WAA WARARKA WARGEYSKLA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH SABTI 2-DA LUULYO 2016-KA

0
Saturday July 02, 2016 - 09:28:07 in Wararka by
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKLA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH SABTI 2-DA LUULYO 2016-KA

    56-SANO GUURADII KA SOO WAREEGATAY XURNIMADII G/KOOFGUREED IYO ISRAACII G/WAQOOYI IYO KOOFUR OO HABEEN HORE LAGU QABTAY MUQDISHO Munaasanadaan lagu xusayay 56-sano guuradii ka soo wareegatay markii G/Koofgureed ee Soo maaliya ay xornimada qa ateen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

56-SANO GUURADII KA SOO WAREEGATAY XURNIMADII G/KOOFGUREED IYO ISRAACII G/WAQOOYI IYO KOOFUR OO HABEEN HORE LAGU QABTAY MUQDISHO Munaasanadaan lagu xusayay 56-sano guuradii ka soo wareegatay markii G/Koofgureed ee Soo maaliya ay xornimada qa ateen iyo israacii 2da Go bolada Waqooyi iyo Koo fur ayaa lagu qabtay xa runta dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha JFS R/wasaare kuxig een ka XF, xubno ka socday golayaasha Do wladda ,Taliyaasha ciidanka qalabka sida,gudd oomi yaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo qeyb aha kala duwan ee bulshada, iyadoo dha maan da dkii munaasabadda kasoo qeybgalay laga daree mayay farxadda 1-da Luulyo.

Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale G/G/ Banaadir ah na Duqa M/Muqdisho oo hadalka ku hormaray ay aa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soo maaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaa na aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xor nimada Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta, dhaqan ka iyo dalxiiska ee XS Md. Maxamed Cabdi Xa yiri Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qa ban qaabada xuska 1da luulyo ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasima da si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

Ra’isul wasaare kuxigeenka dalka Md.Maxam ed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ay aa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedah ay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaali da oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Umm adda. Madaxweynaha JS.Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliy eed meel walbo oo ay joogaan . Dhanka kale Madaxweyna ha ayaa sheegay in Dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed sha cabkana looga bahan yahay inay dowladda ku tagaeeraan arrintaasi.

GOLAHA WASIIRADA OO GUDDI U SAAREY WALAACA CULIMADA EE SHARCIGA JENDERKA.

Golaha Wasiirada ee XFS ayaa dorraad isugu yimid kulankoodii joogtada a haa, waxaana kul anka shir gu ddoominayay Ra’iisul Wasaa raha X FS Md. Cumar Cabdir ashiid Cali Sharmaarke. Kulan ka Golaha ayaa guud ahaan lo oga dooday Sharciga Jen derka oo dhawaan ay qa ar kamid ah Culima’udiin ka Soomaaliyeed dha liileen qodobo ku jira.

R/Wasaare Sharmaarke ayaa soo dhaweeyey culumada sheegayna in Golaha Wasiirada oo wa da muslimiin ah aysan diinta gaf ku sameyn karin, sidoo kalena xusey in culumada iyo dawladda mu hiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta uusan gaarin Saxaafadda.Ra’iisul Wa saare Cumar ayaa sheegay in si wanaagsan loo dha geysan doono baaqa culumada Soomaaliye ed, la na ogaan doono qaladka ay arkeen.isagoo xusay in ansixinta xeerka Genderka ka hor la hubi yay in ay san ku jirin qodobo ka hor imaanaya Shareeca da Islaamka iyo Qaanuunka u yaala dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa guddi u saarey arrinta la xiriirta Buugga Jenderka ee walaaca ay ka qa baan Culimadu, waxana ay guddigan ka wada shaq ayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodob ada uu ka kooban yahay si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara. Sh.Bashiir Axm ed Sal aad G/Majmaca Culimada, ayaa XS suga mahad celiyay fursada ay u siiyeen in ay Golaha hor yima adaan, wuxuna tilmaamay in xukuumada ay isku ra aceen in diinta la wada ilaalin doono, aadna ay uga xunyihiin sida loo fasirtay bayaankoodii.

JABRIIL IBRAAHIM "DOWLADDA SOOMAALIYEED WA XAA SOO GASHAY LABADII SANO EE LA SOO DHAAFAY 4.05BILYAN OO DOLLAR (WARBIXIN)

Siyaasiga Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheeg ay in dowladda Soomaliya ee hadda xilligeedu sii dhamaanayo ay gacanteeda soo gashay lacagtii u gu badneyd ee dowlada Soomaaliyeed ay hesho tan iyo xornimadii dalka. "Dowlada Soomaaliyeed waxaa gacanteeda soo gashay lacag gaareysa af ar bilyan iyo bar dollarka Maraykanka ah 20142016, waana lacagtii ugu badneyd oo dowlad So omaaliyeed magaceeda lagu bixiyay dowladana waxa ay sheegtaa inaysan soo gaarin lacagta as, ”ayuu yiri Jabriil Ibraahin.

Mar uu ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha dalka ayuu sheegay in dalka Soomaaliya mudadii u dhex eysay 20142016 ay soo gashay gacanta dowlada lacag gaareysa afar bilyan iyo bar oo dollar ka Mara ykanka ah. Mr Jabriil ayaa dowladda waxa uu ku eedeeyay inay sameysay dhaqaale curya amin isa goo sheegay inay dowlada u abuurin shacabka shaqooyin ay noloshooda ku deberaan.

"Shan kun oo shaqaale ka ahaa dekeda Muqdi sho iyo toddobo boqol oo baabuur ayaa shaqadii la ga joojiyay taasna waxaa ku waayay nolol dad ka badan afartan kun oo ruux.”ayuu yiri Jabriil.

Mr Jabriil ayaa ku tilmaamay afartii sano ee la soo dhaafay in ummada Soomaaliyeed ay u ahayd dib u dhac weyn, iyadoo ummadana ay rajo weyn ka qabtay in laga gudbo dhibaatadii ay soo mare en labaatankii sano ee ka horeeyay sanadkii 2012kii.

Jabriil Ibraahin”Dowlada Soomaaliya waxaa soo gashay labadii sano ee la soo dhaafay 4.05 Bilyan oo Dollar Jabriil Ibraahin Cabdulle oo wareysi siiy ay mid kamid ah warbaahinta dalka ayaa ka hadlay rajadii laga qabay dowladii rasmiga ahayd ee la wareegtay xilka bartamihii sanadkii 2012-kii; "Afartii sano ee la soo dhaafay rajo weyn ayaa shacabka soomaaliyeed uu ka sugayay dowl adii dhalatay iy agoo muddo dhowr iyo labaatan sano ah ka soo da ashay dhibaato iyo dagaalo sokeeye mana dhicin isbedelkii laga rajaynayay in dalka uu ku yimaado.”

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo 15kii sano ee la soo dhaafay si weyn ugaga dhex muuqday arrima ha xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta deegaana da ay colaadaha ayaa ku eedeeyay mas’uul iyiinta dalka oo uusan magacaabin inay ku jiraan shaqsi yaad dhaqaalihii dalka boobay. "Shaqsiy aad aan ogahay markii ay xilka qabanayeen inaysan hay san dhaqaale ayaa hadda waxa ay ku xisaabtama yaan malaayiin dollar oo ah lacagtii ummadda ay lahayd.”ayuu yiri Jabriil oo ka hadla yay musuqma asuq uu sheegay in uu ka jiro dalka gaar ahaan af artii sano ee la soo dhaaf ay.Siyaasiga Jabriil Ibraa him ayaa waxa uu sheegay in xoriyada iyo calanka ummada Soomaaliye ed uu mugdi galay dalkana kalsooni darro ay ka jirto maamulka dalkana ay ko ox yar ku soo koob antay. "Soomaaliya waxa ay jo ogtaa hadda meel ka liidata bishii September 2012 kii waayo qaran imadii iyo xoriyadii ummadda Soom aaliyeed,talada dalkana waxaa bixiya dad ajnabi ah madaxdii qarankana iyagaa maalin walba khila af ka dhex bixi la’”ayuu yiri Jabriil Ibraahin Sidoo kale waxaa uu dhaliilay qaabka wax ku qeybsiga 4.5 waxana uu ku eedeeyay maamulka dalka ka jira in ay si ulakac ah ay qaabkaas ay u sii dheereeyeen, hase yeeshee waxa uu rajo ka muuji yay in afar ta sano ee soo socota ay lamid tahay mid loogaga gudbi karo 25kii sano ee la soo dhaaf ay hogaa an cusubna la doorto. Isagoo ka hadlayay fikirkiisa ku aadan doorashada soo socota ayaa wa lwal waxa uu ka muujiyay in dadka haya hogaanka dalka ay u isticmaalaan dhaqaale ay dalka ka lun sa deen inay ku iibsadaan doorashada.

"Haddii kooxdii dalka ku tumatay afartii sano ee la soo dhaafay, ku takri fashay qaranimadii Soo maaliyeed burburiyay hantidii ummada lunsatay ayna yiraahdaan hantidaas ayaan ku gadanaynaa xil dhi baanka waxaa taasi ka dhalan karta in qaranamida Somaliyeed ay burburto,”ayuu yiri Jabriil Ibra hin.

Jabriil oo ka hadlayay hogaamiyaha uu dalka So omaaliya u baahan yahay ayaa ku tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay u baahan tahay hoga amiye ku sifeysan afar xaaladood.

"Hoggaanka dalka uu u baahan yahay waa inuu noqdo hogaamiye Caadil ah, aan doonayn dha qaale uu urursado,ka fekera meel fog,dalka kala jaj abayna isku tolo isla markaana xiriir wanaagsan la samaysan kara dalalka caalamka ”ayuu yiri Jabriil Ibraahin.

Waxaa kaloo wax laga weydiiyay fikirkiisa ku aaddan xildhibaanada cusub ee dhowaan la door anayo ayaa sheegay in la heli karo muwaadiniin Soomaaliyeed oo nadiif ah uuna rajo weyn ka qabo in 275 xildhibaan in ay noqdaan kuwo nadiif ah isla markaana aqoon leh ayna doortaan qof wanaag san oo Somali ah karti uu dalka ku hogamiyanaleh.

"Waxaan ugu baaqayaa dadka aqoonta leh inay u istaagaan sidii loo badbaadin lahaa dalka loo na baahan yahay in dadka dhaliisha leh in aan lagu aaminin dalka markale.”ayuu yiri Jabriil Ibraahin Cabdulle.

Jabriil Ibraahim ayaa wararka qaar ee la isla dhex marayo ayaa sheegaya inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee doo rashada sanadkan 2016 dhici doonta, inkastoo aa nu si rasmi u shaacin, balse waxa uu sheegay in xaalada dalka aysan ahayn mid lagu daawado sida uu yahay hadda.

IS OO SHEEGATAY WEERAR LAGU QAADAY BAAR KU YAAL MAGAALADA DHAKA DALKA BANGLADESH

Dabley hubeysan ayaa weerartay baar ku yaal meel ku dhow magaalada Dhaka ee caasi mada dal ka Bangladesh iyagoo ku afduubtay qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa baarkaas.

Qaar ka mid ah dadka la qafaashay ayaa ah dad ajaaniib ah iyadoo kooxda weerartay baar ka ay dileen labo kamid ah ilaalada baarka halka ay dhaawaceen shan kale. Wararka ayaa sheega ya in lix ka mid ah dadka la afduubtay ay ka soo jeedaan dalka Talyaaniga.

Ururka Islaamiga ah ee IS ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerarkan iyadoo bogga tagee ra ururkan ee Amaq lagu shaaciyay sheegashada ururka.

Qoraal ay soo dhigeen boggan ururka IS ayaa lagu sheegay in maleeshiyaad ka mid ah ururkaas ay gudaha u galeen baar ay ku sugnaayeen dad ajaaniib ah ayna ku dileen labaatan ruux oo dhala shadoodu kala duwan tahay, hase yeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada.

Laamaha ammaanka dalka Bangladesh ayaa sheegay in ay wadaan waanwaan ay ku doonaya an in dableyda ay sii deyso dadka ay qafaasheen.

"Waxaan dooneynaa in aan arrintan si nabad ah ku xalino waxaan isku dayaynaa inaan la hadalno dableyda dadka qafaalatay,”ayuu yiri Benazi Ahmed oo madax ka ah ciidamada gurmadka degdega.

"Muhiimadeenu waa inaan badbaadino nolosha dadka gudaha ku xayiran.”ayuu sii raaciyay.

Booliska ayaa sheegay in dabley hubeysan ay gudaha u galeen ArtisanBakery Café ayna rasaas ku fureen. Baarkan ayaa la sheegay in ay isticmaalaan dadka aan u dhalan dalka Bangaladesh iyo diblumaasiyiin.

Dalka Bangladesh ayaan hore loogaga baran weerarada noocan oo kale ah hase yeeshee wax aa ka dhacayay bilihii la soo dhaafay dalkaas dilal qorsheysan.

MADAXWEYNAHA OO CAMBAAREEYAY DILKA SHEEKH CUMAR DUCEYSANE

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare ku xigeen ka dalka Maxamed Cumar carte iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa cambia reeyay dilka caawa loo geystay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Allaha unaxariistee waxaa caawa Masjid ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu dilay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaa hinta Qaranka Soomaaliyeed.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Sheekh Caamir isagoo ka soo baxay Masjid ku yaala degmadaasi ay dileen.

Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore oo Idaacadda Risaala la ha dlay ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxaha dilka geystay.

Degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsado xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, iyadoo inta badan dilal kaas Mas’uuliyadooda ay sheegtaan ururka Alshabaab.

MAREYKANKA OO TAAGEERAYA DOORASHADA SOOMAALIYA

Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Kerry ayaa sheegay in dowladda Mar eykanka ay taageero dheeraad ah siin doonto dowladda Soomaaliya ,si sanadkaan doorashooyinka Soomaaliya ay ugu dhacaan sidii loogu tala galay.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka dowladda Mareykanka John Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.

John Kerry ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay ku rajo weyn yahay in doo rashada sanadkan ay noqoto mid ku dhacda dimuqraddiyad, ammaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.

OBAMA OO KA DIGAY DHAQAALE XUMO KA DIB AFTIDII BRITAIN

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu jiro wa laac la xiriira kkoboca wakhtiga dheer ee dhaq aalaha dunida, ka dib ka bixitaankii Britain ay u coday say inay ka baxayso midowga Yurub.

Obama wuxuu sheegay in fursadaha koboca iyo maalgashiga ee Britain iyo dunida inteeda kale uu mushaakil soo wajihi karo. Wuxuu ka codsaday Ra’Iisalwasaaraha Britain David Cameron iyo hoggaamiyayaasha kale ee Yurub inay xaqiijiyaan han aan hufan oo Britain ay ku baxdo.

Goor sii horreysay, ayay madaxda Yurub waxay Britain ugu baaqeen inay oggolaato in dadka reer Yurub ay si xor ah u tegi karaan dalkooda, haddii ay doonayaan inay qeyb ka sii ahaadaan suu qa mideysan ee Yurub

MADAXWEYNAHA OO SHALAY UBAX DHIGAY TAALLADA DALJIRKA DAHSOON

Madaxweynaha JFS Md Xasan Sh. ayaa mu na asabadda 1da Lulyo awgeed ubax dhigay taalla da Daljirka Dahsoon, isagoo halkaasi kula hadlay dadweyne farabadan oo ka kala yimid degmooyi nka gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa um madda Soomaaliyeed mar kale ugu hambalyeeyay munaasabadda 56 guurada ka soo wareegtay mar kii uu dalkeenna madaxbanaanida ka qaatay gu meystihii talyaaniga, isagoo ka hadlay taariikhda halg ankii dheeraa ee loo soo galay madax bannaanida dalkeena.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku boorriyay odayaasha dhaqanka ee soo xulidoona xildhiba an nada baarlamanka iney xaqiijiyaan qoondada haw eenka ee ah Soddon Boqolkiiba, isagoo tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen halgankii gobanima ddoonka isl amarkaana ay sidoo kale ay hormuud u yihiin nol osha qoysaska Soomaaliyeed. Madax weyna haay aa ummadda Soomaaliyeed kula taliyay inay gac an ka geystaan ammaan ka dalka ay na ciidamada kala shaqeeyaan ka hor tagga maleeshiyaadka arg agixisada ah ee Shabaab, wux uuna hoosta ka xarii qay in Shabaab laga adkaan doono haddii ay bulsh adu usoo jeesato iney cidamada kala shaqeyan sugidda amnigadalka

DADKII QARAXYADA KA GEYSTAY ISTANBUL OO LA SHEEGAY INAY AHAAYEEN AJINABI

Dawlada Turkiga ayaa sheegtay in raggii qaad ay weerarkii qaraxyada loo adeegsaday ee dha waan lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee AtaTu rki ee Istanbul inay ahaayeen ajaaniib. 3 nin oo we erarkaa qaaday ayaa waxay dawlada Turkigu she egtay inay kasoo jeedeen Ruushka, dalka Kyr gys tan iyo Usbekistan.

Si kastaba ha ahaatee, dawlada Turkiga ayaa aaminsan in jabhada Daacish ama ISIS ee ka dag aalanta dalalka Turkiga jaarka la ah ee Suuriya iyo Ciraaq ay ayadu ka dambeysay weerarkaa oo ay soo maleegtay. Dawlada Mareykanka ayaa sidoo kale aaminsan Daacish inay weerarkaa ka dambey say. Ilaa iyo hadda biliiska Turkigu wuxuu usoo qa btay weerarkaa latuhunsaneyaal gaar aya dhowr iyo toban qof.

MADAXWEYNAHA DALKA MASAR ALSISI OO DIFAA CAY AFGAMBIGII LAGU RIDAY XUKUUMADDII MURSI

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax AlSisi ay aa difaacay afgambigii militariga dalkaasi ku ride en madaxweynihii dalkaa, Maxamed Morsi oo xisbiga Ikhwaanul Muslimiinka ee dalkaa ka tirsanaa.

Malaayiin dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyin ka caasimada dalkaa ee Qaahira 30kii Juun, 2013 ayagoo dalbanaayay in Morsi uu talada dalkaa war eejiyo kadib markii uu hal sano oo qura uu jagada madaxweynenimada hayay.

Sisi oo markaa ahaa taliyaha ciidamada qalab ka sida ee dalkaa ayaa amar kusiiyay Morsi inuu 48 saacadood ugaga jawaabo dalabka dalka ka ho rintii militariga uusan amar kusiin inay afgam biyaan oo ay xiraan.

dorraad wuxuu Sisi sheegay in dadka reer Mas ar ay masiirkooda saxeen una caddeeyeen caal am ka inaan rabitaankooda laga hor imaan karayn. Sidaa ayaa Madaxweyne Sisi uu talefishinka qar an ka ee dalkaa ka yiri. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la xasuustaa in markii la afgambiyay dawladii Morsi ay taageereyaal badan oo taabacsan Ikhwaanul Muslimiinka dalkaa ay mudaaharaadeen dabadeed na booliska iyo militarigu ay boqolaal mudaahar aadeyaal ah ay dileen. Sanad ka dib waxaa madax weyne loo doortay Sisi. Waxaa sidoo kale dalkaa lagu xiray dad xarakaad hor kaca.

Si kastaba, dawlada Sisi waxay sheegtay in max aabiis siyaasadeed aysan jirin ee kuwa haatan jee lasha kujira oo saxafiyiini ay kujiraan inay dhamma antood falal dambiyeed ku kaceen. Dawlada dal kaa ee Sisi uu madaxweynaha ka yahay ayaa haa tan sheegeysa in loo baahan yahay tillaaboo yin muhiim ah in la qaado maadaama maqaawimo ay ka jirto waqooyiga gobolka Sinay.

MADAXWEYNE XASAN SH. OO XEER KU MAGACAAB AY GUDDIGA DOORASHADA HEER FEDERAAL OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYAY

Madaxweynaha JFS,Md Xasan Sh. Maxamuud, ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabey Gudd iga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa. Gudd igan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 22 xubn ood oo magacyadooda ay hoos ku xusan yihiin:

1. Cumar Maxamed Cabdulle

2. Mustaqiim Wayd

3. Maxamed Kaynaan

4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

5. Nafisa Geeddi Santuur

6. Maxamed Cali Diiriye

7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye

8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

9. Saciido Maxamed Musciid

10. Aweys Abuukar Sokorow

11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac

12. Burhaan Cilmi Xirsi

13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib

14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon

15. Salaad Cali Ibraahim Catoos

16. Aadan Cabdinaasir Maxamed

17. Cabdullaahi Salaad Yarow

18. Yaasiin Cabdi Jaamac

19. Axmed Maxamed Saciid

20. Fardowsa Maxamed Ducaale

21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow

22. Raaxo Maxamed Janaqow

Waxaa la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horre eyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub. Guddigan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka do or ashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dha waaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyin ka sannadka 2016.

DHAMMAAD

DOWLADDA MARAYKANKA OO MUWAADINIINTEEDA UGA DIGTAY INAY U SAFRAAN DALKA KENYA

Dowlada Maraykanka ayaa uga digtay muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Kenya oo ay sheeg tay inay ka dhici karaan weeraro argag ixiso. Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay iska ila aliy aan inay tagaan gobolka Lamu, Xaafadda East le igh iyo degmooyinka gobolka Waqooyi bari.

Safaarada Maraykanka ee M/Nayrobi ayaa mu waadiniinta Maraykanka kula talisay inay booqan ka raan magaalada Mombasa xilliga maalinti, oo ay iska ilaaliyaan isticmaalka doonta looga gudbo gac anka badda ee M/Mombsa,sababo xagga ammaan ka ah.

Hay’adaha Sirdoonka ee Maraykanka ayaa ka digay suurtagalnimada Gantaalo dhulka laga rido dhulka oo lala beegsado diyaaradaha. Maamulka diyaaradaha ee Maraykanka ee loo yaqaan FAA ayaa howlwadeenada duulimaadyada Kenya uga digay inay jirto cabsi weeraro lagu qaado danaha Maraykanka iyo wadamada reer Galbeedka.

Di gniintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu amni ga Kenya soo hagaagayo , oo dalxiisayaal bad an ay Imaanayaan Kenya ka dib markii ay ka soo kabat ay weeraro sababay dhimasho iyo burbur oo AlShabaab ay ka geysatay guddaha Kenya.

GANACSADE CAAN AH OO XORRIYADIISA DIB U HELAY

War dorraad ka soo baxay wasaaradda maaliy adda ee dalka Mareykanka qaybta maamusha dha qaalaha dibadda (Office of Foreign Assets Control) ayaa caddeeyey in ganacsade Axmed Nuur Cali Ji mcaale laga saaray liiska dadka laga xakameeyey dhaqdhaqaaqa socdaalka.

Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka Soomaal iya ayaa muddo 15 sanno ka badan ku xayirnaa dalka Jabuuti. Ganacsadaha oo ahaa maamulihii xawaaladda Barakaat ayaa sannadkii 2001 ay daw ladda Mareykanku ka xirtay xawaaladda isag ana ku soo rugtay xayiraad dhinaca socdaalka ayada oo lala xiriirsiinayo dhacdadii September 11, 2001.

Ganacsade, Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah ganacsatada ugu hantida badan dalka Soomaaliya, isaga oo saamiyo badan ku leh shirkadaha isgaarsiinta ee dalka Somaliya.

Ka qaadista xayiraadda socdaalka ee ganacsa daha ayaa ku soo beegantay waqti ay dawladda Mareykanku ay kordhineyso xiriirka ay la leedahay xigasho:Hiiraan.com

MANDHEERA KENYA: LIX QOF OO LAGU DILAY WEERAR LAGU QAADAY BASAS

Wararka ka imaanya gobolka Soomaalida ee Waqooyibari Kenya ayaa sheegaya in shalay rag hubeysan ay weerareen basas maraayay deegaan ka tirsan degmada Mandheera. 6 rakaabkii gaw aar idaa la socday kujiray ayaa dhintay. Wararku intaa waxay ku dareen in dadkaasi dhin teen ka dib mar kii dableydu ay rasaas ooda uga qaaday basaskaa oo labo ah. Tobanaan qof oo ka le oo rakaab ahaa ayaa dhaawacmay.

Dowladda Kenya ayaa horay uga digtay suurta galnimada weerar argagixiso oo ka dhaca guda ha Kenya gaar ahaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Sidoo kale dorraad ayaa wax aa dig niino soo saaray Mareykanka iyo laamo kale oo dawlada Mareykanka ka tirsan

MADAXWEYNAHA OO FURAY XARUN LAGU XANAANE EYO GABDHAHA AGOONTA OO DIB U HABEYN LAGU SAMEEYAY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soo maaliya, Md. Xasan Sh Maxamuud, oo ay wehl iso Marwada 1aad, Marwo Qamar Cali Cumar, ayaa dorraad furay Xarunta Xanaanada Agoonta Gabdh aha Degmada Boondheere ee M/Muqdisho oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.

Xaruntan oo adeegyo isugu jira hoy , waxbar asho iyo daryeel kaleba loogu fidiyo in ka badan 300 oo arday, ayaa waxaa dayactirkiisa iyo dib u dhiskiisa maalgelisay safaaradda Jamhuuriyadda Djibouti ay ku leedahay M/Muqdisho. Madaxweyna ha oo hadal ka jeediyay munaasabaddan qii maha leh ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliyeed oo u istaaga inuu wax san qabto uu riyadiisa ka dhabeyn karo, isagoo u mahad celiyay maamulka xaruntan oo uu sheegay inay qabteen hawl ku day asho mudan.

"Agoontan Soomaaliyeed ee halkan ku jirta wa xay waayeen waalidkooda, mana ahan inay wa ay aan daryeelka ay u baahnaayeen. Waxaan ku baa qayaa in xeradan lagu soo daro agoonta kale ee gabdhaha ee weli darxumada ay hayso. Shakhsiy an waxaan ballanqaadayaa inaan ka mid noq do dadka kafaala qaadaya nolosha gabdhahan agoon ta ah. Waan u mahadcelinayaa gobolka Ban aadir oo go’aansadey inuu kafaalo qaado baahida carr uurta ku jirta xeradan’’, ayuu yiri Madaxwe ynaha.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in jiritaanka xar umahan agoomaha ay fariin u yihiin dhammaan Soomaalida si ay u joojiyaan colaadda iyo dilka mi cna darrada ah ee horseeday in kumanaan car ruur ah ay waayaan waalidkooda.

"Waxaad ku tashataan inaad heli doontaan dha mmaan waxa ay helaan carruurta kale ee waa lidiintooda nool yihiin. Ilaahay ayaa ka abaal mar inaya kuwa sida xaqdarrada ah u agoonteynaya carruur Soomaaliyeed oo sida halkan ka muuqata aan xakameyn weyney dareenkeena, qiirana ay ina wada gashey , inagoo la murugooneyna gabdh ahan yaryar ee agoonta ah. Qof walba oo Soom aaliyeed haka fikiro inuu nabad dhaliyo, kana shaq eeyo horumarka waddanka’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in argagix isada Al Shabaab ay weli doonayaan inay sha cab ka dhibaateeyaan, iyagoo shal;ay subax qarax mi ino ku dilay dad shacab ah oo marayey wad dada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

"Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha Ra madan. Sidaad la socotaan shacabkeena intiisa ba dan waxay ku mashquulsan yihiin cibaadada Rabbi iyo inay Allah dembi dhaaf weydiistaan. Wax aa isla markaa M/Muqdisho iyo G/lada kale ee dalka ka so cda hawlgalo ay xilliga saqda dhexe sam eynayaan ciidammadeena oo doonaya inay sugaan amniga shacabkeena. Hawsha ay ciidankan wadaan wax ay la mid tahay tahajjud ama cibaado Allah loogu dhowaanayo. Sidaa darteed waa in laga xishoodaa in wax laga sheego ciidankan duruufahaasi adag ku shaqeynaya’’. Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka ha dley Gu/G/Banaadir, ahna Duqa M/Muqdisho, Yuu suf Xuseen Jimca ale, Danjiraha J/Djibouti u fa dhiya Soomaaliya, Dubbad Dayib Ro ble, iyo Nuu rto Maxamed Jaam ac oo ah maamula ha Xarunta Xarunta Xanaa nada Agoonta Gabdha ha Degma da Boondhee re.DHAMMAAD

TAHRIIBAYAAL LAGA SOO BAD BAADIYAY BADDA TALYAANIGA

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidam adeeda badda ay soo bad baadiyeen Tahriibay aal gaaraya 120 Qof kuwaas oo doonayay tahriib in ay ku galaan dalalka Yurub. Afhayeen u hadlay ciid amada badda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in ciidamadooda ay arkeen tahriibayaashan oo saarnaa Doon yar ka dibna ay qaadeen oo ay geeye en xero ku taala magaalada Sicily oo ku taala dal ka Talyaaniga.

Afhayeenkaan ciidamadda badda Talyaaniga u hadlay ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dad ka la soo bad baadiyay ay inta badan ka soo jeedaan wadamada Afrika, isagoo intaa ku daray in dadkan qaarkood ay xanuunsanyihiin. Wadamo ay ka mid yihiin Itoobioya, Soomaaliya, Itoobioya, Libya iyo Falastiin ayay u dhasheen tahriibayaasha saarnaa Doonta sida Talyaaniga laga soo xigtay.

Xeebaha dalalka Masar iyo Libya ayaa waxa ay ka mid yihiin meelaha ay ka baxaan tahriibaya asha haminaya in ay Yurub tagaan si ay u helaan nolol ka duwan tan ay ku haystaan wada madooda.

WARARKA UGU DANBYEY EE QARAXII DORRAAD SHACABKA BADAN KU DHAMMAADEEN

Waxaa isa soo taraaya dhimashada dadkii dor aad ku la’day weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee lagu qaaday gaari rakaab ahaa, oo maraayay De egaanka Lafoole, oo ku yaala inta u dhaxeyso M/Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee G/Sh/Ho ose. Gebi ahaanba gaariga uu qaraxu haleelay, ay aa noqday mid baaba’ay, sida ay muujinayan muu qaalo kala duwan oo ay ka soo qaadeen koox Suxufiyiin ahayd oo halkaasi gaartay.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee M/G/Sh/Hoose, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in dhimashadu ay gaar tay 18 ruux, isagoo muujiyay in Lafoole uu ka dhac ay waxa uu ugu yeeray xasuuq shacab. Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa waxaa uu beeniyay in gaari ay la socdeen Ciidamada Dowlad da Somaliya, uu maraayay Deegaanka Lafoole, xill igii qaraxa lala beegsanaayay gaarigii rayidka.

Dadka ku dhintay qaraxan waxaa ku jira hooyo, Aabbe iyo Laba Carruur ah oo ay dhaleen, sida uu ku waramayo Cumar Maxamuud Cilmi.

Qaraxyada ceynkani oo kala ah oo looga bartay Ururka Al Shabaab, iyagoo ysan sheegan ma suuli yadda dadkan lagu laayay, balse dadka badankiisa waxaa uu tuhmayaan inay yihiinm al shab aabayan ka dambeysay falkaani. Wallow aysan sheeganin

Madaxdweynaha soomaaliya ayaa canbaare yey falaasi weerarka lagu qaaday gaarig an oo noo ciisu uu ahaa Caasi/Hoomey, kaasoo rakaab ka qa aday Magaalada Muqdisho, una waday De gmada asi Afgooye. Qoysas badan oo Soomaaliyeed oo degan M/Muqdisho, ayaa tan iyo dorraad waxaa guryahooda laga dareemaya tiiraanyo iyo murugo

DOWLADA BAXREYN OOAYAA DOWLADA SOOMALIYA UGU HAMBALYEYSAY MUNAASABADA 1LUULIYO

Boqor Amiir Salmaan binu Xamda Aala khaliifa oo ah dhaxal sugaha dowlada Baxreyn ayaa ham balyo furan usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud iyo umadda Soomaaliye ed isagoona sheegay in uu ugu hambalyeenayo muna asabadda 1da luuliyo.

Dhaxal sugaha baxreyn ayaa tilmaamay in mun aasabadda ay ka mid tahay maalmaha muhiim ka u ah umadda Soomaaliyeed isagoona Soomaaliya u rajeeyey in ay guul ka gaarto Doorashada soo socota. "Xornimadu waxa ay kuu mujineynaa in a ad arimahaaga u madax banaan tahay sida: Siyaa sadda, Dhaqaalaha, Hormarka iyo wax la qeybsiga wadamada hor maray” ayuu yir Amiir Sal maan Binu Xamda Aala Khaliifa oo ah dhaxal sugaha Wadanka baxreyn.

Waa uu sii hadlay isagoona yiri: "Fariintaani wa xaa si toos ugula wadaagayaa Bulshada iyo Ma daxda dalka anigoo dareensan Qiimaha ay maalint aani leedahay” ayuu Markale yiri dhaxal sugaha baxreyn. Ugu dambeyn Boqor Amiir Suldaan Binu Xamda Aala Khaliifa waxa uu guud ahaan soo maalida uu kula dardaarmay inay marwaliba ku dada laan is jecleysiga, walaaltinimada iyo ka shaqeynta sidii dalka loosoo hormarin lahaa.

Hambalyadaani ayaa imaaneysa xili ay ku bee gan tahay 1da Luuliyo oo umadda Soomaaliyeed u dabaal degayaan munaasabadda xornimadii Gobolada koofurta iyo israacii labada gobol ee koo furta iyo waqooyiga Soomaaliya

MID KA MID AH CULUMAA’UDIINKA KA HOWLGALAYAY WARBAAHINTA QARANKA OO LA DILEY

Mid ka mid ah culumaa’udiinka ka howlgalayay Idaacada iyo Taleefih in ka qaranka ayaa kooxo hubeysan xalay ku dileen D/ Xamar Jaj ab ee M/ Muqdisho. Allaha u naxar iistee Sh. Cumar Xus een Xasan"Sh. Cumar Yare” ayaa la diley xilli uu ka soo baxay masjid uu qadiib ka ahaa.

Sheekha oo ahaa nin dhallinyaro ah ayaa ka tirs anaa shaqaalaha W/Warfaafinta Dhaqanka iyo Dal xiisa, isagoo si gaar ah duruus diini ah uga jeedin ji ray Idaacadda Radio Muqdisho iyo talef ishinka qar an ka Soomaaliyeed ee SNTV.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jabjab Max amed Cismaan Dhoorre, ayaa xaqiijiyay dilka loo geystey Shiikh Cumar waxana uu sheegay in Sh Cumar xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla gu da ha degmada oo uu ku soo tukaday salaadda cishe.

"Shekha wuxuu Imaam ka ahaa Masjidka Dek adda, waxaa dilay Bastooladleey oo goobta ka bax sadeen dilka kadib waana lagu raad joogaa”. Ayuu yiri Dhoorre. Ciidamada ammaanka ayaa ga aray goobta lagu diley Sheekh Cumar Yare iyagoo ba aritaano ka sameeyay halka lagu diley Shee kha oo aan ka fogeyn gurigiisa.

TAARIIKHDII HAGAME XALANE WIXII LAGA QORAY IYO WIXII 

GOOBJOOGAYAAL IIGA SHEEGEEN.

Waxaa la isku raacsanyahya xaqiiqna ah in Halgame maxamed Cabdulle Xalane uu ahaa geesi naftiisa u huray calanka,waxaa laga yaabaa in jiilka cusub marka ay ma qlaan magaca xalane ay u fahmaan xarunta ajaanibtu xamar ka dagan tahay ee ku ta al degmada wadajir, laga yaabee in qaar u qaataan magac yugandees ah.inta aanan u gudbin wixii aan ka soo ururiyay goob joogayaashii dagaalkaa kala qayb galay xal ane aan ku bilaabo wixii laga qoray. Wixii laga qoray. Qoraalada qa ar ayaa qoraya in Jen. Mohamed siyaad oo meel fagaaraa ka hadl ayay yiri: Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Togwajaale; wuxuu ka mid ahaa koox ay cadowga ishor fad hiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd me eshii calanka Soom aali yeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ay uu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago.

Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uu san gacan cad ow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, mar kaasay ku fureen qoriga boobaha loo yaqaan oo naftiisii gooyey; wuu soo gurguurtay; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoo baanka ah oo da’ walba da’da ka dambey saa ay dhaxli doonto wuxuu ahaa:CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA. Xal ane,. Inkastoo naftiisii uu waayey ,Xasuusta uu reebay darteed, waqt igaa illaa maanta, nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, ninka kaliya ee lagu xasuustaa Billad Dahab waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddiglenimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ; tan 3xa ad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka ciidanka ee Xalane . ayuu hadalkiisii ku soo gabgabeeyay Jen. Siyaad….((( xataa markii aan anigu dhame eystay dugsiga sare ee aan ku jir ay xerada tababarka ciidamada xalane, oo aan ku qaadanayay tababar ciidan ,nalooma sheegin taariikhda xalane oo isla xerda loogu magacdaray lagana bedelay magacii niinkii talyaaniga ahaa ee Bootiko))).

(( Jen. Siyad waa iiga xogogaalsan yahay arrintaa.asagana waxaa uga xog ogaal san goob joo gayaal,waxaa la isku raacsan yahay halku dhagii uu ka tagay xalane in kastoo sadax si loo kala qor ay 1cadawgu birlab kama sameeysna.2war cadawgu bir maahee burburkiyo, calankiyo, ciidda udi ida .3 war cadawgu bir maahine burburiya cii dda iyo calanka somaliyeed u diida.waxaa kale oo ay is ku raaceen in uu geesi ahaa. waxa kale oo ay isku raaceen in uu ahaa asgarigii ugu horeeyay ee bilad geesi dahab ah la siiyo.waxaa la isku khilaafay in calanka uu la soo gaaray ciidankii kale iyo asa goo la soo gurguuranayo in uu dhax ku dhintay.Qoraalada qaar ayaa leh asagoo dha awac ah oo calankii sida ayuu soo noqday, isla qoraaldaa ayaa leh korkiisa meel aan xabadu ku aalin ma le, oo boobe culus ayaa lala beegsaday ,isma qabato, markaa wa xa ay u dhawdahay sida goob joo gayaasha qaar sheegeen in uu shahiiday markii uu ku soo dhawaaday ciidanka soomalida.tirada qoraaladu ay sheegayaan ee goobta ku go’doontay waxa ay leeyihiin saddax ciid ankaa ayeey aha ayeen.laakin goob joogaya ashu waxa ay leeyihiin waxa ay ahaayeen afar uu ku jiro xalane.

Qoraaladu waxa ay isku khilaafeen waqtigii uu dhashay iyo waqtigii uu ciidamada ku biiray . wa xaa la isku raacsanyahya in uu ku dhashay magaalada ceel buur .laakin waqtiga uu dhashay la isku ma raacsana qoraalada qaar ayaa leh wuxuu dhashay 1939kii wuxuuna ciidanada ku biiray 1957dii. Waxaase runta u dhaw oo inta badan qo raaladu isku raaceen in uu dhashay 1943dii ciidamadana uu ku biiray 20 June 1960kii asagoo 17 jir ahaa,uuna shahiiday 1964 asagoo 21 jir ah…. Dagaalku waxa uu bilaaw day Maalin Jimce ah ee bishii labaad ee sannadkii 1964kii waxa weerar cir iyo dhul ahba soo qaaday ciidammada Itoobiya, sida uu qoray suxufiga. Cali Cabdi Coomay. Weerarku wux uu ahaa aagaga min Hargeysa ilaa Doolow, waxaana lagu dagaalamay 7ba goobood oo kala ahaa; Togwajaale,Ina Guuxaa,Dabagoryaale,Feerfeer, Doo low, Xudun iyo aaga B/weyne. Aagga Togwa jaale waxa markii hore taliye ka ahaa sar kaal magaciisu ahaa: Abuukar Gacal Muuddey.

Qoraalada qaar ayaa qaba in togwajaale 4 Magac ayaa hore usoo martey taariikhd eeda Fog kuw aas, oo kala ahaa Garoon, Sabayar, LaantaCurdinka iyo magaca had da ay ku caana maashey ee Tog-Wajaale. Qaar ka mid ahaa goob jooga yaashii. Prof.Nuur Cali Gacal.(dable Nuur) oo ka mid ahaa raggii goob jooga ahaa ayaa yiri: weerarka amxaaradu waxaa ay nagu soo qaaday waqti maqrib ah. Ciidankii soomalidu dib ayaa loo riixay, waxaan ku jiray dhufeeys aan ka ridayay Hoob iye raacda reeb ah, waxaa iga horeeyay oo kaliya 4 asgari oo calanka ilaalinayay oo ahaayeen sad ax da ble iyo Alifle Xalane oo madax u ahaa.sadaxdaa asgari midba 2 saac ayuu calanka ho os jog ayay asagoo ilaalinaayay.marka calanka la soo dajinayay waxaa waardiyaha calanka lahaa Dab le:Baarqab, Alifle Xalane ayaa amar bixiyay oo ku yiri: Baarqaboow Calanku yuuna gacanta cad awga galine soo daji,baarqab asagoo deg degsan ayuu mi ddi u xirneed la soo baxay asaga oo dha awac ah oo 2da qoob xabadu uga taal kana burbursan ,intii uu hal xarig gooyn lahaa si xariga haray loogu soo dejiyo calanka ayuu 2dii xarig isku mar jaray calinkiina kor ayuu u duulay, calanku meel sare ayuu saarnaa wuxuuna ku soo dhacay meel xalane iyo cadawga u dhaxeeyso ,baarqabna dhulka ay uu ku dhacay,.ka dibna Alifle Xalane ayaa ku yiri 2dii Asgari: dhaawaca baarqab qa ada anna cadawgaan xabad ku reebaa,calankana waan soo qaadaa,Calankii ayuu u garguurtay,hoosta ayuu gashaday ,waana la soo gurguurtay halkaa ayaana lagu dilay intii uuna na soo gaarin, Isagoo leh war Cadawgu Bir Maahine Burburiya,Ciidda iyo Ca lanka Soomaaliyeed u Diida. dhaawacii Baar qab ayaa nala soo gaarsiiyay waxaana la gu qaaday Baabuur Land Rover ah oo hargyesa u qaad ay.

Maydkii xalane subaxii dambe ayaa la soo qaaday oo weerar rogaal celin ah aan qa adnay,2dii Askari ee ka hartay saaxiibadii xalane maalintaa dambe ayeey dhinteen, magacooda ma xasuus to,laakin mid ayaa reer baladweyne ahaa.waxaan maqlay in Xa lane uu ka tagay hal Gabar Mase Hubo,waxaa la ii sheegay inay Nooleed Dagaaladii 1990 kii ka dib Ayadoo Rafaadsan, Mase Hubo. Goob joogayaashii ayaa ii sheegay in Bilad Geesigaa Dahabka aheyd lagu bixiyay xaflad Dabaal Dag aheyd oo ka dhac day Xeebta Secondo Lido oo aheed goobtii salaam sharafta lagu bixi jiray int aan loo soo wareejin Tarbuunka ,Biladaa Dahabka waxaa bixiyay Md.Adan Cabdulle Cusman ( Aad an Cadde) Madaxweynihii 1aad oo uu gadaal ka taagan yahay Jen.DaauudC/lle Xisri oo ahaa tali yihii 1aad ee XDS ,waxa goob jooguhu intaa ku daray waxaa bilada lagu wareejiyay Xalane Aabahii oo ahaa oday dheer oo maddow, bilada waxaa la soc day shahaado sharaf Geesinimo iyo Darajada Ciidan ee xiddigta waxa ay ku jireen sax an cad waan xasuustaa ayuu raaciyay ,waxa uu qaada nyaa mushaarka xiddigle, weliba darajadaa xiddigta Xalane waxa ay la dalacee marka ay dalacaan xiddiglayaa shii markaa joogay, dalacaada Xiddigluhuna ma aheeyn mid fudud sida kuwa hadda ji ra ee sannada badan ayaa la sugayay .Alifle Xalane Geesi ayuu ahaa ayuu hadalkiisii ku daray wa naa Askarigii ugu horeeyay ee ciidanka ahaa ee billad geesi dagaal oo Da hab ah la siiyay,waxaa kale o o jiray 2 ba ruux oo shibil ahaa oo warfaafinta ka tirsan aa oo iyana Billad Dahab ah la siiyay ,ka dibna dad kale ayaa la siiyay Billado kale oo aan Dahab aheeyn Waqtiya dambe.

WAA KUMA DABLE NUUR?.

Dable: Nuur ciidamadii iyo takhasus kiisii Hoobiyaha iyo typography ga waa ka ta gay dagaalka ka dib,waxbarashuu sii watay ,ka dibna dalka Romaniya ayuu aaday illa PHD uu ka soo qaatay. Wu xuu ka soo shaqeeyay jaamacadii ummadda .jamacada Mo gadishu ,wuxuu lahaa Notayo u gaar ah ,waxa kale oo uu u shaqeeyay hayado samaf al asagoo ka qayb qaatay furitaanka isbitaala Bad an.hadda isagoo xanuunsan oo dha barka Biro uga jiraan ayuu cafimaad ahaan u joogaa M/Min nesota ee D/Mareykanka.

WAA KUMA DABLE BAARQAB?

Dable:Baarqab waa ku haray ciidanka,markii dowladii kacaanku dhacayay wuxuu ahaa isbatoore. Prof.nuur xiriir joogta ah ayuu lalahaa, wixii ka dambeeyay dagaaladii 1990 kii,Baarqab, Suuqa Bak aaraha ayuu gaari Gacan ku Riixayay asagoo weli Dhuti nya ,ahna waayeel aan tabar u laheeyn in uu riixo. Wuxuu ka tirsanaa Ciidana lugta, wuxuu ahaa beesha jareer weyn ( waan ka xumay in an Beel Sheego) sannadkii 1960 ayuu ka soo goostay ciidamadii itobiya oo uu ka tirsanaa markuu maqlay somaliyaa xornoqotay isla sannadkaa ayuuna kuna biiray ciidankii somalida, wuxuuna muu jiyay Geesinimo intii uu ciidanka ku jiray,wuxuu ahaa Askari daacad u ah dalka oo xalaal quuta ahaa.

WAA IGA SU’AALE.

Waa iga su’aale….Geesiyaashaasu rafaad badan ayeey mareen,kii nool iyo kii dhintayba waxaa calool xuma ugu filan:

waxa maanta dhacayaa.maanta xeraddii xalane ee geesigaa loogu magic daray, waxaa jooga taliye Itobiyaan ah oo masuuliyeenteeda ka mid ah! ma saxbaa?

Waa iga su’aale. maanta xiddiga badan oo garba saran waan arkaa, laakin Alifkii Xalane ma u dhigmi karaan ?

waa iga su’aale.Ciidamadu Hal Calan oo ka dhexeeya ayeey wada Illaalin jireen maan ta meeqa Calan beeleed ayaa Difaac ka Rabta?

Waa iga su’aale. Jawaabtu waa Adiga.

waxaan soo xasuustay , Qormadii: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf Ee ku saabsaneed xaflad ka dha cday xaruunta gadiidka Booliska ee xamar oo bilado lagu siinayay ciidamadii amxaarada ee xamar ka dagaalamayay.Waxaa iyana yaab noqotey markii GABRE uu Micrafoonka uga yeeray safiirka dowlada Yemen ee Soomaaliya u fadhiya Safiir AHMED OMAR si uu u gudoonsiiyo bilad sharaf safi irka Yemen.weliba halkaa waxaa fadhiyay madax,saraakiil iyo kooxda Muusikada Soomalida,soow calool xuma maa han?

Waa iga su’aale

 Qormadan oo qaarkeed aan qoraalo ka soo xigtay qaarna aan goob joogay aal ka soo xigtay. Waad ku kordhin kartaa wixii aad ogtahay, waad sixi kartaa,waad dhaliili kar taa,aragtidaada xor ayaad u tahay.

QORE: YAHYA AMIR



KITAABU ZAKAAT

 

Q:1aad

CIDDA ZAKADA LA SIINAYO

Dadka zakad la siinayaa waa sideed nooc, Allaah ayaan kucadeeyey qowlkiisa. Suuratu towba aayada 60aad, waxayna kala yihiin sidan soosocota labadan qolo ee ugu horeeya waa:

12 Fuqarada iyo masaakiinta,

waana kuwo baahan oo an heli karin waxkufilan baahidooda, waxaana kasoo horjeeda aqni yada oo ah dadka hodonkaa ama maalqabeen, kuwaasna horaan uga soo hadallay qadarka qofku ku noqon karo qani ama maal qabeen, waana inuu haysto qadarkii nisaabka hanti gaadha isla mar kaanakasaayida baahidiisa asalkaa isaga iyo caruurtiisa, waana wax la cuno, wax la cabbo, dharka la xiranayo, guriga degaanka, gaadiidka la raaco, qalabka shaqada, iyo wixii la mida ee aan laga maarmi karin, haddaba qofkasta oo waaya qaddarkaas ansoo sheegnay waa faqiir ama sabool wu xuna mutaysanayaa inlasiiyo zakada,

Xadiiskii Mucaad ibnu jebel waxaa kamidahaa inuu rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri (waxa laga qaadayaa kuwooda hodonkaa, waxana lagu celinayaa kuwooda saboo lkaa)

Hadaba kan laga qaadayaa waakan maalqabeenkaa ee haysta maal gaaraya nisaab sidaan soo marnay, kanlagu celinayaana waakan isaga kasoo horjeeda waana kan saboolkaa ee anheli karin waxa uu haysto kan hodonka ahi, manajiro halkaan waxfarqiya oo udhexeeya faqiirka iyo mis kiinka markii loo fiirsho xaga baahida iyo xaga mutaysiga zakada, masaakiintu waa qayb kamida fuqarada waxayna leeyihiin tilmaan gaara waxana jira xadiis ayku sugantahay wax kutusinaya inay masaakiintu yihiin fuqarada, kuwaasoo kadhawr sanaya tuugsiga dadkuna aney garanayn inay baahan yihiin waxaana lagu sheegay aayaddaan soo xusnay, sababtoo ah waxaa laga yaabaa ina an lagaran siday udhawrsoon yihiin ama isu qurxinayaan,

Abii hureera waxaa laga weriyey inuu rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa hano qotee yiri (miskiinku maaha midka dadka kuwareegaya dushooda oo ay celinayso luqmad ama laba luqmadood, ama timir ama laba timrood, laakiin miskiinku waakaan heli karin qani nimo deeqda, la na garanayn (1) siwaxloogu sadaqaysto dushiisa, isuna taagayn suu dadka wax uweydiisto) waxa weryey bukhaari iyo muslim,

Ereybixin,

1-macnaa dadku magaranayaan inuu baahan yahay oo waxay arkaan dhawrsoonaantiisa iyo xi shoodkiida.

QIYAASTA LAGA SIINAYO MISKIINKA ZAKADA,

Waxaa la siinayaa wax kufilan baahidiisa dhexdhexaadkaa ama qadar kasaara sabool nim ada oo gaarsiiya wax kufilan, Cumar Ibnu khaddaab ayaa waxa laga weriyaa inuu yiri hadaad bixina ysaan hodonti nimo gaarsiiya, macnaa qofkii waxdhiibayaa hagaarsiiyo qofkuu waxsiinayo heer uu baahida ka boxo

Mulkiilaha aan heli karin wax kufilan baahidiisa,

Ninka haysta maal gaaraya nisaab noocyada maalka kuu doono ba hanoqdee, hadduusan toosin karin baahidiisa sababtuna ay tahay caruurtiisoo fara badan, kaasi waa hodon haddii loo fii riyo dhanka maalka oo nisaab gaaraya, waxana ku waajibaysa maalkiisa zako,waana faqiir hadii loo fiiriyo waxa uu haysto ee aan ku filayn baahidiisa, waxana la siinayaa zakada sida faqiirka,

Imaamu nawawi wuxuu yiri ninkii leh hanti maguurtaa (sida beeraha iyo guryaha magaalo) oo waxa kasoo galaa ka yaraado baahidiisa kaasi waa sabool waxaana laga siinayaa zakada wax u dhamays tira baahidiisa.

3 Dadka zakada kashaqeeya (caamiliin)

qaybta sadexaad ee lasoo dhowaynayo waa kuwa imaamka muslimiintu ama wakiil kiisu u diray inay kashaqeeyaan zakada soo ururinteeda, kanasoo qaadaan dadka maal qabeenkaa, waxa ana kuwaas soo gelaya kuwa xafidaya iyo kuwa raacaya hadday xoola nool yihiin, iyo kuwa liis gara ynaya oo ku qoraya diiwaanada, waa socotaa

 

Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn) ufayn@somalitalk.com

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip