Xafladda oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Istanbul iyo nawaaxigeeda iyo sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed ee Istanbul ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay madasha ardayda iyo kasoo qeyb galayaashaba ku boorriyeen ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxay ardaydu soo bandhigeen barnaamijyo xiiso badan oo isugu jira, heeso waddani ah iyo majaajilo qiiro waddaninimo ku reebtay dadweynihii xafladda kasoo qeyb galay.
Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga waxay maalinta xurnimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed meel kaste oo ay caalamka ka joogaan.
Arday Soomaaliyeed oo Istambuul ku qabatay xafladda xuska 1-da Lulyo+Sawirro
Ardayda Soomaaliyeed ee Turkiga ku nool ayaa habeennimadii xalay magaalada Istanbul ku dhigay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen mas'uuliyiin kala ah Mud Cabdulqaadir Barqadle; oo ka socday Safaaradda Jamhuuriyadda