Jawaahir Baarqab oo soo jawaabtay kadib guul-darradii Gobolka Banaadir + Video

0
Thursday January 25, 2024 - 11:36:38 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1015
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaahir Baarqab oo soo jawaabtay kadib guul-darradii Gobolka Banaadir + Video

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Marwo Jawaahir Baarqab ayaa bixisay wareysigii ugu horreeyay, kadib guul-darrada ku dhacay Xulka Gobolka Banaadir oo ay si weyn u taageereysay inta ay socdeen ciyaaraha maamul goboleedyada oo ay hadda isugu soo hareen maamullada Gamudug & HirShabelle.

Jawaahir oo wareysi siiyay Universal TV ayaa marka hore u jawaabtay dadka kale ee kasoo horjeeda, ama taageerayaasha kooxahakale oo ay si weyn isku xifaalinayeen, maadaama shalay xulkeeda laga reebay tartanka, kadib kulan ay la ciyaareen xulka Galmudug.

"Jawaahir Baarqab waa suuxday waa sakaraaday meelaa la dhigay aniga shub ayaan ahay Ilaahaa iga dhigay Iron Lady ma baq, cidna uma joojiyo” ayay ku jawaabtay.

 

Sidoo kale waxay sheegtay in weligeed ay taageero u ahayd gobolka Banaadir oo ay tilmaamtay in mar kasta ay ka baqayeen gobollada kale, sida ay hadalka u dhigtay.

"Gobollada dhanba team-ka kaliya ee ay ka baqaayeen oo macal madaxdooda ay cabur ku seexanaayeen Xulka Gobolka Banaadir ayuu ahaa” ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Waxaa kale oo ay ku dartay "Aniga sideeda kale weligey gobol kale ma taageerin waxaan taageersanahay Gobolka Banaadir, waxaan haystaa taageerayaasha Awlaadul Caasimaha”.

 

 

Dhinaca kale waxa ay ka jawaabtay eedaha loo jeedinayay ee ku aadan inay kicin sameysay sidoo kale ay qabiileysay ciyaaraha, taas oo ay tilmaamtay in aysan waxba ka jirin ayna iyadu iftiin u aheyd taageerayaasha.

Sidoo kale waxa ay aad iyo aad bogaadisay dadweynaha u daawasho tegayay ciyaarta iyo ciidamada ammaanka ee ku guulaystay inay sugaan amniga amniga garoonka.

 

"Horta si khaldan ayay u fahmeen horta gobollada qabiil gaar ah malaha, sidoo kale ciyaarta qabiil ma ahaynee aniga dhan kale ayaa ii muuqatay amniga caasimada 70 kun oo dhalinyaraa oo imaaneysaa waxaa ii muuqaanayay ciidamo Soomaaliyeed oo bud wata oo ilaalinaaya ciyaarta” ayay mar kale wareysiga ku tiri guddoomiye Jawaahir Baarqab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip