HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Tuesday January 16, 2024 - 08:23:25 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 16-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Golaha Shacabka oo sharciga Xuquuqda Caruurta dib ugu celshay Xukuumadda

Guddoomiyaha G/Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Shalay shir guddoomiy ay Kalfadhiga 4-aad Kulan kiisa 10-aad ee Golaha Sha cabka BJFS.

Kulanka ayaa Guddoomiyaha waxaa ku wehl inayey Guddoomiye ku-xigeenada Golaha Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar & Md. C/hi Cumar Abshiroow. Ajandaha kulanka oo ahaa Akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Abuurka iyo noo cya dda Ayniga dhir-beereedka, oo ay soo gudb isay Wasaaradda Beeraha, iyo akhrinta 1-aad ee hindise Sharciyeedka Xuquuqda Caru urta Soo maaliyeed, oo ay soo gudbisay Wasaa radda Ha weenka iyo Xuquuqul Insaan ka XFS.

Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyeen in sharciga Xuquuqda Caruurta uu u baahan yahay sixid iyo in lagu saleeyo diinta Islaamka, ayaa gud.G/Shacabka sheegay in sharciga Xaquuqda caruurta Soomaaliyeed dib loogu celiyo XFS , si loo soo saxo, laguna saleeyo diinta Islaamka.

Sidoo kale waxaa la qeybiyay Hindise Sharci yeedyada kala ah, 1- Hindise Sharciy eedka Hey’ adda adeegyada baarita anka iyo sharciyeynta Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), 2- Hindise Sha rciyeedka Badbaada da dhir-beereedka iyo Tako orka. 3-Hindise Sharciye edka Kiimikooyin ka Beeraha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaant ood ay soo gudbisay Wasaaradda Beeraha, Dhi rta iyo Daaqa XFS

R/wasaare Xamsa oo shacabka Somal iland ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalka

R/ Wasaaraha XJFS, Md. Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurrac an ee Itoobiya, isagoo farriin u diray shacabka ku nool deegaannada goboll ada Waqooyi (Somalil and), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaa ca dalka.

R/w. Xamza ayaa ugu baaqay Shaca bka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u is tagaan difaaca dalka, isagoo uga mah adceliyay sida gees inimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soom aalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Sooma aliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ay ay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dh aanka u rareen, waxay idinku yira ahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soom aaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaal idi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo bar waaqo ah oo roobku ka da’aayooo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sa cbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yira ahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha XFS Md. Xam sa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhasha an uu Shalay markale soo hamiyo, wuxuu dhin aca kale, carabka ku adkeeyay in aysan marn aba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo. R/wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyaymunaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda waxbarashada FPE NS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta waxbara shada dalka, isagoo ku ammaanay dalladda dad aalkii ay gelisay kor u qaadista waxbarashada.

Guddiga Arrimaha dibadda & Iskaashiga Caal amiga ee Aqalka Sare oo kulan la qaa tay Was iir Cali Balcad

Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare isaga oo gudanaya Wa ajibkiisa shaqo, wuxuu Shalay xafiiskooda kulan kula qaateen Wasiirudowlaha ahna kusimaha Wa siirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Md .Cali Cumar (Balcad) iyo xubno kale oo la soc day.

Guddiga ayaa Wasiirka wax ka waydiiyay hes hiisyadii dowladda Soomaaliya ay la gashay D/ Itoobiya iyo halka ay marayaan mira-dhalka Go’a annadii dowladda ee ka dhiidhinta xadgudubka Itoobiya.

Guddiga Arrimaha Di badda iyo Iskaashiga Ca lamiga Aqalka Sare ayaa Wasiir dowlaha ahna kus imaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda XFS Md. Cali Cumar (Balcad) waxa ay waydiiye en su’aaloku saabsan

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya M/Yurub oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yu rub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yur ub ayaa ka wada hadlay si dii dalalka Yurub looga dhi ga lahaa Banaanbax loo ga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soom aaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yu rub ayaa kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Be lgium, Holland iyo Luxem bourg ee la isku yira hdo Benelux iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Md.Dr. Xassan Sheekh Max amuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soom aaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in Qurb ajo ogta ku nool wadamada Benelux iyo dham maan M/Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wa damada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si na bad ah ugu muujiy aan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga D/Ethiopia iyo damace eda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

W/Caafimaadka oo la kulmay Namgya Choden loona sameyay Ballan-qaad muhim ah

Wasiirka W/Caafimaadka XFS Cali Xaaji Aad an ayaa kulan gaar ah la qa atay danjiraha cusub ee do wladda Hindiya usoo mag acwday Sooma aliya marwo Namgya Choden .

Wa siirka ayaa Danjiraha kala hadley iskaa shi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafima adka labada dal iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadlayaasha caafimaadka, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfada dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Danjiraha Hindiya ayaa dhankeeda soo dhaw ay say qodobada laga wada hadlay, iyadoo balan-qaadey in khuburada caafimaadka Hindiya ay kala shaqeyn doonaan Wasaarad da Caafimaad ka, sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha caafi maadka ee dhaqaatiirta iyo howl wadeenada ca afimaadka dalkeena. Wasaaradda Caafimaad ka iyo daryeelka bulshada waxa ay xoogga sa ara ysaa in dalke enu gaaro isku filnaasho dhinaca caafimaadka ah iyo sidii dhaqaatiirteena ay u heli lahaayeen khibrad dheeri ah si ay u daboolaan baahiyaha Caafimaad ee dalkeena ka jirta.

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay safiir ka Imaaraadka iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Md. Xa msa Cabdi Barre, ayaa Shalay xafiis kiisa ku qaa biley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi. Md.Xamse Barre iyo safiirka dowladda Imaar aadka ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxe eya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carab ta.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale shee gaya in Ra’isul Wasaaraha kala hadlay safiirka Imaaraadka Carabta xiisada ka dhax taagan dow ladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taa oo ka dhala tay xad-gudb ay ku kacday Itoobiya.

Ra’isulwasaare Xamse ayaa maalmahan wad ay kulamada uu la qaadanayo wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa uu kaga raadinayay garab istaag iyo taageero in ay siiy aan Soomaaliya oo la dulminayo.

San-baloolshe "Xildhibaankii fadhiyada soo xaadiri waaya halaga jaro mushaarka”

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali (Samb alo olshe) ayaa Shalay hadal uu ka jeedinayay fadhi ga Baarlamaanka wuxuu si cara leh uga hadlay arintan soo noq noqotay ee keentay in fadhiyada Baarlamaanku baaqd aan iyadoo goobta shir kana la fadhiyo taasoo ah in koor amka oo aan buuxsameyn.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa si cara laga dareemayo wuxuu si dad-ban indhaha ugu shitay Gudoonka isagoo usoo jeediyay in tala abo laga qaado xildhibaa nada iyagoo Muqdi sho jooga hadana dartood fa dhiyada Baarlama nku u baaqanayo.

"xildhibaankii fadhiyada soo xaadiri waaya ha laga jaro mushaarka” ayuu yiri Xildhibaan Sanb aloolshe ”Ilmo ma nihi dad waaweyn oo dad soo dirsad ay ayaan nahay”ayuu mar kale yiri Xildh ibaan C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe

Taliyaha qeybta 21-aad ee CXD oo kormeer ku tagay ciidanka ku sugan furmaha koofur ta gobolka Mudug

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka xo ogga dalka G/le sare Cabdi Salaad Cali iyo sara akiil kale ayaa kormeer shaqo ugu tegay ciidamo ka tirsan guutada 27-ad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed.

Ciidamada ay Shalay kormee reen Taliy aha iyo saraashii sha kale ayaa qeyb ka ah ge esiyaasha xoogga dalka ee fu rmaha koofurta Gobolka Mudug ku baacsanayah khawaarijta gabalkoodu dhacay ee ku dhuumaa leysanaya dhulka howdka ah.

Sidoo kale Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka dhulka XDS G/le sare Cabdi Salaad Cali ayaa cii danka ku amaanay sida ay ugu diyaar-ga roobe en howlgalada dalka looga sifeynayo kooxda ar xanka daran ee Ugus. Taliye Cabdi ayaa Ciidan ka Faray iney sii 2 jibaaraan howlgalada ka dhan ka ah argagaixisada si dhagarta cadowga looga badbaadiyo dadka guud ahaan lagasaaro dalka

Cabdirashiid Janan oo mudo lix maalmood ah lagu la'yahay nolol iyo geeri

Warar kala duwan ayaa laga helaya xaalada no loleed ee Wasiirkii hore ee amniga maamulka Ju bbaland Cabdirashiid Janan oo la sheegay in nolol iyo geeri lagu weysan yahay lixdii maalm ood ee lasoo dhaafay.

Wasiir Janan ayaa la sheegay in dad markii ugu war dambeysay uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, islamarkaana warar aanan la xa qiijinin ay sheegayaan in la dilay.

Wasiirka W/amniga maamulka Jubbal and Yuus uf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo war baahinta la hadlay ayaa laamaha amniga dowla dda Ke nya ka dalbaday in xaalada Wasiir Janan nolol iyo geeri ay meel ku soo sheegaan.

"Dowladda aan walaalaha nahay ee Kenya, gaar ahaan laamaha amaanka waxan ka codsan aya in Wasiir Janan oo lagu la'yahay gudaha M/ Nairobi mudo lix cisho ah in meel lagu cadeeyo, haddii dambiyo jiraan oo lagu tuhmayo qof dambi wuu gali kara laakin waa in la ogaada mesha uu ku sugan yahay" ayuu yiri wasiir Dhuumaal.

Wasiirka amniga Jubblanad ayaa sidoo kale u gu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ke nya, gaar ahaan Nairobi iney xil iska saaraan baa di goobka Cabdirashiid Janan nolol iyo geeri inta ba.

Si kastaba ha ahaatee Ugaaska Maxamed Uga as Ahmed oo ah Ugaaska Beesha uu ka dhas hay Cabdirashiid Janan ayaa dhankiisa sheegay inuu ka walwalsan yahay war la'aan nolol iyo ge eri ee Cabdirashiid Janaan.

"Waxaan ugu baaqaynaa dowladda Kenya in ay qaaddo tillaabo rasmi ah oo lagu badbaa din ayo Cabdirashiid, waxanan xasuusinaynaa D/ Ke nya in ay Masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta na fta iyo hantida dadka Soomaa liyeed ee ku sugan geyigeeda" ayuu yiri Ugaas Maxamed

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay in horay gu aha dalka Kenya loogu afduubtay muwaad iniin Soomaaliyeed oo ka soo jeeda deega ank ooda, laguna dilay dalka Kenya gudihiisa si shar ciga baal marsan.

"Arrintaan waxay abuuraysa shaki ah in, si ga ar ah, loo ugaarsanayo dad Soomaaliyeed oo ga ar ah, waxayna reebi karta saameyn taban" ayuu yiri Ugaaska.

Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom

Taliyaha Ciidanka Xoogga dala Soomaaliy eed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Cad dow ayaa Shalay kormeer Sha qo ku tegay xerada tabab arka Turkisom ee Muqd isho.

Taliyaha oo kulamo kala duwan la qaatay Saraakii sha sare ee Taliska Turkisom ayaa kaga mahad celiyay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay qayb weyn ka qaataan tayeynta iyo tabab arada Ciidamada xoo gga dalka ee dagaalka kula jiro Alshabaab.

Taliyaha ayaa ciidamada iyo sarkiisha xer ada kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo T ababarada Ciidanka Xoogga dalka Soo maaliy eed,si guud ahaan dalka looga xoreeyo dagaala maayasha Al-Shabaab.

Ayaa Saraakiisha Dugsiga tababarka CXDS Ee Turkisom waxaan kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo Tababarada Ciidan ka Xoog ga dalka Soomaaliyeed maadaama ay dhaw dah ay xiligii la soo afjari lahaa al-sha baab ee dalk eena dhibaatada ka gaystay ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka

Maamulka shirkadda Hormuud oo ka hadlay Saddex ka mid ah shaqa alaheeda oo hay NISA xirtay

Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ayaa ku eedeysay ciidamada nabad sugidda inay si sharci darro ah xabsiga u dhigeen saddex kamid ah maamulka shirkadda oo ka howlgalayay xaru nta Hormuud ee Tareebiyaano.

Warsaxaafadeed kasoo baxay shirkadda Horm uud ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gesteen Khalkhal galin iyo ku tagrifal awoodeed, waxaynu shirkaddu sheegtay inay falalkaas uga jawaab celin doonto si waafaqsan sharciga.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay in loo xiray shaqaalaheeda ka dib markii maamulka xaruntu uu diiday in la daabaco dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee macaamiisha.

"Maamulka shirkadda ee xarunta Tareebiy aano oo cuskanaya sharuucda waxay saraak iisha u diideen in aysna la wadaagi Karin xogta macaamiisha, sida uu qabo qodobka 8-aad, far qaddiisa 2aad ee sharciga nabad sugidda iyo sir doonka qaranka (Sharci Lr.003) & sidoo kale qo dobka 65aa, farqaddiisa 2aad ee sharciga isgaar siinta qaranka (Sharci Lr. 005), ayay tiri Horm uud.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay in falka an uu kusoo beegmay, iyadoo muddooy inkii ugu dambeeyay shirkadda lagu hayay beegsi ka dhan ah shaqaalaheeda, gaadiidke eda iyo xar umaheeda, taasoo ka dhalatay dil, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

NISA oo warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Hormuud

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay war dhawaan ka soo baxay shirkadda Horm uud, kaas oo daba socday codsi shirkadda u dirsatay laamaha aammaanka ka dib markii weerar lagu qaaday shirkadda.

Halka hoose ka akhriso

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo ka koobnaa hol bogga:-

Hey’addaSirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran ka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hey’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxi sada. Sidaas awgeed, Hey’adduwaxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hey’addaNabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

        Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hey’adda ku gacansiiso gudashada waajibk eeda Qaran, wa xa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista cod siyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysan ayaashii ka tirsanaa howlwa deennadeeda.

Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hey’addaSirdoonka iyo Nab adsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodob ka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.

Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gu danaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday talla abo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeen nada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaq ada Hay’adda.

F.G: Hey’addumarnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.

Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Taliska Ciidamada ATMIS

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas ibraa him Sheikh Muxudiin iyo taliyaha ciidanka boo liiska Soomaalieed S/g uuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay sa raakiisha ugu sareysa ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diir ada lagu saaray amniga gu ud ee dalka gaar ah aan magaalada Muqdi sho, waxaa sidoo kale kulanka diirada lagu saa ray ho wlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shab aab oo dhawwaan la filayo in dib loo bilaabo..

Waxaa sidoo kale kulankaan lagu falanqeey ay doorka ATMIS ee ku saabsan xoojinta amniga dalka iyo caasimadda sidii amnigeeda sare loogu qaadi lahaa, waxaa sidoo kale looga hadlay sidii ATMIS gacan uga geesan laheyd dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliy eed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow ayaa ATMIS ku amaanay doorka ay ka qaat een xasilinta dalka iyo naf-hurnimada ay sam eeyeen mudadii ay joogeen dalka.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Wak iilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahana Madaxa Howlgalka ATMIS Ambas sador Mohammed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidamada AtmisGeneral Sam Okiding


Xog: Xasan Sheekh oo safarkii Dhuusama reeb u soo gaabiyey xiisada NISA iyo HORMUUD

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay deg deg ah uga safray magaalada Dhuusamareeb oo qorshihiisu uu ahaa in ilaa 17-ka bishaan uu joogo, waxayna Ca asimada Online Sheegtay inay heshay xogta sa babta soo dedejisay safarka madax weynaha.

Safarka Madaxweynaha ee Muqdisho ayaa ku saabsan xiisadda ka dhex qaraxday hey’adda NISA iyo Shirkadda Hormuud oo xu bno ka tirsan maamulka la ga xiray.

Shalay hey’adda NISA iyo maamulka Shirkadda Hormuud waxay soo saareen labo war-saxaa fadeed oo dhinac kasta uu ku faah-faahinayo wa xa ay isku hayaan.

Maamulka Hormuud Telecom waxay sheeg een in NISA ay soo weydiisatay xogta muwaad iniin isticmaala adeegga shirkadda, isla mark aana sharcigu uusan qabin in la bixiyo xogta muwaadinka.

Intaas kadib, Hormuud waxay sheegtay in ciidamada NISA ay u awood sheegteen shirkadd a, isla markaana ay xireen xarumo iyo xubno sa re oo ka tirsan maamulka shirkadda Hormuud iyo Bangiga Salaam oo hoos taga Hormuud.

Hey’adda NISA ayaa soo saartay war-saxaaf adeed ay kaga jawaabeyso warka Hormuud Tele com, waxayna faahfaahisay sababta ay u xirtay xarumaha iyo xubnaha ka tirsan shaqaalaha Hormuud.

NISA waxay meesha ka saartay inay raadine yso xogta muwaadiniin gaar ah, balse waxay ca deysay inay beegsaneyso dhaq-dhaqaaqa arga gixisada, gaar ahaan xubno la tuhmayo inay ka qeyb qaadan jireen weeraradii loo geystay xaru maha shirkadda Hormuud, kuwaas oo ka tirsa naa shaqaalaha shirkadda, balse hadda bax saday.

Sidoo kale NISA, waxay maamulka shirkadda ku eedeysay inay diideen in la tuso hey’adda dha qdhaqaaqa xubnaha looga shakiyey weeraradii loo geysa jiray shirkadda, isla markaana la faki yey xubnihii laga shakisanaa, sidoo kale NISA waxay qoraalka ku cadeysay in dhamaadkii bishii 12-aad ay Hormuud ka codsatay NISA in la ba aro qolada weerartay xarumaha, shaqaalaha iyo gaa diidka shirkadda.

Shalay xildhibaano ka tirs an golaha shacab ka ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex qaraxday Hormuud iyo NISA, waxayna madaxweynaha ka dalbadeen inuu soo farogeliyo arrintaan, maada ama shirkadaan ay muhiim u tahay dadka Soom aaliyeed.

Madaxweynaha ayaa arrintaan darteed u soo gaabiyey safarkiisii Dhuusamareeb, wuxu una Xalay horay ka galay xal u helidda dooda NISA iyo dacwada Hormuud, xalka xiisadaan ayaana laga sugayaa, sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal xasaasi ah ka soo saaray xiisadda NISA iyo HORMUUD

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qoraal xasaasi ah ka soo saa ray khilaafka ka dhex qarxay hey’adda NISA iyo shirkadda Hormuud, isagoo qormadiisa ku cade eyey in Hormuud aysan u qalmin in loo adeeg sado awooda ciidamada dowladda.

Kheyre ayaa sheegay in mudadii uu joogay xafiiska uu xog ogaal u ahaa sida Hormuud ay muhiim ugu tahay dalka, isla markaana ay tahay canshuur bixiye xaq u lahaa in la ilaaliyo badqabka ganacsiga iyo muwaadiniinta iska leh. Sidoo kale, Kheyre ayaa NISA ku dhaliilay sida ay awoodeeda ugu adeegsa tay inay xirto xarumihii shirkad da, taas oo sida uu sheegay u gub ku ah dowladnimada So omaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka Xasan Cali Kheyre:

Waxaan ka xumahay falalka ay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranku ku xirtay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda Hormuud Telecom.

Waa arrin ugub ku ah Dowladnimada Soom a liya in ay hay’ad dowli ahi weerar toos ah iyo mid warbaahineed ku qaaddo Shirkad Soom aa liyeed, magaca Dowladdana lagu dhibaate eyo shirkad canshuur-bixiye ah, oo Hay’adda Nabads ugidda iyo dowladdaba waajib qaran ka saaran yahay ilaalinta amnigeeda.

Mucaaradka Somaliland oo dalab culus ka soo saaray heshiiska BADDA ee Addis Ababa

Senior Al-Shabab leader’s son arrested in Costa Rica

Somaliland shuruud adag Itoobiya uga xirtay dhaqan-galka heshiiskii ay la gashay Waxaan xo gogaal u ahay kaalinta hoggaam ineed ee Shirk adda Hormuud ka qaadatay hor umarinta dhaqa alaha Dalka, samatabixinta ummadda, iyo dib-u-dhiska Dalka iyo dowladn imada Soomaaliya, oo aan si dhow uga soo wada shaqeynay muddadii aan ka mid ahaa hoggaanka Dalka.

Hormuud waa shirkad iyo hanti Soomaal iye ed, oo lafdhabar u ah dhaqaalaha Dalka, ayna waajib nagu tahay in aan wada ilaash anno. Dhi baatada soo gaarta Hormuud waxay wax u dhim aysaa dhaqaalaha dalka.Waxaan sidaas daraa deed ku baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo furo xarumaha Shirkadda, Hay’ad aha Dowladda iyo Shirkadd una u wada sha qeeyaan si waafaqsan shuruu cda Dalka, oo ay ku dheehan tahay xilkasn imo, hufnaan, daacad nimo, iyo biseyl dowla dnimo.

Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya oo go'a ano cusub ka soo saaray tartankii Muqdi sho ka socday

Xubnaha guddiga fulinta xiriirka Kubadda Ca gta Soomaaliya iyo Ururada kubadda Cagta dow lad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa Shalay ka arinsaday xaalada tartanka kub ada Cagta maamul gob oleedyada iyo Gobalka Banaadir oo labadii maa lin ee lasoo dhaafay hakad ku jray

Kulanka ayaa labada dhinac waxay ku lafa gur een caqabadaha soo wajahay tartanka kubadda cagta dowlad goboleedyada ee ka socday Muq disho iyo weerarkii lagu qaaday ciyaartoda maam ulka Koonfur Galbeed ee isaga baxay tartanka, kuna laabtay Dorraad magaalada Baydhabo.

Warsaxafadeed ka soo baxay kulanka dhexma ray Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya iyo Urur ada kubadda Cagta maamul goboleed yada iyo gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray lix qodob oo xasaasi ah.

Qodobada Warsaxafadeedka waxaa ka mid ah in ciyaaraha tartanka maamul gobolee dya dda aan la ciyaari karin inta laga helaayo habka masuuliyadda tartanka, islamar kaana ay muhiim tahay in la helo Masuuliyad wadar eedka xaga Amniga maamulidda iyo garooma dda kubadda Cagta.

      Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya iyo Urur ada kubadda Cagta maamul goboleedya da iyo gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay falkii lagu weeraray baskii ay saarnayeen ciyaartooyda Koo nfur Galbeed, iyagoona ku tilmaamay falkaasi mid ka baxsan shuruucda Kubadda Cagta.

Weeraro gaadiid loo adeegsaday oo ka dha cay magaalo ku taalla Israel

Haweeney da’ ah ayaa ku dhimatay 17 kalena way ku dhaawacmeen weeraradii mata anaha ahaa ee Isniintii ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen isbitaallada lagu daweynayo dadkii ku waxyeeloobay weerarka.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in laba qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen labadii weerar oo isku mar ahaa ay ahaayeen dad ka timid magaalada Hebron oo ku taalla Daanta Galbeed ee la haysto. Booliiska ayaa sheegay inay si sharci darro ah ku galeen Israa’iil ayna hadda ku jiraan gacanta booliska.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay inay gawaari jiirsiyeen tiro dad ah dhowr goobood, sida ay booliisku sheegeen, waxaana uu intaa ku daray in weli ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo inaysan khatar kale dhicin.

Xamaas ayaa soo saartay bayaan ay ku amShalayy labadii weerar ee ka dhacay magaalada Raanana ee bartamaha Israa’iil

Xamaas ayaa sheegtay in weerarradu ay jawaab dabiici ah u ahaayeen gumaadka gumeysiga iyo gardarrada joogtada ah ee ay ku hayaan dadkeenna Falastiiniyiinta

G/Wakiillada Somaliland oo ansixiyey 2dii xeer ee Doorashooyinka isku sidkan

Golaha wakiillada Somaliland ayaa Shalay me elmariyay xeerarka doorashooyinka isasa arka ah ee 14 iyo 91.

Xeerarkaan oo si aqlabiyad ah oo gacan taag ah ay u ansixiyeen golaha wakiilladu, ayaa micnu hu yahay in ay ku celiyeen in xeerarkaan ay sii ahaadaan sidii markii hore isla golahaan uu ugu codeeyay.

Tillaabadaan ayaa meesha ka saaraysa wax ka badelkii xeerarkaan ay horey ugu sameeyeen golaha kale ee guurtida Somal iland, waxaana halkaa ka muuqanaya in kala aragti duwanaan labada gole ah ay jirto. Wixii hadda ka dambeeya waxaa qorshuhu yahay in loo gudbiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.


DF SOMALIA OO SI CAJIIB AH UGU ABAAL GUDAY SHIINAHA KADIB MOWQIFKII DAMACA ITOOBIYA

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujisay Shiinaha, ayada oo sheegtay in Taiw an ay u aqoonsan tahay qayb ka tirsan Ja mhuuriyadda Shacbiga Shiin aha.

Bayaan kooban oo kasoo baxay wasaar adda arrim aha dibadda Soomaaliya ay aa sidoo kale lagu xusay "u hoggaansanaa nta m abda’a fara-gelinta la’aanta”, iyada oo hoosta ka xariiqday sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ko bcinta wada noolaanshaha caalamka iyo ixtiraa mka madax-bannaanida.

"Soomaaliya iyada oo ka duulaysa ka go’ana anshaha mabaadi’da ku qeexan Axdiga Qaram ada Midoobay, waxay u dooddaa inaan la farag elin arrimaha gudaha ee dhammaan umma daha,” ayaa lagu yiri bayaanka Sooma aliya ay garab istaaga ugu muujisay Shiinaha.

Tallaabada ay qaaday Soomaaliya ayaa u muuqata abaal gud la xiriira mowqifkii adkaa ee dowladda Shiinaha ay ka qaadatay xad-gudubka Itoobiya, islamarkaana ay Somaliland ku shee gtay inay tahay kamida tahay maamul gobolee dyada dalka.

Hoggaamiyayaasha caalamka qaarkood ayaa dhawaan Taiwan ku amaanay doorasho dhawaan ka dhacday, gaar ahaan sida tirada ba dan ee dadka ugu soo baxeen doorashada dalk aas ka dhacday.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa waxay dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis caalami ah, wax aana sidaas ku guuleysatay dooda DFS, wax ayna arrintaan dhabar-jab caalami ah ku noqotay Itoobiya.

Booliiska Somaliland oo Qiil yaab leh u sam eeyay xarriga Wasiir Axmed Muumin Seed

Ciidanka ammaanka maamulka Somaliland ayaa Habeen hore magaalada Harge ysa ku xiray Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Maamu lkaas Axmed Muumin Seed, ka ddib markii wasiirka kahor yimid heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya. Warar horey usoo baxay ayaa sheega ya in madaxw eyne Biixi ka carrooday wareysi uu bixiyay wasiirkan horey uga tirsanaa xukuum add iisa, kaa oo si cad uga soo horjeestay in Itoobiya la siiyo qeybo kamid ah biyaha Soo maaliya.

War kasoo baxay taliska booliiska Somalil and ayaa qiil yaab leh loogu sameeyay xarigga wasiirka, waxa ayna booliiska sheegeen in wasi irka aan loo xirin arrimo siyaasadeed ba lse loo xiray dacwo uu muwaadin reer Som aliland ah kasoo gudbiyay.

Afhayeen u hadlay booliiska maamulka Soma liland ayaa sheegay in wasiir hore Ax med Muu min Seed loo xiray dacwad uu kasoo gudbiyay muwaadin reer Somaliland ah, waxa uuna xusay dacwada wasiirka in ay taalo maxkamadda oo ammartay xarrigiisa. "Qof shicib ah oo lamid ah oo muwaadin ahna wuu dacweynayay, waxayna taallay dac wa ddaa maxkamadda, isagana waa ku qan acsan yahay marka waa qaabkaas dacwadda, Haddii wax kale la sheegayo annaga ma ogin, laakiin waxa loo haystaa waxaa weeye kiis uu max kamadda ka damiintay oo lacag ah, lacagtaas dadkii dhibanaha ahaa waxay soo goosteen warqad waaran ah oo lagu qaba naayo ninkaas” ayuu yiri afhayeenka.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Maa mulkaas Axmed Muumin Seed ayaa Dorraad la xiray kaddib markii uu bixiyay wareysi xasaasi ah uu kaga hor-yimid damaca Itoobiya, wax aana warka booliiska u muuqdaa mid qiil loogu same enayo xarriga siyaasigan.

Ganacsato Carbeed oo dooneysa in dalka Ma al-gashadaan oo soo gaaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soo maaliya waxaa soo gaaray ganacsato ka socota dalka Qatar, kuwaa oo doonaya in maal-gashi ku sameeyaan Soomaaliya , iyaga oo qiimeyn ku sa meenaya mashaariicaha ay ka fulin karaan gu daha Soomaaliya.

Ganacsatan Carbeed ayaana kulan gaar ah la qaatay wasiirka Qorsheynta, Maalga shiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumad da Soom aaliya Mudane Maxamuud Cabdira xmaan Faarax (Beenebeene) iyo masuuliyiin kale oo ay xildhibaanno ku jiraan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaa rii cda suurtagalka ah ee waxtarka u leh labada dhinac, iyo sidii la isaga kaashan lahaa dabo olid da baahida loo qabo mashaariic maalgashi oo xagga guryaha, tamarta, iyo kaabayaasha dhaqa laaha dalka.

Ganacsatada ka socotay dalka Qatar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in maalgashi ku sa meeyaan Soomaaliya kana hir-galiyaan mashaa riicyo kala duwan oo wax-tar u leh dalka iyo dad ka Soomaaliyeed .

Soomaaliya oo hadda kasoo ka baneysa bur burkii iyo dowlad la’aantii sannadaha badan soo jirtay ayaa soo jiidaneysa indhaha shirkado iyo han tiilayaal dunnida ku sugan ,kuwaa oo doonaya in maal-gashi ku sameestana Soom aaliya.

Antonio Guterres: "Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa jeediyay khudbad uu ku xusayo 100 ma almood moo ka soo waeegtay we erarradii 7-dii Oktoobar iyo dag aalkii Israa’iil iyo Xamaas ee xigay.

Guterres ayaa diirada saaray khasaaraha ra yidka ah ee aan horay loo arag iyo xaalada ha bi ni’aadantinimo ee Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka ay ku hayso Xamaas, la ware egidda iyo masiirka la haysta yaashii Gaza iyo xiisadaha ka taagan gobolka oo dhan.

Waxa uu sheegay in xalka kaliya uu yahay xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystay aasha Gaza.Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan eedeymaha ku saabsan tacaddiyada galmada iyo kuwa kale 7-dii Oktoobar in si adag loo baaro oo maxkamad loo soo taago.

    Waxa uu intaa ku daray "Weerarka ay ciida mada Israa’iil ku hayaan Gaza 100-kan maa lmood uu sababay burbur jumlo ah iyo heerar dilal rayid ah oo aan hore loo arag sannadihii aan ahaa Xoghayaha Guud”. Waxa uu intaa ku da ray, "Ma jirto wax sabab u noqon kara ciqaabta wadajirka ah ee dadka Falast iiniyiinta.”

"Inuu sii dheeraado iska horimaadka Gaza, waxaa sii kordhaysa khatarta ah in ay sii xu maato xaalada. Mana ogolaan karno in waxa Ga za ka socda ay sii socdaan,” ayuu Guterres hada lkiisa ku soo gabagabeeyay

Ugu yaraan 132 qof ayaa lagu dilay weerarra da Israel ee Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, 252 kalena waa lagu dhaaw acay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafima adka Falastiin tirada dadka lagu dilay halkaas tan iyo 7-dii Oct ober ayaa gaaraya in ka badan 24,000.

"Tiro dhibanayaal ah ayaa weli ku hoos jira burb urka iyo waddooyinka, shaqaalaha difaaca mada niga ah ma gaari karaan,” ayay tiri wasaa raddu. Khasaaraha la diiwaan geliyey Isniintii ayaa wa darta guud ee dhimashada Gaza ka dhigaysa 7-dii Oktoobar ilaa 24,100, iyo 60,834 dhaawac ah, ayay wasaaraddu sheeg tay.

Xuutiyiinta Yemen oo gantaal la helay mid ka mid ah maraakiibta Mareykanka

Xuutiyiinta Yemen ayaa ayaa gantaal ku gar aacay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Mareykanka, sida ay bayaan ku sheeg een tali ska dhexe ee ciidamada Mareykanka.

M/V Gibraltar Eagle, oo ah markab sitay calanka Jasiir adaha Marshall ayna maamusho shirkadda Ea gle Bulk oo fadhigeedu yahay Maraykanka, ayaa waxaa soo gaaray burbur yar lamana shee gin wax dhaawac ah oo gaaray dadkii saarnaa.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Eagle Bulk Ship ping ayaa lagu xaqiijiyay in Gibraltar Eagle, oo siday shixnad alaab bir ah, uu ku dhacay gantaal aan la aqoonsan xili uu marayey meel qiyaastii 100 mayl ka baxsan xeebta Gacanka Cadmeed.

"Saamayntaas awgeed markabka waxaa soo ga aray burbur kooban oo soo gaaray shixnadaha laakiin wuu xasiloon yahay wux uuna ka baxayaa aagga,” ayaa lagu yiri baya anka. "Dhammaan ba dmaaxiintii saarneyd markabka ayaa la xaqiijiyay in aysan dhaawa cmin.” ayaa lagu yiri bayaanka

Hay’adda ammaanka badaha ee UK (UKM TO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saab san dhacdadan.

"Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh u gudbaan oo ay soo sheegaan dha qdhaqaaq kasta oo laga shakiyo” ayey yiri UKMTO.

Horaantii maalintaas, Xuuthiyiintu waxay isku dayeen in ay ridaan gantaalka lidka maraakiibta kaas oo ku fashilmay duulista, kuna burburay Ye men, sida ay sheegeen taliska dhexe.

Khamiistii, Mareykanka iyo UK waxay garaac een 28 goobood oo kala duwan oo Xuut iyiin ah iyagoo isku dayaya inay carqalad eeyaan awood da kooxda inay ku rasaase eyaan mari nnada maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas..

Maraykanka ayaa qaaday weeraro dheera ad ah habeenimadii jimcaha kuwaasoo aad uga yar aa baaxada waxaana lala beegsaday goob raadaar ah oo ay isticmaalaan Xuutiyiin ta,sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah.



XIISADDA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA: SHIRARKA AY KU BAAQEEN IGAD IYO JAA MACADDA CARABTA


Qaar ka mid ah hogaamiyaasha dalalka gobolka

Qaar ka mid ah hogaamiyaasha dalalka gobolka

Shirarka ay ku baaqeen urur-goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carabta ayaa ka mid ah dhac dooyinka la filayo maalmaha soo socda ee ku saab san arrimaha Geeska Afrika oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka jireen isbeddello badan oo dha nka siyaasadda ah iyo xiisado.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah khilaafkii ka dhashay labo toddobaad ka hor heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya u oggalaanayay in Badda Cas laga siiyo 20 KM oo isku wareeg ah.

Dowladda Soomaaliya oo u aragta Soomaliland qeyb ka mid ah Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska, waxaana ay ku tilShalayy mid aan sharci ahayn.

Arrintan ayaa sidoo kale xiisad siyaasadeed ka abuurtay Bariga Afrika.

Saxiixa heshiiska is-afgarad ka dib, hoggaam iyasha gobolka iyo wakiillo ka socda ayaa booqasho iyo wada xaajooda ku tagay qaar ka mid ah dalalka gobolka iyo kuwa ka baxsan.

Qaar ka mid ah ururrada gobolka iyo kuwa caal amiga ah ayaa ku baaqay shirar looga hadlayo khila afka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa kale oo shirar kan looga hadli doonaa dagaalka Suudaan.

Shirka IGAD Madaxda dalalka IGAD

Madaxweynaha Jabuuti sidoo kalena ah Gudd oomiyaha Urur Goboleedka IGAD, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku casuumay dalalka xubnaha ka ah ururka shir aan caadi ahayn oo toddobaadka soo socda ka dhacaya dalka Uganda, kaasoo looga had layo colaadda ka taagan Suudaan iyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Warqad qoraal ah oo loo diray dalalka IGAD, ayaa wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti waxay ku sheegtay in shir madaxeedka uu 18-ka Janaayo 2024-ka ka dhici doono dalka Uganda, iyadoo la tas hiyo lala sameeyay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay waddamada IGAD oo ku aaddan in ay ka qeyb galayaan shirka. Kulankaan oo ah mid lagu doon ayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa ku soo aadeysa xilli madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ay si cad u she egeen in "cidna aysan bixin karin taako ka mid ah dhulka Soomaaliya".

Dhanka Suudaan, inkastoo IGAD ay ugu baaq day labada hoggaamiye ciidan ee ku lugta leh daga alka sokeeye ee Suudaan inay khilaafkooda ku xall iyaan wadahadal, haddana waxaa la shaaciyay in hoggaamiyaha Suudaan uusan ka qayb-geli doonin kulanka.

Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA, ayaa sheegtay in Jenaraal Cabdulfataax Al-Burhaan oo ah taliyaha ciidanka Suudaan uusan ka qayb galey nin shirka, taas beddelkeeda, Jenaraal Maxamed Xamdaan Dagalo, hoggaamiyaha ciidamada gurma dka deg degga ah ee (Dacumu Sariic) ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa X ku shaaciyay inuu ka qe yb gali doono kulanka.

Jenaraal Al Burhaani oo aan ku faraxsanayn joo gitaanka Xameti ee shirka loogu yeeray madaxda, waxa uu sheegay in maaddaama colaadda Suu daan ay tahay mid gudaha ah, loo baahan yahay in ururrada gobolka uusan faraha la gelin arrimaha qaranka oo aysan ku xad-gudbin madax-bannaa nida Suudaan.

Shirka ay ku baaqeen ururka Jaamacadda Carabta

Calamada dalalka xubnaha ka ah Jaamacada Carabta

Calamada dalalka xubnaha ka ah Jaamacada CarabtaJaamacadda Carabta ayaa toddobaadkan ku baaqday shir kale oo looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arrinta heshiiska kaas oo la filayo in dhawaan uu dhaco.

Wakaaladaha wararka ee dawladda Masar ee Mena iyo Anadolu, ayaa sheegay in ajandaha Jaam acadda Carabta uu yahay mid ku saabsan cawa aqi bka ka dhalan kara heshiiska "sharci darrada ah” ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland.

Jaamacadda Carabta ay hore u sheegtay inay ka soo horjeeddo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay wada gaareen, isla markaana ay garab istaagi doon aan Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay ururka Jaamacada Carabta ay aa lagu yiri "ma aqbali doonno" heshiis kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida Soomaaliya.

Kamal Rushdi, oo ah afhayeenka Jaamacad da Car abta, ayaa yidhi, "Jaamacadda Cara bta waxay si buuxda u taageersan tahay qaraarkii kasoo baxay golaha wasiirrada Soomaaliya ee lagu caddeeyay mowqifka Soomaaliya ee heshi iska is-afgaradka ah ee ay wada gareen Itoobiya iyo Somaliland”.

Booqashada Qaahira Madaxweynaha Soomaaliya iyo Eritrea

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea

Kulmada kale ee la filayo in 7baadkan ay dhac aan ayaa ah booqashada m ada xda Soomaaliya iyo Erit rea ay ku tagi doonaan mag aalada Qaahira.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga madaxda ay tagi doonaan Qaahira, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Isaias Afw erki laga yaabo inay u safraan Qaahira maalmaha soo socda ka dib markii uu casuumaad ka helay Ma daxweyne C/fataax Al-sisi.

Todobaadkii hore madaxeynaha dalka Masar ayaa shaaciyay in casuumaad uu u fidiyay dhiggiisa Soomaaliya iyo Eretria inay booqasho rasmi ah ku yimaadaan Qaahira.

Maalmo ka hor, markii Wasiirka Arrimaha dibed da ee Masar, Sami Shikuri, oo tagay magaalada Asmara, ayaa Madaxweyne Isaias Afwerki waxa uu casuumaad ka helay Madaxweyne Al-Sisi.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin xilliga ay magaalada Qaahira booqan doonaan madax weynayaasha Eritrea iyo Soomaaliya iyo in ay si gaar ah u tagi doonaan iyo in kale.

Ka dib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala sax iixdeen heshiiskii is-afgaradka ahaa ee sida weyn loo hadal hayay, ayaa waxaa la og yahay in mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku aaday dalka Eritrea.

XIGASHO:-BBC

Xamaas oo soo bandhigtay Video muuji naya saddex la heyste oo u dhashay Israel

Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaal muujin aya 3 qof oo Israa’iili ah oo la haysto oo la hays toCajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Argamani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svirsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo ma gaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsad een Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa

Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbir iqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaqiijin karo goo rta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku warge lin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibra ani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaashad da dhammaadka muuqa allada. D/Israel ayaan ka hadlin muuqaa lkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqan ka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto "dagaal nafsi ah.”

Muuqaalkan ayaa la sii daayay maalintii 100-aad ee dagaalka, taasoo ah mid si weyn looga xusay guud ahaan Israa’iil. Xamaas iyo kooxo kale ayaa Qaza ku qafaashay 240 qof intii lagu jiray weerar adii 7-dii Oktoobar. In ka badan 100 la haystayaal ah oo u kala dhashay Israa’iil iyo ajaanib ayaa lagu sii daayay xabbad joojin dabayaaqadii bishii Novem ber, iyadoo lagu bedeshay falastiiniyiin ku xirnaa xabsiyada Israa’iil

Israa’iil ayaa aaminsan in 132 weli lagu haysto Gaza. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ay rume ysan yihiin in 25 ka mid ah la haystayaashaasi ay dhinteen, iyadoo weli meydadkooda lagu hayo Ga za. Taasoo ka dhigan in 107 oo la haystayaal ah inay wali nool yihiin.

Cajaladdan ayaa waxa ka muuqda Noa Arga mani oo 26 jir ah, Yossi Sharabi, 53 jir ah iyo Itai Svi rsky oo 38 jir ah, kuwaasoo mid kastaaba sheegayo magaciisa, da’da iyo goobta uu deggan yahay isagoo si toos ah u eegaya kamaradda.

Argamani, Sharabi iyo Svirsky waxay ka codsa deen Ra’iisul Wasaaraha Israel Benja min Netanya hu inuu joojiyo dagaalka, lagana shaqeeyo sidii loo sii deyn lahaa Fiidiyowgu wuxuu dhererkiisu yahay ilaa 30 ilbi riqsi ayaan la ogeyn in dadka ka hadlaya la qasbay iyo iney iyagu dalbadeen, lamana xaq iijin karo goor ta iyo meesha cajaladaha lagu duubay.

Qoraal ay ku qoran tahay, Berri ayaan ku warge lin doonnaa aayahooda” oo ku qoran Carabi, Cibra ani iyo Ingiriisi ayaa lagu soo bandhigay shaasha dda dhammaadka muuqaal lada.

Dowlada Israel ayaan ka hadlin muuqaa lkan. inkastoo ay horey ugu yeertay dhaqanka sii deynta fiidiyowyada dadka la haysto "dagaal nafsi ah.”

Muuqaalkan ayaa la sii daayay maalintii 100-aad ee dagaalka, taasoo ah mid si weyn looga xus ay guud ahaan Israa’iil. Xamaas iyo kooxo kale ayaa Qaza ku qafaashay 240 qof intii lagu jiray wee raradii 7-dii Oktoobar. In ka badan 100 la haystay aal ah oo u kala dhashay Israa’iil iyo ajaanib ayaa lagu sii daayay xabbad joojin dabayaaqadii bishii No vember, iyadoo lagu bedeshay falastiiniyiin ku xirn aa xabsiyada Israa’iil Israa’iil ayaa aaminsan in 132 weli lagu haysto Gaza. Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in 25 ka mid ah la haystayaashaasi ay dhinteen, iyadoo weli meydadk ooda lagu hayo Gaza. Taasoo ka dhigan in 107 oo

la haystayaal ah inay wali nool yihii




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip