HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Monday January 29, 2024 - 08:27:29 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 29-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma ka ga qeybgalay shirja Talyaaniga iyo Afrika

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray mag aalada Rome ee dalka Talyaan iga, halka as oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Tal yaaniga iyo Afrika, oo ah shir mu hiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka ka la socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Ma daxweynaha Jamhuuri yaddu ka jeedin doo naa khudbad uu diirad da ku saarayo iskaa shi ga dhaqaale, fudude ynta isu-socodka iyo arri maha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo ba ndhigi doona muhiim adda xasilloonida gobol ka, ixtiraamka mabaa di’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaa nida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaall anka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax &mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

Md.Azali Assoumani, Madaxweynaha da lka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Md. William Ruto. Madaxweynaha dalka Eritr ea Md.e Isaias Afwerki. Agaasimaha Maamu lka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Mar wo Kristalina Georgieva,

Sacuudiga oo malaayiin ku bixinaya Som alia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa Dorraad daah-furay masha ariic uu fulinayo Sacuudiga, kaasi oo ay ku baxeyso malaayiin dollar.

Mashaariicdan oo la xiriirta dhinacyada caafim aadka, waxbarashada, biyaha iyo gargaarka, ayaa waxaa Soomaaliya ka hirgelinaysa Xaru nta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, kuwaasi oo ay ku baxayso lacag dhan 40 milyan oo dollar.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa tilmaamay in mashaariicdani ay wax weyn ka tari doo naan baahiyaha adeegyada bulshada ee ka jira dalkeenna, gaar ahaan dhinacyada caafi maadka, waxbarashada iyo biyaha oo kamid ah adeegyada aasaasiga ah ee ay baahida weyn u qabaan shacabkeena.

La-taliyaha Boqorka Sacuudiga, ahna Korm eeraha Guud ee Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Samafalka, Dr Cabd alla Bin Cabdulcasiis Al-Rabiica oo hoggaami nayay wafdiga Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Dorraad u yimid daah-furka mashaariic dan Dr Cabdalla ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay taageera da dhinacyada kala duwan leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey Boqortooyada Suuudiga garab istaagga iyo taageerada noo cyada kala duwan leh ee ay mar walba siiso dadka iyo Dowladda Soomaali yeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu tallaabadani ku macneeyay mid sii xoojinaysa xiriirka walaaltini mo ee u dhaxeeya labada dal, xilli ay Soom aaliya ku jirto marxalad dib u soo kabasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xerada Xal ane kula kulmay Valentin Zellweger

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yee shay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya,Valentin Zellweger.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diir adda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka laba da dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada.

Kulanka oo ka qabsoomay xarunta xalane ayaa hoosta looga xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyad eed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muh iimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa wada dedaalo diblumaasiyadeed uu taag eero ugu raadinayo xiisada kala dhaxeysa dow ladda Itoobiya oo heshiis beenaad ay ku doon eyso in biyaha Soomaaliya ku qaadato la gashay maamulka Somaliland.

Soomaaliya oo qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka dalalka Barigga Afrika ee ciidamada Heeganka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qa adacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeg anka kaasi oo lagu soo gab agabeeyay Dalka kenya.

Shirkan oo 22kii bishan ka furmay magaa lada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uuna shir guddoomina yay wasiirka Gaashaandhigga Ke nya ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirada Gaa shaandhi gga dalalka Bariga Afrika, iyadoo dhanka So omaaliya ay uga qeybgaleen wafdi uu hogaami nayay taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno sar sare oo Wasaa radda Ga ashaandhigga Soomaaliya ka tirsan, kaasi oo looga hadlayay qorshaha iyo Istaraat iijiyadda shanta sano ee soo socoto.

Shirka ayaa qeybaha hore waxaa diirada la gu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lah aa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dala lka bariga Afrika, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo xasiloonida Gob alka.

Lataliyaha Sare xaga Amniga ee Wasaar adda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdi Dii rshe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xusay inay shirka ka cadeeyeen mowqifka dowlada Federaalka Soomaaliya ee laga soo horjeedo damaca Eth iopia ee badda Soomaaliya, isagoo intaa ku da ray in wafdiga Soomaaliya ka socday ay gebi ahaanba ka soo baxeen shirka oo ay qaadace en qodobada laga soo saaray.

"Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Kenya”. Ayuu yiri Lat aliyaha Sare Xagga Amniga ee Wasaarad da Gaashaandhigga Cabdi Diirshe .

Md. Cabdi Diiirshe ayaa tilmaamay in Mada xda shirka ka qeybgashay ay u gudbiyeen m owqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filaya an in markale dib loo soo saaro bayaan cad, kaasi oo lagu taageerayo go’aanka Dow ladda Federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xadg udubka Ethiopi XIGASHO: -SONNA

Ku simaha madaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir-weynaha 6-aad ee garsoorka dalka

Ku simaaha madaxweynaha ahna guddo omiyaha golaha shacabka JFS Md. Sh.Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ay aa Dorraad oo uu furay shir-weynaha 6-aad ee garsoorka dal ka, kaas oo looga hadlayo ciribti rka iyo la dag aalanka musuq-maasuqa, dow lad wanaagga iyo qodobo kale.

Guddoomiyaha maxkama dda sare ee dal ka, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qa ranka, wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowladda FS, taliye xigeenka ciidanka Bo oliska Soomaa liyeed, gudd oomiyaasha naxkamadaha sare iyo xeer Ilaa liyaasha guud ee dowlad gobolee dyada iyo mar i sharaf kale ayaa ka qeybgalay shir-wey naha.

Shirka ayaa Dorraad diiradda lagu saaray arrimaha horutabinta u leh hay’adaha gars oorka dalka sanadkaan 2024, qorshayaasha u baahan in dedejiyo, si loo horumariyo shaqooy inka garsoorka dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Sule ymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ay dajiyeen qorshe baaxad leh oo la doona yo in lagu horumariyo nidaamka cadaaladeed ee dalka.

Wasiirka cadaaladda iyo Dastuurka dowl adda FS mudane Xasan Macalim ayaa shee gay in sanadkaan golaha shacabka uu horya alo qorshaha hanaanka federaaleynta cadaala dda.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa xusay in garsoorku uu muhiim u yahay nolosha umm adeed iyo dowladnimadeena.

Ku simaha madaxweynaha JFS ahna gud doomiyaha golaha shacabka Baarlam aanka JFS mudame Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay wadaan hey’adaha garsoorka dalka, isaga oo u xusay in goluhubilaabaydhameystirka Dastuurka.Shirkaan aya a waxaa lagu soo bandhiga yaa cilmi baarisyo kala duwan oo ka hadlaya maamul wanaagga, ilaalintamadaxbanaanida hay’adaha garsoorka dalka iyo hanaanka baar ista dambiyada.


Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo kulan la yeeshay danjirayaasha dalalka carabta ee Dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mala ysia danjire Abuukar Cabdi Cusmaan ayaa kulan la yeeshay safiirada dalalka Carabta ee fadhigo odu yahay dalka Malaysia, isagoo wa rbixin ka siiyey danjireyaasha faragelinta iyo ku xadgud ubka qaawan ee Ethiopia kula kacday Qarani mada Somaliyeed iyadoo is-afgarad (MOU) sharci-darro ah ku xalaalsanayso dhu lka, Bad da iyo khayraadka cegaaga badda iyo dhulka Soomaaliya la saxeexatay maamulka Somalia nd oo ah ka mid ah Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Danjire Abuukar Cabdi Cismaan wuxuu ka le safiirada dalalka Carabta u soo bandhigay in is-afgaradka (MOU) Ethiopia iyo maamulka Somaliland kala saxeexdeen aanu khatar ku ahayn Soomaaliya oo keli ah laakiin uu halis ku yahay calaamka gaar ahaan dalalka bariga dhexe, Asia iyo geeska Afrikaba, kuwaas oo kulaala biya Badda cas.

Sida oo kale Danjire Abuukar Cabdi Cism aan ayaa mahadnaq ballaaran u jeediye Dawl adaha Arabta iyo qaraarkii Jaamacadda Arab ta soo saartay kaas oo ay ku taageereen Go’a ankii Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku dhawaaqay Mudane Xasan Sheekh Maxam uud, Madaxweynaha dowladda Fede raal ka Soomaaliya oo lagu baabi’iyey Is-afgar adka sharci-darrada ah ay kala saxeexd een Ethiop ia iyo Maamulka Somaliland.

W/Maaliyadda Somaliya oo Muqdisho kula kulmay Wakiilka Bangiga Addunka ee Somaliya

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xuku madda Federaalka Soomaaliya Md.Biixii Im maan Cige ayaa kulan miro-dhal ah kula ye eshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wak iilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Krist ian Svensson

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Dowladda So omaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diiradda la gu saaray arrimaha dib-u-habaynta Maaliyad da iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliya dda Guud.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga Adduuku ka wado Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw uga wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya gaar ah aan Hey’adaha ku shaqada leh dhaqang elinta Mashaariicda. "Waxa aan ku faaraxsa nahay in aan Dorraad ku soo dhaweeyo xarunta Wa saaradda Maaliy adda Kristina Svensson oo ah Wakii;ka Bangi ga Adduunka ee Sooma aliya.

Waxaan ka wada hadalnay barnaamijka din u habeynta maaliyadda, xoojinta Dowladwa naa gga iyo mashaariicda Bangigu naga taag eero ee ku aadan dib u habeynta iyo horuma rinta dhaqaalah dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Maal iyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taagero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Hey’ad daha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

G/Wakiillada maamulka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Siciid Deni

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawla dda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeen ka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Md., Hon Mohamed Mohamoud Isse ayaa shir Guddoom iyey fadhiga 9-aad ee Kalfadh iga 1-aad ee Baarlamaanka 6-aad Golaha Wakiil lada Dawl adda Puntland.

Ajandaha fadhiga maantq ayaa ahaa akhr inta codsi kordhin dhismaha Golaha Xukumad da & soo jeedinta warbixinta Guddiga loo xil-saa ray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gob olka Karkaar.

Intaa kadib. Xildhibaannada Golaha Wakiill ada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, ka as oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)

Dhinaca kale, waxaa Golaha wakiillada ma amulka Puntland warbixin ka jeediyey Guddiga loo xil-saaray arrimaha deegaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar.

DF oo tallaabo adag ka qaaday 27 askari oo kasoo baxsaday furimaha dagaalka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag.

Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iya goo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan.

Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukun tay shan sano ee xabsi ciidan ah.

Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay wajahayaan caqabado dhanka qoysaska ah, taas oo ku kaliftay inay ka baxsadaan furimaha dagaalka.

Shuruucda ciidanka ayaa la waafajiyey kii ska baxsadka ah ee askartaan, sida uu shee gay guddoomiyaha maxkamadda ciidama da qeybteeda Galmudug.

Askarta la xukumay ayaa ka wada tirsan guutooyinka 18-aad iyo 17-aad ee Gorgor, wa xaana ciidankii daafaha Muqdisho ka soo bila abay dagaalka sanad iyo bar ka hor oo hadda maraya magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah askarta la xukumay waxay Caad ka soo baxsadeen dagaalkii daraad ka hor halka qaarkood ay soo baxsadeen markii ay dagaalka galeen kadib, balse dhamaantood Dhuusamareeb ayaa ku noqotay meel ay dhaa fi waayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan aad u badan isugu geysay furimaha dagaalka ee gob olka Mudug, kuwaas oo waqti dheer uu ku qaa tay dagaalku, taasina waxay keentay in aska rtu ka baxsato furimaha.

Xildhibaan Ilhaan Cumar "Intaa aan anniga Congress-ka joogo Badda Somaliya dad kale ma qaadan karaan"

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah Gol aha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa si ad ag uga hadashay damaca dowladda Itoob iya ay ku dooneyso iney ku hesho qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya.

lhaan Cumar oo ka hadleysay munaasab ad ka dhacday magaalada Minneapolis ayaa sheegtay inaan la iska qaadan karin Biyaha S oomaaliya oo aysan marnaba suurtagal noqon karin. "Intaa aan anniga Congress-ka joogo Ba dda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan.

Wadanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale iney anaga na dhacaan, marka taas ka seexda” ayay tjri Xildhibaam Ilhaan Cumar.

Waxay sidoo kale sheegtay xildhibaan Ilha an Cumar in Soomaaliya ay Wakiil u tahay, isla markaana ay la socoto wax walba oo dhacaya.

"Dad badan ayaa isoo wacay oo igu laha maad ka hadashid xadgudubka Itoobiya oo Mareykanka kala hadashid, anaga Soomaali ayaa nahay way dhici karta dhexdeena inaan marka qaar is xagxagano laakin waan u midow na waxyaabahaan oo kale" ayay tiri Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdwey ne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadisay go’anka adag ee uu qaatay iyo sida shacabka Soomaaliyeed ugu baraarujiyeen in si wadajir ah ugu kacaan difaac qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

Gabagabadii hadalkaan kasoo yeeray Xi ldibaan Ilhaan Cumar ayaa kusoo beegmaya, xili inta badan dalalka Caalamka si weyn uga soo horjeesteen heshiis bilowgii bishaan Addis Ababa ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland oo ahaa in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya, taas badalkeedana ay Itoobiya Somaliland u aqoonsaneyso dowlad

madax banaan.


Muuse Biixi oo sheegay in Xasan uu geeri ka xigo inuu…

Waxaa weli taagan xiisaddii ka dhalatay he shiiskii Muuse Biixi u saxiixay dowladda Itoo biya, kaasi oo Addis Ababa siinaya 20KM oo kamid ah biyaha Soomaaliya kontanka sano ee soo aadan. Itoobiya ay aa wajaheysa culeyskii ka dha shay is-afgaradkaan, kaasi oo dowladda feder aalka Soomaaliya ay si weyn uga hortimid.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cab di ayaa bixiyay wareysi u muuqday mid uu ku daminayo kacsanaanta shacabka Soomaaliye ed, si gaar ah kuwa gobollada Waqooyi ee ha dda loo yaqaano Somaliland.

Biixi wuxuu aad ugu dheeraaday inuu isku dayo inuu dadka ku qanciyo heshiiska, isaga oo sawiraya fursadaha ku dhex jira ee musta qbalka, wallow ay badi u muuqdeen kuwa aan rejo badan laheyn.

Intii uu socday wareysiga waxaa Muuse Biixi la weydiiyay kulankii isaga iyo madaxwe yne Xasan Sheekh ku dhex-maray waddanka Jabuuti, gaar ahaan qoddobka midnimada ama kala taga. Wuxuu Muuse Biixi sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qirsan yahay dhibkii gaaray Somaliland, laakiin uu weli qabo aragti ah in dib loo midoobo.

Wuxuu yiri "Madaxda Soomaalida oo dhan ayaa qirsan dhibaatada la gaarsiiyay reer Som aliland, laakiin Xasan Sheekh Maxamuud geeri ayuu ka xigaa inuu aqoonsado Somaliland.”

Hadalkiisa wuxuu ahaa aan dib isugu soo laabanayo, ayuu yiri madaxweynaha Somali land Muuse Biixi Cabdi.

Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu difaacay heshiiskii uu la galay dowladda Itoobiya, wux uu sheegay in aan la qaadan doonin dhulka ba lse uu yahay kiro. Wuxuu sheegay in dowlad da federaalka ee Soomaaliya aanay laheyn aw ood ay ku hor istaagi karto fulinta heshiisk aasi.

Wuxuu Muqdisho ku eedeeyay inay ka bax day dhamaan waxyaabihii lagu heshiiyay, sida; wadaaga mashaariicda iyo maamulka hawada.

Hadalka Muuse Biixi waxaa ka muuqatay in uusan haynin maareyn fudud oo ku saabsan heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, marka laga reebo aaminaada in awood lagu dhaqan-gelin karo. Addis Ababa taasi bedelkeeda ma shee gin inay rabto in heshiiska uu xoog ku dhaqan-galo.

Culeyska aqoonsi la’aanta ku hayso hesh iiskan ayuu ka dhuuntay inuu sharaxo Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay adag tahay inuu ad duunka aqbalo dhaqan-galka heshiis ay dhigt een gobol aan la aqoonsaneyn iyo dal la aqoonsan yahay.

Dadka reer Somaliland ayaa si weyn u faa qidin wareysiga uu bixiyay Muuse Biixi, ma aanay muujin inay si weyn ula dhaceen jawaa baha uu hoggaamiye Biixi ka bixiyay qorshaha Itoobiya ee biyaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiskii 1-dii bishaan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Damaca Itoobiya ee biyaha Soo maaliya ma qarsooneyn 30-kii sano ee lasoo dhaafay, laak iin ma jirin qof u bareeray inuu u saxiixo sida Muuse Biixi. Marka laga hadlayo heshiiskan, Itoobiya waa kala hadashay, mar waxay sheegtay inay tahay kiro 50 sano ah oo mustaqbalkana gaari karta 100 sano, marna waxay sheegeen in saldhiga uu yahay mid joogto taas, taas oo ku siineysa farriin hordhac ah oo la xiriirta inay jir aan waxyaabo badan oo heshiiskan la xiriira oo la qarinaayo.

Gud. SoDMA oo Muqdisho kulan kula yeeshay madaxa xarunta gargaarga deg-degga King salman

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Mus iibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macall im Cabdulle ayaa Dorraad la kulmay Dr Cabd alla Rabiica oo ah la taliyaha Boqorka sucu udiga, ahna madaxa xarunta King salman ee gargaarga deg-degga ah.

Kulankaan sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Sacuudiga u fa dhiya Muqdisho Axmed Bin Muxamed al muwaladi , waxaana shirkaan looga wada had lay sidii Hay’adda Maaraynta Musiibooy inka loogala shaqayn la haa mashaariicda u adkaysiga aafooyinka , iyo in ay dadka soom aaliyeed helaan adeegyada aas-aaska u ah xalka waara si wax looga qab to Musiibooyinka soo noq-noqda ee dalke ena ka dhaca.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musi iboyinka Qaranka ayaa masuuliyiintaan uga mahadceliyay mashaaricda wax ku oolka leh ee ay soomaaliya ugu deeqeen taas oo Dorr aad la saxiixay, dhanka kale Dalka Sucuu diga ayaa ballanqaaday in ay sii wedi doonaan ma shaariicda nuucaas ah ee ay dalka ka fulinayaan.

Uganda oo iska fogeysay codeyntii carrada dhalisay ee Garsoore Sebutinde ee Maxka mad ICJ

Haweeney u dhalatay dalka Uganda oo gar soore ka ah maxkamada Adduunka ICJ ayaa go’aan ay qaadatay dhalisay hadal heyn ba dan iyo carro, kaddib markii ay u hiilisay maa mulka arxanka-daran ee Israa’iil.

Julia Sebutinde iyo Garsoore kale oo kasoo jeeda Israa’iil ayaa noqday labada garsoore kaliya ee ka hor yimid dacwadii ay gud bisay dowladda Koonfur Afrika, iyo sidoo kale amm arada maxkamadda hor dhigtay maamul ka Israa’iil.

Haweeneydan kasoo jeeda Qaarada Afrika ayaa dhaleeceyn kala kulantay go’aanka ay qa adatay, waxa ayna sheegtay in khilaafka u dha xeeya Israa’iil iyo Falastiin ay tahay mid siyaa sad oo kaliya lagu xalin karo heshiis ay labada dhinac wada gaaraan.

Dhinaca kale Safiirka Ugandha u fadhiya Q/ Midoobay Amb.Adonia Ayebare, ayaa she egay in go’aanka Garsooraha Ugandha ka soo jeeda aysan ka tarjumeyn arragtida dowlada Ugandha oo uu sheegay inay garabtaagan tah ay shacabka Falastiin.

Maxkamadda caalamiga ee ICJ ayaa dhaw aan soo saartay go’aano adag oo Israa’iil faray ay in ay waxka bedesho duullaanka ay ku qaa day magaalada Gaza iyo gumaadka ay ku hey so dadka shacabka.

Wasiir Karoore oo Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan colaad beeleedyada Hirshabelle

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Ca bdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa ma leeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay inay huri nayaan dagaal beeleedyada ka soo cusbo onaaday Hirshabelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Shabaabku ay ka masuul yihiin colaadda u dha xeysa labada mal eeshiyo beeleed ee maalmihii ugu dambe ysay ku dag aalamayay xadka Gobolada Hiira an iyo Sha bellaha Dhexe.

"Nimankii Shabaabka ee laga adkaaday ay aa sameynaya inay beelaha isku diraan, si cul eyska la soo saaray ay isaga yareeyaan, waxa yna ku mashquulsan yihiin in dadkii ay ka dhex adeegtaan, ayna isu jiheeyaan, si dagaalka ayaga ku wajahan uu gaabis u galo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa yiri "Shabaab ku waxay ka shaqeynayaan in mar walba ay dadkii deriska ahaa, beeraleyda iyo xoolaleyda ahaa ay isku dhacaan, si looga mashquulo da gaalka ayaga ku wajahan.”

Waxa kaloo uu yiri "Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle, labaduba faham fiican ayay ka qabaan, Insha’Allah waa na ka hortagaynaa, dhammaanteenana waan ka wada shaqeynaynaa.”

Dhanka kale Wasiir Karoore ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay haatan wadaan dadaa lo loogu kala dab qaadayo beelaha walaalaha ah, dadaaladaas oo sida uu sheegay ay qayb ka yihiin odayaasha iyo waxgaradka ee labada gobol.

Wasiir Karoore ayaa beelaha deegaanka ku la dardaarmay in ay ka feejignaadaan dhagar ta Shabaabka, isla-markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in ay dhexdooda dagaalamaan.

Burcad-badeedda Somalida oo afduubtay Markab kalluumaysi oo laga leeyahay D/ Sri lanka

Koox looga shakisan yahay inay yihiin Burc adb adeed Soomaali ah ayaa fuulay oo afduub tay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dal ka Sri Lanka, kaas oo ay la socde en lix sha qaale ah

Waa weerarkii ugu dambee yay ee ka dhan ka ah maraa kiibta mara badweynta Hindi ya, si da ay sheegeen ciidam ada caalamiga ah badda.

Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Sri Lanka oo lagu magacaabo Gayan Wickrama suriya, ayaa sheegay in Markabka Lorenzo Pu tha–4 sabtidii laga qabsaday meel 840 maylkoonfur bari ka xigta Muqdisho.

Ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa loo weeciyay dhanka waqooyi ee gacanka cad meed ee badda cas si ay uga hortagaan weera rada Xuutiyiinta, taasoo dhalisay cabsi laga qa bo in burcad badeedda Soomaalida ay dib u soo nooleeyaan oo ka faa’ideystaan isbedde lka dhacay.Sri Lanka ayaa afduubka markab kan ka dib waxay heegan galisay ciidamada isku dha fka ah ee badaha, sida uu sheegay Wickrama suriya oo la hadlay Wakaladda AFP.


Safiirka Itobiya u fadhiya Somaliya oo raali gelin ka bixiyay hadal gef ku ah Somaliya

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Muq taar Maxamed Waare, ayaa raaligelin ka bixiyay hadal uu warbaahinta ka sheegay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheega ya in laga yaabo in xilka loo ga qaado hadalkaas.

Sida ay tebisay warbaahin ta gudaha Ethio pia, Amba ssador Waare ayaa Soomaa liya ku tilmaamay qaran ay abuureen gumeystay aal, Somaliland na ay tahay dal madax-banaan oo leh awood rasmi ah iyo sharci labadaba si ay u saxiixdo heshiisyada caalamiga ah”.

Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa wux uu sheegay in hadaladiisa ay ahaayeen kuwo la m arin habaabiyay, oo aan marnaba loogu talagalin inay waxyeeleeyaan xiriirka labada dal.

"Waxaan si kal iyo laab ah u raali gelinayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Erayada yda waala marin habaabiyay, weliga yna uma aan jeedin inaan waxyeello xiriirkaya ga. Sooma aliya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxee ya xiriir qoto dheer, waxaana iga go’an in aan safiir ahaan si h agar la’aan ah uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha aan walaalaha nahay si loo xoojiyo iskaashiga.” ayuu yiri safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Itoobiya ayaa dhawaan waxay heshiis is afga rad ah (MoU) la saxeexatay maamulka Somalil and kaas oo Itoobiya u ogolaan doona inay gala an Gacanka Cadmeed si ay Itoobiya u aqoonsato madax-banaanida Somaliland, sid ay sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa saxiixay sharci lagu baabi’inayo heshiiskii is-afgaradka ahaa, isagoo sheegay in sharcig an uu xoojin doono go’aanka dowladda ee ah ila alinta midnimada, madax bannaanida iyo wadaj irka sida uu qabo sharciga caalamiga ah.

Markab Dalxiis kii ugu weynaa dunnida oo safar Dalxiis u baxaya

Markab dalxiis oo noqonaya kii ugu weynaa dunidda ayaa ka shiraacanaya xeebaha Miami ee gobolka Florida dalka Mareykanka, waxa uu na markabkan u bixi doonaa safar dalxiis oo muddo isbuuc ah qaada naya.

Markabkan sida we yn loo qurxiyay ayaa dhirirkiisa lagu sheegay 365 mitir, waxa uuna ka kooban yahay 20 dabaq ama fooq, wuxu una martigalin karaa markiiba ugu badnaan dad gaaraya 7,600 oo qof,

Shirkadda iska leh markabkan cajiibka ah ee Royal Caribbian Group, ayaa sheegtay in mar kabka gudihiisa ku yaallaan baarar waa weyn , beero yar yar iyo barkadaha dabaasha, waxa uu na leeyahay markabka adeeg walbo uu aadane u baahan karo.

Dalxiisayaasha markabka saaran ayaana qaadan doona waqti qurux badan inta ay marka bka saaran yihiin, waxa ayna heli doonaan mad adaalooyin xiiso badan oo ay ku qanci karaan dalxiisayaasha.

Dibed baxayaal Israailyiin ah oo is’ hortaag ay kolonyo gargaar u waday Gaza

Boqolaal mudaaharaadayaal Israa’iiliyiin ah ayaa hor istaagay baabuur gargaar siday oo ku sii jeeday marinka Kerem Shalom ee Gaza, iya goo dalbanaya in la sii daayo la haystaya asha lagu haysto Gaza ka hor inta aan gargaar kale la geynin marinka.

Mudaaharaadyada ayaa socday maalmo wax aana soo qaban qaabiyay qoysaska la hay stay aasha Israa’iil ee lagu haysto Qaza. Axadii Dorr aad, dibad-baxayaashu waxay mar kale hor istaa geen kolonyada, inkastoo booliiska Israa’iil ay xoog ku kula kaxeey een mudaahara ady ada si ay u oggolaa daan isgoysku inuu sha qeeyo. Si kastaba ha ahaatee, baabuurta xam uulka ah, ayaa weli ta agan meel dhowr boqol oo mitir u jirta bann aanbaxayaasha.

Arbacadii, sagaal baabuur oo keliya ayaa Ga za uga soo gudbay Kerem Shalom muda ah araa dyada awgood, halka isgoyskuna uu xir naa Kha miista iyo Jimcaha sababtoo ah mud aaharaaday aasha oo xannibay gelitaanka, sida uu sheegay Isuduwaha Hawlaha Dawlad da ee Israa’iil ee Territories (COGAT)..

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoos u dhaca gargaarka bini’aadantinimo ee qaybo ka mid ah Gaza iyo xannibaadda gargaarka ee isg oysyada, iyagoo sheegay in macaluul ay ka jirto deegaanka, isbitaalladana ay xaaladdoodu aad u liidato .

3 askari oo Mareykan ayaa la dilay, 30 kalena waala dhaawacay weerar ku dhacay dalka..

Saddex askari oo Maraykan ah ayaa la dilay in ka badan 30 kale oo ka tirsan ciidamada Ma raykankana waa ku dhaawacmeen ka dib markii dagaalyahanno la tuhunsan yahay inay taageerto Iran ay weerar diyaaradeed ku qaad een saldhig yar oo Maraykanku ku leeyahay dalka Urdun, si da ay sheegeen saraakiil Mar aykan ah.

Diyaaradan oo noo ca aan duuliyaha lahayn ah ayaa ku degtay meel u dhow xaafado ku yaalla saldhigga, oo ku dhaca meel u dhow xadka Suuriya, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah.

Ugu yaraan 30 ka mid ah askarta ayaa loo da ad gureeyay si loogu dabiibo, sida ay saraakiishu sheegeen, waxaana la filayaa in tirada dhaawaca ay sii korodho iyadoo askar badan ay daweyn raadsanayaan.

Dhimashada askarta Mareykanka ayaa ah tii ugu horreysay ee saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe tan iyo markii uu bilowday dagaa lka Gaza, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu wacad ku maray in lala xisaabtami doono kuwa mas’uulka ka ah

Weerarkan ayaa yimid ka dib toddobaadyo uu Maraykanku diiradda saarayay ka hortagga dagaal ku fida gobolka.

Weerarkan ayaa ka dhacay Tower 22, oo ah saldhig yar oo u dhow xudduudda Suuriya. Ciid amada Mareykanka ee ku sugan xerada ayaa halkaas u jooga qayb ka mid ah "talo-bixinta iyo caawinta” howlgalka Jordan.

Ma cadda sababta ay difaacyada hawadu ugu guul-darreysteen inay ka hortagaan diyaaradda aan duuliyaha lahayn, taasoo u muuqata inuu yahay weerarkii ugu horreeyay ee la ogaado ee lagu qaado Tower 22 tan iyo markii weerarrada lagu qaaday ciidamada Maraykanka iyo kuwa isbahaysiga ay billawdeen 17-kii Oktoobar.

Biden ayaa loo sheegay dhimashada weer arkan isagoo ku sugan South Carolina, halka as oo uu u joogo ololaha doorashada muddo xileed kiisa labaad

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa sidoo kale bayaan ka soo saartay sheegtay in iyada iyo seygeeda ay u baroor diiqayaan askartii lagu dilay Weerarkan

Waxaa jiray weeraro badan oo lagu qaaday ciidamada Maraykanka iyo kuwa isba haysiga ee Ciraaq iyo Suuriya dhawaan, taasoo keentay tobanaan dhaawacyo ah.

Dalalka reer galbeedka oo joojiyey kaalm adii ay siin jireen shacabka go’doonsan ee Gaza

Faransiiska ayaa ku biiray wadamadan kale ee deeq bixiyayaasha ah joojinta taageerada dhaqaale ee UNWRA iyadoo la eegayo eedeymaha Israel ee sheegaya in shaqaale ka tirsan heyaddaas ay ku qeyb qaateen weerarkii 7dii Oktoobar.

Faransiisku "ma laha wax qorshe ah oo uu ku bixiyo lacag dheeraad ah qaybta hore ee 2024” hay’adda gargaarka Qaramada Midoo bay ee Gaza sida ay sheegtay Wasaaradd eeda arrimaha dibadda oo bayaan ku sheegtay Axaddii Dorraad

Wasaaraddu waxay tilDorraady kuwo halis ah eedaymaha Israa’iil ee ah in qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta (UNRWA) ay ku lug lahaayeen weerarrada Xamaas ee 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Faransiiska ayaa ku dhawaad ​​60 milyan oo Yuuro (qiyaastii $65 milyan) ugu deeqay UNRWA sanadka 2023.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warb ixinteeda ku sheegtay in ay go’aan ka gaari doonto "marka la gaaro waqtiga” waxay sa meyn doonto si loo hubiyo in la tixgeliyo shuruudaha hufnaanta gargaarka iyo amniga.

Dalalka kale hakiyey gargaarkii Falastiin iyii nta ayaa kala ah Maraykanka, Jarmalka, Kana da, Talyaaniga. Boqortooyada Ingiriiska, Nederl ands, Switzerland, Australia, Finland Ireland iyo Norway ayaa sheegay inay sii wadi doonaan maalgelinta hay’adda Qarama da Mid oobay.

Arrinta dad badan ka yaabisay ayaa waxay tahay in dalalka joojiyey gargaarka iyagoo aan ba aritaan sameynin ay horey ka qaateen eede ynta Israel u jeedisay heyadda UNRWA, iyadoo la ogy ahay cadaawada ay u heysto shacabka Falastiint iinyiinta oo har iyo habeen ay gumaadka ku he yso., ujeedada Israel ayaa na lagu tilmaamay i ey tahay sidii shacabka Gaza looga joojin lahaa gargaarka kooban ee ay helaan si inta ka hartay duqeyma ha ay ugu dhintaan gaajo iyo cuduro.

MAXAA KA JIRA IN XUBNO LAGALA BAXAY MEYDADKA TAHRIIBAYAAL LAGA HELAY TURKIGA, LAGANA IIBIYAY M UKHALLASIIN KA GANACSADA XUBNAHA BANI'AADAMKA?


Arrinta ku cusub kiiska ayaa ah in maamulka Turkiga ay maalmo ka hor ka heleen meel u dhow xeebta Antalya sagaal meydad ah oo aan la aqoonsan.

Muddo 45 ma almood ayaa la ga joogaa mar kii la waayay do oni ka baxay dal ka Lubnaan, kuna sii jeeday jasiirada Qubrus, iya doo aan la helin wax rakaab ah.

Doontan oo ay la socdeen 85 rakaab ayaa la waayay 11-kii bishii December, dhacdadan oo no qonaysa tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda shilalka doonyaha socdaalka sharci darr ada ah ee ku sii jeeday qaaradda Yurub.

Waxaa wararku sheegayaan in rakaabka ay haysteen dhalashooyinka dalalka Suuriyaan, Falastiiniyiin iyo Lubnaaniyiin ah, waxaana tirada haweenka iyo carruurta ku jira ay ahaayeen ilaa 50.

Arrinta ku cusub kiiskan ayaa ah in maamulka Turkiga ay maalmo ka hor ka heleen meel u dhow xeebta Antalya ee Koonfur Galbeed ee dal kaasi sagaal meyd oo aan la aqoonsan.

Inkastoo warkani uu rajo galiyay qoysaska dadka la la’yahay ee sugaya inay ogaadaan hal ka ay ku danbeeyeen dadkoodii, ayaa hadda na waxaa jira dhowr arrimood oo diidaya in la aqo onsado haybta maydadkan oo ay ka mid yihiin xaaladda maydadka oo dhaawac culus soo gaa ray.

Ehlada dadka la waayay ayaa laga qaadaytijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor,

Ehelada dadka la waayay ayaa laga qaaday tijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor

Ilaa iyo hadda waxaa la aqoonsaday mid ka mid ah meydadka laga helay inta u dhaxeysa xeebaha Antalya iyo gobolka Muğla ee Turk iga.

Meydka la aqoonsaday ayaa ah arday 18 sano jir ah oo wax ka dhigan jiray jaamacada Turkiga Merv Sheval Elmas, iyadoo ilaa iyo hadda aan la garanayn 8 ruux ee kale.

Agaasimaha Xarunta Cilmiga Sharciga ee Lub naan, Garyaqaan Maxamed Sablouh, ayaa war eysi uu siiyay BBC laanta Carabiga ku sheegay in qoysaska dadka la la'yahay ay isku dayeen inay u diraan sambal DNA ah oo la mid ah mey dadka, laakiin inuusan jirin xafiiska hay'adda La anqeyrta Cas ee Caalamiga ah ee Turkiga ayaa hadda ka dhigaya hawsha mid adag waa sida uu sheegay.

Dadkan ayaa soo gudbiyay tijaabada DNA-da laba toddobaad ka hor si loogu baaro maydka.

Natiijada tijaabada ayaa lagu wadaa inay soo baxdo horraanta toddobaadka soo socda.

Mas'uuliyiinta Turkiga ayaa waxay soo je ediyeen in siddeedda mayd laga yaabo inay ka tir san yihiin doonta la la'yahay oo ka soo shiraac day dalka Lubnaan.

Khabiir ku takhasusay dambi baarista Dr Nader Arican oo la hadlay BBC-da laanteeda Tur kiga, ayaa xaqiijiyay in ay adag tahay in baari taan lagu sameeyo meydadka laga soo saaray badda. Shakiga ku saabsan ka ganacsiga xubna ha jirka Suurtagalnimadan arrintaan waxaa sii xooji naya xaaladda meydadka laga helay Turkiga, Suurtagalnimadan arrintaan waxaa sii xoojin aya xaaladda meydadka laga helay Turkiga

Iyadoo ilaa iyo hadda la la’yahay doonida asi, ayaa waxaa isa soo tarayay hadal haynta iyo su ’aalaha la iska weydiinayo halka ay ku danbeyn doonan dadkii la socday doonidaasi.

Qareen Sablouh Ma xamed Sablouh ayaa sheegay in ay jirto ca bsi dhab ah oo la ga qabo in rak aab kii do onta la socd ay ay dhibane u noqdeen kooxo ku takhasusay ka ganacsiga xubnaha jirka bin’ aam ka.

Sida uu qabo, suurtagalnimadan arrintaan wa xaa sii xoojinaya xaaladda meydadka laga he lay Turkiga, kuwaas oo, sida ay wararku shee gay aan xubno ay ka maqan yihiin.

"Meydadka qaar waa dooxay, tusaale ahaan, waxaa jira in jirka dumarka iyo carrurta aysan lah yeen madax" ayuu yiri.

Ilo xog-ogaal u ah kiiskan ayaa sheegaysa in Qaramada Midoobay "ay ka cabsi qabto in mu khalasiinta iyo kooxaha dadka tahriibiya ay mar horeba iibiyaan dadka doonta saarana ayaga oo xubnaha jifran laga iibiyay maafiyada ka ganac siga xubnaha jirka.”

Diidmada Qubrus iyo aamusnaanta dowladda Lubnaan inkasta oo doonidu ay ka soo kicitintay xeeba ha waqooyi ee dalka Lubnaan, haddana dowl adda Lubnaan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrintan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wafdi ka socday Xarunta Cilmiga Sharciga ee Cedar ay bo oqasho ku tageen Safaaradda Qubrus ee dal ka Lubnaan, waxayna la kulmeen Safiirka, isa goo gebi ahaanba beeniyay in wax magac ah oo ka mid ah Rakaabkii la socday doonta ay ku sugn aayeen Qubrus.

Waxaa jiray wararka qaar oo sheegayaan in rakaabkii doonta la socaday ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Qubrus ama lagu hayo saldhig milatari oo ay Ingiriisku maamulaan oo ku yaalla koonfurta Qubrus, ayaa waxaa gebi ahaan ba arrintaas beenisay dowladda jasiiradda.

Xarunta CEDAR oo kiiskan baaraysa ayaa si rasmi ah magacyada dadka la la’yahay ugu gudb isay qeybta la’aanta dadka la waayo ee Qara mada Midoobay ee Geneva.

Qareen Sablouh ayaa xaqiijiyay in hadda ay bilaabatay xiriirka Qubrus iyo Turkiga, taa soo qe yb ka ah dadaallada harsan ee lagu doonayo in wax looga ogaado masiirka rakaabka.

Waxaa xusid mudan in inkasta oo doonidu ay ka soo kicitintay xeebaha waqooyi ee dalka Lub naan, haddana dowladda Lubnaan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin arrintan.

Kororka socdaalka sharci darrada ah

Mid ka mid ah masiibooyinka ugu xumaa ee bad da Mediterranean-ka

Mid ka mid ah masiibooyinka ugu xumaa ee badda Mediterranean-ka

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa xaqiijinaya in dhawaanahan ay kordheen tirada dadka sida sharci darrada ah uga soo gudba Suuriya ee taga Lu bnaan ilaa Qubrus. Bishii Disembar ee sanad kii hore "tiro aad u badan " oo muhaajiriin sharci darro ah ayaa gaaray Qubrus, halkaas oo ay ka codsadeen gargaar Midowga Yurub.

Todobaadkan, maamulka Qubrus ayaa badb aadiyay 60 muhaajiriin ah oo la socday doon muddo lix maalmood ah badda ku jirtay.

Mid ka mid ah shanta carruur ah oo saarna doonta la badbaadiyay ayaa dhintay ka dib markii lagu daweeyay isbitaal halkaasi ku yaal.

Musiibadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday xeebaha Mediterranean-ka iyo badda Aegean ayaa ahyed sanadkii hore markii doon ay saar naayeen ilaa 700 oo qof ay ku degtay xeebaha Giriiga.

Ku dhawaad 100 qof ayaa laga soo badbaa diyay doonida degtay 14-kii June, halka boqol aal kalena lagu waayay.XIGASHO:-BBC

Muslimiinta iyo Carabta Mareykanka oo qaa tay go’aan ka nixiyey Madaxweyne Biden

Dad badan oo Carbeed iyo Muslimiin codkoo da dhiibtay oo la hadlay CNN ayaa sheegay in ay san u codeyn doonin dib u doorashada Madaxw eynaha Mareykanka Joe Biden, sababo la xiriira taageerada hagar la’aanta ah ee uu u hayo Israa’iil iyo in uu ku guuldareystay in xabad joojin joogto ah laga sameeyo Gaza.

Wareegii doorashada madaxtini mo ee u danbeyay, Biden waxa uu taageero ka helay dhowr masuul oo caan ah oo Muslim Marey kan ah oo la soo doortay iyo hogaamiy ayaa sha bulshada. Laakiin markan, qaar badan ayaa xanaaqsan.

"Waxaan rumaysanahay inuusan u qalmin codadleena inaan siino” ayuu yiri Khalid Turaani oo ah 57 jir, fadhigiisuna yahay Mich igan iyo la-guddoomiyaha cutubka gobolka ee dhaqdhaqaa qa Abandon Biden. "Ma dooran doono Joe Biden. Waxaan aaminsanahay in gacan-karnima diisa iyo ka-qaybgalkiisa firfircoon ee xasuuqa ka dhanka ah dadka reer Falastiin ee Gaza ay ka reebayso codkayga” ayuu intaas ku daray

Ololaha Abandon Biden ayaa laga same eyay Minnesota ka dib markii koox Musl imiin Mareyk an ah ay dalbadeen madaxweynaha inuu ku ba aqo xabbad joojin ugu dambeyn 31-ka Oktoobar.

Ugu yaraan 146,620 ka mid ah 200,000 oo ah codbixiyeyaal Muslim Mareykan ah oo ku nool Michigan ayaa codeeyay wareegga doora shada 2020, sida lagu sheegay falanqeyn ay sameysay Emgage. 2020, Biden wuxuu ku guu leystay Mi chigan boqolkiiba seddex dhibcood marka loo ee go Trump. Afar sano ka hor, Tru mp ayaa gobol ka kaga guuleystay musharaxa madaxtini mada xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton boqolkiiba 0.2.

Ra’iisul Wasaare Netanyahu oo wajahaya cadaadis kusii kordhaya

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netan yahu ayaa waj ahaya cadaadis sii kordhaya, ka dib maalintii ugu darneyd ee khas aaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Ga za, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldare ystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay.

Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falast iiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaa qadii Octo ber. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 aska ri oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weer ar.Weerarkan oo loo adeegsaday baasuukay aal ku dhacay taangi iyo laba dhismo oo ay ciid amadu isku dayeen inay qarxiyaan, ayaa Netany ahu waxa uu ku tilmaamay "musiibo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip