u seexatay Amiiro, balse sida ay qiyaaseen qoyskeedu wax aa ku dhacday xabad habow ah oo gurigeeda soo gashay.

Sida ay sheegeen dhaqaatiirtu waxay ka soo gashay isha midig, iyada oo u gudubtay qaybta dambe ee madaxa.

Dr Cabdirixmaan Axmed Muuse oo ah mid ka mida labo dhaqtar oo ful isay qaliinka lagu sameeyey Amiiro ayaa BBC-da u sheegay in dhaawaca xabadu gaarsiiyey bukaanka uu ahaa mid halis leh.

"Qiyaastii xiligii salaadda ama waqtiyada khudbada jicmaha ayaa isbita alka Somali Sudanese naloogu keenay Amiiro Xuseen Cabdi oo qabta dha awac, laakiin xitaa qoysku ma ogayn waxa uu dhaawacu yahay. Waxaan saarnay Scan qaybta madaxa waxaana la og aaday in dhaawacu yahay xabad ku dhacday qaybta hore ee wajiga dhinaca midig ee isha una sii gudubtay qaybta danbe ee mada xa”ayuu BBc da u sheegay Dr. Cabd irixmaan Isagoo ka hadlayey xaalada dhaawaca ayuu sheegay in marki iba la galiyey qaybta xaalada degdega ah, maadaama ay miyir daboolnayd markii danbana loo gudbiyey qaybta qalliinka.

Sawirka madaxa Qaliin ay fuliyeen labo dhaqtar oo qaatay ku dhawaad saddex sacadood ayaa suura galiyey in lagu guul aysto in xabada laga soo saaro qaybta dambe ee madaxa Amiiro.

Dr.Cabdirixmaan wuxuu BBC-da u sheegay in xaba da ku dhacday gabadhan yar ay dhaawac xun gaars iisay labo qaybood oo kamida madaxeeda.

" Madaxa qofku waxaa u qaybsamaa qaybo badan gaar ahaan qaybta hore ee maxkaska, dhakada qaybta kore iyo jeegada oo ah qaybta dambe ee madaxa, xabadu waxay dhaawac gaarsiiyey qaybta qaabilsan dareenka iyo shaqada afarta adin ee dhanka bixid.

"Marka lugta iyo gacanta bidix ayaa dareenkeedu dafiic noqday oo aad u liitaa, sidoo kale waxay qaybta danbe xabadu fariisatay qaybta maskaxda ee maamusha araga taas oo iyana ay waxyeelo gaarsiiyey” ayuu BBC-da u sheegay Dr. Cabdiqaadir oo ah dhaqtar ku takhasusay qaliimada neerfaha maxkaxda iyo lafdhabarta oo sameeyay qalliinkaan. Amiiro, hadda waxaa laga saray qaybtii xaalada culus iyadoo loo gudbiyey qaybta soo kaba shada. Wali waxaan loo ogolaan cunada balse waxaa Dr. Cabdirixmaan sheegay in ilaa saddex bilood ay u baahan doonto xananayn gaara.

Waa kiiskii shanaad oo dad la mida kan Amiiro, oo uu diiwaan galiyey cisbitaalka Somali Sudanese mudo bilooyin ah, sida ay BBC da u sheegeen. Magaalooyinka Muqdisho iyo magaalooyin ka tirsan maamulada Puntland iyo Jubaland ayay bukanaadaasi ka kala yimaadeen.

Maxamed Xuseen Cabdi oo qoyskiisu dhibane u yihiin xabad wiifto ah oo waliishii haleeshay ayaa ku tilmamay dhacdooyinkaas "dilaa dahsoon" oo si maalinle ah shacabka Muqd isho ula kulmaan.

"Waxan ka dalbanaynaa dowlada Soomaa liya inay wax ka qabato xabadaha ay ciidam adu kor u ridayaan ee dhiba ku ah dadka shacabka oo laga sameeyo taxadar” ayuu yiri Maxamed.

Waa tuma Amiiro?

dhaawaca Amiiro Xuseen Cabdi

Amiiro ayaa ah 16 jir ayaa ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Muqdisho ee caasim adda Soomaaliya.

Waxay ku jirtay sanad dugisyeedkii ugu da mbeeyay ee dugsiga sare iyadoo isku diyaa rinaysay inay ka baxdo dugsiga sare Al-Da’wa ee magaalada Muqdisho.

Nasiib xumo, sida ay sheegeen dhaqaati irtu, waxa laga yaabaa in xabadani naafeyso xubnaheeda muhiim ka ah.XIGASHO:-BBC

Raysal Wasaare Sunak oo ka hadlay weerar ada ay ku hayaan Xuuthiyiinta

Raysal Wasaaraha Britain, Rishi Sunak ayaa ka hadlay weerarada militari ee ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingiriiska ku hayaan bartil maameedyada Ururka Xuuthiyi inta ee ka arrimiya inta badan dalka Yemen.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa markii saddexaad Axaddii iska kaashaday weeraro xagga cirka ah, oo ay si wadajir ah uga fuliyeen goobaha ay maamulaan Xuuthi yiinta.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENT COM) ayaa sheegay in ay garaaceen gantaalo loo diyaarinayay in weeraro looga gaysto Badda Cas.

Raysal Wasaaraha Britain ayaa sheegay in weer aradooda ay jawaab u yihiin gantaalaha ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku weerarayaan maraakiibta mareysa Badda Cas.

Waxa uu difaacay in UK ay ka qayb qaad ato haw lgalada militari ee lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Xuuthiyiinta Yemen, isagoona ku eedeeyay in ay carqaladeynayaan marin ada ganacsiga caala miga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

"Weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ka gudbeysa Bad da Cas iyo Gacan Cadmeed, waxay halis ku yihiin nolo sha dadka aan waxba Shalaysan.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Sunak.

Waxa kaloo uu sheegay in weerarada ka socda Badda Cas ay dunida ka abuureyso cawaaqib dhaqaale, taas oo sida uu sheegay aan la aqbali karin.

"Waxaan aragnaa in Xuuthiyiinta ay sii wadaan weerarada ay ku ha yaan maraakiibta ganacsiga. Sida iska cad taasi waa wax aan la aqbali karin, waana sharci-darro, waxayna lee dahay cawaaqib dhaqaale.” Ayuu yiri Sunak. Dunida ayaa waxaa ka jirta cabsi xoog leh oo laga qabo in we erarada maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas ay sare u qaadaan qiimaha badeecadaha ee suuqyada caalamiga ah, iyadoo shirkadaha xamuulka badda ay qaar badan oo ka mid ah ku khasbanaadeen inay adeegsadaan waddooyinka dheer oo kha rash badan.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa ah kuwo ay kaga falcelinayaan duqayma ha baahsan ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, waana weeraro ay shee geen in ay garab istaag ugu muujinayaan shacabka Falastiiniyiinta ee lagu leynayo Gaza.

Xuuthiyiinta oo muddooyinkii ugu dambeys ay ballaariyay weerarada gantaalaha iyo diyaa radaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya ayaa beegsanaya maraakiibta laga leeyahay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, si ay uga aargutaan duqaymaha kaga imaanaya, waana xilli ay u muuqdaan ku wo go’doomiyay Deked aha Israel.

Maraakiibta ku socda Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee ay Israeliyiinta leeyihiin ayaa la sheegay in ay ka baaqsadeen isticmaalka Bad da Cas, ka dib markii Saraakiisha Xuuthiyii nta ay horaan ku dhawaaqeen in ay bart ilmaa meed yihiin.

DHAQAATIIRTII HALISTA QAATAY EE ISKU DAYAY INAY ISKA DAWEEYAAN KANSARKA MASKAXDA EE AADKA U DARAN

Long and Scolyer

XIGASHADA SAWIRKA,TIM BAUER

Richard Scolyer iyo Georgina Long oo waqtigaa iyada ah kala joogay laba meel oo kala fog oo du nida ah, labaduba waxay la tacajabsanaayeen natii jadii ka soo muuqatay shaashadda iyaga oo daaw anaya. Shaashada waxaa saarnaa masawirka mask ax caadi ula muuqatay indho aan tababa rnayn.

Labadaan saaxiib ee mudada dheer is gara naya ahna dhaqaatiir kansarka maqaarka, waxaa cabsi wayn ku abuuray bar ku dhext aalay sawirka taas oo iyaga ku noqon kartay sida bam saacad lagu xi ray, oo sikinadu is gurayaan.

Bar qafiif ah oo aan sinayn ayaa waxay ku taal ay qaybta midig ee sare ee qalfoofta madaxa. "Ma ihi khabiir dhinaca radiology ga, balse waan ogaa inay buro tahay,” ayuu BBC da u sheegay Scolyer.

Khabiir yaqaana sawirada nuucaan ah oo dib u fiiriyay ayaa xaqiijiyay in aysan ahayn buro maska xda ah ama xitaa wax lamid ah, balse ay tahay "Wa xa intaas kaba sii xun”.

Nuucaan ayaa ah qayb yar oo ka sii farcanta ka nsarka glioblastoma ayaa ah mid aad u daran oo ay bukaanado ay haleesho ka kacaan wax ka yar hal sano.

Scolyer iyo saaxiibkiis ay isla yihiin dhaqtar ka kansarka waxaa aad uga nixiyay warka soo yeeray, balse labadoodu waxay wada qorshey steen in ay sa meeyaan wax aan la filaynin si ay noloshooda u badbaadiyaan.

"Iilama muuqan arrin saxan inaan aqbalo dhim asho aniga oo aan samayn wax isku day ah,” sida as waxaa yiri Scolyer, "Kansar aan la dawayn Karin? Halkaas soo dhaaf”.

Long and Scolyer

,AUSTRALIAN MELANOMA INSTITUTE

"Hanti Qaran”

Soddon sano ka hor markii ay wada kulmeen barafisoor Scl yer iyo barafisoor Long iyaga oo ahaa xilligaas dhaqaatiir da’ yar oo mustaqbal fiican leh, ka nsar ku dhaca maqaarku wuxuu ahaa sida tooga sho oo kale, balse sababtaas ayaaba ahayd wixii ku dhiirri galiyay in ay daawo u helaan xanuunka.

Australia waxay muddo dheer ahayd meesha u gu badan ee laga soo sheego kiisaska dadka uu ku dhaco kansarka maqaarka. Sidaas darteed lab adii dhaqtar ee dhallinyada ahayd halkaas ayayba fur sad ka arkeen.

"Dabaqa bukaanada kansarka, wixii ugu adkaa ee noogu yimaada waxay ahaayeen bukaanada qa ba kansarka maqaarka ee darsaday. Inaad indhaha saarto ayaaba qalbi jab ahayd, annaguna waxaan rabnay inaan halaas is badal ka curino,” ayuu shar raxay barafisoor Long.

Ma ahan mid la qarin karo Shalay isbad alka bal laaran ee labada dhaqtar ka same eyeen qaybtaan.

Shalay qof walba oo laga soo sheego kansarka maqaarka dunida oo dhan wuxuu helaa daawayn, ku mahadsanidiin shaqadiina Machadka Melanoma ee labada dhaqtar hormuudka u yihiin.

Daawadaas ayaa waxay labada dhaqtar ka dhigtay hanti qaran. Qof walba oo ku nool Australia wuxuu yaqaanaa ugu yaraan hal qof oo ka faa’iiday waxa labadaas nin ay soo saar een. Sababtaas dar teedna waxaa loo magac aabay labada dhaqtar ee sanadka.

Iyada oo koxdeeda machadka waxay oga adeen in qaabka kobcinta unugyada difaaca uu yahay mid aad u shaqeeya hadii lagu tababro dhawr daawo oo la siku daray, lana adeegsan karo iyaga inta aan la gaarin qalliin lagu jarayo burada.

Dhaqtar Long waxay dhexda u xiratay sidii ay daawo ugu raadin leheed saaxiibkeed, iyada oo bilowday isku dayo.

Waa sida adiga oo eey wax uriya tababara ya oo kale ayay tiri: Waxaad ursiineysaa wax la goo bayo oo hadda nuugu dhigma unugyada kansarka, si ay u gaarsadaan hadhoow Balse talaabadaan wa xay ahayd mid halis wayn wadata.

Long and Scolyer

MELANOMA INSTITUTE"Rajo bidhaa ntay” Todobaadyo kadib markii sawirkii ka nixiyay Scolyer iyo Long waxay mar kale fiirinayeen natiijo kale.

Tani waxay ahayd sawirkii ugu dambeeyay ee burada Scolyer. Dhaq tarka ayaa sheegay: "Aad ayaan u yaabay, in ay wax dhacayeen waa ay muuqatay.”

Natiijada ayaa sheegtay in kaliya daawadu aysa n gaarin maskaxda, balse ay sidoo kale ay laba qarxeen unugyadii difaaca. Unugyada ayaa u muu qday kuwa shaqayn aya, rajo ayay bixiyeen iyaga oo weeraraya unugyadii kansarka xilligii sawirka la qaad ayay.

Sida qaalibka ah, kansarka glioblastoma ayaa soo noqda lix bilood kadib marka qalliin lagu same eyo. Balse sided bil kadib iyada oo uu wali socdo da aweyntii xanuunka, wax calaamad ah oo muujinay in kansarkii wali jiro kama aysan soo muuqan dhaqtar Scolyer.

Todobaadkii hore sawir kale ayaa laga qaaday, dhaqtar Long ayaa sheegay "in maska xdiisa ay ku soo noqonneyso sidii caadiga ahayd.”

Natiijada ilaa iyo hadda la soo bandhigay ayaa ah in mid aad loogu farxay.

Waxaa jira rajooyin kobcaya oo ah inuu si fiican u daawoobo Scolyer.

Sidoo kale waxaa rajo laga qabaa in labadaan dhaqtar ay soo saaraan daawo rajo u soo celin kar ta 300,000 oo qof oo sanad walba laga sheego ka nsarka maskaxda dunida oo dhan XIGASHO:-BBC

Ka dib tallaabadii Mareykanka uu qaaday, RUUSHKA oo dalbaday shir deg deg ah

Dowladda Ruushka ayaa ku baaqay kulan deg deg ah uu Golaha Ammaanka ee Q/Mido obay ka yeesho duqeymaha Mareyk anka uu ku hayo kooxaha maleeshiyadka ah ee dowladda Iiraan ay taageerto.

Kooxaha uu Mareykanku beegsanayo ayuu fa dhigoodu yahay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, kuw aas oo lala xiriirinayo in toddobaadkii hore ay askar Mareykan ah ku laayeen dalka Urdun.

"Waxaan kaliya dalbanay fadhi deg deg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoob ay ka yeesho khatarta nabadda iyo badbaad ada ee ay abuureen weerarrada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq,” ayuu yiri Diblomaasiga Moscow ee Q/M idoobay, Dmitry Polyansky.

Ruushka oo xubin ka ah golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobey ayaa saaxiib dhow la ah dowladda Iiraan oo Mareykanka ay isha yaan.

Dowladda Ukraine iyo hay’adaha sirdoo nka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushku uu isticmaalayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan laga leeyahay tan iyo bishii February ee sannadkii 2022-kii, xiligaas oo Ruushku uu soo bi laabay duulaanka uu ku hayo dalka Ukraine. M areykanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqee yay 85 bartilmaameed, isagoo ka jawaa baya weerarkii askarta looga laayey Axadii hore, mada xweynaha Mareykanka Joe Biden oo weerarkaas kadib soo hanjabay ayaa yiri "Haddii aad dhaaw acdo qof Mareykan ah, waan ka jawaabi doo naa.”Tiro dad ah ayaa ku dhintay duqeyn culus oo magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, halka dowladda Ciraaq ay sheegtay in ugu yaraan 16 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ay ku dhinteen duqeymo uu Mareykanku ka geystay dalkaas, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25 qof oo kale.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha diba dda ee dowladda Iiraan ayaa sheegay si adag u cambaareeyay duqeymaha Mareyka nka oo uu ku tilmaamay xadgudubyo ka dhan ah "madax bannaanida iyo xornimadi dhuleed” ee dalalka uu Mareykanku beegsaday.

Wasiir ka tirsan Israel oo eedeyn yaab leh u jeediyey Biden "Wuxuu taageeraa Xamaas”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ay aan si buuxda u taageersanayn hadafyada Israel ee dagaalka ay kula jirto Xamaas ee Marinka Ga za, sida uu wargeyska Wall Street Journal u sheegay was iirka amniga qaranka midigta fog ee Israa’iil Itamar Ben Gvir. "Halkii uu na siin lahaa taageero buuxda, Biden waxa uu ku mashquulsan yahay bixinta gargaarka bini’ aadantinimo iyo shidaalka (Gaza), taasoo taage ereysa Xamaas, "ayuu yiri.

"Haddii Trump uu xukunka hayo, dhaqanka Maraykanku gabi ahaanba wuu ka duwanaan lahaa sidan,” ayuu yiri Ben Gvir, oo ah madaxa xisbiga awoodda Yuhuudda ee waddaniga ah.

Benny Gantz, wasiirkii hore ee gaashaa ndh igga, xubinna ka ahaa golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil, ayaa dib u weeraray Ben Gvir, isaga oo ku tilmaamay hadaladiisa "mas ’uuliyad darro” qoraal uu soo dhigay bartiisa X wuxuu ku booriy ay Netanyahu inuu talaabo ka qaado wasiirkan.

"Waa la ogol yahay in khilaaf la dhex dhigo, xitaa saaxiibkayaga ugu weyn uguna muhiimsan (Maraykanka), laakiin waa in lagu qabtaa golay aasha khuseeya ee maaha in lagu sam eeyo hadalo mas’uuliyad darro ah oo warbaahinta laga sheego, kuwaas oo dhaawa caya xiriirka istiraati jiyadeed ee dawladda Israa’iil., Amniga Qaranka, iyo dadaalka daga al ee xilligan,” ayuu yiri.

Madaxa mucaaradka Yair Lapid ayaa sidoo kale dhaleeceeyay hadalka Ben Gvir isagoo shee gay in wareysigu uu ahaa weerar toos ah oo ka dhan ah mowqifka caalamiga ah ee Israa’iil, weerar toos ah oo waxyeello u geysan aya amm aanka Israel” ayuu yiri

Netanyahu ayaa waxaa saaran cadaadis dhan walba ah, iyadoo khilaafka ka dhex jira is bahaysigiisa iyo golaha wasiirada dagaalka ay ku hanjabayaan inay dowladda gaarsiin doonaan meel burbur ah, waxaana isu soo baxyo waaw eyn oo dalka ka dhacay ay ku dalbanayaan inuu xilka ka dago oo uu dalka u diro doorasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip