Haloo Meel Dayo Hadalka Iyo Cidda Lala Hadlaayo

0
Thursday June 30, 2016 - 23:20:29 in Maqaallo by
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haloo Meel Dayo Hadalka Iyo Cidda Lala Hadlaayo

    يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ As-Salaamu Aleikum Wa Rahmatul-Laah ! Abdirahmaan Sheikh Muhiadiin Eli Waxaan Rabaa in aan Wax Iraah War ay Idaacaha Leyska Arko iyo Kuwa Leyska Maqlo ay Baahiyeen ee ku Taariikheysan; Talaado 28-June-2016
Warkaas waxa uu Ka soo Yeeray Wax-garad Soomaaliyeed.
Waxa uuna Ku Wajahnaa Gaar ahaan Wazaaradda Haweenka ee Xukuumadda Federl-ka Somaaliyeed.

Waxaa ila Quman in aan Haddii aan Nahay Muwaaddiniinta Soomaaliyeed in aan Garanno Ahamiyada ay Leedahay Hubsiimada.

Waxa Soo Yeeray Khabar aad u Culus.
 
Waxa uuna Ka soo Yeeray Culumo iyo Wax-garad Soomaaliyeed.
Waxa iga Su’aal ah Goormeen Baraneynaa in aan Hubsanno Sugnaanta iyo Sugnaan La’aanta Wixi Maqalkeena Soo Gaaro.

ka Dib Marki aan Hubsanno Saxnimada Warki Na soo Gaaray, Haddan Goormeen Baraneynaa in aan Kala Niqaashno Jihada Ku Habboon, Anagoo Ka Weyddiineyna Su’aalaha aan ka Qabno iyo In aan Ka Fassir Dalabno Wixi u Baahan in La Fassiro.

Laga Soo Billaabo Waagi Kacaanka Curtay ilaa iyo Maanta oo Laga Joogo 43 Sano Ku Dhawaad Nus Qarni Ayaa Nidaam Kasta ee Soo Mara Dalkaan Soomaaliya Iyo Akhyaarta Soomaaliyeed Farqaha Is Heystaan.

Waxaa u Baahan In La Hubiyo Dhawaqa Soo Yeeray Maanta Inta uu Yahay Raddul Ficil ku Yimid U Qiiroosho Diinta Islaamka iyo In uu Yahay Mashruuc Siyaasadeed.

 
Haddii aan Si Kale u Iraah;
 
1-Qeyla-dhaanta Ma Mid Ku Timid Qiiro Diineed iyo Waddaniyeedbaa ?
2-Mise Waa Mashruuc Siyaasadeedki aan Horay Niqiin ee Loo Huwi Jirey Sibghi Diineed (Shaar Diineed) ?

Waxaa Soo Yeeray Marki Loo Fiirsho Diinta Iyo Dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed Waa Eedeymo Khatartooda Leh.

Sideedaba Waxa Lagama Maarmaan ah In La Gareysto In Eray Walba uu Leeyahay Mas’uuliyad Ka Dib Marki La Hubiyo Baaluqnimada/ Qaan-gaarnimada, Aqoonta, Xurnimada iyo Miir-qabnimada Qofka uu Ka Soo Yeeray Eraygaas.

 
Waayahaan Waxa Batay In Hadalka Loo Yiraah; Maxa Iga Galay !
 
Waxaas Lama Gudboona Dad Loo Yaqaan In ay Yihiin Akhyaar Soomaaliyeed.

Haa Dabcan Waxaa Akhyaarnimadooda Ka Mid ah In ay Xaq U Leeyihiin In ay U Nasiixeeyaan Nidaamka Markaas Talada Dalka Haaya Ayagoo U Marinayaa Nasiixadooda Channel-ada Ama Marrinada Ku Habboon ee Maaha In Lala Hor-yimaad Iclaam-ka Iyo Media-ha Iyo Intaas Malaayiin Soomaaliyeed oo Mustawaha iyo Heerarka Caqliyadooda Kala Duwan Yihiin.

Haa, Dhabtii Waxaa Rabaa In aan Rumeysto Niyadsamida Akhyaarti Soo Qeyla-dhaamisay, Balse Waxa aan Dhaliilsanahay Habka iyo Haanedka Ay Qaddiyada Ula Tacaamuleen amaba ay U Waajaheen..

Waxaa Intaas oo Dhan Ka Daran – Haddii aan Si’ Sax ah U Fahmay – In Axad Ka Mid ah Akhyaarta Boorrinayo ama Dhiirra-gelinaayo Fowdo Waa Markuu Yiri;”Shacabkaa Dilaa Kuwi Ka Dambeeyey Xeerkan Loo Gudbiyey Golaha Waziirrada oo wax Dila Waa La Helaa”

 
Haddaba Haddii Arrinka Sidaas Yahay.
Waxa Is-weyddin U Baahan; Hadalkaas Gheyru Mas’uul-nimadaa ilaa Intee ayuu La’ Egyahay Wanaagga Ku Jira Marki aan Bar-bar Dhigno Dhibka Ka Imaan Kara ?

Ilaahey waxa uu Qur’aankiisa ku Yiri:

لولا إذ سمعتموه ظن المؤمنون والمؤمنات بأنفسهم خيرا وقالوا هذا إفك مبين

Qofka Mu’min-ka ah Mar Walba Waa uu Iska Hubiyaa Waxa uu Maqlo oo Waxa uu Leehay Waxa Loo Yaqaan; Source Criticism,

قَالَ سَنَنْظُرُ أَصَدَقْتَ أَمْ كُنْتَ مِنَ الْكَاذِبِينَ

 
Qofka Waxa Dambi Ugu Filan in uu La Yeer-yeero Meelaha Waxa Kasta ee uu Maqlo
 
كفى بالمرء إثما أن يحدث بكل ما سمع
 
Soomaaliduna Waxa ay Tiraah; "Hubsiimmo Halbaa La Siistaa”
 
In Wax La Hubsado Waa Mas’uuliyda Diineed iyo Mid Dhaqaneed Intaba. Xukuumad, Shacab, Indher-garad,Culumo, Caamo, Rag iyo Dumar intaba Waxa Naga Wada Saaran Mas’uuliyad In aan Hubinno Waxa Dhegaheenna Soo Gaaro.

Dhaqan Fiican Maaha In Lala Boodo Wax Kastoo La soo Sheego Dhaqankaas Ka Mid Maaha Akhlaaq-da Mu’min-ka.

Waxaan Rabaa In aan Qormadeyda Ku soo Gunaanado.

 
Maaha Caamada In Lala Dhex Yimaado Qaddiyadaha Qaar Sida Tan oo Kale ee Halaga la Hadlo Jihooyinka Ka Mas’uulka ah.
Dalkana Waxa uu Leeyahay Dowlad Muslim ah oo ay Hoggaamiyaan Madax aan Ku Naqaan in ay Muslim Yihiin.

Dalkaan iyo Dadkaanna Dhib Kale Uma Noqdee aan U Turno.

 
Qormadan Waxaa Igu Dhaliyey Dareen Islaamnimo Iyo Mid Waddaniyadeed.
Ujeedkeyga Waa uun Wax Ha Toosaan Waxna Ha Hagaagaan.
 
Haddaba Anigu Macsuum ama Ma Gafe Maahi:
 
HaddiiQormadaan Ujeeddadaan u Qoray ay ku Dhabowdo Waa Allaah Waafajintiis Asiga Kaliya Ayaana Ku Mahadsan oo Galladdaas Leh.
Haddii aan Ujeeddadi aan Idiin Sheegay Hareer Marayna, Uma Qasdin ee Waa uun Naf Iyo Sheydaan.
 
وما أريد أن أخالفكم إلى ما أنهاكم عنه إن أريد إلا الإصلاح ما استطعت وما توفيقي إلا بالله عليه توكلت وإليه أنيب
 
Muwaaddin Soomaaliyeed.
 


xigasho:-somaliweyn.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip