
Dhaqaatiirtii halista qaatay ee isku dayay inay iska daweeyaan kansarka maskaxda ee aadka u daran
Richard Scolyer iyo Georgina Long oo waqtigaa iyada ah kala joogay laba meel oo kala fog oo dunida ah, labaduba waxay la tacajabsanaayeen natiijadii ka soo muuqatay shaashadda iyaga oo daawanaya.
Shaashada waxaa saarnaa masawirka maskax caadi ula muuqatay indho aan tababarnayn.
Labadaan saaxiib ee mudada dheer is garanaya ahna dhaqaatiir kansarka maqaarka, waxaa cabsi wayn ku abuuray bar ku dhextaalay sawirka taas oo iyaga ku noqon kartay sida bam saacad lagu xiray, oo sikinadu is gurayaan.
Bar qafiif ah oo aan sinayn ayaa waxay ku taalay qaybta midig ee sare ee qalfoofta madaxa. "Ma ihi khabiir dhinaca radiology ga, balse waan ogaa inay buro tahay,” ayuu BBC da u sheegay Scolyer.
Khabiir yaqaana sawirada nuucaan ah oo dib u fiiriyay ayaa xaqiijiyay in aysan ahayn buro maskaxda ah ama xitaa wax lamid ah, balse ay tahay "Waxa intaas kaba sii xun”.
Nuucaan ayaa ah qayb yar oo ka sii farcanta kansarka glioblastoma ayaa ah mid aad u daran oo ay bukaanado ay haleesho ka kacaan wax ka yar hal sano.
Scolyer iyo saaxiibkiis ay isla yihiin dhaqtarka kansarka waxaa aad uga nixiyay warka soo yeeray, balse labadoodu waxay wada qorsheysteen in ay sameeyaan wax aan la filaynin si ay noloshooda u badbaadiyaan.
"Iilama muuqan arrin saxan inaan aqbalo dhimasho aniga oo aan samayn wax isku day ah,” sidaas waxaa yiri Scolyer, "Kansar aan la dawayn Karin? Halkaas soo dhaaf”.

XIGASHADA SAWIRKA,AUSTRALIAN MELANOMA INSTITUTE
"Hanti Qaran”
Soddon sano ka hor markii ay wada kulmeen barafisoor Sclyer iyo barafisoor Long iyaga oo ahaa xilligaas dhaqaatiir da’yar oo mustaqbal fiican leh, kansar ku dhaca maqaarku wuxuu ahaa sida toogasho oo kale, balse sababtaas ayaaba ahayd wixii ku dhiirri galiyay in ay daawo u helaan xanuunka.
Australia waxay muddo dheer ahayd meesha ugu badan ee laga soo sheego kiisaska dadka uu ku dhaco kansarka maqaarka. Sidaas darteed labadii dhaqtar ee dhallinyada ahayd halkaas ayayba fursad ka arkeen.
"Dabaqa bukaanada kansarka, wixii ugu adkaa ee noogu yimaada waxay ahaayeen bukaanada qaba kansarka maqaarka ee darsaday. Inaad indhaha saarto ayaaba qalbi jab ahayd, annaguna waxaan rabnay inaan halaas is badal ka curino,” ayuu sharraxay barafisoor Long.
Ma ahan mid la qarin karo maanta isbadalka ballaaran ee labada dhaqtar ka sameeyeen qaybtaan.
Maanta qof walba oo laga soo sheego kansarka maqaarka dunida oo dhan wuxuu helaa daawayn, ku mahadsanidiin shaqadiina Machadka Melanoma ee labada dhaqtar hormuudka u yihiin.
Daawadaas ayaa waxay labada dhaqtar ka dhigtay hanti qaran. Qof walba oo ku nool Australia wuxuu yaqaanaa ugu yaraan hal qof oo ka faa’iiday waxa labadaas nin ay soo saareen. Sababtaas darteedna waxaa loo magacaabay labada dhaqtar ee sanadka.
Iyada oo koxdeeda machadka waxay ogaadeen in qaabka kobcinta unugyada difaaca uu yahay mid aad u shaqeeya hadii lagu tababro dhawr daawo oo la siku daray, lana adeegsan karo iyaga inta aan la gaarin qalliin lagu jarayo burada.
Dhaqtar Long waxay dhexda u xiratay sidii ay daawo ugu raadin leheed saaxiibkeed, iyada oo bilowday isku dayo.
Waa sida adiga oo eey wax uriya tababaraya oo kale ayay tiri: Waxaad ursiineysaa wax la goobayo oo hadda nuugu dhigma unugyada kansarka, si ay u gaarsadaan hadhoow.
Balse talaabadaan waxay ahayd mid halis wayn wadata.

XIGASHADA SAWIRKA,AUSTRALIAN MELANOMA INSTITUTE
"Rajo bidhaantay”
Todobaadyo kadib markii sawirkii ka nixiyay Scolyer iyo Long waxay mar kale fiirinayeen natiijo kale.
Tani waxay ahayd sawirkii ugu dambeeyay ee burada Scolyer. Dhaqtarka ayaa sheegay: "Aad ayaan u yaabay, in ay wax dhacayeen waa ay muuqatay.”
Natiijada ayaa sheegtay in kaliya daawadu aysan gaarin maskaxda, balse ay sidoo kale ay laba qarxeen unugyadii difaaca.
Unugyada ayaa u muuqday kuwa shaqaynaya, rajo ayay bixiyeen iyaga oo weeraraya unugyadii kansarka xilligii sawirka la qaadayay.
Sida qaalibka ah, kansarka glioblastoma ayaa soo noqda lix bilood kadib marka qalliin lagu sameeyo. Balse sided bil kadib iyada oo uu wali socdo daaweyntii xanuunka, wax calaamad ah oo muujinay in kansarkii wali jiro kama aysan soo muuqan dhaqtar Scolyer.
Todobaadkii hore sawir kale ayaa laga qaaday, dhaqtar Long ayaa sheegay "in maskaxdiisa ay ku soo noqonneyso sidii caadiga ahayd.”
Natiijada ilaa iyo hadda la soo bandhigay ayaa ah in mid aad loogu farxay.
Waxaa jira rajooyin kobcaya oo ah inuu si fiican u daawoobo Scolyer.
Sidoo kale waxaa rajo laga qabaa in labadaan dhaqtar ay soo saaraan daawo rajo u soo celin karta 300,000 oo qof oo sanad walba laga sheego kansarka maskaxda dunida oo dhan.
XIGASHO:-BBC
Dhaqaatiirtii halista qaatay ee isku dayay inay iska daweeyaan kansarka maskaxda ee aadka u daran
.