HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Tuesday January 30, 2024 - 08:09:11 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 30-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan oo shirka Rome geeyey qadiyadda Somalia ee xiisadda badda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Taly aa niga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wa naagsan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay fur sadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ce egaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashi ga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtira amka sh arciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaa nida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

"Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tus aale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalke enna,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqaba daha hortaagnaa dowladnimada Soomaal iya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in la xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaal iya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin, ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadi sta cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

"Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayra adka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beer aha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo bo oska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehe linya an in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u bad an, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur.”

"Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiira Cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuu riyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xam sa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasi irrada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraa bka xukuumaadda Soomaaliya ayaa loo mag aca abay Md.Maxamed Cabdi Xayir (Mare eye), sidoo kale wasiirka Howlaha Guud iyo Gurye enta Soomaaliya ayaa isna loo.magaca abay Md. Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Ismail Abdirahman Sheikh Bashir ayaa la ga qaaday xilka wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeenta,halka Maxamed Madoobe Nun ow aya isna laga qaaday xilka wasaaradda Be eraha Iyo Waraabka Xukuumadda Soom aaliya

Ku-simaha W/ Arr/ Dibadda oo warqadaha aqoonsiga Danjirnimo ka gudd oomay Mad axa hawlgalka IGAD ee Somaliya

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Md.Cali Cumar, ayaa Dorraad oo Isniin ah ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ma daxa IGAD ee Soomaaliya.

Danjire Maxam uud Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyad da ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhinacyada Hourmarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goblleedka IGAD.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa guul u rejeeyay mas’uulka cusub ee IGAD in uu ku guuleysto xilka loo magacaa bay, si sare loogu qaado xiriirka wadashaqey need ee dhow ee Soomaaliya iyo IGAD.

Warbaahinta Qaranka ayuu la hadlay markii warqadaha aqoonsiga Danjire laga guddoo may Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed oo shee gay in uu Adkeyn doono Xiirarka, Iskaashiga, iyo horumarinta dhaqan dhaqaale ee urur gobo lleedka IGAD iyo Somalia.

Xog-hayaha Fulinta Urur Gobaleed IGAD, Danjinre Dr. Workneh Gebeyehu ayaa 26 Nov ember 2023 u soo magacaabay Madaxa hawl galka IGAD ee Soomaaliya (IGAD Head of Mis sion to Somalia) Danjire Maxamuud Cabdi Ax med.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Dorra ad yeeshay kulan saddex ajando looga hadl ay

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 12aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo Dor raad shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,

Kulanka ayaa Ajandihiisu ahaa:

1) Akhrinta 1aad ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

2) Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Dad-dhig ista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Di badda Mudane Isxaaq Mohamuud Mursal ay aa Mudanayaasha Golaha kahor Akhriyay ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqa ala ha Bariga Afrika (EAC) sidoo kale Xoghaya ha Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Gol aha Shacabkae BJFS Md. Cabdulqaadir Xus een Cabdi (Uurdoox) ayaa Mudanayaasha Gol aha kahor Akhriyay Hindise -Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

     Si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, Xildhibaannada ayaa mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharc iyeedyada kala weydiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimha dibada iyo Wasiir Ku-Xige enka Wasaaradda Maaliyadda Xil.Cabdiq afaar Cilmi Xaange Intaas kadib labada wasiir ayaa faafaahin ka bixiyey su’aalahii la we ydiyey.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee G/Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo xirtay kulanka Dorraad ayaa fartay ku-simaha Xoghayaha Guud ee G/Shacabka BJFS Ahna Xogha ye ku-Xigeen ka Md. Maxamed C/hi Cabdi (ciyow) inuu ku wareejiyo Guddiyada ku shaqada leh Hishiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaq aalaha Bariga Afrika (EAC) Iyo Hindise -Sharci yeedka Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliy eed

Golaha amaanka ee QM oo kulan ka yeelan aya xiisada Somaliya iyo Itoobiya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan ka yeeshaan xiis ada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska ay la gashay Somaliland.

Kulanka oo dhacaya Isniinta Dorraad ah ay aa looga hadli doonaa dhacdooyinka Gee ska Afrika. Muranka ayaa ka dha shay kadib markii Itoobiya ay horraantii bishan heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Somaliland.

eshiisku wuxuu siinayaa Itoobiya oo aan bad lahayn inay hesho deked ciidan iyo gan acsi.

Soomaaliya oo Somaliland u aragta qayb ka mid ah dhulkeeda, ayaa diiday heshiiskaas, waxaanay Itoobiya ku eedaysay inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda.

Kulanka golaha amaanka oo ay dalbatay Soomaaliya ayaa la filayaa in laga soo saaro go’ aano la xiriira xad gudubka ay ku kacday Itoobiya.

Galmudug oo Markii ugu horreysay ku guu laysatay Tartanka Dowlad Goboleedyada

Kulan kii adkaa ee u dhexeeyay Xulalka Gal mudug iyo Hirshabeelle ayaa goordhweyd soo dhamamaday, waxaana Xalay guul Taar iikhi ah la hoyday Xulka Dowlad Goboleedka Gal mudug, kuwaasi oo wacdaro ka dhigay tartanka.

Cayaar 90 kii daqiiqo la ismari waayay ayaa la isla gaaray goal ku laad, waxaana 4-1 ay guushu ku raacday xulka Galmudug.

Garoonk Stadium Mogadishu oo cayaartu ay ka dhacday ayaa haatan waxaa bannaan kiisa hore is-qabsaday dabbaal degyo waa weyn oo ay dhigayaan Taageerayaasha Xulka Galmu dug. Sidoo kale qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Magaalooyinka waa weyn ee ma amulka Galmudug ayaa waxaa is qabsaday dabbaal degyo, iyadoo meelaha qaar la ridayo rasaas debbaal deg ah.


Madaxweyne Xassan Shiikh oo hambalyo u diray Xulka K/cagta Galmudug

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Ma xamuud ayaa hambalyo u diray xulka Galmu dug oo Dorraad ku guuleystay ciyaarihii do wlad goboleedyada dalka ka dib markii ay 4-1 rigo orayaal ah kaga adkaadeen xulka Hirsha belle

Qoraal uu soo saaray Xassan Shiikh oo ay baahisay Villa Somalia ayuu madaxweynaha hadalkiisa ku bilaabay sidatan:-

Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalim

iin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, wa xaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo G/ Banaadir. Guushan aad gaarteen waxaa sal dhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, an shax wanaagsan iyo isku xirnaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartan ka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bix iseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan. Guud ahaan bahda ciy aaraha Somaliyeed waxay mudan yihiin amm aan, maadama muddada ay socdeen ciyaara han ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka.

Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soom aaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wa naagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixis ada cadowga ah. Ciyaarahu waxa ay kor u qa adaan is-dhex galka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug oo codsaday in ay martigaliyaan koobka dowlad goboleedyada ee 2025-ka

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmu dug Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray xulka Galmudug oo Dorraad ku guuley stay tartanka maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, kaas oo garoonka Muqdi sho Stadium lagu soo gabagabeeyey Dorraad.

Qoraal kooban uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, "Hamba lyo Habmalyo dhallinyaro. Waxaan idin daaw aday dhammaan daqiiqadihii ciyaarta, waxaad u ciyaarteen si cajiib ah, waxaad muujiseen akhlaaq wanaag iyo xirfad sarreysa.”

Sidoo kale qoraalka uu soo dhigay Madax weynaha dowlad gobaleedka Galmudug Ax med Cabdi Kaariye ayuu ku soo gabagabee yey, "Koobkiina waad keenteen. Waa inoo dab baal degga idinka Ilaahey.”

Dhanka kale Madaxweynaha dowlad gobal eedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo wareysi siiyey Astan Sport oo ah Tv ka hadla arrimaha ciyaaraha dalka iyo dibadda ayaa sheegay in ay codsanayaa inay marti galiyaan koobka dowlad goboleedyadda ee Sanadka danbe ee 2025-ka.

Xulka Galmudug ayaa Dorraad guul ka ga aray dhiggiisa Hirshabeelle ciyaar la’isla gaar ay gool kullaad, taas oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey fina lka tartanka.

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Beenisay In Xasan Sheekh Iyo Abiye Ay Rome Ku Kulmayaan

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaa liya ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorsha ysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexm ari doona madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoo biya illaa dawladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somal iland.

Agaasimaha Xiriirka madaxtooyada Sooma aliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa u sheegay VOA in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

"Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mo wqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbanna an ida dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa ku shee gay qoraal uu VOA usoo diray Cabdulqaadir Cali Dige.

"MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuqu uqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Daw ladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go ’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxay na diyaar u tahay inay la macaamisho dhamm aan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn ka la faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caala mi ga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,” ayuu intaas ku daray.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Madaxwey naha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaala da Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka mad axda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Dawladda Itoobiya iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in Abiy Axmed ay Hay’adda Cuntada iyo Beeraha FAO siisay abaalmarin la xiriirta mowqifkiisa ku aaddan cuntada, nafaqada iyo hal-abuurka la xiriira isku filnaanshaha dhinaca qamadiga. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi looga hadli doono kobci nta iska ashiga Afrika iyo Talyaaniga ee dhinacyada helitaanka cuntada, dhaqanka, wa xbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha. Shirkaas ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo arrimaha muhaajiriinta, isku socodka dadka iyo amniga, sida ay sheegtay madaxtooyada Soo maaliya. Waxa uu madaxweynuhu hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda xasilloonida gobol ka, iyo mabda’a in waddan kasta ixtiraamo ma daxban naanida iyo midnimada dhuleed ee waddama da kale, ayay sheegtay madaxtooya da Soom aaliya.

     Itoobiya iyo Somaliland waxay labaduba dif aaceen MoU-da ay kala saxiixdeen billowgii bi shan, waxayna ku tilmaameen is-afgarad "taa riikhi” ah. Somaliland ayaa dhinaceeda ugu ba aqday beesha caalamka inay ixtiraamaan is-afgar adka.

La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Hussien ayaa isna toddoba adkii hore ku qoray bartiisa X inay sii labalaaba yaan dadaalka ay gelinayaan faham wanaag san, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay inay ka dhagaysan doon aan saaxiibada suurtogalnimada sidii hoos loo gu dhigi lagaa hadallada kulkulul.

"Waxaan sii wadi doonaa dadaalka sidii loo gaaro lahaa gunaanad iyadoo ay jirto is qadda rin saaxiibtinnimo leh oo laga wada faa’iidays to,” ayuu qoray.

Madaxweyne Deni iyo Jimcaale Takar oo kul may kuna heshiiyay guriga Faroole

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntl and Siciid Cabdullaahi Deni ayaa durba bilaa bay dedaalo uu kula heshiinayo siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo horjeeda hab-maamulkii sa iyo in mar kale shan sanno hor leh loo doo rtay in uu hoggaamiyo Puntland.

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ayaa sheegaya in madaxweyne Deni Dorraad kulan fool ka fool ah la yee hay taliyaha ciidan ka Dan ab ee Puntland S/Guuto Jimcaale Ja amac Takar, sargaalkan ayaana si weyn uga soo horjeeday dib u doorashada Deni. Kulan ka ay yeesheen Siciid Deni iyo taliyaha ciidam ada Danab ee Puntland ayaa ka dhacay guriga Senatror Cabdiraxmaan Faroole, waxa ayna 2da dhinac kawada hadleen sidii loo soo afjari lahaa xiisadii horey u jirta ayna hal dhinac uga soo wada jeesan lahaayeen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in heshiis rasmi ah lagu dhameeyay khilaafkii madaxweyne Deni iyo taliye Jimcaale Takar, iyadoo ciidanka Danab lagu soo celinayo xayn daabka dowliga ah loona ogolaaday xuqu uqdoodii ciidanimo.

Heshiiska horu dhaca ah ae gaareen madax weynaha Puntland iyo taliyaha ciidamada Dan ab ee Puntland ayaa loo ballamay in la fuliyo is buucan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Madaxweyne Deni tago taliska Ligle ee saldhigga u ah ciidanka Jimcaale Takar.

Ciidankan oo taageero u ahaa mucaaradka Pu ntland ayaa ku noqday caqabad maamulka ma daxweynaha,waxaana marar badan M/Garawe ka dhacay dagaal dhax maray ciidankan iyo ku wa ka amar qaata madaxweynaha Puntland

Taliyaha NISA oo ka qeybgalay shir Kenya ka dhacay

Taliyaha Hayadda Sirdoonka iyo Nabadsu gida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa ka qayb galaya shirka Hay’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika kaas oo ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluuma adka muhiimka u ah xasiloonida, si loo helo bariga Afrika oo nabad ah kana caagan wax kasta oo wax u dhima kara xasiloonida.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda wamada Kenya, Tanzania, Ugan da, Somalia, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Erit rea, Mozambique, Comoros, the Democratic R epublic of Congo, Djibouti, Malawi, South Su dan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qar anka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka, iyagoo qaarkood kuwada guulaystay howllo ay iska kaashadeen.

Mas’uuliyiin katirsan W/Shaqada & Arri/Bulshada XFS oo kulan la qaa tay madaxda SoDMA

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaar adda, Md. Yuusuf Xasan isaak ayaa boo qa sho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda So DMA,waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maare ynta Musiiboy inka Qaranka Mudane Maxam uud Macallim Cabdulle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta guud ee ka dhax eysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bul shada iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyin ka loona hormarin lahaa dadaallada Ilaalinta bul shada, si loo dhimo loogana hortago faqriga iyo nuglaanta dadkeenna.

Weerar lagu dilay saraakiil iyo xubno badan oo katirsan kooxda Al Shabaab oo ka dhacay..

Weerar qorsheysan oo dhinaca cirka ah oo lagu dilay dagaalyahanno iyo saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab ayaa Dorraad ka dhacay deegaan katirsan M/Buq-aqable ee gobalka Hiiraan.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil aad loo baadigoobayay iyo dagaalamayaal katirsan Al Shabaab .

‘”Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laay ay Horjoogayaal iyo xubno kale ah ayaa ka dhacay M/ Buq-aqable.Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Hor joogayaal aad loo doon doonayay” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Dowladda Soomaaliya faah faahin badan kama aysan bixin saraakiisha katirsan kooxda Al Shabaab ee lagu dilay weerarka ka dhacay magaalada Buq-aqable, waxa ayna sheegeen saraakiil katirsan dowlada in ay socdaan uruurinta xogta weerarkan.

Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowlad da Soomaaliya ayaa maalmahan kordhiyay we erarada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab , waxa ayna maalmihii lasoo dhaafay weeraro ka geesteen degmooyin katirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.

Nin Hargeysa ku dilay Xaaskiisa oo gacanta lagu dhigay

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa she egay inay gacanta ku dhigeen Nin eede ysane ah oo loo haysto inuu Dorraad Magaalada Har geysa ku dilay Xaaskiisa

Jamaal Daaha Cabdiraxmaan oo 54jir oo ku eedaysan inuu Dorraad Abbaaro 10:30kii Ha beenimo ku dilay Xaafadda Shacabka ee M/ Hargaysa Xaaskiisa Marxuumad Sum aya Siciid Naasir ayaa haatan gacanta lagu hayaa.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaar adda Arimaha gudaha Hirshabelle oo Gaar ay Dagmada Jalalaqsi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaara dda Arimaha gudaha Hirshabelle Cabdiraxma an Daahir Guure (Karoore) aayna wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Guddoomiya ha gobolka Shabeellaha dhexe, Taliyaha Boo liska Hirshabelle Xasan Dhicisoow Xasan iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degmada Jalalaq si ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaa hi Axmed Maalin maamulka degmada Jalalaq si iyo qeybaha bulshada ayaa wafdigaasi kusoo dhaweeyay degmada Jalalaqsi.

Wafdigan ayaa socdaalkooda waxa uu sal ka ku haayaa sidii Heshiis loo kala dhaxdhigi lahaa beelo walaalaha oo dagaal uu ku dhax maray deegaanno dhaca xuduudka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Waxaa xusid mudan in muddo 5-maalin ah howlo nabadeyn ah degmada Jalalaqsi u joogo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin waxaana lagu wadaa in howsha nabadeynta ah ee uu bilaabay wada jir loo dhameystiro.

          Ecowas: Mali, Burkina Faso, Iyo Niger Oo Ka Baxay Galbeedka Afrika

Hogaamiyayaasha saddexda wadan ee Sa hel ayaa sheegay in ay tahay "go’aan madax banaan” in ay ka baxaan Ururka Dhaqa alaha ee Galbeedka Afrika "daahi la’aan”.

Mali, Burkina Faso iyo Niger, ayaa sheegay Axadii inay si deg deg ah uga baxayaan Urur ka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECO WAS).

Dhammaan saddexda waddan, ee aasaa say xubnaha ECOWAS 1975, hadda waxaa hogaaminaya militariga oo xukunka kala ware egay hoggaamiyeyaasha rayidka ah.

” 49 sano ka dib, dadyowga geesiyaasha ah ee Burkina Faso, Mali, iyo Niger waxay si murugo leh oo niyad jab weyn ku dheehan tahay u fiirsadeen in ururka (ECOWAS) uu ka leexday fikradihii aabayaashii aasaasay iyo ruuxa Pan-Africanism,” Colonel Amadou Abdra mane. Afhayeenka milatariga Niger, ayaa bay aan ku sheegay.

Saddexda dal ayaa laga joojiyay ururka ECOWAS afgambiga ka dib, waxaana muddo bilo ah sii xumaanayay xiriirka iyaga iyo ururka gobolka.

"Ururka ayaa si gaar ah ugu guuldareystay inuu ka caawiyo dowladahan dagaalka jira ee ka dhanka ah argagixisada iyo amni darrada,” ayuu raaciyay Abdramane.

Sannadkii hore, waxay isaga baxeen ciid amadii caalamiga ahaa ee loo yaqaan G5 oo loo aas aasay inay la dagaalamaan Islaami yii nta gobolka Saaxil, iyagoo samaystay wax ay ugu yeedheen Isbahaysiga dalalka Saaxil (AES).

Xiisada u dhaxaysa Juntas iyo ECOWAS

Shir-madaxeedkii ka dhacay caasimadda Nigeria ee Abuja bishii Diseembar, hoggaami yeyaasha Galbeedka Afrika waxay dalbadeen "muddo gaaban” oo loogu talagalay xukunka rayidka ee Niger ka hor inta aysan fududeyn cunaqabateynta dhaqaale ee saaran wadd anka.

Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Baz oum ayaa xilka laga tuuray bishii July ee san adkii 2023-kii, waxaana ciidamada milita riga dalkaasi ay sheegeen inay qaadan doonto sad dex sano in dib loogu soo celiyo xukunka ray idka.

Xaaladda Mali, xukunka rayidka ayaa ugu dambeeyay ka hor labadii afgambi ee ugu hor reeyay, Agoosto 2020.

Dawladdii la doortay ee Burkina Faso ayaa xukunka laga tuuray 2022. Dalka wax cunaqa batayn ah lama saarin, waxaana hadda talada haya, Captain Ibrahim Traore uu oggolaaday in doorashooyin ay dhacaan xagaagan.

Balse Traore ayaa sheegay in la daga alan ka kooxaha kacdoonka wada ay weli tahay mudnaanta koowaad.

Mareykanka oo wacad ku maray inuu u aari doono askar laga dilay

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa wacad ku maray inuu aarsan doono isa goo sheegay ‘inay ka jawaabi doonaan wee rarkaasi’.

Mr Biden ayaa weerarkaas ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowla dda Iran ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq.

Ha yeeshee Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrarkasi.

Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala go bolka, tan iyo 7-dii bishii Oktoobar, oo Xamaas ay weerrar ku qaadday Israa’iil.

Dowlada Iran oo iska fogeysay weerarkii lagu laayey askarta Mareykanka

Iran ayaa iska fogeysay weerarka lagu dilay saddex ka mid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa saldhiga Mareykanka ee Urdun Axa dii, halka tiro 30 ka badana la dhaawacay wa xayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in eedey maha ka dhanka ah jamhuuriyadda Islaa miga ah ay tahay "mid aan sal iyo raad laha yn”.

Afhayeenka wasaaradda arr imaha dibadda Nasser Kanaani ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ko oxaha iska caabinta gobolka aysan ka amar qaa dan Iran.

"Waxaan aaminsanahay in gobolku uusan u baahnayn xiisad dheeraad ah ama dagaal cus ub,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ay aa wacad ku maray inuu la xisaabtami doono kuwii ka dambeeyay dhimashada askartiisa, wuxuuna ku eedeeyay weerarada ka dhanka ah kooxaha mintidka ah ee ay taageerto Iran.

"Waxaan rumeysannahay in dagaalka Gaza uusan ahayn xalka, xabbad joojin degdeg ahna waxay saldhig u noqon kartaa soo celinta nabad da gobolka,” ayuu yiri Kanaani.

Weerarkii Axaddii ay diyaaradaha aan duul iyaha lahayn ku qaadeen saldhiga Tower 22 ee u dhow xuduudka Suuriya, ayaa noqonaysa kii ugu horreeyay oo ciidamo Mareykan ah la gu laayo tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza. Ugu yaraan 34 ka tirsan ciidamada Ma raykanka ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

Daacish oo sheegatay weerar lagu dilay 3 Askari oo Mareykan ah

Kooxda Daacish ayaa sheegatay dilka 3 ask ari oo mareykan ah oo lagu dilay xadka Urdun iyo Siiriya inkastoo Mareykankuna tuhuns an yahay Iiraan Laakiin Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug la hayd dilka askarta Mareykanka ee loo adeegs aday diyaarad aan duuliye lahayn.

Mareykanka wuxuu si gaara ugu eedeeyay weerarka askartiisa lagu laayay kooxaha xa gj irka ah ee Iiraan ay taageerto.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray in uu aargoo san doono isla markaana ay ka jawaabi doon aan.

Booliiska Puntland oo baaba-shay dhuxul si sharci daro loo shidaayay

Booliiska Puntland gaar ahaan kuwa Gob olka Karkaar ayaa Dorraad baaba’shay dhuxul si sha rci daro ah loogu gubaayay baad iyaha Magaalada Qardho. Taliye xigeenka Booliiska Gobolka Kar kaar Jaamac Cusmaan Axmed oo ka hadlay howlg alkaan ayaa sheegay in Ciidam ada Booliska gobolka Karkaar ay gubeen hogol dhuxul ah oo laga shidayay deegaanada u dhaw Magaal ada Qardho.

Taliyaha wuxuu xusay inay talaabadaani ku gaab siiyeen dad reer guuraa ayna baaba’sh een ilaa 5 hogol dhuxul ah xili ay u diya arsa naa yeen in dhuxul lagu sameeyo yoobta.

Cabdi-Saciid Jaamac oo ka mida odayaa sha xoola dhaqatada ah ayaa sheegay inuu isa gu ar kay kuwa dhuxusha soo saara kadibna uu Bo oliiska Puntland ku wargeliyay.

"Naga qabta kuwa nabaad guyrinaya geedi hii xooluhu noo daaqi lahaayeen,ciidamada wa an u mahadcelinayaa talaabada ay qaade en”ayuu yiri Odey Cabdi-Saciid

Maxay tahay abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyey Abiy Axmed?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Axadii lagu guddoonsiiyay magaalada Rome billad shara fe edka hay’adda cunnada iyo beeraha ee Qar am ada Midoobay (FAO) ee loo yaqaanno Agricola.

Mr Abiy Axmed ayaa lagu abaalmariyey ara gtida dawladdiisa, hoggaaminta, sida ay uga go’an tahay haqab-beelka cuntada iyo nafaqey nta iyo sidoo kale raadinta xalal cusub oo isku filn aansho, gaar ahaan in isku filnaansho laga gaaro qamadiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo bax ay xafiiskiisa Axaddii.

Hadal kooban oo uu ka jeediyay xafladda Roma ka dib markii abaalmarinta la guddoonsi iyay ayuu Abiy Axmed wuxuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay billada ay siisay hay’ad da Cuntada iyo Beeraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad-celiyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda FAO waxaana uu sheegay inay mar walba garab taagan yihi in xaqiijinta hiigsiga dalka itoobiya, gaar ahaan horumarinta Beeraha.

Wuxuu ka hadlay diiradda dowladdiisa ee ku aaddan dalagyada qiimaha sare leh iyo war shad aha ee ah "natiijooyinka rajada leh ee ku aadan isku filnaanta cunto ee Itoobiya”.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in shantii sano ee la soo dhaafay dhul-beereedka Itoobiya la balaariyay in ka badan 50%, taa sina ay keentay in wax soo saarka uu kordho, gaar ahaan qamadiga iyo bariiska, Itoobiyana ay had da tahay dalka ugu badan ee dhoofiya Qamadiga ee dalalka Afrika.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markii uu xafiiska la wareegay sanadkii 2018-kii ay Itoobiya soo dhoofsan jirtay Qamadiga si ay u buuxiso baahideeda gudaha, haatanna ay isku filnaatay oo ay dhoofin jirtay tan iyo 2023-kii.

Waa maxay abaal-marintan

Abaalmarinta Agricola waa billad-sharafeed la gu maamuso shakhsiyaadka sida "wanaags an” diiradda u saara si bulshadiisa ay u gaarto is ku filnaansho dhanka cuntada ah.

Sidoo kale abaalmrinta ayaa la siiyay hogaam iyaasha dalalka adduunka ee doonaya sidii kor loogu qaadi lahaa wax soo saarka cunto waa rta, iyo iskaashiga caalamiga ah.

    Agricola, waa abaal marintii ugu saraysay ee uu bixiyo agaasimaha guud ee haa’yadda cun ada aduunka FAO, tan hadda la siiyay Ra ’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa noqonaysa tii u gu horraysay ee uu bixiyo agaasimaha hadda xilka haya tan iyo markii uu xafiiska la waree gay 2019.

Agaasimaha Guud wuxuu tilmaamay in san nadihii la soo dhaafay Billadda Agricola la gu ddo onsiiyay shakhsiyaad caan ah, kuwaas oo lagu qiimeyay doorkooda aan caadiga ahayn ee ku aaddan dadaallada muuqda ee lagu guu leystay ee horumarinta amniga cuntada addu unka iyo yaraynta faqriga sida FAO sheegtay.

Billada ayaa noqnaysa tii 27 -aad oo ha’ya dda ay bixiso, waxaana horey loo siiyay hogaa miyaasha qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay ka mid yihiin Shiinaha, Hindiya, Sacuudiga iyo kuwo kale.

Abaalmarintan ayaa ku soo beegantay iya doo dalka ku yaal Geeska Afrika uu wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa muddo tob anaan sano ah, iyadoo ku dhawaad 4 milyan oo Itoobiyaan ah ay u baahan yihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyin ka ee Itoobiya ayaa sheegay horraantii bishan in xaaladdu ay aad uga sii dartay iyadoo ay u gu wacan tahay heerka nafaqa-darrada iyo bi yo la’a anta daran oo ay weheliso cudurro dil laacay.

In ka badan 860 qof ayaa ku dhintay gobol ka waqooyi ee Tigrayga tan iyo Sebtembar 2023 ga ajo darteed, sida laga soo xigtay xafi iska isgaars iinta Tigray.

Getachew Reda, madaxa ku meel gaarka ah ee maamulka gobolka Tigray, ayaa bishii Dec ember sheegay in xaaladdu ay tahay "mas iibo” oo u dhiganta macluushii dilaaga ahayd ee ka dhacday Itoobiya sannadkii 1984-kii oo malaayiin qof ay ku dhinteen. Xigasho BBC

Iiraan iyo Israa’iil ayaa muddo dheer ay xiisad ka dhaxeysay.

Labada dal ayaa ka fogaaday dagaal toos ah, inkastoo labadoodaba ay qaadeen weerarro aargoosi ah.

Iiraan ayaa sii wadda taageerada kooxaha hubeysan ee bartilmaameedsanaya Israa’iil – waxay taageertaa Xamaas-ta Qasa iyo Xisbull aahi-da Lubnaan.

Si taa la mid ah, kooxda Xuu tiyiinta ee Yem en ayaa ku dha waaqday in had dii Mareykanku si toos ah usoo farageliyo dag aalka u dhaxe eya Israa’iil iyo Xamaas, ay ka barbar dagaalla mi doonaan Xamaas.

Xuutiyiinta waxaa sidoo kale taageerta Iiraan.

Mar uu la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ray sal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diginin u diray Xamaas iyo Xisbullaah. La badan koox ayaa loo arkaa inay wakiillo u yihiin Iiraan.

Ashwini Mohapatra ayaa yiri, "Mareykanka iyo Israa’iil ma doonayaan in saameynta Iiraan ay kusii ballaarato gobolka galbeedka Aasiya. Taas ina waa sababta ay gaar ugu riixayaan Iiraan.”

Khubarrada ayaa aaminsan in kooxaha hub eysan sida Xisbullah ay khatar weyn ku yihiin Israa’iil si ka badan Iiraan. Xigasho BBC



SUUFIYADA HINDIYA OO DHEXDA U GAL AY MURAN KA TAAGAN GOOB AY MUSLI MIINTA IYO HINDUUDA KU WADA CIBAAD EYSTAAN


Goobtan waxaa la sheegaa in ay jirto in ka badan 700 oo sano Goobtan waxaa la shee gaa in ay jirto in ka badan 700 oo sano

Macbad suufiyeed oo badanaa ay soo boo qdaan dadka Hindida ah ee haysta dhammaan dii maha kala duwan ayaa dhawaanahan qabsa day ciwaanada wararka ka dib markii hogga amiye sare oo siyaasadeed uu shee gay in uu doonayo inuu macbadka u "u xoreeyo" dadka haysta diinta hinduuga oo kaliya. Weri yaha BBC-da Cherylann Mollan ayaa goobta bo oqa tay si ay u fahanto waxa uu muranku ku saab san yahay.

Waxaa adag in la fuulo goobtan oo ku taal me el buur ah, iyada oo ilaa 457 mitir oo salla an la ga sameeyay dhagax la qoray uu kasoo horeeyo kuwa doonaya in ay goobta gaaraan : Qabri suufiyeed oo saldhig u noqday diin iyo taariikh muran leh.

Xayndaabka dhismaha oo lagu magacaabo Masjidka Haji Malang dargah oo ku fadhiya bu ur ku taal duleedka magaalada Mumbai ee go bolka Maharashtra ee galbeedka dalkaasi ay aa la she egay in uu ku aasan yahay wadaad carbeed oo Hindiya yimid in ka badan 700 oo sano ka hor. Sida goobo badan oo kale oo suu fiyadu leeyihiin oo ku yaala Hindiya, dargah wa xaa loo arkaa calaamad muujinaysa isku-dhaf ka iyo dulqaad ka, inkastoo ay udub dhexaad u tahay khilaaf diimeed. Markii aan booqday, Hinduuga iyo Mu slimii ntuba waxay geynayeen ubaxyo iyo chadar – oo ah gabal maro ah oo loo keeno qabriyada "awliyada” calaamad muujinaysa ixtiraamka ah aanwaxay dadku aaminsan yihiin in duco kasta oo qofku ku weydiisto "qalbi saafi ah" la siin do ono.

Guddiga maamulka macbadku waxa uu ka tarjumayaa dareenkan wada-noolaanshaha ixt ira amka leh - halka 2 ka mid ah mas'uuliyiinte eda ay yihiin Muslimiin, ilaaliyeyaasheeda dha xal ka ah ayaa ka soo jeeda qoys Hinduu ah.

Suufiyada Hindiya

Qoraalka sawirka,

Dad badan oo kala haysta diimo kala duwan ayaa halkan ku cibaadeysta

Laakiin horaantii bishaan, madaxa gobolka Maharashtra, Eknath Shinde ayaa kiciyay mu ran isaga oo dib uga soo nooleeyay isosoo bax siyaa sadeed sheegashadii tobana an sano jirt ay ee Hinduuga. Waxa uu sheegay in qaab-dhi smeedka, oo dhaqan ahaan loo tixgeliyo darg ah, uu yahay macbad ay leeyih iin Hinduuga, wuxuuna caddeeyay in ay ka go'an tahay in uu "xoreeyo".

Shinde kama uusan jawaabin codsigii BBC ee ahaa inuu faallo ka bixiyo hadalkiisa.

Sheegashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli qaar ka mid ah masaajidda caanka ah iyo taal looyin ay muslimiintu sameeyeen oo ku yaalla Hindiya ay hareeyeen muranno la xiriira shee ga shada ah in laga dul dhisay macbadyaal Hinduu ah oo qarniyo ka hor la dumiyey. Sanadihii 1980-meeyadii, lataliyaha siyaa sadeed ee Mr Shinde, Anand Dighe, ayaa ho rm uud ka ahaa olole lagu gacanta Hinduuga dib lo ogu "soo celinayo" macb adka Haji Mala ng. Sann adkii 1996-kii, waxa la sheegay in uu hogaamin ayey 20,000 oo shaqaale ah oo ka socday xisbiga Shiv Sena si ay goobta ugu gutan cibaadada Hinduuga ee ‘pooja’. Tan iyo mark aas, Hinduu adag, kuwaas oo ti xraacaya qaab-dhismeedka Malanggad, wa xay sii wadeen dhaq anka pooja ee macbadka maalmaha

Dayaxa buuxa, marmarka qaarkoodna waxay horseedaan isku dhacyada Muslimiinta iyo dadka deegaanka. Laakiin dadka siyaasadda indha indheeya ayaa sheegaya in mawqifka Mr Shinde laga yaabo in uu san diin ku salaysanayn ee uu siyaasad u badan yahay. Ololaha Dighe ayaa hoos u dhigay soo jiid asho uu ka helay codb ixiyaasha Hinduuga ee gobolka Maharashtra.

"Shinde waxa uu hadda isku dayayaa in uu matalo 'badbaadiyaha Hinduuga' ee Mahara shtra," ayuu yiri Prashant Dixit, oo ah saxafi hore.

Marka laga reebo doorashada qaranka, M aharashtra oo ah gobolka ugu qanisan Hindiya ayaa u codayn doona golaha gobolka dabayaa qada sanadkan. Helitaanka taageerada Hind uuga aqlabiyadda ah ayaa muhiim u ah Shi nde, marka loo eego muuqaalka siyaasadeed ee gobolka, ayuu yidhi Dixit.

Doorashooyinka Maharashtra inta badan waa tartan afar geesood ah oo u dhexeeya xis biyada nativist, Hindu Shiv Sena iyo Bharatiya Janata Party (BJP) iyo xisbiga dhexe ee (NCP) oo mid kasta uu kogereska ku leeyahay saami u gaar ah ee codbixiyayaasha aasaasiga ah.

Laakiin Mr Shinde ayaa wajahaya dhibaato dheeraad ah - 2022, isaga iyo taageerayaa shiisa waxay ka goosteen Shiv Sena.

Waxay rideen dawladdii markaas talinaysay oo ahayd isbahaysi ka koobnaa saddexda xis bi ee shiva Sena, Congress iyo NCP – wuxuu na la samaysatay isbahaysi cusub BJP si ay u soo dhisaan dawladda cusub.

"Laakin iyadoo sharci-dajiyayaashu laga ya abo in ay beddelaan xisbiyada, way adag tah ay in la helo cod-bixiyayaasha asaasiga ah si ay u beddelaan cidda ay daacadda u yihiin," ayuu yidhi Mr Dixit. "Isaga oo sare u qaadaya xiisadda Macbadka, Mr Shinde wuxuu rajeyna yaa in uu soo jiito shucuurta codbixiyaashii u dub-dhex aadka u ahaa Shiv Sena oo uu xo ojiyo keydaka codadka Hinduuga," ayuu yidhi.

dadka soo booqda waxay fuulaan 1,500 tilabo si ay u gaadhaan macbadka Haji Malang

Qoraalka sawirka, Dadka soo booqda waxay fuul aan 1,500 tilaabo si ay u gaadhaan mac badka Haji Malang

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ay ku dhibtoonayaan sidii ay u heli lahaay een waxyaa baha aasaasiga ah sida biy aha la cabbi karo, gaar aha an bilaha xagaaga oo aad u dhib badan."Biyaha waa in la qaybiyaa, qoys walba wa xaa la siiyaa 10 litir oo biyo ah maa lintii," ayuu yiri Ayuub Sheekh, oo xubin ka ah golaha dee gaanka.

Buurtu sidoo kale malaha isbitaal habboon, dugsi ama ambalaas.

"Qofka wax bartay ma rabo in uu halkan ku noolaado, ma jirto wax ay sameeyaan," ayuu yiri Shaikh oo ah 22 jir bajaajle ah, oo codsa day in magaciisa koowaad la isticmaalo. "Siyaasiyi in ta oo dhan waxay rabaan in ay ciyaaraan shax si ay codad u helaan, ma jiro qof runtii dan ka leh waxa ay dadku rabaan." Dareenkaas waxaa ku dhawaaqay dad bad an oo deegaanka ah."Hin duuga iyo Muslimiintu waxay ku wada noolaay een si wadajir ah buurtan qarniyo bad an," ayuu yidhi Sheekh. "Waxaan si wadaj ir ah u xusnaa ciidaha, waana is garab istaagnaa marka ay baahi jirto.

"Ma jirto cid kale oo na garab istaagta – hadd aba maxaan isu dagaalaynaa?"

Israel oo duqeysay iskuul ay leedahay Q/Mido obay & gaadiid ambalaas ah

Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhin tay kadib markii Israa’iil ay ku garaacday madaa fiic iskuul ay Qaramada Midoobay leedahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal ee magaalada Gaza Isniintii Dorraad sida ay sheegtay wakaa ladda wararka ee Falastiin ee WAFA.

Gawaarida ciidamada Israel ayaa isku ga daa may iskuulka, iyadoo askartu ay ku guda jir een duqeymo xoogan iyo rasaas, sida ay she egtay WAFA.

UNRWA iyo ciidamada difaa ca Israel kama hadlin duqey maha dugsiga ee magaalada Gaza. Diyaaradaha dagaalka Isra a’iil ayaa sidoo kale duqeeyay ugu yaraan shan dhismo oo la deggan yahay oo ku yaalla xaafadda Al-Rimal, WAFA ayaa intaas ku dartay, taasoo ay ku dhin teen kuna dhaawacmeen tobanaan rayid ah.

Goobjooge iyo wariye Khader Zaanoun, oo ku sugan Al-Rimal, ayaa CNN u sheegay in ciida mada Israel ay xaafadda ka soo wee rareen "jiho oyin badan,” oo ay hadda ku hareer aysan yihiin, waxaana ku jira goobahaas Isbit aalka Al-Shifa.

Afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ay aa la dilay ka dib markii laba ambalaas ay ma daafiic ku garaaceen diyaaradaha Israa’iil ee ku sugan magaalada Gaza, xilli ay u socdeen si ay u daabulaan dadka dhintay iyo kuwa dha awacmay Isniintii, ayuu yiri Zaanoun.

"Ambalaasta waxay la kulmaan dhibaatoo yin waaweyn xagga dhaqdhaqaaqa iyo hawlg alka sababtoo ah madaafiicda iyo go’doominta ciida mada Israel,” ayuu yiri Zaanoun.

Markab dagaal oo soo badbaadiyay kallu umeysato u afduubnaa burcad badeedda Soomaalida

INS Sumitra, oo ah markab dagaal oo ay lee yihiin ciidamada badda Hindiya, ayaa soo badba adiyay kalluumaysato ay afduub u hay steen burcad badeedda Soomaal ida.

Sida ay saraakiishu shee geen, 17 shaqa ale oo la so cday doon kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Iran, ayaa lagasoo badbaadi yay afduubka burc ad-badeedda.

Burcadbadeeda ayaa si xoog ah u fuulay doonta kalluumeysi oo uu ka babanayay cala nka dalka Iran, waxayna afduub ahaan u hay teen shaqaalihii la socday.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa shee gay in burcad badeedda lagu qasbay inay siidaayaan shaqaalihii doonta.

Saraakiisha ciidamada badda Hindiya ayaa sheegay in maraakiibtooda la geeyay gobolka badweynta Hindiya, si ay u muujiyaan sida ay u ga go'an tahay badqabka dhammaan badm aax iinta. Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada badda Hindiya ay soo furtaan doonyo kalluum eysi oo ay bartilmaameedsadeen kooxaha bur cad badeedda Soomaalida.

5-tii Janaayo, Markabka INS Chennai ayaa ku guulaystay inuu soo badbaadiyo shaqaalihii la socday markab marayay xeebaha Soom aaliya waxayna soo badbaadiyeen dhammaan 15 qof

oo Hindi ah oo la socday markabkaasi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip