Guddoomiyaha gobolka oo kormeerey wadda wadnaha-Sawirro

0
Thursday June 30, 2016 - 21:44:23 in Wararka by
  • Visits: 738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka oo kormeerey wadda wadnaha-Sawirro

    Waddada wadnaha oo haatan ay ka socoto dib u dayactir balaaran ayaa waxaa kormeer ku tagay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isagoo indha indheeyay sida ay u socoto dayactika waddada wadnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddada wadnaha oo haatan ay ka socoto dib u dayactir balaaran ayaa waxaa kormeer ku tagay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isagoo indha indheeyay sida ay u socoto dayactika waddada wadnaha oo lagu dhisaayo lacagta canshuurta guryaha caasimada ku yaala ee ay leeyihiin dadka ku nool Muqdisho.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa kula dardaarmay howl wadeenada dhisaayo waddadada wadnaha in dhismaha waddada uu noqodo mid tayo leh oo muddo dheer jira kar isla markaana ay ku nacfiyaan bulshada Soomaaliyed ee hourmar doonka ah, iyadoo intaasi kadib uu guddoomiyaha gobalka Banaadir la hadlay Warbaahinta.

Dhanka kale, duqa magaalada Muqdisho mudane Madaale ayaa waxa uu booqday xarunta kuliyada sportska ee dowlada hoose iyo garoonka Stadium Banaadir, halkaasi oo ay ku tababarayeen ciyaartoyda mataleysa kooxda kubada cagta ee gobalka Banaadir ee uga qeybgali doonta tartanka kubada cagta gobalada dalka oo dhawaan lagu wado in lagu qabto Muqdisho.

Guddoomiyaha sportska ee gobalka Banaadir, Xasan Aadan Yabarow Wiish, ayaa sharxay sida ay ugu diyaargarooben tartanka kubada cagta ee gobalada dalka, isagoo sheegay in ay dadaal weyn sameynayaan ciyaatoyda.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaa uu sheegay in maamulka gobalka Banaadir uu dhiiragalinaayo dhalinyarada Soomaliyed ee hamiga u heyso Sportska.

13438830_1731334683771950_6406932150335551407_n13438848_1731331110438974_3309102459127437714_n13439066_1731330677105684_2924242777981778360_n13494895_1731330787105673_4451188898179699871_n13501762_1731331057105646_7294874026016490189_n13507163_1731331040438981_8974178261220142373_n13507164_1731330980438987_7795856547661008583_n13507210_1731330457105706_254024711168459162_n13508846_1731334120438673_8388324940601947837_n13508969_1731334020438683_6994357269306357099_n13512024_1731333753772043_2583103208038095426_n13516279_1731330593772359_532687149224442938_n13516690_1731330840439001_4259194793619421658_n13524287_1731333923772026_8954234927789959454_n13529170_1731331190438966_8746495497876898870_n13532869_1731330760439009_15025836588977128_n13533039_1731330977105654_8288997462107352593_n13537574_1731331080438977_6826209679514096342_n13557701_1731334417105310_1062675732159661524_n




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip