HALKAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 6-DA JANNAAYO 2024-KA

0
Saturday January 06, 2024 - 08:23:13 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH SABTI 6-DA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha JFS iyo Madaxwey ne Kuxi geenka Midoowga Yurub oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Habeen hore khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Kuxigeenka Mido owga Yurub ahna Madaxa Arr imaha Siyaasadda iyo Amniga, Md. Josep Borrell. Kulankaasi dhinaca khadka taleefanka ah waxaa 2da dhinac ay dii radda ku saareen damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in dal kasta uu u dhowro xeer arka caalamiga ah ee qeexaya xuduudaha dhulalka mberrigga iyo badaha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey madaxda midowga Yurub mowqifka adag ee ay ku garab ista ageen midnimada iyo madax-bannaanida JFS

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaarad eed ay ku dadaalaan xasilloonida iyo degenaan sha ha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo shirguddoomi yey kulanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur adoo be) ayaa shir guddoomiyay kulanka gudd iga joog tada ah ee Golaha Shacabka. Kulanka Guddiga Joogtada ah waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee G Sh. Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Sa matar iyo dhammaan xubanaha guddi ga, kulanka waxaa looga hadlay ajandeynta kulamada guud ee kalfa dhiga 4-aad ee G Sh.Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Sidoo kale xubnaha guddiga ayaa ka dooday heshiisyada caalamiga ah ee Dowladda ay gasho iyo sii-waddida hindise sharciyeedyada maray akhriim aha kala duwan.

Xasan Sheekh oo shaaciyey wixii dhexma ray isaga iyo Muuse Biixi, saxiixii badda ka hor

Madaxweyne Xasan Sh. ayaa qeyb ka mid ah khudbad uu ka jeediyey Masjidka wuxuu kaga hadlay wixii Jabuuti u dhex maray isaga & Muuse Biixi, intii uusan dhicin heshiiskii badda ee Addis Ababa. Xasan Sheekh ayaa u gu horeyn sheegay in isaga iyo Muu se Biixi ay u wadahadleen si walaalnimo ku jirto, iya doo dhinac kasta uu miiska soo saaray doonistiisa.

"Muuse Biixi Jabuuti ayaa isugu tagnay toddob aadkii hore, wadahadal adeenu jiho fiican ayey u socdeen, kala duwanaasho waa qabnay,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Md.Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiima dda ay leedahay in isaga iyo Muuse Biixi ay isisoo hor fariistaan oo ka wadahadlaan masiirka Soomaaliya iyo Somaliland.

"Muuse Biixi wuxuu na yiri aqoonsi ayaan rabn aa, anaguna waxaan dhahnay midnimo ayaan ra bnaa, waxa an dhahnay aan ka wadahadalno oo midnimada noo hormariya, adduuny ada dhan ayaa hadda wax isku darsaneysee, anaga oo Soomaali ah ma kala tegi karnee, anaga oo is jecel ay aan si walaalnimo ah u wadahadle ynay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu markii ay is aqbali weysay lasoo haweystay, "Soo maaliyeey isma hureyno aan is aqbalno oo wadah ad alno,” ayuu yiri.

"Dowladda Itoobiya waxaan leeya hay dadkiina ha qaldinina, ha u shee ginina Soomaaliya ayaan bad ka helnay, taasi madhaceyso, niyad jab haku ridinina dadkiina, madaxda Itoob iya waxaan leeya hay walaalayaal Soo maaliya waxay diyaar u tahay adduuny adu sida ay u dhaqanto inaad noola dha qantaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si cad i sheegay in dadka soo haweysa naya dhulka Soomaaliyeed ay kala dhig asho iyo kala qoqobnaan ka dare emeen Sooma alida, isagoo codsaday in sidaan wax laga bedelo oo dhulka shisheeyaha laga difaacdo.

Dowladda FS oo dalbatay shir deg deg ah oo ay yeeshaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Carabta.

Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wak iilka Joogtadda ah ee Ururka Jaama cadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shaaca ka qaaday in So omaaliya ay Ururka Jaamacadda Carabta u gudbisay codsi ku aadan in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiiradda Arrim aha Dibadda ee Carabta.

Safiirka ayaa xusay in shirkaasi kiiga hadkayo ca waaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah loo dhammeeyo heshiiska is-afgaradka ah ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Maamul Goboleedka Somali land. Ururka Jaamacadda ayaa looga baahan yaha y in Arrintaan laga qaato mawqif midaysan oo Carb eed lagana jawaabo xadgudubka cad ee ay Itoobiya ku hayso madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriy adda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh iyo Erdogan oo arrimo xasaa si ah uga wadahadlay xiriir taleefoon

Madaxweynaha JFS Xasan Sh ayaa khadka tale efanka kula hadlay Madaxwe ynaha dalka Turk iga Mudane Rajab Dayib Ordogan. Madaxweynaha ayaa uga mahadc eliyey dhigiisa Turkiga mowqif ka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgud ubka Itoobiya ay ku sam eysay madaxbannaanida iyo midni mada JFS

Labada Madaxweyne ayaa tilmaa may muhiima dda ay caalamka u leeda hay xasilloonida iyo dege naanshaha Geeska Afrika.

Sidoo kale Erdogan iyo Xasan Sheekh ayaa isku raacay inay xoojiya an doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowlad nimada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wa da xiriiro caalami ah si uu taageero ugu helo khilaaf culus ee Soomaaliya kala dhaxeeya Itoobiya.

Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiskii xadgudubka ahaa ee madaxweynaha Somaliland uu la galay dowladda Itoobiya, waxaana socda dha qdhaqa aq siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweynayaasha Masar, Turkiga, Qatar iyo madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ayuu tale efo onka kula xiriiray madaxweyne Xasan Shekh sa acadihii lasoo dhaafay, dham aantood waxay Soom aaliya ku taagee reen mowqifka adag oo ay ka istaagtay xadgudubka Itoobiya.

Tuhunka in awood kale oo qarsoon ay ka dambe yso damaca ITOOBIYA oo soo baxaya

Md. Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay muuj iyay shaki la xiriira suurta-galnimada in awood kale oo qarsoon ay ka dambeyso heshiiskii Addis Ababa ee Itoobiya loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. Md. Yuusuf Garaad ayaa qaba in Itoo biya aysan kaligeed ku dhiiran karin damac intaasi le ’eg, oo ay ugu xad-gudbeyso madax-banaanida Soo maaliya, xilli ay DFS ya waxba kama jiraan ka dhigtay heshiisk aasi.

"Itoobiya waxay hareer martay shar ciga caalam iga ah. Waxa ugu wacan waa wax la arki doono laakiin hogga amiyaha Itoobiya wuu u bareeray Soo maaliya iyo inuu wax guracan uu wato oo waxay yihiinba wax guracan ayaa daba jooga,” ayuu yiri Yu usf Garaad oo ka qeyb-galay barnaamijka Doodda ee Telefish anka Qaranka. Waxa uu intaas kusii daray "Itoobiya maxay u doontay waxan sameyso u bareertay, illaa hadda cid banaanka joogta ma hayno laakiin waxay u eeg tahay in ay jirto awood kale oo qarsoon.” Sidoo kale waxa uu sheegay in sa babta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku kaliftay inuu qeybo kamid ah badda Sooma aliya u saxiixo Itoobiya ay tahay cadaadiska siyaasad eed ee gudaha ka haysta, islamark aana looga guuleys tay dagaalkii Sool.

"Madaxweyne Muuse Biixi in xilligiisa dhamaad ay oo doorashadii ciriiri ku jirto, asxa abtii mucaaradka aad uga soo horjeed an, in dagaalo dhaceen oo looga guule ystay Somali land, oo gobolo ka maqan yihiin, in isaga uu raadinayo wax kale oo dadka uu libin ku sheegan karo waa la fahmi karaa.” Heshiiska Addis Ababa oo Itoobiya loogu saxiixay dhul badeed dhan 20KM, ayaa si weyn l ooga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masi iri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

Si kastaba, DFS ayaa soo saartay qaraar ay uga hortimid heshiiska Addis Ababa ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, ayada oo u yeer tay safiirkeeda dalka Itoobiya, islamarka ana waxba kama jiraan ku tilma amtay heshiiskaasi.

Dowladda Turkiga oo garab istaag u sameysay dowladda Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyna ha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnim ada ummadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Öncü Keçeli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, "Waxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoo biya iyo Somaliland ku kala saxeexd een Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.”

Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, "Waxa an mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee JFS. Waxaan ku nuuxnuuxsan aynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go’an sida shuruucda caalamiga ah.”

"Hadda iyo jeer, waxaan rabnaa in muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada xaajood toos ah iyo Soomaali dhexde eda, waxaanan ku celinaynaa inaan taageersanahay hindisayaasha jihad aas,” ayuu ku soo gabagabeeyey qora alka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

loogu heli lahaa xiisadahan soo cusbo onaaday

Madaxii Alshabaab ee Galmudug oo lagu dilay duleedka Xarardheere.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa dee gaanka ayaa howlgal ay fuliyeen waxay ku qaara iiyeen madaxii Alahabaab ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug. Sarkaalkaan oo magaciisa la gu sheegay Bashiir Ciidle Bare wax aa lagu diley deegaan dhaca dul eedka Magaalo xeebeedka Xar ar-dheere. Dadka deegaanka ay aa soo dhaweeyay dilka sarkaal kaasi oo ay ku eed eeyeen inuu dhibaato ku hayay ,sarkalkaan wuxuu Alshab aab u qaabilsanaa qaadista zakawaadka xili dadka deegaanku xuseen inuu uga qaadi jirey qaab aysan raali uga ahayn.

Howlgalka dilaan ayaa ku soo aadaya xili Al sha baab Dorraad laga saa ray magaalda Caad oo istar aatiiji u ahaa madaama ay ahayd magaaladii u gu danbeysay oo ay ka joogeen G/Mudug.

Dhanka kale dhanka kooxda Alshabaab wali wax wara kama soo saarin warkaan sheegaya in sarkaal sare looga dilay G/ Mudug gaar aha

an duleedka Xarardheere.

Golaha Wasiirada oo Shalay ansixi yay Axdiga QM ee…

Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Shal ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay M.Muqd isho ayaa ku ansixiyay Axdiga Qaram ada Midoo bay ee La-Dagaa llanka Da nbiyada Abaab ulan iyo Habra acyada ku lifaaqan.

Axdigan oo ka koobany ahay 41 qodob ayaa muhiim u ah Soomaaliya, waxaana la saxiixay 2000, ayada oo ay xubno ka yimid 193 dal oo kamid dalalka ku yaalla caalamka.

Halkan hoose ka akhriso faahfaah ina Axdiga oo dhammeystiran:-

Golaha Wasiirrada XJFS ayaa Shalay ansixiyay Axdiga QM La-Dag aallanka Danbiy ada Abaab ula n iyo Habraacyada ku lifaaqan.

Axdigan waxaa la saxeexay san adkii 2000 wuxuna dhaqangalay 2003., waxaana xubno saxe exayaal ka ah 193 dal. Dalalka xubnaha ka ah Qara mada Midoobay waxaa kali ah ee aan wali saxeexin 6 dal oo ay 3 jasiir ado yihiin Saddexda kalana Soomaal iya, Koongo-Baraasafiil, iyo Iiraan.

Marka Golaha Shacabku ansixiyo, Madaxw eyn uhuna saxeexo Sooma aliya waxa ay ka mid noqon doontaa aqlabiyadda aduunka ee ku heshiisay la-Dagaallanka danbiyada abaabulan.

Axdigani oo loo yaqaanno UNTOC wuxuu ka koobanyahay 41 qodob, Waxaana weheliya saddex habraac (protocol). Hadafka axdigani waa la dagaa llanka danbiyada abaabulan ee ka gudba soohdima ha, sida musuqm aasuqa, ka qeyb-qaadashada urur ro danbiilayaal ah, carqaladaynta caddaal adda, lac ag dhiqidda iyo danbiyo kale.

Waxaa kale oo uu abuurayaa qaab ay dalalka aduunku iskula wadagaan xogta danbiyadaas la xiriirta, ugana wadashaqeeyaan la dagaallankooda. Sida in la isku gudbiyo danbiilayaasha iyo eedaysa nayaasha, in baaritaan wadajir ah la sameeyo iyo in la soo celin karo hanti si sharci darro ah dalka looga dhacay oo dalal kale lala tegay.

Maadaama aan nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo caddaalad da rro, dhisayana dowlad casri ah, cadda alad leh oo sharcigu sarreeyo waxa lamahuraan ah in aan horumarinno xeerarkeenna ka hortagaya, lana dag aallamaya danbiyada abaa bulan. Si gaar ah dalkeennu wuxu la tacaalayaa da nbiyo abaabulan oo ay ugu horre eyaan falalka argagixiso, lacag dhiqi sta iyo tahriibinta dadka iyo agabka.

Axdigan in aan ku biirno waxa ay caddayn u tah ay heerka uu gaarsiisan yahay iyo inta ay naga go’antahay in sharcigu sarreeyo iyo sida Soomaa liya diyaar ugu tahay in ay dunida kala shaqayso la-dagaallanka danbiyada abaabulan, una kaashato khibradaha dalalka kale iyo haayadaha caalamiga ah ee aan xubinta ka nahay ka hortagga iyo la-daga allanka danbiyada abaabulan ee dalkeenna lagula soo dhuuman karo.

Axdigani waxuuu noo suuragalina yaa in aan kobcino kartida haayadehe enna caddaaladeed, waxa kale oo uu keensanayaa in aan horumarinno xee rarkeenna khuseeya danbiyada ku xusan axdiga. Waxa ay Soomaaliya caddaynaysaa marka ay dhaqangeliso axdigan in ayna gabbaad u noqon doonin danbiilayaal, sidaas si lamid ahna waxa ay Soomaaliya awooddi doontaa in ay gacanta caddaaladda la gaaryo goob kasta oo loola baxsado hanti qarankan laga dhacay.

Ansixinta Axdigani waxa uu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya laga qaaday cunaqabteyntii hubka, taas oo xaqiijinteeda loo maray waddo dheer oo dej inta xeerar badani ka mid ahaa yeen, astaanna u ahayd in adduunku dowladdeena uga marag kacay kartida ay u leedahay maamulka iyo xakama ynta hubka iyo hirgelinta sarraynta sharciga. Ansixinta Axdigan iyo xeerarka kale ee aan unki doonno ayaan ku adkeynaynaa kalsoonidaas qarankee nnu ka kasbaday adduunka, si aan u dhisno Soomaaliya ka caagan danbiyada abaabulan ee soohdimaha ka gudba una furan ganacsiga caalamka iyo horum arka.

Xasan Sheekh oo farriin culus oo la xiriirta dam aca Itoobiya u diray Muuse Biixi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud oo Shalay khudbad ka jeediyey masji dka madaxt ooyada salaadii Jimcaha kadib, ayaa ka ha dlay heshiiska Somaliland ay la gashay Itoobiya, isa goo taabtay dhinac yo kala duwan.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Somaliland ay si cad u bixisay dhul Soomaaliyeed, "wax kale oo taas ka sokeeya meesha ma yaalaan, heshiis, is-afgarad ama dhul la kireeyey meesha ma yaalaan, waxaa meesha taalla dhul la bixiyey,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Maxaxweynaha ayaa u mahad celiyey dadka ku nool waqooyiga Soo maaliya oo si joogto ah ula soo xiriira, una cadeeyey in waxa dhacay aysan raali ka aheyn, dadka kale ee Soomaa liyeed oo sameeyey banaanbaxyo waaweyn oo xadgudubka Itoobiya ay kaga soo horjeedaan.

"Dhulka Soomaaliya cid bixi karta ma jirto, xitaa in laga wadahadlo ayaa dembi ah, ma bixi doono dhulkaas, cid qaada kartana ma jirto,” ayuu yiri Xas an Sheekh.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa farriin u diray dowladda Itoobiya, "Itoobiya inaan deris noqono ma aanaan door an, waxaa dalkaan qaada weyseen Soomaaliya oo intaan ka taag-daran, gumeyste hey sto ama burbursan, macaamil kale la imaada, sid aan bad kuma heleyso Itoobiya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa shaaciyey qodob la yaab leh oo ku jira heshiiska Biixi iyo Abiy, kaas oo dhig aya in So maliland ay badda ku bedelatay saami looga balanqaaday shirkadda Ethiopi an Airlines, "Shirkad burbureysa miyaa dhul lagu bedelan kar aa? Deriskeena Itoobiya waxaan leeyahay Muuse Biixi dhul idinma sii karo,” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa Itoobiya si cad ugu sheegay in wadada ay hayaan uusan waqti dambe uga lumin "dhulka an lama bixi karo waxaan horaad ugu hungowdeen ee derisnimada ilaaliya,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Muuse Biixi u sheegay in Itoobiya ays an aqoonsa karin, "xitaa ha day ku aqoonsadaan waxaba idiinma gasho, taari ikh xun haku gelin arrintaan oo dhulka hana dha afin,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhulka Soom aali Galbeed uu ku baxay damac iyo sandareerto yar oo la siiyey dad Soomaaliyeed, "kuwo Soomaali ah oo aan talo fiicneyn ayaa xiligaas talo ku lahaa in dhulkaasi baxo,” ayuu yiri Madaweynuhu.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u ham balyee yay shaqaalaha iyo maamul ka Wakaaladda SONNA oo 60-sano jirsatay

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafi nta ee XFS ayaa uga hambalyeeyay howlwadeenada sha qaalaha iyo maam ulka Wakaala dda SONNA, Sanad-guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay 5-ta bisha Janaayo ee sanadkii 1964-kii.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac oo Shalay hadal ku aadan dabaa ldagga Wakaaladda Wararka Qaranka Sooma aliy eed ee SONNA jeediyay ayaa ka hadlay Waxqa badka Wakaal adda ee sanadkan kuwaasi oo laga xusi karo sida ay kaalinteeda uga qaadatay gu dbinta wararka iyo xaqaa’iqa ku saabsan:

1- La dagaalanka Khawaariijta 2- Gardarada he shiish beenaadka sharciga ka baxsan ee Itoobiya

3- Deynta cafinta Soomaaliya

4- Cunaqabateynta hubka laga qaaday Soomaaliya.

5- Iyo Ku biirista Soomaaliya ee Urur Gobol eedka Bariga Afrika. Wasiir Daa’uud ayaa ugu dambey ntii u hambalyeeyay Waaxda Wakaala dda SONNA maamulka iyo Shaqaala heeda isagoo u rajeeyay guul.

Madaxweyne Deni oo la kulmay Xildhiaan ada cusub ee Puntland iyo Guddoonkooda

Madaxweynaha Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shalay kulan qado ah oo soo dhoweyn iyo is xogwareysi ah la qaatay Xildhibaanada Baarla maanka 6-aad ee Puntland iyo guddoonka cusub ee ay Dorraadto doorteen.

Madaxweynaha u hamb aly eeyay Baarlamaanka iyo Gudd oonkooda, wuxuuna u raj eey ay in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadka hor yaalla oo ay ugu horeyso Diyaarinta iyo qaba shada doora sh ada madaxweynaha iyo madaxweyne Ku-xigee nka Puntland ee loo madlanyah ay 08- January 2024. Xildhibaanada cusub ee Puntland ayaa la sheegay in ay u badan yihiin kuwa uu soo xulay si weyna u taageersan madaxweyne Deni, kuwaa oo suurto gal tahay in mar kale Siciid Deni u doortaan madax we ynaha Puntland, haddii uusan isbadal kale ima an.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka codsaday xildhibaanadan uu Shalay la kulmay in ay u hiiliyaan Puntland una doortaan mar kale in uu madaxweyna ha Puntland sii ahaado afarta sanno ee soo soco ta.

Golaha Wakiillada cusub ee Punt land ayaa Isniinta soo socota go’ aamin doona cidda hoggaam in doonta Puntland afarta sanno ee soo socota, wax aana socda olole xooggan ay wad aan musha raxi inta ku tartamaya kursiga madaxweynaha iyo kuxigeen kiisa.

Midowga Afrika Muxuu ka yiri damaca Itoobiya

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat wuxuu si dhow ula s ocdaa xiisadda ka dhalatay heshiis ka ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Somalil and) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri”. Guddoomiyaha wuxuu ku baaq ay in la muu jiyo degnaan sho iyo istixgelin ka timaada 2da dhin acba, si loo yare eyo xiisadaha ka dhexta agan DFS iyo DF Itoobiya.

Sidoo kale guddoomiyaha guudigga Midow ga Afrika Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado waxk asta oo keeni kara in uu xum aado xiriir ka derisnimo ee ka dhexeeya laba dan dal ee dhaca Bariga Afrika.

Wuxuu intaasi ku daray in la ixtiraamo mada xban aanida, midnimada iyo shar afta dhuleed ee guud ahaan wada mada xubnaha ka ah Midowga Afrika, oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaans amo shuruu cda iyo xeerarka la xiriira dhowrista der isnimada, si sare loogu qaado dhiirogeli nta nab adda, ammaan ka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

M/Afrika ayaa labada dal Soom aaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaa baan wadah adalo lagu xalinayo kala duwanaansh iyaha labada dal, iyadoo dhanka wana agga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka. Ugu dambeynyii guddoomiyaha guddi ga Mido wga Afrika ayaa sheeg ay in ay ka go’antahay sidii xal waara


XIRIIRKA K/CAGTA OO GO’AAN CULUS KASOO SAARAY CIYAARTII BANAADIR IYO HIRSHABELLE

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliye ed ayaa war ka soo saaray rabshadihii Dorraad ka dhacay Gar oonka Stadium Muqdisho.

Xiriirka ayaa sidoo kale shaaciyay natiijada kulankii Dorraad kadib ma rkii loo joojiyay rabshado hare eyay garoonka, ayada oo uu dhibcaha kulankaas siiyay xulka dowlad-gobole edka HirSha beelle, taasi oo ganaax looga dhigay taageeraya asha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciy aa rtu ka socon weysay dhankooda. "Wuxuu go’a ansaday guddiga; In Natiijada ciyaarta dhibcaha la siiyay maamul goboleedka HirShabeelle, natiijadaas oo ah 3 dhibic iyo 3 Gool, maadaama taageerayaa sha Gobolka Banaadir laga wadi waayay Ciyaarta si da ku qoran warbixinta Garsoorka iyo Xeer-ilaaliya ha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xiriirka, gaar ahaan Guddiga Dishibiliinka SFF.

Go’aankan ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in cidii aan ku qancin ay u furan tahay Rafcaan sida ku cad Xeerka Tartanka Qod. 11-aad Faqra diisa 2-aad, sida lagu yiri qoraalka Xiriirka kasoo baxay.

"Waxaan rajeynaynaa in aad nala ilaalin doontaan Xeerka iyo Nidaamka Tartanka.”

Ciyaartii Dorraad ee Banaadir iyo HirShabelle ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo fowdo, ayada oo Shalay ammaanka garoonka si weyn loo xakam eeyay. Waxaa garoonka lagu arkayaa Shalay ciid amada rabshadaha ka hortaga oo aad loo soo bad iyay, xakameynaya taageerayaasha, si looga baaq sado rabshado lamid ah kuwii Dorraad oo markii dambe baajiyay kulankii Banaadir iyo HirShabelle.

FOOTBALI XIRIIRKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYA

SOMALI FOOTBALL FEDERATION

Guddiga Dishibiliinka SFF GD/023/2024 Date:

KU: Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta G/Banaadir 05/01/2024

OG: Guddiga Garsoorka SFF

OG: Guddiga Tartamada SFF

OG: Xoghayaha Guud SFF

UJEEDO: Go'aan

MN. 04-Date 04/01/2024 HIRSHABEE LE FA VS GOBALKA BANAADIR

Haddaba, Guddiga Aadaabta & Dishibiliinka SFF:

Markuu Arkay, Warbixinta Garsoora ha iyo Xeer-ilaaliyaha.

Markuu Arkay, Falkii ay ku kaceen Taageeray aa sha G/Banaadir.

Markuu Arkay Qodobka 10aad Farqadiisa 1aad ee Xeerka Tartanka

Markuu Tixgeliyey, Habsami u socodka Tarta nka.

Wuxuu Go'aansaday Guddiga:

Si waafaqsan Qod. 10aad Farqadiisa laad

1. In Natiijada Ciyaarta dhibcaha lasiiyay Maamul Goboleedka Hirshabe ele Natiijadaas oo ah 3 dhibic iyo 3 Gool maadaama taageerayaasha Gob alka Banaadir laga wadi waayay Ciyaa rta sida ku qoran Warbixinta Gars oorka iyo Xeer-ilaaliyaha.

2. Ciddii aan ku qancin Go'aankan waxaa ufurun Racfaan sida ku cad. Xeerka Tartanka Qod.11aad Farqadi isa 2aad.

FG. waxaan rajaynaynaa in aad nala ilaalin doonta an Xeerka iyo Nidaamka Tartanka. Waa Billaahi Towfiiq =umar Maxamuud Nuur (Mugaanbe) Gudoomiyaha Guddiga Dishibiliinka SFF

O Mahnma FOOTBALL SFF

Maamulka G/ Banaadir oo ka hor yimid go’aankii Dhibcaha looga qaaday

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka gob olka Banaadir, ayaa looga hor-yimid go’aankii kasoo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee dhibca ha looga jaray ciyaartoyda gobolka Banaadir, kula nkii rabshada ku dhammaaday ee Dorraad ka dhac ay Stadio Muqdisho. Maamulka G/Banaadir ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxii Dorraad ka dhac ay garoonka Stadio Muqdisho, waxa ay sidoo kale xuseen in ay ka xun yihiin go’aanka deg dega ah ee kasoo baxay xiriirka ee dhicbaha looga qaaday.

War-saxaafadeedka kasoo baxay gobolka Ban aadir ayaa lagu sheegay in aysan jirin taageeragaal u diiwaan-gash an maamulka gobolka iyo maamul ada kale, sidaa darteed aan loo sa arin karin eeda taageerayaashii rab shada ka sameeyay garoonka.

Halkan ka Akhriso warka kasoo baxay

maamulka gobolka Banaadir

Federal Republic of Somalia Benadir Regional Administration Mogadishu Local Government

جمهورية الصومال الفدرالية ادارة محافظة بنادر

JAMHURIYADDA FEDERALKA SOOMAALIYA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR DAWLADDA HOOSE EE XAMAR

WARSAXAAFADEED

CAYAARTII DHEX MARTAY XULKA KUBADDA CAGTA GOBOLKA BANAADIR IYO HIRSHABELLE

Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu war-sax aafadeedkaan kaga hadlayaa Shaqaaqadii ka dh acday Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho maalintii Dorraad 04-01-2024 Kulan Ciyaareedkii u dhexeeyay Xulal ka kala matalayay G/Banaadir iyo Hirshabelle.

Maamulka G/Banaadir iyo DH ee Xamar waxa uu ka xun yahay wixii ka dhacay Garo onka Kubad da Cagta ee Stadium Muq disho oo uu Maamulka u arko mid xadgudub ku ah habsami u socodka Tar tanka Kubadda Cagta ee Dowlad Goboleedyada da lka iyo Gobolka Banaadir.

Maamulka G/Banaadir iyo D/Hoose ee Xamar waxa uu aad ugu xun yahay go'aanka Deg-dega ah oo ay gaareen Xiriirka Soom aaliyeed ee Kubadda Cagta, kaasi oo ay dhibcihii kaga qaadeen, iyagoo cuksanaya in cayaarta laga wadi waayay taageeray aasha Xulka Kubadda Cagta Gobolka Banaadir.

Haddaba Maamulka G/Banaadir waxa uu iska bari yeelayaa go'aan ka dhibco ka qaadis oo ay gaa reen Xiriirka Kubadda Cagta, Waxa uuna marnaba aqbaleynin wax walba oo lagu dhaawacayo sharafta Macalimi inta iyo Ciyaartoyda Xulka Gobolka Bana adir. Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu cadeenayaa;

1- In aysan jirin taagerayaal diiwan gashan oo ay isla wada ogyihiin Wasa aradda

Cayaaraha, Xiriirka Kubadda Cagta iyo Maamul ka G/Banaadir.

2- In aysan jirin taageerayaal ay Maamulka Gobolka Banaadir usoo jareen Tikidho, Kaarar ama Yunifoom oo ay Maamulka Gobolka Banaadir keen een Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.

: 3- In Maamulka G/Banaadir, aysan wax shaqo ah ku laheyn Maamulida iyo kala maareynta Taag eerayaasha usoo daawasho taga Cayaaraha.

4- In aysan jirin Masuuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir oo goo bta fowdo ka kiciyay intii ay Ciy aartu socotay. Sidaa daraadeed go'aanka kasoo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kuba dda Cagta wa xa uu dhaawacayaa kulamada ka harsan Tartanka Cayaar aha Maamul Goboleedyada dalka iyo G/ Ba naadir, waxa uuna hors eedayaa in hadba ay dhali nyarro is aruursadaan oo ay goob fowdo ka kiciya an, si ay xasarad u abuuraan isla markaana ay ka shaqeeyaan in dhibco laga qaado koox aysan taage ersan een, iyagoo iska dhigaaya in ay taageerayaan kooxdaasi ولا تزر وازرة وزر آخرى

Maamulka G/Banaadir waxa uu qirayaa in daa washada Caya araha kasoo qeyb- gala ay yihiin dhalin yar adda ku nool Caasimadda Muqdis ho, ku waasi oo hadba kooxda la qum an taageera, sidaa darteedna laga baaqsan karo in la niyad jibiyo dha liny arada usoo daawasha taga cayaaraha. Maamulka G/Banaadir iyo D/Hoose ee Xamar, wa xa uu tixgelinayaa shuruucda iyo qawaanii nta u da gsan Cayaaraha Kubadda Cag ta Maamul Gobolee dyada dalka iyo G/Banaadir, waxa uuna ugu baaqayaa Mas'uuliyiinta Wasaaradda Dhalinyarad da & Cayaaraha iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kuba dda Cagta inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan cida ka mas'uulka ahayd fowdadii Dorraad ka dhacd ay Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqd isho.

Maamulka G/Banaadir waxa uu ugu baaqayaa howlwadeenada ka shaqeenaya Garoonka Stadium Muqdi sho oo ay ugu horeeyaan hey'addaha amaa nka in ay xil gaar ah iska saaraan maareynta iyo xa kameynta daawadaya asha cayaarta, isla markaana ay ka fogaadaan wax weliba oo dhibaateyn kara muwaadinka usoo daawasho tagay cayaaraha.

Maamulka G/Banaadir waxa uu boogaadinayaa in Caasimadda dalka lagu qabto tartan xiisaha nu uca an oo kale leh, kaasi oo qeyb ka qaada naya is-dhaxgalka bulsho iyo nabadda, waxa uuna rajeena yaa in tartanka uu kusoo idlaado jawi xasiloon.

Ugu danbeyn waxa uu bahda isboortiga ugu baa qayaa in si miir-qab oo xamaasad isboorti ku dhee han lo ola jaan-qaado Cayaaraha Kubadda Cagta Ma amul Goboleedyada dalka iyo G/Banaadir, iyad oo la dhowrayo nidaamka iyo habsami u socodka tartanka. MAHADSANIDIIN

AFHAYEENKA MAAMULKA GOBOLKA BANAA DIR SAALAX XASAN CUMAR

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Suud aan oo taageero loogu muujiyey DFS

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Suu daan ayaa looga hadlay Xadgudubka dowladda Itoo biya ee go bnimada iyo midnim ada dhuleed ee JFS, iyadoo lagu she egay in muhiim tahay in loo hogga ansamo ilaalinta xee rarka caalamiga lana ixtiraamo madaxbanaanida dhuleed ee Soom aaliya.

"Waa laga maarmaan in loohoggaan samo nidaa mka caalamiga ah ee had da jira, Axdiga Qaramada Midoob ay, nidaamka aasaaska ee Midowga Afrika, iyo qawaaniin tacaalamiga ah, iyadoo la ixtiraamayo madaxbanna ani da, iyo xudduudaha dawladaha ca alam ku aqoonsan yah ay, tani ayaa ah saldhigga nabadda iyo amniga caalam iga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Suudaan.

Suudaan ayaa sheegatay in iskaa shiga u dhax eeya dowladaha lagu dhiso aaska-aaska shuruucda caalami ga oo la raaco nidaamka sharciga ee saxda ah, taasoo mee sha ka saareyso la xiriirka kuwa aan sharciga u laheyn in lala galo heshiis.

"Waxaan ku baaqeynqa in xal loo helo dhibaata dan si kor loogu qaado ka go’naanta qawaaniinta ca alamiga ah iyo ilaalinta midnimada iyo madax-ban naanida Soomaaliy a oo xubin ka ah Qaramada Mid oobay, Midowga Afrika, Ururka Jaamacadda Carab ta. D/daha Carabta iyo IGAD,” ayaa kagu soo gabagabeeyey warka ka soo baxay do wladda Suu daan.

Al-Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen degaan hoostaga Maga alada wajeer

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dag aal la’aan kula wareegeen degaanka Coos Mudulle oo hoostaga degm ada Kutulow ee gobolka Wajeer, halkaas oo ay ku sugnaa yeen Ciidamo soom aali ah oo ay taageerto dowladda Kenya.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ka hor inta aysan la wa reegin degaanka ay hareereeyeen, ta as oo keentay inay Ciidamada Soo ma alida ah si nabadgeliyo ah iga baxaan, iyada oo uusan dagaal ka dhicin degaanka. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Xubnaha Al-Shabaab ay dadka degaanka ay fagaaro kula hadl een, isla markaan ay ka dalbadeen inay la Shaqeey aan kadibna ay dega anka isaga baxeen.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa qarax miino la beegsa day Kolonyo Gaadiidka Ciidamada Kenya eek u soc daala yay inta u dhaxeeysay deegaann ada kala ah Kiwaanja iyo Caalin juqur ee duleedka Magaalada Gaarisa.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka Ciidamada Kenya oo burbur soo gaa ray, waxana weli la xaqiijin khasa araha kale ee ka dha shay qaraxaas. Dhowr jeer ayay Al-Shabaab we eraro to os ah iyo qara xyo ka fuliyeen degaano katirsan Gobolka W/Bari Kenya, halka C/Kenya ay dhankooda howlgallo ay sameeyaan ay kudilaan Xubno katirsan Al-Shab aab



HABRAACA & SHURUUDAHA DOORASH ADA MADA XWEYNAHA PUNTLAND OO LA SOO SAARAY


Guddiga Doorasha Madaxweynaha iyo Madax weyne ku-xigeenka Puntland oo Shalay la magacaa bay ayaa soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada oo lagu wa do iney dhacdo 8 Bisha aynu ku jirno ee Janaayo oo maal mo kooban ay naga xigaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA HABRAACA LA SOO SAARAY

DAWLADDA PUNTLAND

ولاية بونت لاند الصومال

EE SOOMAALIYA

مجلس النواب

GOLAHA WAKIILADA

Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxw eyne ku xigeenka Dawla dda Puntland

Taariikh: 05/01/2024

Habraaca Doorashada Madaxweynaha & Madaxw eyne ku xigeennka Dawla dda Puntland

1. Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu markuu arkay Dast uurka Dawladda Puntland iyo Xeerhoos aadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland wuxuu magacaa bay Guddiga Doorashada Madax weynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland 05/01/2024.

2. Si waafaqsan Xeerhoosadka Golaha Wakiill ada, Guddiga doorash adu wuxuu diyaarinayaa hab raaca doo rash ada Madaxweynaha iyo Madaxwe yne ku xigeenka.

3. Tirada Guddiga Doorashadu waa 7 xubnood, waxaana kaalinaya Xogha yaha Guud &

Agaasimaha Maamulka Golaha Waki illada.

4. Guddigu wuxuu u hogaansamayaa sharciga oo keliya, waxna lagama bedeli karo marka

Goluhu ansixiyo wadar iyo mid toona ilaa door ashadu dhammaato. 5. Guddigu waxay shaqadoo du ku egta hay muddada doorashadu socoto.

Waajibaadka Guddigu

1. Habsami u socodsiinta hawlaha Doorashada.

2.Qabashada Dukumintiyada Musharix iinta.

3.Go'aaminta khidmadda laga qaadayo mushar ixiinta.

4.Ilaalinta sanduuqyadda doorashadda iyo waraaq aha cod bixinta.

5. Tirinta Codadka.

6. Ku dhawaaqidda natiijada door ash ada hadba meesha ay marayso

7. U gudbinta natiijada kama damb ay sta ah ee dooar ashada Guddoom iyaha Golaha

Wakiillada si uu ugu dhawaaqo.

8. U gudbinta seddex nuqul oo ka mid ah natiija da doo rashada Madaxt ooy ada, Golaha Wakiillada iyo Maxka madda Sare.

Shuruudaha Doorashada Madaxwe ynaha & Ma daxweyne ku xigeenka

1. Muwaadin kasta oo Puntland ah waa u furan tahay in uu u tartamo Mad axweyne ama Madaxwey ne ku xigeen haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka ee Dastuuriga ah, kuw aas oo kala ah:

1 B. In uu yahay Muwaadin Puntland ah, muslim ah, ku dhaqma diinta islaa mka, miyirkiisu dhan yahay, da'diisu aanay ka yareyn 40 sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana aan guursan karin.

T. In uu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo ho gaam ineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hidaha Soomaali yeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambeysay.

J. In uu xuquuqdiisa muwaadin nimo go'aan maxkama deed lagu hakin Stii sano ee ugu dam beysay.

X. In uusan hore u gelin khiyaamo qar an ama ku xadg udbin xuquuqda bin'aa damka.

2. Musharixiinta jagada Madaxwey naha iyo Mad axweyne ku xigeenka wa xay ka iman karaan Gola ha Wakiillada iyo Dadweynaha.

3. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo d oorto Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka wuxuu bannaynayaa xubinnimadii Golaha Wakiillada, waxaana lagu soo xulayaa bedelkiisaa habkii uu ku yimi kii hore.

4. Musharax weliba waa in uu u soo gudbiyaa Guddiga doorashada codsigi isa musharaxnimo iyo taariikh-nololee dkiisa (CV) laga bilaabo 05/01/ 2024, Saacadu markay tahay 12:00pm waxa yna ku egtahay qaba shada dukumi ntiga codsiyadu

06/01/2024 saacadu markay tahay 4:00pm. 5. Musha raxa Madaxweynuhu waa in uu bixiyo lacagta diiwaangeli nta oo dhan US $30,000 (Soddan kun oo doolar Keliya ). Musharaxa Madaxwey ne ku xigee nku waa in uu bixiyo US $15,000 (shan iyo toban kun oo doolar keliya), wax aana

lagala xiriirayaa Maamulka Golaha Wakiillada. 6. Mush arax walba wuxuu saxiixayaa ka hor inta aan doorashadu dhicin warqadaha ay soo diyaariyeen Guddiga doora shadu oo ah in musharixiintu ku qancayaan

natiijada doorashada. 7. Musharixii saxiixi waaya qoraal ka ku xusan faqrada 6-aad waxaa loo aqoons ayaa

inuu ka tanaasulay musharaxnima dii.

8. Musharax waliba waa inuu buuxi yaa shuruud ahan kor ku qoran. 9. Wax aa reebban musharax isu sharaxay xilka Madaxweyne in uu isu sharaxo xilka

Madaxweyne ku xigeen.

Wakhtiga Doorashadda

✔Doorashaddu waxay dhacaysaa Maalinta Isniin, 08/01/2024 ✔Doorashadu waxay bilaabmaysaa 7:00 AM subaxnimo..........

Qaabka Soo bandhigida Khudbada ha Murashixi inta

Musharax waliba wuxuu barnaamijk iisa iyo CV-giisa ka horjeedinayaa Gol aha Wakiillada Axad, 07/01/2024 waqti dhan 12 daqiiqo

Qaabka Coddevnta Doorashada

1. Qaabka coddeyntu waa shaqsi, sinn aan, xorri yad iyo qarsoodi. 2. Codka waxaa tirinaya Guddiga doorashada.

2. Codka waxaa la qaadayaa saddex wareeg, 2da wareeg ee hore waa 2/3, wareega

saddexaadna waa hal dheeri. 4. Musharixii hela labada wareeg ee hore 2/3 ayaa ku guulaysanaya doorashada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka.

Haddii kale nidaamka doorashadu wuxuu noqon ayaa sidan soo socota:

✔Wareegga hore marka la wada galo, waxaa wareega labaad u soo gudbaya saddexda musharax ee ugu codka badan.

✔Wareegga saddexaad waxan u soo gudbaya labada musharax ee ugu codka badan wareega labaad, waana hal dheeri.

Haddii ay dhacdo in labo musharax ama in ka badan ay is codad le'ek aadaan wareegyada labaad iyo sade xaad waxaa lagu celinayaa cod bixinta mar kale, haddii ay ku kala bixi waay aan ku celinta door ashadu halkeedii bay ka sii soconaysaa ilaa mush arax ku guulaysto.

Musharax waliba tirinta codadka wu xuu keensan ayaa Wakiil codka u tiriya.

Ku dhawaaqida natiijada hadba meesha ay mar ayso waxaa soo jeedi naya Guddoomiyaha Guddiga Doora shada.

Natiijada kama dambeysta ah wax aa ku dhawaa qaya Guddoomiyaha Gol aha Wakiillada Dawladda Puntland.Wada shaqayn wacan

Warsamen Xil. Cabdiweli Yusuuf

Guddomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweyna ha iyo Madaxweyne ku xigeenka DPL.

Xildhibaanada Soomaalida ee Baarl amaanka Kenya oo si kulul uga hadlay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Xildhibaanada Soomaalida ah ee ka tirsan Baar lamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari kenya ayaa si kulul u camba areyay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Xildhibaan Dr. Aadan Key nan oo hadlay Warbaahinta ayaa heshiiska badda ku saa bssn ee uu Raysal wasaara ha Itoobiya la galay madax weynaha Somaliland ku tilmaanay xadgudub toos ah oo meel uga dhacaya madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Waxay dalbadeen Xildhibanadaan in Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD in talaabo deg deg ah laga qaado dowladda Itoobiya, haddii aysan ka laaban heshiiska ay la gashay Somaliland.

"Abiy Ahmed waa wiil yar oo wuxuu sameynaya aanan ka fiirsanen, wuxuu heshiis la galay maamul gobol, taasoo ah xadgudub cad, iyadoo la ogya hay cadawadii Soomaaliya iyo Itoobiya mahan in m arkale dhibaato uu ku abuuro Soom aaliya Abiy Ahm ed, sababto ah dalka Soomaaliya hada ayuu soo kabsan haya oo waa la wada ogyahay, Abiy waxa an leenahay talaabada dib uga noqo taas heshiis kuma noqon doone oo haku xadgudbin madax banaanida Soomaaliya" ayuu yiri Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya.

Mudanayaashaan ayaa sidoo kale sheegay in arintaan ay kala hadli doonaan madaxda sare ee dowladda Kenya oo ugu horeyo madaxweynaha dalkaas Wiliam Ruto.

Madaxweynaha Somaliland oo faah faahin ka bixiyay heshiiska Somali land iyo Itoobiya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo faah faahin ka bixiyay heshiiska Itoobiya iyo xuku umadiisa, ayaa sheegay in aan la bixinin bada Somaliland, lakiin sal dhig millateri Itoo biya laga kireeyay.

Biixi oo Shalay kusoo laabtay M Harga ysa, ayaa sheegay in warka ah in bada la iibiyay anay waxba ka jirin, isaga oo sheegay in heshiiska Itoobiya lala galay uu yahay mid loo eegay dastuurka iyo shuruucda Soma lil and.

"Waxa la yidhi oo aad maqasheen, Somaliland bad ayaa la iibiyay sawm aaha? Saylac ayaa xab ashida laga iibi yay saw lama odhan?, dhulka Som alil and lama iibin karo, madaxwe ynana ma iibin karo, warkaasi waa ka cadawga ee kuwa sidaa lihi hadii loo dhiibo iyaga iibin lahaa" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu xaaraant inimaynayo, in la iibiyo dhulka Somalil and, isla markaana anay ahayn wax dhici kara, waxa uu sheegay in hesh iisku uu ku salaysanyahay waxa uu dastuurka Somaliland ogolyahay.

"Itoobiya waxay daydayaysay meel ay dajiso cii damadeeda bada, Somali land 33 sanno waxay u dadaalaysay in ay hesho dowlada kowaad ee aqo on sata, Itoobiya ayaa Shalay kamid ah" ayuu yidhi Biixi. Waxa uu sheegay in heshiiskani uu Somaliland u furayo in dowladaha caalamku ay maalgashadaan, isaga oo sheegay in markii hore uu caalamku dhaq aalihiisa ku aamini la'aa, madaa ma oo Somaliland anay haysan aqoonsi.

Waxa uu sheegay in dowlada Soom aaliya anay diidin in bada la kireeyo, lakiin kali ah ay rabtay in ay iyadu saxeexdo "Xasan Sheekh, dowla diisa iyo wixii iska daba hadlay oo dhani waxay kusoo urur

iyeen waxay ahayd in anaga nala soo maro"

Madaxweyne Museveni oo si kulul u dhaliilay reer galbeedka

Maalmo kadib markii Mareykanka uu Uganda ka saa ray barnaamijka gargaarka dhaqaa laha sababo la xiriira xuquuqda aad anaha, ayaa madaxwey naha Ug anda waxa uu si kulul u dhaliilay reer galbeedka.

Khudbad uu jeediyay Khamiistii, ayuu Madaxweyne Yoweri Museveni ku boorriyay sharci-dajiyayaasha dalal ka Barwaaqo-sooranka inay diidaan waxa uu ku tilma amay xuShalay dalalka reer galbeedka ee ku wajahan bulshooyinka iyaga ka duwan.

Museveni ayaa u sheegay mada xda baarlamaannada 33-ka wadd an ee Barwaaqo-sooranka ee ku shirsan Kampala in dulmiga reer galbeedku uu ka kooban yahay gardaro, dhac, addo onsi, barakicin, isir sifayn, gumaysi iyo xukun dadban.

"Haddii aad rabto xorriyad, haddii aad qiimeyso xorriyad da, markaa waa inaad qiimeysaa xorriyadda qof walba,” ayuu yiri Museveni. "Haddii aad qiimey so madax-banna anida, haddii aad qadarinayso sharafta, markaa waa inaad ixtiraamtaa sharafta qof kasta, joojiya wax-ku-oolnimada iyo muxaadarooyinka bulshooyinka ka duwan kuwaaga.” ayuu raaciyay.

Museveni waxa uu ku eedeeyay "wadamada qaar” in ay isticmaalayaan horumarka tignoolajiyada, si ay u cadaadiyaan wadamada kale ee leh qiyamka ka duwan.

Tan iyo markii sharci-dajiyayaasha Uganda ay ansixi yeen sharciga ka hortagga dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda bishii Maarso 2023, dalka ku yaalla Bariga Afrika ayaa waxaa saarnaa cadaadis ka dhan ah xadgud ubyada xuquuqda aadanaha.

Bangiga Adduunka ayaa kala noqday dhaqaalihii uu siin jiray Uga nda, iyada oo usbuucan oo kaliya ay lumisay fursadda inay ka faa’iidaysato Xeerka Kobaca iyo Fursa daha Afrikaanka ee Mareykanka ee AGOA.

Dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Japan & Boqolaal qof oo lagu la’yahay

Samatabbixiyeyaasha Japan ayaa ku dadaalaya sidii ay u heli lahaayeen 242 qof oo la la’yahay ka dib dhulgariir aad u xun oo ku dhuftay maalinta san adka cusub.

Jimcihii, tirada dhimashada dhulgari irkii 7.6 magnitude ee jasiiradda fog ee Noto ayaa kor u kacday oo gaaraty 92. Ciidamada Isdifaaca ee Japan ayaa laba jibaaray tirada ciidamada ka qeyb qaadanaya samata bixinta iyo gargaa rka iyagoo gaarsiiyay 4,600, sida ay ku


XUSKA SANADGUURADA 60-AAD EE WAKAALADDA WARARKA SONNA

Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta macluuum aadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalam ka,w axayna wa kaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalam iga ah waa kuwo xirfaf aha an ku shaqe ysta warbaa hinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran kanaal adooda sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada. waxaa kamid ah wa kaaladahaasi Associated Press (AP), AFP , Reut ers, United Press iyo Tass.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wara rka caadiga ah iyo siyaa sadaha dowladaha.

Dhammaan wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka iyo ka fogaanta wararka beenta ah ee dhaawici kara Xogta saxda ah ee muuqaalada dhac dooyinka u gudbaya macaamiisha.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddaba,Wakaaladda W/Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay Shalay u dabbaal dage ysaa xu ska sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegatay aasaas kii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana Tiirka ugu weyn ee ay ku faa nto wasaaradda Warfaafinta JFS Dhismaha Wakaalad da ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo k ala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raa diyo Muqdisho oo la furay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip