Madaxweyne Guudlaawe oo dhiirogelin iyo Ballan-qaad u sameeyay xulka Hirshabelle

0
Tuesday January 09, 2024 - 21:35:25 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1162
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Guudlaawe oo dhiirogelin iyo Ballan-qaad u sameeyay xulka Hirshabelle

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Muqdisho kulan casho sharaf iyo mid dhiiro-gelin ah ugu sameeyay ciyaartooyda xulka Hirshabeelle ee ka qeyb-galaya tartanka ciyaaraha dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Hishabeelle, Xiriiirka K/Cagta iyo ciyaartooydaba ku bogaadiyay guulaha iyo ciyaar wanaaga kalsoonida leh ay soo bandhigeen, isagoo ku adkeeyay inay muhiim tahay in sanadkaan ay soo hoyaan Koobka, ayna haystaan taageerayaasha ugu badan ee usoo daawasho tago garoonka.

Madaxweynaha ayaa xusay in guul walba oo ay gaaraan ay farxad galineyso guud ahaan bulshada Hirshabeelle, isagoo gudoonsiiyay abaal-marino ay ku muteysteen natiijooyinkii fiicnaa ee ay soo hoyeen, waxa uuuna sidoo kale u muujiyay inay heli doonaan abaal-marino kale marka ay kulamada kale ee tartanka soo hoyaan guulo.

Kulankaan dhiiro-gelinta ah waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, xulka Hirshabeelle ayaa maanta laga filayaa guul wayn oo farxad gelisa bulsho-weynta Hirshabeelle xili ay wajihi doonaan dhigooda Jubaland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip