Sida midabka kaadida uu kuugu sheegi karo in kelyahaagu jirran yihiin

0
Saturday December 30, 2023 - 15:35:25 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sida midabka kaadida uu kuugu sheegi karo in kelyahaagu jirran yihiin

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Kaadi ku jirta qalabka wax lagu baaro

Kelyuhu waa xubin muhiim ah oo jirka ka mid ah. Dhiigga saafiga ah ee ku dhex wareega jirkeena iyo qashinka dareeraha ah iyo biyaha xad-dhaafka ah ee jirka ayaa lagu sifeeyaa kelyaha oo laga soo saaraa kaadida.

Marka si fudud aan u eegno baaxadiisa, waxaa muhiim ah in la fahmo in sagaal ka mid ah 10 sababood ee ugu waaweyn ee dhimashada cudurrada halista ah ee Hindiya ay sabab u tahay cudurro kala duwan oo kelyaha ku dhaca.

Dalka Hindiya ayaa waxaa sanad walba ay dad badan u dhintaan cudurada ku dhaca kelyaha.

Sida laga soo xigtay Golaha Hindiya ee Cilmi-baarista Caafimaadka 'India: Health of the Nation State (2017)', cudurrada kelyaha ee mudda dheer qofka haya waa mid ka mid ah sababaha ugu horreeya ee ay dad badan ugu dhintaan dalka Hindiya. Sababaha ugu waaweyn ee cudurkaan u batay waa sonkorowga oo aan la xakameynin, dhiig karka iyo dadka da'da ah.

Sida lagu sheegay faallo lagu daabacay joornaalka caafimaadka ee Nature, waxaa jiray caaalamka guud ahaan 69.7 milyan oo xaaladood oo cudurka kelyaha, kuwaas oo 1.15 milyan ka mid ah ay ku sugnaayeen Hindiya oo keliya.

Intii u dhaxaysay 2010 iyo 2013, kelyaha oo shaqayn waayey ayaa lagu qiyaasaa 2.9% dhammaan dhimashada dadka ay da'doodu u dhaxayso 15-69 sano, taasoo ah koror 50% ah tobankii sano ee la soo dhaafay.

Cudurka Sonkorowga ama Macaanka ayaa ahaa sababta ugu badan ee keenta in qofka ay fariistan kelyaha.

Kelyaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa maxay xiriirka ka dhexeeya kelyaha iyo kaadida?

Waxaan la hadalnay Dr. Siddharth Jain, oo ah dhakhtarka kelyaha, si aan si qoto dheer ugu fahanno sababaha cudurkan.

Isaga oo sharraxaya xiriirka ka dhexeeya kaadida iyo kelyaha, waxa uu yiri, ‘Kaadida waxay ku samaysantaa kelyaha waxayna jirka ka saartaa maaddooyinka haraaga ah ee waxyeelada leh. Shaqada kelyaha ayaa ah in ay jirka ka saaraan qashinka dheeraadka ah ee maadooyinka ka dhasha marka cunnada la dheefshiido, taasna waxaa lagu sameeyaa caawinta kaadida.

Haddii aan erayo fudud ku qeexno, kelyuhu waa nidaamka shaandhada jirkeena. Kelyaha waxay ka saaraan qashinka dhiigga waxayna sameeyaan kaadida.

.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waa maxay maadada proteinuria sideese u tilmaamaysaa in kelyaha uu dhaawac soo gaaray

Dr. Jain ayaa si faahfaahsan uga hadlay proteinuria, waxaa uu iftiimiyay "qof kasta oo caafimaad qaba jirkiisu wuxuu soo saaraa xaddi borotiinka ah kaadida, laakiin marka borotiinnadan laga soo saaro xaddi aan caadi ahayn oo ka badan intii loo baahnaa oo jirka ah, waa khatar, dheecaankan waxaa loo yaqaannaa proteinuria".

"Sababta ugu badan ee kordhisa maadadan proteinuria waa cudurka sonkorowga. Haddii qofku qabo sonkorow isla markaana aan la xakameynin, borotiin xad-dhaafka ah ayaa laga soo saaraa kaadida. Sidaa darteed, calaamadda ugu horreysa ee cudurka macaanka waa qofka oo ay kaadidiisa badato.

Sababaha kale ee badiya proteinuria waa dhiig karka iyo cudurrada kale ee kelyaha la xiriira.

Isagoo ka hadlaya calaamadaha borotiinka, wuxuu yiri, "Haddii bukaanku dareemaan in kaadidoodu ay abuur tahay, waa calaamad muujinaysa borotiinka".

Marxaladda hore ee borotiinka, bukaanku waxay la kulmi karaan barar gacmaha iyo cagaha, daal, calool xanuun ama caabuq caloosha. Sababaha kale ee cudurkan waxaa ka mid ah cadaadiska dhiigga iyo cudurrada kale ee kelyaha la xiriira.

kaadida marka la baarayo

Xiriirka ka dhaxeeya Midabka kaadida iyo cudurada kelyaha

Kaadida waxaa ku jira biyo iyo cusbo. Maaddada Urea waxa laga soo saaraa beerka marka ay asiidhyada amino ee xad dhaafka ah la jebiyo. Urea waa qashin weyn oo laga soo saaro kaadida sababtoo ah dib uma soo celin kelyuhu.

Sida laga soo xigtay joornaalka caafimaadka ee Harvard Health, kaadidu waa biyo badan iyo wasakh ay kelyahaagu ka shaandheeyaan dhiigaaga. Midabkeedu inta badan wuxuu u dhexeeyaa jaale ciiro leh ilaa bunni madow, taas oo ku xiran sida uu u urursan yahay - xaddiga qashinka biyaha ku jira.

Dr. Siddharth oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in haddii qofku dareemo in kaadidiisu ay guduudan tahay, madaw ama maariin ama midab kale ay tahay inuu feejignaado.

Sidoo kale, haddii xaddiga kaadidu uu aad uga yar yahay inta caadiga ah ama ay ka badan tahay inta caadiga ah, ama haddii qofku uu si joogto ah u kaadiyo ama uu qofku dareemo cadaadis badan inta uu kaadinayo oo uusan xakameyn karin gabi ahaanba, waxaa suurtogal ah in ay jiraan dhibaatooyin kelyaha ah.

Kelyaha

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Maxay tahay shaqada Kelyaha?

Kelyuhu waa xubin lagama maarmaan iyo muhiim u ah jirka waxayna leeyihiin hawlo badan oo ay qabtaan.

Waxay kaa caawinayaan ilaalinta dheelitirnaanta caafimaadka leh ee macdanta jirkaaga, iyo waliba macdanada kale ee sida kalsiyum, sodium iyo potassium.

Waxay door muhiim ah ka ciyaaraan soo saarista unugyada dhiigga cas.

Waxay ilaalisaa dheellitirka acid-base (pH) ee jilicsan ee dhiigaaga.

Waxay ka saartaa qashinka ugana saartaa jirkaaga qaab dheecaan ah.

Kelyuhu waa xubno ka mid ah habka kaadida ee jirka oo soo saara biyaha xad dhaafka ah, cusbada, iyo kaadida.

Kelyuhu waxay soo saaraan kaadi waxayna caawiyaan ilaalinta dheelitirka biyaha. Kaadida ayaa laga soo qaadaa kelyaha oo la geeyaa kaadiheysta iyada oo la sii marayo kaadi mareenka. Kaadi-haysta waxay kaydisaa kaadida ilaa ay ka soo baxdo jirka.

Cudurka Macaanka waxa uu keenaa heerarka sonkorta dhiigga oo sarreeya waxaana uu saameeyay in ka badan 41.5 milyan oo qof oo adduunka ah. Waa maxay haddaba?

Bukaan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Cudurrada halista ah ee kelyaha waxyeeleeya

Sababaha ugu badan ee cudurka kelyaha waa dhiig karka iyo macaanka ama sokorowga.

Keli kastaa waxa ay ka kooban tahay ilaa 1 milyan oo unugyo shaandhayn oo yaryar oo loo yaqaan nephrons. Cudur kasta oo dhaawaca ama saameeya nephrons wuxuu keeni karaa cudur kelyaha ah. Macaanka iyo dhiig karka labaduba waxay dhaawici karaan kelyaha.

Cadaadiska dhiigga oo sarreeya wuxuu kaloo dhaawici karaa xididdada dhiigga ee kelyaha, wadnaha iyo maskaxda. Kelyuhu aad bay xididdada dhiigga ugu shubaan, taasoo la macno ah inay leeyihiin xididdo dhiig oo badan. Sidaa darteed, cudurrada xididdada dhiigga ayaa inta badan halis u ah kelyaha.

Cudurka qofka haya muddada dheer ee sidoo kale loo yaqaan cudurada joogatada ah, waa luminta ama in ay si tartiib tartiib ah shaqada u qabaan kelyaha qofka.

Calaamadaha cudurka kelyaha ee daba dheeraada waxay soo baxaan waqti ka dib, dhaawaca kelyuhuna tartiib tartiib ayay u socdaan.

Calaamadahaas waxaa ka mid ah lallabbo, matag, cunto xumo, daal iyo tabar-daro, dhibaatooyinka hurdada, isbeddelka kaadida, niyad-jabka, murqo xanuun, iyo bararka gacmaha.

Cudurka kelyaha waa xaalad caafimaad kelyaha ah oo sii socota muddo ka dib, aakhirka kellida waxaa gaara dhaawac waxayna gabeysa shaqadii loogu talagalay oo waa ay fariisaneysaa.


XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip