Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa
Hordhac:
Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin ama xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo
Laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19-aad ilaa xornimada Soomaaliya 1960-kii, dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa bariga Afrika waxay ku hoos noolaayeen gumeysteyaashii Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya. Boqortooyada Midowday (UK) waxay gacanta ku dhigtay dhulka Ogadeniya oo Itoobiya gumeysaneysay dagaalkii labaad ee aduunka ka hor. Dhulkaas ayaa UK dib ugu celisay Itoobiya dagaalka ka dib, balse laguma xadin wax dhaafsiisan xad ku meel gaar ah oo khariidada ka muuqanaya (—–). Ogaadeeniya, ama Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaa degan qowmiyado Soomaali ah, xuduudka caalamiga ahina waa mid aan la calaamadayn oo aan si dhab ah loo arki karin dhulka. Laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta, gobolka Ogaadeenya wuxuu ahaa meesha ugu horraysa ee ay ka aloosan tahay xurgufta qotoda dheer ee labada Dawladood.
Xudduudaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaliay ayaa kala ah kuwa aan la kala leenahay:
1- Shacabka Jabuuti oo waqooyi Galbeed oo Soomaaliya dhaca oo aaan la leenahay 600km
2-Ethiopia Galbeed ayaan xuduud kala leenahay dhan 1650km
3- Kenya Koonfur Galbeed xuduud dhararkeedu yahay 700km
4- Gacanka Cadmeed dhan waqooyi xuduudda dhererkeedu waa 940km ku dhawaad
5- Badweynta Hindiya oo bari naga xigta 2,393km ku dhwaad.
Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa laga doonayaa in ay bartaan dalkood iyo xuquuqda uu ku leeyahay iyo midda ay ayagu ku leeyihiin. Waxa kale oo laga rabaa in ay ogaadaan dalkaan in awoowe yaashood ay ka difaaci jireen cadowga ku soo duuli jiray oo doonayey in uu gumeysto daka diintana ka saaro.
Haddaba, hadda waxa socda fulinta qorshe boqolaal sano ka hor gumeystuhu dejiyey oo ahaa in Soomalida la kala jarjaro oo la qabiyo la’isku diro kadibna wixii la doono laga sameysto. Wey bilaabatay oo waad aragtaan waxa dhacayo, ee ah in dhulkii Soomaali u dhexeeye qof ka mid ah Soomaalida uu ku dhiirado in uu iibiyo kuna iibsado wax dhammaan kara illeyn dhulku ma dhamaado il qiyaamaha laga gaarayo.
Qoraalka waxa uu aad u khuseeyaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo waligood ahaa kuwa ka hortaga hagardaamada Gumeystayaasha naxariista daran. Sida la og yahay lana rabo in ay dhallinyardu ogaato Sheekh Axmed gurey ayaa dalkaan difaacay 1529 ilaa 1543 ilaa laga soo gaaro 1943 oo SYL dhalatay oo u dagaalameen in ay Soomaliya Gumeystaha ka xuroowdo.
Helitaan Xurriyadda Soomalia dhiig badan ayaa ku daatay. Marka laga yimaado Bortuqiis, Ingriis Fransiis iyo Talyaani iyo dadkii ay laayeen xurriyadda darteed Xabashidu dagaal ayey intaas Soomaaliya ku heysay kuwii ugu dambeeyey waxa ay dheceen 1964, 1977 iyo 1982.
Haddaba, waxa loo baahan yahay in hurdada laga kaco oo dhulka hooyo laga difaaco xabashida.
Dowladdii madaxwene Farmaajo si weyn ayey isugu daday in ay Itobiya Soo dhaweyso oo saaxiibtinimo tusiso iyo nabad ku wad noolaasho, dowladda hadda jirta Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxa uu baaqiisu ahaa in uu ka shaqeyn doono Soomali Heshiis ah Dunida Heshiis la ah taas oo madaxweynuhu si dhab ah ula billabay Itobiya iyo kuwo kaleba. Lakiin xabashidu waxa ay ka door bidday dadaaladaas dowladihi kala dambeeyey ee Soomaliya ay sameeyeen in ay raacdo barnaamij ay dejisatay oo ay ugu talagashay in ay iska horkeento Ummadda Soomaliyeed, danaheedana uga fulishato iyada oo adeegsaneysa qaar Soomalida ka mid ah.
Gunaanad
Dalka Somaaliya Xasilooyin iyo awood uu ku ilaaliyo xudduudihiisa ma yeelan doono haddii aan la helin Soomaali hal dhinac kasoo wada jeeda. Inta ay jiraan talooyin is khilaafsan oo la kala madax bannaan yahay, waxa jiri doonta faragelin joogto ah oo ka imaaneysa dalal badan si toos ah ama aan toos ahayn oo danaha dalka loogu jeheynayo wadama kale danahooda iyo dana shakhsi ah. Hadda taas waxa ka turjumaya nadaamka aan qaadanay oo federal lagu sheego, oo aan siineynin hortebinta xoojinta qarannimada. Marka federaalku waxa ay ahayd in uu la yimaado wada shqeyn is qaddarin oo dal awood leh ka soo baxo. Hadda waxa ay u muuqataa in aan u soconno waddan taagdaran oo aan go’aan wada qaadashadu dhib ku tahay. Waxa markhaarti cad u ah Dastuurka jiitamayo dhowr iyo Toban sano, oo dano khaas ah laga socodsiin la’ayah.
Khatar kusoo fool leh dhulka Soomaliyeed iyo shacabkiisa
.