
HALKAAN KA AKHRISO ARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 28-KA JANNAAYO 2024-KA
DF Soomaaliya oo war culus kasoo saartay go’aanka ay maxkamada ICJ ka gaartay…
War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soo maaliya ayaa waxaa lagu taageeray go’a anka ay Maxkamada ICJ ay ka gaartay xasuuqa ay Israel ku heyso shacabka reerka Falastiin.
Bayaanka ayaa waxaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweyneyso in baaritaan lagu sameeyo xasuuqa Israel ee Gaza, lagulana xisaabtamo.
"Xukunkan dhulka wuxuu calaamad u yah ay tallaabo muhiim ah oo lagula xisaabta mayo tacadiyada loo geystay dadka Falastiin” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Sidoo kale dowladda federaalka Soomaali ya ayaa dalbaday in la qaado tallaabo deg deg ah oo lagu badbaadinayo shacabka ku go’do osan Gaza ee weli wajahaya xaaladda adag.
"Soomaaliya waxay dalbanaysaa in si deg deg ah loo fuliyo tallaabooyin ku meel gaar ah oo lagu badbaadinayo xuquuqda iyo maslaxa da Falastiiniyiinta, iyadoo diiradda la saarayo xalinta falalka Israel ee rabshadaha, hoos u dhaca, iyo burburinta ku aaddan jir ahaan iyo damiir ahaanba nolosha aan waxba Shalay san”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka was aar adda.
Waxaa kale oo Soomaaliya ay adkeysay in la dhaqan-geliyo xabad joojin ka hirgasha Gaza, si xaaladda loo qooboojiso, loogana hort ego khasaaraha soo gaaraya rayidka.
War-saxaafadeedkan ayaa waxaa sidoo kale baaq loogu diray Israel oo looga dalbaday inay joojiso xasuuqa ay ku heyso shacabka reer Falastiin.
"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Israa’iil in ay joojiso dh ammaan noocyada tacadiyada arxan dar ada ah ee Falastiiniyiinta, ayna u hoggaans amaan tallaabooyinka ka soo baxay go’aanka ICJ” ayaa la sii raaciyay bayaanka.
Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay garab taagan tahay shacabka Falastiin, waxayna sii wadi doontaa nabadda, cadaaladda iyo xaqiijinta
Maxkamada ICJ ayaa jimcihii Dorraad aheyd soo saartay go’aan ah in Israel ay qaa do dhammaan tilaabooyinka lagu joojinayo xasuuqa shacabka Falastiin ee ku nool Gaza.
Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hey’adda TIKA ee Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arri maha Dastuurka ee XFS Md. Xassan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda Hey’adda TIKA ee Turkiga. Kula nka ayaa ku saabsanaa sagootin loo sameyn ayay madaxii hore ee Hey’adda TIKA Mudane İlhami TURUS iyo soo dhaweynta madaxa cusub ee hey’adda TIKA Md. Zafer EŞKİ.s
Wasiirka ayaa bogaadiyay shaqada wanaa gsan ay hey’adda TIKA ka heyso dalka, waxaa uu sidoo kale uga mahadceliyay dadaalka ha gar la’aaneed ee ka geysato Hey’adda TIKA arrimaha dib u dhiska dalka iyo taageerada he y’adaha caddaaladda iyo asluubta Sooma aliyeed.
Wasiirka ayaa ka faalooday xiriirka iyo is kaashiga 12 sano ka hor soo bilowday ee miro dhalay, isagoo qeyb ka ahaa dib u soo noole ynta xiriirka labada dal. Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga, isagoo bogaadiyay garab istaaggooda Soom aaliya, waxaa uu si weyn uga faalooday qoto dheerida xiriirka qadiimiga ee u dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.
Wasiir Daa’uud Aweys” Marna ma aqbali doono gardarada qaawan ee Dowladda Itoo biya u bareertay,”
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiis ka xukuumadda federaalka Soomaaliya Md. Daa’uud Aweys ayaa khadka fogaan aragga ah kala qeyb galay Jaaliyadda Sooma aliyered ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka m unaasabad looga soo horjeedo damaca gurr acan ee Dowladda Itoobiya ay ku doone yso qeybo ka mid ah Badda Sooma aliya.
Wasiirka ayaa marka hore u ga mahad celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minn esota isku soo baxaan weyn ee ay kaga soo horjeedaan gardarada qaawan ee Itoobiya ay u bareertay, taas oo ay wax ugu dhimeyso qa ranimada iyo madax bannaanida dhuleed ee dalkeenna. ”Waad mahadsan tihiin dhammaa ntiin, si weyn ayaa idin kaga mahadcelineynaa isku soo baxaan weyn oo aad Shalay ku dhig ay ysaan Minnesota, idinka oo ka soo horjeeda gardarada qaawan ee Dowladda Itoobiya ay ugu bareertay, waxaan idin cadeyn eynaa in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay dii dmadeeda qayixan ee damaca Itoobiya ,isla markaana marnaba la aqbali doonin in la haweysto taako ka mid ah dhulkeenna,” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud Aweys oo had alkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Sooma aliya markasta ay u taagan tahay deris wana ag iyo iskaashi, balse marnaba aysan ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madax bannaa nideeda dhuleed. ”Soomaaliya waxay mar walba u taa gan tahay derisnimo wanaagsan iyo iskaashi laa kiin marka ay dhacdo xadgudub noocaan oo kale ah marnaba ma yeeleyno, waxaan ila ali neynaa oo aan difaaceynaa qaranimada, wadajirka iyo madax bannaanida dhuleed ee JFS,”. Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa uga dig ay Dowladda Itoobiya in ay ka waantowdo fala lka gurracan ay waddo oo wax u dhimaya na ba dda gobolka iyo kan caalamka, isagoo dhan ka kale, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, markale, uga mahad celiyay sida wadaniyadda leh ay u muujiyeen dareenkooda ku aaddan ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed, waxaana idin rajeynayaa guul Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha guuleysato.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka sare oo guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee Aqalka Sare
Guddoomiye ku xigeenka 1aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Md. Cali Shacbaan Ibra ahim ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Kulanka oo uu goobjoog ahaa Guddoo miye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Md. Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde oo ajan dihi isu ahaa ka tashiga arrima ha dib u eegista Dastuurka ayaa ugu horrayn warbixin looga dhagaystay xoghaya ha guddiga Dastuu rka Ba arlamaanka JFS, Sanatar Saciid Cabdi Xus een, isagoo ka hadlay habraaca ay mudan ay aasha Labada Aqal ansixiyeen muhiimaddi isa iyo in inay u diyaarsan yihiin ka guddi aha an 4-ta cutub ee ee ugu horraysa dastuurka.
Intaas kadib xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare ayaa dood iyo falanqayn ay ka ye esheen habraaca dib u eegista Dastuurka, wax ay soo jeediyeen in tobanka bisha Febaraa yo la guda galo doodda afarta cutub ee ugu horr aysa Dastuurka KMG ah, taas oo ay ugu dam bayn isla qaateen
Madaxweyne Saciid Deni oo Codsi u diray Baarlamaanka Puntland
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Pun tland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dalab Codsi u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Ma amulka asi oo uu ka dalbaday in muddo 45 maalin ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhis ayo Xukuumadda cusub.
Illo ku dhow Madaxweyne Saciid Deni ayaa laga soo xigtay in Guddoonka Baarlana anka Maamulka uu ka codsaday Madaxweyna ha in waqti dheeraad ah ugu daraan xilliga uu ku soo magacaabayo Xukuumaddiisa cusub ee laga sugayo inuu soo dhiso.
Sababta waxaa lagu sheegay inuu Madaxw eyne Deni weli ku mashquulsan yahay dhism aha xukuumadda cusub, isla-markaana uu wa do watashiyo guud ee ku aadan golaha was iirada.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madax weynaha uu qorsheynayo inuu u baxo safar dibadeed, taas oo kamid ah waxyaabaha keen ay dib u dhaca dhismaha xukuumadda.
Dhinaca kale Baarlamanka dowlad Gobol eedka Puntland weli kama soo jawaabin cods iga uga yimid Siciid Deni ee uu ku dalbanayo in loo kordhiyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda.
KENYA oo soo fara-gelisay xiisadda dastuurka Soomaaliya
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horr eysay ka hadashay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soo maaliya.
Wasiirka difaaca ee dal ka Kenya, Aadan Barre Du caale oo soo farogeliyay arr intan ayaa caleema saarkii madaxweynaha ma amul goboleedka Puntland ka sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro dastuurka, si looga gudbo caqabada haatan ka jira gudaha dalka.
Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xill igii ololaha doorashada uu si dhow ula socday khudbadaha ay jeediyeen musharrix iinta, ayna dhamaantood ballan qaadeen dha meys tirka dastuurka, isaga oo haatan su’aal ka kee nay sababaha ku diidan yihiin in wax laga bed delo.
"Arrimihii la sheegay xilligii doorashada wa xaa kamid ahaa oo ku kastaa uu yiri haddii la’i doorto dastuurka waan dhammeynayaa waqti geyga” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.
Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray mada xda iyo shacabka Soomaaliyeed, wuxu una u gu baaqay in laga wada shaqeeyo dana ha gu ud iyo midnimada.
"Aan isku dulqaadano aan midowno aa no qono dad dalkooda iyo diintooda u hiiliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood xoogan ay ka taagan dastuurka Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka uu ansixiyay habraaca wax looga beddelayo.
Mucaaradka iyo Puntland ayaa si weyn u diiday in haatan la furo dastuurka, inkastoo Vil la Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay rabaan in ka guda galo wax ka beddelka.
Nin xaaskiisa oo uur laheyud iyo wiil yar uu dhalay Habeen hore ku gubay Muqdisho
Waxaa Habeen hore dhacdo dad badan ka naxeen ka dhacday degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, kaddib markii nin dhallinya ro ah guri ku yaallay degmadaasi ku gubay xaaskiisa iyo wiil yar uu dhalay.
Sida aan wararka ku helnay ninka dhibka geestay oo maseersanaa ayaa xaaskiisa oo la sheegay in ay laheyd uur lix bilood ah iyo wiil uu isaga dhalay ku bil bilay baasiin kaddibna dab qabadsiiyay.
Dad daris la ahaa qoyska ayaana si deg deg ah ugu gurmaday gabadha la gubay iyo wiilkeeda, waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray haweeneyda uurka laheyd oo magace eda lagu sheegay Luul Cabdicasiis lagu dawe enayaan isbitaal.
Ninka dhibka u geestay xaaskiisa iyo wiilka uu dhalay ayaa goobta si deg deg ah uga bax saday, ciidamada booliiska saldhigga degm ada Dharkeenley ayaana la sheegay in wad aan howlgalo ay ku baadigoobayaan ninka dhi bka u geestay qoyskiisa.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan gub ay xaaskiisa ay murmeen uuna jirdil u geestay kahor inta uusan guriga inta ku xirin haddana dab qabadsiin, waxa ayna dadka deegaanka dhacdadan ku sifeeyeen mid maseyr salka ku heysa.
Fiidiyowgan ugu dambeeyay, sida muuqa aladii hore ee la haystayaasha ee kooxda xa gjirka ah, waa mid si heer sare ah loo soo saar ay loona habeeyey.
Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Nin laba sano ka hor Dil u geystay Nin kale
Taliska Qeybta Guud Boliiska Gobolka Ban aadir gaar ahaan ciidanka saldhigga bo liiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay Nin ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaa din Soomaaliyeed, laba sanno hahor
Qoraal kasoo baxay Taliska ciidanka Boolis ka Gobolka ayaa lagu sheegay in baadi goob dheer, kadib ciidanka boliis ka u suura gashay in gaca nta kusoo dhigaan eedeys an aha, oo baxsaday markii dil ka u geystay muwa ad inka Sooma aliyeed
HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA
27/01/2024 abaaro 11:30 am, Taliska Qe ybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciid anka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanaha sawirkiisu hoos idinkaga muuqdo, kaasoo ku eedeysan inuu tooreey ku dilay muwaadin Soomaaliyeed 12/07/2022.
Baadi goob dheer kadib waxaa ciidanka boliiska u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo, waxaana la hor geyn doonaa maxkam adda awoodda u leh hadduu alle idmo.
Masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland oo kormeeray xero ay ka baxeen ciidamada Itoobiya
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubal and ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Shalay korm eer ku tagay Xerada Ciidanka ee Madhamaato ee kutaalla duleedka Kismaayo.
Xeradan ay Shalay booqdeen masuuliyii ntan katirsan maamulka Jubbaland oo ay dha waan ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeyb ta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.
Xeradan oo ay la wareegeen ciidamada ha y’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland ay uu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhag aystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidam ada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya.
Qoys ka kooban 5 ruux oo lagu laayey degaan hoos taga gobolka Mudug
Shan ruux oo hal qoys ka soo jeeda ayaa saacad ihii la soo dhaafay lagu dilay weerar dabley hubays an ka fulisay nawaaxiga de gmada Saaxo ee galb eedka gobolka Mud ug. Dadka la dilay ayaa wax aa ku jira haween iyo carr uur sida ay sheegayaan wararka halka as nag a soo gaaraya Guddoomiyaha gobolka Mud ug ee maamu lka Puntland oo warbaahinta u xaqiijiyay dhac dadaasi ayaa tacsi u diray guud ahaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeen dadkii ku dhintay weerarka. Warar qaar ayaa sheega ya in weerarkan uu salka ku hayo aanooyinka qabiilka. Kooxda weerarka geysatay oo aan weli lagu guulaysan in gacanta lagu soo dhigo ayaa sida la sheegayo ka yimid dhinaca dega annada Galmudug.
Dilalka iyo weerarada aanooyinka qabiil ay aa had iyo jeer ku soo laalaabta degaano ka tir san gobolka Mudug kuwaasoo ay geystaan dabley ka soo jeeda degaanada Galmudug iyo Puntland.
Dad ay Soomaali ku jiraan oo laga soo mus aafurinayo dalka Canada
Dalka Canada oo kamid ah dalalka martig eliya qaxootiga ugu badan adduunka ayaa ha dda waxaa uu billaabayaa sidii dalkiisa uga musaafurin lahaa dadka soo galootiga ah gaar ahaa kuwa aan shacriga heysan.
Dadka la musaafur inayo ayaa waxaa ka mid ah Soomaalida qaarkood aan sharciga he ysan iyo kuwo markii hore ka been sheegay sharci yadooda, kuwaas oo hadda walaac muujinaya.
Mid kamid ah Dhalinyrada sugaya in dalka Canada laga soo musaafuriyo ayaa sheegay in la filayo in dhawaan in ka badan 400 Dhaliny aro Soomaali ah laga soo musaafuriyo dalka Canada, isla markaana qaarkood ay ku dhac een xanuuno kala duwan.
Hora dhowr jeer waxaa dalka Canada lo oga soo musaafuriyay dad ay Soomaali kujir aan, kuwaas oo aan heysan sharci, balse mark ale ay dowladda Canada ay dooneyso inay ku wo horleh ka saartdo dalkeeda.
Ergeyga Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la soo magacaabay
Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guters ayaa soo magacaabay ku xigeen kiisa cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Xilkaan wuxuu u soo magacaabay Raisedon Zenenga oo u dhashay Zimbabwe, kaasoo mudo qaramada midoobe uga soo shaqeeyay.
Xilkaan waxaa dhawaan baneysay haween eyda u dhalatay dalka Ghana Anita Kiki Gbe ho,waxaa lagu wadaa masuulkaani cusub inuu dhawaan shaqadiisa ka bilaabo Muqdisho.
Dhanka kale Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobe wuxuuuga mahad-naqay Anita Kiki Gbeho sidii ay uga soo baxday shaq adeeda mudadii ay Somalia ka howlgaleysay. Sarkaalkaan cudub ee Somalia loo soo magac aabay wuxuu gadahayaa xilka isu duwaha Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).
DF oo WAR culus ka soo saartay duqeyn Shalay lala beegsaday kolonyo Shabab ah
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay xogta weerar cusub oo duqeyn loo adeegsa day oo kooxda Al-Shabaab Shalay loogu geyst ay inta u dhaxeysa gobolla da Sh/Dhexe iyo Hiiraan. Qoraal ka soo baxay was aaradda warfaaf inta Soo maaliya ayaa lagu yiri, "Ciidamada Qaranka So omaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah oo kaa shan aya xogta dadka Dee gaanka ayaa howl gal qorsheysan ka fuliyay Deegaan ka Cali ha yle ee ku yaala xadka Sh/dhaxe iyo Galga duud.”
Kooxda lagu beegsaday howlgalkaan ayaa la socotay gaari xamuul ah, waxayna maray een deegaanka Cali-Xeyle, howlgalka ayaa dhacay xiligii lagu jiray salaadda Maqrib.
"Gaari ay la socdeen maleeshiyada argagixi sada ah ayaa lagu burburiyay howlgal maqrib nimadii Habeen hore ka dhacay Deegaanka Cali Hayle ee Galgaduud, waxaana gaariga sa arn aa Hor-joogayaal ka tirsan nabadiidka,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa saa xiibada ka caawiya dagaalka Al-Shabaab ayaa maalmahaan kordhisay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo maalmah aan ka socday gobollada Mudug, Galgaduud & Sh/ Dhexe. "Saacadihii la soo dhaafay waxaa la kordhiyay Howlgallada dhanka cirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha naf la caariga ah ee caadeystay gumaadka Shacabka Soomaaliy eed, waxaana la qaarijiyay maleeshiyaad bad an,” ayaa lagu yiri qoraalk aan ka soo bax ay dowladda Soomaaliya.
Duqeyntaan waxaa ka horeeyey kuwo ka le, magaalada Galhareer ee gobolka Galg adu ud ayaa khasaaraha ugu ba’an loogu geystay Al-Shabaab, kadib markii la beegsad ay xar umo waaweyn oo Shabaab ay isku abaabulay een, kuna diyaarinayeen qara xyo.
Sidoo kale magaalada Caad oo labo maalin ka hor ay soo weerartay kooxda Al-Shabaab ayaa khasaare ba’an loogu geystay, kadib ma rkii ay halkaas kala kulmeen duqeyn culus iyo dagaal toos ah, waxaana Caad lagu soo ban dhigay meydadka Shabaab-kii la laayey.
Xigasho:-casimadda.net
Somaliland oo beenisay in la weeraray mar kab u rarnaa dekeda Berbera
Somaliland ayaa beenisay in markab ay ga ntaalo ku weerareen falaagada Xuutiyiinta ee dalka Yemen uu u rarna dekeda magaa lada Berbera.Maareeyaha Guud ee Kaydka Haam aha Shidaalka Somaliland ee Berbera Axmed Ibraahim Cabdi oo waraysi gaar ah siiyay VOA , ayaa beeniyey warar sheegaya in mar kab shidaal u siday haamaha Berbera ay koo xaha Xuutiyiintu ku weerareen Badda Cas.
Maareeyaha ayaa sheegay in markabku uu u socday dalka Singapore isla markaana uu shidaal kasoo qaaday dalka Ruushka, aananu u socon magaalada Berbera. "Markabka la sheegayo waxa leh shirkada Trafigura, waxa uu shidaal ka keenay dalka Ru ushka, waxa uu na u socday dalka Singapore, markaa wax ku soo socda Berbera muu ahayn, aad ayaanu ula soconaa wixii shidaal ah ee u socda Badda Cas" ayuu tidhi Maareeyuhu.
Kooxaha xuutiyiinta oo wacad ku maray in ay weerari doonaan maraakiibta iskaga kala gooshaysa marinada ganacsiga ee Badda Cas ayaa gantaalo ku weeraray markab laga lee yahay dalka Ingiriiska oo marayay biyaha Bad da Cas.
Somaliland ayaa aad walaac uga muujisay khatarta soo wajahday maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, iyada oo dhawr jeer beesha ca alamka ugu baaqday in layska kaashado ilaa linta amaanka biyaha Badda Cas.
Itoobiya: in ka badan 20 Malyan oo Shacab ah ayaa wajahaya cunto la’aan daran
Xafiiska isku duwida arrimaha bena’aad inimo ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 20 miliyan oo Itoobiyaan ah ay deg-deg uga baahan yihiin wax ay cunaan, waxana la soo warinaya in macluul ay gaysanayso dhima sha da carrur badan oo ku nool deegaanada fog-fog ee gobalada Amxaarada iyo Tigreega.
Colaad iyo abaaro xun oo hadda taagan ayaa isu biirsaday Itoob iya, waxa jira barakaca 1.5 milyan, waxana hay’ adaha gar-gaarka caal amka ay eeda saarayaan dawladda Itoob iya oo bixisay war aan ku saleysnayd xaqaa’ iqa nolosha dadka ku saamoobay.
Ra’isul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in waddankiisa uu gaaray isku filnaansho, oo soo saaraya Qamida taasi oo xitaa debadda loo dhoofinayo.
D/Federal-ka Itoobiya ayaa dafi rtay xa aladaha adag ee waddanka ka jira oo ay khub arada isbar-bar dhigayaan duruufo nololeed oo sidan oo kale uga dhacay wadd anka siiba aba ar dhacday 1986-dii markaa oo gaajo daran dhacday.
"Waa dhab dhibaatada cuni yarida ee dalka Itoobiya, waxaana sababay Colaada iyo abaa rta daba-dheeratay taasi oo aan mar-marsiyo looga dhigan Karin macluusha Tigrey balse waa siyaasada dawladda ee ku dhisan ciqaa bta iyo go’aanada kaalmada beni’aadin imo ee caalamka oo in la’isa su’aalo tahay”, Mukesh Kapila, Professor ahna qoraa ka faalooda arr imaha collaadaha.
Iyada oo jirta dhibaatadan ayaa ra’isul was aa raha Itoobiya waxa uu gobalka u horsee daya colaad hor leh, sida in uu ka fekeray in m adax banaanida waddanka Soomaaliya in uu fara-gelin ku sameeyo isaga oo doonaya dhul & bad boob, waxana hore colaad waddanka ka la dhaxeysay waddama Sudan iyo Masar oo biyo xireen ay ahayd in waddamada wadaaga an uu iskiis go’aan ku qaatay in uu sameysto.
Dawladda Itoobiya ayaa wajahayso dhiba ato dhinacyo badan oo ay ku jirta diidmo ka im aanaysa maamulada iyo xitaa xisbiga tal ada hayo oo bilaabay in ay shaqada iska tag aan ka dib markii uu ka jawaabi waayey baa hiyaha bulshada iyo qaadashada go’aan aan la isku raacsanayn oo waxa ka dhalan kara la ogeyn.
Jabhadda Amxaaradda oo kaabiga ku Addis Abbaa
Ciidamada Jabhadda Amxaaradda ayaa is ku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaran ka Itoobiya, sida ay ku warameyso warb
aahinta gudaha oo soo xiganeysa xubno ka tir san Jabhadda. Xeradan oo ku taalla deegaan ka Ensaro Shewa ayaa waxay qiyaastii 93KM u jirta magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.
Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaaradda ayaa hadda kaabiga ku haysa magaaladda Ad dis Ababa ee uu ku shaqeeyo ra’iisul wasaara ha Itoobiya Abiy Axmed. Gobolka maamul ka Axmaaradda ayaa waxaa ka socda kacdo onkii ugu xoogganaa, waxaana Dorraad laga maqlayay rasaas dabaal deg u muuqatay ka dib markii uu is casilay ra’iisul wasaare ku-xige enkii Itoobiya ahaana wasiirkii arrimaha diba dda.
Demeke Mekonnen oo Abiy Ahmed ay saa xiib isku dhow ahaayeen ilaa iyo 2020-kii ayaa Dorraad xilkii iska casilay, sida ay xaqiijiy een saraakiil sare oo ka tirsan xukuumadda Abiy.
Waxaa la arkayay muuqaallo laga duubay kooxaha kacdoonka oo isku soo baxay markii uu is casilay Mr. Demeke, kuwaas oo raasaas ridaya.
Maamulka iyo Jabhadda Amxaarada ayaa horay bayaan ay u soo saareen waxay uga soo horjeesteen dhaqanka qaras iska tuurni mada ah ee Abiy Ahmed uu isku dayayo inuu ku maaweeliyo shacabka Itoobiya ee hadda diidan xukunkiisa.
Sidoo kale bulshada Amxaaradu waxay dowladdooda u sheegeen in ay lama taabtaan tahay ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka labada dal.
Ethiopia ayaa waxaa xilligaan ka taagan dagaalo sokeeye oo qowmiyado ku saleysan, kuwaasi oo khatar ku ah amniga dalkaasi iyo kan gobolka intaba.
Kooxda Xamaas oo soo bandhigtay haween ka tirsan la heystayaasha Israaiil
Muuqaal cusub oo ay baahiyeen garabka min tidka ah ee Xamaas ee Al Qassam Briga des, ay aa muujinaya saddex dumar ah oo Isr aa’iiliyiin ah oo la haysto, iyagoo isku dayaya inay sare u qaadaan cadaadiska ay ku hayaan ho ggaamiye yaasha Israa’iil xilli ay soo baxay aan warar sheegaya in heshiis is dhaafsi maxaaiis ah uu miiska saaran yahay.
Muuqaalkan oo lagu sii daayay Telegram-ka, ayaa waxa uu ku furmay muuqaal ah mu raayad saacad ah oo ay ku dul sawiran yihiin saddexda dumarka ah sawiradooda
"Waqtigu wuu dhammaanayaa, in ka badan 107 maalmood ayaa ka soo wareegay, fadlan na badbaadiya” ayey tiri mid ka mid ah la heystaya asha Kadib, waxa jiray muuqaallo la tafatiray oo mid kasta oo ka mid ah saddexda la haystayaal oo hadlaya. Askar sagaal iyo toban jir ah Karina Ariev iyo Daniel Gilboa, iyo Doron Steinbrecher oo 30 jir ah ayaa ugu baaqay dawladda Israa’iil in la sii daayo.
Ethiopia oo ka been sheegtay xad-gudubka ay Soomaaliya kula kacday si loo baajiyo…
Dowladda Ethiopia ayaa qoraal xasaasi ah oo ay uga been abuureyso xad-gudubka ay kula kacday madax-banaanida Soomaaliya u dirtay safiirkeeda u fadhiya Q/Mid oobay. Qoraalkan oo ay ku sheegtay in ay DFS ku oge ysiisay heshiiskii Addis Aba ba, ayaa looga dan leeya hay baajinta dood uu Golaha Ammaanka ka yee sho is-afgaradkii ay 1-dii bishaan Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen.
Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka badda, ganacsiga, maalgashiga, be eraha, caafimaadka, amma anka, waxbarasha da, tamarta, iyo kaabaya asha dhaqaalaha.
"Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa gacanta ku hayo arrinka, waxayn u magacaabe en Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Ob asanjo in uu dhex-dhexaadiye ka noqdo,” ayaa lagu yiri qoraalka Itoobiya oo lagu sheegay inay taasna (dhexdhexaadinta) diyaar u tahay, sidaas daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Ujeedka qoraalka waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahwareerna ku riddo Golaha Amm aanka, iyada oo ku doodaysa in heshiisku uus an xad-gudub ku ahayn gobonnimada iyo mad ax-banaannida Soomaaliya, xiisadna ka dhex abuuraynin labada dawladood dhexdooda, xasill ooni-darrina ka dhalinaynin gobolka.
Qodobada ugu weyn ee qoraalka Itoobiya ku jira ayaa kala ah;
1- Qoraalka waxaa lagu sheegay in dek eddu tahay mid ganacsi, maadaama gana csiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.
2- Wuxuu ka aamusay ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka saldhigga milateriga.
3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen dawladda Soomaaliya, si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.
5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Am mnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ah aa iyo dhex-dhexaadinta Obasanjo oo la gu yaq aan u qareemidda ictiraaf raadinta Somaliland.
Arrintan ayaa imaneysa xilli Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma uu Dorraad meel-mari yey in is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah, waxaana muuqata in Itoobiya wadda kasta ay u marayso in ay xaqiijiso hadaf keeda helitaanka bad.
Nin iska dhigay Gabar si uu imtixaanka ugu galo gabar uu jeclaa oo la qabtay
Nin u dhashay Hindiya ayaa la qabtay isaga oo imtixaan u galaya booska saaxiibtiis oo dhi gata Jaamacadda ku taalla Punjab – isaga oo ma rsaday make up, guduudiso iyo maryaha dum arku qaataan.
Saraakiisha Jaamacadda Baba Farid University ayaa gacanta ku dhigay wiil da’yar oo sita dukumentiyo been ah kaas oo rabay inuu imtixaanka u galo gabar la rumeysan yahay inay tahay saax iibtiis oo dhigata jaamacada. Wiilkan oo la yiraa hdo Angrez Singh wuxuu 7 Janaayo soo galay hoolka imtixaanaadka isaga oo ku lebisan mary aha dumarka wuxuuna dhinac fariistay gabdhaha kale ee u fadhiyay imtixaanka. In kasta oo si xeeladaysan uu usoo dhaafay saraakiisha iyo ilaalada jaamacadda, haddana markii la gaaray suulsaarka lagu caddeeyo joogitaanka iyo ka qeybgalka imtixaanka ayay wax walba bannaan ka si tartiib tartiib ah usoo baxeen. Way is yeelan waayeen farihiisa iyo kuwa ku keydsan xogta jaamacadda.
"Wejigiisa iyo gabadha uu imtixaanka u gali rabay ayaa isku ekaan waayay – sidaas oo ay ta ayna, waan soo saari kari waynay,” ayuu yiri sarkaal booliska katirsan.
Jaamacaddu markii hore way iska sii deysay ninkan, laakiin gadaal ayaa looga wacay waxaa na hadda socda baaritaan lagu ogaanayo arrima ha la xiriira qorshahan iyo wixii ka horreeyey.
Trump oo ka hor yimid xukun adag oo ay ku riday Maxkamad ku taalla Mareykanka
Xeerbeegtida Maxkamada New York ayaa go’aamiyay in Madaxweynihii hore ee Mareykan ka Donald Trump uu bixiyo $83.3 mily an oo doolar, taa soo magdhow u ah weriye E Jean Carroll oo uu aflaga adeeyay 2019 intii uu ahaa madaxweynaha Mareykanka.
Ciqaabta maxkamada madaniga ah ayaa ka kooban $18.3m iyo magdhawga ah iyo $65m oo xaal marin ah. Trump ayaa kiis hore oo madani ah lagu helay inuu sumcad dil u geystay hawee naydan oo uu fara xumeeyay 1990kii
Waxa uu wacad ku maray in uu racfaan ka qa adan doono xukunkii ugu dambeeyay, isaga oo kiiska ku tilmaamay mid lagu qoslo.
Donald Trump ayaa mar kale ka mid ah Mush araxiinta Madaxweyne Biden kula tartami doono doorashada Mareykanka oo dhaceysa dabayaa qada sanadkan
Banaanbaxyo Loogaga Soo Horjeedo Dilka Haweenka Oo Ka Dhacay Kenya
Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka loo gey sanayo haweenka ayaa ka dhacay guud ahaan dalka Kenya kadib markii bishan ay kordheen dilalka lala beegsanayo dumarka. naanbaxyadan ayaa waxaa ka qeybga lay kumanaan haween ah iyadoo kuwii ugu waaw eynaa ay ka dhaceen magaalooyinka Nairobi, Kisumu iyo Mombasa.
Kumanaan haween ah oo isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ayaa waxa ay siteen boorar ay ku qoran yihiin halkud hegyo loogaga soo horjeeda dilka dumarka oo ay ka mid yihiin Jooji DilkaHaweenka,Waxaan rab naa inaan noolaano iyo qaar kale.
Sidoo kale boorarka ayaa waxaa lagu soo qoray magacyada haweenkii ugu dambeeyay ee lagu dilay gudaha dalka Kenya.
Ugu yaraan 500 oo kiis oo dil ah ayaa Kenya la ga diiwaan galiyay tan iyo sanadkii 2016.
Hay’adaha diiwaan geliya dilka haweenka ayaa sheegaya in tirada dhabta ah laga yaabo in ay intaas ka badan tahay sababo la xiriira kiisas aan la soo sheegin ama shilalka halkaas oo taf aasiisha laga reebay warbixinnada booliiska ama warbaahinta, taasoo ka dhigeysa in dhimashada si khaldan loo diiwaangeliyay.
Hay’adda xogta ee Africa "Data Hub” ayaa sh eegtay in dilal badan oo ka mid ah ay ka horreyeen rabshado iyo khilaaf qoys.Dibad-bax ayaashu waxay ku baaqeen in si sharci ah loo aqoonsado in dilka haweenku uu yahay dambi.
Antonio Guterres oo loo sheegay War uu aad uga naxay kuna baaqay baaritaan deg deg ah
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiiniyiinta ee UNRWA,ayaa lagu eedeey ay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda gaar ah ay ku lug lahaayeen weerarradii koo xda Xamaas ku qaadeen 7-dii Oktoobar dhulka ay maamusho Israa’iil.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu aad uga naxay warkan loo soo sheegay, waxa uuna ku baaqay in baarita an deg deg ah lagu sameeyo.
Waxa uu sheegay in arrintan ay tahay mid aan la aqbali karin oo ceyb ah, waxa uuna far ay saraakiil katirsan Qaramada Midoobay in baaritaano deg deg ah lagu sameeyo jiritaanka warkan sida weyn u baahay.
Dowladda Mareykanka ayaa durba qaaday tallaabooyin deg deg ah kaddib markii la baah iyay fadeexada hay’adda UNRWA, waxa ayna Mareykanka ku dhawaaqeen in ay joojinayaan dhaqaalihii uu siin jireen hay’addaUNRWA.
Weerarkii Xamaas ku qaaday 7-October ee sannadkii hore ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 qof oo Israa’iiliyiin u badnaa, waxa uuna weerarkaasi abuuray weerar kale oo falcelin ah oo Israa’iil ku bur burisay Gaza kuna dishay dad ka badan 23-kun oo qof oo shacab ah.
WIILKIISA AYUU USOO IIBIYEY CABITAAN WAX YAR KAHOR INTA AAN GEERIDIISA LA II SHEEGIN’ XAASKA DHAQTARKII LA DILAY
Geerida dhaqtarka Alaha u raxmadee Dr. Nasteex Maxamed Jaamac. Dhaqtar ayaa ku dhintay isku dhac la she egay in uu dhexmaray dadka deegaanka Yam aarugley ee Dawlad Deega anla Soomaalida, iyo ciida mo ka tirsan ismaamulka Soomaalida.
Nasteex Maxamed jaam ac, oo ahaa dhaqtar ka ho wlgali jiray xarun caafim aad oo ku taal deegaanka Yamaarugley oo hoost agta dega mada Gallaadi ee gobolka Doollo, ay aa la sheegay in rasaas ooda laga qaaday dad uu kamid ahaa waxay uga dhacday madaxa iyo neefmareenka, sida uu noo sheegay, Axmed Go oni, oo ah adeerkiis goobjoogana ka ahaa dhac dada.
"Qaybta sare ee jirkiisa gaar ahaan madaxa ay ka haleeshay raasaastu, wuuna u geeriyo oday...runtii waxaan ku tilmaami karaa dhacdo xanuun leh oo fool xun” ayuu BBC da u sheegay Axmed Gooni.
Waxaa kale oo goobta ku dhaawacmay laba qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka, kuwaas oo xaalkooda caafimaad wali lala tacaalayo. Mid kamid ah ayaa naloo sheegay in xalkiisu aad u daran yahay. Sida uu BBC da u sheegay aabaha dhalay dhaqtar Nasteex, wuxuu kamid ahaa dadka fara ku-tiriska ah ee aqoonta leh ee ku sugnaa magaalada yar ee Yamaarugley.
"Wuxuu ahaa ilma saddexaad ee an dhalay. Wuxuu la dhashay shan gabdhood. Xaaskayga wayn ayaa dhashay, wuxuu ii ahaa garab i caawiya dhanka dhaqaalaha, sida uu ku baxayna waxay
ahayd dhacdo fool xun” ayuu BBC da u sheegay aabe Maxamed oo dib u goconaya sida wiilkiisa ga rab ugu ahaa. Waxa uu aabuhu sheegay in uu ah aa wiilka kaliya ee ay hooyadiis rag ka dhashay.
Sida uu noo sheegay Axmed oo goobjooge ka ahaa dhacadada, dhaqtarka dhintay ayaa kamid ahaa dad ka koobanaa waxgarad iyo culimo oo ku baxay inay kala dhexgalaan dad shacaba iyo ciidan ka tirsan dawlad deegaan ka Soomaalida oo isku dhac dhexmarayay, balse uu u geeriyooday rasaas goobta ka dhacday.
Qoyska dhaqtarka ayaa aaminsan in rasaasta ku dhacday wiilkooda ay rideen ciidamada dawla dda. Balse inagu si madax banaan uma xaqiijin karno. Waxay sheegeen in ay ka rajeynayaan dawladda in ay kala hada sho dhimashada wiilkoo da. "Ma jirto cid ka tirsan maamulka heer dee ga an, gobol iyo dowlad degaan oo nala soo xiriir ay ama noo tacsiyeeyey,” ayuu BBC-da u shee gay aabe Maxamed. BBC da ayaa isku dayday in ay la xiriirtu maam ulka dawlad deegaanka Soomaalida si ay arrintaan wax uga waydiiso, balse nooma aysan suuragalin inaan helno.
dhaqtarka la dilay
Aabaha dhalay Dr.Nasteex, Maxamed Jaamac Xaashi
"Wiilkiisa ayuu cabitaan u soo gaday ka hor geeridiisa"
Samsam Xuseen Jaamac waa xaaska dhaqtar Nast eex, waxay wali xasuusataa adeegii uu usoo iibiyay wiil kooda yar ka hor inta uusan aadan magaalada oo aan loo sheegin geeridiisa.
"Wuxuu wiilkiisa u soo gaday cabitaan ama sharaab intii aanu ka bixin guriga. Markii uu bax ayey waan waydiiyey halka uu u socdo, wuxuu ii sh egay inuu aadayo xarunta caafimaadka balse bar qadii ayaa la ii soo sheegay geeridiisa. Waxay ah ayd naxdin, wuxuu ahaa aabe wanaagsan oo dabee cad leh ” ayey BBC da u sheegtay Samsam oo cod hooseeya ku qeexaysa wixii ugu dambeeyay ee dhexmaray odeygeedii ay jeclayd.
Waxay sheegtay in tahay umul oo ilmahooda u gu yaraa uusan gaarin bil. Waxay xustay in ay raja ynayso in cadaalada la horgeeyo kuwii dilkiisa saba bta u ahaa. Dhaqtar Nasteex ayaa lagu aasay dee gaanka Yamaarugley oo ahayd goobtii uu mudda ka ahaa dhaqtarka.
Kumuu ahaa dhaqtar Nasteex Maxamed Jaamac?
Dr.Nasteex Maxamed Jaamac Dhaqtar Nasteex Ma amed Jaamac waxa uu ku dhashay tuulada Uur-ma dag oo ka tirsan degmada Galla adi ee gobolka Doole ee dow lada deegaanka Soom alida
Waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaa tay deegano hoostaga degamada Gallaadi. Sida uu aabihiis noo sheegay wuxuu ahaa nin ku wanaag san waxbarashada.
Heerkiisa jaamacadeed wuxuu ku qaatay culu umta caafimaadka isagaoo ka baxay jaamac ada Qabri- Dahar, isaga oo ka mid noqday shaqaa laha caafimaad ee ka howlga layey xarunta caafima ad ee ku taalay deegaan ka Yamaarugley.
Dhaqtar Nasteex Maxamed wuxuu ifka ugu tagay hal xaas iyo saddex caruur ah.
Eheladiisu waxay ku tilmaameen inuu ahaa sha qsi dadaal badan muddadii uu ka shaqayn ayey ho wlaha caafimaaadka. Waxaa kale oo ehelku ay ku tilmaameen marxu unka inuu ahaa shaqsi ka
shaqeeya nabada iyo horumarinta deegaanka
XIGASHO:-BBC
HALISTA AY LEEDAHAY IN GABDHAHA YARYAR AY ISTICMAAL AAN ALAABAHA LA ISKU QURXIYO
skincare
Kororka carruurta yaryar sida kuwa siddeed sano jirka ah ee isticmaalaya waxyaabaha jirka lagu qurxiyo ayaa sababi karta dhibaato aan waxba laga qabi karin oo ku timaadda maqaarkooda, sida ay ka digeen Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka ee dalka UK.
Carruurta qaar ayaa waaliddiintooda ka cods ada waxyaabaha qaaliga ah kaddib markii ay arke en inay isticmaalaan dadka caanka ka ah baraha bu lshada ee ay taageeraan sida YouTube iyo TikTok.
Balse qaar badan oo alaabahaas ka mid ah wax aa ku jira maaddooyin loogu talogalay dadka qaan gaarka ah keliya, sida aashitada maqaarka ka qaa da qolofta dhimatay iyo wasakhda.
Waxay sababi karaan xasaasiyad iyo cuncun maqaarka ah.
Sadie oo siddeed jir ah ayaa markii ugu horreys ay muuqaallada daryeelka jirka ka daawatay Tik Tok, halkaasoo dadka ay taageerto ay ka hadlay een "sida ay ugu fiican yihiin maqaarka".
Waxaa gaar ahaan soo jiitay mid ka mid ah ala abta shirkadda Bubble, kaasoo "markaad hoos u riix do, uu noqonayo sida [qaabka] ubaxa", ayay u shee gtay BBC News, iyo shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Drunk Elephant sababtoo ah "qaabka loo soo xiray ayay aad uga heshay" waxayna iibisaa kareenka faruuryaha ilaa kareemada jirka.
BBC News ayaa sidoo kale farriimo ka heshay waaliddiin badan oo ka walwalsan sida ay ilm aho odu u daneynayaan daryeelka maqaarka – iyo saa meynta ay ku yeesheen baraha bulshada iyo saaxiibbada.
Shirkadda Drunk Elephant o oleh loogada xay awaanka marka ay alaabbada baceyneys ana adee gsata midab furan waa mid ka mid ah shirkadaha ugu badan ee lagu soo qaato marka dadka baraha bulshada caanka ka ah ay xayeysiinayaan waxyaab aha la isku qurixyo ee dadka waaweyn iyo carruurta loogu talogalay.
Balse qaar badan oo ka mid ah kuwa aadka looga iibsado, oo qiimahoodu yahay ilaa £60 midk iiba, waxaa ku jira maaddooyin aashito ah oo nadi ifiya maqaarka sida alpha iyo beta hydroxy acids iyo maaddada retinol ee ka timaadda vitamin-A.
Muuqaallada daryeelka jirka lagama xannibin baraha bulshada iyadoo muuqaallo badan oo daryeelka jirka iyo nolosha maalinlaha ahna ay soo jiitaan malaayiin qof. Mid ka mid ah dadka YouT ube-ka kusoo bandhiga daryeelka jirka ayaa dhowr kasoo qaadatay TikTok, iyadoo muujineysa carruur isticmaalaya waxyaabo dhibaato leh.
'Ka fogow' Dadka kale ee baraha bulshada muuqaal lada kusoo bandhiga ayaa booqday dukaam ada lagu iibiyo alaabaha la isku qurxiyo – iyadoo dadka ka shaqeeya Sephora iyo shirk adda Mareykanka fadhigeedu yahay ee Ulta ay sheegeen in carruurta ay si joogto ah ugu tacaddiyaan alaabaha in la tija abiyo u saaran iskafaalooyinka ayna meesha ka dhamm eeyaan markii ay dukaanka soo galaanba.
Drunk Elephant gaar ahaan ayaa caan noqotay iyadoo haweeneyda aasaastay shirkadda ee Tiffany Masterson ay ku qasba naatay inay bixiso digniinta ah "carruurta iyo mataanaha ka fogaada alaabahe enna ay ku jiraan aashitooyinka iyo retinols" ee bar aha bulshada lagu xayeysiiyo. "Maqaarkoodu uma baahna maaddoo yinkan weli," ayay tiri.
BBC News ayaa la xiriirtay Drunk Elephant si ay jawaab uga hesho.
SkincareWaxaa dunida ku baahay xiisaha loo qabo alaabta shirkaddan, iyadoo Sadie markii ay aragtay saaxiibbadeed oo ay u suurto gashay inay alaabtaas helaan ay "ka bariday" hooyad eed, Lucy, inay usoo iibiso.
Markii ay ka diidday, oo ay xaqiiqsatay inaysan iyada ku habbooneyn, ayay Sadie ka codsatay xubn aha kale ee qoyska ee aan sidaa uga warqabin dhibaatada ay leeyihiin.
Balse Lucy ayaa sheegtay in alaabtan ay maqa arka Sadie u sababeen cuncun iyo guduud – wax ayna ku qasbanaatay inay gabadheeda ka joojiso isticmaalka alaabtan.
"Dhabtii waa adag tahay marka ay tahay ilmah aaga," ayay Lucy u sheegtay BBC News.
"Sadie ayaa jecel inay [daryeelka jirka] la sameyso saaxiibbadeed waxayna dareeme ysaa in laga tegay haddii aysan sameyn."
Inkastoo ay xiiseyneyso qudheeda daryeel ka jir ka, Lucy weligeed "ma aysan maqal" shirkadaha ay dooneysay Sadie.
Lucy ayaa ka mamnuucday Sadie isticmaal ka TikTok, maaddaama ay aad u yareyd, balse qaar ba dan oo ay taageerto ayaa weli si fudud looga heli karaa YouTube Shorts.
"Inaad isku daydo inaad siddeed jir ku barto wa xa uu yahay daryeelka jirka ayaa dhabtii adag mar ka ay jiraan dad saameyn leh oo ay rumeysato si ka badan cid walba oo kale," ayay tiri Lucy.
"Waa ilmaha iigu yar mana aanan fileyn inaan ka walwali doono iyada oo sameyneysa daryeelka jirka iyo inaan da’daas kala taliyo daryeelka jirka.
"Waxay u muuqataa sida in carruurnimade eda laga qaatay."
Dr Tess McPherson oo ah dhaqtarad maqaarka carruurta ayaa sheegtay inay muhiim tahay in carruurtu helaan "warbixin, oo aysan ahayn marin habaabin" marka laga hadlayo daryeelka carruurta.
"[In ka badan oo ka mid ah] alaabahan waa kuwa ka hortaga gabowga," ayay u sheegtay BBC News.
"Waxaa laga yaabaa inay ku habboonaad aan maqaarka weyn – kuma habboona carruurta.
"Waxay maqaarka u sababi karaan cuncun da’ kasta oo aad tahay – balse waxaa cad in maqaarka da’da yar, ay ku noqon karaan khatar amaba dhibaato.
"Ilmo qaba kor cuncun amaba maqaar xasaasi ah, waxay u sababi karaan dhibaato muuqata.
"Qaar badan oo ka mid ahna aad ayay u caraf badan yihiin waxayna ka qaadi karaan xasaasiyad."
Dr McPherson, oo wakiil ka ah Ururka Dhaqa atiirka Maqaarka ee Britain, ayaa sidoo kale ka walaacsan "qaabka loo baceeyo alaabtan", oo aal aaba ah kuwo midab furan leh oo soo jiita carruurta.
"Alaabtan ayaa loo iibiyaa sida kuwo dhiirrigelin ah balse waxay saameeyaan kuwa nugul," ayay tiri.
Waaliddiinta doonaya inay soo bandhigaan walaaca maqaarka carruurtooda ayay tahay inay la hadlaan dhaqtar amaba kuwa ku takha susay maq aarka si ay "u helaan daaweyn dhab ah." Ayay intaa ku dartay McPherson.
XIGASHO:-BBC


0 



HALKAAN KA AKHRISO ARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 28-KA JANNAAYO 2024-KA
..