HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARG. MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 11-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Thursday January 11, 2024 - 08:49:50 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARG. MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 11-KA JANNAAYO 2024-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xog hayaha guud ee QM kala hadlay xaaladda gobolka

Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Ma xamuud oo khadka taleef anka ay ku wada xi riireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Md. António Guterres ayaa kala hadlay xaala dda gobolka iyo xasillooni darra da ay abuura yso damaca iyo xadgu dubka Itoobiya ee ka dhan ah mada xbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wada agay aragtida iyo siyaasada DFS oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar soc oto in dadka iyo dowladda Soo maaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Dowlada oo qaban qaabadii ugu dan beys ay ugu jirta banaan bax Itoobi ya ka dhan ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hid ah a iyo Tacliinta Sare, ayaa shir guddoomi yay kulanka Guddiga qabanqaabada Banaan baxa Difaaca Gobonimada Dalka ka dib dam acii Itoobiya ee doonista Badde ena.

Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arr imaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Wasiir Dowlaha Amniga ahna ku simaha Wasiirka, Tali yaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale, ayaa looga arrinsanayay Banaan baxyo waa weyn oo ka dhici doona Guud ahaan dal ka gaar ahaan Magalada Muqdisho ee Caasim ada Dalka berri 11 Jan 2024.

Ujeedka Banaan baxaan ayaa ah dii dmada gardarada Dowladda Itoobiya oo heshiis is afgarad xaaraan ah laga shay Maamulka So omaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Go bonimada& idnimada dhuleed ee JFS, Qa raarada Gobolka & Qaanuunka caalamiga ah.

Xildhibaano Mooshin ka keenay he shiiyo ay soo gashay Xukuumad da Soomaaliya

Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka JFS oo Shalay warbaahinta kula hadl ay M/Muqdisho ayaa sheegay in gudoonka sare ay u gudb iye en moosh in ka dhan ah heshiiyo amni oo ay sheegeen in Xukuumadda ay lasoo ga shay dalalka Itoobiya iyo Imaraadka Carabta.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in golaha la hor keeno mooshinka si loola xisaabtamo Xu kuumadda heshiisyada qarsoodiga ah oo ay soo gashay.Faa'iso Jeyte oo ka mid Mud anay aasha G/Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hada shay ayaa beenisay in laga laabtay m ooshinkaan oo ay horay u gudbiyeen. Iyadoona sheegtay in guddoonka ay ka war sugayaan.

"Baarlamaanka wuxuu si weyn uga walaacs an yahay nuxurka iyo haykalka guud ee heshii syada sida hoose loola galay wadamada Imaa raadka, Itoo biya, Turki, Sudan iyo Uganda in bad an Golaha Shacabka wuxuu welwel ka m uujinaayay heshiisyada ay sida hoose u soo saxiixday xukuumadda, ayada oo aan loo soo gudbin Baarlam aanka” ayay tiri Faa'isa Jeyte.

Xildhibaanadaan ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soo maaliya Xamse Cabdi Barre in si deg deg ah loo horkeeno he shiisyadaas Baarlamaanka Soomaa liya.

"Waxaan si deg deg ah u fareynaa DFS inay si deg deg ah u horkeento Golaha Shacabka dhamaan heshiisyada ay sida qarsoodiga usoo gashay” ayaa lagu yiri bayaanka Xildhibaana da.

Al-Shabaab oo gubtay diyaaraddii QM ee u gacan gashay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya di yaarad Helicopter ah oo ay leedahay Q/Midoo be iyo shaqaale la socday oo u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

Diyaaradda oo si khald an ugu degtay deegaan ay maamusho koo xda, ayaa waxaa hadda la sheegay in ay Al-Shabaab gubtay diy aaradda, ayna wadatay dadkii saarna oo isk ugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Guddoomiyaha degmada Cada ado Faarax Diiriye Warsame oo la had lay VOA ayaa sheegay in dadka deeg aanka ay u xaqiijiyeen in kooxda ay gubtay diyaaradda.

"Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku warey sanayeen dadka me esha jooga, diyaar adii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faar ax Diiriye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in laga howl-gali lahaa sidii loo soo badbaadin lahaa sha qaalaha ay koo xda afduubatay, "Tallaabada xigta dadka cadowga afduubtay sidii loo soo badbaadin lahaa, sidii xogtooda loo heli lahaa iyo meeshay ku sugan yihiin ayaa xigta.”

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku degtay degaan u dhow degaanka Xiindheere oo ka tirsan gobolka Gal guduud, oo ay maa musho kooxda Al-Shabaab, waxaana soo bax aysa in diyaaradda ay halkaas uga degtay ci lad farsamo oo qasabtay, taasi oo keentay in ay sameyso degitaan aan horey loo qorsheyn.

Diyaaradda ayaa ka kacday maga ala da Beledweyne waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay was iirka amn iga Gal mudug Maxamed Cabdi Aad an Gab oobe oo ku sugan dega anka Wisil.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in diyaara dda ay sidday dawo, islam arkaana cilad ku ti mid ay sababtay inay si deg deg ah ugu degto deg aan ka Xiindheere.

     Waxa kale oo uu sheegay in toddo bada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaa nib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacd adan. Xafiiska Q/Midoobe ee Sooma aliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Qaramada Midoobe oo aan isku daynay in aan la xiriirno weli kama jawaabin.waxaase laga yaabaa in ay ka warami doonaan xilliyada soo socdo insha allaah.

Q/Midoobay oo ka hadashay day uur ada ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab

Sida ay sheegtay QM Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay howlg alka Qaramada Mid oobay ee Soom aaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay dhul ay gacanta ku hayaan kooxda hubeysan.

Dhowr qof oo la socotay ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan dagaalo ka waday Geeska Afrika. Diyaarada ayaa ku deg tay meel u dhow degaanka Gadoon ee gob olka Galgaduud markii ay soo wajahday cilad farsamo oo deg deg ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoob ay oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale dhacdadan u xaqiijiyay Aljazeera.

Sida ku cad qoraalka, waxaa diya aradda saarnaa sagaal rakaab ah oo ay ku jiraan sha qaale militari iyo qanda raasle dhinac saddexa ad ah. Lix ka mid ah ayaa la sheegay in koox da ay kaxeysteen halka 2 ay baxsadeen.

"Dhammaan duullimaadyadii Q/Mid oobay ayaa si ku meel gaar ah ayaa loo hakiyay ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Diyaaradan ayaa cilad la kulantay wax yar kadib markii ay ka soo du ushay M/Beledwe yne ee bar tamaha Soomaaliya, sida uu wakaa ladda wararka ee Reuters u sheegay G/le Xasan Cali.

"Laba nin oo Soomaali ah iyo dhowr ajaa nib ah ayaa saarnaa. Sidoo kale waxa ay siday dawooyin, waxa ana la rabay in laga soo daa bulo ciida mo dhaawac ah oo laga keenay gob o ka Galguduud,” ayuu yiri.

R/Wasaare Xamze oo Shalay qaab ilay Danji raha Dowladda UK

R/Wasaaraha XJFS Md, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha D/ UK u fadhiya Sooma aliya Mike Nit ha vrian ak is, oo ay ka wada hadl een xoojinta xiriirka & iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeya 2ada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaal iyeed iyo is garab taagga ilaalinta mad ax-banaannida, gobannim ada iyo mid nimada dhuleed iyo shacab ee

Soom aaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shalay kulan la qaatay Taliyaasha ciidamada dowlada

Madaxweynaha dowladda Fedara alka So omaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shal ay kormeer ku tagay xarunta Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu kusoo dh aweeyay taliyaha ciidanka xoogga dalka sar eeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxidiin Cadoow

. Taliye Ibraahin Sheekh Muxidiin ayaa ugu horeyn madaxweyne Xasan Shekh warbxin ka siiyay xaalada dalka iyo halka ay marayaan ho wlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan guud la qaatay saraa kiisha ciidan ka iyo Taliyaasha ciidama da Badda, Cirka iyo Taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xoo ga dalka Soomaaliyeed, waxaana kulanka go ob joog ahaa madaxda hogaanada iyo talska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan uu Shalay la qaatay madaxwe yne Xasan Sheekh hogaanka sare ee ciidanka xooga dalka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo DF ay wado qorshe dib loo dardar galiyo howl galada ka dhanka ah koo xda Al-shabaab ee dalka looga xure ynaayo.

Wararka waxay intaasi ku daray aan inuu dhawaan si toos ah u bilaa ban doono wajiga 2aad ee dagaalka dowladda ay ku dooneyso iney dalka guud ahaantiisa kaga xureyso koox da Al-shabaab, kaasoo ka xoog badnaan doo na wajiga koowaad ee dagaalka, maadama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hub ka ee saarneyd mudo ka badan 30 sano.

DF oo war culus ka soo saartay diya araddii iyo shaqaalihii u gacan galay Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saartay diya arad Shalay ku dhacday deegaano ay joogaan Al-Shabaab oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dowladda ayaa sheegtay in diyaar adaas ay laheyd QM, isla markaana ay aheyd nooca loo adeegsado gargaarka degdegga ah, waxayna Xalayineysay oo daawo u siday CXDS

"Diyaarad ay leedahay QM oo loo adeegs ado dhanka gurmadka degde gga ah oo Xalay iney say DFS ayaa ku dhacdey goob ku taalla D/G/ Galmudug oo ay ka taliyaan Khawaarijta Al Shabab,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Madaxweyne Deni oo qaabilay mad axdii hore ee Puntland iyo madax kale

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid C/ hi Deni, oo dib-loogu doortay xilka Madaxwe ynaha Puntland ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan qado sharaf ah Kula qaatay madax hore oo soo maray maamulka Puntl and. Siciid Deni ayaa si weyn Qasriga Madaxto oyada ugu soo dhaweeyay madaxweyneya ashii hore ee Puntland Mudane Cabdiweli Max amed Cali Gaas, Mudane Cabdiraxmaan Maxa

med Maxamuud Faroole iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa kala hadlay ma daxdii hore ee Puntland iyo dowladda Fede raalka soo maray natiij ada doorashadii ka dhacday Puntland iyo sidii ay wadajir uga shaq eyn lahaayeen amniga iyo midnimada reer Puntland.

Doorashadii 8-dii bishan ka dhacday maga alada Garawe ayaa waxaa ku guuleestay mar kale dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni oo afarta sanno ee soo socota sii hoggaamin doona maamulka Puntland.

W/Fiqi "Kaniisadaha D/Itoobiya & qeybo kale waxaa ka socda diyaar garoow ga boobka dhulka Somaliyeed"

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho berito oo Khamiis ah uu ka dhaci doono banaanbax weyn oo lagu muu jinaayo dareenka shacabka Soomaaliy eed kaga aadan heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in talaa bada gur acan ee Itoobiya in ey ka weyn tahay he shiis, isagoona tilma amay in Kaniisadaha iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaas ay ka socdaan diya ar garoow ay ku doonayaan boobka ay ka da macsan tahay dowladda Itoobiya dhulka Soo maaliyeed.

Wuxuu dalbaday Wasiir Fiqi in Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay Caalamka ka joogaan iney ka dhiidhiyaan damaca guracan ee xadgu dubka ku ah dhulka Soomaaliyeed oo ay ku howlan tahay dowladda Itoobiya.

"Waad arkayseen Kaniisadaha Itoobi ya oo leh Saylac aan qof u magacaa bano, arrintaan way ka wayn tahay heshiis oo waxa ay taaba naysaa Diin, Dal iyo Dad, waa in aan maalinta khamiista 11ka Janaayo 2024 isusoo baxno oo aan muujino dareenkeenna, waa in aan la yaraysan damaca Abiy ee ku hadaaqi jiray oo ah inuu sam aysto bad oo ay xaq u leeyihiin in ay bad helaan” ayuu yiri Wasiirka Arrim aha Gudaha Soomaaliya Axmed Fiqi.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Muqd isho uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay b anaanbax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso iney ku qaadato qayb ka mid ah badda Soom aaliya.

Sababta DENI markale u soo laabtay iyo ceebtii Aaran-jaan iyo DF ka raa cday doorashada

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 8-dii bishaan bixiyay duruus siyaasadeed, kadib markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka hoggaamiyaha maamulka Puntl and. Saciid Deni ayaa iibsaday naceyb siyaasadeedka reer Puntland qaar u qabaan Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo dib u siisay shan sano oo cusub oo laga yaabo inuu inteeda badan ku kharash gareeyo dagaalka federaalka iyo damiciisa madaxweyna ha Soomaaliya 2026.

    Natiijada wareegii hore ayaa boorka ku qarisay xubno loo arkaayay inay Deni riixi kar aana sida; kooxda ay sida ba’an u hardameen ee la yiraahdo Aaran-jaan, kuwaas oo u sharaxnaa Xasan Shire Abgaal.

Wuxuu wareegii hore ee doorash ada he lay Saciid Cabdullaahi Deni 35 cod, halka Mu sharaxa labaad galay Guuleed Saalax Barre uu helay 9 cod, waxaana saddexaad galay Abshir Cumar Haruuse oo helay 8 cod.

Wareegii labaad ee doorashada waxaa isla aaday Saciid Cabdullaahi Deni, Guuleed Saa lax Barre iyo Abshir Cumar Haruuse, laakiin Deni ayaa sii waday wareegiisa isaga oo helay 40 cod, halka uu Guuleed Barre uu helay 17 cod, waxaana Abshir Haruuse uu helay 9 cod.

Doorashada ayaa markaas u baahatay wareeg saddexaad, waxa ana u gudbay Saciid Deni iyo Guuleed Barre. Deni ayaa markale he lay codad rikoor ah oo dhan 45, kuwaasi oo u saamaxay inuu noqdo hoggaamiyaha Puntland ee 5-ta sano ee soo aadan, wareeg walba 5 cod ayaa u kordheysay Saciid Cabdullaahi Deni.

Marka hore Villa Somalia oo dhowr musha rax kaararka saaratay, inkasta oo uu si weyn ololahooda u muuqan ayaa ku hungoobay inay Saciid Deni bixiyaan. Waxay ka dhigan tahay in dagaalkii federaalka iyo Puntland uu halkiisa kasii socon doono.

Deni ka sakow inuu noqday ninkii ugu horr eeyay ee laba jeer loo doortay Puntland wuxuu dhinaca kale uu sare u soo qaaday damiciisa heer federaal, oo wuxuu noqon doona mid kamid ah ragga ugu cad cad doorashada feder aalka ee soo aadan, maadaama uu kaalinta saddexaad ka galay doora shadii ugu dambey say ee federaalka.

Siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah ayay dhibaato ku tahay soo laaba shada Deni, ku waasi oo hadda filanaa ya inuu Saciid Deni ka saari doono saaxada siyaasadda.

Deni wuxuu kale oo uu jabiyay tarihii, Qar dho, Garoowe iyo Gaalkac yo ayaa mid walba waxay 5 sano qaad an jirtay xilka ugu sarreeya maamulka Puntland. Waxaana sanadkaan taraha sugayay reer Garoowe, laakiin Saciid Deni oo reer Qardho ah uu mar labaad soo laa btay ayaa ka dhigan inay dhamaatay sheekadii taraha oo hadda kadib ay qolo walba leedahay fursad ay ku qaadato xukunka Puntland.

Doorashadii qof iyo codka ayaa iyaduna fursad kale heshay. Deni waxaa kale oo u fur an inuu sii wado mashruuciisa doorashada dad weyna ha oo ay siyaasiyiinta uu 8-dii bishaan ka adkaaday horey u hor istaageen.


R/wasaare Xamse oo u hamba lyeeyey R/wasaaraha cusub ee Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha XFS Md. Xamsa Cabdi Barre, oo khad ka teleefonka kula hadlay Ra ’ii sul Was aaraha cusub ee Kuwait, Shiikh Dr. Ma xamed Sabaax Al-Salem Al-Sab aax, ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taarii khiga ah iyo iskaa shiga ka dhaxeeya labada dal ee wal aalaha ah.

Ra’iisul Wasaar aha ayaa dhiggiisa dalka Kuwait ugu ha mbalyeeyay mas uuliyadda cul us ee loo igmaday, isa goo u rajeeyay in All aah uu ku guule eyo xilka. Waxaana uu hoosta ka xa rrii qay muhiimadda ay leedahay xoojinta iska ashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kuwait.

Heyadda Culimada Soomaaliyed oo soo saartay bayaan xasaasi ah oo ka dhan ah..

Shalay oo ay tariikhdu tahay 28/06/1445 , kuna beegan 10/01/2024 waxaa hotel-ka SYL ee magaalaada Mogadishu ka qabsoomay shir ay isugi yimaadeen culimada Soomaaliyeed, kaas lagu qaadaa dhigay mowduucy ada kala ah:

Muhiimada ay leedahay difaacidda dalka si da Badda, Berriga iyo Hawadii sa;maadaama uu yahay Dal Muslim ah

T.Aragtida Sharciyeed ee ku aadan Iibinta, kireynta iyo hibeynta, dhul Mu slimiintu leeyi hiin in lasiiyo Gaalo

Sidii loogu midoobi lahaa difaaca qaranim ad da iyo madax banaanida Dalka iyo kaalinta hogaamineed ee ka ga aadan Dowlada Sooma aliya.

Sidaas daraadeed, dood iyo falanqeyn dheer kadib kulanka culimada Soomaa liyeed oo ka dhacay magaalada Muq disho ee caasimada ayaa Intaas kadib waxa kasoo baxay qodob ada hoos ku qoran:

1.Culumada somaaliyeed waxeey ku aama aneysaa dowladda soomaaliy eed dadaalada eey ugu jirto difaaca dal ka ayada oo ugu baaq eysa DFS dardar galiso waajib ka sharciga ah ee ka saran difaaca Xuduudaha Dalka Dhul, Bad iyo Berriba , sidoo kalana waxeey ugu ba aqayaan dhamaan maamulada iyo bulshada soomaliyeed ineey ku garab istaagaan dowl ada somaaliaya difaaca dalka

2.In Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogt aba u midowdo ka hortaga faragalintaiyo boobka lagu hayo goba nimada Dalka kana fo gaadaan khilaafa adka siyaasiga ah, qaby aalada ku sale ysaniyo midka fikriga ahba, si loo ilaa liyo difaaca qaranimada iyo madax banaanida Dalka. 3.Culimadda soomaliyeed waxeey ugu bogaadinayaan wadahadalada dib ugu bilaawday dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ayagoo ku baaqayaa in laga miradhaliyo wada hadaladaas si loo xaqiijiyo midnimada umada soomaaliyeed

4.In hoggaan dhaqameedka, ganas atada,Culimada, Macalimiinta, bahda Saxaafada, abwaanada dhamaan iyo aqoonyaahanka soo maaliyeed eey gacan ka geystaan abaabulka bulsha da isla markaana uga digaan marin hab aabinta lagu hayo Diintooda, Taarii kdooda, Dhaqankooda iyo Xuduudaho oda, kuna garab istaagaan dowladda soomaaliyeed difaaca dalka

5.In sigaar ah Dhalinyaradu gutaan waaji bka ka saaran difaaca Qarannim ada Sooma aliya, si la mid Dhalinyar adii usoo dagaala mey kana qeyb qaat ey halgankii goboanima-doonka Dalke ena kana digtoonaadaan in looga fai deysto kacdoonkooda si aan adege eynin dalkeena, diinteeenaiyo dadee naba

6.In shucuubta muslimka ah ee dagan Gobalka geeska Afrika ku baraarug aan guluf ka gardarada ah ee Abey Axmed isaga hor keenayo shucuu bta Muslimiinta, taas badalke edna waa in shucuubta Muslimiinta iska kaa shad aan maslaxada Diinko oda nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.

(انما المؤمنون اخوة…..)

7.Culimadda Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Dowladaha islaam ka, Waddama da Carabta, urururada aan kawqada tirsanah ay dhamaan caalamka intiisa kale ee nabadda jecel inay is garab taagaan Dowladda iyo Shac abka Soomaaliyeed Siyaasad iyo amni ahaa nba.

8.Ugu danbeyn Culimadda Soomaa lyeedwaxay uga digayaan Dowlada Itoobiya nati ijada qaraar ee ka dhalan karta faragalinta iyo ku xadgudubka xuduuda Dalka Soomaaliya.

Jabhadda Oromada Itoobiya oo la safatay Soomaaliya kana hortimid damaca Abiy

Jabhadda Xoreynta Oromiya oo dagaal

kula jirta xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed uu hoggaamiyo ayaa si adag uga hor timid damaca Iyoobiya ay ku dooneyso badda Soo maaliya.

Jabhadda ayaa qoraal ay soo saar tay isa ga fogeysay inuu Abiy Axmed yahay nin qow miyadda Oromada ku metela heshiisyada, ama tallaabooy inka uu qaadayo.

Si gaar ah waxay u soo hadal qaa deen hes hiiskii badda ee dhawaan Abiy Axmed uu la saxiixday madaxw eynaha Somaliland Muuse Biixi.

War-saxaafadeed Shalay soo bax ay Jab hadda Oromia oo uu ku saxiixan yahay Afh ayeenka Jabhadda ayaa lagu caddeeyay in mar kasta maam ulka Abiy Axmed uu faafiyo dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada.

Sidoo kale Jabhadda ayaa ficillada Abiy Axmed ku tilShalayy kuwo marin habaabin ah oo lagu jaha wareerinayo shacabka Itoobiya, si xukunka uu u sii joogo.

  Jabhadda ayaa intaas raacisay in ay Orom adu dagaal kula jirto nidaamka Abiy, heshiiska hadda Somaliland lala gaarayna uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo dag aallada iyo dhibaatooyinka daran ee ka socda gudaha dalka Itoobiya.

Kadib heshiiskii Ethiopia MUUSE BIIXI oo qaaday tallaabo cusub + Saw irro

Sidoo kale waxay Jabhaddu waxay cade ysay in heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed uu xadgudub ku yahay madaxbanaanida dalka Soomaaliya.

Warkaan ka soo yeeray mucaarad ka Itoobiya ayaa guul weyn u ah Soom aaliya, Abiy Axmed ayaa wajahaya go’doon siyaasa deed oo caalami ah, tan iyo markii uu ku soo xadgudbay madaxbanaanida Soomaaliya ee heshiiska qar-iska tuurninada ah uu la galay Muuse Biixi oo si sharci darro ah ku siiyey bad dhan 20-KM.

Maxay Ilhaan Cumar ka tiri dib u doorashada DENI?

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay doorashadii soo dhammaa tay ee maamul goboleedka Pun tland, taas oo mar kale dib loogu doortay mad axweyne Saciid Cabdulaahi Deni.

Ugu horreyn Ilhaan Cumar ayaa madax weynaha cusub ee Puntland ugu hambalyey say guusha uu ka gaa ray doorashada, taas oo dhaxal-siisay inuu sii hoggaamiyo maamulka.

"Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay. Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku gu ulaysta doorashada” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saaray Ilhaan Cumar.,

Sidoo kale waxay u rajeysay guul iyo inuu wax badan ka qabto Puntland 5-ta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar iyo barwaa qo.

"Waxaan rajaynayaa in aan arko waxa aad qaban doonto shanta sano ee soo socota adiga oo sii wada dad aalkaaga aad ugu abuuri lahayd bar waaqo iyo xasilooni sha cab ka Puntl and. Kudayo Puntland kudayo, In shal lah boowe guul iyo gobinimo,” ayay sii raaciysay qoraalka.

Saciid Deni ayaa noqday madaxwe ynihii ugu horreeyay ee dib loogu doortay Puntland, tan iyo markii la aas-aasay maamulkaasi oo 25 sano jirs aday.

Sidoo kale waxaa guushiisa me esha ka saartay isbeddalkii la filayay inuu ka dhaco maamulka Puntland oo ay si weyn isku hayaan dowladda fede raalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa horyaalla ho wlo adag oo ay ugu horreyso mad-mad woga kala dhexeeya dowla dda iyo inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah.


Faah-faahinta qarax Shalay ka dhac ay M/ Muqdisho

Fah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo bax aya dhawaaqa jug culus oo Shalay duhurkii lag a maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muq disho ee caas imada dalka.

Dhawaaqa jugta culus ayaa la xaq iijiyay inuu ahaa qarax lasoo dhigay Su uqa Xamarw eyne ee magaalada Mu qdisho, kaasi oo ma rkii dambe ay qarxiyen ciidamada amaan ka.

Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ay aa lagu sha aciyay in qaraxaas ays an jirin wax khasaare ah oo ka dha shay, ayna ciidamada ammaan ka dad ka ka badbaadiyeen.

"Shalay 10 Jan 2024 abaare 12:20 AM aye ey Khawaarijtu si dhagar ah, walxa qarxa usoo dhigeen Suuqa Marwaas gaar ahaan Kaalin Shidaal ee Degmada Xamarweyne. Ciidamada Amaanka ayaa dadka ka badbaadiyay, goobta xiray. Isla markaana, qarxiyay abaare 01:00 PM Duhurnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Sha baab doonaysay inay ku waxyeelayso shac abka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo ku wa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada kala duwan ee ka howlgala caasimada ayaa kor dhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muq disho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

Si kastaba, Amniga Muqdisho ayaa soo reysanayay bilihii dambe, ayada oo laamaha ammaanka oo kaashan aya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiro inta badan Kaamirooyin, si loo helo raad-raac amni, ugana qeyb qaatan xaqiijin ta amniga caasimada.

Maaamulka Somaliland oo xabsiga ka sii daayay Wariyayaal ka tirsan MMTV

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga ka sii daayay qaar ka mida wariyayaasha MMTV oo dhawaan ay xabsiga u taxaaben markii ay ku weerareen xarunto oda.

Wariyayaasha la sii daayay ayaa kala ah Maxamed Cabdi Cab dilahi (Andar) iyo Il yaz Cabdinaasir oo ka tirsanaa shaq aalaha MM-TV.

Sidoo kale waxaa lala daayay wariya ha iyo shaqaalaha MMTV Xamse Fu’ aad ooisna ka tirsan Shaqaalaha Capital Lounge.

Sida uu cadeeyay MMTV waxaa wali xiran oo Maamulka Somaliland uu reeb tay Guddo omiyaha MMTV Maxamed Ilig.

Xog: Musharax Xasan Shire Abgaal oo diiday soo jeedin ka timid Deni kadib doorashada

Saciid Cabdullahi Deni oo mar lab aad loo doortay Madaxweynaha dow lad goboleedka Puntland, ayaa kulan gaar ah isugu yeeray mushara xiintii kula tartantay kursiga, waxaana diiday inuu kulankaas ka soo qeyb galo hal musharax.

Musharaxaas waa Xasan Shire Abgaal, 3-sano ayuu wasiirka maaliya dda ka ahaa xuk uumadii hore ee Mad axweyne Deni, balse intii uu socday loolanka doorashada wuxuu ahaa musharaxa ay isugu necebyihiin Deni.

Madaxweyne Dani ayaa Xasan Shire iyo 9 musharax oo kale kaga guuley stay tartankii doorashada ee maalin ka hor ka dhacay mqga alada Garowe, wuxuuna noqday madaxweyn ihii ugu horeeyey Puntland ee mar labaad loo doortay xukunka.

Deni ayaa Dorraad xarunta madaxto oyada ku qaabilay musharraxiintii ay ku loolameen kursiga, isaga oo ku ma amusay qado sharaf, basle Xasan Shire Abgaal ayaa diiday inuu ka soo qeyb galo kulankaas.

Sidoo kale musharax Xasan Shire uma uu san soo hambalyey Saciid De ni, waxaana ka dhexeeya khilaaf adag oo salka ku hayey door ashada Punt land, maadaama ay ahaayeen labo musharax. Kulanka uu Saciid Deni la ye eshay musharaxiinta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa madax weyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Ilyaas Cusmaan Lugatoor iyo guddoonka Golaha Wakiillada.

Kulanka Shalay oo la isaga saam axay wixii lasoo maray, sidoo kale waxaa logu iclaamiyey kulan weyne kale oo Isimada dhaqanka Pun tland ay ka soo qeyb gelayaan, sida ay sheeg tay Caasimada Online inay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Bashiir Cabdi ayaa yiri "Hoggaaa mintu waa hido lagu laray farsamo aqo oneed marka madaxweyne Deni inuu yahay hoggaamiye bisil waan qiray.”

Inta badan musharaxiintii ka soo qeyb ga shay casuumaada ayaa Mad axweyne Deni igu duceeyey xukunka uu ku guuleystay, iya goo ka badan qaaday inay kala shaqeyn doon aan sidii la isugu keeni lahaa dhinacyadii ku kala tegay ama isaga xumaaday doorasho oyinkii ka dhacay Puntland.

Dil naxdin iyo aragagax leh oo Xalaya ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Nin Toorey ku hubeysan ayaa Xalay a gabar ka soo jeeda qowmiyada Oro mada ee dalka Itoobiya waxaa uu Xalaya ku gowracay magaalada Dhuu samareen ee xarunta Gal mudug.

Nin dilka geystay ayaa la sheegay inuu ahaa qof xanuunsan oo maskax da looga jiro

Meydka gabadha ayaa la geeyay Isbitaalka Central ee magaaladda Dhu usamareeb wax aana gowracan la she egay in si gaar ah uu uga dhacay Xaa fadda waxaracadde Ee Dhuu sama reeb.Shacabka magaalada Dhuusamareeb ayaa ka argagaxay dilkan Xa laya ka dhacay oo si weyn looga hadal hayo halkaas, lamana ha yo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dilkan iyadoo laamaha amaanka Galmudug aysan ka hadlin weli.



TAAJKII DAMEERKA IYO HESHIISKII ADIS

Libaax ayaa Xanuunsaday. Dawaco ayuu ku yiri: xayawaan aan cunu ii keen. Dameer ayeey ku tiri: kaalay, Libaax ayaa xanuunsan, waxa uuna rabaa in uu kugu wareejiyo Xilka Boqornimada Duur joogta.

(F.S:1aad)

Waa soo raacay, markii uu Libaaxii u yimid ayaa Libaaxii ku soo booday, Labada dhagood ayuu ka goostay Dameerkiina waa baxsaday. (F.S:2aad)

Dawacadii ayaa mar kale isla dameerkii u tagtay oo ku tiri: war kaalay Xilka qabo. Waa diiday, waxa uu yiri: Dirqi ayaan ku soo ba xsaday Dhagihii ayuuna iga jartay. Waxa ay ku tiri: war Dhagaha waxa lagaaga jaray waa in la guu galiyo Koofiga "Taajka” Boqortooyada, dhagahuna wey celinayaan.

Waxa uu yiri: Taasi waa suura gal, wuu raa cay, mar kale ayaa libaaxii ku soo booday Dab adii ayaa u go’day.( F.S: 3aad)

Dameerkiina waa baxsaday. Mar kale ayaa dawacadii loo diray. Waa diiday Damee rkii, waxa ay ku tiri: war Dabada waxa lagaaga jaray waxa ay aheyd in aad kursiga Boqorka ku fadhiisato, Adiga oo Daba dheerna kuma fa dhiisa kartid. Waxa uu yiri: waa suura gal. Wuu raacay, Dameerkiina waa dilayay Libaaxii.

Dawacadii ayuu Libaaxii ku yiri: Hilbkiisa dhan qaado, laakin ii keen Saddax Xubnood oo Daawo ii ah, waa: Beerka, Sambabada, iyo Maskaxda. Dawcadii waa qashay Dameerkii, waxa ayna Libaaxii u keentay Wadnihii iyo Sa mbabadii. Maskaxdiina waa cuntay.

Libaaxii oo careeysan ayaa ku yiri: Aawday Maskaxdii? Waxa ay ku tiri: Maskax maba ku arag Jirkiisa, Hadduu Maskax leeyahay miyuu Saddax mar soo noqon lahaa.

Ujeedo:

Dadka leh Ethiopian Dhul siinaa ma ogeyn Miyaa 1964 Guushii Ciidamadu ka keeneen Dagaal. ( F.S: 4aad)

Dagaalkii 77 oon loo kala harin Rag iyo Dumar iyo Maxaabiistii Ethiopian-ka laga qab saday. ( F.S: 5-6aad)

Dagaalkii 2006- 2009. Markii Ciidamada Ethio pia Dalka soo galeen, Col. Gabre iyo Guuto oyinkiisii ( F.S: 7-11aad)

Mise markii lagu ogaaday in aadan intaaba la socon oo aadan Maskax leheyn ayaa wax aan jirin laguu ballan qaaday?Qore :Yahya Amir



Maamulka SSC Khaatumo oo war ka soo saaray dagaaladii Shalay ka dhacay Maraaga

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo uu weheliyo, Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka ayaa kulan degdeg ah la qaatay Isimmada Dhaq anka iyo Waxgaradka Deegaannada SSC-Khaatumo

Kulanka ayaa ugu horreyn Tacsi lo ogu diray dadkii wax ku noqday sha qaaqadii Shalay ka dhacday Mar aaga.

Hoggaamiya ayaa Ilaahay ugu baryey in intii ku dhimatay Ilaahay na xariistii Janno ka waraabiyo, inta dhaa waca ahna Eebbe u booga-dhayo.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in shaqaaqo nooca as ah ay ka dhacdo deegaanka, isago ona ballanqaaday in si adag loola xis aabtami doono cid kastoo masuul ka ahayd dhibta dhacday.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulku fulin-doono go’a ankii uu ka soo saaray arrimaha hubka iyo gaadiidka dagaalka la xidhiidha.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha, Hog gaamiye ku xigeenka, Isimmada Dhaq anka iyo Waxgaradka deegaanka ayaa kulanka kaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen muhiimadda nabadda, adkaynta difa aca, dhismaha iyo taageerada Maamul ka SSC-Khaatumo.

Arooskii Sadio Mane oo dadka laga qariyay kana dhacay Masaajid iyo hadal heyn ka dhalatay

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa toddobaadkan ku guursad ay waddankiisa Sen egal, waxaana uu la aqal-galay hawee nay ay is-jeclaayeen mu ddo dheer oo ay ka soo wada jeedaan wa ddanka Senegal.

Xafladda arooska waxa lagu qabtay meel qarsoon oo aanay dad badan ogeyn, waxaana la rumaysan yahay in ciyaartoygan, asxaabtiisa dhow iyo ehellada labada qoys oo kali ahi ay joogeen xafladda arooska.

Sadio Mane oo ay da’diisu tahay 31 jir, isla markaana uu xulkiisau isku diyaarinayo tartanka Qaramada Afrika ee toddobaadka dambe ka bilaamaya waddanka Ivory Coast ayaa noqday xaasle ka hor inta aanu u duulin Ivory Coast.

Gabadha uu guursaday Sadio Mane oo ay hore isku mehersadeen waqtigii uu joogay Bayern Munich ee aanu u wareegin Al-Nassr oo uu mushahar aad u badan ka qaato, ayaa lagu magacaabaa Aisha Tamba.

Warbaahinta waddanka Senegal ayaa markii hore tabisay in Aisha Tamba ay da’deedu tahay 18 jir, laakiin warar dambe oo soo baxaya ayaa sheegay in ay tahay 26 jir ay muddo dheer xidhiidh lahaayeen Sadio Mane.

Wargeyska Business Day, ayaa sheegay in aroosku uu maalintii Axad dii ka dhacay masaajid ku yaalla mag aalada Dakar ee casimadda Senegal.

Mane iyo xaaskiisa Aisha ayaa waxa ay kasoo wada jeedaan hal tuulo, waxaana arooskooda ka sheek aynaya warbaahinta dunida oo la yaabban in laacibkan Muslimka ah oo sannadkii ay Al-Nassr siiso mushahar dhan 40 milyan oo Euro oo aanay canshuurtu ku jirin, in uu haddana masaajid ku dhigto arooskiisa, sidoo kalena aanay dad badan kasoo qayb-gelin. W/Q Cabdiwahaab Axmed

Xoogaga Xuuthiyiinta oo weerar culus ku ekeeyay markab uu leeyahay Mareykanka

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa weerar culus ku qaaday markab daga al, oo ay leeyihiin Ciidamada Badda Mareykanka, kuna sugan Badda Cas.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, Yahya Saree ayaa sheegay in xooga gooda ay gantaalo iyo diyaarado dron es ah ay ku weerareen mark abkaasi. "Ciidamade enna ayaa bartilmaam eedsaday markab Mare ykan ah, oo taageero siinayay Maamulka Sah yuuni yadda (Israel).” Ayuu yiri Afhayeenka.

Waxa kaloo uu yiri "Tiro badan oo isugu jira gantaalaha balaas tikada, ku wa badda iyo diyaaradaha aan duuliy aha lahayn ayaa lagu weeraray mark abka.”

Afhayeenka ayaa tilmaamay in wee rarkan ay kaga aargudanayeen weerar ay Ciidamada Mareykanka 31-kii bishii December ay ku dileen 10 ka mid ah ciidamadooda, kuna burburiyeen sad dex doomood oo ay wateen.

"Hawlgalka waxa uu ahaa mid bilow ah oo looga jawaabayay weera rkii qiya an ada ahaa ee ciidamada cado wga Mareykanka ay ku qaade en ciidamad eenna.” Ayuu yir Yahya Saree, Afhaye enka Militariga Xuuthiyi inta.

Afhayeenku ma sheegin khasaa raha ay gaarsiiyeen Ciidamada Mareykanka iyo markabkaba, balse waxa uu yiri "Waxaan mar kale ku celinaynaa inaanan ka waaban doonin hawlgalada militari ee Badda Cas, wax aana diyaar u nahay inaan dadkeenna ka difaacno dhamm aan khataraha cad owtinimada ah ee xuquuqda sharciga ah ee lagu difaacayo walaalaheenna Falastiin.”

Afhayeenka ayaa caddeeyay in ay sii wadi doonaan hawlgalada lagu beegs anayo maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha ay maamulaan.

"Ciidamadeennu waxay sii wadi doonaan hawlgalada ay kaga hortagg ayaan in Badda Cas iyo Badda Carab ta ay ka gudbaan mara akiibta Sahyu uniyadda iyo kuwa kale ee ku socda dekedaha xoogga looga haysto Fala stiin, illaa laga soo afjaro garda rada Sahyuuniyadda ee Gaza, lana qaado go’doominta shacabka.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in maraakiibta ganacsiga caala miga ah ee aan xiriirka la lahayn Israel ay mari karaan Badda Cas, isla-markaana ays an wax mushkilad ah ku qabin.

MADAXWEYNE BIDEN OO DORRAAD UN OGAADAY IN LLOYD AUSTIN ISBITAAL LA DHIGAY IYO DOOD KA DHALATAY

Caabuq ayaa sababay in xoghayaha Difaaca dowladda Mareykanka Lloyd Austin la dhigo isbitaal 1-dii Bishaan, kadibna loo wareejiyo qeybta daryee lka gaarka ah ee isbitaalka la dhigay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa Dorraad uun ogaaday in wasiirka ugu muh iimsan xukuumadiisa laga helay kansarka borostaat ada, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Mr Austin, oo 70 jir ah, ayaa la kulmay cambaar eyn kadib markii ay soo baxday in saraakiil sar sare aysan muddo sadd ex maalmood ah waxba kala socon in la dhigay isbitaalka.

Kadib wuxuu ka bixiyay raalligelin ah in xaaladdiisa aan si wana agsan loo ogeysiin bulshada.

Xoghayaha difaaca ayaa waxaa keliya ka sarreeya madaxweynaha marka la eego dhanka taliska milata riga Mareykanka, wuxuuna ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan golaha madaxweynaha. In aan arrintan la ogeysiin Aqalka Cad ayaa dhalisay walaac dhanka ammaanka qaranka ah iyo inay hubinti la’aan ka dhex jirto maamulka Biden.

Aqalka Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in Mr Austin uu isbitaalka ku jiray ilaa Dorraad oo Talaado ahayd. Afhayeenki isa faahfaahin kama uusna bixin xilliga laga soo bixin doono isbitaalka.

Shir jaraa’id oo Dorraad la qabtay, ayaa Aqalka Cad waxaa la weydiiyay su’aalo dhowr ahaa oo uga yimid weriy eyaasha kuna saabsan sida loo maareeyay xaaladda wasiir Austin.

Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka dalkaas John Kirby ayaa sheegay in Madaxweyne Biden Dorraad uun lagu wargeliyay xaaladda iyo xanuunka la soo dersay wasiirka.

Mr Biden iyo Austin ma aysan wada hadlin kadib makrii isugu war dambeysay oo ahayd Sabtidii, sida uu sheegay Kirby.

Dhanka kale, shir jaraa’id oo uu Dorraad qabtay Pentagon-ka ayu usan xoghayaha warfaafinta ee Ciidamada Cirka Maj Gen Pat Ryder wax sharrax aad ah ka bixin sababta uu Mr Austin mar hore uga hadlin xaaladdiisa.

Wuxuu sheegay in xaaladda kansarka borostaatada ay tahay mid shakhsiyadeed.

Aqalka Pentagon-ka ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay arrintan u dhacday ay tahay in xubin sare oo ka tirsan xafiiska Austin uu hayay hargab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip