
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA JANNAAYO 2024-KA
Aadan Madoobe oo aad uga caro oday arrin ay sameeyeen xildhibaan nada baarlamanka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn uga car ooday in kulamada Baarlamaanka ay u baaqdan ko oram la’aan.
Waxa uu sheegay in ay ceeb ku tahay Baarlamaanka in 275 Xildhibaan laga waayo xataa 140 Mudane oo soo xaadirta kulankii Shalay, uu na sidaas ku baaqday.
"Waxaa u baahan in la is weydiiyo in aan 275 Xil dhibaan aan ka weyno 140 Xildhibaan runtii Baarla maankeena ceeb ayay ku tahay. Kalfadhigan afar aad waxaa nalooga baahna shuruuc muhiim ah oo ay tahay in aan ansixino,” ayuu yiri guddoomiye Aadan Madoobe.
Waxa uu ka dalbaday Xildhibaannada maqan in soo xaadiraan kulamada Golaha Shacabka, ayna dhowraan dhaartii, "Umadii Dorraad dooratay oo iyaguna kitaabka Ilaahay ugu dhaarteen inay sha qeynayaan oo waajibaadkooda fushadaan oo soo xaadiraan ayaa u jeedineyna.”
Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in kulankii Shalay ee Golaha Shacabka uu u baaqday kooram la’aan, isaga oo u mahad-celiyay Xildhibaannadii koobna ee soo xaadiray.
"Kooram inagoo helin lama furi karo shirka, sidaas daraadeed wuxuu shirkii Shalay u baaqday kooram la’aan, aniga oo dareensanahay in Xildhib aannada magaalada ay joogaan, taas anaga ayay ceeb nagu tahay.”
Si kastaba, Marar badan ayaa guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u digay Xildh ibaannada iska maqan ee aan soo xaadirin kulam ada, balse illaa hadda ma jirto wax kasoo naasa ca daaday digniintaasi.
Muuse Biixi oo Itoobiya u saxiixay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Somali land, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa Shalay waxa ay heshiis kala saxiixd een i Ra’iisal Wasaar aha Dalka Ethio pia Abiy Ahmed Ali.
Muuse Biixi ayaana dowladda Itoobiya u saxiixay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya si ay u isticma alaan ciid amada Itoobiya, waxa uuna sheeg ay Madaxweyne Biixi in Ithiopia u saxiixeen 20-km oo kamid ah oo biyaha Soomaaliya .
Hadal uu ka jeediyay munaasabada heshioiska lagu saxiixayay madaxwe ynaha Somaliland ayuu ku sheegay in sidoo kale heshiiska qeyb ka yahay in dekadda Berbara ay wax kala soo degaan Itoo biya.
Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in heshiisk a uu saxiixay qeyb ka tahay in Itoobiya dhankeeda noqoto dalkii ugu horeeyay ee maamulkooda u aq oonsada dowladda rasmi ah, taa uu tilmaamay in muddo ah ku taam ayeen.
"Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsa day inaynu wada galno isfa han ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in anna guna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna marka aba ay na aqoonsadaan, oo ay qar anka Somaliland dawladdii u horaysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu yiri Muuse Biixi. Dowladda Itoobiya oon laheyn bad ayaa muddo dheer ku taa meysay sidii ay ku qaadan laheyd qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana Shalay muuqata in Ithiopia u rumowday qeyb kamid ah damaceedii aha a in ay hesho bad .
Xukuumadda Soomaaliya ayaan la ogeyn talla abada ay qaadi doonto kaddib heshiiskan ay gaar een maam ulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya, waxa ayna tani muujineysaa haddii dowladda fed eraalka ka aamusto in wax weyn u dhimi doona Qaranka Soomaaliya.
Kulan deg deg ah oo la isugu yeeray Xildhiba anada labada Aqal iyo Madaxweyne Xasan oo…
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Fede raalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada labada Aqal, waxaana kulan kaasi ka qeyb gala oo khudbad ka jeedinaya madax weyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Farriimo loo diray xildhibaannada labada Aqal ayaa lagu war-galiyay in ay kasoo qeyb galaan kula nka deg deg ah , waxaana loo sheegay xildhi baan ada in madaxweyne Xasan Sheekh uu hadal u jee din doono.
Kulankan deg dega ah ayaa mada xweyne Xas an Sheekh kaga hadli doonaa heshiiska xad-gud ubka ku ah Qaranimada Soomaaliya ay Adis Ababa ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’isul wasaare Abiy Axmed.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa u saxiixay dowla dda Itoobiya in la siiyo oo adeegsadaan qeybo kam id ah biya ha Soomaaliya, halka Itoobiya dhank eeda u ballan-qaaday Somaliland in ay dowlad aha an u aqoonsan doonto.
Golaha Wasiirrada oo shir degdeg ah la’isugu yeeray maalinta berri ah
Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Soo maaliya ayaa beri shir degdeg ah la isugu yeeray si go’aan looga soo saaro heshiiska la sheegay inuu Shalay ku dhexmaray magaalada Addis Ababa dow lada Itoobiya iyo maamulka Somaliland
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiir rada isugu yeeray shir looga hadlaya heshiiskaan Shalay ay sida wada jirka u wada saxiixeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Soma liland Muuse Bixi Cabdi.
RW/ Kuxigeenka XFS oo ka qeybgalay mu na asabad lagu soo bandhigaya wax-qab adka G/Banaadir
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Sa alax Axmed Jaamac ayaa Habeen hore ka qeybg alay munaasabad lagu soo bandhigayay wax-Qaba dka maam ulka gobolka Banaadir oo lagu qabtay xarunta Aqalka dowladda Hoose ee Xamar.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS ayaa ku am aanay maamulka gobolka Banaadir doorka dib-u-dhis ee kaabayaasha isku socodka, daadajinta Ade egyada Bulshada, asigoona ku booriyay Maamulka Gobolka Banaadir in lasii dar-dargeliyo qorshahaa sha Horumarineed ee Caasimadda.
” Sanadkaan waxa uu ku suntanyahay sanad waxqabad, waxaana gaarnay guulo waa wayn oo dalkeena muhiim u ah.”ayuu yiri Ra’iisul wasaara kuxigeenka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Qorshayaasha hortabinta u leh Ma amulkiisa sanadka 2024 ay ugu horeeyaan wax ka qabashada Bulaacadaha iyo in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo doorashada Golayaasha Deegaanka, si shacabka ay u doortaan cida maamuli laheyd.
Madasha ayaa lagu soo bandhigay guulahii ugu waa weynaa oo uu Maamulka Gobolka Banaadir ku talaabsaday sanadka 2023, sida horumarinta Kaab ayaasha oo ay ugu horeeyaan dhismaha Waddooyi nka oo gaaraya illaa iyo 15-wado oo Laami ah, Wax ka qabashada Amniga Caasimadda, Waxbarash ada, Caafima adka, Samafalka iyo Balaarinta Adee gyada Bulshada.
waxaa sidoo kale ka qeybgalay Munaasabadda Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiisha Ciidanka, Ma daxda Maam ulada Degmooyinka iyo Deegaan ada Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqa nka, Cu lumada, Haweenka, Agaasime yaal iyo qeybaha kala gedisa ee Bulshada.
Odawaa oo shaaciyey arrin yaab leh oo ka taagan garoonka Aadan Cadde
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay in Muqdisho weli ay ka jirto cabsi ay reebe en weerarradii Al-Shabaab, si gaar ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku taliyey in wax badan laga bedelo irdaha laga sugo amniga garo onka Xildhibaanka ayaa sheegay in garoo nka Aadan Cadde qofkii ka soo dega ee Muqdisho aan aqoon uu dareemayo cabsi xoog leh, isagoo farriin u diray xukuumadda iyo maamulka gobolka Ban aadir.
"Qofkii ka soo dega garoonka Aadan Cadde, isa goo ajanebi ah ama Soomaalida aan imaa jirin ah, markii uu arko biraha iyo dhagaxda cabsida muuj inaya ee garoonka lagu wareejiy ey wuxuu dareema yaa qalqal,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.
Xildhibaanka ayaa maamulka gobolka Banaadir, hey’adaha amniga iyo xukuumadda ku canaantay suurad xumada ka jirta irdaha laga galo garoo nka Aadan Cadde, "xitaa lama rinjiye eyo oo lama qur xiyo biraha iyo dhagax aanta, ra’iisul wasaare ka tashada adiga iyo maamulka gobolka Banaadir, arrinta garoonka waa muhiim in wax laga bedelo,” ayuu yiri Odawaa.
Sidoo kale xildhibaan ayaa soo jeediyey in gudaha caasimada Muq dishi laga mamnuuco qoriga BKM ee Dabajeexa loo yaqaano, maadaama aan looga baahneyn gudaha Muqdi sho, taas bedelkeedna uu muujinayo xaalad cabsi ah.
"Hadii garashadu aysan is bedelin amnigu isma bedeli doono, waxaad arkeysaa gaari ay saaranyi hiin ciidan badan iyo qoryo dabajeexyo ah oo mag aalada dhex maraya, fadlan siya asi uma baahnid askar badan, amnig aaga waxaa sugi kara labo askari oo labo AK47 wadata, ka dhaafa amniga caasimada suurad xumeynta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Odawaa.
Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in dhagaxaan badan oo aan loo baahneyn, isla marka ana looga maarmay amniga Muqdisho ay yaalaan gudaha Caasimadda.
"Qeybo badan oo magaaladaan ka mid ah wax aa taalla dhagaxaan bad an, kuwaas oo laga soo gudbay baahi dooda, cid ka qaadeysana ma jirto ilaahey amarkii!” Ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.
MASUULIYIIN SI ADAG UGU HADLAY HESHIISKII AFGARAD EE ITOOBIYA IYO SOMALILNAD{F oo kala ah armaajo, Qeyree. Iyo Rooble }.
. Waxaa siyaabo kala gaar gaar ah ugu hadleen masuulyiinka kala ah Md. Maxamed C/laahiu Far maaji, Md. Maxamed Xasan Rooble iyo Md. Xasan Cali Qeyre waxana ay iksu aragti ka ahaayeen guud ahaanba ficilka Abiya Axmed iyo Muuse Biixi ay ku heshiiyeen Hantida Qarankeena mid aan u suuta geleynin waxaana ka mid ahaa hadalladooda sida soo socota :-
Madaxweyne Farmaajo oo dhaleeceeyay Heshiiska ay galeen Itoobiya iyo Somaliland
Heshiiska Shalay ku gaareen mag aalada Adis Ababa dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland ayaa dhaliy ay dhaleeceyn badan oo dhinaca siya asiyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweyne hore Farmaajo iyo madax kal e ay aana si kulul u dhaleec eeyay heshiiskan wax u dh imaya qaranimada Soomaaliya ee maamulka Somal iand la galeen dowladda gumeysi doonka ah ee Itoobiya.
Halkan ka Akhriso qoraal uu arrintan uga hadlay Farmaajo
Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooo nayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Feder aalka So omaaliya wuxuu muujiyey dareenka xoogg an ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnim ada dalkeenna.
Heshiiskan waxa uu baal marsan yahay shuruu cda dalka iyo xeerarka caalamiga ah iyo kan mid woga afrika, waxa uuna dhaawac ku yahay wada jirka iyo xasilloonida dalalka gobolka, sidaas awg eed waxaan caddaynaynaa in cid kasta oo ku lug leh ay ka galeyso taariikhda baal madoow, qaadan aysana masuuliyadda cawaa qib xumida ka dhalan karta.
Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantowdo damacaan gurracan oo wiiqaya heshiisyadii is-dhexgalka bulsho iyo iskaashiga heer gobol, kaas oo ay aas-aas u ahayd ilaalinta madax bannaanida iyo dowladnimada shucuubta gobolka, si waafaqsan xeerarka gaarka u ah dal kasta iyo shuruucda caalamiga ah.
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in ay degdeg ugu istaagaan gudashada waajibaad kooda qaran ee ku aaddan xadgudubka ka dhanka madax-bannaanida iyo gobanimada dalkeenna, anigoo xasuusinaya guushii aynu ka gaarnay kiiskii dacwadda Badda ee nagala dhexee yey Kenya uu saldhig u ahaa qaraarkii dhaxal-reeb ee uu soo saa ray Baarlamaankii 8-aad.
Dhanka kale Ra’isul Wasaare hore Rooble oo wax laga xumaado ku tilmaamay Ficilka dowladda Itoobiya
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Barre ayaa wax laga xumaado ku tilm aamay heshiiska dowla dda Itoobiya sheegtay in ay la gashay maamul ka Somaliland .
Somaliland ayaa Itoob iya u saxiixday qeyb kamid badda Soomaa liya, waxa ayna Itoobiya taa badalkeeda u ballan qaaday Somaliland in dowlad ahaan u aqoonsan doonto Somaliland.
Halkan ka aqriso qoraalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa u qornaa sida tan:
Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xa dgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sid oo kalena xasillooni darro ka abuu raya Gobolka Geeska Afrika.
Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka So omaaliyeed waa Mas’ uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladoo da.
Sidoo kale Xasan Cai Khayre oo si xooggan u cambaareyay heshiiskii Muuse Biixi & Abiye Axmed !!
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cai Khayre ayaa wax laga xumaa do ku tilmaamay heshii ska dowladda Itoobiya she egtay in ay la ga shay maamulka Somali land
Somaliland ayaa Ito obiya u saxiixday qeyb kamid badda Sooma aliya, waxa ayna Itoobiya taa badalke eda u balla nqaaday Somaliland in dowlad ahaan u aqoonsan doonto Somaliland.
Hoos ka aqriso qoraalka Mudane Xasan Cali Khayre :-
Waxaan si xooggan u cambaareyn ayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul was aaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxwe ynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya.
Itoobiya iyo Soomaaliya waa labo dal oo daris ah, oo kala mudan is-xaqdhowr iyo wax-wada-qabsi ku dhisan isixtiraam qarannimada dal walba, waana wax aan la aqbali karin in Addis Ababa ay Shalay ku tallaabsato qaadashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Hadii aan nahay madax iyo shacabba, waa in aan u midownaa kahor tagga tallaabadan ay Itoo biya isuga dayayso qabsashada qeyb ka mid ah bi yaheena, sidoo kalana lagu tir tirayo mabaadii’dii lagu aasaasay ururka Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4aad, faqraddiisa B.
Marnama aqbali doonno ficilka noocan oo kale ah ee mugdiga galina ya jiritaankeenna, waxaana ugu baaqa yaa Dowladda Itoobiya in ay ka laabato arrin tan oo ay ilaaliso nabad da, xasiloonida iyo daris nimada.
Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaal iya waxaan u soo jeedina ya in ay arrintan deg deg uga bixiyaan jawaab u qalanta, ayna u diyaar garo oban wixii fal-celin mideysan ah oo loo baahan karo. Madaxda dowladda fede raalka Soomaaliya waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta midn imada, Dhulka iyo badda Soomaaliya.
Wasiirka Awqaafta XFS oo kulan la qaatay hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xoogga Dalka
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Shalay xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaas adda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soo maaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugida Sooma aliyeed.
Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaanada wac yigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saab san dardar gel inta howlaha wacyi gelinta lagu dhiiragelinayo gees iyaa sha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira khawaariijta.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daade jinta howlaha wacyigel inta ee ay iska kaashadaan Wasaara dda iyo hoggaanada siyaasadda iyo wacy igelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, istic maalka waxyaabaha maanka dooriy aha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.
Gobolka Banaadir oo guul ka gaaray dhiggiisa Koonfur Galbeed
Xulka gobolka Banaadir ayaa guul ka gaaray dhig giisa xulka kubadda cagta ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ciyaar ka tirsan tartanka dowlad gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonta ciyaaraha ee Muqdisho ayaa 1-0 waxa ay guusha ku raacday xidi gaha gobolka Banaadir ka dib markii uu gool u dhali yey ciyaarahaanka u xirta lambarka 22 ee lagu mag acaabo Khaalid, kaas oo dhaliyey goolka qeybta dambe ee ciyaarta, gaar ahaan daqiiqadda 53-aad.
Kulanka ay Shalay ciyaareen labadaan kooxood ayaa ahaa kii labaad ee tartanka ciyaaraha maamul gobaleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, iyada oo todobaadkii hore tartanka lagu furay maamul gobaleedyada kala ah Galmudug iyo Hirshabeelle, xilli natiijada ciyaartaas ay ku soo idlaatay mid barbar dhac ah 1-1 ah.
Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay wada ciya araan kooxa kala ah Jubbaland iyo Galmudug, lab adaan kooxood ayaa kala dheelaya kulanka koow aad iyo kulanka labaad, kala sarreynta ayaa xilliga an waxaa hoggaaminaya xulka gobolka Banaadir oo 3 dhibac leh, halka Galmudug iyo Hirshabeelle ay wada leeyihiin mid hal dhibac.
Tartanka ayaa sanadkaan ka xiisad iyo xamaa sad badan, waxaana la arkayey iyada oo taageero kor u dhaafaya 50,000 ay soo xaadireen labadii kul an ee lawada ciyaaray, kuw aas oo kala qabsoomay 29 December iyo January 1, 2024-ka.
Ciidanka Nabad Sugida oo soo bandhigay labo xubnood oo kasoo goostay Al Shabaab
Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Bakool, ayaa Shalay soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay kasoo goosteen dagaaly ahannada Al Shabaab oo ay katirsanaayeen.
Maxamed Ibraahim Maxamed Nuur (Siid Cali) iyo Aadan Isaaq Aadan oo muddo shan sanno katirsan aa Al Shabaab ayaa si iskood ah isugu soo dhiibay kooxda Al Shabaab, waxa ayna ka faa’iideesteen cafiska dowla dda u fidisay.
Labadan nin oo warbaahinta la hadlay ayaa she egay in ay ka mid ahaayeen Jabhadda Al Shaba ab, waxayna xuseen inay ka qeyb qaateen dhawr dagaal oo Al Shabaab la galeen ciidanka dowladda iyo kuwa maam ulada dalka ka jira.
Xubnaha Al Shabaab kasoo goosn aya iskuna soo dhiibaya dhinaca dowla dda Soomaaliya ayaa sii kordhaya muddooyinkan, dowladda ayaana diya arisay xarumo lagu dhaqan-celinayo xubnaha Al Shabaab ee soo goosta.
Madaxweyne Deni oo War kasoo saaray xildhib aannada Puntland ee Shalay la dhaariyay
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdull aahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo Shalay la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.
"Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo Shalay la dhaariyey iyo Gud doonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waaji baadka horyaalla, sida Doorashada Guddoon ka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxw eynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga hor-yimid xildhibaannada cusub ee Habeen hore lagu dhawaaqay, waxa ayna sheegeen xildhibaanadan in aysan soo marin habraacii saxda ahaa uuna soo xushay madaxweyne Siciid Deni.
Madaxweyne Geelle oo la kulmay Taliyaha Ciida mada RSF ee Sudan iyo Wadahadalo…
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciida nka howlgalka degdegga ah ee Suudaan Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan.
Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada RSF ayaa kulankooda u ga wada hadlay sidii na bbad loogu soo dabaali lahaa dalka Sudan oo hadda ka socdo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhawaad 10-bil .
Taliye Hemedti ayaa sheegay in diyaar u yahay in wadahadal shuruud la’aan la galo hoggaamiyaha milatariga Sudan ay is hayaan, si colaada ka aloos an dalka Sudan loogu helo xal nabdoon loona gaaro heshiis is faham.
Taliyaha ciidamada milatariga Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Hemedti kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu markii danbe awoodi waayay in uu gaaro goobta kulanka.
Dowladda Sudan ayaa ka shaqee neysa sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaada dalka Sudan ka aloosan, waxaana la filayaa madaxwe ynaha Jab uuti isku keeno labada taliye ee isku haya awoodda dalka Sudan.
Xildhibaanada cusub ee Puntland oo la dhaari yay iyo Guddoomiye KMG ah oo…
Waxaa Shalay xarunta golaha Wakiillada ee maa mulka Puntland lagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee xulistooda la isku khilaafsan yahay ee gaaraya 66-xildhibaan, kuwaa oo Habeen hore xilli dambe lagu dhawaaqay.
Xildhibaanada cusub ayaa Shalay isugu tagay xarunta golaha Wakiillada ee Garawe, waxaana xi ldhibaanada cusub halkaasi lagu dhaariyay, iyado ona munaasabada goobjoog ahaayeen xubno kati rsan guddiga Xallinta khilaafaadka iyo masuuliyiin kale.
Dhaarinra xildhibaanada kaddib waxaa guddoo miyaha KMG ee golaha Wakiillada Puntand noqday Xasan Cabdalle Xasan duqii hore ee magaalada Bo osaaso, kaa oo loo aqoonsaday in uu yahay xildhi baanka ugu da’da weyn ee golaha Wakiillada Puntland.
Ammaanka xarunta golaha Wakiillada ee lagu dhaarinayay xildhibaanada cusub ee Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka gala xaruntaasi la dhigay gaadiid badan oo nuuca dagaa lka iyo ciidamo badan.
Musharaxiinta mucaaradka ayaana kasoo horj eeda xildhibaanada cusub ee Shalay lagu dhaariyay magaalada Garawe, xildhibaannadan ayaa la shee gay in uu soo xushay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo qeexay qorshay aasha xukuumaddii sa u yaalla ee Sanadkan 2024
Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa qoraal kooban oo uu soo dhi gay bartiisa Facebook kaga hadlay waxyaa bihii u qabsoomay xukuumaddiisa san nadkii tagay ee 2023, iyo qorshayaa sha in la qabto u baahan ee horyaalla xukuumaddiisa sanna dkan 2024.
Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu ugu horreyn ka hadlay sannadkii tagay ee 2023 iyo wax yaabihii u muhiimsanaa ee xukuumaddiisu qaba tay sida Amniga, Xasiloonida, Xuquu qda Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta iyo qodobo kale, isagoo xusay in wax badan laga qabtay dhinaca Nabadgal yada, iyo waxyaabo badan oo Aasaasi u ah nolosha muwa adiniinta.
Waxa kale oo Madaxweyne Mustafe Cagjar xu say in sannadkii tagay ee 2023 natiijo fiican laga ga aray dhinaca qorshayaasha hormarineed ee Miyi iyo Magaalaba, " Waxaa kobcay ganac sigii iyo maa lgashigii. Waxaa si wayn kor loogu qaaday dakhligii. Waxaa la xoojiyay isla xisaabtanka hay’adaha ku salaysan" ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.
Dhinaca Waxbarashada waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar sheegay in la dardar galiyay howla ha Waxbar ashada, isla markaana wax laga qabtay Qishka Ardayda ee dhinaca Imtixaanaadka, Mada xweyne Mustafe Cagjar waxa uu qiray in natiijooyin fiican aan laga gaarin dhinaca Waxbar ashada ma adaama Ardaydu ay dhibco aad u hooseysa doork an keeneen, had dana waxa uu Mustafe Cagjar sheegay in rajo laga qabo inay wax hagaagi doona an, waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynuhu.
Ugu dambayn, Madaxweyne Must afe Cagjar wa xa uu sheegay in sannad kan cusub ee 2024 how laha xukuumad diisa u yaalla ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa qorshayaashii horey u socday, sida Waxbarashada, Horumari nta Magaalooyinka, Wax soosaarka, Maalgashiga, iyo waliba xoojinta howl aha dhinaca Nabadgalyada iyo Cadaal adda, waa si duu hadalka u dhigay Madaxweyn aha Dowlad deg aanka Soomaalida Mustafe Cagjar.
Ciidanka xoogga oo gacanta kusoo dhigay xubno katirsan khawaarijta
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed oo kaash anaya kuwa Deegaanka ayaa Shalay gacanta ku dhigay 2-xubnood oo ka tirsan khawaarijta.
Howgalka lagu soo qabt ay laba daan nin ee katirs anaa khawaarijta ayaa ka dhacay aagga Deegaanka Gabdhaale oo Bari ka xiga Caad wax ayna xiliga la qa banayay ay aasayeen miinooyin sida warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha Maam ulka Degm ada Xarardheere Maslax Macalin Cilmi Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Degaanka ayaa howlgallo koonfurta gobolka Muduglooga sifeeynayo khaw aarijta kawada ,iyadoo ay isa soo tarayaan Horjoo gayaasha iyo Malee shiyad katirsan khawaarijta ee isku soo dhiibayo ciidanka xoogga Dalka.
B/4aad |
Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo uu wehelinayo Wa siirka Wasaarada Amniga Gudaha Jubbaland Saree ye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa tababar usoo xiray Urur cusub oo kamid noqonaya Ciidanka Madaxtooyada Jubbaland kuwaas oo bilihii lasoo dhaafay qaadanayey tababar kala duwan.
Ciidamada ayaa qaatay tababar adag oo isugu jiray Tabaha iyo Xeeladaha looga hortago weerar ada Al-Shabaab iyo sidoo kale qaabka loo ilaaliyo ammaanka masuuliyiinta iyo xarumaha muhiimka ah sida Madaxtooyada Jubbaland.
Muddadii ay Ciidanka cusubtababarka ku jireen ayaa waxaa ay kororsadeen xirfadaha lagama maar maanka u ah ciidan sidan oo kale muhiim u ah.
Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Dowlad Gob oleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxam uud ( Lugadheere) ayaa ciidamada u shee gay in looga baahan yahay inay gut aan waajibaadkii loo tabab aray.
Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa dhan kii sa sheegay in tan looga maarmi karo in ciidamo shisheeye ay ilaaliyaan amniga xarumaha muhiimka ah ee maamulka jubbaland.
Musharaxiinta Mucaaradka oo qaadacay liiska xildhibaana cusub lagu dhawaaqay
Shir deg deg ah oo Shalay maga alada Garawe ugu soo dhamaaday qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweyn aha Puntland ayey ku qaadaceen liiska xildhibaannada cusub ee Habeen hore lagu dhawaaqay.
Musharaxiintan ayaa sheegay in xildhibaannada la shaaciyay yihiin kuwa aan marin habraacii saxda ahaa ee loogu tala galay, waxa ayna cade eyeen in aysan aqoonsaneyn xildhibaannadaasi ayna diyaar u aheyn in ay doorasho ku galaan.
Warka kasoo baxay musharaxiinta ayey ugu dige en madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Pun tlans Siciid Deni in uusan Puntland u horseedin bur bur iyo khalaaase siyaasadeed, waxa ayna cad eey een in masuuliyadda waxii dhaca isagu qaadidoono.
2023
‘SANADKII GUULAHA SOOMA ALIYA’ (WARBIXIN)
Sanadkii tegay ee 2023-kii ayaa waxaa lagu tilmaa maa inuu ahaa sanad Soomaaliya ay ku tilaabsatay guulo fara badan, waxaana ka mid ahaa inuu ahaa:-
1.Wuxuu ahaa sanadkii la quusiyay kooxda Khaw aarijta ah ee Al-shabaab:- Madaxweynaha JFS Mud ane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii June sana dkii 2022-diiwaxa uu si rasmi ah u iclaamiyay daga alka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bil owday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawa arijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xari iqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidam ada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiib bada caalamka ee taageera Sooma aliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muuji yeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynah ooda.
Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday howlgallada iyo daga allada tooska ah oo sanad iyom wax la jira jirsaday ayaa waxaa lagu dilay seddex kun toddobo boqol sag aashan iyo shan oo Maleeshiyaad (3,795) iyo horjoo geyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaare ysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay 73 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.
2.Wuxuu ahaa sanadkii soo celinta heybadda Ciid anka Qaranka Soomaaliyeed iyo ka maarminta Ajaan ibta: waayo Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soom aaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horum arka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula war eega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, waana Ja mhuuriyadda seddexaad ee aan Ajnabi ilaalin”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baa rlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.
" Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.
3.Wuxuu ahaa sanadkii xasilinta Xamar iyo sugidda amniga Caasim adda: Sanadkan gudahiisa Dowladdu waxay ku guuleysatay inay hanato amniga caasimadda Dalka ee magaalada Muqdisho, waxaana laga ciribtiray Kooxdaha Khawaarijta iyo kuwa u deega ee l magac baxay ciyaal weero (Gangis), kuwaasi oo dhibaato isugu jira dhac, boob, dilal fol xun ka geysan jira gudaha degmoyinka qaarkood, si amniga loo sii xoji yana waxaa kaamarooyin lagu xiray xaruumaha dowl adda, waddooyinka iyo gobaha ganacsiga, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga magaalada Muqdisho.
4.Wuxuu ahaa sanadkii Deyn Cafinta: Hey’adda Lac agta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hann aanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.
Deymaha nalaga cafiyay ayaa ah mid la qaatay xilli hore, waxaana deyntii ugu horreysay oo qeyb ka ah ku wa hadda nalaga dhaafay la qaatay 1961-kii, waa xilli gii xornimada aynu qaadanay wax yar ka dib, waxayna aheyd lacag Ruuska laga qaatay oo aheyd ‘Commer cial loan’.
Dalkeenna Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka soo hooyay Barnaam ijka Deyn cafintu, wuxuuna Mad axw eynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Washington ee dalka Mareykanka kula kulmay mas’uuliyiinta ka tirsan hey’adda Lacagta Add uunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahad celiyay doorkoodii guushii taariikhiga aheyd ee dalkeennu ka gaaray barnaamijka deyn cafinta, wuxuuna mas’uu liyiinta asi kala hadlay sidii hey’adahoodu ay mar kale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himilooyinka dhaqaale ee u degsan, tayaynta hey’a daha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalg ashiga caalamiga ah.
Haddaba Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuu madda Federaalka Soomasliya Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa sharaxad dheeri ka bixiyay waxa ay Soomaaliya ka faaideyso Barnaamijka deyn-cafinta iyo faa’idada laga helayo?, wuxuuna hoosta ka xariiqay in faa’idada koowaad ee Soomaaliya ay ka heleyso lacagaha deynta ee laga cafiyay ay tahay in mar kale macaamiil toos ah la yeelato hey’adaha maaliyadeed ee adduunka iyo in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu uu kor u kacdo.
” Waxay koow ka tahay in culeyskii deymeed inaga haray iyo in mar labaad dib u dhalanay marka laga hadlayo macaamilaadka hay’adaha maaliyadeed ee adduunka oo macaamil toos ah la yeelan doono, in kalsoonida maalgashi ee dalkeennu kor u kacdo, fursado kobac dhaqaale iyo mid shaqo abuurna ay ka dhalan doonaan iyo in sumcaddeenii dal ahaan kor u kacdo,” ayuu yiri Wasiirka oo ka jawaabayay su’aalo ay shacabka Soomaaliyeed ka weydiiyeen Barnaamijka Deyn-cafinta. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in fursado waaweyn oo ay ugu mudan yihiin kuwa uu hore u soo sheegay ay ku jiraan tallaabada Soomaaliya looga cafiyay deyn dhan 4.5bilyan dollar, taasi oo ku guuleysatay geeddi muddo dheer soo socday.
5.wuxuu ahaa sanadkii qaadista Cuneqabateynta Hubka iyo tayeynta ciidamada Qaranka: Soomaaliya ayay cuneqabateynta hubka saareyd muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bishii Desmber ee sanadkii tegay Xubnaha Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabate ynta hubka, si ay u dhisato ciidanke eda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixis ada ah ee Al-shabaab. "Waxaan soo dhawey nayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxa yna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.
6.wuxuu ahaa sanadkii ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiha Dhaqaalaha Barigab Afrika (EAC): Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.
7.wuxuu ahaa sanadkii hirgalinta ‘Soomaali Heshiis ah’ iyo dardargalinta wadahadaladii Somaliland: Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadah adallo la furtay maamulka Soomaalil and, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadah adal ku yeesheen Jamhuuriya dda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.
8.Wuxuu ahaa sanadkii tayeynta Waxbarashada Dalka iyo tababaridda Macallimiin Tayo leh: dhinaca Waxbarashada sanadkii tegay waxaa dardar hor leh la galiayay Tayeynta Waxbarashada oo uu hoggaamina yay Wasiirka Waxabarashada mudane Faarax Cabdulq aadir, waxaana sanadkaasi la qaatay 3 kun oo Maca llim, kuwaasi oo hadda ka howlgala Dugsiyada dalka.
9.Wuxuu ahaa sanadkii dhameystirka Dastuurka: si loo gaaro doorasho Qof iyo cod ah. Jamhuriyadda Fed eraalka Soomaaliya waa Jamhuuriyad ku dhisan hana anka Sareenta Sharciga, ka soKoow Shareecada Islaa mka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalaka Sooma aliya ayaa ah sharciga ugu sareeya Dalka. Dastuurka waxa uu muwaadiniinta Jamhuuriyadda siinayaa xuqu uqo ay ka midyihiin xuquuqo siyaasadeed, mid dhaq aale, mid bulsho, mid doorasho iyo damaanad qaad sharci iyada oo aan bulashada lakala fuquuqin, sidoo kale waxa uu qeexaa waajibaadka iyo xuquuqaadka dowladda iyo hay’adaheeda, haddana Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka waxaa uu ku meel gaar yahay laga soo bilaabo 2012, (12 sano), sidaasi darte ed xiligaan ma tahay mid ku sii haboon in dadka Soom aaliyeed muddo ka badan 12 sano aysan fursad u helin dastuur rasmi ah oo ay iyagu doorteen?.
Su’aashaasi waxaa ka jawaabay Madaxweyaha JFS Shiikh Xasan Shiikh Maxamuud "Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay Ummadda Soomaaliyeed rabaan”. "Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo, Dastuurka waxaa la gaarsiin doo naa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan, dowla dni mada waa inaan u ogolaanno inay korta, hadalada asi Madaxweyn aha JFS Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka Dastuurka, horumarada la gaaray iyo halka ay marayaan, waxaana la filaa inay howshiisu dhammaato sanadka cusub ee 2024-ka.
Dhinaca kale Bilawga sanadka 2024-ka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing, waxa ay u rajaynaysaa dhammaan Soomaalida sanad cusub oo farxad leh, isla markaana barwaaqo ah, wax ayna dib u xaqiijinaysaa sida bahda Qaramada Midoo bay ay uga go’an tahay inay taageeraan dadaa lkooda ku aaddan dhisidda Sooma aliya oo xasilloon.
‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.
By:- C/lahi Ruush
Afar dal oo Islaam ah iyo Itoobiya oo si rasmi ah ugu biiray Ururka BRICS
Waxaa sii kordhaya waddamada xubnaha ras miga ah ka noqonaya ururka BRICS, waxaana ha dda si rasmi ah ururkaasi ugu biiray afar dal oo mu slim ah iyo dowladda Itoobiya, waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale oo hor leh ku biiraan.
Waxaa hadda si rasmi ah loo xaqii jiyay in ay uga mid noqdeen ururka BRICS waddamada Sacu udi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta, Iiraan iyo Itoobiya, kuwaa oo ku biiraya dalalkii horey ururkaasi ugu mideysnaa.
Dalka Arjentina ayaa la filayay in uu kamid noqdo dalalka ku biiraya ururka BRICS , Madaxwey naha cusub ee garabka midig ee Argentina, Javier Milei ayaa diiday qorshe ururkaasi ugu biiri lahaa uu diyaariyay madaxweynihii hore ee Arjentina.
Ururka BRICS waxaa horey ugu bahoobay shan dal oo kala ah dalalka Brazil, Ruushka, Hindiya, Shii naha iyo Koofur Afrika, waxaana hadda ururkan ku biiray shan dal oo hor leh , taa oo ka dhigeysa in ururka ka kooban yahay toban dal.
Nin ku guulaystay billadda caalami ga ah ee Nobel Prize oo xabsi lagu xukumay
Maxkamad ku taal dalka Bangladesh ayaa ku xukuntay dhaqaaleyahan Muhammad Yunus, lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu ku xad gudbay sharciga shaqada.
Saddex ka mid ah asxaabtiisa oo ka tirsan shirka dda Grameen Telecom oo ah mid ka mid ah shirkadihii uu aasaasay — ayaa sidoo kale lagu xuku may kiiska, tan oo taageeray aasho odu ay sheegeen in dano siyaas adeed laga leeyahay.
Waxaa la siiyey dammaanad ay ku sugaan racf aanka. Afarta qof ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul-darrey steen in ay u abuuraan sanduuq dhaqa ale oo loogu talagalay shaqaalahooda.
Hannaanka hormuudka ah ee Yunus ee amaahda maalgelinta yar yar ayaa lagu tiriyaa inuu malaayiin qof ka saaray heerka faqriga — laakiin ra’iisul wasa araha Bangladesh, Sheikha Has ina, ayaa si weyn u naqdisay.
Xamaas oo Shalay weerar culus ku qaaday ISRAEL
Xoogagga Xamaas ee ku sugan Marin ka Gaza ayaa Shalay ganey gantaallo aad u tiro badan oo ku wajahan Israel. Gantaalahan ayaa la sheegay inay kallifeen in la yeeriyo dhawaqa digniin aha marka duqeymo ay jiraan, kaasi oo laga maqlay Israel oo idil. Weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay.
Xamaas ayaa sii wada beegsiga Israel, xilla dhina ca kale Israel ay wado duullaan ay ka sameyn ayso Gaza oo ay sheegtay inay dooneyso inay ku cirib-tirto Xamaas.
Dhaq-dhaqaaqa Milateriga Israel ee Gaza ayaa sii socday Isniintii, ayada oo howl-galka dhinaca dhulka iyo cirka ay ciidanka sameynayeen. Israel ay aa sheegtay inay ku dishay taliye sare oo ka tirsan Xamaas.
Taliyaha la dilay ayay magaciisa ku sheegtay Adel Mismah, kaasi oo ay sheegeen inuu gacan ka geystay hoggaaminta weerarkii 7-dii October ee 2023.
Tobonaan kun oo qof oo barakacayaal Falastii niyiin ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sii qulqu layay magaalada Rafax oo markii horeba ay dadku buux dhaafiyeen, sida ay sheegtay Qaramada Mido obay.
Ka sokow dagaallada culus ee haatan ka socda Marinka Gaza, waxaa jira khilaaf xooggan oo u dhexeeya Maamulka Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo ku saabsan mustaqbalka Gaza iyo cidda gacanta ku hayn doonta.
Si kastaba, Maamulka Falastiinyiinta ayaa rajayn aya inuu la wareego talada Gaza, dagaalka kadib, laakiin maamulka Israel ayaa arrintaas ku gacan sayray.
Dhacdooyinka xasuuqa ee Israel ka gaysatay Marinka Gaza oo la shaaciyay
Saraakiisha Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa Ciid amada Israel ku eedeeyay in 1,825 dhacdo oo xasu uq ah ay ka gaysteen Marinka Gaza, isla-mark aana ay ku laayeen 22 kun oo qof oo dad rayid ah.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 156 qof, 246 kalena ay dhaawaceen.
Wasaaradda ayaa warisay in tirada dadka ra yidka ah ee lagu dilay duulaanka Israel ee Gaza ay gaartay 21,978 qof, halka ay ku dhaawacmeen 56,697 qof
Wasaaradda ayaa sheegeysa in 9,100 qof oo dadka la dilay ah ay yihiin carruur, tirada waxyeela da rayidkana ay aad u kordheyso.
Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in sidoo kale ay jiraan 7,000 qof oo lagu la’yahay duqayma ha joogtada ah ee Israel ka waddo dhulka go’doons an. Dadkan ayaa la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Dhawaan, hay’adaha caalamiga ah ayaa Ciidam ada Israel ku dhalleecee yay in ay Gaza ka gays anayaan dhac dooyin argagax leh.
Dhanka kale Wasaaradda Caafim aadka Turkiga ayaa sheegtay in Axa ddii ay 292 qof oo laga soo daadgu reeyay Marinka Gaza la keenay dalka Turkiga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dad kan oo isugu jira kuwo ku dhaaw acmay colaadda Gaza iyo bukaano ay dhakhaatiirtu xaaladdooda kula tacaa leyso dalkaasi.
Xulka Qaranka Kubada Kolayga Soo maaliya oo Shalay Ciyaaraya Afar Dhamaadka Tartanka 25aad ee Jaa macadda Carabta
Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha K/ko leyga ayaa ka qayb gala ya tartanka ciyaaraha jaam acadda Carabta oo ay ku loolamayaan 9 dal oo kala ah:
Somalia, Egypt, Marocco, Libiya, Aljeriya,, Mauri tania, Tunisia, Kuwait, iyo UAE waxaana kooxda Soomaalida ay ciyaareen 3dex ciyaarood oo mid ka mid ah ay ka badiyeen Mauritania, halka Labana ay naga adkaadeen Algeria iyo Libiya. Wa xaa ii suuro gashay inaan si toos ah ula xiriiro tababaraha xulka qaranka ee wiilasha k/koleyga C abdulqadir Xaaji Dahir ( Shiikha) kana waraysto sida ay kooxdan ugu suuro gashay ka qayb Galka tartanka, diyaargarowgooda, cidda caawisay, iyo rajada ay ka qaban tartanka.
Macallin Shiikha oo arrimahaasi ka jawaabaya waxaa uu yiri: Alxamdu lillah , Dhallinyaradan Wax aan ka soo ururinay meelo kala duwan, waxay ka kala yimaadeen Somalia, Europe, Amerika iyo qaar ka iman lahaa Canada oo aysan suuro galin inay na soo gaaraan, Diyaargarowga ciyaartooyda iyo is la joogooda aad buu u yaraa waxaana ay ahayd caqabadihii naga hor yimid oo dhaliyay in kooxo aan ka adkaan karnay ay naga adkaadeen…. Dhin aca kale, markaan ka hadlo xaqiiqda cid taakulay say ciyaartooydan ma jirto, dhanka dawladda , was aaradda isboortiga, xataa XIriirka Soomaaliyeed ee K/ Koleyga waxaa uu ka gaystay gacan aad u yar…Waxaa la yaab leh dhallinyaradan ciyaaraysay in dhammaantood ay iska soo bixiyeen kharash aadka tikidhka diyaaradda iyo baasabooradii Soom aaliga ahaa inay lacagtooda ku bixiyeen ( Waa Cajiib), Marka dhallinyaradan Guul iyo Guul daro waxaa ay mudan yihiin in Loo Mahad naqo, waayo waa Waddaniyiin ay tahay in loogu hambalyeeyo ciyaar wanaaggii ay halkaasi la tageen waxaana ay ahayd kooxda kaliya ee la isku raacay inay ahaa yeen dhallinyaro yaryar oo muujiyay ciyaar heerke edu aad u sarreeyay.
Waxaan kaloo weydiiyay haddii ay jireen intaasi oo dhibaato ah Maxaa idinku kalifaaya inaad ciyaa raha ka qayb gashaan?
Tababare Shiikha waxaa uu ku jawaabay, Aniga ka tababare ahaan hawsha aan hayo oo isxilqaanka ah Waa mid aan ugu abaal gudayo qarankayga oo waqti badan I soo galiyay ina soo gaarsiiyay heerk an aan ka gaaray k/koleyga, waxaanse is weydiiyaa ilaa waqtigee ayaad wadi kartaa haddii aysan jirin wax taakulo ah oo ka yimaada dawladda, wasaara dda isboortiga , Olimbikada iyo xiriirka K/Koleyga, Dhinaca kale ciyaartooyda is xilqaantay waa kuwa raba inay la tartamaan asaagooda oo wax walba haysta, tusiyaan inay yihiin dhallinyaro xirfad wanaa gsan u leh ciyaarta , sare u qaadaan sumcadda iyo magaca dalkooda iyo inay laftigooda ka helaan fursado ay ugu ciyaaraan dibadaha.
Ma ka qayb galaysaan ciyaaro kale oo calami ah Tababre Shiikha ayaan waydiiyey waxuuna iigu jaw aabay sidatan "Haa waa ay jiraan ciyaaro kale oo lagu qabanayo Madagaskar dhammaadka bishan Janaury 2024 oo ah isreeb reebka Cayaaraha All African games, ma filayo in laga qayb galayo haddii aan Loo helin dhallinyarada dhaqaalaha Loo baah an yahay.
Ugu dambayntii Yaad u mahadcelinayaa?
Waxaan aad ugu Mahad celinayaa ganscsatadii aan la’aantooda noo suuro gasheen ka qaybgalka tartanka oo noo muujiyay taageero dhaqaale oo wayn sida : Bille Bus Transportation, Live Health Care Services, iyo Shirkadda A to Z oo la shaqaysa XSKK oo iyaguna noogu deeqay Qalabkii ay ku ciyaarayeen Wiilashii K/ Koleyga.
Sidoo kalena xawaaladaha Taaj Services, Dahabshiil, Afro Deli iyo shakhsiyaad ay ka mid ah aayeen Abdul Xaax iyo Asad iimaanka oo iyaguna na caawiyay waxaan isagana u mahadcelinaynaa Mohamed Hussein oo leh companiga PGLS oo taa geero wayn xulka u gaystay.
Waxaa iyaguna Ammaan aan la soo koobi Karin leh safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ma sar caasimada Qaahiraoo noo muujiyay taageero aad u weyn ayuu yiri macalin shiikha .
Shalay ayaa filayaa in xulka qaranka Soomaaliya la ciyaaro kan xulka Tunisia ciyaarta afar dham aadka.
Siyad Said Salah
Hiiraan online
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 2-DA JANNAAYO 2024-KA
...