
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 14-KA JANNAAYO 2024-KA
Madaxweyne Sheekh” Hal tilaabo hadii ay soo qaado Itoobiya Saddax tilaabo ayaan qaadaynaa”.
Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud ayaa markale uga digay dowladda It oobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho di yaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.
Xasan Sheekh ayaa cadeeyay in dowla dda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheeg ayo ay sha cab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada umm adda Soomaaliy eed.
"Dadka Soomaaliyeed ha u diyaar garooba an difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.” ayuu yiriMadax weyne Xasan Sheekh.
Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo mid nimadooda ayna muujiyaan isku duu bni,cada wgana hal meel ay uga soo wada jeestaan.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhaqanka Ito obiya ka soo muuqda uu yahay mid aan wann aagsaneyn, waxa uuna caddeeyay in dadka So omaaliyeed diyaar u yihiin in ay iska qabtaan dha qabka xun ee lasoo baxday Itoobiya.
Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo Shir gu ddoomiyay kulan guud ee G/Shacabka
Guddoomiyaha G/Shacabka BFS Md.Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehli yaan ku-xigeenadiisa ayaa Shalay waxaa uu shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulanka 9-aad ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka dib u eegista sharciga la-dagaalanka burcad badeeda iyo ka hortaga afduubka ee Shrciga Lr.36, 30 April 1975 oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arri maha Dastuurka Federaalka, waxaana Xildhibaa nnada Golaha Shacabka ay ka doodeen la da ga alanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soo maaliyeed, waxayna sheegeen in la xoojiyo Ciid anka Badda Qara nka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo su’aalo weeydiiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaa radda Ca daaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Md.Ax med Cabdiraxmaan Xasan, ayaa waxaa uu fa ah fahiyay muhiimada qaran ka ay u leedahay ilaal inta xeebaha dalka iyo la dagaalanka burcad bad eeda, isagoona ka jawaabay dhamman su’aalihii la weeyd iiyay.
Sidoo kale Xildhibaannada ayaa loo qeybi yay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyadda Ayniga Dhir Beereedka, iyo Hin dise Sharciyeed ka Xuquuqda Caruurta Soomaaliyeed. Gud she ekh Aadan oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada looga baahan yahay ilaalinta waq tiga iyo in ay kooramka soo buuxiyaan, isla-mark aana ay gutaan waajibaadka loo idmaday.
Duqa Muqdisho oo Laamaha Amniga iyo koox da Koonfur Galbeed la kulmay
Guddoomiyaha G/Banaadir Ahna Duqa M/ Mu qdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada Dhala nyaradda & Cayaaraha Dowlad Goboleedka K/Galbeed Salmaan Cali, Maamu lka, Macalim iinta iyo Cayaartoyda Xulka Koonfur Galbeed oo Dorraad dhibaato kala kulmay dhaliny aro dhagxaan ku weeraray.
B/2aad |
Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudd oomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaa sadda Gobolka Banaadir Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiyaha Xiriir ka Kubad da Ca gta Soomaaliyeed Md. Cali Shiino iyo mas’ uuli yiin ka kala tirsan Maamulka Gobolka Bana adir iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
—DHAMMAAD
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowl adda Soomaaliya oo ka hor yimid damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya
R/wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan wasiiro iyo Xildhi baanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya ee ku matala gobollada Waqooyi do wladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ku sheegga Addis ababa ku dhex maray Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.
War saxaafadeed baxay kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xuk uumadda Federaalka, xubno ka tirsan Xukuum adda, Xildhibaannada labada aqal ee gobolla da Waqooyi ayaa lagu diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qeybo ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.
Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee XFS iya Md. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo akhriyay bayaanka ka soo baxay ku lan ayaa sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay bixiso taako kamid ah dhulka iyo badda Soo maaliyeed, lana aqbalo doonin heshiis beenaad ka Addis ababa ku dhex maray Abiy Axmed iyo MuuseBiixi.
Bayaanka ka soo baxay kulanka ayaa lagu taa geeray wada hadallada Soomaaliya iyo Somali land oo lagu heshiiyay in dib loo ambaqaado, waxaan walaac laga muujiyay tallaabooyinka qar iska tuurka ee ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Wa xaana shir saxaafadeed lagu sheegay in dhulka Soomaaliyed uu yahay dhaxal Ummadda Soom aaliyeed, ayna jirin cid gaar ah oo u xil saaran inay gorgortan kala gasho dowlad kale
Xeer Ilaalinta Qaranka oo loogu baaqay in ay soo xiraan Muuse Biixi oo ku kacay Qiyaano Qaran
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS Ma xamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kulul uga soo horjeestay heshiiskii uu madaxweyna ha maamulka Somaliland u sax iixay dowladda Itoobiya.Jawaari ayaa sheegay in madaxweyn aha So maliland uu galay qiyaano Qaran, waxa uuna u gu baaqay xeer ilaalinta Qaranka in shaq ad ooda qabsadaan oo soo xiraan Muuse Biixi uu ku til maamay dambiile gal ay qiy aano Qaran oo weyn.
"Xeer ilaaliyaha guud muxuu qabanayaa? ma ha boon tahay in dacwad lasoo oogo ha yimaado ama yuusan imaan, maxkama dna la geeyo isaga oo maqan xittaa waa la xukumi karaa kadibna meesha lagu arko ayaa laga soo qabanayaa” ayuu mar kale yiri Jawaari.
Waxa uu sheegay Jawaari in qiyaano Qaran qofkii ku kaca marka loo eego xeerka ciqaabta Soomaaliyeed in xukunkiisa uu yahay dil , waxa uuna tilmaamay falka uu Muuse Biixi ku kacay uu Itoobiya ku siiyay dhul Soomaa liyeed ay tahay qiyaano Qaran oo weyn.
"Xeerka ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu qoray aa qof alla qofkii gobonimada Soomaali yeed q ayb kamid ah ama kulligeeda hoos gee ya do wlad kale oo ajnabi ah wuxuu ku kacay Khiyaano Qaran, xukunkeedana waxaa waay ey dil” ayuu yiri guddoomiye hore Jawaari.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya ayaa sheegay in kiiskan uu galay Muuse Biixi aysan u baahneyn cadde ymo badan uuna isagu qiraal ka yahay uuna ku faa nayo in dhul Soomaaliyeed cadawga Itoobiya u saxiixay in ay qaataan.
Jawaari ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shac abka Soomaaliyeed inay iska diidaan damaca dowladda Itoobiya ee ku aaddan in ay qaataan dhulka Soomaaliya, isagoona dhinaca Somalil and shacabkeedana ugu baaqay in arrintan ka dhiidhiyaan. Xigasho:-Allbanaadir.org
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo la kul may Guddoomiyaal Maxkamadeed iyo Garsoorayaal
Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Md. Baashe Yuusuf Axmed, ayaa Shalay la shiray guddoomiyeyaasha iyo Garsoorey aasha Maxka madaha Racfaanka iyo Gobalka Banaadir oo ay ka wada hadleen dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee sanadka cusub 2024 horyaala Maxkamadaha maadaama muddo bil ah ay ka soo laabteen fasaxii sanadlaha ahaa ee Gar soorka.
Guddoomiye Baashe oo hal kaas ka hadlay, ayaa wuxu bo ggaadiyey shaqadii uu Gars oorku qabtay sanadkii hore, waxaana uu tilm aa may in sanadkan cusub na loo baahan yahay in la sii lab an laabo dedaalkii hore gaar ahaan fu dudeynta dacwadaha, isla xisaabt anka, ilaalinta wakhtiga, iyo in bulshada la ga arsiiyo adeeg cadaaladdeed oo aan daahis lahayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyeyaasha iyo Garso oreyaasha oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa muujiyey inay diyaar u yihiin gudashada waajiba adka qaran iyo mas’uuliyad aha horyaala iyaga oo rajeeyey in sanadkan cusub uu ugu bilan doo no dar-dar hor leh iyo gaadhista wax-qabad muu qda oo dhinaca dacwadaha ah kaas oo ka badan midkii sanadkii hore ee 2023.
Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyay falkii lagula kacay ciyaartoyda Koonfur Galbeed
Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sird oonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxa med Sal aad ayaa Shalay qaaday tallaabo deg deg ah oo ku aadan falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bee gsday xulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Taliyaha oo booqasho u gu tegay ciyaariyah annada Koonfur Galbeed iyo hoggaankooda ayaa raalligelin buuxda ka sii yay falkii Dorraad lagula dhaqaaqay, kadib markii ay weerar ku qaadeen koox kamid ah dadweynihii tegay garoonka ee daawanayay ciyaartii soo dil aa tay.
Mahad Salaad waxaa booqashadaan ku we hlinayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaar aha xuk uumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Ba rre Maxamuud, waxaana la sheegay in inta bad an la qanciyay xulka Koonfur Galbeed oo horay u sheegay inay ka baxeen tartanka.
Sidoo kale ma’suuliyiintan ayaa ballan qaad ay in wax badan laga beddali doono amniga Sta dium Muqdisho, si aysan u dhicin dhiba atadii loo gaystay xulka Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciy aaraha ee maamulka Koonfur Galbeed Sa lmaan Shuceyb Cali oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la yeesheen Mahad Salaad ayaa sheegay in ay guddoomeen raalligelinta
"Waxaa Shalay hotel sanaag Nagu soo boo qday Taliye mahad salaad oo raali galin ka bi xiy ay dayacii amni Dorraad loo geystay ciyaa rto yda xulka koonfur galbeed waana ka gudo onay raali galinta taliyaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri Salmaan Shuceyb Cali.
Falka lagula dhaqaaqay xulka K/ Galbeed ayaa sabay dhaawac soo gaaray qaar kamid ah ciaartoyda iyo burburinta baabuurkii ay la soc deen, taas oo dhalisay caro xoogan.
Waa markii labaad oo la weerarayo xulka Koonfur Galbeed, waxayna ahayd 2020-kii markii sidaan oo kale loo weeraray xilli ay kasoo bax een ciyaarta, taas oo dhalisay tuhun xoogan.
Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sano ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga ee M/ Baydhabo
Yuusuf Xasan Cusmaan oo magaciisa afgar ashada ee Khawariijta loo yaqaano u yahay (Di yaarsane) oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ee xaruntiisa M/ Baydhabo.
Yuusuf Diyaarsane oo muddo 15 sano ah khawariijta ku jirey gaar ahaan laga soo bilaabo midowgii Maxkamadihii isku badaley Hisbul Islaam, Raaskanbooni iyo Hada oo uu kamid ahaa maleeshiyada Shabab ayaa biirey 2009-kii isaga oo markaas ka raacay degaanka Buulla Fulaay.
Waxaa uu u qaabilsanaa Jabhada, isago ona ka qeyb qaatey dagaalo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Baay, Bok ool, Mud ug, Galgaduud, Hiiran, Shabeeloo yinka, Juboo yinka iyo gobolka Banaadir.
Waxaa uu sidoo kale kasoo dagaalamay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya. Yuusuf oo haatan dhaawac ah ayaa isku soo dhiibey ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed kadib markii uu adkeysan waayey xaalada naf la caariga ee ay ku sugan yihiin maleeshi yaadka u dagaalama kooxda gabal-geedu dhacay ee khawaarijta.
C/C/Shakuur oo shaaciyay habka keliya ee Soomaaliya uga adkaan karto Itoobiya
Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soom aali ya ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xii sadda u dhexeysa dalalka Sooma aliya iyo Itoo biya ee ka dhalatay heshiiskii badda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jee diyay iyo sidoo kale hab la’isaga difaaci karo do wladda Itoobiya oo xadgudub u gaysat ay madax bannaanida Soomaaliya.
Xildhibaana ayaa sheegay in go’aanka kasta oo la gaarayo ay muhiim tahay inuu ka soo baxo goleyaal rasmo ah, sidoo kalena laga fiirsado qaabka iyo goorta la jeedinayo.
Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’a annadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, la gana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga jee dinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hada lka iyo go’aanka uusan noqon kan uguhorre eya” ayuu yiri Xil. Cabdiraxmaan
Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammey stiran:-
In dalka la difaaco waa masuuliyad wadare ed iyo waajib qaran, laakiin qaabka lagu difa ac ayo waa in uu siyaasad, istiraatiijiyad iyo qor she leeyahay. Tilaabooyinka la qaadayo waa in ay kala horreeyaan, mid kastana natiijadiisa laga gungaaro.
Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’a an nadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lag ana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga jee dinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hada lka iyo go’aanka uusan noqon kan uguhorr eeya.
Loollanka labada dal, Itoobiya mar walba wa xay ka faa’iidaysan jirtay halka aan ka tabar yar na hay oo ah diblomaasiyadda, dan isku tolidda dawladaha kale iyo falcelinta qar iska tuurka ah. Waa in taariikhdu na waanisaa oo aan iska dhisnaa halkii aan ku taa gta darnayn, tayaynaana halkii aan ku xooganayn.
Caqli-gal maaha in lagu socdo sidii uu xaalku ahaa ka hor inta ay Itoobiya ku soo xadgudbin gobonimadeenna.
Ilaa iyo haatana ma muuqato isbedel aragti, isiraatiijiyad iyo habdhaqan hoggaan oo la jaa nqaadi kara marxaladda cusub. Hawshu waa in ay midnimo iyo muunad qaran yeelataa, xukuum aduna noqotaa mid difaac qaran, halgankana l aga dhigo mid hiigsanaya himilo qaran.
Xildhibaanada K/Galbeed oo qaaday tallaa bo culus kadib arrintii dhacday
Xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada K/Galbeed Soomaaliya oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadii Do rraad qabtay xulka K/Galbeed oo weerar culus la gu qaado markii ay soo dhammaatay ciyaartii ay la lahaayeen dhigooda G am udug. Xildhibaanadda ayaa si weyn uga carooday falkaasi oo ay ku tilmaam een in markii labaad lagu beegs aday ciyaarahan nada K/Galbeed Soomaaliya.
"Anaga Oromo miyaa nahay mise Tigree, Max aa wiilasheena loo dilayaa” ayay tiri Xil dhibaan Maryan oo kamid ah xubnaha la hadlay Wariye yaasha Muqdisho. Dhankiisa Xildhibaan Cabdira shiid Jiley oo madasha ayaa ka hadlay ayaa si weyn u camba areeyay weerarkaas oo si xun loo gu dhaawacay qaar kamid ciyaartoyda. "Waxaan si aad iyo aad ah u cambaar eyna yaa falkii wuxuushninada ahaa ee ka dhacay Dorraad ciyaaraha run ahaantii arrin qurux badan ma ahan” ayuu yiri Cabdirashiid Jiley. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaan ada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay gudbin aya an mooshin ka dhan ah wasaaradda dhalin yara da iyo ciya araha, si loogula xisaabtamo falkaasi.
Falkaas dhacay oo la gabay amnigii la rabay in la ilaaliyo waa inoo qof u baxaa mooshin aya an hadda gudbinay oo wasaarad da dhalinyarada iyo ciyaaraha saacadaha soo socda ayaa gaar siineynaa guddoonka wuu qoran yahay moosh inka” ayuu mar kale yiri.
Waxaa kale oo uu si weyn u eedeeyay hay’ adaha amniga oo uu tilmaamay inay dayac een amniga ciyaartoyda K/Galbeed ee lagu dhibaate eyay garoonka bannaankiisa.
"Saas oo kale kuwa amniga qaabilsan iyag ana mooshinka ayaan marsiineynaa wasaara dda amniga ayayna hoos yimaadaan” ayuu kusii daray xildhibaanku.
Si kastaba, Booliska Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay wadaan baaris ku aadan weer arkan oo noqonayo kii 2aad ee lagu beegs ado ci yaatoyda K/Galbeed oo haatan go’aan ku gaaray inaysan mar kale ka qayb-gelin ciya araha ka dhacaya Muqdisho
Shirka Xoghayeyaasha Baarlamaanka Jaam acadda Carabta oo lagu taageeray Sooma aliya
Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ay aa Shalay ka qeybgalay shirka Golaha fulinta ee Xoghayayaasha Jaamacadda Carabta oo ka dha cay M/Dooxa ee dalka Qat ar.kulanka Xoghayaya asha oo uu shir guddoomi nayay Guddoomiyaha guddiga fuli nta Dr Axmed Bin Naasir Al Fadaala, iyo Gudoo miye Ku-xigeenka Dr Axmed Manaac. ayaa wax aa ka soo q eygalay dhammaan xubnaha Guddi ga ayaa wax aa looga hadlay mudeynta kulanka guud iyo Ajen dayaasha hortabinta u leh Hay’ad da Xoghayayaa sha Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale kulanka guddiga fulinta ee Xogh ayayaasha Jaamacadda Carabta ayaa waxaa looga hadlay arinta Falastiin iyo Xadgubka Dowl adda Itoobiya ay kula kacday JFS, waxaa ayna is la qaateen in la garab istaago dowladda iyo sha cabka soomaaliyeed, difaaca midnimada iyo qara nimadda Soomaaliya.
Ciidamada Amaanka D/Jalalaqsi oo gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dilka Xaaskiisa
Ciidamada amaanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameyeen xaafadaha degmadaas kusoo qabtay nin la sheegay inuu dilay Xaaskiisa.
Eedeysanaha gacanta lagu soo dhigay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi Cismaan ayaa la sheegay inuu si naxariis daro ah uu u dilay Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Maryama Nuur Mayle.
Dilka ninkaan uu u geystay Xaaskiisii ayaa la sheegay inuu ka dhashay Maseyr, waxaana in gacanta lagu dhigo ka qeyb qaatay dadka sha cabka ah.
Maamulka D/Jalalaqsi ee G/ Hiiraan ayaa she egay in eedeysanaha ay ku socdaan baaris, isl amarkaana la hor keeni doono cadaalada.
Meelo badan oo ka mid ah gudaha Soomaa liya waxaa sanadahii dambe kusoo kordhaayay dilalka argagaxa leh oo aan horay loo arki jirin.
Masuul goordhaw lagu dilay M/ Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya
Kooxo biskoolado ku hubeysan ayaa goo rdhaw agagaarka Ex-koontarool Afgooye ku dilay masuul katitsanaa maamulka degm ada Dhar keenley ee gobolka Banaadir, waxa ana dilka kaddib baxsaday kooxdii ka dambeysay falkaasi dilka ah.
Sida aan wararka ku hel nay dhallinyaro biskoolado ku hubeysnaa ayaa qaarka sare ee jirkiisa rasaas kala dhacay Xassan Cali Gacal( Moosow) oo ahaa madaxa fasaxyada dhism aha iyo sidoo kale gac an yaraha guddoom iyaha degmada Dharke enley.
Goobjoogayaal goobta dilku ka dhacay ka ag dhawaa ayaa sheegay in Xasan Moosow la dilay xilli uu kasoo baxay gurigiisa kuna sii jeeday goo btiisa shaqada, waxa ayna tilmaam een in dilka geesteen saddex nin oo dhalli nyaro ahaa.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta di lka uu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halk aasi ka sameeyeen baaritaano aan lagu guule ysan in lagu soo qabto raggii dilka geestay oo goobta si deg deg ah uga baxsaday.
Ammaanka M/ Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe soo haggaagayay, waxa ana aad u yaraa dilalka ay geestaan kooxha ahubeysan, waxaana M/ si weyn uga howlgalayay ciidamo katirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.
Dowladda Jabuuti oo ka hadashay Go’aan ka Koonfur Afrika ICJ uga dacwey say Israa’iil
Dowladda Jabuuti ayaa si weyn usoo dhawey say go’aanka dowladda Koonfur Afrika ku dacw eysay maamulka Israa’iil oo ciidankiisa xasuuq ba’an ka geestay M/ Gaza ee dhulka reer Fala stiin.
Qoraal kasoo baxay dowl adda Jabuuti ayey kusoo dhaweysay kuna taageertay kiiska dacw ada ka dhanka ah maamulka Israa’iil ee dowladda Koonfur Afrika horgeysay maxkam adda Caddaaladda ee ICJ.
"Waxaan hambalyeynaynaa go’aanka Dowl adda koonfur Afrika, kaas oo wax weyn ka badali doono dagaalka ka socda dhulka Falasti iniyiinta.
Waxa aan rajeyneyna inuu soo gabag abeeyo xasuuqa ka socda Qaza ka oo aay gay sanayan Israa’iil” ayaa lagu yiri warka dowla dda Jabuuti kasoo baxay.
Maxkamadda ICJ ayaa bilowday dhageys iga dacwad ka dhan ah maamulka Israa’iil, wa xaana dacwadan oo ah mid xad-gudub iyo tacadiyo ciidamada Israa’iil ka geesteen mag aalada Gaza ay wali shacab ku leynayaan.
Maraykanka oo soo dhoweeyay shir madax eedka IGAD ee xiisadda Itoobiya iyo Soom aaliya
Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay shir madaxeedka IGAD oo dhici doona 18-ka bi shan Janaayo, kaasoo looga hadli doono he shiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.
"Waxaan soo dhaweyneynaa shir madax eed ka IGAD ee 18-ka Janaayo ee looga hadl ayo xiis adaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan," ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibba da Maraykanka. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay taageerada uu Maraykanku u hayo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Sooma aliya. Dalka Jabuuti oo hadda ah Gudd oomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaca ka qaa day in uu furmayo shir aan caadi ahayn oo looga hadlayo xiisadda ka dhex aloosan dala lka Itoobiya iyo Soomaaliya iyo xaaladda Suud aan.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaa shi ga caalamiga ah ee dalka Jabuuti ayaa war sa xaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in shir ma daxeedkan uu ku baaqay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo sidoo kale ah gud doomiyaha urur goboleedka IGAD, waxaana 18-ka Janaayo 2024 martigelinaya madaxwe ynaha Uganda Yoweri Museveni.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shir madaxeedkan looga hadli doono laba arrimood oo waaweyn oo kala ah, Xiisadda sii xumaanay sa ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Soom aaliya ee ku saabsan heshiiska Itoobiya la ga shay Somali land iyo caqabadaha siyaasad da iyo amniga ee Suudaan.
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in diid mada Soomaaliya aanu u istaagi doonin hesh iiska Itoobiya
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in he shiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya aanu u istaagi doonin diidmada ay dowlada federaalku ka muujisay.
Wasiirka Arrimaha Diba dda Somaliland D.r Ciise Kayd Maxamuud oo wa rbaahinta la hadlay, ayaa sheegayin in dowlada federaalku anay awood u lahayn in ay hor ista agto heshiiska, talaabo kasta oo ay qaado.
"Xukuumada Villa Soomaaliya oo maalmihii dhawayd meelwalba ordaysay adduunyada oo sheegaysay in ay leedahay Somaliland, waxaynu ognahay in anay kari karin ay gobolka Banaadir ay maamusho, sidaa darteed Xasan Sheekh Ka ma hadli karo, Somaliland iyo xidhiidhada ay ca alamka la galayso" ayuu yidhi Wasiir Kayd.
Wasiirku waxa uu sheegay in Somaliland ay sannadkan dadaal badan ku bixisay aqoonsi ra adinta, waxa uu sheegay in ay garaaci doonaan albaab kasta oo Somaliland ay dani ugu jirto, isla markaana anay u joojin doonin cadaadiskasta iyo cidkasta oo kasoo horjeedsata.
Isfahamka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya oo qalinka lagu duugay 1, bishan, ayaa aad uga cadhaysiiyay dowlada Soomaal iya, iyada oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Itoobiya ku tilmaa may cadaw doonayo in uu burburiyo midnimada dhileed ee Soomaaliya.
Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in heshiisk ani aanu waxba ka duwanayn hesh iiskii uu Im aaraatku ku maalgaliyay dekeda Ber bera, isla markaana aanu cidna u gaysanayn waxyeelo.
Mareykanka oo mar kale niyad jebiyay Itoob iya taageerana u muujiyay Soomaaliya
Dowladda Maraykanka ayaa mar kale adke eysay in si aanan ka leex leexad lahayn uu u taa geersan yahay madax bannaannida iyo wadaj irka dhuleed ee Soomaaliya, kana soo horjeedo in lagu xad-gudbo.
Qoraal kasoo bax ay dowladda Mareyk anka ayey sidoo kale ku sheegtay inay soo dhawaynayso shirka madaxda IGAD ee 18-ka bi shaan lagu dhawaaqay in uu ka dhacayo dalka Uganda ee looga hadlayo xad gudubka Ethiopia.
"Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxee dka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan. Maraykanku waxa uu taa geerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiya ha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki ee ah aa, in la qaboojiyo colaadda Sudan lana wada ha dlo isla markaana la helo xabbad-joojin iyo xal la ga gaaro dagaalka ka socda Sudan” ayaa lagu yiri qoraalka Marey kanka kasoo baxay.
Mareykanka ayaana kamid ah dowladaha waa weyn ee kasoo horjeestay heshiiskii Ra’isil Waaaraha Ethiopia la galay galay madaxwe ynaha Somaliland, heshiiskaas oo Abiy ku doon ayo in ay ku helaan qeybo kamid ah biyaha badda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaana horey si cad uga soo horjeesatay damaca waalida ah ee dow ladda Itoobiya ku dooneyso in ay ku qaadato qe ybo kamid ah dhulka Soomaaliya, iyaga oo mar marsiiyo ka dhiganaya heshiis beenaad ka dhac ay Adis Ababa.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo dhaw eeyay heshiiskii is afgarad ee ay wada gaa reen Itoobiya iyo Somaliland
Xukuumadda DDS ayaa marki ugu horreysay ka hadlay heshiiska is afgarad ee dhinaca badda ah, kaas oo horaantii bishan ku dhex maray Ad dis Ababa Dowladda Itoobiya iyo Soma liland.
Haddaba Madaxweynaha DDS Mustafe Cagjar oo galinkii dambe ee Dor raad la hadlay Warb aahinta degaanka ayaa sh eegay in loo baahan yahay dekad uu dalku isti cmaalo, isagoo dhinaca kale soo dhaweeyay he shiiskaas is afgarad ee toddobaad ka hor wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn xusay in dalka Itoobiya uu dadkiisu qiyaastii ka badan yihiin 120 milyan oo qof uu ku tiirsan yahay dek adaha dalalka deriska la ah Itoobiya, isagoo shee gay in heshiiskan is afgarad uu faa'iido u leeyah ay dalka Itoobiya gaar ahaana degaanka Soom aalida oo kamid ah dalka Itoobiya uu faa'iido gaar ah u leeyahay maada ama xoolaha u badan deg aanka laga dhoofiyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale aheegay in heshiiskani dhinaca badda ah ee ay wada gale en Itoobiya iyo Somaliland uusan cid gaar ah duu laan ku ahayn, balse uu yahay kaliya iyadoo he shiis lagu yahay in la kala faa'iidaysto oo la is dhaafsado dhaqaalaha iyo wixii khayraad ah, isa goo xusay in heahiiskani uu faa'iido weyn u lee yahay labada dhinac ee heshiiska wada galay waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Ugu dambayn, waxa uu Madaxweynuhu shee gay isagoo la hadlaya shacabka degaan ka Soomaalida inaan marna lagu milmin cidda isku haysa arrimaha Badda ee khilaafku ka jiro, isagoo xusay in shacabku ilaashadaan Amniga oo ay ka hortagaan wixii qalalaase keeni kara ee la xiriira arrimahan Badda, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli ay kacsan tahay xiisadda ka dhal atay heshii skii ay dhawaan wada gaareen Itoo biya iyo So maliland ee dhinaca Badda, taas oo keentay in khilaaf xooggan uu soo kala dhexgalo Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna Md Cagjar noqonayaa Madaxweynihii u horreeyay ee Soomaali ah ee ta ageera heshiiskan u dhaxe eya Itoobiya iyo Som aliland.shacabka DDS ayaa arrinta badda ku kala aragti duwan marka la ga yimaaddo kuwa kasoo muuqday Warbaahinta DDS dadka int iisa kale waxay si buuxda uga soo horjeedaan heshiiska
Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada bad da Mareykanka oo lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya
Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la la’yahay xilli ay howgallo ka wadeen xeebaha Soomaaliya Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee dowladda Mareykanka.
Bayaan kooban oo lasoo saaray ayaa lagu sheegay in hawlgalka baadigoobka iyo samat abbixinta uu socda si loo helo badmaaxiinta.
Bayaanka laguma sheegin macluumaad dhe eri ah oo ku saabsan shaqada ay badmaaxii ntu ku jireen markii la waayayay.
"Ixtiraamka loo hayo qoysaska ay kasoo jeed aan badmaaxiyiinta, ma sii deyn doono macluum aad dheeraad ah xilligan," ayaa lagu yiri bayaan ka kasoo baxay taliska dhexe.
Badmaaxayaasha la waayay, ayaa kusoo aad ay xilli uu Maraykanka badda cas ka wado ho wlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta oo halista ku ah maraakiibta Maraykanka.
Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diiradda saara khat arta kooxda Al-Shabaab.
Ukraine oo sheegtay in 4 muwaadin ay kaga jireen shaqaalihii la socday diyaaradii Shaba ab u gacan gashay
Afar qof oo u dhashay Ukrain ayaa kamid ah aa shaqaalihii la socday diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Q/ Midoobay oo dhawa an ay Al-Shabaab ku qabsatay barta ma ha Soom aaliya, sida ay sheegtay wasaar adda arrimaha dibadda ee Ukraine. "Muwaadi niintayadu waxay xubno ka aha ayeen shaqaal aha helikobter-ka ee howlg alka Q/Midoobay ee Soomaal iya ...Aqoon sigoodu
waa la ogaaday," ayuu afhay een u hadlay Uk raine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko ku soo qoray Facebook.
Waxa uu sheegay in diyaaradan ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo laga leeyahay dalka Ukraine oo qandaraas la gashay Qaramada Midoobay.
Ilo dhanka ammaanka ah ayaa goor sii hore ysay u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reut ers in sidoo kale ay la socdeen muw aadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii she egtay inay ku howlan tahay soo furashada la hay stayaasha, balse quburada ammaanka ayaa she egay inay adkaan doonto in lasoo furto shaqaala ha diyaaradda la socday.
Qoraal Qaramada Midoobay kasoo baxay ay aa lagu sheegay in hal qof oo diyaaradda heli copter-ka saarnaa la dilay lixna la qafa ashay. Waxaa la sheegay in labo qof ay carar een oo aa la ogeyn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.
D/Itoobiya oo lagu eedeeyay xasu uq wadar eed ka dhan ah Qowmiyad aha daga dalkaas
Isticmaalka aan loo meel dayin ee diyaarada ha aan duuliyaha lahayn (UAVs) ee Itoobiya, gaar ahaan ujeeddooyinka dagaalka, ayaa noqd ay masiibo bini’aadantinimo oo ba’an oo u baa han in caalamku wax ka qabto. Tan iyo markii uu qarxay dagaalka Tigray bishii Noofambar 2020, kumannaan qof oo rayid ah ayaa si xun loogu wa xyeeleeyay duqeymo ay diyaaradaha aan duul iyaha lahayn ee hawada ka goobaha ay ku noolaayeen. Weerarkii bahalnimada ahaa ee dha waan lagu qaaday xarun dugsi oo ku taal Ded ebit, Tigray, 07 Janaayo, 2022, ayaa la xaqiijiyay in halkaas oo lagu dilay in ka badan 55 qof oo rayid ah oo gabbaad halka asi ka dhigtay.
Weeraradani waxay tusaale cad u yihiin isticmaalka sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhanka ah dadka ray idka ah.
In kasta oo uu si rasmi ah u dhaqangaley he shiiskii colaad joojinta gobolka Tigra,2022-kii, haddana waxaa jira warar sheegaya in ciidamm ada dawladdu ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn geeyeen gobollada Oromia iyo Amxaara da, tallaabadaas oo sababtay khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah.
Taliyaha Ciidamada Difaaca ee Itoobiya (EN DF), General Birhanu Jula, waxa uu qirayaa in weerarada diyaaradaha aan duuliy aha lahayn keliya loo adeegsado kooxaha dowladda ku kac san, isagoo beeninaya in shacab lagu beegsa dey. Hase yeeshee dhacdooyin dhowr ah oo la xaqiijiyay ayaa burinaya dafiraadda uu same eyay.
Dhacdooyin ay ka mid yihiin weerar ay diyaa radaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen kaniis adda Full Gospel ee ku taalla Kombolcha ee gobolka Oromia, oo ay ku naf waayeen siddeed qof, iyo weerar lagu qaaday baabuur kuwa garga arka degdegga (ambulance) oo sahay caafimaad u siday gobolka ama degaanka Amxaarada, oo ay dhasheen dhimashada shan qof, ayaa ka tarj umeysa sida aan ka fiirsiga lahayn ee loo bee gsanayo dadka rayidka ah ee aan waxba Sha laysan iyo burburinta kaabayaasha muhiimka ah.
Qaramada Midoobay ayaa diiwaan gelisay dqeymo badan oo siyaaradaha drones-ka loo adeegsadey , kuwaas oo sababay dhimashada dad rayid ah. Weeraradaasi waxaa ka mid ah mid lagu qaaday goob basaska laga raaco iyo du gsi hoose, taas oo muujineysa xaqiiqada naxdi nta leh ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Waxaa cad in duqeymaha ay geystaan diya aradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladdu ay jebinayaan shuruucda caalamiga ah ee ilaal inaysa dadka rayidka ah xilliyada dagaalka.
Waxaase ka sii daran sida muuqata in dow ladda aaney wax dan ah ka gelin inay xaal ma riso dhibaneyaasha iyo qoysaskooda, iya doo si cad loogu diido inay helaan caddaalad ama mag dhow laga siiyo ehelka kaga dhintey weerarada dowladda.
Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka ee lagu beegsanayo shacabka ama ciidamada dagaalka ku jira ayaa loo arkaa mid khatarteeda wadata, taas oo ay ugu wacan tahay khaladaadka dhici kara, iyo isla xisaabtan la’aanta, iyo maqnaanshaha nidaamka saxda ah marka ay dhacaan falal laga baaqsan karey.
XIGASHO ADDIS STANDARD
Haweeneyda cuntada ka caagan muddo 50 sanno ah iyo waxa ay isticmaasho !
Haweeney 75 jir ah oo dalka Fiitnaam u dhalatay ayaa sheeganaysa inaysan wax cunto ah afkee da gelinin muddo 50 sannad ood ah oo ay kaliya ku nooleyd biyo ay cabto sida sharaabka casiirka ah. Ms. Bui Thi Loi, oo ku no ol Loc Ninh – in kasta oo da’ ay ta hay – haddana muuqa alkeedu aad buu u qurxoon yahay. Waana waxa dad badan ka yaabiyay! Waxay sheeganaysaa inaysan afkeeda gelin cunto oo dhan balse ay biyo macaan ku samata-baxday muddo nus qarni ah. Sannadkii 1963 ayay sida ay tiri bilowday inay biyo un cabto.
Iyada iyo saaxiibadeed oo ku jira howlgal gur mad u fidin ah oo loo sameynayay askar dhaa wacan ayaa waxaa ku dhacay gugac. Way miir-daboolantay muddo badan wayse badbaaday. Balse xaaladeedu marnaba siima noqon sidii ay hore usii ahaan jirtay. Maalmo badan waxba ma aysan cunin. Saaxiibadeed ayaa markaas kaddib bilaabay inay ku qulaamiyaan biyo macaan si ay ugu noolaato!
In yar kaddib dhacdadaas, way sii wadday in ay sidii hore wax u cunto gaar ahaan khudaarta waayo waxaa ku cadaadin jiray xigtada iyo saax iibada – iyaduse gaajo uma heyn. Sannadkii 1970 ayay, si kastaba, toos uga caaganaatay raa shiinka oo dhan. Shalay firinjiyeerkeeda waxaa kaliya loogu tagayaa caagado biyo ah oo kala duwan.
Waqtigii ay nuujinta ku jirtay, maadaama ay san cunno nafaqo leh cuneynin, waxay haw een ka kale weydiisan jirtay inay caano u siiya an ilm aheeda.
Sheekada Ms. Bui Thi Loi’s ayaa ku baahd ay dalka Fiitnaam oo dhan maadaama sheekade edu ay mar la’arag ka tahay gudaha dalkaas
Shimbiro Beddelkii Eeyaha Ilaalo Looga Dhigayo Xabsiyada Dal Dambii Layaasha Ku Badan Yihiin
Xabsi ku yaalla dalka Brazil ayaa – beddelkii eeyaha – wuxuu adeegsanaya haadda nuuca aad duuli karin ee digaagta la bahda ah. Laakiin halkii sida eeyaha ka eryan jireen ama ka qeylo dhaamin lahaayeen, waxay shimbirahani yeeri nayaan ci’dii ama dhawaqii lagu yiqiin digaag adaha.
Marwalba oo qof isku dayo inuu xabsiga ka baxsado, la-yaab malahan inay qeyliyaan. In kasta oo casriga maanta ay aad u adag tahay in xabsi laga baxsado maadaama tiknoolojiyadda casriga ah ay wax walba ka dhigtay fudeyd, had dana waxaa lama huraan in aadanuhu yeesho beddel uu ku kabi karo ama uu xattaa mararka qaar kaga maarmi karo teknoolojiyadda.
Bani aadanka iyo eeyaha in loo adeegsado ilaalo ahaanna waa arrin soo jireen ah. Balse hadda waxay xabsiyada qaar tijaabo gelinayaan suuragalnimada in digaagga qaarkiis ilaalo looga dhigan karo xabsiyada. Sababaha ay ku doorte en waa dhowr: waxaase ugu mudan qiimo jabnaantooda. Halkii eyga laga yaabo inuu ku kaco lacag badan soo iibsigiisa, digaaggani waa raqiis. Waxaa kale oo lagu soo warramayaa inay sidoo kale aad u digtooni iyo caaboonaan badan yihiin.
Nuuca digaaggan hadda ilaalo looga dhigay xabsiyo qaar oo ku yaalla Brazil waxaa lagu she egay dhego-fudeyd xagga maqalka ah. Waxaa la tilmaamay inay aad u wax maqli og yihiin. Sidoo kalana awoodi karaan inay u falceliyaan si dhaq so leh. Waxaana dhawaaqooda durba ku baraar ugaya ilaalada caadiga ah kuwaas oo falcelin halhaleel ah ka bixinaya dhiillada soo korortay oo ay ka digeen digaaggu!
KHATAR KUSOO FOOL LEH DHUL KA SOOM ALIYEED IYO SHACAB KIISA
HORDHAC:-Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo Laga soo bilaabo dabay aaqadii qarnigii 19-aad ilaa xornimada Soomaal iya 1960-kii, dadka Soo maaliyeed ee ku noolaa bariga Afrika waxay ku hoos noolaayeen gumeysteyaashii Ingiriis ka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoob iya. Boqorto oyada Midowday (UK) waxay gacanta ku dhigtay dhulka Ogadeniya oo Itoobiya gumeysan eysay dagaalkii labaad ee aduunka ka hor. Dhulkaas ayaa UK dib ugu celisay Itoobiya dagaalka ka dib, balse laguma xadin wax dhaafsiisan xad KMG ah oo khariidada ka muuqanaya (—–). Oga adeeniya, ama Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaa degan qowmiyado Soomaali ah, xudu udka caalamiga ahina waa mid aan la calaamad ayn oo aan si dhab ah loo arki karin dhulka. Laga soo bilaabo 1960 ilaa Shalay, gobolka Ogaadee nya wuxuu ahaa meesha ugu horraysa ee ay ka aloosan tahay xurgufta qotoda dheer ee labada Dawladood.
Xudduudaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaliay ayaa kala ah kuwa aan la kala leen ahay:
1- Shacabka Jabuuti oo waqooyi Galbeed oo Soomaaliya dhaca oo aaan la leenahay 600km
2- Ethiopia Galbeed ayaan xuduud kala leenahay dhan 1650km
3- Kenya Koonfur Galbeed xuduud dhararke edu yahay 700km
4- Gacanka Cadmeed dhan waqooyi xuduu dda dhererkeedu waa 940km ku dhaw aad
5- Badweynta Hindiya oo bari naga xigta 2,393km ku dhwaad.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa laga doo nayaa in ay bartaan dalkood iyo xuquuqda uu ku leeyahay iyo midda ay ayagu ku leeyihiin. Waxa kale oo laga rabaa in ay ogaadaan dalkaan in awoowe yaashood ay ka difaaci jireen cadowga ku soo duuli jiray oo doonayey in uu gumeysto daka diintana ka saaro.
Haddaba, hadda waxa socda fulinta qorshe boqolaal sano ka hor gumeys tuhu dejiyey oo ah aa in Soomalida la kala jarjaro oo la qabiyo la’I sku diro ka dibna wixii la doono laga sameysto. Wey bilaabatay oo waad aragtaan wa xa dhaca yo, ee ah in dhulkii Soomaali u dhexeeye qof ka mid ah Soomaalida uu ku dhiirado in uu iibiyo kuna iibsado wax dhammaan kara illeyn dhulku ma dhamaado il qiyaamaha laga gaarayo.
Waxa aan qarsooneyn in hadda Sooma aliya ay leedahay toddobo madaxweyne oo federalku ku jiro. Waxa kale oo aad arki kartaan dhalli nya row iyo wax garadoow, lixda maa mul goboleed ee hadda jira in ay xudduud la wada leeyihiin Gu meyst aha Xabashida. Waxa aad ogaataan in ay jireen gobollo Soomaliya ka mid ah oo aan lahan jirin bad laakiin xudduud la laha dowla degaanka Itoobia xukunto.
Hadda dhammaantooda gobo lladaas oo kala ah Sool, Togdheer, Hiiran, Bakool, Gedo iyo Bay badda ayaa lagu xiray taas oo fufudeyneysa in Dowlad Goboleed walba si gaar ah loola heshiiyo sida haddaba dhacaday oo ay Itobiya badda ga ari karto iyada ka dul boodeysa dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Qoraalka waxa uu aad u khuseeyaa dhallinya rada Soomaaliyeed oo waligo od ahaa kuwa ka hortaga hagar daam ada Gumeystayaasha naxar iista dar an. Sida la og yahay lana rabo in ay dha llinyardu ogaato Sheekh Axmed gurey ayaa dalkaan difaacay 1529 ilaa 1543 ilaa laga soo g aaro 1943 oo SYL dhalatay oo u dagaalameen in ay Soomaliya Gumeystaha ka xuroowdo.
Helitaan Xurriyadda Soomalia dhiig badan ayaa ku daatay. Marka laga yimaado Bortuqiis, In griis Fransiis & Talyaani iyo dadkii ay laayeen xur riyadda darteed Xabashidu dagaal ayey inta as Soomaaliya ku heysay kuwii ugu dambeeyey wa xa ay dheceen 1964, 1977 iyo 1982.
Haddaba, waxa loo baahan yahay in hurdada laga kaco oo dhulka hooyo laga difaaco xabash ida.
Dowladdii madaxwene Farmaajo si weyn ayey isugu daday inay Itobiya Soodhaweyso oo saaxi ibtinimo tusiso & nabad ku wad noolaasho, dow ladda hadda jirta Madaxweyne Xasan Sh. Maxa muud waxa uu baaqiisu ahaa in uu ka shaqeyn doono Soomali Heshiis ah Dunida Heshiis la ah taas oo madaxweynuhu si dhab ah ula billabay Itobiya &kuwo kaleba. Lakiin xabashidu waxa ay ka door bidday dadaaladaas dowladihi kala dam beeyey ee Soomaliya ay sameeyeen in ay raac do barnaamij ay dejisatay oo ay ugu talagashay inay iska horkeento Ummadda Soomaliyeed, dan aheedana uga fulishato iyada oo adeegsaneysa qaar Soomalida ka mid ah.
GUNAANAD
Dalka Somaaliya Xasilooyin iyo awood uu ku ilaaliyo xudduudihiisa ma yeelan doono haddii aan la helin Soomaali hal dhinac kasoo wada je eda. Inta ay jiraan talooyin is khilaafsan oo la ka la madax bannaan yahay, waxa jiri doonta farage lin joogto ah oo ka imaaneysa dalal badan si toos ah ama aan toos ahayn oo danaha dalka loogu jeheynayo wadama kale danahooda iyo dana shakhsi ah.
Hadda taas waxa ka turjumaya nadaam ka aan qaadanay oo federal lagu sheego, oo aan sii neynin hortebinta xoojinta qarannim ada. Marka federaalku waxa ay ahayd in uu la yimaado wada shqeyn is qaddarin oo dal awood leh ka soo baxo.
Hadda waxa ay u muuqataa in aan u soconno waddan taagdaran oo aan go’aan wada qaad ashadu dhib ku tahay. Waxa markhaarti cad u ah Dastuurka jiitamayo dhowr iyo Toban sano, oo dano khaas ah laga socodsiin la’ayah.
W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow dralasso@snu.edu.so
NINKA KU DHASHAY JARRIIBAN EE LOO DOORTAY MAAYARKA MAGAALO KA TIRSAN MAREYKANKA
Golaha Deegaanka ee SeaTac ayaa u door tay Maxamed Cigaal Maayarka M/,iyadoo Iris Guzman loo doortay Maayar ku xigeen.
Maxamed Cali Cigaal waxa uu ku dhashay degmada Jarriiban ee gobol ka Mudug, horraantii 70-me eyadii, waxbarashadiisa qa ybtii hore waxa uu ku qaatay isla Jarriiban isaga oo markii dambe u soo gud bay Xamar, ilaa heer uu jaamacadda Lafoole ka qalin jabiyay.
Shahaadada jaamacadda ee 1aad wuxuu ku qaatay Biology/Agriculture oo uu ka qaatay Jaa macadda Ummadda Soomaaliyeed, shahaadada Hoggaaminta Sare ee Machadka Hoggaaminta ee Washington, ayuu sidoo kale ka qaatay Tac oma, Washington.
Ugu dambeyn waxa uu Maxamed Cigaal dalka ka tegey sagaashameeyadii isaga oo galay dalka Mareykanka oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa. M/ SeaTac ee haatan Maxamed loo toortay in uu mayor ka noqdo, waxay leedahay toddoba xubnood oo golaha deegaanka ah oo ay soo doorteen dadka deegaanka, duqa magaal ada waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay madaxa M/.Xubnaha golaha deegaanka waa hog gaamiy ayaasha iyo siyaasad dejiyeyaasha loo doortay inay matalaan bulshada iyo inay xoogga saaraan arrimaha siyaasadda ee ka jawaabaya baahiyaha iyo rabitaanka dadka deegaanka iyo ganacsatada.
Maayar Cigaal isaga, carruurtiisa iyo kuwa uu awoowaha u yahayba waxa ay ku wada nool yih iin M/ haatan loo doortay ee SeaTac. Cigaal wax aa uu horay uga shaqeeyay magaa lada isaga oo ahaa turjumaan Maxkamadeed oo degmada ah.
Cigaal iyo Iris Guzman
Waxa uu leeyahay in ka ba dan labaatan sano oo waayo ar agnimada maaraynta ah.
Cigaal waa guddoomiyaha guddiga qorshayn ta iyo horumarinta dhaqaalah a, xubinna ka ah guddiga seerayaasha iyo mad adaalada iyo xubin ka tirsan guddiga la-talinta bul shada ee Xafiiska Sheriff-ka ee degmada King. Sidoo kale waa xubin sharaf leh oo ka tirsan Rotary SeaTac-Tukwila.
Maxamed Cigaal oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, "Aniga M/ La ii doortay ee aan maayorka ka noqday waa M/ SeaTac Washington, iyadoo goor hore oo kale la’iga guuleystay haddana waan ku guuleystay ugu dambeyn".
"M/n waa magaalo dadka ku nool boqolkiiba 48% ay yihiin soo galooti ama dad aan ku dhala nin Mareykanka, Waxaa ugu badan dad ka yimid, Ciraaq, Suuriya, Soomaaliya, Itoobiya, Ukraine, iyo dalal kale waana dad inta badan hal kan ka shaqeysta, waxaana u sameeyay ballan qaad inta aan la i dooran ayuu yiri”, Cigaal.
Maxamed ayaa sheegay in uu dadka u ballan qaaday in marka ugu horreyso ay u kordhin doo naan xirfadaha ay ku shaqeystaan, sidoo kalana wixii ay ku noolaan lahaayeen muddadaas ay ka bixin doonaan.
Waxaa jirta in Soomaali badan ay ku nool yihiin M/ loo doortay Maxamed, waxa uu sheegay in dhallinyarada ay ka mid yihiin Soomaalida in ay baraan sida looga faa’iideysto shaqooyinka ka le ee dalka laga heli karo sida ku biirista booliska iyo hay’adaha caawiya dadka soo galootiga ah.
"Mustaqbalka waxa aan ku taamayaa in aan helo dhallinyaro Soomaaliyeed oo jaamacadda M/n ka soo baxay oo siyaasadda ka shaqeyn ka ra oo dowladda geli kara, sababtoo ah dhallinya rada badankood hadda kuma baraar ugsana, ha mmigeygu hadda waa in aysan marin dhibaatadii aan soo maray ee aan u fududeeyo”.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Soo maalidu ay aaminaan inay wax badan qabsan karaan haddii ay soo muuqdaan, sidoo kale waxa uu sheegay in ay iska saaraan fikr adda ah in la cusuriyeynayo oo ay dadka kale wax la qaybsa daan. Iris Guzmán
Maayar ku xigeenka
Ku xigeenka duqa M/ ee lagu maga caabo Iris Guzman waa gabar leh hammi sare, waxaana dhalay soo galooti Mexican ah, waxana ay ku dhalatay kuna barbaartay Los angeles.
Waxay kamid ahayd dadka muddada deganaa M/ SeaTac tan iyo 2007-dii, waxayna waqti badan ku bixisay u adeegida bulshada iyada oo ah Shaqaale bulsho oo ka tirsan dugsi ga sare ee Tyee iyo dugsiga dhexe ee Chinook.
Waxay ka shaqeyneysay in ay u hormariso tayada nolosha ee SeaTac, iyada oo diiradda saareysay kuwa aadka u nugul iyo kuwa ay awooddoodu yar tahay. Guzman waxay ahayd guddoomiyaha guddiga madadaalada & Bee raha, waana xubin ka tirsan Guddiga Maamulka
& Maaliyadda.XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 14-KA JANNAAYO 2024-KA
..