HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA DICEMBAR 2023-KA

0
Thursday December 28, 2023 - 08:21:11 in Wararka by
  • Visits: 385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 28-KA DICEMBAR 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo Mushaaraad ka Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Md. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shalay ka qeyb galay kulan dadweyne oo ay soo qaban qaabisay Madasha Minbar init iative, isagoo ka jawaabay

su’aalo ay weydiiyeen ka qeybgala yaasha.

Madasha ayaa looga hadlay ma wduucyo xaasaasi ah oo la xiriira talaabooyinka waaw eyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya qaa day sanadka 2023.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka soc day ka jawaabay su’aal la xiriira mushaaraa dka ay qaataan ciida mada xoogga dalka, wa xa uuna tilma amay in ciidamadu ay dadaal ba dan u galeen sidii ay u sugi lahaayeen amniga xilli ay jiraan duruufo adag.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dib u eegis lagu sameyn doono musha araadka cii damada, islamarkaana sare u qaadistooda ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaab ilay Xildhibaan Hodan Xasan

Guddoomiyaha Hay’adda Maar eynta Musii boyinka Qaranka Md. Maxa muud Macallim Ca bdulle, ayaa Shalay xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay Xil dhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiilla da Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha ayaa xildhibaanada uga warbixiyey sameenta dalkeena ka soo gaartay isbeddelka Cimilada, jaw aab celinta hay’adda ka bixisay daad adka iyo fatahaadaha El-Niño ee Gob olada dalka Ku dhufatay iyo dadaalada ay wali wado.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa sheegtay in ay u sameen doonto hay’a dda u Qaraamid( Advocacy) dhinaca Diasporada ah, si hay’adda ay uga cawiyaan gurmadka ay wado.

Musharraxiinta Puntland oo kalsoo nidii kala laabtay guddiga ansixinta xubnaha baarlamaanka

Musharraxiinta madaxtinimada Puntland ayaa ku dhawaaqay inay kals oonidii kala laab teen guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka, ka dib markii ay ku eedee yeen in ay madaxweyne Deni kala shaqeynayaan inuu boobo kuraasta baarlamaanka.

15 musharrax oo ku midaysan bay aan ay soo saareen ayaa waxay ku sheegeen, in caw aaqib xumada ka dhaalata boobka kuraasta baarlama anka, ay qaadi doonaan guddiga xall inta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni.

Musharraxiintu waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu bilaabay inuu suuqa ka qorto xildhibaanada SSC- Khaatumo, islamark aana ay guddiga xallinta khilaafaadku u meel mariyeen. Si looga hortagga boobka kuraasta SSC, Waxay sheegeen in doorashada lagu galo 49 xildhibaan, maaddaama ay sheegeen in madaxweyne Deni uu diiday in heshiis siya asadeed laga gaaro habka ay ku ima anayaan 17-ka xildhibaaan ee SSC- Khaatumo.

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay Shirkado Bajaajle eyda Muqdisho ka qaadayay lacago sharci darro ah

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay rag ma dax ka ahaa Shirkado la sheegay in lacago sharci daro ah ay ka qaadayeen Darwalada Mooto Bajaajta ee ka dhex shaqeysta gudaha magaal ada Muqdisho.

Ragaan oo ay gacanta kusoo dhigeen ciid amada amaanka ayaa maalmahii lasoo dhaaf ay Mooto Baja ajleyda Muqdisho ka qaadayay lacag dhan 27 doolar oo ay ku sheegeen in la gu hubinayo badqabka Mootada, taa soo maa mulka gobolka uu sheegay iney waxba ka jirin.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Salax Carab ayaa war baa hinta u sheegay in ragaan lasoo qabt ay lala tiigsan doono cada alada, islam arkaana la horkeeni doono shaciga.

"Waxaa jiray cabashooyin ka imaanayay Bajaajlayda Muqdisho kaas oo ku aadanaa in laga qaaday lacag ka baxsan lacagihii ku waa jibay ee sharciga ahaa, Lacagahaas oo loogu sheegay in ay tahay Badqabka Mooto oyinka oo dhan $27, Maamulka Gobo lka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar waxa uu caddayn ayaa in wax shaqo ah uusan ku lahayn Lac agah aasi la qaadayay Mootooyinka Bajaajta ah ee ka howlgalla Gobolk aan” ayuu yiri Afhay eenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab.

Afhayeenka ayaa sidoo xusay in maamulka gobolka uusan raali ka aheyn in lacago sharci daro ah oo ka baxsan mida ay horay u dhiibi jireen Bajaajleyda in laga qaado.

Talaabadaan uu qaaday maamulka gobol ka Banaadir ayaa timid kadib markii Bajaajle yda Muqdisho intooda badan ay si adag uga hor yimaadeen una diideen qorshaha cusub ee lagu doonayay in lacagta looga cuno, kuwaas oo ugu baaqay guddoomiyaha gobolka inuu arintan wax ka qabto.

Mas’uulin ka tirsan hay’adaha amn iga oo soo xaadiray kulan ciyaareed u dhexeeya Horseed iyo Heegan

Kulan ciyaareed u dhexeeya kooxaha Kub adda Cagta Horseed iyo Heegan oo kala mata la Ciidamada Boliiska iyo Milatariga ayaa Shal ay lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha Stad ium Muqdisho.

Waxaa u daawasho tagay Ciya artan Mas ’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Dhalinyara da iyo Ciyaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdi Bare, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS Maxamed Cali Xagaa, Wasiiru dowl aha Ho wlaha Guud XFS Bashiir Maxa med Jaamac, Agaasimaha hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliy aha Ciidanka Boliiska Taliyaha Ciidan ka Boliiska iyo masuuliyiin kale.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 4-0 oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalku ugu awood sheegatay xidigaha Heegan ee Ciidanka Boliiska.

Wasaaradda caafimaadka oo Muq disho ku soo bandhigtay cilmi-baar is ku aadan cudurka HIV AIDS

Madasha cilmi-baarisyada oo socon doonto muddo labo cisho ah ayaa maalintii 1-aad lagu soo bandhigey cilmi-baarisyo kala du wan oo laga diyaariyey faafitaanka iyo heerka uu marayo xanuunka HIV AIDs-ka iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga (Hepatitis B virus HBV) iyo xanuunka Isfiilitada (Syphilis) ku waasoo ka mida xanuunada ay la daalaa dhac ayaan qeybo badan oo ka mid ah bulshad eena.

Dhammaan daraasadaha ayaa tilmaam ayey in loo baahan yahay dhimista halista faa fitaanka xanuunada laga diyaariyey Cilmi-ba arisyada kala duwan ee lagu soo bandhigey munaa sabada, waxaana sanadkan daarsad aha lagu soo darey qeybo badan oo aan horey ugu jirin Cilmi-baarisyadii kala duwanaa ee hor ey loo soo ban dhigi jirey, sidoo kale waxaa far ta lagu fiiqey in xanuunka HIV AIDs-ka iyo xanuunada kale ee lagu soo bandhigey Cilmibaarista in lala galo dagaal adag si gabi ahaanba loo ciribtiro.

Maalinta berito ah ayaa qorshu yahay in la soo gebagabeeyo guud ahaan munaasabadda soo bandhiggi dda natiijooyinka cilmi-baarisy ada HIV AIDs-ka iyadoo maalntaa ayaa sidoo kale ajandaheedu qeyb ka yahay in munaasab adda lagu soo bandhigo dooda iyo aragti wad aag daaran yareynta iyo xakameynta xanuun ka HIV iyo sidoo kale xanuunada Cagaar show ga iyo Isfiilitada oo qeyb ka ah Cilmi baarista.

Madasha waxaa kasoo qeyb galay wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulsha da dowladda FS Dr. Cli Xaaji Aadam, xildhib aano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soo maaliya, agaasimayaal, xubno sare oo ka soc dey Hey’adaha kale ee Dowladda, Dhaqaatiir, Cilmi-baarayaal, xubno ka socdey Hey’adaha ka howlgala Sooma aliya ee taageera Caafim aadka iyo marti sharaf kale.


Qarax lagu qariyay qashin oo ka dhacay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maam ulka Gobolka Maxa med Suudi oo Habeen hore warbaahinta kula hadlay Waddada Sodonka ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax lagu soo dhex qariyay qashin oo habeen hore ka dhacay gudaha Muqdisho, ka as oo sababay khasaare soo gaaray muwa adin Soomaaliyeed.

Maxamed Suudi ayaa sheegay in qashin badan oo lagu soo daadiyay laamiga dhex dii sa, lasoogeliyay bac lagu qariyay qarax, kad ibna ay waxy eelo kasoo gaartay hal qof.

Sidoo kale wuxuu ka digay dhibaatada ka dhalan karta qashinka oo si guud marka loo ee go halis ku ah bulshadeenna.

"Qashinka laamiyada lasoo dhiga ayo oo Habeen hore ayaa u dambeysay ay dhibaato kasoo gaartay muwaadin Soomaaliyeed inta qashin bac lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa lasoo dhex-dhigay” ayuu yiri agaasimaha guud ee nadaafadda iyo bilic soo celinta gobolka.

Mudane Maxamed Suudi oo hadal kiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in maamulka go bolka Banaadir uu qaadi doono tallaabo ka dhan dadka sameeyay falalkaasi ee dhibaata da ku haya muuqaalka guud ee caasimada, gaar ahaan dhanka bilicda.

"Dadka noocaas sameynaayo waxaan rab naa inaan halkan digniin uga dirno qashin ya raa laamiga iska dhigaayay lagaama aqbala ayo, wax aad garab siineysaa nabad-diidka” ay uu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacab ka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Banaadir, isaga oo ka dalbaday inay kala shaq eeyaan nadaaf adda iyo bilicda caasimada.

"Reer Muqdisho waxaan leeyahay nadaaf adda guud ahaan iyo gaar ahaan ka shaqee ya” ayuu mar kale yiri agaasime Maxamed Suudi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda olole ballaaran oo uu horkacayo maa mulka gobolka Banaa dir, si ooo horumariyo caasimada iyo dhismayaasheeda.

NISA oo soo qabatay rag ay hore usoo ban dhigtay maleeshiyada Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qar anka (NISA) ayaa gacanta ku dhigtay saddex ka mid ah shaqs iyaad dhawaan tegay deega anada Al-Shabaab joogto, kana soo muuqday muuqaalo ay horey u baahisay kooxda.

Raggan ayaa kasoo mu uqday muu qaalo ay baah isay kooxda, iyaga oo she egaya inay ku biireen Al-Shabaab. Waxaana markii dambe u suurta-ga shay NISA inay gacanta kusoo dhigaan ragg aan, inkasta oo aysan shaacin sida loo soo qabtay.

Muuqaal ay Shalay baahisay warbaahinta dowladda ayey kasoo muuqdeen saddexdan nin, iyaga oo sheegay in markii hore dowladda ay Muqdisho uga qaaday in ay ka qeyb noqd aan ciidamada Macawiisleyda.

"Muqdisho ayaa nagala qaaday anaga oo Macawiisley ahaan naloo wado si aan ula dag aalano Al-Shab aab. Baardheere ayaa tagnay oo sidii ayaa baabuur kaga raacnay Baardhe ere oo waxaa tagnay meel caan ah oo ay Al-Shabaab haystaan,” ayuu yiri mid kamid ah saddexdaan nin ee NISA soo bandhigtay.

Sidoo kale waxay sheegeen in la geeyay Ji lib, kadibna muuqaalka ay baahisay kooxda la ga duubay, hase yeeshe si faah-faahsan uma sheegin sababta rasmiga ah ee ku kaliftay in kooxda raadsadaan iyaga oo Macawiisley ah aan ay dowladda uga waday magaalada Muq disho.

Waxay ka dalbadeen dowladda federaalka Soomaaliya inay cafis u fidiso, maadaama ay bedeleen mowqifkoodii hore ee looga waday Muqdisho, oo ay aadeen dhanka kooxda Al-Shabaab.

"Waxaa rajeynayaa hadda maadaama qal ad galay oo hadafkeyga badalay, aniga oo Ma caawiisley ah oo mowqifkeyga uu ahaa in dalk eyga iyo deegaanadeyda ka xoreeyo haddana aan beddelay mowqifkeyga, oo weliba rag aniga ila mid ah ay Shabaab la xiriireen oo mo wqifkeyga bedeleen waxaa rajeynaa in dowladda Soomaaliya i cafiso.”

Hogaanka SSC Khaatuma oo ku baa qay dagaal ka dhan ah Soomaalila nd

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo oo uu weheliyo Hoggaa miye Ku xigeenka Maa mulka ayaa shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Fulinta Maam ulkaas.

Kulanka ayaa diirr adda lagu saaray xooj inta amniga gud aha iyo adkaynta difaaca. Degaannada iyo deg mooyinka uu ka koo ban yahay Maamulka SSC Khaatuma ee Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Sidoo kale, kulanka ayaa si weyn loogu fa lanqeeyey Kacdoonkii Bulu ugga ahaa ee kal hore ka curtay Caas imadda gobolka Sool eeLaascaan ood. Kacdoon kaas oo dhaliyey nab adda iyo xasilloonida ah Shalay sha cabka reer SSC-KHAATUMO ku naalloonayaan.

Hoggaamiyaha ayaa xusay doorka shar iifka ah ee dhalinyarada SSC-Khaatumo ay ku lahaayeen halganka, iyagoo ahaa ciddii 1aad ee ka dhi idhiday dulmigii deegaanka ay ku hay een Soomaliland, sida lagu sheegay War ka soo baxay Maamulka SSC Khaatuma.

Dhanka kale, Golaha ayaa si wad ajir ah ugu tacsiyeey uguna ducee yey dhammaan Dadkii ku dhintay daga alkii Ciidamada Maam ulka SSC ay degaannada Gobolka Sool kula galeen Maamulka Somaliland.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay shacabka SSC-Khaatumo in ay sanad kaddib markale hirgeliyaan halgan ku wajahan dawlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha nolosha.

Ciidamo gadoodsan oo xirtay wadd ada madaxtooyada Puntland

Wararka naga soo gaaraya magaalada Ga roowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Madaxtooyada maamulka ay isbaaro dhigteen wadada laamiga ah ee gasha mad axtooyada. Waddadan ay xirteen ciidankan ga doodsan ayaa mid muhiim ah oo sidoo kale ay ku yaallaan xarumo dowladeed iyo hoteello waaweyn.

Ciidamadan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa u diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa maamulka inay isticmaalaan wadad an, iyaga oo sheegay in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Madaxweyne Deni ayey ku eedey een inuu mushaarkooda u isticm aalay ololaha doora shada, waxayna sheeg een in aysan arrintaas u dulqaa danayn.

Dhacdadan ayaa waxaa ku baxay saraakiil ka tirsan ciidamada, iyaga oo ku howlan sidii saraakiisha iyo ciida mada gadoodsan loogu qancin lahaa inay furaan wadada muhiimka ah ee ay xirteen, inkasta oo markii hore ay ku ga can sayreen saraakiil madaxtooyada ka soco tay oo isku dayday inay ku qanciyaan in la xalli nayo cabasha dooda.

Dhacdadan ayaa imaneysa maal mo un kadib markii ciidamo maleeshi yaad ah u diide en inay garoonka Garoowe kasoo degto diyaar adda Qaadka keenta magaalada, iyaga oo ka cabanayeen in maamulku cid gaar ah u xiray soo dajinta qaadka loo yaq aano Miirooga ee ka yimaada Kenya.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli Puntland ay aadeyso doorasho uu muran badan hareeyay, uuna markale xilka madaxwe ynaha u tartamayo Saciid Deni, oo xilligaan la gu dhaliilayo in uu ku fashilmay bixinta mushaa raadka shaqaalaha dowliga ah iyo ciidamada, oo aan wax xuquuq ah helin dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay

Somaliland oo ammaro kusoo rog tay Muuq-baahiyaha Universal TV

Xukuumada Somaliland ayaa muuqba ahiyaha Universal Tv ku ammartay in uu joojiyo doodo uu qaban jiray oo ay sheegtay in ay lidi ku yihiin anshaxa suuban.

Ammar ka soo baxay Wa saarada War aafinta ayaa la gu sheegay in muuqbaahiy ahan laga ma mnuu cay doo do uu in mudo ahba qabanayay, kuwaasi oo ku sal lahaa arrimaha qoyska, kuwaasi oo bul shadu ay fikrado kala duwan ka qabeen waxt ark ooda iyo waxyeeladooda.

Haddaba, Universal TV ayaa dhaw aan qa btay dood ku sal leh qabiil iyo qoomiyado, isa ga oo baahiyay dood lagu falanqaynayay qay bo kamid ah qabiillada Soomaaliyeed iyo qoo miyada Oromada, taasi oo ay xukuumadu ku til Shalay wax anshaxa ka baxsan.


Tiro badan oo Shacab Reer Falastiin ah oo Qasa lagu laayay saacado gudahood

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ee Xa maas ay maamusho ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay la dilay dad gaa raya 241 oo qof kuwaas oo sababsad ay weer arada iyo ho wlgallada ciidamada Israa’iil ay ka wadaan Marinka Qasa.

Dhanka kale madaxweynaha Falast iiniyii nta Maxamuud Cabbaas ayaa ku tilmaamay xa aladda Qasa ka jirta "dambi dagaal” oo culus oo laga gala yo dadka reer Falastiin.

Israa’iil ayaa weli ku adkeysanaysa in ay sii wadayso dagaalka ilaa inta ay ka xaqiijineyso hadafka ay ka leeda hay.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii xoogeysanaya waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaaraysa dagaalka iyadoo ay nolosha Qasa-na sii noqoneyso mid sii adkaanayso oo xitaa dadkii waxaa gabaabsi ka ah cunto, biyo nadiif ah iyo dawo.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo Netanyahu la barbardhigay Hitler

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa xasuusiyay in 80 maalm ood ay ka soo waree gatay markii ay bilowdeen weerarada Israa’iil ee Qasa, wuxuuna yiri "Dhammaan qiyamka bini’aadminimada waxaa lagu toogtay indha hayaga hortooda muddo 80 maalmood ah.”

Edogan oo ka ha dlayey sannad-guur ada 100-aad ee TÜB İTAK iyo TÜBA ee Abaalmar inta sey niska, ayaa yidhi, "Waxaan daawan nay dhac dadii garoomada Naasiga Israa’iil ee xeryaha, sax? Waa shaqo caynkee ah tani? Waad ogt ahay, inay si yaab leh uga hadli jire en Hitler.

"Sidu kaga duw an yahay Hitler?” ayuu wey diiyey, isaga oo sii watay sidatan.

"Waa maxay farqiga u dhexeeya adiga iyo Hitler? Kuwani waxay noo for seedayaan inaan dib u eegno Hitler. Ma jiraan wax ka haray ficill ada Netanyahu marka la barbar dhigo kuwii Hitler? Maya. Hitler ma ahayn nin taajir ah. Nin kani waa ka hanti badan yahay Hitler. Waxay taageero ka helaan reer galbeedka, dhamma an taageerada nooc kasta ah waxay ka timaad aa Mar aykanka, dhammaan taageerada as, waxaa lagu dilay in ka badan 20 kun oo reer Qasa ah. "Codka u taagan kuwa dulman waa codkii Turkida Musli miinta ah.”

Israel oo war cusub ka soo saartay mudada uu qaadan karo dagaalka Gaza

Taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Xam aas uu sii socon doono bilo oyin kale oo badan

Madaxa Ciidamada Difa aca Israel (IDF) Herzi Halevi Herzi Halevi ayaa sheegay in dagaalka ka socda wax uu ugu yeeray "aag adag” uu sii socon doono bilo kale oo badan "Waxaa u howlgali doonaa siyaabo kala duwan si guulo loo gaaro. waqti ka dib,” ayuu yiri Taliyaha.

Wasiirka difaaca Yoav Gallant ayaa mar sii horeysay carabka ku adkeeyay dagaal dheer oo soo socda, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay ku jirto dagaal is difaac ah sida uu yiri. dalkana laga soo weeraray jihooyin badan.

Raisel Wasaare Benjamin Netany ahu ayaa Isniintii sheegay in dagaalku uu aad uga fog yahay sida la qiyaasayo, ka dib markii hogaam iyaha Israel uu booqday Gaza markii labaad tan iyo 7-dii October.

Hase yeeshee calaamadahaasi waxay arga gax galiyeen beesha caal amka, iyadoo tirada dadka ku dhintay go’doominta Gaza ay sii kor dhayso.

Tirada dhimashada Gaza ayaa kor u dhaa ftay 20,000, iyadoo ku dhawaad ​​55,000 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasa aradda Caafim aadka Gaza.

Faransiiska ayaa aad uga walaac san ku dhawaaqista Israa’iil ee ah in dagaalka Gaza uu sii xoogeysan doono oo uu sii socon doono muddo dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay Talaa dadii.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saar tay ayay ku cel-celisay baaqeeda ku aaddan xabbad-joojin deg-deg ah, iyadoo sheegtay in duqey maha ay sababeen khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah maalmihii lasoo dhaafay.

Toddobaadkii hore, madaxwey naha Faran siiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay in la dagaallanka Xamaas aysan mac naheedu ahayn duqeynta dadka rayidka ah.

Masuuliyiinta heyadaha Qaramada Midoobay oo loo diiday fiisaha dalka..

Israa’iil ayaa si toos ah u joojin doonta fiisa ha ay siiso shaqaalaha Qaramada Midoobay sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id , afhay eenka Xukuumadda Israel Eylon Levy wuxuu ku eedeeyey saraakiisha QM iney la safteen kooxda Xamaas

"Muddo dheer saraakiisha caalam iga ah waxay eeda u jeedinayeen Israa’iil si ay u qari yaan xaqiiqda falalk a Xamaas.” ayuu yiri afhayeenka

Levy wuxuu xusay in Qaramada Midoobay ay ku guuldareysatay inay cambaareyso Xa maas afduubka iyo dagaalka ay ku soo qaa deen Israel.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, Xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Gute rres waxa uu jeediyay khudbad uu si aan mu gdi ku jirin ugu cambaareeyay weerarka Xam aas, balse wuxuu sheegay inuusan ku dhicin "meel bannaan,” uuna sabab u ahaa caburin 56 sano lagu nhayey Falastiiniyiinta hadalka asoo ay Israel ka carootay

Arday Muslimiin ah oo kunool dalka Ingiriis ka oo lacag u ururinaya Shacabka Falastiin

Arday Muslimiin ah oo da’yar kuna nool ma gaalada Blackburn ee UK ayaa qeyb ka ah ta rtan kubadda cagta ah oo loo qabanayo ard ayda iskuullada. Qorshahoodu waa inay lacag ugu ururiyaan Muslimiinta reer Falastiin ee ku nool Gaza. Waxaa soo agaasimay dhacdadan Hafiz Asif Iqbal iyoHanif Premi oo labaduba kamid ah jamaacada Masji dka Ghosia. Waxa ana qeyb ka ah arday gaaraysa 100 oo ka kala yimid madrasado kala duwan.

"Ujeedkeennu wuxuu ahaa inaan midayno ardayda oo aan xoojinno isdhex-galkooda iyo dabcan kaalinta ay ka qaadan karaan wax-bix inta iyo samafalka,” ayuu u sheegay mid kamid ah qabanqaabiyayaasha wargeyska Lanca shire.

Lacagaha kasoo xerooda cayaarah an wax aa loogu deeqi doon aa wala alaha Falastiin ee ciidamada Yuhu uddu ay ku go’doomisay dagaal aan kala joogsi lahayn oo muddo sadd ex bil ku dhaw socda.

Dad ka badan 20,258 oo qof oo 70% ay yih iin haween iyo carruur ayay ciidamada Yuhuud du ku laayeen guma adkii ay bilaabeen 7 October, waxaana laga cabsi qabaa in khasaar aha inta hadda la og yahay kasii bataan maad aam auu wali gumaadku socdo.

Maxkamad kutaalla Belgium-ka oo 15-sanno oo xabsi ah ku riday Siya asi Idiriss Awaleh

Maxkamad ku taalla dalka Belgium ayaa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay nin ka tirsan siya asiyiinta mucaaradka Jabuuti oo dibad joog ah kaddib markii lagu helay inuu jir dil u gaystay nin ay isku siyaasad ahaayeen oo la garaacay indhahana laga saaray.

Sida lagu sheegay xukunka, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP Talaadadii, Idriss Awaleh, oo 40 jir ah, ayaa lagu helay "jir dil ay qeyb ka aheyd luminta xubin” kadib markii bishii Nove mber 2016 weerar lagu qaaday Liibaan Moustapha Hassan oo 40 jir ah. Eedeysanaha ayaa isla markiiba xabsiga la dhigay kadib markii 15-kii December ay xuk untay maxkamadda racfaanka ee Brussels.

Sida ku cad xukunka, maxkamaddu waxay sheegtay in labada nin ay ku lug lahaayeen si yaasadda mucaaradka Jabuuti, balse ay isku dhaceen intii uu socday khilaaf xooggan oo kooxeed.

Saacadihii hore ee November 6, 2016, taksiile ka shaqeynayay meel u dhow Porte de Namur, oo ah mid ka mid ah degmooyinka ga nac si ee ugu weyn caasimadda Belgium, ayaa wacay booliiska.

Waxa uu arkay Moustapha Hassan oo wad dada dhinaceeda yaalla isaga oo nool, balse aad uga dhiig baxaya isha. Waxaa loo qaaday isbitaalka, wuuna badbaaday balse waa uu aragti beelay.

Moustapha ayaa booliska u sheeg ay inuu ahaa dhibbanaha weerar siyaasadeed.

Ku dhawaad 12 saac kadib, Idriss Awaleh oo ku dhashay Soomaaliya balse haysta dhala shooyinka Jabuuti iyo Holland ayaa tegay isb itaal kale oo ku yaalla Brussels isaga oo ilig uu ka maqan yahay, islamarkaana wejiga dhaaw ac uga yaallo. Halkaas ayaa ka dib lagu xiray.


Muxuu salka ku hayaa khilaafka cusub ee Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga?

Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay xulafada Mareykanka ee Sacuudiga iyo Imaaraatka ay aa saameynaya dad aallada uu Mareykanka ku doonayo in uu kaga hortago weerarada Xuu tiyiinta Yemen ay ku qaadayaan maraakiibta ku socdaasha Badda Cas.

Warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg News oo soo xiganeysa mas’uuliyiinta Yemen iyo Sacuudiga ayaa sheegay in labada dal ku kala aragti duwanaadeen sida ay tahay in looga falceliyo weerarada Xuutiyiinta.

Imaaraatka ayaa doonaya oo taageersan in tallaabo milateri oo ka dhan ah Xuuthiyiinta la qaado, halka Riyadh ay ka cabsi qabto in talaabo noocaas ah ay horseedi karto khatar cusub oo oo wiiqda xabad joojinta jilicsan ee Yemen. Boqortooyadda Sac uudiga ayaa ka walaacsan in talaada militari ay wax u dhinto dedaalka Sacuudiga ee ku aadan in laga gaaro xabad joojin rasmi ah oo ka hirgasha Yemen.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu soo shaac baxo kala aragti duwan aansho u dhax eysa labada dal ee xulafada ah ee Khaliijka Carabta. Waxa mar walba jiray iskaashi dhaqaale, siyaasadeed iyo mid istiraa tijiyadeed oo u dhexeeya Imaaraadka iyo Suc uudiga, kaas oo ku yimi natiijo dabiici ah oo ka dhalatay halka ay ku yaallaan labada dal ee Khaliijka ee jaarka ah iyo isku-xirn aashaha danahooda, iyo caqabadaha guud ee gobolka soo maray.

Laakiin marka la eego in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin labada wad dan ee ugu tunka weyn Golaha Iskaashiga Khaliijka marka la eego baaxadda dhaqaalaha iyo tirada dad ka, waxaa dabeeci ah in uu mararka tartan ka dhexeeyo iyaga, gaar ahaan marka la eego hoggaanka cusub ee dhalinyarada ah ee labda dal, kuwaas oo meelaha qaar himilad ooda iyo damacoogu kala duwan yahay.

Inkastoo guud ahaan tartankan uu ka dhaco daaha gadaashiisa, ayaa haddana wax aa jira xaalado ay isku mararka qaarkood ay iskugu yimaadaan danaha labada dal, taasoo keentay in dadka indha indheeya ay arrimaha as farta ku fiiqaan in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay.

Waxaa laga yaabaa in mid ka mid ah khilaafyadii dhaqaale ee ugu caansanaa ee soo ma ray labaatankii sano ee la soo dhaafay labada dal ay ahayd diidmada Imaaraadku ka soo jee disay soo jeedinta Riyadh ee ah in ay marti geliso xarunta Bankiga Dhexe ee Golaha Iskaa shiga Khaliijka iyo ka bixitaankeeda heshiiskii midowga laca gta Khaliijka taas oo ka qayb qaadatay carqaladaynta mashruuca lagu soo saarayo lacagta khaliijka ee midaysan iyo ban giga dhexe ee xiriirka la leh golaha. July 2021, Sacuudi Carabiya waxay rabtay inay ko rdhiso go’aanka lagu dhimayo wax soo saarka dalalka xubnaha ka ah OPEC Plus, kaa soo lagu waday inuu ku ekaado Abriil 2022, illaa dhammaadka isla sannadk aas si loo mag dhabo khasaaraha ka soo gaaray waddamada xubnaha ka ah natiijada hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha saliidda intii lagu jiray musii badii Covid-19.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Tamarta ee Imaaraatka, Suhail Al Mazrouei, ayaa ku adkaystay inuu kordhinayo saamiga wax soo saarka dalkiisa, isagoo hadallo uu warbaahin ta siiyay ku yidhi: "Ma ahan wax caqli gal ah inaan aqbalno sii socoshada caddaalad-darr ada iyo naf-hurnimada in ka badan intii aan u dulqaadannay oo aan u hurnay,” ayuu yiri ma adaama uu u arkay soo jeedintaasi mid aan cadaalad ahayn, isla markaana ay sababi kar to in wadankiisa uu galo khasaarooyin culus.

Inkastoo heshiis la gaaray bil kadib, hadda na xiisad ayaa taagan, waxaana la isla dhex marayey hadal hayn ku aadan in Imaaraadka uu doonayo inuu ka baxo ururka OPEC Plus, taasoo ay beeniyeen saraakiisha Imaaraatka.

Dr. Charles Dunn, oo ah dublamaa si hore oo Maraykan ah ayaa aamin san in inkasta oo "dhammaan dhinac yadu ay hoos u dhigeen muhiimadda khilaafka, haddana waxay daaha ka qaaday carada Imaaraadku ka qaaday wa xa ay u arkayeen rabitaanka Sucu udiga ee ah inuu xukumo go’aamadii ururka iyo malaha arrimo kale”. Dhacdadan waxaa daba socday xurguf kale oo u dhaxeysay labada dowlado od ee Khaliijka ee siyaasadda ku xooggan, guda ha iyo dibadda OPEC.

Sanadihii la soo dhaafay, Sacuud iga ayaa tillaabooyinka lagu horuma rinayo ilaha dha qaale, dhimista ku tiirs anaanta saliidda, iyo ballaarinta doorkiisa gobolka iyo caalamiga ah ee qaybaha sida kaabayaasha, duulista, dalxi iska iyo isboortiga dardar galiyay, iyadoo la raacayo qaabka hiigsiga horumarinta ee 2030. Waxa ay u muuqatay mid aan laga fursaneyn in ay taasi abuurto tartan u dhexeeya iyaga iyo Imaaraatka in mid walba uu noqdo xarun ganacsi iyo maalgashi oo ah Khaliijka iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Tusaale ahaan, Boqortooyada Sucuudi Car abiya waxay ku dhawaaqd ay horaantii san adkan inay bilaabayso diyaarad cusub, Riyadh Air, oo uu leeyahay Sanduuqa Maalgelinta Dad weynaha ee Sacuudiga. Shirkaddu waxay la tartami doontaa dalalka deris ka la ah Khal iijka, gaar ahaan Emirates Airlines iyo Etihad Airways, maadaama ay rabtay inay duullimaa dyo ku tagto in ka badan 100 goob marka la gaaro 2030-ka.

Khubaradu waxa ay u arkeen caqa bad kale oo dhaqaale oo soo wajahday dalka ay jaarka yihiin ee Khaliijka.

Riyad waxa ay go’aansatay 2021 in ay joojiso mudnaanta kastamka ee la siiyo bade ecadaha laga keeno aagag ga dhaqaalaha xorta ah, taas oo khubaradu ay u arkayeen in ay dhabar jab ku tahay dhaqaalaha Imaaraa dka oo si weyn ugu tiirsan.

Isbaheysiga hore ee Sacuudiga iyo Yemen

Muddo dheer Sacuudiga iyo Imaaraat ka wa xay lahaayeen xiriir dhow oo wan aagsan, ka as oo ah mid ay isku qasba naayeen, maadaama ay arkayeen halis kale oo kaga imaaneysa Iraan. Imaaraatka waxay qeyb ka ahayd isbaheysigii Sacuudigu aas-aasaay sanakdii 2015kii ee sida wadajirka ah ula dagaalamay Kooxda Shiicada ah ee Iraan ku xiran ee Xuutiyiinta, islam arkaas na lagu taa geerayay dowladda Yemen oo dhanka Sacuu diga u janje erta.

Laakiin Sacuudiga iyo Yemen ba lama dhicin qorsha Imaaraatka uu saldhiga militari uga fur anayo Jasiirada Socotra oo ku dhow halka laga galo gacanka carbeed, iyo saldhig militari oo Imaaraatku ka sameyso jasiirada Mayon, oo ku dhow Bab Al-Mandab, marinka mu hiim ka ah ee hadda bartil maameed ah weerarada Xuutiyiinta.

Laakiin labada dal waxaa kale oo ay isku khilaafsan yihiin colaada ka taagan Sudan. Sacuudiga ayaa taag eerada hoggaamiyaha ciidamada qala bka sida ee Sudan Al-Burhan, halka Imaaraatka lagu tuhmayo inay taagee reyaan janaraalka kasoo horjeeda Xemeti.

Saraakiisha labada dhinac waxay marwalba hoos u dhigaan jiritaanka khilaaf ka dhexeeya labada dal ee khaliifka, laakiin khuburadu wa xay u arkaan khilaafka labada dhinac in uu furs ad u yahay Iran iyo kooxaha taag eersan oo ka faa’iideysan kara shaki iyo tuhunka ka dhex jira Sacuudiga iyo Imaaraatka oo loo arko lab ada awood ugu saameynta weyn barriga dhe xe marka laga reebo Iran, islamarkaas na sida weyn u hortaagatan saameynta iyo is-fidinta Iran.

Itoobiya oo iska bixin waysay laca go dayn ah oo lagu leeyahay kana mid noqotaya dalalka…

Dalka Itoobiya oo galay khalalaase siyaa sadeed iyo dagaallo sukeeye ayaa ku guul dar eestay in uu iska bixiyo lacago deyn ah oo la gu lahaa, waxa ayna taasi saameyn ku yeelan doontaa kobac dhaqaale uu dalkaasi sameyn lahaa.

Xukuumadda Ra’isul Wasa are Abiy Axmed ayaa si rasmi ah ugu dhawaa qday Dorr aad in ay awoodi wayday inay iska bixiso daynta la gu leeya hay, iyadoo noqonaysa dalkii sadde xaad ee Afrika ee daynta iska bixin waaya.

Itoobiya ayaana ku guul dareys atay in ay waqtigeeda ku bixiso lacag deyn ah oo $33 milyan oo doolar, waxa ayna Itoobiya fursad u heesatay in lacagtaasi iska bixiso ilaa 26-ka December oo Dorraad ku beegneed.

Xukuumadda Itoobiya ayaana shee gtay in saameyn ku yeeshay cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19 iyo sidoo kale dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gobolka Tigrey ,kaa oo ugu damb eyn soo dhammaaday bishii Nuvember ee sannadkii 2022-kii.

Dalka Itoobiya ayaana noqonaya dalkii sad dexaad oo Afrikan ah oo iska bixin waaya lac agta deynta ah ee lagu leeyahay, waxaana sid aan oo kale horey deyn isaga bixin waayay dalalka Chana iyo Zambia.



"MARKII AANU GARAN WEYNAY WAX KALE OO AAN SAMEYNO, WAXAAN BILOWNAY INAAN JARJARNO OO AAN CUNNO HILIBKA SAAXIBADEENII DHINTAY"


Cimilada goobta ayaa waxay ahayd mid aad u daran oo maalintii kulaylkoodu aad u hooseeyo, habeenk iina qabow iyo baraf aan loo adkaysan karin.

Cimilada goobta ayaa waxay ahayd mid aad u daran oo maalintii kulayl koodu aad u hoos eeyo, habeenkiina qabow iyo baraf aan loo adkaysan karin.

Markii aanu garan weynay wax kale oo aan sameyno, waxaan bilownay inaan jarjarno oo aan cunno hilibka saaxibadeenii dhintay."

Waa hadalka ciyaaryahan dheela kubadda rugby-ga kaas oo u uku qoray warqadiisa uu ku qeexayo shil xun oo ay galeen.

Oktoobar 13, 1972, cayaartoyda kubadda rugby-ga ee Montevideo Old Christian Club ee Uruguay ayaa ka ambabaxay magaalada Santi ago ee caasimadda Chile, iyaga iyo asxaabto oda iyo qoysaskooda si ay ugu qeybgalaan tart an u dhexeeya kooxo dalal kala duwan ka socda.

Gustavo Coco Nicolic ayaa ka mid ahaa Kooxdaas. Markaas 20 jir ayuu ahaa. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Uruguay oo uu la socday ayaa ku burburtay buuraha Andes.

Shilkan ayaa ahaa mid ka mid ah shilalkii ugu layaabka badnaa taariikhda duulimaadya da caalamka, waxaana la yaab uu noqday mar kii uu soo baxay warka shilkan.

Shilkan, ayaa diyaaraddu waxay u kala jabt ay laba qaybood. Diyaaradda ayaa burburt ay kadib markii ay ku dhufatay buuraha Andes joo gga sare ee 3500 mitir oo ka sarreeya heerka badda.

Shilkan ayaa dadkii saarnaa qaarko od ku naf waayeen halka qaar badana ay naftooda ku badbaadiyeen duruufo aad u adag.

Cimilada goobta ayaa waxay ahayd mid aad u daran oo maalintii kulayl koodu aad u hoo seeyo, habeenkiina qabow iyo baraf aan loo adkaysan karin.

Inta badan 40-ka rakaabka ee diyaa radda ayaa ahaa ciyaaryahann ada rugby-ga, qoys askooda iyo asxaa btooda.

Inta badan 40-ka rakaabka ee diya aradda ayaa ahaa ciyaaryahanna da rugby-ga, qoysaskooda iyo asxaa btooda.

Coco Nikolich waxa kale oo uu shilka ku qeexay laba xaraf, Cunista hilibka dadka dhint ay si loo badba adiyo dadka kale ee nool.

Waxay cuneen hilib meydadka saa xiibbadood oo dhintay si ay naftooda ugu bad baadiyaan. Warkan ayaa soo baxay ka dib mar kii soo ifbaxday waraaqda Nikolich. Nikolich waxa uu warqadda ku qoray: ‘Ilaah waxa aan ka baryay in xaaladdan oo kale aanu la kulmin Laa kiin waa ay nagu dhacday waxa yna no qotay inaan iimaan iyo geesinimo la imaano sababtoo ah markaas mayd baa horteena yaal, waxaanu rumaysanahay in Ilaahay me eshaas noo dhigay.

Waxa uu qoray: 'Haddii ay timaado maalin aan jirkayga loo isticmaali doono si aan u bad baadiyo nolosha qof kale, farxad ayaan dare emi lahaa.

Warqadda, Nikolic wuxuu ku sheegay sida diyaaradda meel kale loogu wareejiyay. Waxa uu qoray in cimiladu aanay wanaagsanayn maalin taas. Markaa duuliyihii iyo kaaliyaha du uliyaha ayaa go'aansaday inaysan si toos ah u aadin Santiago. Markii hore waxay ku qasban aadeen inay u socda alaan dhanka koonfureed oo ay mara an jidka ugu dhibka badan. Halk aas oo la rabay in laga gudbo silsiladaha buur aha.

Nikolic ayaa qoray: 'Ma qiyaasi kart aa sida aan u badbaadnay? Haa, wax walba way fiicna ayeen ilaa ay diyaara ddu burburtay. Diyaarad eenu ma aha yn mid aad u wayn wakhtigaas, laakiin waxay ahayd meel fiican oo lagu nasto.

Qarqadda Nikolich

XIGASHADA SAWIRKA,ANDES MUSEUM 1972

Qoraalka sawirka, Waraaqihiisa, Nikolich wuxuu ku shee gay xanuunka uu la kulmay maalintii ugu horreysay ee shilka diyaaradda ka dib.

Waxaan haysanay biyo. Nasiib wanaag wa xaa jiray qasac macaam iisha diyaaradda lo ogu talagalay, laba bax oo nacnac ah, saddex qasac oo kalluun ah, xoogaa shukulaato ah iyo laba dhalo oo wiski ah laakiin intee ayay nagu filnaan kartaa.

Waraaqihiisa, Nikolich wuxuu ku sheegay xanuunka uu la kulmay maalintii ugu horreysay ee shilka diyaaradda ka dib.

Wuxuu qoray: 'Waxaan ku dhimana yaa qa bowgan. Ma adkeysan karo. Waxaan u sheeg ay saaxiibkay Roman Moncho Sibella in aan wajahayno wax aan dhammaad lahayn. Meyd ayaa agteena yaalo. Ma garanayno cidda uu yahay. Kursiga iyo birta dhexdooda nin dhintay ayaa ku jiray. Warqadan, wuxuu ku sheegay inta uu jecel yahay qoyskiisa. Waxa uu qoray in haddii uu nasiib u yeesho inuu ku laabto Montevideo, uu guursan doono gacaladiisa, kaliya ogolaansho iyada ka sugayo.

Ugu dambeyntii wuxuu warqadda ku she egay rajada nolosha. Ciyaart oyda Rugby ee Roberto Canesa iyo Fernando Parrado ayaa socday toban maalmood iyaga oo rajaynaya caawimo. 72 maalmood ka dib burb urka diya aradda, shaqaalaha gurmad ka ayaa badbaa diyay 16 qof oo ku go'doonsanaa buuraha.

Qof kastaa wuxuu mooday in dhammaan rakaabkii ku dhinteen shilkan.

Qoraalka sawirka,Qof kastaa wuxuu mooday in dham maan rakaabkii ku dhinteen shilkan.

Inkastoo aan la ogeyn halka ay ku dhacday diyaaradda, ayaa haddana kooxaha gurmadka waxay dhowr maalmood ku jireen baadi-goob ka rakaabka la la'yahay ee ku hoos jira barafka ah. Madaama aan meelna laga helin, saraaki isha samatabixinta hawada Chile ayaa ku dha waaqay in la hakiyay howlgalka samata bixi nta. Qof kastaa wuxuu mooday in dhammaan rakaabkii ku dhinteen shilkan.

XIGASHO:-BBC

HAMBALYO DHALASHO FARXAD LEH

Hooyo Aamina Xaaji Cumar Raage,

Abti C/lahi Xaaji Cumar Raage, Abti Jaylani

Xaaji Cumar Raage,Abti Mustaf Xaaji Cumar Raage, Aayo Mako Xaaji Cumar Raage, Aayo Saciido Cumar Cali,Ayeyo Mako Maxamud Raage, Aabbe C/qaadir Cabdulle (Baashi) Xus een, Adeer Cabdi Cabulle Xusen (Cabdi Miig), Adeer Axmed Cabulle Xesen (Sancho ), eeddo Xaliimo Cabdulle Xuseen, Caasho Cabdulle Xuseen, Dahabo Cabdulle Xuseen,Mumino Ca bdulle Xuseen, Maryan Cabdulle Xusen, Abba ayo Najma Baashi, Abboowe Cabdullahi Baa shi,Aamino Baashi, Maxamed Baashi, Catuun Baashi, Cabiir Baashi, Maxamed Jeylaani, Fad umo Jeylaani, C/qafaar Jeylaani, Maxam ed Jeylaani, Cumar Cabdi-Shakur, Cumar Jeylaani

Dhammaan Dadkaasi Waxaay Hambalyo Dhalasho Farxad Leh u Dirayaan Qaalid Cism aan Axmed Iyo Naciimo Cabdulqaadir Baa shi oo Gabar ugu dhalatay Duhurnimadii Maa lintii Sabtida oo Taariikdu aheyd 23-ka Dice mbar 2023-ka Magaalada Muqdisho Gabadh aas oo looga Magac Daray Aamino Hodman Qaalid Cismaan Axmed jimcaale waxaay leeyihiin alle haka dhigo tii soo barbaarta oodalkeeda dalkeeda iyo diinteed aba anfacda

Aamiin Aamiin Aamiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip